-
Content Count
207,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey dood ka baxday Telefishanka Ebru TV Isniintii la soo dhaafay oo lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaanu caddeeyey in Kenya ay Xafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland, iyadoo tixgelinaysa wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyadda Argagixisada ah ee Soomaaliya. “Somaliland waxay innaga baryeysay in ay Kenya ka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanay xidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot. Siday Faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Telefishanka Ebru TV, Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegay in dhibaatooyinta ay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconayso illaa ay Dawladda Kenya xoojinayso cilaaqaadka ay la leedahay Somaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya. Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya aan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi madax-bannaanida qaateen, waxaanu ku adkaystay in xalka kaliya ee muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu xalin karo Maxkamadda caalamiga ah oo si rasmi ah uga garnaqda muranka xiisadda diblomaasiyadeed dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Source
-
Nairobi (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay Sakina Abdalla oo ah hooyada dhashay Ali Salim Gichunge oo la rumaysan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Bishii Janaayo Al Shabaab ay ku qaadeen hotelka DusitD2 ee magaaladaasi. Qaadiga Maxkamadda Francis Andayi ayaa sheegay in haweeneydani lagu eedeeyay in ay Booliska ka diiday in ay u sheegto halka uu ku sugan yahay wiilkeeda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Taleefoonkeeda laga helay xiriiro joogta oo la samey jirtay dad jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ay haatan baaritano ku socdaan. Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Haweenaydan ayaa dib loo dhigay, iyadoona loo fariisan doonon todobaadka soo aadan. Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay Ali Salim Gichunge uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarkaasi oo ay ku dhinteen in badan 20 Qof oo Kenyaan ah, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay gudaha u galeen hoteel nuuca raaxada oo ku yaala galbeedka magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Hooyo wiilkeeda loo heysto weerarkii DusitD2 appeared first on Shabelle. View the full article
-
Horaantii bishan Febraayo 2019 Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shaaciyay in xog-hayahooda cusub ee afarta sano ee soo aadan ay u magacaabeen DR Yuusuf Muxidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah. “Tan iyo markii aan ku soo laabanay xafiisyada shaqada waxa aan xooga saarnay in aan fursado shaqo siino dhlinyarada wax ku bartay gudaha dalka aniga oo wakiil ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa aan ku kalsoonahay aqoonta iyo qibrada DR Yuusuf Muxidiin”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab. Cumar Xaaji Axmed oo mudo dheer ay saaxiibo ahaayeenn DR.Yuusuf Muxidiin ayaa xiriirka kubbadda cagta ku amaanay xulshada iyo xilka ay u magacaabeyn wuxuuna intaa ku daray in ay ka sugayaan in uu la yimaado wax qabad muuqda si kubbadda cagta Soomaaliya meesha iminka joogto ay ka sii horomarto. “Isboortiga waa is-dhaxgal bulsho anigana waxa aan ka mid ahay dhalinyarada Soomaaliyeed waan u mahad celinaynaa madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxa aan ku da’daalayaa in aan xafiiskan kaga tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo sheegeyn in ay ka sugayaan In uu la yimaado fur furnaan iyo talaabooyin horomarineyd. Halka Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Xog-hayaha Cusub Ee Xiriirka Kubbadda Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay in la joogo wakhtigii ay aqoonsan lahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana caalamka uga digay inay ku dheganadaan raadinta midnimo dambe oo uu ka digay halis amni oo ay keeni karto. Dr. Rubin oo toddobaadkii hore safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu toddobaadkan baahiyay qoraal uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland iyo midnimadii burburtay ee Soomaaliya. Qoraalkaas oo uu Geeska Afrika u soo turjumay Soomaali, wuxuu u dhignaa sidan “Siyasadda Maraykanka ee ku aadan Somaliya waxaay salka ku haysa fekerka odhanaya midnimada Somaliya ayaa si buuxda uga dhigi karta nabad dalka, islamarkaana suurtagelin karta inay nabad ka dhigto dhulkeeda. Tan ayaa ahayd fekerka ay qabeen jiilal badan oo ah dadka go’aan qadashada leh [ee Maraykanka ah], balse waa mid caqli ahaan daciif ah. Arinku wuxuu yahay in la doonayo Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi oo ah saddex meelood ba meel dalka oo ahayd nabad tan iyo 1991kii, inay mar labaad is hoos gayso dawladda iyo maamulka Muqdisho. Inkasta oo ay run tahay in qabiilku yahay waxa kala duwa Somaliland iyo Somaliya inteeda kale ee aanay ahayn qoomiyadnimo, hadana aragtida odhanaysa qoomiiyadnimadu waa inay qeexda dalnimada waa mid aan micno ku dhisnayn. Ugu horayn bal eeg tusaalayaasha faraha badan ee muujinaya qoomiyado iyo luqado isku mid ah oo ah dalal kala duwan: waxa jira laba Roomaaniyiin (mid kood la yidhaahdo Moldova), laba Albaaniyiin (oo midkood yahay Kosofo), iyo in ka badan 20 dal oo Carab ah. Waa marka labaad e, haddii xitaa Muqdisho ay dib u maamusho Somaliland, taasi ma keeni doonto midnimo Soomaali. Sida Kurdiyiintu ay afar dal u degan yihiin, ayay Soomaaliduna sidaas oo kale u tahay: marka Somaliya laga yimaado, Jibuuti dadkeeda inta badani waa Soomali; sababta keliya ee ay dal madax banaan u noqotayna waa cidda gumaysatay darteed; gobolka Ogaadeen ee Itoobiya qoomiyad ahaan waa Soomaali, sidaas oo kale waxa la mid ah Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya. Haddii lagu adkaysto dib u midaynta Somaliland iyo Somaliya waxaay keenaysaa khatar ah inay dhiirigelinayso dhul raadin amni darro keenta. Dagaalkii 1977-1978 oo bilaabmay markii Somaliya ay weerartay Itoobiya si ay u qabsato dhul ay degen yihiin dad qoomiyad ahaan Soomaali waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaa ku bara-kacay nus malyuun qof, wuxuuna mudo kooban noqday xiisad ka mid ah Dagaalkii Qaboobaa. Dhowaan, xiisadda ka dhaxaysa Muqdisho iyo Nayroobi ayaa cirka isku shareertay markii Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Federaalku ay isku dayday inay xaraashto goobo shidaal ku jiro oo ku yaal dhul biyoodka Kenya. Hadii laga helo shidaal biyaha gobolka Soomaalidu degto ee Kenya, dhul raadinta Muqdisho way sii xumaan kartaa. Malaha dadka go’aan qadashada lihi [ee Maraykanka ahi] xagga danbe ayay ka soo bilaabeen; halka looga arko dawlad dhexe oo xoogan oo Muqdisho fadhida -federaal ha noqoto ama yay noqone- inay u tahay fure xasiloonida gobolka, malaha siyaasadda ka fiicani waa in la abaal mariyo goobaha ku guulaystay degenanasho iyo xasilooni. Jibuuti waxaay in ka badan afartan sanadood ahayd meel qoys maamulo (madaxwaynaha hada waxa adeer u ahaa madaxwaynihii u horeeyey ee dalka). Inkasta oo Jibuuti aanay xornimo iyo dimoqraadiyad tooni ka jirin, hadana sababo istiraajiyadeed iyo kuwo taariikheed ayaa keenay in la aqbalo madax-banaanideeda iyo in iskaashi lala samaysto. Somaliland waxay si buuxda u ahayd dal madaxbanaan tan iyo 1991kii markii ay ka soo dhex baxday dambaskii dagaalkii keligii taliyihii hore Maxamed Siyaad Barre uu ku doonayay inuu ku tirtiro qabiilka Isaaqa. Waxaay qabatay dhawr doorasho oo is xiga oo madaxwaynenimo, waxaayna qaban doontaa sanadkan dhamaadkiisa doorashadii baarlamaanka ee mudada dheer dib loo dhigay. Marka la eego warbixinta Freedom House, [Somaliland] waa meesha ugu xorsan Somaliya, marka lagu daro Jibuutina waa meesha ugu nabadsan. Halka ciidanka militeriga Somalia uu yahay mid musuq dishooday oo aan waxba qaban karin, ciidanka yar ee Somaliland wuxu ku gulaystay inuu nabad ka dhigo gobolka, xitaa isaga oo la legdamaya cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay. Puntland oo ah gobol iskii isku xukuma oo isku daya inuu ku daydo Somaliland, isna wuxuu leeyahay is-xukun, degenanashona waa ka jiraa inkasta oo uu ogol yahay inuu ka mid ahaado dawladd Federaalka ah ee Somaliya oo aanu ka go’in. Inta kale ee Somalia oo ay ku jirto Muqdisho waa meel qasan oo aan nabadi ka jirin, iyada oo hadana laga buux dhaafiyay lacag ay sida daadka ugu deeqeen maamulada Obama iyo Trump. Halkii ay ka dhisi lahay dalka, lacagtaas waxa lagu bixiyaa sidii taageero loogu kala iibsan lahaa, waxaayna inta badan sii xoojisaa kala qaybsanaanta. Qoraalkaygii aan ugu magacdaray “La Ciyaar gudista Shaydaanka” waxaan ku sheegay in Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanku] aanay ku samayn dib u eegis diblomaasiyadeeda la xidhiidha talisyada faro laga qaadka ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, dhibaatadu laga yaabee inay ka duwan tahay, balse waxaay kala siman tahay in lagu guuldaraystay in qiimayn siyaasadeed la sameeyo. Somaliya waxaay tobanaan sanadood ahayd dal fashilmay oo ku jira oo keliya joogitanka ciidamo nabad ilaalineed oo ku shaqeeya hadhka Midawga Afrika. Halkii uu ka aqoonsan lahaa fashilkaas, maamulka Trump wuxuu ka daba tuurayaa lacag fiican cidii xumayd, taas oo sii laban laabaysa wax Transparency International ugu yeedhay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka, iyada oo taas loo samaynayo midnimada aan jirin darteed. Siyaasad xikmad ku dhisani waxay tahay in Muqdisho lagu xisaabiyo fashilkeeda, loona ogolaado Soomaalida kale xaqa aayo ka tashiga. Haddii mustaqbalka dalal badan oo Soomaali ahi ay doonaan inay midoobaan, iyaga ayay u taal, balse maaha wax ay tahay Washington inay ku adkaysato. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay maanta munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta. “Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo maamuus, dad badani waxa ay aaminsanyihiin in ay maxaabiis ilaaliyaan. waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay toosin, waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay barbaarin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay anshixin iyo wacyi gelin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay inay dib-u-caawiyaan dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Waan halkaan idinkaga hambalyeynayaa maantay in aad soo dhamaystirteen xabsigii la rabay in lagu xanaaneeyo dad Soomaaliyeed laakiin ay ka muuqato qaabka uu dalkeennu dib ugu soo dhismaayo, waxaan uga hambalyaynayaa ciidamada asluubta iyo wasaaradda caddaaladda iyo bahda caddaaladda oo dhan oo halkaan joogta oo naftooda dalka u huray, annaga oo tacsina u dirayna kuwii ku geeriyooday oo uu ugu dambeeyay xeer ilaaliye ku-xigeenkii, in xabsigii iyo maxkamaddii ay isku dhex taallo, macnaheedu waxa ay tahay in cadddaaladii ay tallaabo horay u qaaday, waan idiin hambalyeynayaa, Soomaaliya waxa aan leeyahay Ilaahey ha u barakeeyo”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaaraha XFS. Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidanka asluubta ugu hambalyeeyay munaasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in ciidanku ay yihiin laf-dhabarta dawladnimada dalka. Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro. Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka guud ahaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-RW Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Xabsi cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay gobollada galbeedka Somaliland. Waftiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda gaadhay magaalada Gabiley oo la sheegay inay uga sii gudbi doonaan magaalada Boorama, waxaana la sheegay in ujeedada safarka Madaxweynuhu ay tahay ka qayb-galka shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la filayaa in maalinta Isniinta ah si toos ah uga furmo magaalada Boorama. Wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Masar. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Madaxweynaha ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi uga qeyb galaya shir u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxweynaha Masar, guddoomiyaha shir guddoonka ururka Midowga Afrika, iyaga oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynuhu uu socdaal ku tagay Burundi iyo Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article
-
The state on Friday opposed bond terms for terrorist Ali Salim Gichunge’s mother Sakina Abdalla. She is charged with failure to disclose information related to terrorism acts. Sakina denied withholding information pertaining to her son’s whereabouts between 2015 and 2019. She told Milimani chief magistrate Francis Andayi the last time she was in communication with her son was 2015. Sakina is accused of breach of her duty to disclose the whereabouts of her son, which would have prevented the Dusit terror attack on January 15. She asked why her former husband is not facing similar charges. In an affidavit, anti-terrorism police unit’s inspector Monica Githaiga said data from Sakina’s mobile phone show she has been in constant communication with several phone numbers located in Somalia that are believed to be her son’s. Githaiga said investigations are ongoing to identify the individuals who might have been in communication with Sakina and Gichunge in relation to terrorist activity and particularly the Dusit attack. The detective said Sakina is likely to interfere with investigations if she is released on bond. She is the second suspect to be charged over the attack that claimed 21 lives and injured scores of others. Diamond Trust Bank Eastleigh branch manager Sophia Mbogo has been charged with aiding and abetting. The state sought additional time to conclude investigations against Mandera-based Imam Mukhtar Ali, who is said to have been recruiting and radicalising young men. State counsel Eddie Kaddebbe sought 20 days to allow the ATPU to conclude investigations against Mukhtar. He said the 30 days custodial orders sought on January 21 have not been sufficient. “The nature of investigations is fairly complex because they involve analysis of electronic gadgets, including 100 mobile phones’ call data records,” Kaddebbe said. But Mukhtar’s lawyer Gitobu Imanyara opposed the request, saying there is no need to keep his client in custody. The post Kenya wants mum of Dusit attack suspect detained appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in illaa iyo haatan aanay waxbo ka qabsoomin wadahadalladii madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in maamul goboleedyada aanay wax qarashaad ah ka helin dowladda dhexe 8-dii bil ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in caalamka u sheegayaan qarashaadkii ay soo dhiibeen in aanay helin. Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in Galmudug iyo maamullada kaleba isku tashanayaan, islamarkaana bilaabi doonaan wax soo-saarkooda si ay wax u qabsadaan. Ugu dambeyn, Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhismaha dekadda Hobyo, dhaka kalena iska difaaci doonaan wax walbo oo dhanka dowladda kaga yimaada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/codka-XAAF.mp3SAX.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed ayaa ka sugaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen iney degdeg kula timaado waxqabad muuqda. Dhallinyarada aqoonyahannada ah ayaa qaba in waxyaabaha hadda looga fadhiyo xukuumaddan tahay wax ka qabashada ammaanka, dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, caafimaadka, shaqo abuurka iyo sidoo kale furista waddooyinka xiran. Sidoo kale shacabka ayaa sheegaya iney rajo wanaagsan ka qabaan in xukuumadda uu soo dhiso Lafta Gareen ay wax badan qaban karto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WARBIXIN-WARCADE.mp3 Goobjoog News C/qaadir Abuu Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay wali dagaal kula jirto maamulkiisa. Xaaf, oo maanta tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baxday wixii lagu heshiiyay dhamaan ballamihiina ka baxday. Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay in ay si weyn uga soo horjeedo hormarka maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshadda in ay muujiyaan isku tashi. Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf muddo soo socday kaasoo ku saleysan hanaanka dhismaha maamulka Galmudug oo waqtigiiso dhammaaday, waxaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Xaaf,waxaa uu ka soo haray maamulkii ugu sarreeyay Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee CIC, waxaana uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen. Madaxweynaha Jubaland oo golahaasi ku jira ayaa waxaa uu wadahadal kula jiraa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,halka maamulladii kale ay qaar la heshiiyeen dowladda dhexe kuwana ka dhaceen doorashooyin sababay isbeddel dhinaca hoggaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu xarigga ka jaray xabsi weyn oo dhisme ahaan casri ah, kaasi oo laga furay magaalada Muqdisho. Dhismaha xabsigan ayaa socday muddo Saddex sano ah, waxaana markii ugu horreysay dhagax-dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Xabsigan ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana loogu talogalay in lagu xiro maxaabiista, sidoo kalena loogu sameeyo dhaqancelin. Marka la eego xabsigan waxa uu ku jiraa liiska kuwa ugu casrisan ee qaaradda Afrika, iyadoo maxaabiista ay heli karaan nafis badan, goobo waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kenya ayaa xilligan waxa ay cirka kusii toleysaa xiisadda Dimlomaasiyaseed ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan ay ka dhalatay. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso xilligan iney qaadato dhul hor leh oo Soomaaliyeed, taasna waxaa loo sababeeyey hadalladii kala duwanaa ee dowladdaasi kasoo baxay. Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee Kenya xiriirkii kala dhaxeeyey Soomaaliya u xumeysay ay tahay marin habaabinta go’aanka maxkamadda cadaaladda ee kiiska badda. Wuxuu sheegay aqoonyahankan in Kenya ay ogaatay in looga gacan sarreeyo kiiskaasi, sidaasi darteedna waxay sameeneysaa waddo walbo oo wax lagu joojin karo ama ugu yaraan dib loogu dhigo karo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Wareysi-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin kala dhex-dhigaan beello walaalo ah oo muddo isku hayey Tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta waxa ay degmada Cadalle kula kulmeen waxgaradka beelihii dagaallamay. Waxaa la isku raacay in xabadda la joojiyo islamarkaana wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka bedalkii la dagaallami lahaa. Nabadoon Mukhtaar Axmed oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda ay isku diyaarinayaan wadahadallada nabadeed iyo sidoo Labadan beel u wada noolaan lahayd. Beelahan ayaa is hayey muddo Labo sano ah, iyadoo dhowr jeer lagu guul darreystay in xaalkooda la xalliyo, hase ahaatee hadda nabadda ayeey wada aqbaleen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Several people have been arrested after they attacked and looted Somali shops in South Africa. The police spokesperson Kay Makhubela says the suspects were followed after they targeted and robbed shops belonging to Somali nationals. Makhubela could not confirm reports that a Somali national was also killed during the robbery blaming Twitter users for publishing unconfirmed reports. “Some of the things which are Tweeted are misleading. There were incidents that happened in the area but we can’t give a number of people that were killed because that needs to be a fact.” Makhubela says they are still searching for some of the suspects who perpetuated these robberies and is appealing to members of the public to assist. The post Somali shops looted in South Africa, several suspects arrested appeared first on Shabelle. View the full article
-
Tooriyaha lagu qabtay dhalinyarada Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay in ku dhow 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Garoowe ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socdan. Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhalinyarada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalabkoodaba. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro tooriyo ku hubaysan oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
The main streets in Mogadishu have been locked down on Saturday for the commemoration of the 49th anniversary of the establishment of Somali custodial corps. A well-organized ceremony which took place in an army base was attended by Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire, the chief of custodial corps, Bashiir Mohamed Jama’a and other officials from security agencies. During the event, the Prime Minister inspected a guard of honour mounted by the forces. After the guard of honour, Mr. Kheire visited newly constructed premises for the custodial corps. The prime minister commended the forces for their achievements after his tour to the construction. For his part, the new chief of custodial corps extended congratulatory message to the forces. “I congratulate the commissioners, deputy commissioners and all the custodial corps on the 49th anniversary of the establishment of the forces,” said the chief. The prison corps who had been working through difficulties since the government of late Mohamed Siyyad Barre who was toppled early 1990s have taken step forward and marked remarkable achievements. The post Mogadishu streets locked as Somali custodial corps marks 49th anniversary appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labo sano kadib maanta oo kale ayay aheyd markii la magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo lama filaan noqotay magacaabistiisa. Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23 February sanadkii 2017, waxaana lagu magacaabay qoraalka Barta Twitter-ka uuso dhigay madaxweynaha Soomaaliya. Markii la magacaabay kadib wuxuu codka kalsoonida ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu kadib soo magacaabay golo wasiiro oo marar badan isku shaandheyn iyo wax ka badalid lagu sameeyay. Kheyre ayaa hadda xilka haya muddo labo sano ah, waxaana mudada xilka hayay soo wajahay culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaanada baarlamaanka. Wuxuu noqanayaa ra’iisul wasaarihii seddexaad oo muddo labo sano oo xiriir ah xafiiska jooga, waxaana sidaan oo kale labo sano dhameystay Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii KMG ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali. Labada sano ee soo socota ayaanan la ogeyn in madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay wada dhameysan doonaan, waxaana sidaasi horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ee shaqooyinka u socda ay yihiin kuwa lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada. Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyaga oo celinaya gaadiidka dadweynaha, balse ogolaanaya kaliya gaadiidka Dowladda inay maraan wadada. Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo ka xiran illaa Ex-Control Afgooye, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen Ciidamada Booliska ee qaabilsan ammaanka Muqdisho. Ujeedada wadada loo xiray ayaa waxa ay tahay in madaxda ugu sareysa dalka ay ka qayb galayaan Xafladda lagu daah furaayo Xabsi wayn oo dowladda Somaliya ay ka dhistay duleedka Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa u dabaaldagaya maanta 49-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta oo maanta ku beegan. Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan munaasabada Xabsigaasi xariga looga jaraayo ee maanta ka dhaceysa duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Maxadka horumarinta manaahiijta ee Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, ayaa sheegay in ay wax sharciyadda ka baxsan oo aan meelna kaga jirin qaanuunka dalka iyo ka caalamiga ah ee socdaalka in ay kula kaceen madaxda shirkadda diyaaradaha ee Al-Carabiya masuuliyiinteeda u jooga Somaliland. Waxaanu intaa ku daray in ay xafiiska shirkadda diyaaradaha ula tageen baasaboorka Somaliland oo laba qof ah, isla markaana wata fiiseyaashii dal ku galka ee dalka Turkiga ka dibna ay ka iibiyeen tigidhadii ay ugu safri lahaayeen dalka Turkiga, iyagoo socdaal (Taraansid) ku sii mayara magaalada Shaariga, ballanta socdaalka dhoofkooduna uu ahaa in ay maalinta Jimcaha ay afarta subaxnimo ku kallahaan madaarka oo ay sidaa ku dhoofaan. Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska iyo arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah oo uu sheegay in ay dedaal aad u wayn u galeen sidii dhakhtar caafimaad oo dibedda ah loogu diri lahaa iyo qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo uu iyadana ku ammaanay in ay fiiseyaashii dal ku galka siisay oo ay u fiisaysay baasaboorka Somaliland. Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad diyaaradeed oo ka hawl gasha Somaliland in ay diido in ay dadku ku raacaan baasaboorka Somaliland iyada oo waliba markii hore tigidhadii diyaaradda kaga iibisay baasaboorka Somaliland. Agaasime Cabdillaahi oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Muddooyinkii u dambeeyay waan xannuunsanayay oo dhakhtar ayaan ku jiray, wasaaraddayda waxbarashada iyo sayniska iyo wasaaradda arrimaha dibedduba waxay dedaal ballaadhan u galeen sidii aan u heli lahaa cisbitaal dibadeed oo aan caafimaad ugu boxo, taasina waxay sababtay in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibeddu ay ka hawl galaan in safaarada Turkigu ku leeyahay Somaliland ee Hargeysa in ay fiise iiga raadiyaan, nasiib wanaag safaaraddaasi waxay na siisay laba fiise oo aanu ku tagno Turkiga aniga iyo xaaskaygu, iyadoo noogu fiisaysay baasaboorka Somaliland oo ay dal ku galkii noogu soo saartay laba baasaboor oo Somaliland ah oo aanu kala leenahay aniga iyo xaaskaygu, markii aanu fiiseyaashii aanu helnay waxaan tigidhadii diyaaradda aanu ku tegi lahayn Turkiga aan ka iibsaday shirkadda diyaaradda ee Al-carabiya oo noo sheegtay in aanu taraansid ahaan ku sii marayno Shaariqa, ballanta dhoofkayaguna waxay ahayd maalinta Jimcaha in aanu afarta subaxnimo tagno madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa oo aanu subaxnidii saaka (shalay) aanu ka dhoofi lahayn.” Agaasime Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in markii ay madaarka tageen in ay kala kulmeen arrin aanay filayn oo u cuntami wayday oo kaga yimi shirkaddii ka iibisay tigidhada diyaaradda ay ku raaci lahaayeen. Waxaanu yidhi “Markii aanu tagnay madaarka ayay shaqalihii diyaaradda u joogay madaarku waxay naga qaadeen baasabooradayadii markii ay arkeen in ay Somaliland yihiin ayay meel gaar ah na fadhiisiyeen waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu la hadlaynaa Shaariga in ay idin aqbasho in aad baasaboorka Somaliland ku tegi kartaan iyo in kale, ka dib waxaan u sheegnay in aanu ku socono Stanbul oo aanaan Shaariqa u socon, laakiin aanu taraansid ku nahay, laakiin siday noo meer meerinayeen ayay gaadhay xilligii ay diyaaraddu kacaysay, waxaanay ugu dambayn noo sheegeen in aanaan ku raacayn diyaaradda baasaboorka Somaliland oo ay diideen, sidaas ayaa diyaaraddii naga iibisay tigidhada aanu kaga soo goosanay baasaboorka qaranka oo fiisaysan oo fiiseyaashii dal ku galka ee Turkiga oo sharci ahna aanu u wadanay ay ku diideen.” Waxaanu agaasime Cabdilaahi oo qiiraysani uu intaa raaciyay, “Haddii aanay ogolayn shirkaddu in baasaboorkeena lagu raaco, waa in aanay dalka ka shaqayn oo aanay macaash inoo soo doonan, iyadoo inna diidan.” Waxaa uu intaa raaciyay in markii ay arrintaasi ku dhacday in uu masuulkii shirkadda Al-carabiya airline u joogay madaarka in uu ka qortay waraaq uu ku caddaynayo in uu isagu ka reebay diyaaradda, sababta uu uga reebayna ay ahayd oo keliya in ay siteen baasaboorka Somaliland oo ku fiisaysan fiisaha dal ku galka ee Turkiga. Waxaanu yidhi “Markii aanu diyaaradda sidaa kaga hadhay waxaan ka qoray masuulkii shirkadda AL-carabia airline u joogay madaarka in uu isagu iga reebay diyaaradda waxaanu ii qoray waraaq uu ku caddaynayo sababta uu diyaaradda noogu diiday in ay tahay baasaboorka Somaliland ee aanu sidano, haddaba waxaa loo baahan yahay in hay’adaheena ku shaqada leh ee ay wada shaqaynta leeyihiin shirkadaha noocaa ula dhaqmaya baasaboorkeena in ay tallaabo ka qaadaan oo aanay madaarkeena bahdilaad dambe kaga dhicin baasaboorkeena oo ka mid ah astaamaha qaran ee aynu leenahay.” Source
-
Popular Contributors