-
Content Count
207,411 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baardheere (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baradheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia halkaasi lagula eegtay Qarax, kaasi oo waxyeelo ay ka soo gaartay. Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia xiligaasi ay marayeen bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay hakiyeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii xaafadaha magaaada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa ku faafay xaafadaha ku hareereysan waddada bartamaha Magaalada marta ee qaraxyada lagula beegsaday. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada, waxaana ay sheegeen inay ku dileen ciidamo Ethiopian ah. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan C/laahi Maxamed Cismaan oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Khaadkii laga keenayey Kenya uu ka faa’ido badan doono kan Itoobiya, marka loo eego xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay aqoonyahankan in Itoobiya dhankeeda iibsan doonto Kalluunka iyo Khudaarta dalka, taasi oo keeneysa in ganacsiga Labada dal uu sii ballaarto. Kenya ayaa khaadka ay keeneysay waxa ay ku bedalaneysay lacag, islamarkaana ma jirin wax ay dalka ka qaadan jirtay. Aqoonyahankan ayaa ku baraarijiyey ganacsatada Soomaaliyeed suuqooda cusub ee Itoobiya, sheegayna in markaan ay fursado ganacsi heli doonaan dalagyo badan oo dalka ka baxa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/DIBLOMASI-CABDULLAHI-MAXAMED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada Khaadka ee magaalooyinkaasi ay raaceen go’aankii ay qaateen Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inay Khaadka ka keenaan dalka Kenya, iyadoo ganacsatada Kenya ku hanjabeen inay Jaadka Somalia joojin doonaan. Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali Ganacsatada Kismaayo go’aan aysan qaadan inay joojiyaan Khaadka ay ka keenaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka keeni doonaan. Xaawo Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada Khaadka ka keena dalka Kenya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojiyeen Khaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya islamarkaana ay raacsan yihiin go’aankii Ganacsatada Muqdisho. “Waxaan kamid ah Khaadka dadka Kenya ka keensada, waxaan hadda kadib garab taaganahay dowladeyda, waana joojinay inaan Khaadka ka keeno Kenya, dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, kama safan karno qarankeena”ayuu yiri Xaawo Cabdi. “Dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, Kenya inaga kuma noolin ee iyagaa nagu nool, malaayiin doolar ayaa maalin walbaa nagala qaataa, inaga waxba nagama soo galaan”. Kismaayo ayaa Khaadka looga keena doomo dhanka xeebta soo mara, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka soo dajin doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Laba qarax oo xooggan ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya. Qaraxyadan oo ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ayaa la sheegayaa iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, laakiin tiro sax ah lama hayo. Wadada qaraxan uu ka dhacay oo ah waddo muhiim ah oo dadku ay isticmaalan ayaa la sheegayaa in gabi ahaamba ay xireen ciidanka Itoobiya. Qaraxyadan kadib ciidanka Itoobiya ayaa ku faafay, xaafadaha degmada Baardheere, waxaana dadka degaanku ay ka baqayaan dhibaatooyinka soo noq-noqday ee degmadiaasi ka dhaca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qorshaha Aqalka Cad ee nukliyeerka Sacuudiga oo baadhitaan galay Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada. Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer. Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada. Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.Warbixinta guddiga dusha kala socoshada ee Aqalka Wakiillada ayaa xustay in baaritaankan “uu muhiim yahay maadaama oo ay u muuqato in ay socoto qorshaha ay dawladda Maraykanku ay macluumaad xasaasi oo tiknoolajiyadda nukliyeerka ku saabsan kula wadaagayso dawladda Sacuudi Carabiya.” Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay qolyaha quwadda nukliyeerka sameeya 12 Feebaraayo, si uu ugala hadlo warshado loo dhisayo dalal Bariga Dhexe ku yaalla oo Sacuudigu ka mid yahay. Wiilka uu sodogga u yahay Trump oo la taliye u ah Aqalka Cad ayaa lagu wadaa in uu bishan safar ku maro Bariga Dhexe. La taliye Jared Kushner Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay u baahantahay quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo si ay wax uga qabato baahida sii kordhaysa ee korontada. Balse walaacan waxaa qayb ka ciyaara in Iiraan oo ay is hayaan ay samaysanayso tiknoolajid dhanka nukliyeerka ah, sida ay ku warramayaan warbaahinta Maraykanka. Wadahadal hore oo ku saabsanaa tiknoolajiyadda nukliyeerka Maraykanka ayaa dhammaaday ka dib markii uu Sacuudigu diiday in uu galo heshiis ku saabsan in teknoolajiyaddaan aan hub ahaan loo adeegsan doonin, balse waxaa laga yaabaa in maamulka Trump uusan daruuri u arkin heshiiska noocaas ah, sida uu ku warramay ProPublica. Dadka arrintan dhaliishan ayaa sheegaya in haddii Sacuudiga la siiyo tiknoolajiyadda nukliyeerka ee Maraykanka ay arrintaasi horseedi karto loolan halis ah oo dhanka hubka ah oo ka dhaca gobolkaas aan daganayn. Qaran News
-
Dadaalkii Muuse Biixi oo ugu dambeyn miro-dhalay+Abiy oo casuumad rasmiya u fidiyey+Ujeedka Casuumada Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad. Muuse biixi ayaa lagu waddaa Arbacada u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xidhato Somaliland, iyadoo doorbiday inay toos ula macaamisho xukuumadda Muqdisho. Halkan ka Daawo Eedaha joogtada ee Muuse Biixi Ku hurgufo Farmaajaha Muqdisho:- Qaran News
-
Maareeyaha Dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna Riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa Dekad 400 oo Meter ah Bisha August 2020 ka: Waxaan ka halacsday Clip yar oo Yasiin Jaamac Cali oo ka tirsan TVgu uu uga soo diray Bulsho TV Berbera kaasi oo ku saabsanaa Ururka Sodra oo shahaado sharaf sare gudoonsiinaya Maareeyaha dekadda wayn ee Berbera, taasi oo aan la garanayn waxa uu ku mutaysatay. Inkastoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan qaranka Somaliland u qabtay hadana maan fahmin shaqadaa wanaagsan, wax sharaxaad ah oo Dheeraadana kamay bixin laakiin mudooyinkan danbe waxay ka noqotay wax ka caadiya Somaliland inaad aragto shahaado sharaf duulaysa oo meel ay ka socoto iyo si ay u socoto toona aanay cadayn oo aad la yaabayso ka bixinaya iyo ka la siinayo. Eng;Siciid Hassan Abdulahi oo ah Maareeyaha Dekadda ayaa hadal aad moodo inuu mirqaan hadlayo oo uu kolba dhinac u tuurayo ku fatahiyay Mikirifoonkii, kaasi oo aad mar mar moodayso inuu yahay Af-hayeen u hadlaya Waaxda Socdaalka ee Somaliland oo ka sheekaynaya in shaqaale lagu soo tababari doono dalka Imaaraadka, oo bilahan soo socda u bixi doona tababarkaa oo ay ku tagi doonaan Passaport Somaliland oo ay waliba soo saari doonto safaaradda ay Somaliland ku leedahay Imaaraadka. Taasi oo uu ka sii taba tuuray in haddii wadamo kale ay u socdaalayaan dadka reer Somaliland inay qaadan doonaan Passport Ethiopian ama kuwa kale ee aynu jaarka nahay passport-kooda. Waxa kale uu aad ula dhacsanaa wax qabad balaadhan oo dhan walba ah oo uu sheegay inay Imaaraadku inala garab taagan yihiin had iyo jeer hase ahaatee aanu wax faallo ah ku darin. Haddiiba ay wax qabad dhan walba ah inala garab taagan yihiin Imaaraadku maxaa ay ugu fasaxi waayeen muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee doonaya inay u socdaalaan Imaaraadka kuwaasi oo haysta passortka Somaliland ? iyadoo ay waliba Sacad Cali Shire iyo intii hor boodaysay ay heshiis ku sheegii lagu balaadhinayay Dekadda Berbera hore ugu tibaaxeen in passport-ka Somaliland lagu tagi dooni Imaaraadka. Laakiin waxa cadaatay in ah taasina ahayd Dhagax karintii hadba ka kursiga fadhiyaa uu u Karin jiray Shacabka reer Somaliland. Waxa kale oo uu Eng Siciid ku dheeraaday inaan Somaliland la aqoonsanayn, malaha waxaanuu ogayn in aanay taasi shaqadiisa ahayn. ee ay Wasaarad u xilsaarini jirto iyadoo Wasaaradda lafteedu wax fikrad ah ka haysan halka uu Sal iyo Raad dhigay Raadintii aqoonsiga Somaliland kaasi oo kolba meel lagu taro ilaa 27 sanno ee u danbeeyay. Dhulalka uu hadalka Maareeyuhu maray waa uu badnaa, haddana waxa uu duray Xildhibaan Siciid Cartan oo ay beel ka soo wada jeedaan ahna xildhibaan laga soo doortay Berbera oo hal usbuuc ka hor sheegay hadal ah inaanay wax ka soo naaso cadayn dekad 400 oo meter ah oo DP World ka dhisto Berbera. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ayna arintaa waxba ka jirin laguna kala bixi doono bishan February oo la hubsan doono inay heshiis ku sheegaasu run noqdo iyo inuu noqdo been. La hubsayoo Gorayo Haad bay noqotay. isagoo Maareeyuhu ka xanaaqsan hadalka uu Xildhibaan Cartan hore u sheegay oo ahaa in lagu hungoobay qalab la yidhi waxa soo wada Markab oo lagu dhisi doono dekadda cusub ee 400 Meter ah taasi oo uu maareeye Eng; Siciid hore u sheegay oo hadda ku soo gabagaboowday dhawr cagaf oo duugga iyo qalab aan sidaa u sii badnayn oo aan la rumaysan Karin in dekad cusub lagu dhisi doono. Waxa aan la yaabay waxa uu maareeyuhu u difaacayo beenta DP World. waxase run ah in maareeye Siciidkan xiiqsani aanu wali fahmin sida geo-politicka Geeska Afrika isu badalay, isbadalkaasi oo uu horsed ka yahay Abiya Ahmed. Waxa uu maareyuhu aad uga gubtahay hadaladdii Xildhibaan Siciid Cartan inkastoo aanu afka ka sheegin magaca xildhibaanka Haddana waad fahmi karaysay inuu isaga u jeedo haddii aad hadalka Xidhibaanka hore u dhagaysatay. Isagoo oo waliba si qayru masuulnimo ah u hadlayay, si aan looga baahnayn qof masuul qaran ah oo sidiisoo kale ahi inuu u hadlo. Kuye August 2020-ga ayaa faraha laga qadidoonaa dekadii casriga ahayd ee Berbera, iyadoo aanay Shacabka reer Somaliland hore u maqal wax dekad ah oo la bilaabay ugu na war danbaysay maareeyaha oo yidhi qalabkii lagu dhisayay ayaa nagu soo fool leh. Haddana waxaaba la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay. Mareeye marka aan runta kuu sheegno haddii aanu nahay shacabkii Somaliland waxaanu rumaysanay hadalkii Xildhibaan Cartan, hadalkaaguna wax badan kama Duwana kii Sacad Cali Shire uu labo cisho oo isku xigta ku kala waramay wadhi iyo wax loo fadhiyin ee haddii taasi dhab tahay ku martiqaad warbaahinta Somaliland oo soo tus Dekadda la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay ee DP World Somaliland u dhisayso. Markaa aanu ku rumaysanee hadii kale arinku wuxuu kusoo koobmayaa maareeyaha dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa deked 400 Meter ah Bisha August 2020-ka. Qore: Cabdi Muxumed Qaran News
-
Waxaan idiin soo gudbineynaa warka Subaxnimo ee Goobjoog, waxaana akhrinaya, wariyaheenna Aweys Xaaji Nuur Aar. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-20-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wax laga weydiiyay sida ay ka dawlad ahaan u arkaan khilaafkaas diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya oo sababay inay Kenya u yeedhato safiirkeedii joogay Muqdisho, dalkeedana ka saarto safiirka Soomaaliya, wuxuu Wasiir Faratoon yidhi “Arintaasi waa arin labadaas dal u taala, kolay xaaladu siday noqon doonto iyo waxay ku dambayn doonto ma ogin, waxaynu ka faa’idaysanaa ma yaalaan meesha hadeerto.” Wuxuu Wasiirku sheegay inay ka dawlad ahaan isha ku hayaan xiisadda diblomasiyadeed, “Xaaladana waanu eegaynaa oo labada dal bay u taalaa, waxaanu hadda ka nidhaahno khilaafkoodu nooma yaalaan, wixii shalay laga hadlaayey iyo waxa maanta laga hadlaayaa way kala duwan yihiin, arimahooduna way soo degeen.” Dawladda Somaliland ayaa Kenya ku leh xafiis diblomaasiyadeed, waxaanay dawladda Kenya dhawr goor sheegtay inay iyaduna xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weli hirgelin. Wasiirka arrimaha dibadda oo ayaa isagoo ka hadlaya xafiiska Kenya ee Hargeysa wuxuu yidhi “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.” Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeedhatay safiirkeedii Lucas Tumbo. Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaanay bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya Muxuu Salka Ku Hayaa? Dawladda Kenya waxay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo noqonayso safiirkeedii fadhiyay Soomaliya, ayna amartay safiirkii Soomaaliya ee fadhiyay Kenya inu si deg-deg ah uga baxo waddankeeda. Tallaabadaan waxay yaab iyo amakaag ku noqotay dawladda iyo dadwaynaha Soomaalida, waayo ma jirin xiisad wayn oo taagnayd oo u baahnayd in si deg-deg ah wax looga qabto. Way jireen khilaafyo la xiriira badda Soomaaliya oo Kenya damac ka galay ka dib markii ay ogaatay in shidaal badan laga helay. Laakiin arrintaan dacwadeeda waxaa ku jiray maxkamadda caalamiga ah ee ku taal Hague. Sidoo kale, waxaa jiray xiisad ka dhalatay shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka, kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan khayraadka ku jira badda Soomaaliya. Maxaa sababay in Kenya cayriso safiirkii Soomaaliaya, keediina u soo ceshato? Afhayeenka dawladda Kenya wuxuu ku andacooday in Soomaaliya ay dhul ka haysato Kenya isla markaasna xaraashtay khayraad ku jira baddaa Kenya. Afhayeenku wuxuu yiri Soomaaliya waa cadowga koowaad ee Kenya. Sidoo kale, wuxuu shacabka Kenya ku boorriyay inay kacaan oo hal meel uga soo wada jeestaan cadaawadda Soomaaliya. Hadalka afhayeenka ka soo yeeray ma ahayn hadal cabbiraya firkad shakhsi ee wuxuu ahaa mid muujinaya fikirka dawladda Kenya, isagoo waliba ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in shacabka Kenya kacaan. Dadka fallanqeeya siyaasadda waxay aamminsanyihiin inysan Kenya iskeed tallaabadaan u qaadin ee dawlado waawayn ay dabada ka riixayaan, waayo si kasta oo Kenya cadaawad ugu haysay Soomaaliya waxay muujin jirtay siyaasad maldahan oo qarinaysa dareenkeeda, iyadoo isla markaas hoos ka maja xaabinaysa dawladda Soomaaliya. Soomaaliya Ma Dhul-Bad Bay Ka Haysataa Kenya? Soomaaliya dhul iyo bad toona kama haysato Kenya, balse Kenya ayaa waxay haystaa dhul wayn oo Soomaaliya leedahay kaas oo uu Ingiriisku ku wareejiyay Kenya sanadkii 1962-63. Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya waxay bilaabatay ka dib markii ay Kenya ogaatay in shidaal badan ku jiro badda Soomaaliya dhanka xiga xadka labada dal u dhexeeya. Shidaalka Kenya damucu ka galay waxaa sannadkii 1982-dii baaritaan ku helay shirkad Norwegian ah, laakiin soo saaritaankii saliidda ayaa waxaa isku afgaran waayay dawaladdii Soomaaliya iyo shirkaddii baaritaanka samaysay, ka dibna, waa iyadii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxaa la yaab leh in ilaa markii Kenya xorriyadda qaadatay sanadkii 1963-dii ilaa iyo 2009-kii xilligii uu Shiikh Shariif ahaa madxawaynaha dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, aysan Kenya marna sheegan in Soomaaliya dhul ka haysato, laakiin markii ay ogaatay in saliid badan ku jirto badda Soomaaliya ee xuduudkeeda u dhow ayay, aragtayna sida dawladdii Shiikh Shariif oo ku meel gaar ahayd ay u taag darnayd, dagaalladii sokeeya ee waddanka ka socday, hoggaamiye kooxeedyadii fadhigoodu ahaa Nairobi, iyo kala qaybsanaanta dhex tiil shacabka iyo gobollada Soomaaliya ayay ku dhiiratay inay sheegato badda Soomaaliya. iyadoo ka faa’idaysanaysa duruufihii adkaa ee Soomaaliya haystay xilligaas ayaa Kenya fursadahaas heshiis hoosaad la gashay Shiikh Shariif, Raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo wasiirkii qorshaynta qaranka Cabdiraxman Cabdishakuur, oo intuba wali damac siyaasadeed ka leh Soomaaliya, ahna mucaaradka ugu way ee dawladda hadda jirta. Ugu dambayntii Cabdiraxman Cabdisharkuur baa u saxiixay Kenya in si is faham hoose ah Kenya ula wareegto qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Hase yeeshee heshiikaan dawladdii Shiikh Shariif la gaashay Kenya waxaa ka dhiidhiyay oo qaadan waayay shacabkii Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudo iyo dibad. Sidaas ayuuna heshiis hoosaadkii ku fashilmay ka dib markii shacabkii Soomaaliyeed kaceen oo sameeyeen mudhaharaadyo iyo wacyi galin aad u ballaaran. Waxaan halkaan mahad gaar ah mudan madaxwaynihii hore Xasan Shiikh Maxamud oo isagu dacawd ka dhan ah Kenya u gudbiyahy maxkamadda caalamidga ah. Maxkamaddu waxay xukuntay in sheegashada Kenya ayasan haysan daw iyo culays sharci midna, laakiin waxaa la siiyay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhamaystirtaan sheegashadooda. Taana wali waa la sugayaa wixii ka soo bixi doona maxkamadda. soomaaliya ma Cadow bay u tahay kenya? Qof kasta oo Soomaali ah oo aad waraysato wuxuu kuu sheegayaa in shacabka Kenya ay yihiin dad aad u wanaagsan. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Kenya tahay dawlad aysan kala maarmin oo ay aad isugu dhow yihiin, ayna wadaagaan deegaan, dad, ganacsi, iyo maal gashi intaba. Laakiin fikirka Kenya ka qabto Soomaaliya waa mid cuqdad cadaawadeed huwan sidii uu sheegay madaxwaynahii hore ee Kenya. Madaxwayne Arap Moi wuxuu yiri Kenya marna oggolaan mayso in Soomaaliya ka dhisanto dawlad dambe oo awood leh. Sidaas oo ay tahay, Soomaalidu aad ayay u maal gashatay Kenya, cadaawad gaar ah uma hayaan dadka iyo dawladda Kenya midna. Maxay noqon kartaa Saamaynta Dhaqaale, Ganacsi, Iyo Maal Gashi? Haddii khilaafkaan cirka isku sii shareero, dhibaatada dhaqaale badankeedu wuxuu gaarayaa Kenya waayo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal wuxuu u jan-jeeraa dhinaca Kenya oo iyagaa ku faa’ido ganacsi oo aad u badan qaba Soomaaliya. Tusaale ahaan, bil walba waxaa Kenya ka soo gala Soomaaliya boqollaal milyan oo dollar oo ka yimaada qaadka, caleenta shaaha, iwm, oo Kenya u dhoofiso Soomaaliya. Iyadoo la og yahay in wax nacfi ah aan laga helin cunidda qaadka ayaa haddana Soomaalidu malaayiin dollar ku bixisaa bil walba, haddii keenidda qaadka la joojiyana dhibaato wayn oo dhaqaale baa soo gaaraya Kenya. Taa baddalkeeda Soomaaliya wax la sheegi karo uma dhoofiso Kenya, sidaa awgeed dhib dhaqaale oo wayn ma soo gaarayo haddii ganacsiga labada dal istaago. Waxaa kale oo jira ilaa tiro kor u dhaafaysa 30 kun oo shaqaale Kenyaan ah ay ka dhex shaqeeyan Soomaaliya, ha ahaadeen kuwa u shaqeeya, UN-ta, NGO-yada, ama shirkado gaar loo leeyahay. Gudaha waddanka Kenya, waxaa iyana jira kumanaan kun oo Kenyan ah oo u shaqeeya ganacsiyada, iyo degaanada Soomaalida ku nool Kenya Saamayta xiriirk labada dal iyo siyaasadda caalamiga ah Waxaa hubaal ah in dawladda Kenya aysan si fudud u qaadan go’aankaan. Waxaa la aaminsan yahay in dawlado waawayn ay ku lug leeyihiin tallaabada ay qaadaday Kenya. Kenya waxay rabtaa inay Soomaaliya ku cadaasiso inay dacwadda maxkamadda ka noqoto oo wada hadal lagu dhameeyo khilaafka badda. Waxaa kale oo laga yaabaa in Kenya rabto inay cadaadis ku furto go’aan qaadashada maxkamadda caalamiga ah. Balse, waxaa wanaagsanayd in Kenya aysan muquunin iyo cadaadis ku raadin wax markii horeba aysan xaq iyo sharci toona u lahayn. Sidaan hore u soo sheegnay, tan iyo markii Kenya xorriyadda qaadatay ilaa sanadkii 2009-ka marna ma aysan sheegan bad iyo dhul uga maqan Soomaaliya. Haddana xalka badankiisana laga rabaa inuu ka yimaado madaama iyadu ay hor qaadday tallaabadaan. Maxaa la gudboon Soomaaliya? Jawaabta Soomaaliya bixisay ee ahayd inaysan waxba xaraashin waxna xaraashi doonin ilaa maxkamadda caalamiga ah ka soo saarayso go’aankeeda. Tallaabada ay qaadday Kenay waxay ahayd mid ay ugu talo gashay inay ku damiso xiisadda ay abuurtay Kenya, waxay jawaabtii ugu habboonayd ee ay hadda bixin kartay. Waxaase muhiim ah in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay u midoobaan difaaca midnimada, madax banaanida, xuquuqda, iyo xorriyadda dalkooda (dhul, bad, iyo hawaba). Waxaa kaloo muhiim ah in la kala saaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo dawladda, iyo qadiyadda ilaalinta xuduudyada dhulka, badda Soomaaliya, iyo madax banaanida waddanka, xuquuqda dadka Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiinba, gaar ahaan ku nool gudaha Kenya, ha ahaadeen qaxooti, ganacsato, ama Soomaalida Kenya. Gabo-Gabo War iyo dhammaanti, adduunka maanta aan ku nool nahay ninkaan wax dulmin isagaa la dulmiyaa ee waa in aan feejignaanteena sarre u qaadno, had iyo jeerna heegan u ahaanaa ilaalinta danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, anagoo ilaalinayna xuquuqda shucuubta iyo dawladaha aan deriska nahay, laakiin isla markaa aanaan oggolaan xad gudub lagu sameeyo xuduudaha, madax banaanida iyo jiritaanka Soomaaliya. Allow Sahal Libaax Seexday Baa Niman Salaaxeene! Axmed Bashir – bashir163@gmail.com – @bashir1631
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kaluumeysatada Kenya ee ku dhaqan agagaarka harada Magingo ee ismaamulka Migori oo xad wadaag la ah dalka Uganda ayaa eed u jeediyay booliska Uganda oo xanibaad saaray howlahooda Kaluumeysi. Ciidanka Uganda ayaa maalin ka hor waxay ciidan soo dhoobeen harada Magingo oo ah dhul ay ku muransan yihiin Kenya iyo Uganda walow ay si rasmi ah u degan yihiin muwaadiniin u dhalatay Kenya. Gudiga ay ku mideysan yihiin kaluumeysata Kenya ayaa sheegay in markii hore ay cabsi galin kala kulmi jireen booliska uganda balse ay kordhiyeen xariga iyo jirdilka ay u geysanayaan. Waxay ay sidoo kale sheegeen in Uganda ay sheeganeysoin dhulkan uu yahay dhul ay leedahay. Dhulkan ayaa muddo sanado ah ay labadan dal isku haysteen lahaanshihiisa. Si kastaba ha ahaatee shacabka Migori ayaa ku eedeyay dowlada Kenya in aysan ka jawaabin dhibaatada ay booliska Uganda ku hayaan shacabka Kenya. Caasimada Online Xafiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Kulamo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa laga ciyaaray qaarada Yurub. Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo ka kala tirsan Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa kulan xiiso badan ku dhexmaray gagida Anfield ee Liverpool, wuxuu kulankaasi ku dhamaaday barbar-dhac gool la’aan ah (0-0). Bayern Munich ayaa awooday in ay ka badbaado halistii iyo cabsidii ay ka qabtay gagida Anfield, waxayna haysataa fursad weyn, haddii ay gagideeda Allianz Arena guul ku gaarto, halka Liverpool oo mari noqon doonta kulanka dambe ay haysato fursad badin iyo barbar-dhac gool. Kunka lugta labaad ee labadan kooxood ayaa ka dhici doona gagifa Allianz Arena ee Munich, waxaana kooxdii baxda u dugbaysaa wareega siddeed dhammaadka tartankan. Dhanka kale kooxaha Lyon iyo Barcelona oo ka kala tirsan Faransiiska iyo Isbayn ayaa iyana ku kala bixiwaayay goolal la’aan (0-0). Barcelona ayaa fursado badan oo goolal loo filan karay heshay, balse waxay awoodi weyday in ay soo taabato shabaqa Lyon, halka Lyon ay awooday in ay goolkeeda ka difaacato Barcelona oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub. Labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona gagida Barcelona ee Camp Nou. PUNTLAND POST The post Maxaa kala qabsaday Liverpool iyo Bayern, Lyon iyo Barcelona? appeared first on Puntland Post.
-
Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has wrapped up a two-day visit to Burundi, which is one of the troop-contributing nations to AMISOM. The office of the President has released a joint communique following the talks between the two leaders, who agreed on a range of key issues. The post Joint Communique following the State Visit by President Mohamed Abdullahi Farmajo to Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Runti arrinta ka dhex aloosan Dawladaha Kenya Iyo Somalia,Waa arrin u talaa ama ka dhaxaysa labada dal iyo labada dawladood. balse uma taalo mana khusayso Somaliland iyo bulshadadeeda. Sidaa awadeed waa ayaan daro in qaybo ka mida bulshada somaliland ay kaga hadlaan social mediah iyo warbaahinta kalaba, arrintan khusaysa Labada wadan. dhinaca kale waxa nasiib daro ah in bulshadeenu ay ay waxaan dad ahaan iyo dal ahaan dani ugu jirin ay ku dhawacaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka kale ee caalmka . Ugu danbeyn Bulshada somaliland midhban leeyahay, Dawladana midhban leeyahay. Bulshada somaliland waxan leeyahay Dadka somaliyeed Waa wada walaalo, wana daris, laakin wa in aad ogaataan in dadka somaliyeed kala yihiin dalal iyo dawlado, isla markaana dalkasta iyo dawlad kastaa xidhiidho siyaasadeed mid daneed, intaba la leedahay dalal.kale iyo duwalka caalamkaba, hadaba waxa ogaatan in dal kasta oo somaliyeed iyo dadkiisuba waxay si aan qarsoonayn u difaacayan una ilaashanayan danaha iyo xidhiidhada ay la leeyihiin dalaka kale iyo duwalka calamkaba. Marka sida dalalka kale ee somaliyeed iyo dadkooduba u ilaashamaya danahooda gaar ahaaneed, mid xidhiidh iyo mid daneedba Waxa muhiim ah in bulshadeea reer somaliland si lamida sidaa walaahooda kale u ilaashadaan danahooda dal ahaan iyo dad ahaanba. balse ayna dan dalkale u lumin danta dalkooda. Xukuumadana waxan leeyahy fadlan bulshada arrimaha noocan oo kale ah u ishaara ka hor inta anay aragti ku lidi ah danta dalka iyo dadka uga bixin. tusaale, hada waxa is khilaafaya aragtida bulshada somaliland ka bixinayso mawduucan, iyo ta xukuumadu ka qabto, ama ka tidhi mawduucan taasina wa laga wanagsanyahay. dhinaca kale halkan ka taaganahay aragti ahaan ilama haboona in saxaafada somaliland ka hawlgasha inay mawduucyadan siyaasadeed ee ka baxsan dalkeena ama aan dad ahaan iyo dal ahaan midna ina khusayn in ay aragti ka weydiiso bulshada wago dee maba khusaysaba. Axya Wadani Hala Baraarugo. Danta dalkeena iyo dadkeena aya mid walba ka horaysa Marka afcaasheena iyo aragtideenuba wa in ay dabakhda danaheena. Wa bilaahi tawfiiq. Source
-
(SLT-Nairobi)Wakiilka somaliland ee dalka Kenya Baasha Cawil Cumar ayaa ka hadlay xidhiidhka xukuumaday ee soomaaliya iyo Kenya. Baashe Cawil ayaa sheegay in labada dalba ugu baaqay inay wanaag iyo isafgarad ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jira khilaaf soo kala dhex galay labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan xuduuda bada ee ay leeyihiin, arimahan oo kale marka ay dhacaana waxa fiican marwalba oo wanaagsan in isafgarad iyo wanaag lagu dhameeyo.”ayuu yidhi Amb Baashe Cawil oo la hadlay telefishanka dawlada somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu khilaafka waxba u kordhinayn labada dhinac isla markaana ay dajiyaan “Cidna waxba uma tarayo marka khilaafku sidan oo kale u cakirmo waxaanan u rajaynaynaa in labada dhinac ay arinkan dajiyaan oo si maskaxaysan oo isafgarad leh u dhamaystaan khilaafkooda anaguna waanu ugu ducaynaynaa.” Source
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kasoo laabtay dalka Burundi ayaa caawa gaaray Dalka Jabuuti. Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa berri kulmaya si ay ugu wada hadlaan: Xiriirka Labada Dal, Amniga, Siyaasadda, Qorshaha sugidda AMISOM, Dhaqaalaha, Hormarinta iyo Arrimo kale. Kadib kulanka Geelle, Farmaajo ayaa la filayaa inuu usii gudbo dalka Itoobiya, ayada oo sidoo kalena madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi la filayo inuu halkaas u baxo isla berri. Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa waxaa uu imanaya ayada oo Abiy Ahmed uu casuumad u fidiyey labada mas’uul, hase yeeshee ma cadda inay arrintan ku lug leeyihiin dalal kale. Dowladda Turkiga ayaa dhowaanahan waddo dadaalka wada-hadallada labada dhinaca. Kulankan ayaa imanaya ayada oo Muuse Biixi uu dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Ugu horeeyn waxaan salaamayaa bahada saxaafada”ascw”. Ka dib waxaan doonayaa bal in aan wax yar maanta dadka afka somaliga ku hadala, la wadaago khibrada iyo aqoonta aan ka bartay madaxweynaha koonfurta somaliya maxamed cabdilahi farmaajo. Farmaajo waxaa la doortay mudo hada ku siman laba sanno ka hor , waxaan doortay gole loogu yeedhay golaha shacabka oo lagu soo xulay qaaciida’da qabiilka ee loogu yeedho ,4.5. Hadaba akhriste farmaajo tan iyo markii la doortay waa madaxweynahii xukumadahii maqaarsaarka ahaa ee ay somaliyada konfureed yeeshaan, ilaa iyo burburkii somaliyadii hore,ugu dhoofka badnaa! Dhoofkasi oo aan intiisa badan laga keenin guul ama horumar xaga xidhiidhka dunida marka laga tagi waayo sawiro iyo diyaarad la raaco ,oo uu ku baxo qarasha badan oon runtii aan macno u soo kordhin dadka ku dhibaataysan koonfurta somaliya. Ujeedad safarada farmaajo ee dibadu waa kuwo aan lahaeyn macnayaal dhaafsiin istusnimo iyo xafiltan hoose oo somalida dhexdeeda ah iyo wax aan aheyn isla sawir madax kale oo dalalkooda iyo shacabkooda hore umariyey ,xag amni iyo dhaqaale,deganaanba. Waxa aad arkeysa fudaydka farmaajo isagoo xitaa inqilaabey kaalintii reysalwasaaraha koonfurta somaliya ku lahaa siyaasada xaga dibada oo isagu shirkasta iyo meelkasta uga horeeyo oo uu diyaarada uga horqaato. Waxa kale oo iyana meeha ka baxday bixitaankiisa oon laheyn barnaamuj dowladeed iyo maamuus diplomaasiyadeed balse isagu uu meelkasta taaganyahey waxaana gabi ahaanba meesha ka baxey doorkii wasiirka arimaha dibada iyo reysalwasaaraha kooxda muqdisho. Isku soo wada duub,oo intii uu meeha joogay tiraba waxa uu dhoofay in ka badan 20 jeer oonu midna guul ka keenin, marka la bar bardhigo ‘sheekh shariif axmed ‘oo lagu xaman jiray in uu ahaa madaxweynaha ugu dhoofka badan kan ayaa baro ka dheereeyay. Qore:Tahir hussein geesiga244@gmail.com Source
-
Dad badan oo aqoon u leh arrimaha Dhaqaaluhu waxay isweydiinayaan goorta si dhab ah loo arkayo heerka kor u kac Dhaqaale oo lagu tuhmayo Xukuumadda Muuse inay ku abuurtay, waxaanay aaminsan yihiin in Dakhli badani u uruuray Dawladda muddo sanad iyo badh gaadhaysa, maadaama Madaxweynuhu markii uu talada la wareegay uu dhimay kharashaadkii badnaa ee ay Xukuumaddu isticmaali jirtay, miisaaniyadii 2018-kuna ay ahayd mid tashiil iyo gunti-giijis ku dhisan oo aan Mud iyo dheecaan badan lahayn. Su’aallo badan oo la xidhiidha Dakhliga ku jira Qasnadaha dawladda, ayaa maskaxda dadka abla-ableeya Dhaqaalaha ka dhex guuxaya, waxaanay taasi hubaanti ka dhigaysaa jiritaanka in ay Dawladdu kaydisay lacag badan muddadaas , taasina sabab u noqotay hoos u dhac ku yimi wareega dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo nololsha caadiga ah. Hase ahaatee, xilli sidaa loogu dheg-taagayo wakhtiga Xukuumaddu soo bandhigayso qorsheyaal horumarineed oo ay ku maal-gelinayso Kharashaadka isticmaalkooda la joojiyey ee Khasnadaha Dawladda buuxiyey, ayaa waxa mar qudha dhegaha Bulshada ku soo duulay hadal uu jeediyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, kaasoo si walaac ku jiro u beyaamiyey inay Xukuumaddu la daalaa-dhacayso Lacag Deyn ah oo uu qadarkeeda ku sheegay $80 Milyan oo dollar ($80,000,000), waxaana xildhibaanka warkani ka soo baxay, iyadoo uu barbar taagan yahay Wasiirka Horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ay Shir ka soo wada baxeen Xildhibaanka oo kamida Guddi-hoosaadka daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada. Wasiir Sacad iyo Xildhibaan Buubaa keebaa run sheeg ah? Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Xildhibaanka sheegay deynta Xukuumadda lagu leeyahay, si waafi ah uma faahfaahin sida xukuumadda loogu yeeshay lacagta deynta ah, noocyada ama qaybaha ay ka kooban tahay, waxa ay ku iibsatay iyo wakhtiga ay gashay, hase ahaatee waxa uu si kalsooni badani ka muuqato u yidhi “Inyar haddii aan hoos ugu daadego (waxyaabihii aanu wasiirka ka wada hadalnay), in xukuumadda maanta joogtaa ay deyn dhan $80 Milyan oo dollar ($80,000,000) kala wareegtay xukuumaddii hore, iyadoo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga hadlayey xil-wareejintii inaanay xukuumaddii hore wax deyn ah ka tegin, laakiinse ay xukuumaddu iminka la il-daran tahay deyntaas oo culays badan ku hayso”. Wasiir Sacad oo ah Masuul labadii xukuumaddood ee Kulmiye la soo shaqeeyey, una dhuun-daloolla dhinac walba, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo maamulka Miisaaniyadaha, maadaama uu kamid yahay Wasiirradii ugu aqoonta badan labada xukuumaddood-ba, wax jawaaba kama bixin warka xildhibaanku ka dhawaajiyey ee dhegaha bulshada sida onkodka roobka u gilgilay, waxaanu isagoo aad moodo inuu la dhacsan yahay sheegmada warkaas, dhoola-cadeynayana uu yidhi “Deynta Dawladda lagu leeyahay wax cusub maaha. Dawlad aan deyn geline ma jirto waayo? Dakhliga iyo baahida ayaa had iyo jeeraale kala badan, Xisaab-xidh kasta oo baarlamanka loo soo gudbiyo way ku jirtaa deyn, anianigu maan joogin sanadkii 2017-kii Wasaarada oo laba bilood ayaan joogaa, waxaan balanqaaday in miisaaniyada loo maamulo sida sharcigu dhigayo ayaan balanqaaday” ayuu yidhi. Shaki iyo shoog ku dhacay bulshada Hadalka ka soo baxay Xildhibaanka ayaa markii Warbaahinta ka baxay Af kala-qaad iyo yaab ku abuuray Bulshada Somaliland, waxaana ka dhashay dood iyo dareen taageerayaasha Xukuumadda iyo Mucaaridkuba si’ isku dhow u saameeyey oo waydiimo iyo walaac hor leh abuuray, iyadoo su’aallaha shacbiga dhex maaxay ay noqdeen:- Sababta ay Xukuumaddu u qarisay deyntan markii hore ee loo sheegi waayey? Maxaa loo caddeyn waayey qaabka loogu yeeshay deynta intaa le’eeg Xukuumadda tan iminka joogta iyo dawladdii hore? Iyadoo Su’aallahaas iyo kuwo kaleba mujtamaca dhexdiisa ka oogmeen saacado kaddib markii warku dibada u soo baxayba, taageerayaasha Xisbiga Kulmiye-na niyad jab ka qaadeen arrintaas, una muuqato arrin khiyaamo ah, haddii siyaasad ahaan loo qariyeyna ay u arkeen inay Xukuumadda ku tahay “waxaad qarsataaba way ku qarsadaan”, ayaa Wasiir Sacad maalin kaddib shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa wuxuu sheegay in aan haba-yaraatee wax deyn ah Xukuumaddu kala wareegin Dawladdii hore, iyadoo ka hor intaanu maalin kaddib hadlin Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumaddii Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan ay liishaanka u daruurtay jiritaanka lacag deyn ah oo ay Xukuuamdda Muuse ku wareejisay. Waxa ay sheegtay in iska daa Lacag dayn ahe ay xilka wareejisay iyadoo khasnada Xukuumadda lacagi ku jirto. Ex-Wasiir Samsam oo la waraystay isla maalinta warka lacagta daynta ahi soo baxay, ayaa hadalkeedu hoos u dhigay dareenka laga qaaday daynta Xildhibaan Buubaa Sheegay, waxaana Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye si weyn uga cadhoodeen laba Afleynta Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, kaasoo lagu canaantay sababta uu uga aamusay arrintaasi markii uu dhinac taagnaa xildhibaanka, lana liqi waayey beeninta dayntaasi ee uu Warbaahinta kula wadaagay Shacbiga maalin kaddib markii ay sheekadu soo ifbaxday isagoo goob-joog ah. Inkasta oo ay siyaabo kala duwan u arkeen ficilka hore iyo fal-celinta dambe ee Wasiir Sacad , falanqeeyayaasha Siyaasadda Somaliland, haddana waxa jira qodob ay ku mideysan yihiin oo ah in uu lumiyey fursad uu Xukuumadda kaga difaaci lahaa lacagta daynta ah ee lagu faddeexadeeyey, waxa kale oo saluug laga muujiyey qaabka maalin kaddib uu uga hadlay arrintaasi oo aan lafteedu si waafiya u deeqin Bulshada, iyadoo aanay wali jawaabtaasi iyo kuwo kale oo arrinka daynta laga yidhi wadada ka duwin jahawareerka ka taagan lacagta daynta ah. Miisaaniyadaha Dawladda maxaa looga waayey Daynta xaddigaas ah? Marka arrimahaasoo dhan laga yimaado ee lagu soo dhawaado jiritaanka dayn xadigeedu boqol Milyan ku dhawaad yahay oo Xukuumadda Muuse la wareegtay ama iyadaba lagu yeeshay muddada ay talada haysay, waa arrin laf-dhuun-gashay ku ah caqliga iyo garaadka Shacbiga, oo aan wali tibaaxdeeda iyo tuhunkeedu dhinacna u dhaafsiisnayn Carrabka iyo dibnaha Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, haddii ay jirtana u baahan inay waadixiso cidda xogteedu ka soo baxday ama xaqiiqdeeda ka dheregsani. Sababtoo ah? miisaaniyada Dawladda ee saddexdii sannadood ee u dambeeyey kama muuqato dayn miisaankaa leh oo qoondo iyo qorshe kale toona loogu daray, waxase jira Kharashaad xilliga kala wareega Miisaaniyadaha dayn ahaan loo diwaan-geliyo oo ah Biilasha ku soo beegma xilliga kala-guurka ah, taasoo loo yaqaanno biilasha taagan. Deynta noocaas ah, waxa ugu badnaa sida ka muuqata Miisaaniyada 2019-2020 oo ay ku jirto dayn dhan 62,700,000,000Shls oo ka soo wareegtay miisaaniyadii 2018-ka, taasoo u dhiganta marka dollar loo bedelo $6,397,900, waxaana looga qoondeeyey Odoroska Miisaaniyada 2019-ka 3% oo loo jaray. sanadihii ka horeeyey daymaha taagan ee noocan ahi aadbay uga yaraayeen xaddiga sanadkan la socda miisaaniyada sababtu siday doontaba ha noqotee. Shaxda Kharashka Miisaaniyada 2019-ka oo la soo koobay Noocyada Kharashka Miisaaniyada Faahfaahin Sanadka 2019 Percentage Kharashka Shaqaalaha 890,685,828,465 49% Kharashka Hawl-socodsiinta 368,842,270,650 28% 20% Deymaha 62,700,000,000 3% Total 1,823,975,720,000 100% Halkee ayey sirtu ka xidhiidhsami la’dahay Ceeb maaha dawladdu inay dayn qaadato ama ay bixisaa, balse waxa muhiima inay nidaam sharci ah u marto bixinta iyo qaadashadaba, kuna caddeysaa dhiganeyaasha dhaqaalaha dawliga ah. Waxa kale oo daruuri ah inay Golaha Xeer-dejinta la soo mariyo qaadashada daymaha waaweyn ee Xukuumaddu u baahato iyo dalabka kharashaadka aan ku talo-galka ahayn ee uu culayskoodu saameynayo dakhliga Miisaaniyada ku jira, si uu goluhu u qiimeeyo, uguna jaan-gooyo sababta loogu baahday iyo wakhtiga lagu bixin karo. Waxa kale oo iyaduna ah arrin iska cad in aanay Dhaqaalaha Dawladda ku dhex dhuuman Karin ama lagu qarin Karin dayn xadigeedu gaadhsiisan yahay 80 Milyan oo dollar oo ku dhow kala-badh Miisaaniyada Qaranka ee ay dawladdu maamusho. Marka ay sidaa tahay, arrintani maaha mid inta si fudud bulshada loogu soo dhex-tuuray laga gudbi karo’e waa qadiyad u baahan in si waadax ah shacbiga looga qanciyo, dambigeedana lagu ciqaabo cidda yeelata masuuliyada. Maxaa la gudboon Labada dhinac Xukuumadda Madaxweyne Muuse, inkastoo ay is-difaacday oo ay caddeysay in aanay wax dayn ah la wareegin, haddana wali xaalkeedu wuxuu ka dhigan yahay “falaadhi gil-gilasho kaagama ba’do, waxaana falaadha ku taagan fursad siiyey Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo si ay ka noqotayba habka uu ula tacaamulay arrintani dhaawac weyn u geysatay Kalsoonidii iyo sumcadii uu Shacbiga dhexdiisa ku lahaa. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Guddida Golaha Wakiillada ee daba-galka Hantida Qaranka, waxa iyagana looga fadhiyaa inay si hufan shacbiga ugu beyaamiyaan lacagta daynta ah ee ay Xukuumaddii hore ku xidhiidhiyeen, una cadeeyaan qaabka ay ku timi, sida loogu tasarufay iyo sababta loo qariyey, haddii aanay caddeymo u haynin oo warkoodu tuhun iyo wax isu-geyn-geyn ku salaysan yahay-na, waa inay Kalsoonida shacbiga ee ay dhaawaceen dib u dhayaan, una dhabarka ritaan dhibaato kasta oo ay arrintaasi qaranka u geysato. Haddii labadan qodob midna suurto-geli waayo, waxa ay masuuliyadu saaran tahay Golaha Wakiillada oo loo baahan yahay inay Wasiirka Maaliyada ugu yeedhaan fadhi loo dhan yahay, kana waydiiyaan Su’aallo dayntaasi ama marka hore inta ay guddi xaqiiqo raadin ah u saaraan baadhis ku sameeyaan arrintaasi. Baadhis dhamaystiran, kaddib haddii ay soo baxdo dayntaasi waxa Hay’addaha awoodda u leh la gudboon inay Khiyaamo Qaran ku qaadaan madaxda ku lug yeellata ee Kiiskaasi ku cadaado, haddii ay waxba kama jiraan noqoto, dayntuna waa in Golaha iyo Hay’addaha amniguba talaabo ka qaadaan Xildhibaanka warkani ka soo baxay, lana mariyo waxa ay xeerarka dasruurka iyo xeer-hoosaadka Goluhu ka qabaan xildhibaan si ula kas ah u abuuray war Qaranka danihiisa iyo dawladnimadiisa dhaawacaya. Sababtoo, arrintani waxay shaki weyn gelisay bad-qabka Dhaqaalaha Dawladda, xasiloonida dawladnimada iyo Mustaqbalka Qaranka, iyadoo geesta kalena abuurtay walaac soo food-saaray Shirkaddaha dawladda wax ka iibiya, Shacbiga waxqabadka ka sugaya iyo qof kasta oo lexejeclo ka leh Dalka. Waxa kale oo warkani shaki gelin karaa Dawladdaha caalamka ee Somaliland ka caawiya horumarinta iyo kuwa mucaamilooyinka Ganacsi ka dhexeeyo. Ugu dambeyn, waxaan isweydiin mudan Badheedhihii Xildhibaan Buubaa, Baxaa-degga Wasiir Sacad, Jahawareerka Bulshada iyo seef la boodnimada Mucaaridka, midka baaqi ku noqon doona Quluubta Shacbiga? Iyo goorta si xaqiiqada ku salaysan looga xisaabtami doono arrinta si dadweynaha looga dejiyo xumadda ay sababtay ee wali ku muddan. Source
-
Markeynu ufiirsano nuxurka ku duugan nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen 9/5/2016 – “Term Sheets ” in respect of the Concession agreements”. Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee ” Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo Casriyeynta korontada magaalada Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah ( 5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda . 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen. Waxaa kaaga sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maalkii shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn duleedka iyo qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, Boowe ! bal kawarama : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera oo jeeb khaldan ku dhacday, ummadana loogu sheekeeyey mashariic baynu dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ?? 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan. Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuna Wuu arkaayaa ! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Maansada Murti-maal oo soo baxday 18.2.2019. Waxay diiradda fogaan aragga ku daah-qaadaysa waydiimaha taagan iyo webintii tagtada dharaarihii inna dhaafay. Sheegmada iyo warinta maansada ayaa tebinaysa taariikh, hordhac, waano, heshiis, midnimo, wada shaqeyn iyo is ahaansho qarannimo. Hadaba, saaxiibbayaal ila dhugta qaybo ka mid ah Maansada Murti-maal. Waana sidatan: Midh Abwaan Ku Tashaa, Haddii Uunku Dhageysto, Adduunkoo dhan hagtee, Rashiidow Alif Maanso, Hal-abuur Isir Weeye, Ku Aroora Hideysi, Anna Heedhe Dhankayga, Dhaxalkii Labo Awga, Aslantii Murti-maalka, Agabkii Hiddaheenna, Aflow, Cabdi Warfaa Iyo, Amma Hadalwanaajiyo, Aw Xaadhiyo, Baadcade, Ina Mire, Qamaan Bulxan, Gaariye, Afgudhiyiyo, Axmed Iyo Hadraawiyo, Sayidka Iyo Af-Qalooc, Inta Curisa Suugaan, Xeer-beegti Idilkeed, Geeraar Ku ibbo-furay… Afar kalena Saaxiib, Asaarka Dhaqanka Iyo, Allaylehe Samaantiyo, Is Abaabul Mideynta, Iska Naarka Ibleyska, Ixtiraamka Xil qaadka, Is Ahaansho Xaq-dhawrta, Dib Amqaalka Dareenka, Abti Dawlad Adkeynta, Adigoon ku fogaanin, Alkumaadda u fiirso, Eraygayga ka dheeho, Fasiraadda Ararta, Afeeftiyo hummaaga, Asalkiyo wanaagga.. Askum kii Cabbanaanta, Ku Ujuuro shaqeysta, Arag Kii Habqankiisa Axaddiyo Isniinta, Sabtida Iyo Allaylka, Tirsiga Iyo Aloolka, Ku Aroorka habeenka, Ku Afmeeray dharaarta.. Akram kooxda maqiiqan, Iyo Aadyar Dhaqaaqa, Asbax kii Ummadeyda, Adhaxdeeda Ka dayrshay, Abshir kii dabshigaaga, Is Aqool Kala geynta, Iyo Awliyo diidka, Ama Awga collaadda, Ka Arkaaya dantiisa.. Abyan Iyo Warmoogow, Labo Eef Afmiishaar Iyo Uufaneys Madhan, Alwadkiisa Jaan Iyo, Guntintiyo Urugadda, Gurgurshaa Aqoonliyo, Odayadu Ma Dheegtaan…. Kol kalena Arbow Maqal, Kobta Aragti Maalkiyo, Agihii Hal-beeg Qaran, Hawl Lagu Asteeyaa, La arkaa Is Diidmada, Oo Fulinno Hawleed, Iyo Talo Gorfeynteed, Amma Nooca Loo Qaban, Muran Iyo Is maan-dhaaf, Lagu Oogsadaa Goor, Aniga Iyo aniga iyo, Awood Jiidashadu Iman.. Kol allooska hadeer, Isa Seegga Silloon, Waa La Awday Halkii, Halkii Aaxdu Ku Tiil, Abhin baa Ka Danbeysoo, Ologgii la Yiqiiniyo, La Adkee Dantii Qaran…. Curiye: Jamal A. Muse, Agaasimaha Guud ee W. H. Biyaha JSL. Qaran News
-
Qoomiyadaha aduunka ku dhaqan qolo waliba waxay leedahay waxyaabo iyaga u gaar ah oo dhexdooda ay aad u qadariyaan Una qiimeeyaan, oo ay ka dhigtaan astaan quruxda ka qayb ah. Hadaba Soomaalidu waxay aad u xiiseeyaan oo Qayb quruxda ka mid ah ka dhigaan ilkaha dabarka leh rag iyo haweenba, Ilkahaa dabarka leh inkastoo deegaamo badan oo Soomaalidu degto dadka ku dhaqan laga helo hadana deegaamo ayaa aad ugu badan yihiin dadka ilkaha dabarka lihi sida deegaamada Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag ee Somaliland Taas oo mujtamaca ku nool deegaamada ay Qayb tiro laxaad leh oo bulshada ka mid ahi ay Dabar leeyihiin. Hadaba horta dabarku waa maxay? Maxaa se keena? Sidda culimada saynisku sheegaan Dabarku waa midab dheeha ilkaha ku samaysma, Taas oo ay keento maadada Falooraydh ‘fluoride ‘ marka ruuxu cabo biyo ay ku badantahay maadadaa falooraydhku. Waa maxay Falooraydhku ‘fluoride’ ? Falooraydh-ku waa maado ku jirta lafaheena iyo ilkaheena, waxa siddoo kale si dabiici ah laga helaa oo ay ku jirtaa Biyaha, Carada, DHirta, DHagaxaanta iyo Hawadaba. Falooraydh-ku waxtar iyo waxyeelo labadaba wey leedahay, Wax-Tarka falooraydhka Waxa kamida in ay ilkaha adkayso kana ilaaliso suuska sidoo kale ay dib u kab ilkaha ku samayso, sidaa laajigeed wadamo badan oo maraykanku ku jiro biyaha caadiga ah ee qasabada magaalooyinka ayaa loogu daraa in qiyaasan si dadweynuhu wax tar uga helo siddoo kale dawada lagu Cadaydo iyo ta lagu luqluqdoba waa lagu daraa oo waxtar bay uleedahay fayo-dhowrka afka. Wax-yeelada Falooraydhka Waxa kamida in marka uu ruuxu cabo biyo ay xadi badan oo Falooraydh ku jirto ay ilkuhu dabar yeeshaan oo Sidda culimada saynisku sheegaan in ay ilkihii si sahlan u falfaliidhmaan ama u burburaan, siddoo kale ay lafaha qudhooda waxyeelo u keeni karaan, waxa afka qalaad lagu yidhaa (skeletal fluorosis) sida lafaha oo aan sax u korin ama qaloocsama Sidda kuwa lugaha oo Wagdo noqda. Hadaba Dabarku wuxuu ku dhigaa dadka marka ay cabaan biyo ay Falooraydhku ku badantahay inta ay yaryihiin ee aanay ilko-dhacsan kohor Taas oo noqon karta biyo Falooraydhku ku badantahay inay toos u cabeen ama caano loogu qasay siddaa laajigeed markay ilko dhacsadaan usoo baxaan ilko dabar lahi, Hadaba deegaamo Somaliland ka mid ah ayaa ceelasha laga cabo ay ku badan yihiin maadada Falooraydh-ku Taas oo marka hore iyada oo maadadu biyaha ku jirto ayaa hadana laga yaabaa in dhaxaanta dhulka hoose kaga soo duxayso si saa’id ah siddaa awgeed inay sababto dadka ceelashaa biyahooda ku ababay inay yeeshaan ilko dabar leh oo qurxoon kuwaas oo dadka ku ababay deegaamada ceelashaa ka durugsan ee gobolada kale ee ilkaha cadcadi inay si ay u yeeshaan ilko dabar leh ay aysiidh iyo kaabsool ilkaha marsadaan si dabar u yeeshaan ama ilka-case ama ilko-cas loogu naanayso!!. Se wax walba meeshiisuu mudnaan iyo magac kuleeyey, waatan qurbaha la galay wixii quruxda aynu u naqaanay waatii laysku qoonsaday oo Hablihii ilkaha dabarka dahabiga ah lahaa ee lagu dheegagi jiray iyo wiilashiiba markay qurbaha galeen ee waa maxay waxani? Layidhi halkay u sharixi lahaayeen intay afka gacanta ku dabooleen iga xoqa yidhi ee dabadeed markii quruxda wixii qoomiyad ahaan u ahaa ka qashaafeen ee ilkihii la xoqay ee loo cadeeyey ay qabow iyo kuleel xamili waayey iskadaa wax kaloo neeftii xamili waayey,ee hadana ilkaha ii dadaay ku waashay ee dahaadh faalso ah lagu dahaadhay afkii ilkaha dabarka lehaa ee aan laga ilbidhiqsan jirin ee lagu amaani jiray ee loogu soo hiran jiray ay wax foolal maroodi aad moodo kasoo jeesteen aan la eegi karin! Iyo af gacan lagu hayo uun, maxaa kugu dhacay markaad tidhaahdo waa ilkaha dabarka leh ayaa idilay!, se hubaal waa quruxdii dabarka ahayd adaa dilay ee maad deysatid ilkahaagii dahabka ahaa!. Dabarkuu daa’in ku siiyey Haku doorsan wax laga dido. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors