Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia's security forces held two suspects including the driver of the explosive-laden vehicle that went off in Somali capital Mogadishu on Sunday evening. Source: Hiiraan Online
  2. Safo Ahmed could have worked for one of Kenya’s top law firms but chose to join the Norwegian Refugee Council instead. Now she offers her legal expertise to those who need it the most. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay muddo kordhin uu sheegay inay doonayaan madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay helaan fursad labo sano oo dheeraad ah oo ay doonayaan inay ku darsadaan, taasina aysan ka soconeyn dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in madaxda dalka ay durba soo jeedintooda ku aadan in muddada loo kordhiyaa ay u direen qaar kamid ah madaxda dalalka caalamka. Bisha Febraayo ee sanadka 2021 ayuu sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, haddii taasi aysan dhicina in dalka uu yeelan doono 10 madaxweyne. “Waxaan og nahay inay doonayaan muddo kordhin inay sameeyaan madaxda hadda talada haya, taasina suuragal maaha, oo waxayba hadda Proposal u direen dalalka caalamka iyaga oo u sheegaya in muddo kordhin loo sameeyo” “7 Febraayo 2021 haddii doorasho aysan ka dhicin dalkaan wuxuu yeelan doonaa 10 Madaxweyne”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble. Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa walaac ka muujinaya muddo kordhin ay sheegeen inay doonayaan inay sameyn karaan madaxda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kismaayo ( SMN):- Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamada Ethiopia, talaabadan ayaa waxaa ay timid kadib markii ay cabasho muujiyeen Musharraxiinta u tartamaya Doorashada maamulkaasi. Xubnahan quud dareynaya hoggaanka Jubbaland ayaa tilmaamay marka ay ka dagayaan Garoonkaasi in lagu handado, mararka qaarna ay Ciidamada ilaalada ka haya ay ula macaamilaan, si aan wanaagsanayn, sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan wax Olole ah ka sameysan karin gudaha magaalada Kismaayo. Sidoo kale Macluumaad hoose oo ay Shabelle heshay ayaa tilmaamaya Ciidamadda Ethiopia in ay la wareegi doonaan Dekedda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, iyo Deegaanadda Kale ee Maamulkasi ka arimiyo. Wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Freincisco Madiera ayaa qorshuhu yahay in uu maanta safar ku gaaro magaaladaasi. Dhawaan ayey aheyd markii ay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo isku xabadeeyeen Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwo ilaalo u ah Musharrax Madaxweyne ee maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar, waxaana Halkaasi ka dhashay khasaaro kooban. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ayaa lagu eedeeyay in uu marooqsadey doorashada uu hadda xilkeeda ka sii dhamaanayo’ waxaa ayna hadda u egtahay in qorshahaasi la iskaga daba yimid oo arrintu sidii hore ay ka duwanaan doonto. View the full article
  5. Muqdisho ( SMN):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. View the full article
  6. Soomaaliya waxay horumar ka sameyneysaa dhismaha dowladnimada laakiin waxay wali la tacaaleysaa inay wax ka qabato xagjirnimada, argagixisada, dagaallada sokeeye, xasillooni darrida siyaasadeed iyo musuqmaasuqa sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loona gudbiyey golaha ammaanka isagoo intaas ku daray in caqabadahaan ay muujinayaan jilcanaanta horumarrada illaa hadda gaaray. Kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, weerarro argagixiso iyo macluul, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad ku-meel-gaar ah sannadkii 2012kii illaa haddana waxaa laga shaqeynayey sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida. Laakiin Guterres ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka ay wali jilicsan tahay. Wuxuu intaas ku daray in intii u dhaxeysay bartamihii December iyo horraantii May Alshabaab ay weerarro xooggan ku qaadeen xarrumo ciidan, saraakiil dowladda ka tirsan, ciidammada ammaanka iyo sidoo kale baarar caan ah iyo hoteello sida uu sheegay xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Guterres wuxuu sheegay in bilihii March iyo April ay aad sare ugu kaceen weerarrada ka dhacay Muqdisho iyadoo qaraxyada lagu xiro gawaarida ay si maalinle ah u dhacayeen. Bishii March ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka dhaceen 77 qarax, Guterres wuxuu sidoo kale xusay inay kor u kaceen weerarrada loo adeegsado hoobiyaha taasoo caddeyneysa ayuu yiri sida Alshabaab ay u horumariyeen awoodda ay ku weerari karaan bartilmaameedyadooda. Xoghaye Guterres wuxuu sheegay in weerarrada loo adeegsado Ismiidaaminta ay wali iyaguna socdaan. Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu carrabka ku adkeeyey inay jiraan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo iyo tiro duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday saldhigyo ay Alshabaab ku tababartaan kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen goobo ay iska soo abaabulaan. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-21052019.mp3 View the full article
  8. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa lagu waramayaa inay dhalinyaradii ugu badnaa ay ka Afduubteen deegaanada gobolka Galgaduud, kadib culees kaga yimid dhaqdhaqaaqyo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Galmudug. Dadka deegaanka Ceel Maygaag iyo Xiindheere ayaa xaqiijiyay Al Shabaab in dhalinayaro badan ay ka kaxeysteen deegaano dhowr ah, iyaga oo la aaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Al Shabaab ayaa doonaya inay u dagaalamaan dhalinyaradaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana cabsi ay soo wajahday dhalinyarada ku nool deegaanada Miyiga ee gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug ayaa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay deegaano Hoos taga degmada Xarardheere, arintaasi ayaana sababtay cabsi soo wajahday Al Shabaabka ku sugan Xarardheere. Deegaano dhowr ah ayaa lagu waramayaa inay isaga baxeen Al Shabaab, waxaana ay isku urursanayaan degmada Xarardheere, iyaga oo cadaadis xoogan dareemaya. Ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo laga kaxeeyay ku dhawaad shan tuulo ayaa la sheegay in la geeyay deegaano hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Waalidiinta deegaanada Galgaduud ayaa sheegay in lagu wargeliyay inaysan diidi karin inay dhalinyaradooda ka barbar dagaalamaan Al Shabaab. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  9. NAIROBI (HOL) - Three Somalia officials are currently stranded at the Jomo Kenyatta International Airport in Kenya, after they were denied access for lack of Visas. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, sida xogaha aan ku heleyno. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa magaalada Kismaayo inay la wareegeen amaanka garoonka, iyadoo aanan la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay kaga baxeen. Balse warar aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada Kenya ay kaga baxeen garoonka diyaaradaha inay bixiyeen taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Kenya laga saarayo guud ahaan Jubbada Hoose. Sidoo kale waxaa soo baxaya in ciidamada Kenya saaka laga saaray saldhig ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo saldhigyo kale oo ku yaala Jubbada Hoose. Magaalada Kismaayo waxaa ku kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay amaanka garoonka in si weyn loo adkeeyo, islamarkaana musharixiinta la tartameysa madaxweyne Axmed Madoobe ay si nabad ah ku tagaan magaalada Kismaayo. Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulka Jubbaland, waxaana qorshaha uu yahay inay adkeeyaan amaanka guud ahaan magaalada KIsmaayo. Tallaabadaaan Ciidamada Ethiopia ay kula wareegeen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan Garoonka Kismaayo ay ku dagaalameen Ciidamo uu wato musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ilaalada Garoonka,waxaana musharixiinta qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayaan in uu caburin ku haayo. Xogaha kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Maanta tagayaan Magaalada Kismaayo, iyaga oo la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe cusub oo doorasho looga qabanayo degaanada maamulka Galmudug dhamaadka sanadkaan 2019 oo ku egyahay muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xukuumadda Soomaaliya ay la heshiisay islamarkaana ay lacago badan ku bixisay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug ,si ay go’aan uga gaaraan doorashada Galmudug. Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug aadna ugu dhow Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna ku heshiiyeen Xildhibaanada shiraan kadibna ay go’aano ka soo saaraan xaaladda Galmudug. Xubnahaan Xildhibaanada oo aad ugu dhow Kheyre islamarkaana la dhacsan sida uu wax kuwado ayaa abaabulaya kulamo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Galmudug ,waxayna wadaan qorshe madaxtooyada looga soo dhiibay si meesha looga saaro Madaxweyne Xaaf lamana oga sida ay ku suurta geli doonto arimahaan hadda ka socda Villa Somalia. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Caasimada Online ayaa sheegay in barnaamijkaan uu ka socdo Muqdisho, islamarkaana ay qayb ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi isagoo ka digay cawaaqibkii ka dhasha Shirka Galmudug ee Muqdisho laga abaabulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. 18 qof ayaa dhimatay markii xarrakada Alshabaab ay weerar ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla koofurta Soomaaliya. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah 14 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab iyo 4 askari kuwaasoo ka mid ahaa askartii gacanta ku hayey saldhiggaan ciidan oo ku yaalla gobolka Bakool. Alshabaab ayaa saldhiggaan ku qaadday weerar culus sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Xarrakada Alshabaab ayaa kasoo weeraray saldhigga dhawr jiho ka hor intii aysan cagta marin fariisinkaan ciidan sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bakool. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ugu dambeyn dib la isaga caabbiyey Alshabaab dibna looga qabsaday saldhigga. Xarrakada Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dishay 10 askari iyagoo qabsaday saldhigga islamarkaana ka qaatay agab milatari. Alshabaab oo gacan-saar la leh ururka Alqaeda ayaa weerarro joogto ah ku qaadda saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaaliyaasha ee AMISOM. Source: goobjoog.com
  13. The Greek island of Samos is known for its picturesque landscapes. It also hosts a darker reality: one of the so-called hotspots, or registration centers for migrants, set on the Greek islands of the North Aegean sea. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, [...] Source
  15. ADDIS ABABA AND JIJIGA, ETHIOPIA – Two decades ago, when a young lawyer named Meaza Ashenafi began defending women who had been sexually harassed, she quickly stumbled into a problem. Source: Hiiraan Online
  16. Wararka dhiillada wato ee Iiraan iyo Maraykanku hawada isu marinayeen baryahaan waa kuwo tusayo colaadda kasoo iftiimayso Bariga Dhexe. Aqoonyahanno badan iyo dadka ka faalloodo siyaasadda dunidu waxay si aan kala go’ lahayn diiradda u saarayeen cabsida ka aloosan Bariga Dhexe. Hasa yeeshee waxaan ahmiyad la mid ah la siin midda laga yaabo inay ka gugacdo Bariga Afrika. Dowladda Kiinya waxay in muddo ah diyaar garow xooggan oo dhinacyo badan leh ugu jirtay dagaal ay ku qabsato dhul Soomaaliyeed oo cusub. Waxay ballaarisay tababaridda cidamadeeda, kor u qaadidda tayada ciidankeeda lugta iyo casriyaynta hubkeeda iyo waliba diyaarinta maskaxda shacabkeeda. Sanadki hore waddamada ku yaal Bariga Afrika waxay hub iibsasho ku bixiyeen adduun gaarayo saddex bilyan oo doolar. Kenya ayaa hoggaaminayso waddamadaan. Sanadki tagay 80 milyan oo doolar ayay ku kordhisay qarashaadkeeda hub aruursiga. Guud ahaan qarashka dalalkaan ay ku bixiyaan is hubaynta 36.5% waxaa leh Kenya oo noqotay dalka ugu hub iibsiga badan dalalka Bariga Afrika. Maraykanka ayay ka heleen 12 ah gawaarida gaashaaman ee loo yaqaan Bastion armoured personnel carriers (APCs). Waxay sidoo kale soo iibsatay diyaaradaha qummaatiga ku kaco iyo hub kale oo casri ah. Waxay xoojisay ciidamadeeda badda waxayna howl galisay maraakiib si gaar ah u joogto biyaha ay Soomaaliya xoogga ooga qabsatay. Hasa yeeshee waxaa intaas oo dhan oo ka daran habka ay maskaxda shacabkeeda ugu diyaarinayso dagaal qaraar oo daba dheeraado. Ololaha shicibka Kenya loogu diyaar garaynayo dagaal waxaa hoggaanka u hayo idaacaha iyo aqoonyahannada dalkaas. Shicibka Kiinya oo qaatir ka taagan dagaalki koobnaa ee ay dowladdoodu ku qaadday jamhadda yar ee Shabaab ayay adag tahay in la laqsiiyo dagaal ballaaran oo dhul lagu qabsado. Dowladda oo arrintaas og ayaa hadalka u dhigayso sifo ay dadku naftooda u huri karaan duullaankana uga raalli noqon karaan. Istaatiyada ay isticmaalayso dowladda Kiinya ayaa ah in Soomaaliya ay qabsatay dhul ay iyadu leedahay iyadoo adeegsanayso guumayste caddaan ah. Waxaa la isu ekaysiiyay guumaystihii ree Yurub iyo waxa ay Kiinya ugu yeeryay boobka biyaheeda. Dowlado soomaaliya dhib ma ogiye aysan dheef ku qabin ayaa dadka Kiinya loo sheegay inay biyahooda Soomaaliya siinayaan. Muuqaalka kore ayaa ka mid ah kuwii ugu yaabka badnaa ee siday farriimaha colaadeed ee lagu kicinayo shicibka Kiinya sidoo kalana lagu bannaysanayo boobka dhulka Soomaaliya. Muuqaan oo soconayo 12 daqiiqo ayaa waxaa ka hadlayo aqoonyahanno reer Kiinya ah oo da’ yar. Dhammaan inta meesha ka hadashay waxay isku raaceen inay dhimasho ka xigaan inay ka baxaaan biyaha Soomaaliya ee dalkoodu xoogga ku haysto. Maxkamadda caalamiga ee ay dhawaan qaadi doonto dacwada badda ayay u sawireen xero guumayste oo lagu qaybinayo biyaha Kiinya. Hadalkaan wuxuu sidaa labo farriimood. Tan koowaad waa inaysan ku qanci doonin natiijada kasoo baxdo maxkamaddaas taasoo tilmaamayso inay ogyihiin in laga xugmin doono waxa la isku hayo. Farriinta labaad ayaa ah in shicibka Kiinya loo sheego inaysan jirin dood u dhaxayso Soomaaliya iyo Kiinya ee ay jirto dood u dhaxayso ree Yurub rabo inay qabsadaan biyaha Kiinya iyagoo isticmaalayo Soomaaliya iyo Kiinya oo is difaacayso. Qodob kale oo meeshaan laga sheegay ayaa ah sheegasho dhul cusub iyo tuhun la qabay oo carrabka lagu dhuftay. Deegannada Jubaland oo dhan ayay Kiinya ku doodaysaa inay iyadu leedahay xaqna tahay inay u dagaalanto. Tani waa hayi kicin shicib iyo furid jiho cusub oo laga dagaal galo oo cadaadis lagu saaro Soomaalida uu dagaalku daashaday ee dhulkeedi iyo dadkeediba horay loo qaatay. Haddii Jubaland la isku hayso ma bad baa warkeed jiraa. Tallaabooyinka kale ee ay kiinya qaadday si ay ugu guulaysato dagaalka ay qaadi doonto ayaa waxaa ka mid ah qoridda ciidamo Soomaali ah oo iyada ka amar qaato kuwaas oo sal dhigan doono gudaha Soomaaliya iyagoo difaacayo Kiinya. Ceelwaaq ayaa laga billaabay qoridda ciidamadaan oo hadda si dardar leh uga socdo. Qorshaha ayaa ah inay xuduudka dhinaca Soomaaliya ah lagu teedo ciidamo Soomaali ah oo Kiinya mushaar ka qaato hoosna tago Juabaland. Ciidamadaan waxay ka hor tagi doonaan kacdoon shicib iyo cid walba oo isku daydo inay hor istaagto darbiga la sargooyay loolka badda la isku hayo. Si kooban, dowladda Kiinya iyo madaxya-weynteedu (elites) way ogyihiin inaysan lahayn biyaha la isku hayo loogana guulaysan doono dacwada dhawaan dhici doonta. Sidaa darteed waxay u diyaar garoobeen dagaal qaraar oo ay ku haystaan dhulka Soomaaliyeed ee ay qabsadeen. Soomaalida ayaan dhinaceeda warba u hayn middayaha loo soofaysanayo iyo duullaanka qaawan ee lagu kor diyaarinayo. WQ: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. UNITED NATIONS – U.N. Secretary-General Antonio Guterres says Somalia is making progress toward building a functioning state but must tackle violent extremism, terrorism, armed conflict, political instability and corruption. Source: Hiiraan Online
  18. Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, received on Monday in Mogadishu the High Representative of the European Union for Foreign Affairs and Security Policy, Vice-President of the European Commission, Ms. Federica Mogherini, who arrived in the Somali capital on a working visit leading a large multi-faceted delegation. Source: Hiiraan Online
  19. (Reuters) - A U.S. judge on Monday ruled in favor of a U.S. House of Representatives committee seeking President Donald Trump’s financial records from his accounting firm, dealing an early setback to the Trump administration in its legal battle with Congress. Source: Hiiraan Online
  20. Somali news outlets reported late Monday that Kenya had denied a number of lawmakers access into the country, the latest round of a diplomatic standoff between the two neighbours. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya Faarax Macallim Maxamed ayaa banaanka soo dhigay shirqoolo ay Dowladda Imaaraadka Carabta ka wado dalka Kenya kaasoo ka dhan ah Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeyey inay dalka Kenya ka dhigteen meel ay ka fuliyaan qorshahooda ku aadan deganaansho la’aanta dalka Soomaaliya oo ah dalka Islaam ah oo ku yaalo Geeska Africa. Faarax ayaa si cad u sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si toos ah ugu adeegsaneyso dowladda Kenya sidii loo dhibaateyn lahaa Midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya. Faarax oo bartiisa Twitterka qoraal soo dhigay ayaas sheegay in Magaalada Nairobi si weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyada sirdoonka Imaaraadka Carabta oo halkaas ka falo arrimo hagardaamo ku ah Soomaaliya. Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inay ka hor tagto falalka ay Sirdoonka Imaaraadka Carabta ka wadaan dalkeeda taasoo ah dagaal qabow oo lagu hayo Soomaaliya. Ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay muranka Badda ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in kiiskaas uu hor yaalo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo madaxbaanida xuduudeed ee dhamman dalalka ku yaalo Geeska Africa. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhibaato xoog leh ku heyso Dalka Soomaaliya, waxayna saldhigyo Militari ka sameysatay gudaha Soomaaliya, sidoo kalana waxay la wareegtay Dekado aysan ogolaansho uga heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa hagardaameyso Dowlad kasta oo ay u aragto inay saameyn ku yeelan karto dekadaheeda maadaama ay halkaas ka hesho lacago Malaayiin Dollar ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa kala baxay wiil uu dhalay Fanaanka wayn ee Cabdi Tahliil Warsame, kaas oo muddo dheer ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho. Wiilka lala baxay ayaa lagu magacaabaa Maslax Cabdi Tahliil Warsame, waxayna goob joogayaal ay Caasimad Online u sheegay in Ciidamada ay guurigiisa ugu galeen kadibna ay ka kaxeesteen. Ma jiraan wax faah faahinno ah oo laga hayo sababta ay ciidamada u ka xaysteen Maslax balse Gabar la dhalatay Maslax Cabdi Tahliil ayaa Caasimada Online u xaqiijisay arrintaan. Ciidamada dowladda ayaa habeenada Muqdisho ka waday howl-gallo, ayada oo ay jireen dhallinyaro dhowr ah oo guryahooda ama goobo kale sida maqaayado laga kaxaystay. Dadka la kaxaysto ayaa waxaa inta badan soo gala tuhunno amni, balse lama oga in xariga Maslax ay sidoo kale la xiriiro xaalad amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug. Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Jama Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka. “Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Deni ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira“. “Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in Dowladdu wax badan ka qabanayso baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga” Ayuu yirin Afhayeenka Dowladda PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Isimada iyo Culimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay sharciga Kheyraadka dalka oo uu sheegay inuu yahay Sharci lagu xalaaleysanayo Shidaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Sharcigaasi uu yahay mid lagu xalaaleynayo qandaraasyo loo saxiixay Shirkado Shidaal oo baraya dalka, isagoo cadeeyay inaan sharcigaasi lagu siri karin ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu sheegay inaan heshiis laga gaarin awood Qeybsiga iyo Khayraadka dalka, laakiin xukuumadda Soomaaliya ay hadda dadaal badan ku bixisay sidii sharcigaasi loo meel marin lahaa. Dadaalka xukuumadda iyo waqtiga la geliyay sharcigaasi ayuu sheegay inay habooneyd in lagu bixiyo qabyo tirka Dastuurka, hagaajinta siyaasadda Dalka iyo xaaladaha amaan ee Soomaaliya. “Shacabka Soomaaliyeed laguma siro sharci shidaal oo lagu xalaalaynayo qandaraasyo shirkado ajnabi ah lala galo, iyadoo xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka sidan tahay, iyadoo dastuurka dalka la dhamaystirin, heshiisna laga gaarin qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka”. “Dadaalka, hantida iyo waqtiga ay xukuumadu gelinayso meelmarinta qandaraasyada shidaal, ha u weeciso xasilinta amniga iyo siyaasada dalka iyo qabyo tirka dastuurka”ayuu yiri Mr Warsame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka dalka UK ee Soomaaliya, Ben Fender. waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay arrima militari appeared first on Puntland Post.