Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,464
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Maaliyada,Axmed Shire oo qaabilay Muse Biixi Daawo Muqaalka soo dhaweynta +Sawirro Qaran News
  2. Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday+Farmaajo Muqdisho ku wajahan Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo oo xalay soo gaadhay Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo ku wajahan Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta u safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. War-saxaafadeed goor dhoweyd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed. Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabinta Kulanka. Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dawladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galaayo ay khasab tahay in dhinac saddexaad goobjoogo ka noqdo. Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay iyagu uun waxooda dhameystaan. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo in Saaka uu Muqdisho soo gaaray jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya. Sida uu mid kamid ah Ganacsatada Jaadka u sheegay Caasimadda Online waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Qaad ka badan midkii maalmihii ugu dambeeyey la geeni jiray Magaalada taasoo wax kama jiraan ka dhigeyso hadalkii ay Shalay sheegeen Ganacsatada Soomaaliyeed. Suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo Qaadka ayaa waxaa lagu arkayaa iyadoo lagu iibinayo midka laga keeno dalka Kenya oo ay Soomaaliya kala dhaxeyso khilaafka siyaasadeed. Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay Shalay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyay inay joojinayaan qaadka, si ay ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya. Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay inay u wareegayaan dalka Itoobiya, si Qaadka uga soo dhoofsadaan. Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya. Lama oga in go’aankan ka soo baxay Ganacsatada Qaadka inuu yahay mid guud, hase ahaatee Ganactsada Qaadka ayaa isugu jira dhowr qeybood oo ah qeyb toos Qaadka uga soo dhoofsada Kenya iyo kuwa ka sii iibsada. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hadalkii Ganacstada Kenya ee ahaa inay joojinayaan Qaadkii ay u diri jireen dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kabenguuriya (SMN) – Saraakiisha Booliska magaalada Kabenguuriya ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 28 qof oo ay ku jiraan Soomaali, kadib markii ay isku dayeen in ay si sharci darro ah ku galaan magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi. Taliyaha Booliska magaalada Kabenguuriya ayaa sheegay in 28-ka ruux ee la xiray ay 23 ka mid ah ay yihiin Soomaali deganaa xerada Kaakuma, halka inta kale ay yihiin dad u dhashay dalka Sudan. Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in dadkan ka soo baxay xerada Kakuma la qabtay, iyagoo saaran gaari Bas ah, islamarkaana ay ku sii jeedeen caasimadda Nairobi. Maamulka xerada qaxootiga ee Kaakuma oo wax laga weydiiyay socdaalka dadkan ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn safarkooda. Dhawaan Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howgallo lagu baacsanayo dadka, sida sharci darrada ah ku jooga Nairobi,si loo adkeeyo ammaanka magaaladaasi. The post Kenya oo dad ay ku jiraan Soomaali ku xirtay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ka baaqday magaalada Addis Ababa oo ay ku kulmi la haayeen Muuse Biixi. Sababta uu u baaqday kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa warar xog ogaal ah sheegayaan in ay la xiriirto xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya iyo kulamo muhiim ah oo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya in uu dhaqso dib ugu laabto Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa qorshuhu yahay in ay goor-dhow u duulaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, markii uu gaarayna waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shade iyo masuuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horey casuumaad ugu fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, oo yeelan lahaa kulan uu garwadeen ka yahay. PUNTLAND POST The post Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday appeared first on Puntland Post.
  6. Pretoria (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay laba ruux oo ahaa ganacsato Soomaali ah loogu geystay magaalada Pretoria ee waqooyiga dalka Koonfur Afrika. Dilka labadan Qof ayaa ka dhacay deegaan ay ku badan yihiin ganacsatada Ajaaniibta ah ee dalkaasi. Magacyada ganacsatada Soomaalida ee la dilay ayaa lagu soo koobay Axmed iyo Cumar, waxaana weeraray rag hubeysan oo damacsanaa in ay boobaan hantidooda. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay falkaasi. Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalka ee K/Afrika, kaas oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim. The post Ganacsato Soomaaliyeed Oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu adaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo kusoo wajahan Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed. Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabin kaliya. Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dowladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galo ay qasab tahay inay dhinac saddexaad goobjoogo ka noqoto. Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay ayaga un waxooda dhameystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Jabuuti (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah. Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Jabuuti iyo Soomaaliya Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Shabelle. View the full article
  9. New York (SMN) -Taliyaha Mareykanka ee AFRICOM Thomas Waldhauser oo warbixin siinayay guddiga xildhibaanada Sanotarada ciidamada Mareykanka ayaa shaacka qaaday in Soomaaliya hormar la taaban karo ay ka sameysay dhanka aminga 10-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Mareykanka uu si dhow ula shaqeeyay beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya, sida QM iyo Midowga Africa. “Dhammaan waxaan xoogga saarnay sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni iyo sidii ay uga soo kabsan laheyd xaaladihii aadka ee soo maray”. Ayuu yiri taliyaha AFRICOM. Thomas Waldhauser ayaa intaasi raaciyay in Mareykanka uu sii wadayo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli sanadkan dowladda Mareykanku ay kor u qaaday howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya. The post Mareykanka Oo bogaadiyay horumarada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal, shirkado iyo hay’addo ajnabi ah. Habracan ayaa la sheegay inuu yahay midka loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso. Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan, Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah, iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray, sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad. Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay heshiisyada lala gelayo Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya
  11. Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xeer ka soo saaray dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada ay gasho dowladda federaalka Soomaaliya. Xeerkan ayaa waxaa looga reebay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda in heshiisyo toos ah ama kuwa dadban ay la galaaan hay’ado ama dalal shisheeye, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka. Sidoo kale xeerka ayaa dhigaya in Heshiisyada la galayo la horgeeyo golaha wasiirada Soomaaliya, kadib marka la soo marsiiyo wasaaradda arimaha dibadda, gaar ahaan waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada caalmaiga ah iyo Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo Habraac u sameysay Heshiisyada appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhagyesato The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa lagusoo dhaweeyey magalada Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo uu deegaanada Puntland socdaal ku yimaado. [...] Source
  14. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo is in Djibouti after concluding his two-day official trip to Burundi. President Farmajo is holding talks with his Djiboutian counterpart, Ismail Omar Geelle on strengthening diplomatic relations between the two nations and cooperation on the trade and security. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo, accompanied by his national security adviser and army officails reached Djibouti capital on Tuesday evening. The president was welcomed by Djibouti Defence Minister, Ali Hassan Bahdoon and other senior governmental officials. Djibouti troops are part of African Union peacekeeping troops serving in sector four in Hiil Walaal operation. The post Somali president in Djibouti for talks with Guelleh appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubbadda Gacanta degmooyinka ku qaatay xarunta degmada Yaaqshiid. Waxaa kulanka daah furay guddoomiyaha DegmadaYaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed,isagoo soo dhaweeyay qorshaha maamulka Isboortiga ee kulamada looga hadlayo horumarinta ciyaaraha degmooyinka gobolka si dhalinyarada iyo shacabka caasimada ay helaan is-dhexgal bulsho iyo isu soo dhawaasho. Kulanka oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee maamulka Isboortiga gobolka, guddoomiyayaasha ciyaaraha degmooyinka oo ay wehliyaan ku xigeenadooda iyo xoghayntooda, waxaana lagu gorfeeyay tartamada heer waax iyo heer laan ee ka socda degmooyinka, qaabka ay ugu diyaargaroobayaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in degmooyinka laga doonayo in ay u dhaqaaqaan qabashada tartamada da’yarta ay da’dooda u dhaxayso 8-15 jir oo aan kaliya lagu mashquulin ciyaartooyda da’da weyn,balse ay sanadkan diirada saarayaan horomarinta iyo dhiiri gelinta da’yarta. Guddoomiye Wiish waxa uu dhanka kale tilmaamay in sanadkan maamulka Gobolka ay ka go’an tahay in sare u qaadaan isboortiga heer aqoon, heer tartan loona qaban doono koorsooyin la xiriira qaybaha aas-aasiga ee Isboortiga, waxuuna ugu dambaynti howlwadeenada isboortiga degmooyinka kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu soo diyaargaroobaan ciyaaraha kubbadda gacanta degmooyinka 2019. Halkan Ka Daawo Sawiradii kulan looga hadlayo diyaargarowga ciyaaraha kubadda Gacanta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd u dhoofay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Berbera)-Nin Jacayl Ku Dhacay Dartii Hoy Uga dhigtay Moofadi Cilmi Boodhari Kana Sheekeeyay Jacaylka Ku Dhacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ayaa ka hadlay xiisadda diblomaasiyeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Faarax Macallin oo ka qeyb galay barnaamij uu qabtay taleefishinka Ebru TV ee dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Kenya ay xiriirka ugu jartay Soomaaliya uu ahaa mid aan wax sabab ah lahayn. Waxa uu sheegay in shirkii London ka dhacay ee shidaalka Soomaaliya ay xogtiisa tahay mid banaanka taalla, islamarkaana wax xaraash xiroomiyin shidaal ah aan shirkaas lagu sameyn. Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday in waxa dowladda Soomaaliya ay sameysay ay ahayd uruurinta iyo soo bandhigista xogta shidaal ee xeebaha Soomaaliya, islamarkaana ay si ula kac uga leexatay dhul-badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. “Haddaan nahay reer Kenya, xaggeen ka keenay arrimaha oo dhan ee ah; Soomaaliya noo imaneysa, dhulkeena ayay qaadanaysaa, ma aqaan xaqiiqdii waxan dhan halka ay ka socdaan” ayuu yiri Faarax Macallin. “Laba arrin mid un baa jirta, in dowladda Soomaaliya ay been sheegeyso oo xogta banaanka taal ee shirkadda Spectrum wax ka duwan ay jiraan, iyo in wasaaradda arrimaha dibedda Kenya shaqadeeda gabtay, oo aysan saameyn wax baaritaan ah, balse wax kasta waa cad yihiin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa barqanimadii maanta dil ka geystay xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah ku xigeenada xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Kooxda dilka fulisay ayaa la sheegay in ay horay u qaateen Gaari uu watay Marxuumka, iyadoona markii dambe ciidamada amniga gaarigaasi ay ku qabtaan agagaarka warshadda caanaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in toogasho ay ku dileen sarkaal ka tirsanaaa xeer ilaalinta dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay M/ Muqdidsho appeared first on Shabelle. View the full article
  20. A student who was fatally stabbed outside a sixth-form college fled “war-torn” Somalia when he was a toddler, his family has said. Mohammed Sidali was attacked outside Joseph Chamberlain College, in Highgate, Birmingham, last Wednesday. In a statement, relatives said Mohammed, known as Sidali, was an ambitious young man “fuelled” by his family’s flight from Africa. Flowers have been laid outside the college since his death on Friday. Family members said Sidali, who was born in Somalia, “had many ambitions and goals” and wanted to be an accountant. They went on to say he was an “honourable young man who strived to do his best” for his family, “who came from poverty as they fled from a war-torn country when he was just a toddler”. “He was a son, a brother, a cousin, a nephew and an amazing friend.” Several floral tributes have been left outside the college, on Belgrave Road. One read: “My thoughts and prayers are with your family at this time. You will be deeply missed”, while others said “Rest in peace angel” and “You will always be remembered”. College principal Tony Day said: “The whole college community is devastated and shocked by the tragic loss of our student, Sidali. “Sidali was a wonderful young man, who was extremely popular with his peers and teachers. “He was doing well on his science course at college and had a really bright future ahead of him.” West Midlands Police said a post-mortem examination took place on Monday, but have yet to release its findings. A 16-year-old boy has appeared at Birmingham Crown Court charged with attempted murder. The defendant, who cannot be named for legal reasons, is expected to be charged with murder at his next court appearance, due on 18 March. The post Stabbed schoolboy had fled war-torn Somalia for a new life appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa la sheegay in la filayo in xilka laga qaado, iyadoo xilkiisa loo magacaabi doono masuul kale. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu toddobaadkan kulan la yeeshay agaasime Askar, oo uu ku wargeliyay in xilkiisa loo magacaabi doono Dr. Yaasiin Carab oo mar sii horaysay soo noqday agaasimaha cisbitaalkan, waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu Dr. Askar u sheegay inuu uga mahadcelinayo dedaalka uu geliyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Lama garanayo jawaabta uu Dr. Askar ka bixiyay soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee in xilkiisa loo magacaabi doono masuulkii uu isagu hore xilka ugala wareegay. Weli may soo bixin xil ka qaadista agaasime Dr. Askar iyo weliba magacaabista Dr. Carab, laakiin waxa la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u soo baxdo. Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa mudadii uu ahaa agaasimaha cisbitaalka Hargeysa waxa lagu ammaanaa waxyaabo badan oo horumar ah oo ku soo kordhay cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa kale oo lagu ammaanaa sida uu u caawiyo dadka reer Somaliland ee ay baahida caafimaad hayso ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka cisbitaalka. Source
  22. Ka dib imaatinkii kooxaha qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadihii lasoo dhaafay waxa ay fursad iyo iso soo dhawaasho u noqotay in xirfadlayaasha wadanka imaaday ay ka faa’ideestaan macalimiinta xulka qaranka iyo kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gudaha dalka. Khadar Yuusuf waxa uu ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda qurba joogta ee bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada tirada wafdiga kooxdaas ayaa ka kala yimid dalalka Egland,Sweden,Canada,Norway,America,isagana waxa uu kooxda kaga soo biiray degmada Gaarisa ee waqoyi bari ee Kenya,wuxuuna Goobjoog u sheegay in uu ku farax sanahay u ciyaarida kooxda Dekedda. “Tani waa tusaale yar oo qeyb ka ah horomarka safarkeenii kowaad ee Soomaaliya sanadaha soo aadan qorshaheena waa in xirfadlayaasha aan dalka kaynayno ay ka faa’iideestaan tababarayaasha xulka qaranka iyo naadiyada kubbadda cagta” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay macalin Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa layliyihii caasimada Muqdisho keenay ciyaaryahan Qadar Yuusuf bishii October 2018. 31-January 2019-Kooxda Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 laacib Qadar waxa uu ka mid ahaa xidigihii Dekedda la hantay koobkaa,wuxuuna markale sheegay in sanadaha soo aadan uu ku guulaysano koobabka kale ee kooxdiisa kusoo wajahan. 13-Febraayo 2019– Kooxda Dekedda ayaa 8-2 kaga badisay dhigeeda L.L.P Jeenyo kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Primer League Qadar ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray bishii Janaayo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan ciyaaryahanka Cusub Ee Kooxda Dekedd W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  23. ‘We have called for an urgent summit so the decision can be reconsidered,’ says Burundi President Pierre Nkurunziza. Burundi President Pierre Nkurunziza has called for the African Union (AU) to urgently convene following a decision by the AU Mission in Somalia (Amisom) to withdraw its soldiers from Somalia. Nkurunziza said he wanted this decision reviewed following a closed-door meeting with Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” at State House Bujumbura on Tuesday, the East African reported. Farmajo, accompanied by a delegation that included his minister of defence and the Somalia National Army (SNA) chief of staff, was in Burundi for a two-day state visit. “There is a decision which was taken by the peace and security council of the AU which we Burundians didn’t welcome and we know Somalia wasn’t pleased with it. That’s why we have called for an urgent summit so the decision can be reconsidered,” Nkurunziza said during a press briefing. The AU’s Peace Support Operations Division last December said it planned a further reduction in Amisom troops in Somalia by withdrawing 1,000 soldiers from the Burundian contingent. The UN Security Council (UNSC) stated in 2017 that it planned to significantly reduce the number of peacekeepers in Somalia by the end of February – a decision opposed by Burundi. The Somali government is also uncomfortable with the planned phased drawdown arguing that its army was not ready to take charge of the country’s security. “Burundi soldiers in Somalia have made the ultimate sacrifice and I assure the people of Burundi your soldiers’ sacrifice will not go in vain,” said Farmajo.Bujumbura asserts that since its election to the African Union Peace and Security Council on February 14, its troops should stay in Amisom. Burundian troops in Amisom are a source of hard currency for the country, with government receiving $18 million from the AU quarterly, as compensation for the soldiers. – African News Agency The post Burundi calls for urgent AU meeting over Amisom withdrawal from Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah gaadiidleyda alaabaha kasoo daabula dekada magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujinaya lacago badan oo ay ka qaadaan ilaa lix shirkadood oo ay sheegeen inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka dekadda alaabaha kasoo daabula. Iyaga oo gaadiidleydaasi warbaahinta la hadlayay ayay sheegeen in laga qaado lacag gaareysa 150 dollar, balse warqadda boonada lagu qoro kaliya in laga qaado 10 dollar, iyaga oo sheegay inay taasi tahay musuq maasuq shirkadaha ay sameynayaan. Afhayeenka Guddiga Gaadliidleyda cabaneysa Cabdulaahi Cali Mujaahid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dekadda ay taalo isbaaro sharciyeysan oo aan waxba laga qaban karin, sida uu hadalka u dhigay. ”Halkii gaari ee Dekadda doonaya in uu alaab kasoo qaado boonada uu ku galayo dekadda waxaa looga qaadayaa 150-dollar, waxaana boonada loogu qorayaa kaliya 10-dollar, hadii aadan lacagtaasi lagaa rabo aadan dhiibin dekadda laguuma ogolaanayo in aad gasho, lacagtan xooga noolaga qaado rag baa kala qeybsada oo ku heshiiyay” Ayuu yiri Afhayeenka Gaadiidleyda cabaneysa. Afhayeenka u hadlay gaadiidleyda ayaa sidoo kale sheegay inay cabashadooda ay u gudbiyeen wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qaban doono, balse aysan jirin wax uu ilaa iyo hadda qabtay. ”Adeer waxaan kuu sheegayaa cid loo dacwoodo oon alle aheyn ma jirto, Wasiirkii aan u dacwoonay lacagta nalaga qaado ayaa wax looga qoondeeyay, Maareeyaha dekadda sidoo kale, saldhiga booliiska dekadda hadaad tagto albaabka laga soo celinayaa, rag baa noo heshiiyay oo kala qeybsada lacagtan sharci darada ah ee noolaga qaado, Madaxda dowlada hadaan u caban laheyn rag baa naga hortaagan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali . Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dekadda iyo shirkadaha la sheegay inay qaabilsan yihiin diiwaan gelinta gaadiidka ka shaqeeya dekadda magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com