Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,411
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa uu sheegay in dib u dhac ku yimi qabsoomidii shirka golaha dhaxe ee xisbigaas, waxaanu ka hadlay sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Qarax la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, iyadoo goobta ay gaadheen ciidamada ammaanka oo howl-gallo wada. Ma jirto faah-faahin kale oo qaraxan laga bixiyey, hase ahaatee wadadan ayaa maalmahan dambe waxaa kusoo noq-noqday qaraxyada sidan oo kale ah. Source
  3. Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka ganacsada ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay kaga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya. Guddiga ganacsatada qaadka ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ay iminka u wareejiyeen dalka Itoobiya, haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay. Go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay. Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Kenya dhawaan ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, lana baxday safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasina dib u soo celisay. Waxaa isa soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya shirkadihii shidaal-sahminta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro shidaalka. Qaran News
  4. Qarax la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo wada. Ma jirto faah faahin kale oo qaraxan laga bixiyey, hase ahaatee wadadan ayaa maalmahan dambe waxaa kusoo noq-noqday qaraxyada sidan oo kale ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Uganda Musevini oo wiilkiisa u magaacaabay Xil aad u sareeya Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wilkiisa u magacaabay xilka labaad ee ugu sarreeyo militariga dalkaasi. Janaraal Kainerugaba Muhoozi ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka baddali doono aabihiis Yoweri Museven oo 81 jir ah balse waxaa uu beeniyay inuu damacsan yahay inuu siyaasadda ku biro. Lixdii sano ee ugu dambeeysay,Janaraal Muhoozi waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, hadda waxaa loo magacaabay ninka labaad ee ugu sarreeyo militariga Uganda, waxaa hadda ka sarreeyaa oo kaliya ah aabihiis Yoweri Museveni oo ah madaxa ciidammada qalabka sida. Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha dhanka howlgalada gaarka ah. Waxaa sidoo kale xilalka la dalacsiiyay in ka badan 2,000 sarkaal oo ka ag dhaw janaraal Muhoozi. Qaran News
  6. Carwada bandhigga cuntada ee (Gulfood Expo) oo sanadkiiba mar laqabto ayaa si rasmi ah uga furantay Dubai. Waxa uu bandhiggan socon doonaa illaa 22-ka bishan, iyadoo uu furay wasiirka ganacsiga ee dalka Imaaraadka, Sheekh Hamdan Bin Rashid. Waxaa bandhiggan kasoo qeybgalaya ilaa Shan Kun oo shirkadood, kuwaasi oo halkaa kusoo bandhigaya cuntooyin iyo cabitaanno kala duwan. Soomaaliya waxaa bandhiggan kumatalaya illaa 40 shirkadood oo soo bandhigaya cuntooyinka dalka, iyo badeecadaha sida weyn uu dalka caanka ugu yahay sida Mooska, Liinta, Sisinta, Qumbaha iyo kuwo kale oo badan. Hay’adda Geel ayaa fududeysay in ay ganacsatada Soomaaliyeed halkaasi kusoobandhigaan wax soo-saarkooda, iyadoo dalagyada dalka u raadineysa in suuq wanaagsan ay helaan, ganacsatada ku dhiirogelineysa iney kordhiyaan wax soo-saarkooda. Ms. Charlee Doom waa sarkaal ka tirsan USAID, kana mid ah madaxda GEEL, waxa ay sheegtay in ulajeedka GEEL ay tahaysidii ay u kaalmeyn lahaayeen beeraleyda Soomaaliyeed si ay u kordhiyaan wax soo-saarkooda, looguna heli lahaa suuqyo loo iibgeeyo. Carwadan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya waxa ay sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan. Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaarta magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya. Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaarto Caasimada dalka, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya. Kulanka Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa su’aalo lagu weydiin doonaa wasiirka arimaha dibada Kenya, kaasi oo ku aadan khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya Katoo Metito oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sababta ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ay tahay waxa ay kala socota muranka deplomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wax laga weydiin doono Khilaafka sii xumaanaya ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta la filayay in ay ka doodaan Miisaaniyada sanadkan ee dowlada Kenya, inkastoo arintaasi dib loo dhigay. Khilaafkan deplomaasiyadeed ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoona arintan in badan ay ka hadleen siyaasiyiinta falanqeeya arimaha deplomaasiyadeed.. Caasimada Online Xafiska Nairobi Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan muranada siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujinayaan, sida ay dowladdooda ugu garab taagan yihiin difaaca dallka. Asli Cabdi Xasan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed, bariisamaadkiina qeyb ka aheyd xubnihii la shaqeeyay dowladdii kacaanka ayaa dowladda Kenya ku eedeysay in ay wado damac waali ah, maadaama ay u hanqal taageyso dhul iyo bad aysan laheyn. Hooy Asli ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay Qarankooda ku taageeraan ilaalinta dalka ee bad iyo barriba. Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka ka dhex jira labada dowladood shacabka Soomaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay arrintan, waxa ayna muujiyeen dareen wadaniyad leh oo ay kagag dhiidhinayaan in la damaaciyo dhulkooda. The post Hooyo Soomaaliyeed oo ku baaqday in la taageero Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Qooje Maxamuud guddoomiyaha guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka keena Kenya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay gabi ahaan ay joojiyeen jaadkii dalkaasi. Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadan ay salka ku heyso khilaafka diblomaasiyadeed labada dal. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ganasigooda ay u wareejiyeen dalka Itoobiya, kana soo dhoofsan doonaan qaadka. Arrintan ayaa timid, kadib markii shalay ganacsatada Kenya ay ku hanjabeen in ay joojin doonaan qaadka laga keeno dalkaasi, sababo la xariira khilaafka labada dowladood. The post Ganacsatada Soomaaliyeed Oo joojiyay qaadka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Bujunbura ( SMN) – Madaxweynayaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa magaalada Bujunbura ee xarunta dalkaasi kulan kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhinaca amniga iyadoo lagu wado in dhawaan Burundi ay Soomaaliya kala baxdo kun askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Sidoo kale labada mas,uul ayaa isla soo hadal qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo weliba abuurista iskaashi ganacsi. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Bujunbura ee caasimadda dalka Burundi. Howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in dhamaadka bishan ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi. Ka bixitaanka ciidamadaasi ayaa waxaa saameyn ay ku yeelan doontaa maamulka Hirshabelle oo inta badan ay ka howlgalaan. The post Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Burundi oo ka wada hadlay arrimaha amniga appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keeni jiray qaadka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay iney joojiyeen qaadkii ay ka keenayeen dalka Kenya, islamarkaana suuqaasi ay gabi ahaamba ka maarmeen. Qooje Maxamuud Qeyliye oo ah guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ayaa u sheegay warbaahinta in suuqii Kenya ay ka guureen kuna bedaleen in dalka ay keenaan Qaadka Itoobiya. Waxa uu sheegayin sababtaasi ay tahay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, iyaguna ay diyaar u yihiin iney garab istaagaan dowladdooda. Afhayeenka ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa shalay sheegay iney joojin doonaan Qaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aanay Soomaaliya ka laaban sahmintii shidaalka ee dhowaan la sameeyey. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyaguna hadalkaasi hanjabaadda ah ka duulaya ayaa go’aan adag ka qaatay Qaadkii Kenya, islamarkaana si iskood ah uga joojiyay dalka. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Washington)-16 gobol oo ka mid ah maamullada gobollada Mareykanka ayaa magdhow weydiisanaya maamulka Madaxweyne Donald Trump, ka dib ku dhawaaqiddiisii xaaladda deg degga si uu dhaqaale ugu helo derbi uu doonaayo in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico. Xeer-ilaaliyaasha gobolladaasi oo uu hogaaminay xeer ilaaliyaha gobolka California, ayaa shaley dacwad ka xareeyey maxkamad heer federal ah oo ku taalo gobolka California. Gobolladan ayaa madaxweynaha Mareykanka iyo maamulkiisa ku eedeynaya in xaaladda deg deg ah ee uu madaxweynuhu ku dhawaaqey ay sharci daro tahay, dhibaatana soo gaarsiineyso gobollada iyo dadka ku nool. Madaxda gobolladan ayaa ku eedeynaaya madaxweynaha xaaladda deg degga ah ee ku dhawaaqay ay keeneyso in uu dhaqaale ka qaato mashaariicda la dagaalkan maandooriyeyaasha, dhismayaasha xoogga dalka iyo hay’ado kale oo fulinta amniga ka tirsan. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Cabdi Daa’uud Oo Ka Digay Guddiga Culimada Heer Qaran Somaliland oo la sheegay in dhawaan loo gudbinayo golaha guurtida Somaliland, waxaanu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magalada muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya qaraxa miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Jaamacadda Simad iyo Warshada Biyaha Caafi ee Wadada Warshadaha. Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in uu qaraxaasi geystay,waxana haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu qaraxa dhacayay ku sugnaa meel ku dhow Nawaaxigaas ayaa tegay,iyagoona halkaasi xiray. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Nairobi (SMN) – Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa baajiyay safar wasiirada arrimaha dibadda ee dalkaasi ay ku imaan laheyd Soomaaliya, xilli ay tagaagan tahay xiisad u dhaxeysa labada dal. Guddoomiyaha difaaca iyo xiriirka arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya Katoo Metito ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Monica Jaamac ay wax ka weyndiinayaan sababta keentay in loo yeero safiirkii Kenya, sidoo kalena la ceyriyo kan Soomaaliya. “Waxaan u baahanahay in aan ogaano xaqiiqda rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeysa ayuu yiri”. Mr Metito. Xiisada diblomaasiyadeed ee labadal ayaa cirka isku shareertay, tan iyo markii wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ay Soomaaliya ku eedeysay in ay xaraashtay shidaal ku jira dhulkeeda. The post Safar ay Soomaaliya ku imaan laheyd wasiirka arrimaha dibadda Kenya Oo la baajiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ah u safraya magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweyne Biixi ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, sida ay ii xaqiiyeen ilo xog-ogaal ahi. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed. Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ay warar ay helayso Somalilandtoday sheegay inay ku weheliyaan Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo taliyaha ciidammada qaran Nuux Ismaaciil Taani. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  17. The African Union (AU) on Monday called for gradual and progressive takeover of security responsibilities from the AU Mission in Somalia (AMISOM). The AU Peace and Security Council made the call in a statement issued on Monday following decisions made during its recent meeting on the consideration and adoption of the Concept of Operations (CONOPs) of the AMISOM for 2018 to 2021. AMISOM in November last year developed a document that will provide an effective framework for the gradual transition of security responsibilities to Somalia’s security institutions from the AU mission. The new concept of operations, which guides AMISOM’s activities and operations for the 2018-2021 period, marks the final phase of the AU mission’s transition and eventual exit from Somalia. “The council emphasizes that the successful implementation of the AMISOM CONOPs 2018 – 2021 and the Somali Transitional Plan (STP) will largely depend on the effective generation of the Somali Security Forces required for the gradual and progressive takeover of security responsibilities from AMISOM,” the council said in statement on Monday. The council further underscored continued provision of required trained and equipped personnel by police and troop contributing countries and availability of required and predictable resources for AMISOM’s sustainment to support the Somali government in the implementation of the transitional plan. “The Council calls on the UN and all stakeholders to continue supporting AMISOM and the Somali government in the provision of resources required for the effective implementation of the AMISOM CONOPs 2018-2021 and the (STP),” the statement read. The AU Peace and Security Council meeting on the new CONOPS came as AU mission is expected to downsize its troops by one-thousand by the end of February, in line with the UN Security Council’s resolution, it was noted. UN Security Council’s Resolution 2431 that was adopted in 2018 mainly called for a further reduction in the number of troops, following the first reduction undertaken in December 2017. The post AU urges gradual transition of security roles from its force in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa waxa uu ka hadlay hoggaaminta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo . Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde ayaa qoraal uu arrintaa kaga hadlay soo gaadhsiiyay warbaahinta Somalilandtoday waxa uu ku yidhi sida tan: Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran. Waxaa hubaal Ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo Nin Ku Haftay Siyaasada Hogaamineed ee uu madaxda ka ahaa isla markaana u muuqdo nin aan u madaxbanaaneyn tallada dalka uu madaxweynaha ka yahay. Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee soomaaliya. Madaxweyne farmaajo ficiladiisa hogaamineed waxaa ka muuqda aqoon daro siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta dalkaasi burbur iyo hadimo fool xun. Sommaliya waxay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo inta aan meel dheer laga doonin waxaana badbaado ugu dhow mooshinka ay Farmaajo ka keenen golaha shacabku. Waxaase ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka ee soomaaliya. Waxaana la gudboon golahan in ay shacabkooda u muujiyaan daacadnimo oo dalka ka badbaadiyaan halista soo food saartay. Qoraa:- Cali Warancade Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ammaanay siyaasiyiinta aanu xukuumaddiisa ku darin ee aan mucaaradada kala hor iman. Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ka aamusan xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba sharaf u tahay waxaanu tusaale u soo qaatay wasiirkii caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo madaxweynaha ku wehelinayay dhismeyaal cisbitaalka guud ah oo uu xadhiga ka jarayay. Madaxweyne Biix oo ka hadlayay munaasibadda xadhig ka jaridda ayaa hadalkiisa u dhigay sidan “ Waxaan salaamaya muddakarka ka soo qayb galay halkan ee ajaanib leh ee Somaliland leh ee madax leh ee mijo leh, waxaan gaar u salaamaya bahda caafimaadka oo wasiirkoodu hoggaaminayo iyo maanta oo ay farxad inoo tahay wasiirkii hore Xaglotoosiye oo isna inagala soo qayb galay xafladdan, taas oo sharaf u ah Somaliland. Dadka kale waxaad aragtaan marka xilka laga qaado siiba siyaasiyiinta waa dudaan oo waa mucaaridi jireen, dhammaan wasiirradii halkan laga bedelay waxaa noo sharaf ah xisbi ahaan iyo Qaran ahaanba in nin waliba mushtamaca hawl uu u qabto halkii kaga beegnayd ka galay iyaga oo waayeel ah oo odayaal ahna maanta ay joogaan oo nala shaqaynayaan, marka Xaglotoosiyena waa ku mahadnaqayna iyo dhammaan wasiirradii hore ee sida wacan noola shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo si niyad samaan ah hadalkaasi ugu jeediyay wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo oo aanu badankooda wax xil ah u dhiibin inkasta oo ay ololihiisa door laxaad leh ka soo qaateen waxa kale oo ka aamusan siyaasiyiin miisaan leh oo xukuumaddii Siilaanyo mucaaradad adag kala hor tagay iyo kuwo bilawgii muddo xileedka Madaxweyne Biixi saluugsana. Madasha Siyaasiyiintii horraantii muddo xileedkii madaxweyne Axmed Siilaanyo sameeyay madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka oo mucaaradad ku dhammaystay cirmigii xukuumadda Siilaanyo ayaa ka aamusay hannaanka madaxweyne Biixi wax u wado. Siyaasiyiinta ahna mujaahidiintii SNM ee ay ka mid ka yihiin Xasan Guure Jaamac guddoomiyihii Madasha, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Dhegaweyne, Boobe Yuusuf Ducaale iyo xubno kale ayaa u muuqda in ay mus dambeed u yihiin madaxweyne Biixi lamana oga waxa ay ku kala jeclaysteen Mudane Axmed Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi oo ay ururkii SNM ka wada tirsanaayeen. Waxa xusid mudan in aanu madaxweyne Biixi wax xilal ah ka siin xukuumaddiisa. Waxa kale oo aamusnaanta ku weheliya siyaasiyiintan madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland oo aragtidooda ka dhiiban jiray arrimaha dalka xilligii Siilaanyo. Geesta kale wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo qaarkood oo bilawgii muddo xileedka madaxweyne Biixi mucaaradad ku ibo furay ayaa hadda u muuqda kuwo dib uga aamusay. Maxamed Ibraahin Qabo, Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Cabdillaahi Cukuse iyo xubno kale ayaa hormuud u ahaa siyaasiyiinta bilawgii dhalliilay hoggaaminta madaxweynaha iyaga oo u arkayay in uu ka tashaday markii ay kursiga saareen maaddaama ay kula soo ololeeyeen xilalkii xukuumaddii Siilaanyo. Geesta kale waxay bulshadu is weydiinaysa siyaasiyiin mucaaradka ka tirsan xilligii Siilaanyo oo hadda aan la ogayn in ay mucaarad yihiin iyo in ay muxaafad yihiin maaddaama aanay warbaahinta ka soo muuqan. Telefishanka Saab oo dhawaan warbixin ku eegay siyaasiyiintaas ayaa sheegay in ay ka cudur daartan saxaafadda marka ay isku daydo in ay arrimaha dalka wax ka waydiiso lamana oga waxa ay xeerinayaan. Wargeyska Waaberi oo arrintan u kuur galay ayaa fahansan in siyaasiyiinta qaarkood madaxweynuhu uga soo cawday hadallo ay saxaafadda ka sheegeen sidaasna ay ku go’aansadeen in aanay wax dhalliil ah saxaafadda ka sheegin. Siyaasiyiinta ayaa u muuqda in ay xorriyaddooda ku lumiyeen ixtiraam ay madaxweynaha u hayaan iyaga oo ka mildhaawaya in madaxweynuhu ka cawdo weedhahooda halka dadka siyaasadda odorosa aamminsan yihiin in siyaasiyiinta qaarkood rajo ka qabaan in madaxweyne Biixi magacaabo inta lagu gudo jiro muddo xileedkiisa, islamarkaana uu madaxweynuhu siiyay ishaaro ah in ay xil sugaan. Source
  20. Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa waxa uu ka hadlay shirka golaha dhexe ee la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed arrived in Burundi’s capital, Bujumbura today Monday for an official visit. Somalia’s presidency said Farmajo held talks on the bilateral relations with his counterpart President Pierre Nkurunziza in Bujumbura. Farmajo’s trip comes at a time Burundi is protesting a directive by the African Union’s Peace Support Operations Division that the withdrawal of a further 1,000 troops of the African Union Mission in Somalia (Amisom) come exclusively from the Burundian contingent in Johwar, Hirshabelle State, also known as Sector 5. Last year, Burundi army spokesman Biyereke Floribert argued that the decision to withdraw Burundian troops did not conform with the co-ordination committee of operations in Somalia which states that “the troops will be withdrawn from all the peacekeeping contributing countries. The Burundian army demands a competent authority to ensure that this decision is reconsidered.” The Burundi contingent is the second largest within AMISOM with about 5,000troops. The post Somali president meets with his Burundian counterpart appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa uu sheegay in dib u dhac ku yimi qabsoomidii shirka golaha dhaxe ee xisbigaas. Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu sheegay in shirku qabsoomi doono 25-ka illaa 26-ka bishan labaad 2019. shirka golaha dhexe ayaa hore ugu mudaysnaa inuu qabsoomo 23-ka ilaa 24-ka bishan labaad 2019-ka waxaanu dib u dhacay kaba maalmood wakhtigii loo qorsheeyay Source
  24. Kenyan Foreign Affairs Minister, Monica Juma is expected to appear before the parliamentary Defense and Foreign relations committee on Tuesday. Mrs. Juma who was scheduled to travel to the Somali capital, Mogadishu to resolve a diplomatic row with its neighbor before the parliamentary committee called for clarifications on the matter. Kenya’s National Assembly’s Defence and Foreign Relations Committee chairman Katoo Metito said they want to know the circumstances that led to the summoning of Kenya’s ambassador to Somalia. “We want to get a detailed brief on what really transpired and the way forward,” Metito told the local newspaper by phone on Monday. Nairobi recalled its ambassador to Somalia, Lt. Col (RTD) Lucas Tumbo for consultations on Saturday while ordering Somalia’s Mohamud AhmedNur Tarsan to return to Mogadishu for discussions. Kenya Foreign Affairs PS Macharia Kamau dismissed the claims by sections of the media that his country has expelled Somali envoy in the country saying Kenyan ambassador had only been summoned while his Somalia counterpart had been sent to Mogadishu for consultation. “The action was taken so we can resolve this matter with credible and correct information from both sides,” Kamau tweeted. Nairobi has accused the horn of the African nation of auctioning oil blocks in the disputed maritime border between the two countries, but Somalia has distanced itself from the accusations. The post Kenyan foreign minister delays trip to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay, in guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) uu bixiyay amarka lagu xiray, xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garoowe. Gu’jir ayaa xog aan helnay ay sheegeysa in sababta uu ku sheegay in dowladda Puntland diiddantahay in ol’olaha siyaasadeed ee xisbiyada Soomaaliya uu saamayn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda Puntland ay amar ku bixisay, in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin degaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta Puntland iyo hoggaanka xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaan midkoodna weli ka hadlin, sababaha loo xiray xaruntii xisbigaasi ee magaalada Garoowe, oo ahayd xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada Puntland. Caasimada Online Xafiska Garoowe Caasimada@live.com