Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,464
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay tuulada Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab duulaan ku ekeysay fariisin ay ciidamada xooga ku leeyihiin halkaas. Illo dadka degaanka ayaa sheegaya in uu jir khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo uu keenay iska hor-imaadka. Saraakiisha ciidamada xooga ee halkaasi oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khasaaraha. Ma jiro illaa iyo haatan war ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. The post Faahfahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Akhrisyaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Subax ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Dear colleagues, I am absolutely saddened to see in this report that Somaliland accepts to be called an administration and not definitely put on a par with the Federal Government of Somalia. I wonder, then, how long will the Somaliland people stand the embarrassing and sheepish attitude of their government whenever they meet the heads of other states? The Ethiopian government had in the past reluctantly accepted the concept of statehood of Somaliland, although not openly, but has now undisguisedly backtracked that notion and began calling us Somaliland Administration. It is demeaning, humiliating and belittling political attitude towards Somaliland government and people. We should all say togather with a loud voice NO to Ethiopia. Ibrahim Dayrfadal Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya ay ku dhawaaqeyso mar walbaa hadalo xiisadda sii kicin kara. Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya ay gadaal ka riixayaan dowlado iyo shirkado shisheeye oo doonaya inay caqabad ku noqdaan shidaalka Soomaaliya. Waxay falanqeeyayaasha sheegayaan in labo ujeedo ay kala leeyihiin shirkadaha iyo dowladaha gadaal ka riixaya dowladda Kenya, waxaana falanqeeyayaasha ay sheegayaan in dowladaha garab taagan Kenya ay doonayaan inaan lasoo saarin shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale shirkadaha taageersan Kenya ayaa la sheegayaa inay iyaga doonayaan inay shidaalka soo saaraan, islamarkaana ay ku owr kacsanaan dowladda Kenya. C/raxmaan Sahal Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha siyaadda gobolka ayaa sheegaya in Kenya aysan iyada laheyn go’aanada qaar ee ay ka qaadatay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya. “Waxaan dareensanahay Kenya waxaa ka dambeeyo Wadamo diidaya in Shidaalka Soomaaliya lasoo saaro, sidoo kale Kenya waxaa gadaal ka riixaya shirkado iyaga doonaya inay Shidaalka Soo saaraan, Laakiin Kenya Marnaba arintaasi uma hirgeleyso” “Soomaalida kama tanaasulayaan taako dhulkooda kamid ah, Kenya waxaa muuqata inay hadda handadaad sameyneyso, luqadaasina waxaa ku hadla dal niyad jab uu ku dhacay oo meel kasta looga guuleystay”ayuu yiri Falanqeeyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Burundi oo ku hanjabtay inay ciidammadeeda kala bixi doonto Soomaaliya Milatariga Burundi Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay inay la bixi doonto dhammaan ciidammadeeda shanta kun ee ka jooga Soomaliya, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto kunka ciidammada Burundi ee laga saarayo Soomaaliya dhammaadka bishan. Shan dal oo Afrikaan ayay ciidammo ka joogaan Soomaaliya. Inkastoo ay jirto walaac laga muujinayo in Soomaaliya ay weli ka fogtahay inay cagaheeda isu taagto, haddana heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya. Tifaftiraha BBC ee Afrika, Will Ross, ayaa ku soo warramaya in qorshaha bixitaanka ciidammada uu yahay mid lagu muransan yahay. Arrimaha ay isku haystaan waxaa ugu weyn dhaqaalaha. Bil waliba in ka badan labaatan kun oo ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee la dagaallama Al-shabaab, ayaa qofkiiba wuxuu qaataa lacag ka badan kun doollar. Mushaarka la siiyo ciidammadaasi, oo uu xilligan bixiyo Midowga Yurub, ayaa si toos ah waxaa loogu marsiiyaa xukuumadaha ay ka socdaan. Qayb ayaa laga jaraa lacagtaasi kahor inta aan la siinin ciidammada. Xukuumadda Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ka soo jeedaan Burundi, waxay sheegtay inay lumin doonto in ka badan hal milyan oo doollar bil gudaheed. Qaran News
  6. Kenya oo cunaqabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, raali-gelin-na ka dalbaday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddeli mowqifka Kenya ee ku aaddan “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Hadalkeeda ayaa yimid maanta kadib markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo la isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya. Monica Juma ayaa sheegtay in ficillada dowladda Soomaaliya ee “dhulka la isku haysto” ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn. Juma ayaa tidhi “In inkasta oo dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku diiday eedeymaha Kenya, haddana way caddahay inaysan beenin jiritaanka khariirad muujineysa in xidhmooyinka shidaal ee la xaraashay ay yihiin kuwa Kenya.” Juma waxay ku dooday in kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ eek u saabsan dhul-badeedka labada dal ay isku hayaan, ay Soomaaliya ku sheegtay inay ilaalineyso xuduudaheeda, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya aysan aqoonsaneyn xuduudda ay Kenya dooneyso. “Xitaa hal mitir oo dhul ay Kenya keedahay ugama tagi doonno dowlad kale” ayey tidhi Monica Juma. Juma ayaa sheegtay in Kenya ay weli Soomaaliya ka sugeyso jawaab faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha Kenya ay ka walaacsan tahay, islamarkaana Kenya ay isku dayeyso inay is-xakameyso oo ay ka bad-badin. “Dalalka dunida waxay go’aanno ka adag kuwii aan qaadannay u qaateen wax ka yar arrimaha aan ka walaacsannahay” ayay tiri. Ayada oo warbaahinta caawa kula hadleysay Nairobi ayay sheegtay inay jiri karto cunaqabateyn Kenya ay saarto Soomaaliya, taasi oo ku xidhnaan doonta jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso “xuduudda lagu muransan yahay” Waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan in sharaxaadda ay siineyso Kenya ay qeyb ka ahaato raali-gelin ay siiso Kenya. Qaran News
  7. Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo,Qoyskiisa & Eheladiisina Samir iyo Iiman saadiqa ha ka siiyo ee Waxaa caawa magaalada Hargeisa ku geeriyooday Qoraa & Siyaasi Maxamed rashiid sheekh Xasan. Mar kale Bahda Qarannews oo ku hadlaysa Afka Akhristayaasheeda waxay Tacsi Tiiranyo leh u diraysaa Qoyska,Ehelada & Qaraabada uu ka baxay Marxuum Maxamed Rashiid Sheekh Xasan,Ilaahayna waxaan Dhamaanto u weydiinaynaa inuu Naxariisto ka waraabiyo. Taariikhdiisa oo Faahfaahsan Goor-dhaw filo Qaran News
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Macharia Kamau waxa uu dhawaan soo saaray qoraal ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi. Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Macharia Gaytho, waxa uu ku tilmaamay tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia. Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee maamulka iyo mashaariicda Khaaska ee wargeyska Daily Nation, waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro. Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin warqadda dowladda Kenya ka soo saartay khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee xafiisyadda nidaamka maamulka ee saraakiisha ururadda iyo waaxyaha dowladda Somalia. Sidoo kalena ay siyaasiyiin sarsare, shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciiddamada Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya. Qoraagaasi waxa uu qormadiisa ku sheegay inay maalgashi culus ku sameysteen hanti-ma-guurto iyo ganacsi iyo inay Kenya u adeegsadaan sidii dal lagu qaado lacagaha, waa sida uu hadalka u yiri. Waxa uu sii raaciyey side cunaqabatayn loola beegsan karaa shaqsiyaadkaasi, iyadoo arrintan ka maqan tahay ficilkii fal-celinta ee dowladda Kenya u cuskatay khilaafka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  9. Kismaayo Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo toddobaadkii tegay ka magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wada-hadalladan oo billowgooda ay ka shaqeeyeen siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, ee ay isku beesha yihiin Axmed Madoobe, ayaa la sheegaya inay meel wanaagsan gaareen, islamarkaanaa wareega labaad oo wada-hadallo ah ay ka dhici doonaan magaalada Kismaayo toddobaadka soo socda. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in laga yaabo in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu gaaro magaalada Kismaayo, si uu u hoggaamiyo waftiga wada-hadallada ee dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale macquul ah in xubno u badan xildhibaano iyo wasiiro ku beel ah Axmed Madoobe loo diro Kismaayo, kuwaas oo uu hoggaamin doono wasiirka duulista iyo saadaasha hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Si kastaba waxaa macquul ah in tani ay ka carreysiiso Axmed Madoobe, maadaama la rumeysan yahay in Oomaar loo arko ninka ay dowladda Soomaaliya dooneyso inay ku beddesho Axmed Madoobe marka la gaaro doorashada Jubaland, haddii wada-hadallada ay fashilmaan. Si kastaba, waxay u badan tahay in Kheyre uu tago Kismaayo, sida aan xogta ku helnay. Wada-hadallada labada dhinaac, oo muddo la isku dayaye, ayaa ugu dambeyn dhaqaaqay kadib markii shir ay Garowe ku yeesheen madax goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo intii lagu guday jiray caleemo saarkii Siciid Cabdulahi Dani. Qorshaha socda ayaa ah in heshiis ay gaaraan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ka hor inta uusan qabsomin shirka bisha March loo ballamay ee Garoowe ku dhex-maraya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarinta, Midnimada iyo dhab u heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed ay door weyn ka ciyaareyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dowlanimo qurux badan, islamarkaana ay ka sugayaan dadka hogaanka u haya Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dalka uu u baahan yahay, siyaasiyiin mideysan una mideysan horumarinta dalka Soomaaliya, Abwaano, dhaliyari, Haween iyo shacabka uu isku duubma si loo gaaro dowladnimo qurux badan. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in dowladnimada kaliya laga sugo madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaanada baarlamaanka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Ugu dambeyn Xasa Cali Kheyre ayaa sheegay in loo baahan yahay aqoon iyo dulqaad badan oo loo yeesho sidii loosoo celin lahaa qaranimadii Soomaaliya. Hoos ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Rwasaare-Khayre-oo-jeediyey-Khudbad-Cajiib-ah-oo-Dad-badan-Qiiro-gelisay.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Dubai (Caasimadda Online) – Daaxi khalfaan oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliska Imaarada Dubai ayaa sheegay hadal ay si weyn ula yaabeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool daafaha adduunka. Mas’uulkaan ayaa furashadii Muslimiinta ee Dhulka Andalus ku tilmaamay inay aheyd gumeysi sida uu hadalka u dhigay. Daaxi khalfaan oo ah nin awood weyn ku leh dowladda Imaaraadka Carabta isla markaasna xilal kala duwan soo qabtay ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal carro xooggan ka dhex abuurtay Muslimiinta. Qoraalka mas’uulkan imaaraatiga ah ayaa uqornaa sidaan “Muslimiintu muddo sideed qarni ah ayay gumeysanayeen dhulka Andalus waa taas Andalus usoo laabatay dadkeedii, sabra awood walba waa zuuli doontaa waqtiguba ha dheeraadee”. Hadalkaas ayaa dood badan ka dhex dhaliyey Baraha Bulshada waxayna dadka intooda badan hadalkaas ku tilmaameyn inuu yahay mid ay ka muuqatay doqonimo iyo isla weynin. Qof Twittierka kusoo galo Misri ayaa sidaan ugu soo jawaabay “haddii futuuxaadkii muslimiinta ee andalus aad gummeysi ku tilmaamtay waxay ka dhigantahay in aad ixtilaal utaqaan furashadii muslimiinta ee Makka Al Mukarrama..Bilaadul Faaris iyo dhammaan furashooyinkii islaamiga ahaa”. Mid kamida dadkii tacliiqa ka dhiibtay hadalka taliye ku xigeenka booliska imaarada duba ayaa si kooban u yiri “waxaan umalaynayaa in booqashadii Baadariga Faatikaanka Boob Faransiis ayaa maskaxda kaa tirtitay”. isbuuc ka hor ayay dowladda imaaraatka marti gelisay shir ay ugu magac dartay walaaleynta bani’aadanimada shirkaas oo si cad loogu sheegay in kaniisadda iyo masjidka ay isku mid yihiin. Shirkaas kadib ayaa waxaa magaalada Abu Dubai layska hareer dhisay masjid loogu magac daray Al- Imaamul Akbar oo loola jeedo hoggaamiyaha jaamacadda azahar iyo kaniisad loogu magac daray saanta maariyo oo udhigan baadariga kaatooligga Faransiiska. Madaxda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa inta badan soo gudbiyo hadalo dhaliyo muran diimeed, waxaana dowladaas lagu eedeeyaa inay ka shaqeyso danaha dowladaha aan Islaamka aheyn. Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimad@live.com
  12. Markan maqlay Kenya aya xiriirka ujartay somalia arima laxiriira xaduud badeed labada dal ay isku haystaan aya waxanan layaabin sababta dad fara badan ay ugu falceliyaan. Africa waxa lagu qeebsaday shirkii berlin (berlin conference – 1884). Qeybsigaas aya sababay in dad wada dagan, wada dhashay lakala jara oo xaduud loo sammeya. Marka xurnimada laqaatayna xaduudkii gumeystaha kala dhax dhigay dadka aya horay looga sii socday oo sababtay markii dambe dagaal dhiig badan kutaata. Taariiqda Dagaal xaduudeedka Geeska Africa Ethiopia iyo somalia xaduud dagaal aya marar badan dhax maray, haba ugu darnaado kii 1977. Waxa kudhintay labada dhinacba dad fara badan, waxa kudhaawacmay kuwa kale oo kasi badan, waxa kuburburay hanti farabadan. Djabouti iyo Eritrea waxay in badan isku haysteen ilaa hadana wali madaxa iskulu jiraan muran xaduudeed udhaxeeyay labada dal. Waxay galeen dagaal, waxa ku dhintay askar badan, ayada oo qaarkod ilaa mardhow lakala haystay. Ethiopia ito Eritrea waxay in muda ah isku horfadhiyeen xaduud udhaxeysa labadaas dal, waxa ugu baxay qarash badan, waxayna 1992 ilaa mardhow loo celiya Eritrea dhulkaas maalin walba waxa ka jiray dhibaato ba’an oo u dhaxeeya labada wadan ama dad. Kenya iyo somalia waxa udhaxeyay cuqdad duleed oo ah gobolka hada Kenya ay utaqaana Wuqooyi galbeed (North Eastern) oo ah halka dadka somalida ah dagaan aya waxa la’aaminsanyahay inuu ahaa dhul somaaliyeed oo dad somali ah daganyihiin. Inkasta oo wali dagaal uusan kadicin isku qabsasha xaduudeed halkan lakin wali Somali badan aya aaminsan in xidigooda shanad kubeeganyahay Gobolkan (NFD). Uganda iyo Kenya waxa ka dhaxeeya dood xaduudeed xaga lahaanshaha biya Lake-Victoria. Inkasta oo wali dagaal uusan kadhax qarxin laakiin mowjada colaadeed aya marwalba halkaas laga tumaa. Waxa nasiib dara ah in wadan Democradiyad sheegta horayna uhaystay dhul iyo dad somaliyeed, ayada oo lajooga qarnigii 21 isku dayaya inay hadana bad hor leh qaataan. Waxa nasiib dara noqon doonta hadana in dagaal daba dheeraada uu halkas mustaqbalka kadhaca, lakiin qeyraadkaasna lasoo saara, lagana macaasha, ayada oo afrikaanka isku mashquul sanyihiin, dhimanayaan labada dhinacba sida hada haysata South Sudanese ka. Waxan filaayaa in Damaca Kenya ugu jira inay hesho ama dhacsato dhul-badeed ay leedahay Somalia ay kuhungoobi doonto sida hada kamuuqada natiijada maxkamada (ICJ) oo lasaa daalinaayo in somalia ay kuguuleysata hadii si cadaalad ah loo qaado maadaama dunida cadaaladba kajirin. kuwa shalay kala qeybiyay Africa manta hadana loo kala gar-dhiganaaya ama loo suuqgeynaaya kheyraadka xal uma’ahan Gesska Africa. Maxa xal ah? Xalka wuxu kujiraa in dadka, siyaasiyiinta, wax garadka iyo dhaman bulshada geeska Africa inay fahman inay si nabad ah uwada noolaan karaan. Dunida hada xaduud waalaga tagay, meelaha xaduudaha waxa loobadalay goob labada dhinacba si free ah isku maraan dadka, ganacsiga. Sida European Union ka camal. Marka waa in wax garadka kufikiraa sidii hormar loo sameen lahaa, iskaashi dhaqaale, mashaariic hormarineed sida Airports, bus station iyo maqaaxiya looga sameen lahaa xaduudaha. In xaduudka uu noqdo meel labada dalba kamacaashaan. Qore: Mahad Wayah Mahadhassan045@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysay xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanka. Guddoomiye Sheikh Cusmaan Barre Maxamed oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inay xaliyeen dhamaan tabashooyinka ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in kulamo ay wada qaateen guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo xildhibaanadii tabashooyinka qabay, islamarkaana wax badan ay isla garteen. Xildhibaanada ayaa ka cabanayay dhaqaalo badan oo mushaar ahaan kaga maqan, waxaana uu cadeeyay in hadda arimahaasi la xaliyay, sida uu hadalka u dhigay. “Arimaha baarlamaanka si guud ayaa loo xaliyay, wax khilaaf ah oo hadda ka dhex jira baarlamaanka iyo xukuumadda ma jiraan, siyaasadda sideedaba waa la isku qabtaa, laakiin waxaa muhiimadda tahay in hal meel la iskuugu wada yimaado, arimihii jirayna waa la xaliyay”ayuu yiri guddoomiye Cusmaan Barre. Qaar kamid ah wasiiradii dhawaan xilalka laga qaaday ayaa wali waxaa kamaqan mushaaraadka ku dhawaad 10 bilood, waxaana la ogeyn halka ay ku baxeyn dhaqaalihii loo qorsheyn jiray maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Sh.Dhexe Caasimada@live.com
  14. Khilaafka Kenya iyo Somaliya dagaal ma isu rogi karaa hadiise uu isu rogo sidee ayuu xaalku noqon karaa? Dee ama Jubbaland ayaa Kenya noqon lahayd ama NFD ayaa Somaliya noqon lahayd. “Soomaalidu waxay yidhaahdeen hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dilaacaa” maanta ayay taagan tahay marka damaca dawladda Kenya la eego. Kenya waxa haysay oo mar hore ogaatay saliidda iyo Gaasta Dabiiciga ah ee ceegaaga Galbeedka Badwaynta Hindiya oo ay dhawr dal oo Afrikaan ahi ku teedsan yihiin. Dalalka sida gaarka ah loo tilmaamay inay ugu badan yihiin khayraadkaasi waxa ka mid ah Mozambique iyo Somaliya oo iyadu xeeb ka dheer 2000Km ku leh Indian Ocean-ka. Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somaliya dhamaantood waxay joogaan kana hawlgalaan Jubbaland oo keliya oo ay gacansaar dhaw la leeyihiin maamul goboleedka Jubbaland gaar ahaan Madaxwane Axmed Madoobe oo si gaar ah ay u taageeraan laakiin hadii xaaladdu ay dagaal Kenya iyo Somaliya ah gaadho Kenya iyo Jubbaland ay gaadhayaan halkii ay ku kala leexan lahaayeen soomaaliduna markaa ay dhinac isugu baydhayaan. Hadii xaaladdu ay ay dagaal noqoto ciidamada Kenya ee ku jira gudaha Somaliya iyo kuwa ay xadka ku soo ururisayba waxay noqonayaan go’doon aan taakulayn iyo gurmad midna ka heli karin dhinaca Kenya waayo dhulka iyo baddan dhinacna wax u soo mari karaa ma jirto. Dhinaca kale ciidamada soomaalidu way ka khibrad badan yihiin kuwa Kenya xaga dagaalka. Dhulka soomaalida oo ah dhul kelya si fudud ayay ciidamada soomaalidu isugu gurman karaan dhinac kastana way ka soo dhaqaaqi karaan marka xaalku gaadho yaa maali jirayeey. Markaa weerarka ciidanada Kenya saw waali duul noqonmaayo khasaare aanay ka soo waaqsan karinna gaadhi maayo milatari ahaan oo dhulka soomaalidu ay degto (NFD) oo dhan la dhaafin maayo? Haa sida anigu aan qabo. Bariga Afrika waxa la saadaalinayaa in saliida iyo gaasta ku jirta Harada Soomaalida (Somali Basin) uu yahay kan ugu badan horaanriisii oo ah ka degaanka soomaalida Itoobiyana waxa la filayaa in muddo laba sanadood ah uu gaadho in la diro ama lagu sifeeyo Itoobiya iyo Jabuuti. Dhinaca Somaliland sahamintu waxay gaadhay heerkii afraad ee qodista (test drill) gaar ahaan Bariga Burco iyo Oodwayne oo 2019ka lagu wado in la bilaabo. Bariga Berbera ayaa iyadana laga wadaa sahaminta oo marxaladdii sadexaad uu dhamaatay sida la sheegayo. Dhinaca Somaliya waa sax in dhinaca badda Inian Ocean-ka mudnaanta la siiyo sababo nabadgelyo awgood. Waxa la sheegay in 25 xidhmo oo badwaynta ah dhawaan la kala siiyay shirkado kala duwan si ay sahamin dhamaystiran uga sameeyaan. Xidhmooyinka la bixiyay kuma jiraan sadexda xidhmo ee koonfur uga xiga oo ah inta Kenya damacu ka hayo. Kenya hadii ay sida saxa ah u fakarto khayraadka jaarkeeda wax badan ayay ka faaiidi kartaa gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha hadii aan damceeda waalani jar ka tuurin Xuquuqda qoraalkani waxa iska leh siyaasi Ali Guray Qaran News
  15. Kenya has declared it will not surrender any part of its territory in the ongoing ‘dispute with Somalia over maritime boundary.’ Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma has re-affirmed her position on the maritime dispute with Somalia saying the country’s action on the disputed areas are in bad faith.“ We will not cede any inch of Kenyan territory to any government,” said Foreign Affairs Cabibet Secretary Amb Monica Juma. Juma said Kenya is still waiting for a detailed response from the country on the key issues raised indicating that Kenya is trying its best to be ‘restrained’ and not overreact. “Countries have gone to way for far much less than this,” said Ms Juma. The CS in a late evening address noted that there could be sanctions against Somalia depending on the kind of response the country gives concerning the disputed boundary. Part of the explanation, she said, should include an apology to Kenya. “We will not cede any inch of Kenyan territory to any government,” the CS asserted. The dispute between Kenya and Somalia lies with four maritime blocks rich in oil and gas deposits. These blocks: 230, 231, 232 and 233 are what Somalia plans to auction by the end of the year to the highest bidder for exploration to start in 2020. This is despite at the International Court of Justice (ICJ) which was filed by Somalia five years ago over the maritime zones. Source: Standard Media
  16. The Kenyan government has warned that it will not cede an inch of its soil in the disputed maritime border with Somalia even as it [...] Source
  17. Waagii uu socday dagaalkii loo yaqaanay dagaalka Xidiguhu ayaa Haayaddii Wadanka Maraykanka hawshaa u qaabilsanayd ayaa ninkii mareeyaha ahaa oo ahaa nin maskax badan oo aqoon yahan ihi , wuxuu shaqaalihii haayadiisa u sheegay in ay gaadhi karaan hawadda keliya hadii qof waliba shaqadiisa sidda ugu fiican u qabsado , hadii uu yahay waashiman , Engineer ilaa maareeye guud . Muddo markii hawshi socotay , hassa yeeshee aanay weli gaadhin meel la taaban karro , ayaa Madaxwaynihii Maraykunku booqasho ku yimi , dabeeto wuxuu la kulmay waashimaankii oo shaqadiisa ku jirra , si fiicana wu shaqaynaya ka dibna waxaa dhex maray sheekadan . Madaxwayne , ka waran shaqadaada . Washiman , shaqadaydu way fiican tahay , waxaanu dadaal ugu jiraa in aanu dhawaan hawada gaadhno . Madaxwayne , Adiga shaqadaadu waa maxay Washiman , aniga shaqadaydu waa Parking hagaajiye . Madaxwayne , oo hadaa hadii aad tahay Parking hagaajiye sidee shaqadaadu ula xidhiidaa gaadhista hawada . Washiman , shaqadaydu waa ta ugu mudan dadaalka haayadaydu wado , hadii aan parkingku hagaagin shaqadu hagaagi mayso , khuburadu shirkadda subaxdii waxa waqtigu kaga lumayaa intay parking raadinayaan , intay shaqada ku jiraana waxay ka warwarayaan siday u bixi karan markay rawaxayaan , markay rawaxaana meel ay ka baxaan heli maayaan , hadii cid kale noo timaadana way ku dhib mudanaysaa , markaa parkinga ayaan hagaajiyaa si ay shaqadu u hagaagto . intaa ka dib Madaxwaynuhu wuxuu la shiray shaqaallihii shirakada iyo madaxdii , waxaanu ku yidhi ” Markaan idiin imi waan ka warwarasanaa dadaalkeena , laakiin waxaan idiinku hanbalayeynayaa dadaalkiina , waxaanan ku qancay sidda uu ii qanciyey parking hagaajiyuhu , sidaan hubana hawada dhawaan waa gaadhaysaan . Markaa suaasheenii aynu usoo noqonee , Aqoonsi waxaynu helaynaa , marka qof waliba u arko in shaqadiisu tahay ta uu ku xidhan yahay aqoonsigu , marka dawlada hoose xashiishka ula dagaalanto in aynu aqoonsi helo , marka dhakhaatiirtu dadaasho , marka qof walba iyo qayb waliba shaqadeeda wanaajiso , ayaynu aqoonsiga heleynaa . Source
  18. Macluumaad ku Saabsan online. Ganacsiga Online.. Markaa aad bilaabayso maaha mid sahlan waa Shaqo aad u adag oo uu ka baxo qof ama Group dhiiran oo adag oo maskax adeegsnaya . 1.Aaminaad:– →Waxaad u baahan tahay in Lagu Aamino Shayga aaminaada la yidhaana waa shay aad u muhiima waxa La Rabaa In qof kasta ku aamino adigaana ka kasbanaya,markaad u qabato hawshu uu kaa soo dalbaday sida ugu fiican. 2.Adeeg:– →Qofku inuu adeega uu kaa soo dalbado aad sidiisa ugu fuliso hadiiba aad haysaan hadii aydaan haynina aad u sheegtaan wakhtiga la helayo ama la keenayo,hadii uu qof kaasi lacagta soo diro oo aydaan haynin Alaabta uu ka soo dalbaday waa inaad u celisaa sida ugu dhakhsaha badan waayo Aaminada uu idinku Qabay Ay Kor Ugu Sii Qaadmaysa. 3.Dedegsiimo delivery :– →Wakhtiga aad la balanto inaad u Qaado shayga ama Alaabta uu kaa soo dalbaday sida ugu macquulsan Una sheegto Saacada iyo wakhtiga ay Soo gaadhayso. 4-Qancinta macmiilka. Inaad iska war haysaan hadiiba call center laydinka soo wacayo Ama whatsapp Ama Facebook page ama website online chat,ama message email inaad iska war haysaan oo aad Oo wada shaqayn baaxad leh idinka dhaxayso. 5.dalbashada websiteka Macluumaad kusaabsan . Website Alaabta marka Laga soo dalbanayo maaha wax si fudud lagu dalban karo isku daya inaad websiteka u samaysaan luuqadaha ha ugu horeeyaan Somali,Arabic, English sadexdaa object waa inaad ku dartaa in Uu Website isku badalo marka wax laga dalbanayo qof kastaana luuqada uu fahmayo wax ku dalbado ,inataasi waa guud mar aan hal iyo laba qodob oo kale kuugu daro 1.Tusaale alaabta qofku arka uu soo dalbanayo waa inaad Website kaaga ka dhigtaa mid su fudud salada ama (cart) loogu iibsan karo hal page inaad ku koobtaano waa mid aad u wanaagsan .si qofku hal mar u dalbado waxa uu doonayo,una Fududaato. 6:Dalbashada whatsapp ka :- Qofku inuu idinka dalbado alaab Waa shayga aad u baahan tihiin Tusaale dadku mawada fahmayaan in Aqoon u leh mooyaane inay website wax ka iibsato balse hadiiba qofku isku dayo inuu alaab iibsado uuna ka iibsado whatsapp ka waa inaad soo dhawaysaa sida ugu haboon Una Fududeyso hadiiba uu ka iibsan karayn website inaad hagto waa mida ugu fiican hadiiba aanu fahmayna inaad waafajisaan oo aad buuxbuuxisaan idinku ayaa laydinka Rabaa Alaabtiina aad macmiilka kaga iibisaan whatsapp ka uu garanayo intuu idinla waadago waxa uu ka Rabo websiteka . 7: Celinta Lacagta Hadii macmiilku ka maarmo (RE funds):- marka laga dalbnayo Website oo uu macmiilkii dalbado lacagtiina uu soo diro ka dibna uu ka maarmo maaha in aad macmiilka qasabtaan oo aad tidhaahdaan Terms of Conditionka ayay ku jirtay shardigaasi ee soo cancel garee ka dibna lacagta aanu kuu soo celino qodabkan inaad ka taxadirtaa waa mid aad U fiican waayo dadbaan garanayn sida loo cancel garaynayo Itemkii ay Dalbadeen hadiiba laga fursan waayo inaad tidhaa xarunta noogu kaalay anagaa kuu cancel garynayna ka dibna lacagtaada kuu celinayna ama call centerka naga soo wac anaga ku hagayna,waa habka Macmiilka aad ku ilaasgan karto. 8: Qiimaha :- Qiimaha aad macmiilka wax kaga iibinaysaan waa inuu noqdaa ka saxda ah ee ku dul qoran Alaabta Wajiyo Badana inuu Yeesho sida laba qiimo oo kuwada qorma waa Muhiim Inaad Ka ilaaliso. 9: Discount:- Waa inaad macmiilka u sheegto sida uu discount ku helayaa inay Tahay inuu lamabarkiisa ama email kiisa soo qoro iyo Alaabta uu dalbanayo ka dibna cord discount Oo Alaab kasta Qiimo leedahay oo idiin diyaarsan aad ku tidhaahdaan halkaas loogu Tala galay gali discount sidaas ayuu kaaga go’ayaa macmiil. 10: Hadyada aad bixinaysaan:- Hadiiba aad hadyad bixinaysaan waa inay noqotaa mid ah sida aad macmiilka ugu sheegteen oo aydaan marka uu uu helo ama aad bonus ku siinaysaan Qiimaha ay hadyadu Tahay in aydaan ka badalin oo aydaan hadhow odhan Tan ayaad ku Guuleystay si aad u kasbato macmiilka waa inaad siisaa Ta xaqa uu u lee yahay. Iyo Macluumaad kale oo badan Wabilahi Tawfiiq Dhamaad. Qore Engr Abdifatah jama Date 21-02-2019 Email id Sircabdifataxj@gmail.com Source
  19. Tan iyo intii Raiisal wasaaraha Ethiopia ee Abby ahmed uu la wareegay shaqada waxa uu si xawli ah u dhaqaajiyay isbeddelo laga yaabay oo xawli ah oo dabcan waddamo faaiido u keenay sida Ertrea oo kale qaar kalena walaac ku abuuray sida jabuuti oo kale,Somaliland wuxu ku furay woxoogaa brobagando ah Dhinaca Somalia way is yara buurtay oo woxoogaa awood aanay lahayn ayay is bidday,waxayna isu aragtay inau ku amar ku taaglayn karto siyaasadda arrimaha dibadda. Hase ahaattee wixii waxad mooddaa in isbeddel ku yimid oo ay Runi run timid oo howlo badan oo gudaha Ethiopia ahi ka horyimaadeen abby ahmed sidaas darteed uu dhimay socodkii,waxa kalood mooddaa Madaxweynaha Federalka Somalia oo uu awal hore aad ugu xidhnaa inuu ka xiiso dhacay hadda oo dhinaca Somaliland oo markii hore uu u yara aamusay inuu hadda u soo janjeedhsaday waxad ka garan heerka martiqaad ee uu u sameeyay madaxweyne Biixi. Dhinaca kale Xukuumadda jabuuti ayaa aad uga niyad jabtay Xukuumadda Somalia in kastoo jabuuti ay tahay waddan guun ah oo qarsan kara cadhada ay u qabaan Somalia ka dib markii madaxweyne Farmaajo oo uu ka danbeeyo abby Ahmed uu ugu baaqay UN in cunaqabataynta laga qaado Eritrea arrintaas oo jabuuti aad uga walaacday,maadaama dhul jabuuti ay leedahay ay haysato Eritrea. Dhinaca kale Kenya iyo Somalia ayaa xidhiidhkoodu aad u xumaaday iyadoo kolka horeba Kenya walaac xagga Amniga ahi kaga furnaa dhinaca Somalia ayay haddana Arrinta badda ay timid sidaas darteed xaalkoodu wuu cakiranyahay. Waxad moodda in xaaladu ay ku adkaanayso Somalia sababtu waxay tahay Somalia oo awoodeedu u badantahay xagga arrimaha dibadda ayaan waxba ka qaban xagga arrimeheeda gudaha,waxayna inta badan ku mashquulsantahay safarro dibadda ah oo ay lacag meelahaas kaga urursato.haba se ahaattee dhaqaalaha soo gala waxba uguma qabato Umadda Somaliyeed ee tabaalaysan ee waxay u adeegsattaa Brobagando ay qori dable isugu dhiibto dhulal nabadi ka jirto Sida Somaliland oo kale ama Sida koonfur galbeed Somalia oo kale. Guud ahaan waxa soo yaraanaya xiisihii geeska Afrika u qabeen Somalia waayo Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa hogaamisa siyaasadda arrimaha gudaha Mar haddii ay Somalia aanay gudaha waddankeeda waxba ka qaban Karin ama xaqiiqada taalla aanay ka tarjumayn dabcan way iska yaraanaysaa rajadii ay ka qabeen waddamada Geesku. Maanta Somaliland fursad wayn ayaa u taalla oo ay si run ah geeska Afrika waddamada ku yaalla ay kula macaamili karto waxana shaqayn doona samirkii reer Somaliland muddada dheer muujiyeen inuu haatan midho dhalo waase hadba sida looga faaiideeyo,waayo waddamo hore indhaha uga lalin jiray Somaliland oo maanta soo waayo arkay ayaa soo hor fadhiisanaya Somaliland markaas waa fursaddii ay Somalilnd ugu gardhigan lahayd waddamadan geeska Afrika ku yaalla Runta in lagala hadlaana maanta way sahlantahay. Wa billaahi towfiiq Rashiid odowaa khadarsalaan@gmail.com 063-4101213 Source
  20. Nin philosopher ah oo Denish ah ( Dr. Soren Kierkegaard) Wuxuu yidhi ” Haddaad Doonaysid inaad Horuumar Samaysid waa inaad ADOO DIB U JEEDA HOORUU DHAQAAQDAA . Wuxuu u jeedaa waa inay kuu muuqanayaan wixii aad soo martay OO dhami Isla markaana aad horuu socinaysid, Wuxuu uga jeedaa waa inaad Ka dhereg santay taariikhdaad soo martay si aan dhibaatadeedii iyo faaiidadeeddiiba aanad u hilmaamin waa inaad Ka dhereg santay ,mustaqbalka soo socdaana waxaa laga dersaa oo laga bartaa waxa soo socdaana waa wixii KU soo maray. Hadaba Haddaad hoos ugu dhaadhaco dulucda maqaalkaygan reer Somaliland waxaa soo maray Shan QAX oo mid walba waqtigiisii dhib badnaa shantaana dad Fara KU tiris ah ayaa Ka nool goob jooga yaashii DADKA badankiisu afar ama seddex bay goob joogayaal ahaayeen. Xaaji Cabdi Waraabe oo kale shantaba qaxoontigii buu Ka mid ahaa. 1- Qaxii ugu horeeyey waa dagaal Xaakimo ama Xukuumadi keento waxaa ugu horeeyey reer Somaliland waa Qaxii 1940gii waa dagaalkii labaad ee adduunka (proxy War) buu ahaa oo Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ayaa Somaliland isku dhex dilay intuu Talyaanigu Somalia Ka soo duulay. Waa dagaalkii la baxay BAANDADA . Ingiriisku Wuxuu Somaliland Ka Xukumi Jiray Berbera berigaa, waa Dagaalka geesigii Cumar KU joog ciidanka yar la galay buurta yar ee saaran Tuulada Dacar-budhuq ee uu muddo KU hakiyey ciidankii Talyaaniga resistance wacanna sameeyey rag kalaa Kula dhintay oo qaar magacyadoodii labgaranayo isagu hogaamiye ayuu u ahaa. waa Dagaalka dhawaaca sahlani Ka soo Mohamoud Axmed Cali ( Father of Education of Somali oo dhan) isagoo KU xigeen u ahaa Sarkaal ciidanka Ingiriiska watay Berbera, waa dagaalka Ingiriiskii Hindidii iyo Somalidii raacday ay Cadan u qaxeen Somalidii Berbera joogtay oo dhami miyi u qaxeen oon Berbera qof KU hadhin. Berigaa gaadiid ma jirin lug iyo awr baa socodku ahaa ,dhibta waad garan kartaa markaad bill socod uun KU jirto si aad reerihiinii u gaadho. 2- QAXII labaad we Xukuumad Ka yimmaaddaa Wuxuu ahaa dagaalkii Xabashida iyo Somalida we 1964kii . Waa dagaalkii afarta baynu jaho looga yaacay ha loo badnaado dhinaca bariga Hargeysa ee loo xulay Dooxa Maroodi jeex dhinaca Bari waa maalintay baxday BAKAYLA-QALAD ee bakaylayaasha dadku qasheen oo wax inagu cusub ahayd. 3-QAXII SEDDEXAAD Wuxuu ahaa ee Xukuumad kaga yimmaadda reer Somaliland kii 1988kii ee Daaquud kii Afweyne uu Somali Kala dilay halkay maanta kala joogtana Kala geeyey. Kumaankun KHASAARAHA ah baa Ka dhashay oo naf iyo maalba leh. 4- QAXII AFRAAD Wuxuu ahaa kii 1991kii Oo ahaa markii NIFIRKA loo taagay keligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre oo isna ahaa Qax Xukuumadi keentay. 5- Qaxii Shanaad isna Xagga Xukuumaddii ina Cigaalbaa keentay isna khasaare dad iyo maala baa KU hoobtay halkaa. Runtii hadalkii Ka soo baxay Gabayaagii fiicnaa ee Tima cadde been Muu sheegin markii uu KU gabyey QORAXDII DHACDABA TEENU WAY KALA QAXAYSAA. waxaa kaloo mucjisa ah Quran Ka Allah inoogu sheegay marka ummad jiritaan keeda laga hadlayo ama qaxeeda iyo burburkeeda ina Xumaanta keentaa Ka timaado Xagga Xukaamta oo hoos ugu soo degto xagga shacabka oonay weligeed Xumaanta ummad burburisaa Ka Iman xagga shacabka oo kor u socon xumaanta . Ayadaa Quranka ah shantaana QAX back waa u markhaati. shantaa reer Somaliland KU dhacayba xagga Xukaamta ayey Ka yimmaaddeen haddii Qax kale soo socdana sidaa Allah sheegay xagga Xukaamtuu Ka imanayaa . Waa suaal da weynoo Madaxa daalinaysee QAX miyaanay Ka Tasha Karin reer Somaliland oo Dagaalka xagga Xukaamta Ka soo imanaya iska guarantee Karin si horuumar lawada leeyahay WADANKU ugu waaro???? M Bashe qoranebashe@gmail.com Source
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku taxan website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Nairobi (PP) ─ Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Danjire Munica Juma oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay dhici karto in Kenya ay cunno-qabteyn kusoo rogto Somalia, haddii bay tiri Somalia ay raalli-gelin bixin waydo. Danjire Juma, ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in laga qanciyo badda ay khayraadkeeda beecisay Somalia, iyadoo xustay in Kenya aysan aqbalayn in taako ka mid ah dhulkeeda ay cid kale la wareegto. “Ma jirto dowlad aan ku wareejinayno taako ka mid ah dhulkeenna,” ayay ku tiri Juma shirkeeda jaraa’id iyadoo intaas ku dartay. “Dalal ayaa dagaal ku gala wax ka yar arrintaan oo kale.” Inkastoo wasiirradu aysan sheegin in Kenya ay diyaar u tahay inay Somalia kula dagaalanto badda ay isku haystaan, ayaa haddana waxay sheegtay inay Somalia ka sugayaan faahfaahin ku saabsan qodobadii waaweynaa ee looga hadlay shirkii beecinta shidaalka Somalia ee bishan lagu qabtay London. “Waa lagama maarmaan in Somalia ay sharraxaad ka bixiso goobaha lagu soo bandhigay shirkii London ee khayraadku jiro,” ayay hadalkeeda raacisay iyadoo xustay in badda lagu muransan yahay ay Kenya leedahay oo aysan raali ka ahayn in Somalia ay sheegato. Sidoo kale, Wasiirradda ayaan soo hadal-qaadin go’aanka kasoo bixi kara maxkamadda ICJ oo ay taallo dacwadda badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taasoo lagu wado inay maxkamaddu dhawaan ka gaaro go’aan kama dambeys ah. Balse, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay u muuqato in looga awood badan yahay siyaasadda dibadda, waxayna hadalkeeda raacisay inay dadaal u galayaan inay ku guuleystaan go’aankooda ku aaddan murakna badda ee kala dhexeeya Somalia. Dowladda Kenya ayaa dhawaan xiriirka u jartay Dowladda Somalia, kaddib markii ay ku eedeysay inay beecisay khayraadka ku jira badda labada dal ay ku muransan yihiin, inkastoo Somalia ay go’aankaas ka bixisay jawaab aan aad loo jeclaysan. Ugu dambeyn, Muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya ayaa u muuqda inuu waji kale yeelanayo, iyadoo la ogyahay in Kenya ay ciidammo ka tirsan AMISOM ka jogoaan Somalia. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo maanta si ka duwan sidii hore uga hadashay muranka badda appeared first on Puntland Post.
  23. Somaliland: President Muse Bihi Visits Ethiopia Adis Ababa, (Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi, accompanied by several senior ministers, including the Foreign, Interior, Finance and Commerce, is currently visiting the Federal Republic of Ethiopia. This is President Bihi’s first visit to our neighbor and comes at the invitation of the Ethiopian government led by Dr. Abiy Ahmed. The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi met with the Ethiopian Prime Minister, Dr. Abiy Ahmed to discuss areas of mutual interest, including bilateral co-operation on security, economic development and social affairs. The two sides, Somaliland and Ethiopia, also discussed the future developments of the talks between Somaliland and the federal government in Somalia. According to the communique issued by the Somaliland government, it was agreed all future talks be held within the international arena. In a bizarre sidebar, the head of the federal government in Somalia, Mohamed Abdillahi Farmajo who has expected to meet with President Muse Bihi, abandoned the meeting and headed for Mogadishu after his trip to Djibouti. Upon arrival in Mogadishu, a press release was issued stating that “President Muse Bihi agreed to work with the federal entity in Mogadishu”. The press release issued in Mogadishu has been widely ridiculed as a blatant miss-interpretation of the communique issued by the Federal Governement of Ethiopia, which stressed the “need for co-operation for all the countries in the Horn of Africa” All in all, the visit has been a success on Somaliland’s part and has once again clearly highlighted the strong ties between the two countries. Qaran News