Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Ka Hawl-gala Gobolka Gabiley Iyo Suxufiyiin Ka Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Somali PM, Hassan Ali Kheyre has cut ribbon of a modern prison and court complex facility in the capital, Mogadishu on Saturday. The construction of the facility was funded by UK, Norway, and the Netherlands via the UN Office on Drugs and Crime Office in the country. The correctional facility which was described as one of the best in Africa was attended by Somali PM, army officials and head of custodial corps General Bashir Goobe and representatives from the donor states. Somalia’s Minister for Justice, Hassan Hussein Hajji was also present. The new prison situated at the Ex-control Afgoye in Mogadishu will become the second prison in the capital, besides the Central Prison, which is currently the only correctional facility to rehabilitate prisoners. Prime Hassan Kheyre has thanked the international partners for the support while at the same time launching the construction of Islamic institutional inside facility to rehabilitate militants from the extremist groups fighting in the country. The post Somali PM cuts ribbon of new modern prison appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Xaaf Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelele Xaaf oo maalmahan dambe ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Keynya ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf oo markii uu Gaalkacyo yimi warbaahinta la hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah balamihii ay galeen waxba ka suuragali waayeen, waxa uuna intaasi ku daray in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray Garowe aaney wali fulin. Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka ah isku dayeyso in ay ciidamada 21aad iyo NISA ay u adeegsato caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay isku tashtaan oo ay deegaankooda iyagu hormarsadaan waxaa uuna intaa ku daray in ay dhawaan imaan doono hay’addihii dhisi lahaa degmooyinka. Xaaf ayaa mudooyinkii dambe xarun ka dhigtay magaalada Gaalkacyo oo qeyb kamid ah uu ka taliyo maamulkiisa, waxaana khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug sababay in uu Xaaf tagi waayo Cadaado iyo Dhuusamareeb. Labaatanka bisha soo socota ee Maarso waxaa Garowe shir isugu iman doona federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo sheegay in Farmaajo balan uga baxay appeared first on Puntland Post.
  4. The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) distributed on Friday 1,500 emergency food baskets to flood-affected people in the town of Beledweyne in Somalia’s Hiran province, benefiting 9,000 people. The center also distributed more than 1,116 food baskets weighing 83 tons to displaced people from Saada governorate in Marib governorate benefiting 6,696 people, the Saudi Press Agency (SPA) reported. The distributions come within the framework of the humanitarian projects provided, by the Kingdom in many affected countries. Also, a delegation from KSRelief represented Saudi Arabia in Paris Thursday at a high-level meeting of Development Assistance Committee (DAC). The Center’s delegation was headed by Assistant Director-General for Planning and Development Dr. Aqeel bin Jumaan Al-Ghamdi. The participants discussed the challenges of refugees and migration facing participating States, SPA reported. The post Saudi aid agency Distributes Food Aid in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta. Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu as’aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Dowladda Puntland. Madxaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in dowladdu ahmiyad gaara siindoonto dhismaha ciidanka” “Waxaa maanta farxad-weyn noo ah ani iyo Madaxweynahaba inaan kasoo qayb-galno munaasabaddan aan ku soo booqanay ciidanka difaaca Puntland, aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta la kulmo saraakiisha ciidanka difaaca iyo dhammaan ciidanka kale oo ah ciidankii lagu aas-aasay Dowladda Puntland, waxaan ahmiyad gaara siindoonaa dhismaha ciidanka Puntland” ayuu yiri Karaash. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidanka difaaca Dowladda Puntland in ay ka shaqeeyaan difaaca iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isla’markaana waxaa uu ku bogaadiyey dhabar adayga, difaacidda jiritaankooda iyo dowladdoodaba “Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan idinku soo booqano taliskii dhexe ee ciidamada oo ah taliskii aas-aaska u ahaa ciidamada Puntland, isla’markaana lagu aas-aasay Puntland, runtii waa goob taariikhi ah waa goob ka qayb-qaadatay in aysan Puntland burburin, dadkeedu is haystaan, ciidankeedu uusan marna kala tegin, waxaa farxad weyn ii ahayd in aan maanta soo kor meernay qalabkii 1991 uga dhacday Dowladdii Soomaaliya oo xataa matooradii weli xerada yaalaan oo ay shaqaynayaan” “waxay muujinaysaa dunta dadka reer Puntland, say Dowladnimada u doonayaan, waxaa naga go’an in aan qaadno wadadii dadkii naga horreeyey oo aan ahmiyaddeena 1-aad siino ciidanka, waxaan hortiina ka balan qaadaynaa Inshaa Allaah in aan tayeyn doono ciidamada, waxaan rabaa in aad boorka ka jaftaan kaalintii hore ee aad lahaydeen inaad noqotaan dad danaha Puntland ilaaliya oo dib u yagleela ciidan tayaysan oo wax walba kaafin kara”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dhammaan hogaamada ciidamada Difaaca Puntalnd, waxaa looga hadlay kulanka, tayeynta iyo xoojinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo ah kuwa mar walba u taagan jiritaanka iyo Difaaca Puntland. PUNTLAND POST . The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh. Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha. The post Madaxweynaha Soomaaliya Oo gaaray dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Sharm El-Sheikh, Egypt on Saturday, Febuary 23. The president will attend the 1st meeting between the League of the Arab States and the European Union, opening on Sunday. The meeting will focus on further strengthening the partnership between both sides to overcome the modern challenges in trade, security, and development. The summit will start on Sunday 24 February at 17:00 with the official welcome by the Egyptian host and co-chaired President Al Sisi. The leaders to discuss the latest developments in the region, such as the situations with the Middle East Peace Process, Yemen, Libya and Syria. The post Somali president arrives in Egypt appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Xog-xasaasiya:Burburka Dhaqaale ee Dubai+fashilka ku yimi Mashaariicdii Berbera & Bosaso! Waxaa bilihii lasoo dhaafay hoos u dhac weyn ku imaanayey Suuqa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Mandaqada Dubai oo uu hada ka jiro dhaqaale burbur baaxadleh oo saameyn ku yeeshay mashaariic waaweyn oo horey loo qorsheeyey. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay suuqa Dubai, hoos u dhacan ayaa gaadhay in ku dhaw 30% marka loo eego bilihii hore ee sanadkii tagay 2018, wuxuuna noqonayaa hoos u dhacan ku yimid suuqa Dubai kii ugu weynaa ee in mudda ah soo wajaha maamulkaas, waxaana xusid mudan in suuqa Dubai uu weli hoos u sii dhacayo. Dhaqaalaha Dubai ayaa ah mid intiisa badan ku dhisan; Ganacsiga shirkadaha canshuur dhaafka loo sameeyey, Transport iyo Dalxiiska, dhamaan illahan dhaqaalaha ayaa waxa ku yimid hoos u dhac weyn. Markii ugu horeysay taariikhda ayaa la sheegay inay ka bateen dadka iskaga cararaya magaalada Dubai kuwa halkaasi usoo shaqo tagaya, arrintaasi oo la xidhiidha burburka dhaqaalee ee sii socda. 90% dadka ku nool Dubai ayaa ah ajaanib usoo shaqo tagay kuwaasi oo hada in badan oo kamid ah iskaga guuraya magaaladaas, waxayna taasi si toos ah u saameysay shirkadaha guryaha Kireeya, hotelada, dukaanada iyo Iskuulada. Shirkadaha dhismaha ee xaruntooda tahay Dubai ee dhisay inta badan daaraha dhaadheer ayaa sanadkii tagay khasaaraya 40%. Kadib markii ay waayeen cid ka kireysata ama ka gadata dabaqyo badan oo ay dhiseen. Hoos u dhaca Muxuu salka ku hayaa? Arrimaha saameeyey dhaqaalaha Dubai waa kuwo kala gedisan oo ay kamid yihiin xiisada xiligan ka dhex taagan Dalalka Khaliijka iyo xayiraadii la saaray dalka Qatar. Qatar iyo IRAN Xidhiidhka Ganacsi ee Qatar iyo Dubai ayaa ahaa mid xoogan kahor intaan lasoo rogin xayiraadii Sacuudiga iyo Imaaraatiga saareen Doha. Dekadda Dubai ee [Jabal Cali] ayaa ahayd mid si weyn ugu adeegi jirtay suuqa Qatar. Waxayna Dubai lumisay suuqii ay lacagta badan ka heli jirtay ee Qatar. Waxaa middaas usii dheer xiisada hada ka dhex taagan Imaaraadka iyo IRAN oo maalgashi badan ku lahayd suuqa Dubai. Tujaarta iyo Siyaasiyiinta Iran ayaa horey lacag badan u gelin jiray Dubai. Shidaalka iyo Canshuurta Dubai waxay sidoo kale ahayd halka ay lacagta badan ku baxshaan tijaarta Boqortooyada Sacuudiga, dakhligaasi ayaa sidoo kale hoos u dhacay kadib ololihii uu bilaabay Maxamed Bin Salmaan ee la dagaalanka musuq maasuqa. Waxaa sidoo kale hoos u dhacay Qiimaha shidaalka oo horey u kabi jirtay dakhliga dowlada Dubai, arrintaasi oo keentay in Dubai ay soo rogto Canshuurta VAT 5% bishii Janaayo 2019, canshuurtan ayaa keentay inay baxsadaan shirkado badan oo horey Dubai xarumo uga dhigtay. Imaaraadka ayaa sidoo kale canshuur dul dhigay shirkadaha Tubaakada & Sigaarka (100%) iyo cabitaanada (50%). Hay’ada IMF ayaa kula talisay Imaaraadka inay soo rogaan canshuuro si ay u kabaan hoos u dhaca ku yimid dakhligii ay ka heli jireen batroolka. Shirkadaha waaweyn ee dhismaha ayaa hada joojiyey mashaariic badan oo ay wadeen oo lagu dhisayey guryo iyo xarumo cusub, kadib markii la waayey cid ka gadata. Mashaariicda ugu waaweyn ee hada socda ayaa u badan kuwa loo dhisayo Suuqa Dubai 2020 EXPO, balse waxaa la filayaa in marka ay dhamaato xafladaasi EXPO ay inta badan xarumaha la dhisay ay faaruq noqon doonaan. Xiisada Mushaharaadka Hoos u dhaca dhaqaale ee yimid ayaa sidoo kale keenay in Imaaraatiga uu bixin waayo mushaharaadka in badan oo kamid ah shaqaalaha dhulkaasi ka shaqeeya ee ajnabiga ah, xili magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ay yihiin magaalooyinka ugu qaalisan dalalka Carabta dhinaca nolosha. Mashaariicdii Berbera iyo Bosaaso Shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay imaarada DUBAI ayaa horey ugu guuleysatay inay heshiis kula wareegto dekaddaha Berbera iyo Bosaso, heshiisyadaasi oo ay la gashay Xukuumadihii hore ee Puntland-Cabdiweli Gaas iyo Somaliland- Silanyo Balse waxaan illaa iyo hada lagu guuleysan in shirkadaasi ay wax weyn ka fuliso balanqaadkeedii ahaa balaadhinta labadaas dekaddood oo aan illaa iyo hada waxba laga qaban. Somaliland oo todobaadyadan gorgortan cusub kula jirtay Shirkada DP World ayaa codsatay in la fuliyo balanqaadkii horey shirkadaasi u sameysay, waxaana la yaab noqotay kadib markii xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inaysan jirin wax qoraal iyo hab-raac ah oo ay ka heshay xukuumadii ka horeysay ee la xidhiidha qodobada ay xukuumadii Siilaanyo iyo DP world ku heshiiyeen. Waxaan sidoo kale weli lasoo bandhigin qoraalka iyo qodobadii ay ku heshiiyeen xukuumadii hore ee Puntland ee Madaxweyne Gaas iyo DP World oo iyadu maamusha shirkada P&O ee lagu wareejiyey dekadda Bosaaso. Fashilka ku yimid fulinta wajigii hore ee dhismaha dekaddaha Berbera iyo Bosaso ayaa lala xidhiidhinayaa hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid mandaqada Dubai, burburkaasi dhaqaale oo la filayo inuu sii socdo maadaama ay hada shirkado badan ka guurayaan dhulkaasi taasi oo hoos usii ridi doonta dakhliga soogala imaarada Dubai iyo shirkadaheeda. Qaran News
  9. Inkastoo Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay si aad ah loogu Xaman jirey in ay Kasoo Xidhantey Siyaasada Arimaha Dibadda Laakiin taasi Waxey aheyd mid hadda noqotey kasii dar oo Dibi dhal Waxaana inoo cadeyneysa,Sida ay maanta ugu faraxsan yihiin Koox yar oo Xukuumadda Taageertaa Socdaalkan u Dambeeyay ee uu Ku Tagey Dalka Itoobiya iyo Kulankan hadda uu La Kulmey Raysal-Wasaaraha Itoobiya oo kulanka Noociisu ahaa Si aan ka duwaneyn sidii horeba la inooku soo dhawyn jirey oo ah mid aan hore usocod laheyn Waxaana hore ujirey,Xukuumadihii Somaliland soo marey ilaa Marxuum Cigaal Rayaale,iyo Siilaanyoba in Mawqifka Dawlada Itoobiya ay Ka Aaminsan Tahey Somaliland uu ahaa Mid Cadaan ah laakiin hadda uu Mugdi ku Jiro.. Waxana Muuqda Xiligan Dhutinta ay Xukuumadani ka Dhutinayso Dhinacii Baratakoolka iyo Sidii loo kala lahaa Masuuliyadda Sababtoo ah Waxa ay Dad badani Iswydiinayaan Wasiirka Arimaha Guduhu ma Raysalwasaarihii Xukuumadaa,amaba Madaxweyne Kuxigeenkii,maxaa Yeelay Wasiirkii Arimaha Dibadda oo Jooga Mr Faratoon ayuu Isagu Ka Warbixinayaa Safarkii iyo Socdaalkii Madaxweynuhu ku aadey Dalkaasi Itoobiya Mana jirto Wax alaale iyo Wax ay u Sheegeen Shacabka Somaliland oo aan aheyn Waanala Soo Dhaweeyay Waxa nalaku Soo dhaweeyay meeqaam Sare, Taasina Waxey Noqoneysaa Mid Shacabkani Kasoo Daaley oo ah Meeqaam Sare Waxa ay Durbaanka u Tumanayso,iyo Waxa uu Shacabku ka Sugayaa waa Mid kala maan ah. Sikastaba ha ahaatee Waxa kale oo ay Bulshada Somaliland la yaaban tahey Socdaal uu haddana ku imanayo Gabiley oo aan ujeedadiisu ka badneyn meel yar oo la dhisey oo Xadhiga laga jarayo, iyadoo lawada ogyahey in Gabiley Xukuumada ku dulman tahey oo aan Gobolnimadeedu dhameys tirneyn iyadoo Maalin Walba kasoo gasho lacag aan ka yreyn Afar Boqol oo milyan oo Shilinka Somaliland ahna Meesha Labaad ee lafdhabarta u ah Dhaqaalaha Somalilana kaaga sii Darane laba jeer si aan kala hadh laheyn u taageeray Doorashada Xukuumadahan Kulmiye ee Gobolnimadeeda Dhameytirkiisa Diidan haba ugu Sii Darnaato Tan Muuse Biixi hogaaminayo,e Su,aasha Isweydiinta lihi Waxa ay Tahey Miyaan Aqliba u Kordheyn ama aaney Oday Inanba laheyn Reer Gabileygan Wali Kujira asoolka Muuse Biixi ilayn Horeba Waa u Ogaayeen Reer Gabiley oo Mujaahidiintii Dhimatey Waa wada Sheegeen in Muuse Reer Gabiley Neceb yahaye,Waxaan kusoo Gunaanadayaa Muuse Biixi Wuxuu la daalaa Dhacayaa Dalkii Dhamaa ee Loo Dhiibaye Gabilay Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Waa halkiiye. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tel:0634466339 Source
  10. Inta badan madaxweyne Muuse Biixi waa nin dadka iyo deegaankaba aad u kala yaqaan, qof kasta oo uu la kulmo waxa uu caado u leeyahay inuu uga waramo Aabihii, ama awawgii amaba qof deegaankiina caanka ah taariikh uu leeyahay, tusaale ahaan wakhtigii ololaha degmo wal oo uu marayo taariikhdeeda iyo odayaasheedii hore ayuu dadka ugu khudbadanayn jirey, Laascaanood marka uu tago daraawiishtii iyo taariikhdoodii buu uga waramaa, Oodweyne marka uu marayo odayaashii taariikhda ku lahaa buu uga sheekeeyaa, Boorama marka uu tago Camuud iyo taariikhdeedii barigii uu ardayga ka ahaa buu uga sheekeeya, Jabuuti marka uu tago taariikhdeedii buu uga sheekayaa, waxaana caado u ah marka uu qof la kulmo inuu horta taariikhdoodda uga waramo si uu qofka uu la hadlayo u raaligaliyo ama uu uga dhigo nin wax badan ka yaqaan deegaanka uu ka soo jeeddo. Bal aynu eegno sheekadda dhexmari karta Abiy iyo Muuse: markii uu la kulmay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu uga sheekaynaya qoomiyada Oromada iyo waxay soomaalida ka dhexeeya ama Somaliland iskaga xidhan yihiin iyo abaal SOomaalidu ku leedahay Oromada, mar kale waxa uu uga sheekaynaya Itoobiya iyo wixi uu taariikh ka hayo. Ka dibna xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland buu uga sheekaynayaa. Madaxweyne Muuse Biixi baa sheekada qaadanaya,wuxu odhanaya “ Itoobiya waxanu lahayn xidhiidh qotodheer oo kala badh qoyskayagu Itoobiya ka soo jeedaan, labada dhinac qoys isku mid ah ayaa degan, qoomiyad Oromadu waa cida noogu xigta Itoobiyaanka kale oo xidhiidh qoto dheer baanu lahayn oo markii ay cagta hoostooda ku jireen dadkii gargaari jirey ama ku dhuuman jireen waxay ahayd dhulkayaga. 1977-kii waxaan watay Diyaaradii duqaynaysay Itoobiya oo dadkii dagaalka la gallay baan ahaa, 1981-kiina dadkii dhinaca Itoobiya ka soo jeeday ee dawladii Soomaalida ridayey baan ka mid ahaa, oo saaxiibkey Maxamed Kaahin wasiirkayga Arrimaha guduhu wuxuu ahaa sadexdii nin ee ugu horeeyey ee jabhadii SNM ka sameeyey Itoobiya, waxaanay noo ahaayeen miino baadh, aniga iy Itoobiya heshiishkayagu halkaasi buu ka soo bilaabmay, ninkii shalay Itoobiya cawga u arkayey ayaa maanta dhulkoodii marti u noqday oo dhankii kale ka soo jeedsaday, waxa illaa heerkaasi keenayna waad dareemi kartaa, in nidaamkii aad shalay taageeraysay aad maanta cadow u aragto waxa sababay wax yar maaha, Itoobiya iyo Soomaalidu cadaawadii ka dhexeyn jirtay waxa soo afjaray waa jabhadii halkan laga sameeyey ee SNM, is dhexgalkaasi iyo nabad ka dhex dhacdo Itoobiya iyo Soomaalina anaga u horseedanay oo sidiibaanu wali u yahay. R’isal wasaare Abiy Axmed oo taariikhdan badan ee uu Muuse ka sheekayanay dhagaysanaya, ayaa dantiisii ka hadlay, waxaanu yidhi “wax badan baad iga warantay, wax walba way dhacaan aduunyada, bal ka waran hadii aan iskiin hor fadhiisiiyo madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo waxa idinka dhexeeya ka wada hadashaan. Madaxweyne Muuse: aniga waxa isoo doortay shacab, waxaana ku shaqaynayaa rabitaanka shacabkayga, dadkii lixdankii taageersana midnibada ayaa imika diidan midnimo oo madax banaani raba, sidaan filayo waxaad tahay nin jecel dimuqraadiyada, dimuqraadiduna rabitaanka dadka ayey tixgalisa, marka ma doonayo inaanu qol hoostii ku wada hadalno ee waxaanu rabna fagaare caalami ah oo dalal badan joogaan inaanu gartayada ka dhiibbano, hadii fagaaraha ogol yihiin diyaar baan ahay. Abiy Axmed: anigu waxaan soo xaliyey khilaafyo badan oo geeska ah, waxaan xaliyey khilaafkii anaga iyo Eritrea noo dhexeeyey, kii Soomaaliya iyo anaga noo dhexeeyey iyo kiii labada suudaan u dhexeeyey, waxaana doonaya inaan idinkana anigu arrinkiina gallo oo aan xaliyo, waxaase madadaxweyne la yaabay, hadal dhowaan ka soo baxay oo waxaas oo guul ah oo aan sameeyey libteedii aad siisay madaxweynaha Eritrea oo aad lahayd isbedelka waxa wadda Isas Afwerki, arrinkaasi dareen wayn bay nagu riday in guulaha aan sameeyey qof kale iyo dal kale aad siiso ?? Madaxweyne Muuse Bixi: waa runta, imika waxa libta haysta waa Eritrea, sababtuna waxa tahay, labaatan sano ayey dunida go’doon galisay si uu u dabco, markii uu damqan waayey ee uu dunida u liici waayey ayey dunidii u jabtay, taas ayaa keentay in adiguna ogolaatoo dhulkaasi la isku haysto isaga inaad siiso, sidaasna godoonkii looga qaado maanta isaga faa’iido taagan waxaas uu ku gaadhayna waa samirkii uu samray, anaguna sidaas iyo si ka sii fog baanu nahay, waxana aaminsanahay go’aankaasi in hadalkaasi yahay ka fursad aan imika kugu hor fadhiyo I siiyey. Hadii aad doonayso inaad labadda wadan xaliso arrinkiisa, adigu dhulkii la isku siiyey waxaad siisay walaaladaas Eritrea, idinkaana ugu hor aqoonsaday oo fasaxay Eritrea, sidaas aad samayseen uun ha sameeyaan Soomaaliya dhul iskuma haysanee ee ha na fasaxdo oo u sheeg inay kugu daydaan si xal loo gaadho xalkuna gacantooda ayuu ku jiraa, wax intaas dhaafsiisab ciddi iga aqbalaysa ma jirto. Abiy Axmed oo la yaaban ad adayga ka muuqata iyo mayal adaygiisa, wax badana ka akhristay ayaa odhanaya “ Muuse waxaan isku dayaya innaan iskiin hor fadhiisiiyo oo si toos ah u wada hadashaan idinkuna is qancisaan , si wal oo aad raali ku tihiina waan idin samaynayaa, laakiin anigu waxaan doonayaa inaan bariga afrika oo dhan nabad ka islaaxiyo inaad gacan iga siisana waan rabaa. Sheekadaasi waxaya hayd mid mala awaala oo aynu sawiraynay siday u dhici karto doodda dhexmaraysa Muuse iyo Abiy W/Q: Barkhad Ladiif Maxamed Omer. Source
  11. Baladweyne (SMN) – Maamulka degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta gacanta ku dhigay raashin gargaar oo la masuq-maasuqay, kaas oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan magaaladaasi. Duqa Baladweyne Khadar Xasan Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in ay xireen baqaaro lagu iibinayay raashinkaasi oo ka yimid dowladda Sacuudiga. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan kiiskaasi. Dhanka kale Aadan Cabdi Faarax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka HirShabelle ayaa si xoogan cambaareeyay falkan masuq-maasuqa ah. Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in afka loo dhigto gargaar loogu talagalay dad tabaaleysan. Waxaana uu ku eedeeyay masuq-maasuqaasi in ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli Qoysas badan oo danyar ah ay ku dhibaateysan yihiin gudaha Baladweyne, kuwaas oo aan in muddo helin wax caawimaad ah. The post Gargaar la masuq-maasuqay Oo lagu qabtay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Inta la socota xaalada ay ku jirto Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland waxay dareemayaan cabsi ku aadan Mustaqbalka Somaliland. Madaxweyne Muuse biixi cabdi intii uu talada gacanta ku hayay Bulshada jecel jiritaanka Qaranimada Somaliland waxay ka dareemayeen madaxweynaha caqabado uu samaysanayo kuwasoo Bushada jahwareer aan la garanayn ku riday. 11pt; font-family: Calibri,sans-serif;”> Hadaynu qaar kamid ah soo qaadano madaxweyne muuse socdalkiisii gobaladda beri, gobolada qaar kood wuxuu Bulshada xasuusinayay xanaftii laga soo gudbay, tasoo dhalisay doorashadii uu kursiga ku fadhiistay, arinkasoo ku ah caqabad horumarka ay higsanayso Somaliland, Somaliland Bushada ku nool waxay ku haminayeen in Somaliland lawada leeyahay laga shaqaynaayo, balse waxaa soo baxaya Somaliland laka leeyahay taasina waa caqabadaha ay leedahay dowlad xumadu. Waxaa kaloo jira in wasiirka maaliyada Somaliland sheegay dayn gaaraysa 80million oo dollar ay wareejisay xukuumadii hore, wuxuu kaloo sheegay in beyska berbera airport aan la kirayn, wuxuu kaloo sheegay dhaqaalihii yaraa ee lagula heshiiyay shirkada DPWORLD sanadkan 2019 lasii qaatay, intaasiba madaxweyne muuse si kale ayuu uga hadlay, Bulshadana waxay is waydinaysaa caqabadahan jira ma madaxweynaha ayaa ugu tala galay mise halku dhigii ahaa HORAA LOO SOCONAYAA ayaa sidaa ah. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay Bulshadan waxaa soo food saartay biyo la’aan iyo gaajo sida ay shegeen hay’addaha afooyinka iyo hay’adda dib u dejinta qaranka, arinkaana waxaa garab socda dabaaldega uu ku jiro xisbul xaakimka kulmiye kasoo lagu donaayo in majaraha la waydaariyo siyaasiyin si wayn loo hadal hayo, Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu bulshadiisa dhibaataysan hoos u eego, waqtiyada aanan munaasabka ahayn dabaal degyada la joojiyo, kala shakiga iyo is aamin la’aantana meesha laga saaro, lagana shaqeeyo Somaliland garbaha lawada hayo. awaadan5@gmail.com Source
  13. (SLT-Srael ) Waaxda Dadka iyo Socdaalka ee Israel ayaa haweeney Somali-British ah u diiday inay gasho gudaha Israel si ay u booqato saaxiibkeed, waxaana ay ku xaniban tahay garoonka Ben-Gurin International Airport ee duleedka magaalada Tel Aviv. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in in sababta haweeneydan loogu diiday inay gasho gudaha ay tahay kadib markii ay sheegtay inay damacsan tahay inay degto Israel, oo ay la noolaatoo saaxiibkeed oo ah nin magan-galyo ka raadinaya Israel oo muhajir ah.” Haweeneydan oo lagu magacaabo Faiza Amin Mohammed ayaa sheegtay inaan sharaxaad laga siin sababta loogu diiday inay gudaha gasho, ayada oo hadda laba maalmood ku xanniban garoonka. Waxay sheegtay inaysan wax qorshe ah ka lahayn inay kusii nagaato Israel, marka booqashadeeda ay dhameysato. Waaxda Socdaalka ayaa khamiistii isku dayday in Faiza ay qasab ku saarto diyaarad u socotay London, taasi oo lagu guul-darreysatay. Faiza oo oo degan London ayaa ka shaqeysa isbitaal, waxaana ay racfaan ka qaadatay go’aanka loogu diiday inay gasho Israel, hase yeeshee waxaa sida ay sheegtay loo diiday inay la kulanto qareenkeeda Asaf Weitzen. Waxay ku dooday inay dooneysay kaliya inay booqasho gaaban ku joogto Israel, si ay waqti ula qaadato saaxiibkeed. Faiza ayaa 20 sano ka badan ahayd muwaadin British ah, waxayna leedahay caruur iyo ganacsi u diidaya inay dal kale degto, sida ay sheegtay. wadanka israil waxaa ku nool dad somali ah oo tiradoodu gaareeyso 1,500 oo qof intooda badana ay qaxooti ku joogaan iyo qaybo kaloo ka shaqeeysta. Source
  14. Israel’s Population and Immigration Authority is preventing a British woman who landed in Israel on Wednesday to visit her domestic partner from entering the country, Haaretz has learned. The Population and Immigration Authority said she was denied entry because she told airport personnel that she intended to remain in Israel and live with her partner, an asylum seeker from Somalia. For her part, the woman, Faiza Amin Mohammed, said she has not been given an explanation for being denied entry into Israel over the past two days, during which she has remained at Ben-Gurion International Airport. She denied any intention to remain in the country. On Thursday, staff from the Population Authority, which is part of the Interior Ministry, tried unsuccessfully to put Mohammed on a flight back to Britain, efforts that she claimed included the use of force. A London resident who works in the hospitality and event sector, Mohammed is seeking to appeal the authority’s decision but said she has not been allowed to meet with her lawyer, Asaf Weitzen. She claimed that her intention was to pay a short visit to Israel to spend time with her partner and told Haaretz that she has no interest in living in Israel. She has been a British citizen for 20 years and has a business and children in England, she said. Mohammed recounted that she met her partner in Somalia 20 years ago and reconnected with him about a year ago, and said their intention is to submit an asylum request for her partner in Britain. She noted that this is her second visit to Israel this year, having arrived in January and having left two weeks ago to tend to work obligations even though she had a three-month tourist visa. “Indifference, racism and stupidity led to an offensive decision in my client’s case,” Weitzen said. “The Interior Ministry is showing contempt for the law, and not for the first time, and the ones who are suffering are those whose only sin is their Somali origin and the color of their skin. It’s no longer surprising, but it’s still sad to rediscover what Israel has become.” The Immigration Authority said in response: “The passenger landed in Israel two weeks after she had left, with the intention of living her with her partner, according to her. An examination of the facts revealed that her partner is a foreigner residing in Israel and no organized invitation was arranged [for Mohammed], as procedure requires. Under questioning, it turned out that she intends to settle in Israel even though she arrived with a tourist visa. Given all this, in addition to other facts, it was decided to refuse entry to Ms. Faiza Amin Mohammed.” Qaran News
  15. (SLT-Hargeysa)-Waxgarad iyo odayaal ayaa waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku eedeeyay in uu deegaamaysi ka bilaabay deegaano waqooyiga ka xiga magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee Kenya ayaa faallo uu qoray ku sheegay in xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay tahay “xiisad lasoo hindisay” oo ah shirqool ay dowladda Soomaaliya u maleegtay Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cayaareyso siyaasad ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay ay tahay sidii ay ula wareegi lahayd hoggaanka maamulka Jubaland, kadib markii Kenya ay diiday inay taageerada kala noqoto Axmed Madoobe. Wargeyska ayaa faalladiisa ku sheegay in ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in shirkii London ee xaraashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya uu ahaa mid ujeedada dhabta ah ee loo qabtay ay ahayd sidii looga carreysiin lahaa Kenya, looguna qasbi lahaa fal-celin aysan ka firisan. “Sabtidii tagtay taas ayaa dhacday. Maskaxaha ka dambeeyay tallaabadan waxay abuureen xiisad siyaasadeed aan jirin, ayaga oo rajaynaya inay Kenay ay kusoo dhacdo dabinka loo dhigay, kadibna carro darteed ay ciidamadeeda kala baxdo Jubaland” ayuu qoray wargeyska The Star. “Haddii sidan ay dhici lahayd, oo ciidamada Kenya ay bixi lahaayeen, waxay dowladda awood u yeelan lahayd in Kismaayo la geeyo ciidamo Amisom ah oo ka amar qaata, sidaasna ay ula wareegto hoggaanka Jubaland.” Wargeyska The Star wuxuu qoray in si kastaba ciidamada Kenya ee jooga Jubaland aysan ahayn kuwa ka amar qaata dowladda Kenya, oo ay hoos tagaan Amisom, sidaas darteedna aysan la bixi karin, oo taas ay u taallo Amisom. Ma cadda, sababta sidan uu ugu fakaray wargeyska The Star, hase yeeshee waxaa cad in xiisadda Kenya iyo Somalia ka horreysay shirka London, inkasta oo jirto in Kenya iyo Somalia ay ku kala tageen sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-WWasiirka wasaaradda waxbarashadda Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee macalimiinta qaranka bilaa mushaharka ahi ay dhan yihiin laba kun iyo lix boqol oo macalin. Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta hor tagay gudida joogtadda ah ee golaha guurtida Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u duulay dalka Masar. Madaxweyne farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka u dhaxeeyo wadamada Afrika iyo yurub. Shirkaas ayaa waxaa uu ka dhacayaa magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar. Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdi fitax Al-zizi. Inta badan shirkaasi waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan madaxda wadamada Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  19. By: Maryann Reid, Forbes Contributor Elias Yabarow is a Somalian-American poet and cofounder of Huvvit, a real estate platform launched in 2018. Huvvit sends out a trigger to all available agents in a particular zip code when someone makes a request. The first agent to reply to that ping gets the lead and Huvvit immediately enables text or call communication between the two parties. Numbers are masked between the users and agents, and personal information stays private. According to Yabarow, Huvvit’s on-demand approach is a sweet spot for millennial first-time buyers, who tend to spend a lot more time in the home-buying process and are more receptive to on demand services. Also known as Alakkuu, Yabarow was influenced by poetry after moving to Nairobi at 13. He studied and became a trained engineer and had to learn to retrieve the best both worlds had to offer. He launched Huvvit months before his new book, Wet Grass Vanilla, was published because he thought the insight of launching a company would help him market his book successfully. With his first TEDx talk in Washington, D.C. on April 13 called “Layers of Love,” Yabarow hopes he can inspire other engineers and programmers to take advantage of their interests in other areas, and not choose one path or make a “binary decision.” Founder, Huvvit, Elias Yabarow COURTESY OF SWIZZYSWORLDMaryann Reid: It’s a big difference between engineer and a poet. Why both as full-on careers and not choose one? Elias Yabarow: My mother noticed early on that I was excelling in math and science classes, and since then she’s always been a huge proponent of me getting into the engineering field. And having poetry not depend on my financial status gives me the flexibility to write and perform solely out of the love I have for the art form. Reid: How does your work as a poet influence your work as an engineer? Yabarow: When I was an engineering student, there wasn’t much focus on preparing students to communicate and deliver ideas in an efficient manner. Most of an engineer’s formal education revolves around the intricacies of science and finding solutions to complex problems, but there is no emphasis on a student’s ability to convey an argument in a simple, yet efficient manner. I was fortunate enough to have poetry serve this purpose for me, as this art form sharpened my ability to take technical issues and convey them in a way that is easily digestible to my broader team. Reid: You found a way to still take ownership of your skills by cofounding Huvvit. Why was it so important to be a cofounder? Yabarow: There aren’t a lot of minority cofounders or CEOs, especially in the tech startup world. So, it’s important to me to show other kids in my community that it is possible to build and own a company out of an idea. Also, I think it’s important to be a cofounder if you’re building something because equity in a company gives you a seat at the table and allows you to be in conversations that drive the company forward. Reid: What problem does Huvvit solve? Yabarow: Huvvit is an iOS mobile platform that allows home buyers to connect with local, vetted agents in real time. Kind of like an Uber for real estate. Users can search for properties, and when they’re ready to speak with an agent, they can connect with one inside the app within 90 seconds of requesting one. This allows users to have an interview-style experience with real-estate agents, instead of being fed an agent by the company. Reid: How is Huvvit different from the more common platforms like Zillow that connect you instantly to an agent, anyway? Yabarow: Huvvit is currently in the DC/MD/VA metropolitan area, and we ensure that users don’t have to leave the app to connect with an agent. Zillow is operating under the premise that users should reach out to agents. What we’ve noticed from this approach is that agents tend to get complacent if they’re already getting a consistent stream of leads. At Huvvit, we’ve built a patent-pending algorithm that rewards the proximity and proactiveness of an agent. Agents subscribe to our app by zip code. Reid: You’re also actively involved in relief efforts in East Africa. What are you working on? Yabarow: I just completed a U.S. poetry tour with a Minneapolis-based relief organization called The American Relief Agency for the Horn of Africa (ARAHA), which aim to bring relief to those suffering from hunger, illiteracy, disease and poverty in East Africa through several different programs they’re running. The tour included other East African poets such as Boonaa Mohammed and Ammar AlShukry and we performed in San Diego, Columbus and Minneapolis to raise awareness for ARAHA and their overall mission to help others. Reid: Is there anything else you’d like to say? Yabarow: As long as you’re able to distribute your time and energy to all of your interests, then diversifying your career, and your paths could be a really rewarding experience. Maryann Reid is an author, and co-founder of Alphanista, a learning platform for multicultural women in management. Source: Forbes.com
  20. Baladweyne (SMN) – Hay’adda gargaarka ee King Salman ayaa kumanaan Qoys oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiisay raashiin gargaar ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’addaasi. Qoysaska loo qeybiyay deeqdaasi raashiinka ah ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareysay illaa 9,000 oo ruux oo dhibaatooyin bani’aadanimo ay ku heysatay magaaladaasi. Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga ee SPA ayaa xustay in dhammaan Qoysaska ka faa’iideystay deeqdaasi gargaarka ah ay ahaayeen dadkii ay saameynta u ku yeelatay fatahaadihii ku dhuftay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa dowladda Sacuudiga ugu mahadceliyay deeqda gargaarka ah ee ay gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysanaa gobolkaasi. Sidoo kale waxa ay Sacuudigu ka codsadeen in uu sare u qaado gargaarka bani’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulkaasi. Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay xaaladaha bani’aadanimo ee taagan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Sacuudiga oo gargaar gaarsiiyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Kismaayo (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta nin rayid ahaa ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sayid Iidle Xasan, waxaana la sheegay in uu ahaa Beeraley. Cabdirashiid Macalin Gaas oo adeer u ahaa Marxuumka Geeriyooday ayaa sheegay in Ciidamadu ninkaasi ay ka soo wateen deegaanka Buulo-Gaduud, una dileen arrimo Qabiil, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Ciidanka Jubbaland Oo nin rayid ah ku dilay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article