-
Content Count
207,411 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diblomaasiyiin ku sugan Itoobiya ayaa shabakada Qarannews u xaqiijiyay in maalinta barito ah uu madaxweynaha Somaliland safar martiqaad ah oo uu ka helay dawlada Itoobiya uu ku tagi doono dalkaasi, waxana ay diblamaasiyiintaasi u xaqijiyeen shabakada qarannews in sidoo kale uu madaxweyne Biixi la kulmi doono madaxweynaha Somaliya Mr Farmaajo oo hada ku sugan dalka Jabuuti oo uu isna ka soo duuli doono. Kulankani ayaa ahaa mid in mudo ahba laga sii shaqaynaaya sida ay wararka aanu helaynaa ay xaqiijinayaan, waxna madaxweynaha Somaliya cadaadis siyaasadeed lagu saaray in uu la kulmo madaxweynaha Somaliland si halkaasi looga sii anba qaado wada hadal rasmi ah oo dhex mara Somaliyadii midowday 1960-kii isla markaasina kala maqan ilaa iyo 1991-kii markaasi oo ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii, dagaalo mudo dheer socday oo lagu hoobtay ka dib. Lamana garan karo waxa kulankaa labada madaxweyne ka soo bixi doona iyada oo labada masuul ay kala taaganyihiin laba mawqif oo aad u kala gadisan,, hase ahaatee wararka aanu helayno ayaa sheegaaya in madaxweyne Farmaajo ay beesha caalamka iyo Itoobiyaba xooga ku saareen in uu qadiariyo doonista shicibka reer Somaliland oo in mudo ahaba iskood isu maamulaayay Qaran News
-
Layliga Shaqo Qaran Waa Midhaha ,Curdinka ah ee 9 Billood dabadeed u soo go,aya JSL iyo Ummadeed. Marka ugu horeysa “Alle ayaa Mahad dhamateed u sugnaatay “. Waa ku Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Hindisa Layliga Qaranka ee Da,yarta Waxbarshada Heerka-sare ah dhamaysatay. Waa Hindisaad u gaar noqonaysa Md Muuse Bixii Cabdi iyo Xukumadisa waanna wax kor u qaadaya Hanaanka iyo Dhisida Qaranka JSL waa na mid laga filaayo Md kasta oo Qaranka Hogaanksisa Qabta inuu la yimaado Hindise iyo Qorshayaal wax ku ool ah o wax ku soo kordhinaya siddii Qaranku hore ugu tallabsan laha ugunna bixi laha baahiya kala duwan ee uu la Nool yahay. Waa ku ixtraamaynaa Md Muuse Bixii Cabdi iyo Xukumada Hindisaha Layliga Shaqo Qaran ee ay Aas aaska ka yihiin waan Halbawle yaasha u baahna in hore wax looga qabto balse alle iyaga ayuu ka dhigay kuwo garta isla markaan ku dhaqaaqa waxa aan leeyahay Alle Ha idinku guuleeyo. Waxa aan ka rajayneynaa in la gaadho hadalka Da,yarta Dalka idil ahaanteed ba ku heli karto Layliga Qaranka mid wax-bartay iyo mid aan Barranba oo kaliya aanu (Layliga Qaranku) ku koobnaan inta fursada u heshay inay helaan Heerka-sare iyo ka Dhexe waxbardhada. Sidda baahida guud ee Da,yartu waa ka weyn tahay inta Waxbaratay, qofka kasta oo Da,yarata ka mid ahina xaq iyo xaquuq ayuu u leeyahay inuu helo Layliga Qaranka ee loo layl yaayo qayb kasta oo waxtar u leh Dalkiisa iyo danta guud ee Shakhsiga. Hindisaha cusub ee Xukumada muuse Bixii Cabdi Hogaamiyaha la timi waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah Qaranka iyo Da,yarta dhinaca kasta oo aad ka eegto. Layligan hadda intii ugu horeysay ay ila Shalay iyo Doraad ka kala soo ambabaxayeen Gobolada Dalka Da,yarta fa,iidooyin badan oo ila inta ay aduunyada noolyihiin wax weyn ka tari karra ayaa at ka hadlayaan xagga caafimaadka Barshada, Shurucada Dalka, Qarannimada iyo Wadanimadu waxay tahay, Isbarashada ay isbaranyaan Da,yarta mid koonfurta dalka ka yimi iyo Galbeed Bariga fog iyo Waqooyi. Waxa iyaduna ku jirta fa,iidooyinka xagga Tabbabarka Qalbiyan ah oo aanay hore uga helin dhamaan Heerarka kala duwan ee Waxbarshada ay soo mareen ama ay dhamaysteen ta ugu weyn waxay tahay in Da,yarata dhamanteed mari doonan intii Diinteenu inagu waajibaysay ay ka mid tahay is-difaacida Shakhsiga ah iyo ta difaacida kale Dalkaga iyo meel kasto aad joogto Dagaalk kugu qabsado sidii aad bad-baadinta naftada isugu dayi lahayd iyo Ummada kale meel kugula sugan aad isugu dayi lahayd inaad bad-baadinta Alle ayaa wax bad-baadiye ee ay u gudan lahyeen wajiibka diiniga ah ee ku waajibay qof kasto oo Muslim gaar ahaan marka u yahay Nin dil-gaar ahi sii saaran yahay. Inta waxa u sii raacaya wax badan oo Dalkooda, ayna ka war hayn bay soo ogaanayaan sidda baahiyo badan oo Qaranku la Nool yahay . Hasa yeeshe Maanta ka dib ay noqonayaan inay wax ka ogyihiin nooc kasta oo baahiyeed kuwa wax ka mid ah waa ognahay si guud in Dalkeenu ku yaal dhul Xasarado badani ka jiraan sidoo kale Ummad ahaan ay fudud nahay inaynu kunna dhiiran nahay waxyaabo badan oo aan waajib ahayn inaynu u gacan haadino si yar oo fudud inta badan waxa dhibaatad ugu badan ka soo gaadha arimaha waa Da,yarta aan Aqoon dheeraad ah u lahayn Falalka kala gedisa ay ku kacaan ama ba ay ka qayb qaatan sababtuna ay tahay waayo aragnimo la,aan iyo Aqoon iyo garasho la,aan awgeed . Marka halka ay Maanta ay u baqooleen ee Layliga Shaqo Qaran waxay ka soo barranayaa Aqoon waafi ah oo dhamaanba wax weyn ka tartan Nolashooda si digtoon iyo fejigan ay Barri uga war-qabayan wax ku waajibay iyo waxan ku waajib hasa ahaatee shalay dhici kartay inay si yar oo fudud ugu dhaqaaqan. Fursadaha Shaqooyinka Qaranka ka banaanada. Da,yarta Layliga Qaranka qaadanaysa waxa ay noqonayaan hadii Alle idmo kuwa ugu horeeya loo qaato Berri ka Maalin marka shaqooyinka ka soo baxaan qaybaha kala duwan ee Dawlada iyo kuwa kale gaar ka loo yahay ba . Waxa furr,e u noqonaya meel kast iyo goob kasta uu Shaqo ka doono Layligan Qaranka ee uu soo dhamaysatay uma baahan doono Xildhibaan ,Oday,Suldaan, Iyo Wasiir ay isku qabiil yihiin waxa uu noqonaya qof walba mid damaanad qaaday Qarankiisu layliskiisa soo qaatay ama soo dhameysatay halka wax ka hirgalaya Kalsooni buuxda oo qof ka da,yarta ahi leeyahay iyo aamin buuxa oo aan shaki lahayn aannu hore u lahayn balse Maanta leeyahay. Waxa aan mar labbada si kal iyo laab ah ugu Hambalyey nayaa dhamaan Da,yarta nasiibka u yeelatay inay noqdaan kuwii ugu horeyey ee lagu furro Layliga Shaqo Qaran Gobolka ay ka yimadeen Alle Ha idinka dhigo Layliga Qaranka ee aad noqonteen kuwii koobad kuwo ka soo baxa kana soo dhalaal sidda ay tahay ee Qarankeen baahida idinku qabo buuxiya dhamanba Kaalmaha kala duwan berri ka Maalin buuxiya aad hadda laydiin sii Tababaraayo. Alle Ha idinka dhigo kuwii Aqoon,Waayo-aragnimo , Isbarasho guud oo idin dhexmarta horseeda. Jamhuuriyada Somaliland Iyo Ummadeed Guul iyo Gobbo-nimo . abokorm@hotmail.co.ukBolton Bolton UK Abokor I Mohamud Alle mahad leh. Qaran News
-
Ilkaha dabarka leh ayaa idilay! Qoomiyadaha aduunka ku dhaqan qolo waliba waxay leedahay waxyaabo iyaga u gaar ah oo dhexdooda ay aad u qadariyaan Una qiimeeyaan, oo ay ka dhigtaan astaan quruxda ka qayb ah. Hadaba Soomaalidu waxay aad u xiiseeyaan oo Qayb quruxda ka mid ah ka dhigaan ilkaha dabarka leh rag iyo haweenba, Ilkahaa dabarka leh inkastoo deegaamo badan oo Soomaalidu degto dadka ku dhaqan laga helo hadana deegaamo ayaa aad ugu badan yihiin dadka ilkaha dabarka lihi sida deegaamada Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag ee Somaliland Taas oo mujtamaca ku nool deegaamada ay Qayb tiro laxaad leh oo bulshada ka mid ahi ay Dabar leeyihiin. Hadaba horta dabarku waa maxay? Maxaa se keena? Sidda culimada saynisku sheegaan Dabarku waa midab dheeha ilkaha ku samaysma, Taas oo ay keento maadada Falooraydh ‘fluoride ‘ marka ruuxu cabo biyo ay ku badantahay maadadaa falooraydhku. Waa maxay Falooraydhku ‘fluoride’ ? Falooraydh-ku waa maado ku jirta lafaheena iyo ilkaheena, waxa siddoo kale si dabiici ah laga helaa oo ay ku jirtaa Biyaha, Carada, DHirta, DHagaxaanta iyo Hawadaba. Falooraydh-ku waxtar iyo waxyeelo labadaba wey leedahay, Wax-Tarka falooraydhka Waxa kamida in ay ilkaha adkayso kana ilaaliso suuska sidoo kale ay dib u kab ilkaha ku samayso, sidaa laajigeed wadamo badan oo maraykanku ku jiro biyaha caadiga ah ee qasabada magaalooyinka ayaa loogu daraa in qiyaasan si dadweynuhu wax tar uga helo siddoo kale dawada lagu Cadaydo iyo ta lagu luqluqdoba waa lagu daraa oo waxtar bay uleedahay fayo-dhowrka afka. Wax-yeelada Falooraydhka Waxa kamida in marka uu ruuxu cabo biyo ay xadi badan oo Falooraydh ku jirto ay ilkuhu dabar yeeshaan oo Sidda culimada saynisku sheegaan in ay ilkihii si sahlan u falfaliidhmaan ama u burburaan, siddoo kale ay lafaha qudhooda waxyeelo u keeni karaan, waxa afka qalaad lagu yidhaa (skeletal fluorosis) sida lafaha oo aan sax u korin ama qaloocsama Sidda kuwa lugaha oo Wagdo noqda. Hadaba Dabarku wuxuu ku dhigaa dadka marka ay cabaan biyo ay Falooraydhku ku badantahay inta ay yaryihiin ee aanay ilko-dhacsan kohor Taas oo noqon karta biyo Falooraydhku ku badantahay inay toos u cabeen ama caano loogu qasay siddaa laajigeed markay ilko dhacsadaan usoo baxaan ilko dabar lahi, Hadaba deegaamo Somaliland ka mid ah ayaa ceelasha laga cabo ay ku badan yihiin maadada Falooraydh-ku Taas oo marka hore iyada oo maadadu biyaha ku jirto ayaa hadana laga yaabaa in dhaxaanta dhulka hoose kaga soo duxayso si saa’id ah siddaa awgeed inay sababto dadka ceelashaa biyahooda ku ababay inay yeeshaan ilko dabar leh oo qurxoon kuwaas oo dadka ku ababay deegaamada ceelashaa ka durugsan ee gobolada kale ee ilkaha cadcadi inay si ay u yeeshaan ilko dabar leh ay aysiidh iyo kaabsool ilkaha marsadaan si dabar u yeeshaan ama ilka-case ama ilko-cas loogu naanayso!!. Se wax walba meeshiisuu mudnaan iyo magac kuleeyey, waatan qurbaha la galay wixii quruxda aynu u naqaanay waatii laysku qoonsaday oo Hablihii ilkaha dabarka dahabiga ah lahaa ee lagu dheegagi jiray iyo wiilashiiba markay qurbaha galeen ee waa maxay waxani? Layidhi halkay u sharixi lahaayeen intay afka gacanta ku dabooleen iga xoqa yidhi ee dabadeed markii quruxda wixii qoomiyad ahaan u ahaa ka qashaafeen ee ilkihii la xoqay ee loo cadeeyey ay qabow iyo kuleel xamili waayey iskadaa wax kaloo neeftii xamili waayey,ee hadana ilkaha ii dadaay ku waashay ee dahaadh faalso ah lagu dahaadhay afkii ilkaha dabarka lehaa ee aan laga ilbidhiqsan jirin ee lagu amaani jiray ee loogu soo hiran jiray ay wax foolal maroodi aad moodo kasoo jeesteen aan la eegi karin! Iyo af gacan lagu hayo uun, maxaa kugu dhacay markaad tidhaahdo waa ilkaha dabarka leh ayaa idilay!, se hubaal waa quruxdii dabarka ahayd adaa dilay ee maad deysatid ilkahaagii dahabka ahaa!. Dabarkuu daa’in ku siiyey Haku doorsan wax laga dido. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Burundi (SMN) – Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi. 3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya. The post War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada MD Farmaajo ee Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Bujumbura (Caasimada Online) – Kulankii ay magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi ku yeeshee madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa laga soo saaray war-murtiyeedka wadajir ah oo ka kooban toddoba qodob. 1. Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal. 2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi. 3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada. 4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab. 5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta. 6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM. 7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya.
-
Bujumbura (PP) ─ Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tagay dalka Burundi ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban toddoba qodob, kuwaasoo diiradda lagu saaray hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Waxaana bayaanka uu u qornaa sidan. 1. Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal. 2. Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi. 3. Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada. 4. Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab. 5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta. 6. Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo qorshaha kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM. 7. Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya. Ugu dambeyn, Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Burundi ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii xilka uu qabtay, waxaana Burundi Soomaaliya ka joogan kumannaan Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran, kaas oo socon doona Sedex Maalin. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulanka, waxaana kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Wakiilo ka socda Maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir. Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Natiijooyinka kasoo baxay Shirar dib u heshiisiin ah oo hore loogu qabtay qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Gobalka Banaadir. Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa wada tashiyo la yeelatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Bartamihii sanadkii tagay 2018, iyadoo kaashaneysa Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir. 14-Wada tashi ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuusamareen, Jowhar iyo Baydhabo, waxaana ka qeyb galay in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dib u heshiisiinta Bulsho, oo u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdulaahi, ayaa ku amaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye Waqtiga uu galiyay howlaha dib-u-heshisiinta mudadii uu xilka hayay, isagoona kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay Shirka kasoo saaraan waxyaabo faa’iido u ah Dhab-u-Hesheesiinta Umadda. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dastuurka XFS Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdulaahi Xamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal iyo Masuuliyiin kale ayaa ka mid ah Masuuliyiinta ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta Dhab-u-heshisiinta Qaran. The post Shirweyne Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maansada Murti-maal oo soo baxday 18.2.2019. Waxay diiradda fogaan aragga ku daah-qaadaysa waydiimaha taagan iyo webintii tagtada dharaarihii inna dhaafay. Sheegmada iyo warinta maansada ayaa tebinaysa taariikh, hordhac, waano, heshiis, midnimo, wada shaqeyn iyo is ahaansho qarannimo. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta qaybo ka mid ah Maansada Murti-maal. Waana sidatan: Midh Abwaan Ku Tashaa, Haddii Uunku Dhageysto, Adduunkoo dhan hagtee, Rashiidow Alif Maanso, Hal-abuur Isir Weeye, Ku Aroora Hideysi, Anna Heedhe Dhankayga, Dhaxalkii Labo Awga, Aslantii Murti-maalka, Agabkii Hiddaheenna, Aflow, Cabdi Warfaa Iyo, Amma Hadalwanaajiyo, Aw Xaadhiyo, Baadcade, Ina Mire, Qamaan Bulxan, Gaariye, Afgudhiyiyo, Axmed Iyo Hadraawiyo, Sayidka Iyo Af-Qalooc, Inta Curisa Suugaan, Xeer-beegti Idilkeed, Geeraar Ku ibbo-furay… Afar kalena Saaxiib, Asaarka Dhaqanka Iyo, Allaylehe Samaantiyo, Is Abaabul Mideynta, Iska Naarka Ibleyska, Ixtiraamka Xil qaadka, Is Ahaansho Xaq-dhawrta, Dib Amqaalka Dareenka, Abti Dawlad Adkeynta, Adigoon ku fogaanin, Alkumaadda u fiirso, Eraygayga ka dheeho, Fasiraadda Ararta, Afeeftiyo hummaaga, Asalkiyo wanaagga.. Askum kii Cabbanaanta, Ku Ujuuro shaqeysta, Arag Kii Habqankiisa Axaddiyo Isniinta, Sabtida Iyo Allaylka, Tirsiga Iyo Aloolka, Ku Aroorka habeenka, Ku Afmeeray dharaarta.. Akram kooxda maqiiqan, Iyo Aadyar Dhaqaaqa, Asbax kii Ummadeyda, Adhaxdeeda Ka dayrshay, Abshir kii dabshigaaga, Is Aqool Kala geynta, Iyo Awliyo diidka, Ama Awga collaadda, Ka Arkaaya dantiisa.. Abyan Iyo Warmoogow, Labo Eef Afmiishaar Iyo Uufaneys Madhan, Alwadkiisa Jaan Iyo, Guntintiyo Urugadda, Gurgurshaa Aqoonliyo, Odayadu Ma Dheegtaan…. Kol kalena Arbow Maqal, Kobta Aragti Maalkiyo, Agihii Hal-beeg Qaran, Hawl Lagu Asteeyaa, La arkaa Is Diidmada, Oo Fulinno Hawleed, Iyo Talo Gorfeynteed, Amma Nooca Loo Qaban, Muran Iyo Is maan-dhaaf, Lagu Oogsadaa Goor, Aniga Iyo aniga iyo, Awood Jiidashadu Iman.. Kol allooska hadeer, Isa Seegga Silloon, Waa La Awday Halkii, Halkii Aaxdu Ku Tiil, Abhin baa Ka Danbeysoo, Ologgii la Yiqiiniyo, La Adkee Dantii Qaran…. Curiye: Jamal A. Muse, Agaasimaha Guud ee W. H. Biyaha JSL. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa maanta marsadda Berbera ku soo kordhisay saddex Wiish oo cusub oo loogu talogalay hawlaha Rarista iyo rogista baddeecadaha ku soo xidha dekeddaas. Cali Xasan Cali (Cawaale) oo ka tirsan Guddida Agaasinka Dekedda Berbera, ayaa tilmaamay in labadii sannadood ee u dambeeyey ay dekeddu ku tallaabsatay horumar ballaadhan, gaar ahaan dhinaca tababarida shaqaalaha iyo qalabka dekeddu ku shaqeyso. Waxaanu intaas ku daray in la geliyey dekedda Berbera lacag gaadhaysa 17 Milyan oo doolar. Cali Xasan waxa kaloo uu tilmaamay in saddexdan wiish ay kor u qaadi doonaan saacadaha dekeddu shaqeyso xiligga xagaaga waxaanu xusay inay hore u shaqeyn jireen 12 saacadood, imikase ay shaqeyn karaan illaa 22 saacadood. Sidoo kalena wuxuu caddeeyey in saddexdan wiish ay ku baxday 10 milyan iyo 400 oo kun oo doolar, isla markaana ay cusub yihiin. Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdilaahi Cabdi Xasan-mataan ayaa sheegay in qalabkan cusub ee dekedda lagu soo kordhiyey uu wax weyn ka tarayo horumarinta adeegyada marsadda. Source
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in amar ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud. Dadka shacabka ee ku nool Bari ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen amarka ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ah in ay bixiyaan lacag ama xoolo, taasi keentay in dadka ay diidaan. Deegaanada arintan ay ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Xiindheere iyo Ceel Garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud. Ilo wareedyo ayaa sheegay in dadka diiday in ay bixiyaan lacago iyo xoolo ay weydiisteen Al-Shabaab la xiray. Dadka la xiray ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa ku dhawaad boqol qof. Al-Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool Bari Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in saddex askari looga dilay duqeyn Al-shabaab ay ku bartilmaameedsadeen horaantii todobaadka saldhigga Balli –Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose. Christopher P. Karns oo ah afhayeenka taliska Mareykanka ee Africom ayaa u sheegay wakaallada wararka u faafisa China ee Xinhua in Al-shabaab faafiyeen warar uu ku tilmaamay dacaayad been abuur ah, iyaga oo sheegtay in ay dileen Askar Maryekan ah. Al-shabaab ayaa iyagu sheegay madaafiic ay ku weerarreen saldhig Mareykanku ku leeyihiin garoonka Balli –Doogle ku dileen Sasddex Askari oo Mareykan ah. Mareykanka, AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waayadii ugu danbeeyay xoojiyay howlgalo cirka iyo dhulka ah oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeya ee taageeradda militari siiya. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Ayaa Kaqeyb Galay Shirka Sanadlaha ah ee Awqaafta kaas Oo ku saabsanaa “Icjaasul Qur’an” oo Lagu Qabtay dalka Ciraaq. Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid qaar kamid ah Madax ka socotay Wadamada Islaamka Iyo Culumaa’udiinka Dunida Islaaamka. Shirkaan oo si heer Caalami ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo dalalka Islaamka u qaabilsan Arrimaha Awqaaafta iyo Diinta, waxaana ugu dambeyn soo xiray Sheikh Calaamatu Dr Cabdiladiif Al-Hamiim. Shirkaan ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, iyadoona Wafdiga dowladda Somalia ee uu hoggaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Madaxda iyo Culumada kale ee ka socday dalalka Islaamka. The post Wasiirka Awqaafta XFS oo shir uga qeyb galay Ciraaq appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in xilligaan ay aad u la dagaalamaan xurridda hadalka oo uu sheegay in dad badan laga hor-istaagay. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta ay dowladdu caburisay oo aysan hadli karin,isaga oo xusay in aan waqtigaan dowlada sidaasi looga baahneyn. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay waajib ka saaran tahay helitaanka xaquuqda Dastuuriga ah ee muwaadinka xaqa uu u leeyahay. “Runtii xilligaan xurriyadda hadalka waxa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd,balse ay la wadaageen madaxda Dowladda si loo yareeyo caburiska lagu haayo Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta Madaxda banaan ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligii uu talada dalka hayay waxaa lagu eedeynayay in uu caburin ku haayay siyaasiyiinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed,waxaana la xiray dhowr mar wariyeyaal iyo Idaacaddo ku yaalla Magalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/jaja.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhagyesato The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee bulshada ku waaniya is-cafinta iyo walaalnimada ayaa Arbacada berri ah ee ku beegan 20 bishan Febraayo 2019 ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Sheekha oo ku caan ah barnaamij la baxay “Cafi walaalkaa” oo bulshada lagu wacyi-geliyo ayaa waayadan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka waday barnaamijkaasi, dad badani ka faa’iidaysteen. Mr Kenyaawi ayaa Puntland u imanaya wacyi-gelin ku saabsan barnaamijkiisa cafiska ee uu hore uga sameeyay magaalada Muqdisho waxaana u qorshaysan in uu maalinta jimcaha ee 22 bishan Febraayo 2019 garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee magaalada Garoowe kula hadlo shacab weynaha caasimadda Puntland islamarkaana ku waaniyo in ay is-cafiyaan. PUNTLAND POST The post Sheekh Kenyaawi oo berri ku soo wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Saddex ka tirsan golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland ayaa Talaadada maanta ah xilka la wareegay. Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Jaamac Faarax Muuse iyo Wasiirka Ganacsiga, Cabdullaahi Cabdi Xirsi. Munaasabado kala duwan, oo lagu qabtay xarumaha wasaaradahaasi, oo ay xilka kula wareegeen wasiirada cusub, ayaa waxaa goob joog ahaa guddiga arrimaha xil-wareejinta ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland. Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa, in xubnaha harsan ee wasiirada cusub ay xilka si rasmi ah ula wareega. PUNTLAND POST The post Qaar kamid wasiirada cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad ah rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad. Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Hargeysa. Bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xirato maamullada ka jira Somaliland, ayada oo toos ula macaamileysa xukuumadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ku dhaawaaqay lacag loogu talagalay Mashaariic hormarineed oo lagu kaalmeynayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lacagtani oo gaaraysa 14 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa la sheegay in lagu xoojin doono nabadeynta, barakayaasha,dib u heshiisiinta iyo hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada dalka. Kulan ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soomaliya Peter De Clerq ayaa lagu soo bandhigay hanaan la’isku raacsan yahay oo lagu filin doono mashaariicdaasi. Sanduuqa nabadeynta Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2009-kii Soomaaliya ku caawiyay lacag garaysa 45 Milyan oo dollarka Mareykanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha QM ay ku taageereyso Soomaaliya. The post QM Oo 14 Miyan ugu deeqday dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors