Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,528
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Todobaadkan horaantiisii, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Magaalada Addis Ababa uga wad-hadlay isbedellada gobolka geeska Africa iyo wada-hadallada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Idaacadda VOA ayaa waraysi xasaasi ah la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo raysal wasaare Abey Axmed, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan Bastoolado ay galabta Degmada Karaan ee Magaalada Muqdusho ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraallo deg deg ah oo tacsi ah kasoo saaray dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabta lagu dilay Muqdisho. Xildhibaan Boqorre ayaa ka tirsanaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, sidoo kalena Fiqi uu xubin ka yahay. Hoos ka aqriso labada qoraal. Xasan Sheekh: Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan TACSI uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga. Gacan ka gardaran ayaa dishay xildhibaanka ee Ilaahey ha u naxariisto annagane gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin Axmed Macallin Fiqi: Waxaa magaalada Muqdisho iga soo gaaraya in saaxiibkay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre galabtay lagu dilay halkaas, waxaan ilaahay uga baryayaa danbi dhaaf iyo jannooyinkiisa inuu ugu naxariisto. Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka uge da’da weyn, waxaan ka wada tirsanayn guddiga difaaca iyo xisbiga UPD. Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisii, eheladii, qaraabadiisii iyo asxaabtiina sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.. Innaa lillaahi wa in naa ilahi raajicuun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan, ayaa goordhow degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku dishay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana dilkkiisa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Muqdisho. Ciidammada ammaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baadhitaano ah, waxaana jira warar sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah Raggii dilka geystay iyo gaadhigii ay wateen. Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cismaan Boqorre ayaa kasoo jeeda degaan ahaan Somaliland gaar ahaan degmada Saylac. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Hinda Gaani Oo Si Is-Khilaafsan Uga Hadashay Xukunkii Lagu Riday Carruur Darbi-Jiif Ahayd Iyo Guddi Ay U Saartay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. A member of Somali parliament [MP], Osman Elmi Boqore has been shot and killed in Mogadishu on Saturday evening, witnesses said. The murder of the legislator was reportedly carried out by men armed with pistols who fled the scene before the arrival of the Somali security forces. Boqore was was a long-serving Somali parliamentarian was assassinated in Karan district. No group has claimed responsibility for the murder. The post Somali lawmaker killed in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Waar, dadkii iyo dalkii nabad ma ku baraarugeen, Waar, qorraxdii ma soo baxday, Waar, calankii Somaliland ma ka dul babinayaa dalkoo dhan, Waar, hadday weli sidaa tahay maxaa iga galay meehanaabka cadowgeena, Soddon sannadood bay kuwan leh “Somali midnimmo” oo runtiina ah cadowga ugu waaweyn ee Somaliland leedahay, oo ka kooban faqashtii la eryay iyo dabo dhilifyadoodii, lahaayeen, ” wataa Somaliland burburtay”. Bal dadyahow, wixii jabkaaga doonaya maxaad wakhtiga ugu lumin oo aad kala hadli? Ma kuwa ilaa iyo 1960 ka cabaadda wixii horumar ah ee ay Somalialand gaadho? Ma kuwii lixdankii wax walba Xamar ula cararay, oo ilaa iyo maantana sidaa doonaya? Ma kuwii haddii dekedda Berbera ama laamiga ilaa Ceerigaabo la dhiso cabaadaya ayeynu wax kala ka filaynaa? Waa maya. Hadaba, maxa isugu keen hadhay Soomaaliya, oo aan ahayn, ” Ilmaadeerayaal aynu xisaabtanno, ka dibna kala socono”? Weligeed ba la lahaa ciidan bay Soomaaliya dhisaysaa , oo Turkish iyo hebel baa tababaray, kuwii Midowga Soofiyeeti iyo Mareykankaba tababarayba meeshay mareen waa la ogyahay. Waxaa la yidhaahdaa dhallinyarta ayaa loo haadinaya oo Muqdisho loogu yeedhadayaa, kuwii curdun ah, ee caqli yari, iyagaa soo arki beenta iyo dulmiga, doqon lixdan jir ah saaxiibadii habeen lagu xasuuqay xeebta Jasiira ayaa Xamar maanta fadhiistay? Somaliland waxaa iyo kuwaas oo dhan, waxba uma noqoto. Samo Ku Waar Allaa Mahd Leh Axmed Kheyre Qaran News
  10. Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhow lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee Soomaaliya. Dilka mudanaha oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Cilmi Boqore ayaa la sheegay in ay geysteen dabley hubeysan kuwaasi oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka qaar ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay qabteen kooxihii falkaan dilka ah geystay. Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saartay mas’uuliyadda falkaan, oo imaanaya xii amniga caasimada si wayn oo adkeeyay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe Insha Allah The post Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya. Dilka xildhibaanka, oo ay fuliyeen koox hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho Wararka ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyay dilka xildhibaan Boqorre oo watay gaari ay goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka xildhibaan Boqorre. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna xubin baarlamaan ahaa tan iyo dowladdii KMG ahayd. Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqorre ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Af-Hayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Shaaciyay In Madaxweynaha Muuse Biixi Uu Kulamo La Qaadan Doono Bulshada Gobolka Gabiley, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Ka Hawl-gala Gobolka Gabiley Iyo Suxufiyiin Ka Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Somali PM, Hassan Ali Kheyre has cut ribbon of a modern prison and court complex facility in the capital, Mogadishu on Saturday. The construction of the facility was funded by UK, Norway, and the Netherlands via the UN Office on Drugs and Crime Office in the country. The correctional facility which was described as one of the best in Africa was attended by Somali PM, army officials and head of custodial corps General Bashir Goobe and representatives from the donor states. Somalia’s Minister for Justice, Hassan Hussein Hajji was also present. The new prison situated at the Ex-control Afgoye in Mogadishu will become the second prison in the capital, besides the Central Prison, which is currently the only correctional facility to rehabilitate prisoners. Prime Hassan Kheyre has thanked the international partners for the support while at the same time launching the construction of Islamic institutional inside facility to rehabilitate militants from the extremist groups fighting in the country. The post Somali PM cuts ribbon of new modern prison appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Xaaf Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelele Xaaf oo maalmahan dambe ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Keynya ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf oo markii uu Gaalkacyo yimi warbaahinta la hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen, waxa uuna intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garowe aaney wali fulin. Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah isku dayeyso in ay ciidamada 21aad iyo NISA ay u adeegsato caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay isku tashtaan oo ay deegaankooda iyagu hormarsadaan waxaa uuna intaa ku daray in ay dhawaan imaan doono hay’addihii dhisi lahaa degmooyinka. Xaaf ayaa mudooyinkii dambe xarun ka dhigtay magaalada Gaalkacyo oo qeyb kamid ah uu ka taliyo maamulkiisa, waxaana khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug sababay in uu Xaaf tagi waayo Cadaado iyo Dhuusamareeb. Labaatanka bisha soo socota ee Maarso waxaa Garowe shir isugu iman doona federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo sheegay in Farmaajo balan uga baxay appeared first on Puntland Post.
  16. The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) distributed on Friday 1,500 emergency food baskets to flood-affected people in the town of Beledweyne in Somalia’s Hiran province, benefiting 9,000 people. The center also distributed more than 1,116 food baskets weighing 83 tons to displaced people from Saada governorate in Marib governorate benefiting 6,696 people, the Saudi Press Agency (SPA) reported. The distributions come within the framework of the humanitarian projects provided, by the Kingdom in many affected countries. Also, a delegation from KSRelief represented Saudi Arabia in Paris Thursday at a high-level meeting of Development Assistance Committee (DAC). The Center’s delegation was headed by Assistant Director-General for Planning and Development Dr. Aqeel bin Jumaan Al-Ghamdi. The participants discussed the challenges of refugees and migration facing participating States, SPA reported. The post Saudi aid agency Distributes Food Aid in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta. Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu as’aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Dowladda Puntland. Madxaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in dowladdu ahmiyad gaara siindoonto dhismaha ciidanka” “Waxaa maanta farxad-weyn noo ah ani iyo Madaxweynahaba inaan kasoo qayb-galno munaasabaddan aan ku soo booqanay ciidanka difaaca Puntland, aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta la kulmo saraakiisha ciidanka difaaca iyo dhammaan ciidanka kale oo ah ciidankii lagu aas-aasay Dowladda Puntland, waxaan ahmiyad gaara siindoonaa dhismaha ciidanka Puntland” ayuu yiri Karaash. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidanka difaaca Dowladda Puntland in ay ka shaqeeyaan difaaca iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isla’markaana waxaa uu ku bogaadiyey dhabar adayga, difaacidda jiritaankooda iyo dowladdoodaba “Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan idinku soo booqano taliskii dhexe ee ciidamada oo ah taliskii aas-aaska u ahaa ciidamada Puntland, isla’markaana lagu aas-aasay Puntland, runtii waa goob taariikhi ah waa goob ka qayb-qaadatay in aysan Puntland burburin, dadkeedu is haystaan, ciidankeedu uusan marna kala tegin, waxaa farxad weyn ii ahayd in aan maanta soo kor meernay qalabkii 1991 uga dhacday Dowladdii Soomaaliya oo xataa matooradii weli xerada yaalaan oo ay shaqaynayaan” “waxay muujinaysaa dunta dadka reer Puntland, say Dowladnimada u doonayaan, waxaa naga go’an in aan qaadno wadadii dadkii naga horreeyey oo aan ahmiyaddeena 1-aad siino ciidanka, waxaan hortiina ka balan qaadaynaa Inshaa Allaah in aan tayeyn doono ciidamada, waxaan rabaa in aad boorka ka jaftaan kaalintii hore ee aad lahaydeen inaad noqotaan dad danaha Puntland ilaaliya oo dib u yagleela ciidan tayaysan oo wax walba kaafin kara”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dhammaan hogaamada ciidamada Difaaca Puntalnd, waxaa looga hadlay kulanka, tayeynta iyo xoojinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo ah kuwa mar walba u taagan jiritaanka iyo Difaaca Puntland. PUNTLAND POST . The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh. Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha. The post Madaxweynaha Soomaaliya Oo gaaray dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Sharm El-Sheikh, Egypt on Saturday, Febuary 23. The president will attend the 1st meeting between the League of the Arab States and the European Union, opening on Sunday. The meeting will focus on further strengthening the partnership between both sides to overcome the modern challenges in trade, security, and development. The summit will start on Sunday 24 February at 17:00 with the official welcome by the Egyptian host and co-chaired President Al Sisi. The leaders to discuss the latest developments in the region, such as the situations with the Middle East Peace Process, Yemen, Libya and Syria. The post Somali president arrives in Egypt appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Xog-xasaasiya:Burburka Dhaqaale ee Dubai+fashilka ku yimi Mashaariicdii Berbera & Bosaso! Waxaa bilihii lasoo dhaafay hoos u dhac weyn ku imaanayey Suuqa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Mandaqada Dubai oo uu hada ka jiro dhaqaale burbur baaxadleh oo saameyn ku yeeshay mashaariic waaweyn oo horey loo qorsheeyey. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay suuqa Dubai, hoos u dhacan ayaa gaadhay in ku dhaw 30% marka loo eego bilihii hore ee sanadkii tagay 2018, wuxuuna noqonayaa hoos u dhacan ku yimid suuqa Dubai kii ugu weynaa ee in mudda ah soo wajaha maamulkaas, waxaana xusid mudan in suuqa Dubai uu weli hoos u sii dhacayo. Dhaqaalaha Dubai ayaa ah mid intiisa badan ku dhisan; Ganacsiga shirkadaha canshuur dhaafka loo sameeyey, Transport iyo Dalxiiska, dhamaan illahan dhaqaalaha ayaa waxa ku yimid hoos u dhac weyn. Markii ugu horeysay taariikhda ayaa la sheegay inay ka bateen dadka iskaga cararaya magaalada Dubai kuwa halkaasi usoo shaqo tagaya, arrintaasi oo la xidhiidha burburka dhaqaalee ee sii socda. 90% dadka ku nool Dubai ayaa ah ajaanib usoo shaqo tagay kuwaasi oo hada in badan oo kamid ah iskaga guuraya magaaladaas, waxayna taasi si toos ah u saameysay shirkadaha guryaha Kireeya, hotelada, dukaanada iyo Iskuulada. Shirkadaha dhismaha ee xaruntooda tahay Dubai ee dhisay inta badan daaraha dhaadheer ayaa sanadkii tagay khasaaraya 40%. Kadib markii ay waayeen cid ka kireysata ama ka gadata dabaqyo badan oo ay dhiseen. Hoos u dhaca Muxuu salka ku hayaa? Arrimaha saameeyey dhaqaalaha Dubai waa kuwo kala gedisan oo ay kamid yihiin xiisada xiligan ka dhex taagan Dalalka Khaliijka iyo xayiraadii la saaray dalka Qatar. Qatar iyo IRAN Xidhiidhka Ganacsi ee Qatar iyo Dubai ayaa ahaa mid xoogan kahor intaan lasoo rogin xayiraadii Sacuudiga iyo Imaaraatiga saareen Doha. Dekadda Dubai ee [Jabal Cali] ayaa ahayd mid si weyn ugu adeegi jirtay suuqa Qatar. Waxayna Dubai lumisay suuqii ay lacagta badan ka heli jirtay ee Qatar. Waxaa middaas usii dheer xiisada hada ka dhex taagan Imaaraadka iyo IRAN oo maalgashi badan ku lahayd suuqa Dubai. Tujaarta iyo Siyaasiyiinta Iran ayaa horey lacag badan u gelin jiray Dubai. Shidaalka iyo Canshuurta Dubai waxay sidoo kale ahayd halka ay lacagta badan ku baxshaan tijaarta Boqortooyada Sacuudiga, dakhligaasi ayaa sidoo kale hoos u dhacay kadib ololihii uu bilaabay Maxamed Bin Salmaan ee la dagaalanka musuq maasuqa. Waxaa sidoo kale hoos u dhacay Qiimaha shidaalka oo horey u kabi jirtay dakhliga dowlada Dubai, arrintaasi oo keentay in Dubai ay soo rogto Canshuurta VAT 5% bishii Janaayo 2019, canshuurtan ayaa keentay inay baxsadaan shirkado badan oo horey Dubai xarumo uga dhigtay. Imaaraadka ayaa sidoo kale canshuur dul dhigay shirkadaha Tubaakada & Sigaarka (100%) iyo cabitaanada (50%). Hay’ada IMF ayaa kula talisay Imaaraadka inay soo rogaan canshuuro si ay u kabaan hoos u dhaca ku yimid dakhligii ay ka heli jireen batroolka. Shirkadaha waaweyn ee dhismaha ayaa hada joojiyey mashaariic badan oo ay wadeen oo lagu dhisayey guryo iyo xarumo cusub, kadib markii la waayey cid ka gadata. Mashaariicda ugu waaweyn ee hada socda ayaa u badan kuwa loo dhisayo Suuqa Dubai 2020 EXPO, balse waxaa la filayaa in marka ay dhamaato xafladaasi EXPO ay inta badan xarumaha la dhisay ay faaruq noqon doonaan. Xiisada Mushaharaadka Hoos u dhaca dhaqaale ee yimid ayaa sidoo kale keenay in Imaaraatiga uu bixin waayo mushaharaadka in badan oo kamid ah shaqaalaha dhulkaasi ka shaqeeya ee ajnabiga ah, xili magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ay yihiin magaalooyinka ugu qaalisan dalalka Carabta dhinaca nolosha. Mashaariicdii Berbera iyo Bosaaso Shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay imaarada DUBAI ayaa horey ugu guuleysatay inay heshiis kula wareegto dekaddaha Berbera iyo Bosaso, heshiisyadaasi oo ay la gashay Xukuumadihii hore ee Puntland-Cabdiweli Gaas iyo Somaliland- Silanyo Balse waxaan illaa iyo hada lagu guuleysan in shirkadaasi ay wax weyn ka fuliso balanqaadkeedii ahaa balaadhinta labadaas dekaddood oo aan illaa iyo hada waxba laga qaban. Somaliland oo todobaadyadan gorgortan cusub kula jirtay Shirkada DP World ayaa codsatay in la fuliyo balanqaadkii horey shirkadaasi u sameysay, waxaana la yaab noqotay kadib markii xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inaysan jirin wax qoraal iyo hab-raac ah oo ay ka heshay xukuumadii ka horeysay ee la xidhiidha qodobada ay xukuumadii Siilaanyo iyo DP world ku heshiiyeen. Waxaan sidoo kale weli lasoo bandhigin qoraalka iyo qodobadii ay ku heshiiyeen xukuumadii hore ee Puntland ee Madaxweyne Gaas iyo DP World oo iyadu maamusha shirkada P&O ee lagu wareejiyey dekadda Bosaaso. Fashilka ku yimid fulinta wajigii hore ee dhismaha dekaddaha Berbera iyo Bosaso ayaa lala xidhiidhinayaa hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid mandaqada Dubai, burburkaasi dhaqaale oo la filayo inuu sii socdo maadaama ay hada shirkado badan ka guurayaan dhulkaasi taasi oo hoos usii ridi doonta dakhliga soogala imaarada Dubai iyo shirkadaheeda. Qaran News
  21. Inkastoo Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay si aad ah loogu Xaman jirey in ay Kasoo Xidhantey Siyaasada Arimaha Dibadda Laakiin taasi Waxey aheyd mid hadda noqotey kasii dar oo Dibi dhal Waxaana inoo cadeyneysa,Sida ay maanta ugu faraxsan yihiin Koox yar oo Xukuumadda Taageertaa Socdaalkan u Dambeeyay ee uu Ku Tagey Dalka Itoobiya iyo Kulankan hadda uu La Kulmey Raysal-Wasaaraha Itoobiya oo kulanka Noociisu ahaa Si aan ka duwaneyn sidii horeba la inooku soo dhawyn jirey oo ah mid aan hore usocod laheyn Waxaana hore ujirey,Xukuumadihii Somaliland soo marey ilaa Marxuum Cigaal Rayaale,iyo Siilaanyoba in Mawqifka Dawlada Itoobiya ay Ka Aaminsan Tahey Somaliland uu ahaa Mid Cadaan ah laakiin hadda uu Mugdi ku Jiro.. Waxana Muuqda Xiligan Dhutinta ay Xukuumadani ka Dhutinayso Dhinacii Baratakoolka iyo Sidii loo kala lahaa Masuuliyadda Sababtoo ah Waxa ay Dad badani Iswydiinayaan Wasiirka Arimaha Guduhu ma Raysalwasaarihii Xukuumadaa,amaba Madaxweyne Kuxigeenkii,maxaa Yeelay Wasiirkii Arimaha Dibadda oo Jooga Mr Faratoon ayuu Isagu Ka Warbixinayaa Safarkii iyo Socdaalkii Madaxweynuhu ku aadey Dalkaasi Itoobiya Mana jirto Wax alaale iyo Wax ay u Sheegeen Shacabka Somaliland oo aan aheyn Waanala Soo Dhaweeyay Waxa nalaku Soo dhaweeyay meeqaam Sare, Taasina Waxey Noqoneysaa Mid Shacabkani Kasoo Daaley oo ah Meeqaam Sare Waxa ay Durbaanka u Tumanayso,iyo Waxa uu Shacabku ka Sugayaa waa Mid kala maan ah. Sikastaba ha ahaatee Waxa kale oo ay Bulshada Somaliland la yaaban tahey Socdaal uu haddana ku imanayo Gabiley oo aan ujeedadiisu ka badneyn meel yar oo la dhisey oo Xadhiga laga jarayo, iyadoo lawada ogyahey in Gabiley Xukuumada ku dulman tahey oo aan Gobolnimadeedu dhameys tirneyn iyadoo Maalin Walba kasoo gasho lacag aan ka yreyn Afar Boqol oo milyan oo Shilinka Somaliland ahna Meesha Labaad ee lafdhabarta u ah Dhaqaalaha Somalilana kaaga sii Darane laba jeer si aan kala hadh laheyn u taageeray Doorashada Xukuumadahan Kulmiye ee Gobolnimadeeda Dhameytirkiisa Diidan haba ugu Sii Darnaato Tan Muuse Biixi hogaaminayo,e Su,aasha Isweydiinta lihi Waxa ay Tahey Miyaan Aqliba u Kordheyn ama aaney Oday Inanba laheyn Reer Gabileygan Wali Kujira asoolka Muuse Biixi ilayn Horeba Waa u Ogaayeen Reer Gabiley oo Mujaahidiintii Dhimatey Waa wada Sheegeen in Muuse Reer Gabiley Neceb yahaye,Waxaan kusoo Gunaanadayaa Muuse Biixi Wuxuu la daalaa Dhacayaa Dalkii Dhamaa ee Loo Dhiibaye Gabilay Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Waa halkiiye. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tel:0634466339 Source