Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,561
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN): –Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink. Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta. Sidoo kale labadda Masuul ayaa ka wada arinsadey arimo ay ka mid yihiin Howlaha baaxada-leh ee ay QM Soomaaliya ka fuliso, iyo sidii loo dardargalin lahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisa Hagaajinta Xiriiradda Caalamiga ah ee Dibadda, si loo gaaro hadafka uu Dalku hiigsanayo oo ah Hormar iyo dhaqaale, arimahasina waxa ay ku imaan karaan sida Madaxda Qaranku ay tilmaameen iyadoo la helo Maalgashiyo Caalami ah. View the full article
  2. Jamuuriyaddii Soomaaliya markii la dhisay 1960 , 17 sanno ka dib , 1977 waxay noqotay wadankii Afrikadda madow ugu xoog waynaa dhinaca Milateriga , dhinaca siyaasadana waxay noqotay wadankii Afrika u dooratay in ay noqoto Gudoomiyaha wadamadda u xilsaaran Afrikadda la gumaysto,sidda South-Africa , Angola , Mozambique iyo Zimbabwe iyo qaar kale . Hadaba hadii muddo 17 sanadood ah Somaaliya heerkaa ku gaadhay , 19 sanadood ayaa kasoo wareegay markii C/qaasim Salaad Xasan , loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Wadanka Djabouti 25-Ogost 2000, ilaa yawmunaa haadaana waxay awoodi kari wayday in ay ku filaato ilaaladda xafiiska Madaxtooyadda ee Vila Soomaaliya kaasoo ay waardiyeeyaan ciidamadda nabad ilaalinta ee midowga Afrika . Suaasha aynu qormadan ku bilownay aynu usoo noqonee , Dawladii dhalatay 1960 , Khuboraddii dhistay ee dhaqaajisay waxay ahayd Somaliland haday noqon lahayd , Tacliinta , Maaliyadda , Maamulka , Ciidamadda iyo Diblomaasiyadda , halka wax ka dhaqaaqi laayihiin waa maqnaanshaha Somaliland ka maqan tahay , haddii Mogdisho ku dhegtay ictiraafkii , Hargaysina waxay la guurtay caqligii , karis xun iyana wax kula Ahmed Nur Gurije Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyay Taariikhdii Dheerayd ee halgankii Dalka, isagoo Tilmaamay in ay Dhalinyaradaasi umadda u shideen shumacii xoriyadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri, “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.” Dhianaca kale Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii Garowe iyo sababaha ka lifay in lagu soo kala tago, arintaasina waxaa uu sheegay in ay ku timid isfaham la,aan hareysay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in aysan jiri doonin mudo kororsi, islamarkaana aysan aqbali doonin Dowladiisa hal maalin xitaa in waqti lagu darsado Doorashooyinka Qaranka iyo kuwa Dowladgoboleedyadda. Dhinaca kale waxaa uu ku eedeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) isagu in uu masuul ka yahay in wax Dib-uheshiisiin ah aysan ka dhicin Deegaanada Maamulkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-16052019.mp3 View the full article
  5. Police are on a high alert over a possible Al Shabaab attack during the holy month of Ramadhan. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Tuesday it has sensitized 25 Somali women drawn from various civil society organizations on the ongoing constitutional review process. Source: Hiiraan Online
  7. Mandheera (Caasimada Online)-Odayaal dhaqameed ku howlanaa ka qeyb qaadashada sii deynta dhaqaatiir u afduuban Al Shabaab ayaa shaaciyay natiijada ay kala soo kulmeen xubnaha Al Shabaab ee heysta dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba. Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha Aftuubtay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareyso 1.5 Milyan oo doolarka Mareykanka, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen. Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dadka afduubtay dhaqaatiirka ay marka hore ahaayeen koox burcad ah, balse markii dambe ay u gacan geliyeen Al Shabaab, taasi oo xaalada ka sii dartay. Odayaasha dhaqanka ayaa Al Shabaab-ka afduub ahaan u heysta dhaqaatiirka dalka Cuba, waxay kula kulmeen deegaan u dhaxeeya Bu’aale iyo Deegaanka Ceel Cadde, waxayna dalbadeen lacagtaasi si ay usii daayaan dhaqaatiirka. Odayaal ka kala socda Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ayaa ragga afduubka u heysta dhaqaatiirta kula kulmay tuulo ku taalla howdka u dhaxeeya labada Magaalo waxaana ay dalbadeen Hal Malyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah. Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyay in Kooxda heysata dhaqaatiirta u dhashay Dalka Cuba ay dalbadeen $1.5Milyan oo lacagta Mareykanka ah. Odayaashii loo diray wada xaajoodka lagu soo deynayo raggaas ayaa soo qaaday dalabka kooxda afduubka heysata, waxaana ay hadda wadahadal kula jiraan dowladda Kenya, mana jirto jawaab ilaa iyo hadda Kenya kasoo baxday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  8. WAJIR, Kenya (Thomson Reuters Foundation) - As day breaks over the sandy stretch of Kenyan desert, Salah Abdinoor Issack finishes his dawn prayers and will now spend the hours until sunrise with his closest companions - his camels. Source: Hiiraan Online
  9. The people living on either side of the Ugandan-Rwandan border at Katuna never much considered the boundary: Children crossed for school, workers moved freely and trade thrived. Source: Hiiraan Online
  10. DP World secured another legal victory this week when the Djibouti government was ordered to pay US$385m plus interest to Djibouti port operator Doraleh Container Terminal (DCT) for breaching its exclusivity rights by developing container facilities at Doraleh Multipurpose Terminal. Source: Hiiraan Online
  11. WASHINGTON (WASHINGTON POST) - Under questioning by lawmakers, the outgoing chief of the US Federal Aviation Administration (FAA) said that key decisions made by pilots contributed to the crashes of Boeing 737 Max jets in Indonesia and Ethiopia, killing 346 people. Source: Hiiraan Online
  12. Secondary school students have been demonstrating in Mogadishu this week after Somalia’s education minister postponed national examinations, saying the tests were leaked on social media. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii horaba ay shirka Garoowe ujeedka loo tagay ay aheyd in laga wada hadlo arrimaha amniga oo uu ku sheegay inay tahay midda ugu muhiimsan oo hor taalo Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu sheegay in markii shirka la tagay ay Madaxda Maamul Goboleedyada la imaadeen qodobo kale. Wuxuu sheegay in qodobadii ay Maamul Goboleedyada soo jeedeyn kamid aheyd in la dhiso madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada . Madaxweynaha ayaa cod dheer ku sheegay inay Dowladda Dhexe ka diiday Maamul Goboleedyada in la dhiso madal, wuxuuna taas ku micneeyey inay soo arkeen dhibaatada iyo faa’idada ay leedahay in la sameeyo Madal. Madaxweynaha ayaa xusay in Sharciga uu qabo in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay kulmaan sanadkiiba mar si la isaga wareysto Xaaladaha dalku marayo balse aysan marnaba aqbali doonin in madal la sameeyo. Maamul Goboleedyada ayaa shirkii Garoowe kusoo bandhigay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu Farmaajo banaanka usoo saaray inay arrintaas ka hor timid Dowladda Dhexe. Hadalka Madaxweynaha ee ku saabsan Shirka Garoowe ayaa ahaa mid aad loo wada sugayey, wuxuuna arrintaas ka aamusnaa dhawr maalin balse hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu ahaa mid laga soo fakaray isla markaasna aad u kulul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. The United States has publicly rebuked a senior British general who challenged claims that Iranian-backed groups are preparing to mount attacks against Western assets in the Middle East. Source: Hiiraan Online
  15. Austria has passed a law intended to ban Muslim girls from wearing a headscarf in primary schools. The Jewish yarmulke and Sikh patka are not included in the new measure. Source: Hiiraan Online
  16. Suspected Al Shabaab militants who abducted two Cuban doctors in Mandera are now demanding Ksh.150 million in ransom. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online0 – Caasimada Online ayaa ogaatay in gaarigii talaadadii ku qarxay xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir uu habeen hore ku baryay degmadaasi islamarkaana uu soo galay galabkii Isniinta. Gaarigaan oo nuuciisa yahay Nooho ayaa la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka soo gudbay bar-kontarool oo ku taala agagaarka Hotel Daamey ama Isgoyska Geed Jaceel ee degmada Warta-nabadda. Mid kamid ah dadka ku nool degmada Warta-nabadd,a gaar ahaan agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareer ayaa Caasimada Online u sheegay in gaarigaan uu galabkii isniinta muddo ka badan 4 saac uu yiilay meel u dhaw masaajidk,a sidoo kalane kaabiga ku heysa xarunta degmada. Dadka degaanka ayaa Ciidamada Booliiska kuwar-geliyay gaariga Isniintii, 5tii Galabnimo Afurka ka hor kadib markii ay ka shakiyeen waxaana ku dhax-jiray hal wiil oo kaliya oo ay ugu jireen Air phone (dhagaha Mobilka), balse ay kawar-celin waayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan halkaasi. Qof kamid ah dumarka ku ganacsada agagaarka xarunta degmada Warta-nabadda ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Booliiska shaqsiyan ay ku wargelisay gaarigaan xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxeysa xarunta degmada iyo Isgoyska Geed Jaceyl balse aysan waxba ka qaban gaariga. Afurkii kadib ee Isniintii ayey dadka degaanka sheegeen in ay waayeen gaarigii ay ka shakeeyeen waxayna qiyaaseen in uu ku xarooday guri aan ka fogayn xarunta degmada. Taaladadii markii uu qarxayay ayuu Xawaare sare ku soo hormaray dadkii ka digay maalin ka hor waxa uuna xoog ku jiiray difaaca degmada isagoo gudaha u galay xarunta degmada kadibna is qarxiyay. Sidoo kale dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gaariga markii uu jiiray difaacyada degmada aysan jirin cid daba-gashay ama ka difaacday gudaha degmada, waxaaana markii ugu dambeysay laga qaaday birta Al-baaabka xarunta degmada isagoo markii dambe ku qarxay gudaha xarunta oo u dhaw Albaabka. Su’aalaha dad-badan ay qabaan ayaa ah Maxay booliiska wax uga qaban waayeen gaarigaan markii loo soo gudbiyay ? miyey u muuqataa in Booliiska ay wax ka ogaayeen shilkaan? Ma jirta cid la xisaabtanta hey’adaha amniga ? side ayuu uga soo gudbay baraha kontarool ee Wadnaha oo ah aag cagaaran oo aan laga soo gudbin ? iyo Su’aalo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaysan jirin cid Hal maalin ku darsan karto waqtiga sharciga ee uu xilkiisa ku eg yahay haddii ay ahaan laheyd Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Madaxwyenaha ayaa tilmaamay in haddii la ogolaado in Madaxweyne Dowladda Dhexe iyo mid Maamul Goboleedyada loo ogolaado inuu waqti ku darsado ay taas noqon doonto wado furmato oo keeni karto in dalka uu dhibaato galo. Madaxweynaha ayaa dhawr jeer kusoo celceliyey inaan cidna loo ogolaan doonin inay waqti ku darsato xataa isaga oo lagu eedeenayey maalmihii dambe inuu doonayo waqti kororsi. Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Golaha Wasiirada ansixiyeen Sharciga doorashooyinka kaasoo dhaliyey shaki weyn oo laga qabo inay dowladdaan sameysaneyso waqti kororsi kadib markii qodobada qaar ay tilmaamayeen in haddii lagu guuldareysto in doorasho la qabto ay Guddiga Doorashada waqti ugu dari doonaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray shakigii ahaa inay Dowladiisa qorsheeneyso waqti kororsi inkastoo ay Siyaasadda isbadali karto waqti karta ama hadalkaan uu yahay mid siyaasadeed , waxaana hadalkiisa ka muuqatay inaysan dowladda Soomaaliya dooneyn inay sameysato waqti kororsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Dhacdooyinka aan weli laga daba-tegin haddana reebay khasaaraha nafeed iyo dhaqaaleba ayuu uugu weeyn yahay qaraxii Zoobe ee muddada sannadka iyo dheeraadka ah laga joogo. Waxa uu ahaa masiibo hal mar saamaysay dad gaadhaya Kun qof, kuwaas oo lahaa dhimasho iyo dhaawac, weliba intaas waxaa dheeraa burburkii hantiyeed ee halkaas ku dhammaaday. Waxaa uu ahaa dhacdo saamayn weeyn ku yeelatay guud ahaan soomaali, hadal haynna ku abuurtay caalamka iyo dhammaan war baahinta caalamka. Waxaa uu tusaale dhammaystiran u noqday gumaadka iyo burburinta lugu hayo soomalida taas oo aan lahayn meel loo raaco, amase aan daboolka laga qaadayn cidda ka dambaysa xasuuqaas beni’aadmnimo. Qaraxii Zoobe waxa uu noqday midkii uugu weyna ee ka dhaca dhulka korkiisa kaas oo hal meel lugu dhufto, waxaa la xusay in uu ahaa qarax loo farsameeyay si arxan-darro ah oo weliba ay ku dheehantahay khibrad iyo kiimiko cusub oo saamaynteeda leh. Dhicitaankii qaraxa Zoobe waxa uu abuuray shaki weeyn kaas oo ay indhaha ku wada eegeen howl-wadeennada caalamku, waana qaraxa aan weli cidi sheegan, waana qaraxa illaa hadda aysan Al-Shabaab qiran, waana qaraxa ay ka qayb-qaateen baadhayaal iyo sirdoonno caalami ah. Qaraxa Zoobe maxay Al-Shabaab u sheegan weyday? Sheegashada fallalka amni darro ee badhtilmaameedka ah marka ay dhacaan waxaa inta badan lugu tiriyaa in ay geystaan Al-Shabaab amase ay qirtaan isla markaaba. Balse qaraxa Zoobe ayaa sidan ka duwanaa waana qaraxa ilaa hadda aysan kooxda Al-Shabaab qiran. Sababta ay Al-Shabaab uuga gaabstay qarxan ayaa ah in uusan qorshuhu u fulin sidii loo rabay kaas oo uu badh-tilmaammeed kiisu ahaa wax yeellaynta garoonka “Aadan Cadde.” Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa dukaammana ku lahaa rag ka tirsan Al-Shabaab taas oo sababtay in iyaga naftigoodu ay isku khilaafaan isna weydiiyaan cidda amartay fulinta qaraxa. Ugu dambaynna ay go’aansadeen in aysan sheegan qaraxaas fulintiisa. Dhimashadii iyo wax yeellayntii dadkii badnaa iyo hantidoodii oo noqotay mid dareen nacayb ah oo dhammaystiran ku abuurtay ummadda soomaliyeed ayaa iyana Al-Shabaab ay uuga gaabsadeen sheegashada qaraxaas, waana hab kaarto oo ay nacaybka faraha badan ee loo qaaday ay ku khasabtay in aysan afka soo marin waxa dhacay, maadama ay Al-Shabaab tahay koox dadka ku khalda fikrado aan jirin oo ah jihaad balse maalintaas ay caddaatay in uusan meesha jirin wax jihaad ah, halkaas ay ku caddaatay danaha Al-Shabaab. Halkee ku dambeeyeen xoggihii baadhayaashu? Khasaarihii iyo burburkii badnaa ee qaraxa Zoobe waxa uu noqday mid la wada dareemay culayskiisa, noqdayna mid ay ku habbabareen (argagaxeen) waddamadii shisheeye ee ay soomaliya u ahayd fadhiisimaha, kuwaas khatartii qaraxa ku sifeeyay masiibo ku soo wajahan shaqalahooda fadhiya soomaliya, waana sababta keentay in ay qaraxan ka qayb-galaan baadhayaal kala duwan oo uu midkasta doonaayo in oogaado cidda soo maleegtay masiibadan ka duwan kuwii hore loo bartay. Shaki kuma jiro in qaraxa Zoobe uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, waxaana caddaatay hal-mar oo keliya in ay alshabab tahay xijaab ay ku dhuuntaan waddamo is doonaya iyo weliba kuwo aan oggolayn dhaqaaqitaanka soomaliya. Baadhitaanka xogta qaraxa waxaa ka qayb galay dhowr sirdoon oo ay ka midyihiin sirdoonka ciidanka Maraykan qaybta xafiiska “Africom” kuwaas oo ah laan hoos-tagta hay’adda amni qaran ee CIA. Waxa ku weheliyay sirdoonka waddanka Qatar iyo dhowr sirdoon oo iyagu si goonni ah u baadhay. Ugu dambayn sirdoonka Africom ayaa helay xog dhammaystiran oo caddaynaysa qaraxaas cidda ku wehelisay kooxda Al-Shabaab iyo weliba cidda ka geysatay farsamaynta qaraxii halista badnaa. Natiijada xogtan oo ay waajib ahayd in dib loogu soo celiyo Soomaaliya gaar ahaan hay’adda nabad-sugidda qaranka ee (NISA) ayaan dib loogu soo celin ka dib markii xogtaasi ay noqotay mid xasaasi ah oo ay ku lug yeelatay waddan weeyn oo adduunka qiimo ku leh, ugu dambayntiina uu xafiiska Africom xogtaas hor-dhigay waddankii baadhitaanka lugu ogaaday. Ugu dambayntiina soo bixitaankii xogtaas lugu bedeshay dhaqaale lacageed iyo shardi ah lama taabtaan. Kiiska Zoobe iyo tuhunkiisu waa mid ay ka dheregsantahay hay’adda sirdoonka soomaliya NISA, balse aysan hayn hay’addu xog dhammaystiran oo wadata caddaynteeda taas oo la hor-geeyn karo cidkasta oo dembigaas lug ku lahayd. Sharci ahanna hay’ad amni qaran ma faafinkarto xog aysan ka hayn caddayn la hor-dhigikaro gar-soorka caalamka. Qorshaha ay dejiyeen cidkasta oo dembigan ku lug lahaydna ayaa ah haddii sirdoonka soomaliya uu ku eedeyo falkii dhacay, in iyana ay caalamka dhahaan xogtaasi in ay ahayd mid khaldan maaddaama sirdoonka soomaliya ay yihiin kuwo hoseeye khibrad aqooneed iyo qalabba, waana halka arrin ay ku xisaabtamayaan ciddii qaraxaas ka dambaysay. Waddanka xogtan gacanta ku dhigay oo ahaa mid awoodleh dhinaca sirdoonka iyo ciidankaba, xogtaasi waxay noqonlahayd mid la hor-geeyo caalamka. Balse nasiib darro waxaa xogtaas ay noqotay mid dano gaar ah lugu fushado iyo dhaqaale. Waana xogta ay isku qaabka yihiin dilkii weriyihii sucuudiga u dhashay ee lugu dhex dilay Turkiga, kaas oo aan ilaa hadda xogtiisa bannaanka iman, balse sirdoonnadu ay isku dhaafsadeen dano kale oo maslaxaddeed. Qaraxii Zoobena waxa uu ugu dambayn noqday mid dano-gaar ah lugu hoos-qariyay. Waxa kale oo jira dhawr xogood oo ay gacanta ku dhigeen waddamo shisheeye balse aan xogtoodii dib loogu soo celin Soomaliya. Waana arrin caddaynaysa in suuqa xoogaha amni xumo ee soomaliya markii la ogaado uu noqdo mid la isku rikaarteeyo( madax furasho lacag la isku weydiisto). W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho ugu Qaybiyay deeq lacageed Qaar ka Mid ah Qoysaska Danta yar ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho. Qoysaskan ayaa waxaa laga soo Aruuriyay Qaar ka Mid ah Xaafadaha Degmooyinka Gobalka Banaadir,iyadoo qeybinta Deeqdan loogu talagalay in ay uga Faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Madasha lagu qeybinayay Deeqdaan ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Hay’adda Hormuud oo deeqdan Maanta qeybisay. Qaar ka Mid ah Dadka la siiyay Deeqda Lacageed ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga mahad celiyay Caawinta gargaarka oo ay ku tilmaameen in lagu soo beegay xiligi ay u baahnaayeen. Gudoomiyaha Hormuud Telecome Foundation Mudane Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa Madasha ka sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay deeqo Caawinaad oo ay shirkadaan ugu talagashay Dadka dhibaateysan ee ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay usoo kordhin lahaayeen Deeqaha Caynkaan oo ay siinayaan Dadka aan waxba heysan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Khaalid Macow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabka Dalka ayaa Madaxda Shirkadda Hormuud Foundation uga mahadceliyay in ay mar walba u taagan yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ga gaarka u baahan ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Gobolada Dalka oo dhan. Sidoo kale Xildhibaan Khalid Macow ayaa sheegay in Dadka Maanta la siiyay Deeqda ay ka mid ahaayeen Dadka gargaarka noocaan oo kale ah u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho. Qeybintan ayaa qeyb ka noqoneysa Caawinaad ay Hay’adda Hormuud Foundation ka waday Guud ahaan Gobalka Banaadir iyadoo lagu caawinayo Dadka Danta yar iyo kuwa Tabaaleysan ee ku nool Muqdisho si ay uga faa’ideystaan Fadliga Bishara Barakeysan ee Ramadaan.
  21. Baqdaad (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Baraha Bulshada la wareejinayey Aqbaar ku saabsan inuu weli nool yahay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadam Hussein. Dadka Baraha Bulshada ku faafinayey warkaan ayaa waxay isticmaalayeen waraaq la sheegay inay qortay Gabadha uu dhalay Saadaam ee lagu magacaabo Ragad Sadam Husseen. Gabadha uu dhalay Sadam oo farriin soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitterka ayaa sheegtay in warka iyada la sheegay in laga soo xigtay uu yahay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna ay faafinayaan dad dano gaar ah ka leh. Warka laga faafiyey gabadhaan ayaa wuxuu u qornaa sidaan ” Aabahey Maalin kasta wuu ila soo xiriiraa, wuu nool yahay wuxuuna kusoo laaban doonaa mar kale xukunka Dalka Ciraaq”. Gabadha ayaa si cad u beenisay warkaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu Qareenkii Sadam Xuseen uu sheegay in qofka la daldalay uusan isaga aheyn balse ay CIA-da Mareykanka dilka ku fuliyeen qof isaga u eg sida uu isaga hadalka u dhigay. Saadaam Xuseen oo Xukunka dalka Ciraaq soo hayey intii u dhaxeysay 1979 illaa 2003, ayaa waxaa la daldalay Bishii December ee sanadkii 2006 Markaas oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay weerar ku qaadeyn dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Baqdaad caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xariga ay ciidamada Somaliland ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Abwaan Weedhsame ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in si mug leh loo baaro sababta xiligan oo 18-May u diyaar-garoowayan reer Somaliland keentay in wiil dhalinyaro ah uu calanka Soomaaliya ku labisto. Abwaan Weedhsame ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa qoraalkiisu sidan: “Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta. Haddaad tidhaa “Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan? Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!. Weliba waynu ognahay in aanu adduunka korkiisa jirin dal, dadkiisu leeyihiin xorriyad bilaa xad ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Turkey’s economic, humanitarian and nation-building efforts in Somalia have forged a bond that cannot be derailed by terror attacks. On Sunday, the Al Qaeda-affiliated Al Shabaab group killed a Turkish citizen in the Somali capital Mogadishu. The victim, a construction engineer, working for a Turkish company in Somalia, was mercilessly blown up when explosives planted in his car exploded. Al Shabaab later claimed responsibility for the targeted assassination. Beyond the personal tragedy, this incident illustrates bilateral relations between Somalia and Turkey. Turkey is among the very few international actors who believed in Somalia’s success and have subsequently invested in Somalia’s development. In August 2011, Ankara launched its most extensive overseas humanitarian campaign to avert a devastating famine that killed around 260,000 people in the Horn of the African nation. Post-conflict nation-building Once the famine was averted, Turkey became deeply involved in nation-building in Somalia. The country lacked an effective national government since the fall of the military regime in 1991. Decades of prolonged civilian war, severe humanitarian conditions, and the scourge of terrorism have led to the internal displacement of more than two million people in Somalia. The multitude of Turkish projects implemented in Somalia over the last five years has attracted both local and international acclaim. To the extent that a new term, “The Turkish Model”, has come into being. One of the reasons Turkish involvement has been effective is because it combines aid with nation-building. While Turkish state agencies and NGOs have focused on reducing the humanitarian crisis, other state-sponsored agencies have been building the infrastructure necessary for the country’s recovery. These include high-impact areas, such as hospitals, an airport and major roads in the capital Mogadishu. Second, in addition to direct budgetary support provided to the Somali government, Turkey has embarked in capacity-building initiatives to help recover Somali institutions. Third, the Turkish approach also includes a reconciliation and peacebuilding agenda. For instance, Ankara has mediated between the Somali government and Somaliland, a self-declared republic in northern Somalia. Lastly, the presence of Turkish diplomats, humanitarian workers and businessmen on the ground was possibly the most significant element that favourably shaped the perception of the majority Somalis towards Turkey. A Somali friend told me: “The only non-African people in the streets of Mogadishu, after Syrian and Yemeni refugees, are the Turkish nationals. They are building schools, roads and driving cars. They even have conversations with the ordinary people in a city that many consider as one of the most dangerous in the world.” Al Shabaab’s unease with Turkey On the one hand, Al Shabaab has previously called the Turkish government an enemy of Somalia because the NATO member was supporting Western operations in the country. However, the reality is that flourishing relations between Ankara and Mogadishu undermine the terror group’s activities on three fronts. First, Turkey’s support and training of Somali security forces in support to recapture territories from Al Shabaab and restore stability to the country. In this regard, Ankara has built its largest overseas military facility that trains thousands of Somali soldiers annually. Al Shabaab fears that the Turkish assistance would strengthen the professionalism of the Somali army, which in turn would weaken the group’s grip on power. Second, Turkish projects and businesses have created jobs for thousands of young Somalis, which puts at risk Al Shabaab’s exploitation of poverty – a situation they manipulate to attract recruits to their cause. Third, the Turkish presence in Somalia challenges Al Shabaab’s claim as the only legitimate Islamic movement. Turkey has built mosques and other religious schools in Somalia to counter the group’s extremist ideology and promote its vision of Islam as part of a functioning democratic state. Here, Al Shabaab, which considers democracy a un-Islamic imposition of Western values, finds itself in a difficult position. A Signpost on the road to the cooperation with Africa Turkey’s involvement in Somalia has boosted Ankara’s image as a responsible actor both on the African continent and globally. Engagements in Somalia have helped Ankara formulate its new foreign policy towards Sub-Saharan Africa. In the words of President Erdogan of Turkey, “Somalia has become a symbol of the relations we wish to establish with our brothers in Africa.” The Somali experience has raised Ankara’s profile and influence in the humanitarian sector and is a prime example of cost-effective policies for working in Africa and with the rest of the Global South. Since 2011, numerous academic studies on Turkish humanitarian and development assistance in Somalia have been carried out. The Turkish model in Somalia attracted significant academic attention. To quote President Erdogan again, “with Somalia, the Turkish model of aid has gained recognition in literature.” Somalia and Turkey have been partners united by values and strategic interests. With this tragic terrorist attack, the alliance between both states are now forged in blood, steel and hope. Source: TRT View the full article