-
Content Count
207,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The al-Shabab militant group claimed responsibility for the assassination of Somalia’s deputy attorney general on Wednesday in Mogadishu. Authorities say the attack took place in the Hodan district as Mohamed Abdirahman Mursal left home for work. Witnesses told VOA Somali that two men on a motorcycle blocked his way, ordered him to exit the car and shot him dead. The reason for the attack was not known, although al-Shabab has in the past assassinated government officials, civil servants, soldiers and elders. The men, who were armed with pistols, fled the scene in the car. Police later found the vehicle abandoned. Somali officials condemned the attack on Mursal and described him as a rising attorney who studied Islamic law in Saudi Arabia. One official who spoke on condition of anonymity said Mursal was planning to go to Qatar later this year to take courses for an advanced law degree. In September 2017, al-Shabab gunmen assassinated Mursal’s mother, Anab Abdullahi Hashi, who was secretary general of a Somali women’s organization. Meanwhile, two civilians were killed and seven wounded in two roadside explosions in Bardhere, one of the biggest towns in Somalia’s Jubaland regional administration. The deputy leader of the administration, Mohamud Sayid Aden, told VOA Somali that the explosions targeted Ethiopian soldiers and that two were among the wounded. Ethiopian soldiers serve in the African Union peacekeeping mission known as AMISOM to help the Somali government defeat al-Shabab. The post Al-Shabab Claims Killing of Somali Deputy Attorney General appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Darawal Mooto Bajaaj ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaw lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Banaadir, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka ilaaliya Isbitaal Banaadir uu xabad ku dhuftay darawalka dhintay. Ninka darawalka ahaa ee dhintay & ninka dilka gaystay ee Isbitaal Banaadir illaalada ka haayay ayaa la sheegay muran inuu soo kala dhex galay, sidaasina uu xabada ugu dhuftay. Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo ka agdhawaa halkaasi, waxayna soo xireen ninkik dilka darawalka Mooto Bajaajta gaystay. Askarta hubaysan ee qoryaha wata ayaa dilal bareer ah waxa ay u gaystaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajta. Dilkaan uu Maanta qofka Shacabka ah uu u geystay mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Isbitaalkaas ay la wareegtay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somalia national army will at the end of this month take over the Jaalle Siyaad Military Academy military training institution which has been previously occupied by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) for more than a decade. A communiqué released by AMISOM’s public information department reveals that the announcement was made by the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, during an inspection tour of the military academy in the Somali capital, Mogadishu on Tuesday. The communiqué further discloses that renovation works at the academy, which has been ongoing since December last year have been completed to pave way for the handover of the facility. “We are satisfied with the rehabilitation works and we believe proper arrangements have been made for an effective handover to take place by the end of this month,” Madeira, who was accompanied by senior AMISOM and federal government officials, said. Jaalle Siyaad Military Academy holds a special place in the country’s history, having served as a key Forward Operation Base for AU troops during the fierce war against Al-Shabaab militants that led to the liberation of Mogadishu, in 2011. The Burundi troops who have been occupying the academy have since relocated to Jowhar, the administrative capital of Somalia’s youngest state, HirShabelle. Madeira noted that a number of assets put up by AMISOM for use by the Burundi contingent will also be donated to the federal government. “The prefabricated buildings, the generators, the water points and the water treatment plants, will all be handed over to the federal government to enable it continue improving this facility and return it to its former glory,” the SRCC said. Mohamed Ali Haga, the State Minister of Defence, who spoke on behalf of the federal government, thanked AMISOM for continued support for Somalia’s stabilisation process. “I particularly want to thank the Burundi soldiers who have made the handover possible and sacrificed their lives to help restore stability in Somalia,” Haga noted. AMISOM Sector Five Commander Brig. Leonidas Niyungeko reiterated Burundi contingent’s commitment to helping AMISOM and the federal government restore lasting peace and stability in Somalia. The academy will be the third facility to be handed over to the federal government, after Somali National University in July 2017 and Mogadishu National Stadium in August last year. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) spearheaded the rehabilitation works, which involved upgrading prefabricated buildings, a hospital, a water treatment plant and power plants The post Somalia army to take over military training institution appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex waxaa maanta ka bilaabmay dhageysiga dacwada Abwaan Cabdiraxmaan oo muddo ka badan bil ku xidhan magaalada Hargeysa. Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa waxa lagu soo eedeeyay in uu ku gefay ciidammada booliska Somaliland, iyo hay’addaha kale ee dawladda. Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa la xidhay ka dib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlay dhacdooyin uu kala kulmay mid ka mid ah saldhigyadda booliska ee magaalada Hargeysa. Warar aan hadda helayno dadweyne u yimid dhageysiga dacwada ayaa booliisku ka hor istaageen inay gudaha u galaan hoolka dacwadu ka socoto. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maalin kadib markii Shalay Khaadkii ugu badnaa laga keenay dalka Kenya ayaa ganacsatada Khaadka keena Muqdisho waxay ka hadleen goorta si rasmi ah loo joojin doono Khaadka Kenya. Guddoomiyaha Ganacsatada Khaadka keena magaalada Muqdisho Qooje Maxamuud ayaa sheegay in labo arin ay sabab u tahay inay si dhaqso ah u joojin waayeen khaadka kaga imaanayay dalka Kenya. Ugu horeyn wuxuu sheegay inay doonayaan inay soo urursadaan dhamaan dhaqaalaha kaga maqan suuqa, maadaama Khaadka marka ay keenaan badankiis deyn looga sii qaadan jiray. Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay Khaadka joojin doonaan haddii xiriirka Kenya iyo Somalia uusan wax iska badalin labada todobaad ee soo socota, islamarkaana xiligaasi ay ka shaqeyn doonaan sidii ay lacagahooda usoo ceshan lahaayeen. Hadalkii uu ku dhawaaqay maalin ka hor ayuu sheegay in Afka uu kasoo boobay. “Khaadka joojintiisa caadiga ah waxaa awood u leh dowladda Soomaaliya, laakiin hadalkii horey wuu iga fakaday oo kaliya, kalmadaa afka ayaa boobay, laakiin hadda waxaan qorsheyneynaa inaan soo urursano dhamaan lacagihii naga maqnaa, sababtoo ah lacago badan ayaa naga maqan” “Hadda qaadka waan keeneynaa labada todobaad ee soo socota, lacago badan ayaa inooga maqan beeraha Khaadka iyo ganacsatada gudaha Soomaaliya, markaan soo urursano haddii xiriirka wax iska badali waayo waan joojin doonaa, muddo 14 maalin ah kadib.”ayuu yiri Mr Qooje. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Michael Rubin oo ah sarkaal hore uga tirsana waaxda difaaca ee Maraykanka (Pentagon), ahna Khabiir hawlgallada Militari ee NATO siiya duruusta la dagaallanka kooxaha Argagixisada loogu yeedho ayaa qormo uu qoray ku sheegay in dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay Soomaaliya ku wadaan qorshe khaldan oo ay hore ugu isticmaaleen dawladdii Ciraaaq ee burburtay. Waxa uu sheegay in gadoominta Somaliland iyo Kurdiyiintu yihiin caqabadaha hor taaggan dawladnimo ka hana qaadda Muqdisho iyo Baqdaad. “Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah (State department & USAID) waxay Soomaaliya ku maalgalinayaan sanadkan inka badan shan boqol oo milyan oo dollar( $500 Million). Taas oo dheeraad ka ah inka badan hal billan oo dollar oo hay’addaha Qaramada Midoobay ku maalgalinayaan. Midka kasta wuxuu filaya in ay Somalia ku soo celinayso barwaaqo iyo xasillooni laakiin, way khaldan yihiin. Taas bedelkeeda xeeladda Waaxda Arrimaha dibaddu waxay kaliya cashuur bixiyeyaasha (Maraykanka) ka luminaysa lacagta iyada oo suuro gelinaysa in Alqaacida dib ugu xooggaysato gobolkan muhiimka ah ee Geeska Afrika,” Sidaas ayuu Mr Michael Rubin ku yidhi qormadiisa. “Mushkiladda waxa sal u ah awoodda la ururinayo. Waxa la go’aansaday in dhammaan lacagta la geeyo Muqdisho,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo intaas raaciyay in Washington iyo Qaramada Midoobay mar kale isticmaalayaan xeelad guuldarraysatay oo ay hore ugu isticmaaleen nidaamkii Saddaam Xuseen ee Ciraaq oo uu ku doodayo in lacagihii badna dano gaar ah looga faa’iidaysto kuwaas oo ka duwan wixii ay doonayeen dhinacyada lacagta bixinaya. Waxa kale oo uu sheegay in nidaamkii Siyaad Barre iyo kan Saddaam Xuseen iska metelayeen kalitalisnimo iyo dagaalladii Somaliland iyo Kurdistaan ay ku qaadeen. Wuxuu sheegay in Kurdida iyo Somaliland ay haystaan gadoomin kaga imanaysa Maraykanka iyo Qaramada Midoobay maaddaama aanay la shaqaynayn “Diblamaasiyiinta iyo shaqaalaha ururada (NGOs) ee bookhda waxay qirayaan in farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya u cad yahay sida habeenka iyo maalinta; Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu khatarsan Adduunka, Somaliland-na waa meelaha ugu ammaansan Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu maamula in yar oo agagaarka Muqdisho ah isaga oo ku tiirsan ciidamo shisheeye oo difaaca, halka Somaliland maaraysay ammaanka dhul leeg Missouri(gobol Maraykanka ah) bilaa caawimo dibadeed. Soomaaliya baarlamaan laftiisa la magacaabay ayaa madaxweynaha doorta, halka Somaliland doorashadii u dambeysay ee madaxweynuhu ahayd tan kaliya ee Adduunyada loo isticmaalay qalabka bu’da isha sawira si loo ilaaliyo,” Sidaas ayuu qormadiisa ku yidhi khabiirkani. Waxa uu sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mr Pompeo iyo madaxa USAID Mark Green minguuriyeen siyaasaddii madaxdii ka horaysay, islamarkaana lacagta oo dhan ku shubayaan Muqdisho taasna ay sii kordhinayso musuqmaasuqa, awoodna siinayso in Alqaacidadu sii balaadhato. Waxa uu sheegay in Waaxda Khaarajiga iyo USAID umalaynayaan in lacagta oo dhan oo la geeyo Muqdisho saacidayaan soo kabashada Soomaaliya, islamarkaana ay ilaalinayaan xuduudaha Afrika laakiin, maamka Somaliland ku yaallo maamka heshiisna ku samaysan yahay. Waxa uu sheegay in Soomaaliya musuqmaasuq ragaadiyay lacagahaasna gacmo aan loogu talo gelin ku dhacayaan, halka uu Somaliland ku majeertay adeegyada lacagta telefoonnada la isugu diro oo tixraac leh iyo in ay ka hufan tahay Soomaaliya. Source
-
Garoowe (SMN)- Wasaaradda arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadeynta maamulka Puntland ayaa ku amartay xisbiyada siyaasadeed ee dalka in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ay ka hayaan gudaha Puntland. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay maamulka Puntland The post Puntland Oo Soo Saartay Amaro Ku Socda Xisbiyada Dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay kulan shalay dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abey Axmed. Qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay soo dhawaynayso, islamarkaana bogaadineyso in Somaliland iyo dowladda federaalka ay wada shaqayn dhow yeeshaan. War-qoraalka Villa Somaliya wuxuu u qoraan sidatan: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. Dhan kale Somaliland wali kama hadal warkan qoraalka ah ee ay Soomaaliya soo saartay, balse waxa loo dhig-taagayaa jawaabta ay ka bixiso xukuumadda Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxaa siweyn looga xusay maalinta dhalinyaradd Somaliland taasi oo loo asteeyay 20/2/2019. Waxaana socodka luga subaxnimadii Shalay (Maanta) ku maray inta u dhaxeysa xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo taalada xuska UFFO ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex inta hataan ka nool dhalinyaradii maalintii dhagax-tuurka, masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha, Dallada Dhalinyarada Qaranka Ee SONYO ,bulshoweynta caasimada iyo waliba ardayda kala duwan ee dugsiyadda dalka. Xuska maalintan ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Qaran wuxu dhaqaaqa xidigaha u dheelmaa, marku dhumuc awoodiyo, dhalin xoogan yeeshe’. Iyada oo halku dhiga sanadkanina uu ahaa Daahfurka Awoodaha Dhalinyarda Somaliland. Gudoomiyaha daladda heer qaran ee Somaliland Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasibadii lagu weynayay maalintan oo ka qabsoontay Hutel Ambasator ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu yidhi “Maanta waa maalin taariikh facweyne leh, taariikhdeeduna waxaa ay ka soo bilaabantey dhalinyaradii ka hortagtey diiday, dulmigii dawladii gabood falka badneyd ee Siyaad Bare, dhalinyaraddu maalintii ay dhagax-tuurka sameeyeen ilaa maalintii aynu wadanka qabsaney waxaa socday halgan dheer oo dalkan, anaga oo og shaqa la’aanta jirta waxaa aanu nidhi laba boqol oo Kun ayaanu u heynaa, ;labadaasi boqol ee Kuna hadii aanu is nidhaahno qaybiya oo wax u qabta in aanay wax badan gaadheyn ayaanu og-nahay, sanduuqan waxaa aanu sanadkaaba jilcineynay oo dhan walba kaga nimid sida uu u eekaanayo qorshaha lagu shaqeynayo cida ka mid noqoneysa, markaa waxaa ay noqoneysa mid dawladdu ay qayb ka tahay, mushtamaca aan dawliga aheynina ay qayb ka yihiin, ganacsataduna ay qayb ka tahay” Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada “Dhalinyaradii reer Somaliland ee joogtay wakhtigii ugu adkaa ee markhaatiyaashoodu ay yihiin kuwa goobtani maanta ku sugan, ee dilka lagu xukumay iyo kuwii ku dhawaaday, hadii ay ahaayeen aasaasayaasha qaranimadda Somaliland ee dabkii iyagu ay shideen iyo durbaankoodi iyo naf hurnimadoodii, aynu hada ku soo gaadhney aynu sida aynu doono ugu damaashaadeyno, maxay tahay hiigsiga iyo caqliga iyo aqoonta iyo ujeedada iyo macnaha fikirka ay doonayaan inay gaadhaan dhalinyaradda maanta joogta maxay tahay? waxaan hanbalyaynayaa urrurka dhalinyaradda qaranka Somaliland ee SONYO, aniga oo uga mahad celinaya munaasibadan ay sida weyn u soo abaabuleen, iyo ka wasiirkooda ee qaaliga ahba, laguna dareensiinayo bulshada reer Somaliland dhalinyaraddu maxay tahay? aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa” “Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa dhammaan bahda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo garoomadda Somaliland dhammaantood ku qaban doona ciyaar laguna soo dhaweynayo laguna sagootiyayo xuska maalintani”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici ayaa golaha guurtidda iyo wakiiladda ku dhaliilay muda badan ee ay kuraasta fadhiyaan waxaanu soo jeediyay in lagalo doorasho xor iyo xalaala waxaanu yidhi “Dhalinyaranimdda wakhtigeedu waa qaali, waa in aydaan wakhtigiina ku luminin qabyaalad iyo balwadaha aan loo baahneyn, ee aad noqotaan dad soo jeeda oo shaqo u diyaara oo waxqabtaan wadankana wax ka badel ku sameeyaa, Dimuquraadiyadii waxaa aynu sameynay inay kuraastu isbedesho, oo madaxweyneyaal isbadela’aan, hase ahaate golihii sharci dejinta in uu midna fadhiyo 26-sano midna fadhiyo 24-sanadood bar ayay ku tahay qaranimadda Somaliland, taasina waxaa ay u baahan tahay far kaliyihi fooll ma dhaqde in loo wada diyaar garoobo sidii doorasho xor iyo xalaala loogu diyaar garoobilahaa, wixii wanaagsana aynu u taageerilaheyn, cida inaga carqaladeyneysana dhan uga soo wada jeesanlaheyn, aad iyo aadna waan idiin hanbalyeynayaa oo maanta waa maalintiini” Mid ka mida dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u aheyd dhagax tuurkaasi ayaa ku taliyay in manhajka qaranka Somaliland lagu daro barashadda taariikhda maalintani waxaanu yidih “Maanta waa maalin taariikhiya, waana in lagu daraa manhajka iskuuladda. waxa ugu mihiimsan ee taariikhda loo barta waa inaan lagu celin khaladaadkii hore u soo dhacay, bulshadda badhkeed waxaa ay yidhaahan maxaa isbadelay, intiina dhalinyaradda ah ee hada sawirqadayaasha ah ee kamaradda indhaha iga galinaya lama ogoleyn, waxaa ceynkaasi oo kale ah, xoriyatul qawlka lama ogoleyn, dadka laf ahaantiisa ayaaba la xasuuqayay”Ayuu yidhi mid ka dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u soo aheyd” Waxaa Sidoo kale Xusid mudan in xuska maalintan dhalinyarada Somaliland ayaa sidoo kale laga xusay guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland iyada oo ayna ku beegantahay 37 guuradii maalintii dhagaxtuurka Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Monica Juma wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa shaacisay walaaca ugu weyn ee ka heysta arrimaha dibadda, waxaana ay sheegtay inay ka baqeyso in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblumaasiyadda looga guuleysto. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms Juma oo hortagtay guddiga difaaca iyo xiriirka arimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa shaacisay in dhaqaalaha loo qorsheeyay wasaaradda aysan ku filneyn siyaasadda arrimaha dibadda. Kulankii shalay ay ku hortagtay guddiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa ujeedadiisu aheyd inay ka hadlaan arimaha xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, balse kulanka kadib ma jirto cid warbaahinta kala hadashay arimahaasi. Waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ku adkaan doonto inay gasho tartan diblumaasiyadeed oo dhanka dibadda ah, marka la eego dhaqaalaha loo qorsheeyay wasaaradda. Monica ayaa sheegtay inaysan sahlaneyn in wasaaradooda arimahaasi ku guuleysato, haddii aan la kordhin miisaaniyadda wasaaradda loo qorsheeyay. Sanadka soo socda ayey codsatay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay u gasho howlo badan oo hadda qabyo ka ah. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Istanbul (SMN)- Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay shirkii Lixaad ee muhaajirinta kaas oo ay ka soo qeyb galeen wasiirada arimaha gudaha ee 47 dal,iyadoo Soomaaliya uu ku matalayo wafdi uu hoggaaminayo Wasirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa ka hadlay shirka isagoo u mahad-celiyay dowlada Turkiga oo marti galisay shirkan iyo mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb gashay wuxuuna sheegay in dalka Turkiga uu Marti galiyay Qaxooti badan iyo Arday wax ka Barta Dalka Turkiga. Shirka ayaa ah mid ay dowlada Turkiga marti galisay iyadoona uu casho soo dhaweyn ah u sameeyay madaxwaynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan wafuudii shirka ka soo qeybgalay isagoo ka warbixiyay sidii ay u soo dhaweeyeen dadkii qaxootiga ee ka yimid Suuriya ,Yeman iyo kuwa kale ee ka kala yimid wadamada dariska la ah dalkiisa Turkiga. Wafdiga Wasiirka amniga Waxaa kamid ah Aagaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Safiir ku xigeenka ahna Qunsulka koowaad ee Safaaradda mudane Bishaar Ibraahin Cali (Ugaaska). Shirkan oo socon doono laba maalmood ayaa gabagabadiisa laga soo saari doonaa war murtiyeed ku aadan arrimaha Qoxootiga iyo sidii xal looga gaari lahaa muhaajiriinta ka soo tagaya dalalkooda. The post Wasiirka Amniga Oo Istanbul Uga qeyb Galay Shir Caalami Ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin galbeedka degmada Balcad, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay iney iska caabiyeen Al-shabaab, ayna ka dileen dhowr dagaalyahan, balse tirada rasmiga ah ee dadka waxyeellada kasoo gaartay dagaalkaasi lama hayo. Xaaladda degmada Balcad ayaa ah mid deggan, hase ahaatee ciidanka dowladda ayaa ku baxay deeganno ku dhow degmadaasi oo ay howlgallo ka wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Askari ciidammada ilaalada xeebaha Maraykanka ka tirsan ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu qorshaynayay weerar argagixiso, sida ay muujinayso xog maxkamadeed. Booliiska ayaa guriga Christopher Paul Hasson oo ku yaalla Maryland ka helay hub iyo rasaas. Ninkan oo isku sheegay in uu ka mid yahay dadka ku kalax tagay la waynida caddaanka ayaa diyaarsaday magacyo uu bartilmaameedsanayay oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha. Waxaa la sheegay in uu ku dayanayay Anders Breivik oo dad badan ku laayay dalka Norway. “Eedaysanahan ayaa doonayay in uu laayo tiro aan horay loo arag oo shacab masaakiin ah,” ayuu xog maxkamadeed ku yiri Robert Hur oo ah xeel ilaaliye degmo. “Eedaysanuhu waa argagixiye gudaha ah oo ay ka go’nayd in uu nolol badan dhibaato u gaysto, arrintaas oo uu uga gol lahaa in ay saamayn ku yeelato hab dhaqanka dawladda.” Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in E-mail uu qoray Hasson bishii Juunyo ee sannadkii 2007-dii uu ku sheegay “waxaan ku riyoonayaa qaabkii aan u layn lahaa dadka dunida ku dhaqan, waxaana ugu fiicnaan lahayd in lagu tallaalo caabuq halis ah oo bakteeriyo keento, marka sideen ku helaa hargabka Spain ama cudurka fantada, ma hubo balse wax uun baa ii suurtagali doona.” Warbaahinta Maraykanku waxay sheegtay in 49 jirkan uu yahay hal xidigle ka shaqeeya xarunta dhexe ee Ciidammada Ilaalada Xeebuhu ay ku leeyihiin Washington uuna ku nool yahay Maryland Ciidammada ilaalada xeebaha ayaa xaqiijiyay in la xiray mid ka mid ah askartooda balse ma aysan bixinin faahfaahin intaas ka baxsan. Qoryo iyo biskoolado 15 ah iyo in kabadan 1,000 xabadood ayaa laga helay gobtii uu daganaa Hasson, waxaana intaas weheliyay daroogo sharci darro ah, sida uu sheegay xafiiska xeel ilaaliyaha. Dadka ay macquulka ahayd in uu bartilmaameedsado waxaa ka mid ah Nancy Pelosi oo ah gudoomiyaha Aqalka wakiillada ee dalka Maraykanka, Chuck Schumer oo ah gudoomiyaha xubna tirada yar ee Aqalka Senate-ka ee xisbiga Dimuqraadiga iyo Chris Hayes iyo Joe Scarborough oo ah saxafiyiin ka hawl gala warbaahinta MSNBC. Tan iyo sannadkii 2017kii Hasson ayaa darsay qaybo ka mid ah hab dhaqankii Anders Breivik ee ku aadanaa sida loo aruursado hub badan iyo sida dad bartilmaameed ah loo diiwaan gashado, sida ay ku eedeeyeen dacwad oogeyaasha. Breivik ayaa 77 ruux dilay sannadkii 2011 ka dib labo weerar oo argagixiso ah oo uu qaaaday. Gaari uu qarxiyay ayuu ku dilay siddeed ruux oo ku sugnaa bartamaha Oslo, ka dibna 69 ruux oo kale ayuu toogasho ku laayay, badankood waxay ahaayeen dhallinyaro aan da’da labaatameeyada gaarin oo ku sugnaa goob uu soo abaabulay xisbiga shaqaalaha. Hasson ayaa la xiray Jimcihii isaga oo loo haysto hub iyo daroogo sharci darro ah wuxuuna maxkamad hor tagi doonaa Khamiista. Source
-
Balcad (SMN)- Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhex ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weeraran ku qaadeen fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka galbeed degmada Balcad ee gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac isla markaana ay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkaasi ka dhashay oo xalay ka dhacay duleedka degmada Balcad. Inkastoo aan la ogeen qaasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay,hadana maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarkaasi. Dhankooda Al-shabaab ayaan faahfaahin ka bixin weerarkaasi,balse ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabeelle u xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi. The post Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Dhaka)-Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux. Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah. Dabka ayaanaa ku faafay dhismayaashii ka ag dhawaa, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha. Masuuliyiinta ayaa BBC-da u sheegay in subaxnimada Khamiista ay dhimashadu marayso lixdan, balse dabkii la xakameeyay. Waxaa laga yaabaa in dabku uu markii u horraysay ka billawday gaaska wax lagu karsado, ka hor inta uusan ku sii faafin qaybtii ay kiimikadu taallay, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cali Axmed oo ah madaxa waaxda dabdamiska. Dabka ayaa sii qabsaday afar dhisme oo isku xidhiidhsan oo kiimiko taallay, ayuu yidhi. Dadka ayaa ku xayirmay dhismeyaasha, sida ay wararku sheegayaana waxaa u suuragali wayday in ay holaca ka soo dhex baxaan. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay. Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo “in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka” Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa. Sikastaba ha ahaatee qoyskeeda iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah. Hoda oo ku kortay Alabama ayaa u safartay Suuriya si ay ugu biirto Kooxda Dawladda Islaanka iyada oo markaas 20 jir ahayd. Sheekadan ayaa u eg mid kale oo ka dhacday dalka Britain iyadoo dalkaasi uu dhalashadii kala laabtay Shamima Begum. Shamima ayaa ka tagtay London sannadkii 2015kii si ay ugu biirto Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxayna sheegtay in ay hadda doonayso in ay ku laabato UK. Madaxweyne Trump ayaa dhawaan UK iyo dalalka kale ee reer Yurub u sheegay in ay la wareegaan oo dalalkooda ku maxkamadeeyaan dagaalameyaasha kooxda Dawladda Islaamka ee dagaalkii u dambeeyay lagu qabtay Wuxuu ka digay in haddii aan sidaa la samayn ay noqon karto in Kurdiyiinta ay Maraykanka wada shaqeeyaan ay iska sii daayaan dagaalamayaashaas. Hassan Shibly oo ah qareenka qoyska Hoda ayaa sheegay “in wax laga caroodo ay tahay” in Trump uu dalalka Yurub ugu baaqo in ay muwaadiniintooda la wareegaan” haddana uu arrin middaa ka badalan la imaanayo marka ay timaaddo muwaadiniinta Maraykanka”. Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in doodda Maraykanka ay darantahay xaqiiqada ah in aabaheed uu ahaan jiray Dublamaasi reer Yemen ah. Carruurta ay dublamaasiyiintu dhaleenna isla markiiba looma aqoonsado muwaadiniin marka shuruucda dalka la fiiriyo. Si kastaba ha ahaatee qareenkeeda ayaa ku doodaya in aabaheed uusan dublamaasi ahayn markii ay gabadhani Maraykanka ku dhalanaysay. Source
-
Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed. Waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa dukaankaasi, iyadoo halkaasi ku dhintey ganacsade Soomaali ah, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray. Muwaadinka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Sheekh, halka uu dhaawacmay muwaadin kale oo magaciisa naloogu soo koobay C/qaadir. Raggii weerarka ka dambeeyey ayaa halkaasi isaga baxsaday, iyaga oo sii qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka yaallay. Booliiska K/afrika oo goobta gaaray waxa uu sheegay iney wadaan baaritaanno, ayna ku raad-joogaan dadkii falkaasi ka dambeeyey. Dhibaatooyin badan ayeey muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan Koonfur Afrika, mana jirto cid illaa iyo hadda wax ka qabatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Moscow)-Baarlamaanka Ruushka ayaa u codeeyay in ciidammada laga mamnuuco isticmaalka telefoonnada casriga ah ee smartphones-ka loo yaqaanno inta ay shaqada ku jiraan, kaddib markii walaac laga muujiyay in isticmaalkooda baraha uu wax u dhimo ammaanka dalkaasi. Sharcigan ayaa milatariga ka mamnuucaya inay isticmaalaan telefoonno sawirrada lagu qaadi karo, muuqaallada lagu duubi karo isla markaana internetka laga isticmaali karo. Ciidammada ayaanan ka hadli Karin arrimaha milatariga amaba la hadli Karin weriyeyaasha. In ka badan 400 oo ka mid ah 450-ka xildhibaan ee aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, ee the Duma, ayaa taageeray sharcigaasi. Telefoonnada dadka laga waco farriimahana looga diro ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan, balse tablets-ka iyo laptop-yada ayuu sharcigu mamnuucayaa. Sharcigan ayaa sugaya inay meel mariyaan aqalka sare ee baarlamaanka iyo Golaha Federaalka, kahor inta uusan qalinka ku duugin madaxweyne Vladimir Putin. Maxaa loo mamnuucay? Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ka hortagga in xogta milatariga inay helaan waaxaha sirdoonka. Sanadihii ugu dambeeyay, qoraallo lagu soo daabacay baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay milatariga Ruushka oo ku sugan bariga Ukraine iyo Suuriya, mararka qaarna waxay taasi ka hor imaaneysay sheegashada dowladda ee ah inaysan halkaasi ciidammo u joogin. Tan iyo sanadkii 2017, ciidammada Ruushka ayaa waxaa looga digayay inaysan wax xog ah ku wadaagin baraha internet-ka, sida inay soo dhigaan sawirro ay iska qaadeen. Ruushka ma aha dalkii ugu horreeyay ee ciidammadiisa ka mamnuuca adeegsiga baraha internet-ka, sababo ammaan awgood. Waxaa jirtay walaac laga muujiyay ammaanka milatariga Mareykanka, kaddib markii la baahiyay xog ku saabsan saldhigyada Mareykanka ee meelo ka mid ah dunida, sida Suuriya iyo Afghanistan intii ay dagaallada socdeen. Ciidammada Mareykanka ayaase weli loo oggol yahay inay isticmaalaan baraha bulshada, balse waxay raacaan shuruuc u degsan. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen agab ciidan iyo rasaas la sheegay in loo waday Al Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Galmudug ee kusugan magaalada Dhuusomareeb. Ciidamada amaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay rasaastaasi la sheegay inay u socotay Al Shabaab, waxaana lagu qabtay gaari Homey ah. Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa. Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan wadaha gaariga caasiga ah ee oo ka yimid dhanka gobolka Bari, waxaana la ogeyn halka uu u socday gaariga hubka waday. Saraakiisha ciidamada amaanka iyo taliska Nabad Sugidda ayaa sheegay in dhawaan ay xog badan ka bixin doonaan gaariga ay qabteen iyo halka uu ku wajahnaa. Caasimada online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheenna Maxamed Cabdi Xasan. Halkaan hoose ka dhageyso warka: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-21-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Koofur Afrikaan)-Illaa 11 Soomaali ah ayaa sanadkan bilowga ah lagu dilay dalka Koofur Afrika, halka kuwa kale la dhaawacay, iyadoo uu sii kordhayo weerarada ka dhanka ah dadka Ajnabiga ah ee dalkaas ku ganacsada. Soomaalida ayaa noqday dhibanayaasha ugu horeeya ee waxyeelada ugu badan ka soo gaara weerarada budhcada Koofur Afrikaan. Dilkii u dambeeyay ayaa habeen hore, halka kii u horeeyayna uu dhacay 5-tii bishii hore ee January sanadka 2019. 19-kii bishan oo ku beegneyd habeen hore waxaa degmada Mamalodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika lagu dilay labo dhalinyaro Soomaali ah, halka mid kalena la dhaawacay, dhalinyarada la dilay mid kamid ah waxa uu dalkaasi ku sugnaa oo kaliya 3 bilood. 17-kii bishan waxaa lagu dilay Xaafada New Brighton magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape nin lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, iyadoo burcada Koofur Afrikaanta ah ay dileen isagoo gaarigiisa saarnaa. 5-tii bishan Tuulo hoostagta magaalada Johannesburg, waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxiin Xaale. 29-kii bishii hore ee January sanadkan cusub ee 2019, waxaa lagu dilay tuulo hoostagta magaalada Cape Town muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaai jiray Xasan Muxudiin Caddaan, kaasoo ku magac dheeraa (Carabeey). 24-kii January waxaa tuulada Delft ee magalada Cape Town lagu dhaawacay Maxamed Jiinoow Xuseen, kaasoo markii danbe u geeriyooday dhaawaca daran ee soo gaaray, xili dhakhaatiirta ay la tacaalayeen xaaladiisa Caafimaad. 11-kii January waxaa Rustenburg lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar. 11-kii January, waxaa muwaadinkaas lala dilay marxuum kale oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Maxamuud. 5-tii bishii hore ee January, waxaa lagu dilay dalka Koofur Afrika C/casiis Rooroow, iyadoo marxuum Rooroow ahaa qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee lagu dilo Koofur Afrika sanadikan cusub ee 2019. Si kastaba, waxaa la yaab leh in 47 maalin oo kaliya dalka Koofur Afrika lagu dilo 11 muwaadin, kuwaasoo aaney jirin wax hadal ah oo ay ka soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay kulmeen Wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal. Source
-
Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baardheere (SMN)- C/qani Maxamed Baroow oo ka mid ah Siyasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo la hadlay Idaacada Shabeelle ee Muqdisho ayaa sheegay in Xarunta Degmada Baardheere laga saaray ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Mr Baroow ayaa tilmaamay in arintan ay suuragashay ka gadaal markii odayaasha dhaqanka ay dedaal dheer ku bixiyeen. Siyaasigaan oo hadalkiisa sii watay ayaa dhinaca kale beeniyay wararka sheegaya in heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad mudooyinkii dambe ka taagneyd degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Magaalada Baardheere ayaa dhawaan waxaa kulan dib u heshiisiin ah uu ku dhexmray wafdi uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan,odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmadaasi. The post Ciidamo Ku Sugnaa Xarunta Degmada Baardheere Oo Laga Saaray appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka bishan Febraayo ay isaga bixi doonaan kuliyada tababarka ee Jaalle Siyaad,isla markaana ay ku wareeji doonaan ciidanka xooga dalka. Wakiilka Midowg Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka oo booqdy xarunta kuliyada Jaalle Siyaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka guuri doonaan xaruntaasi oo ay deganaayeen in ka badan 10 sano. Sidoo kale Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis balaaran uu ka socday kuliyada Jaalle Siyaad tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay,si xaruntaasi ay ula wareegaan ciidanka xooga dalka. Mr Madiera ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in sidoo kale ciidanka xooga dalka ee dagi doona xaruntaasi ay ku wareejin doonaan agabkii Milatari ee ciidamada AMISOM ay uga howgalayeen xaruntaasi. Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa AMISOM uga mahad celiyay dedaalada joogtada ah ay ku bixinayaan nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan ciidanka dowlada Soomaaliya. Marka laga soo tago Kuliyada Jaalle Siyaad Waxay AMISOM horay uga bexeen xaruntii jaamacada umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium oo ay baneeyeen bishii August ee sanadkii la soo dhaafay. The post AMISOM Oo Ka Bexeysa Kuliyada Jaalle Siyaad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington (SMN) Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka uu ka wado qaarada Africa General Thomas Weldhauser oo magaalada Munich ee dalka Jarmalka uga qeyb galayay shir looga hadlayay amaanka ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu dhimi doono ciidamada ka jooga dalal dhaca qaarada Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay. General Thomas Weldhauser ayaa sheegay in 10 boqolkiiba ay dhimi doonaan ciidamada ka jooga Africa gaar ahaan Soomaaliya,sababo la xiriira caqabado dhanka amaanka oo xukuumada Washington uga imaanaya meelo ka baxsan qaarada Africa. Mareykanka ayaa dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo Africa ku yaalla waxaa ka jooga ku dhawaad 6 kun oo ciidamo ah,kuwaas oo Milatariga dalalka ay joogaan ka caawiya la dagaalanka argagixisada iyo tababarka. Taliska Africom ee Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalo badan uu ku bixiyo dalalka uu ka howgalo ee qaarada Africa oo ay kamidyihiin Soomaalya iyo Nigeria,halkaas oo ay kula dagaalamaan Al-shabaab iyo ururka Bokoharaam oo dagaal xoogan kula jira dowladaha dalalkaasi. Taliyaha howgalka Africom ee Mareykanka ayaa tilmaamay in laba qaab loo dhimi ciidamada dalkaasi ka jooga qaarada Africa,qeybta koowaad ayaa 600 askari laga dhimi doonaan howgalka Mareykanka ee Africa marka la gaaro bisha June sanadka 2020 halka qeybta labaad la dhimi doono bisha January ee sanadka 2022. Hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa imaanaya xili dowlada Shiinaha ay kordhineyso ciidamada ka jooga qaarada Africa ee qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta QM ee ka soconaya dalal badan oo k yaalla qaarada Africa. The post Mareykanka Oo Dhimaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors