Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,528
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac ka muujiyay hubka dowladda Soomaaliya ay ka hesho caalamka, isaga oo sheegay in hubka dowladda la gaarsiiyo aysan helin maamulka Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka codsaday beesha caalamka inay ka taageeraan dhanka amaanka, maadaama sida uu sheegay Puntland ay dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo kooxda Daacish. Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uusan helin taageerada dhanka amaanka ee maamulada loogu soo dhiibo dowladda Soomaaliya, waxaana uu dalbaday in arimahaasi si gaar ah looga taageero. Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa yiri “Kaalmadda beesha caalamku ugu tala gashay maamul goboleedyadda Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa iska qaadata, oo waxba nama soo gaaraan, dadka Puntland way isku filan yihiin” Waxaa uu xusay in Puntland ay tahay meesha ugu daran dhinaca amaanka oo ay si wadajir ah uga dagaallamaan Daacish iyo Al-shabaab, sidaasi daraadeed ay u baahan yihiin hub iyo dhaqaalo ay kula dagaalamaan labada koox. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in haddii taageerada caalamka aan Puntland qeybteeda laga siin ay isku tashan doonto Puntland sida uu hadalka u dhigay. Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid muujinaya inaysan helin taageeradii dhanka amaanka ee loo qorsheeyay dowlad goboleedyada, waxaana arintaasi ay joogsatay markii madaxweyne Gaas iyo dowladda is qabteen mudaddii uu xilka hayay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa ruuxii looga guuleystay wareegii ugu dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Asad Diyaano ayaa kusoo baxay doorashadii Puntland ka dhacay 8 Janaayo sanadkaan 2019, waxaana uu yimid wareegii ugu dambeeyay oo aan laga fileysan. Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Asad Dyaano, waxaana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiinta Asad kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Beijing (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa difaacay gumaysiga dowladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta dalkaas. Bin Salmaan ayaa xerooyinka xabsiyada ah ee lagu hayo muslimiinta Shiinaha ugu yeeray “Mid Beijing ay xaq u leedahay inay sameyso” “China waxa ay xaq uleedahay inay sameyso howl-gal ka hortag argagixiso iyo ka saaris xagjirinimo oo ay ku sugeyso amnigeeda” ayuu yiri Bin Salmaan oo Beijing u jooga inuu China la saxiixdo heshiis ganacsi. China ayaa xabistay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, kuwaas oo lagu hayo xerooyin la sheegay in wax lagu barayo, taasi oo qeyb ka ah barnaamij la sheegay in lagula dagaalamayo xagjirnimada. Uighur ayaa ah dad jinsiyad ahaan Turkic ah oo haysta diinta Islaamka oo ku nool Galbeedka Shiinaha. Beijing ayaa ku eedeysay muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang inay taageeraan argagixisada, waxaana lagu hayaa kormeer joogto ah. Uighur ayaa ka codsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga inuu arrintan kala hadlo dowladda Shiinaha inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, hase yeeshee Bin Salmaan ayaa kala hadal iska dhaaf’e, sheegay in China ay xaq uleedahay ficilladeeda. Hoggaamiyayaasha muslimiinta ayaa inta badan ka aamusay xadgudubka lagu hayo muslimiinta Uighur, marka laga reebo madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo dhowaan sheegay in ficillada China ay yihiin “kuwa ka baxsan bani aadannimada” Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka. Ugu horeyn wuxuu tacsi u diray xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo ehelada xildhibaanka, isaga oo sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa odayaasha baarlamaanka ku jira. Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in walwal weyn ay ka qabaan xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in maalin kastaa dilal kala duwan ay ka dhacaan caasimadda. Wuxuu sidoo kale sheegay amaanka Muqdisho loo baahan yahay in wax la iska weydiiyo, maadaama ay dilal kala duwan ka dhacaan Muqdisho. “Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho” “Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado” ayuu yiri Mr Warsame. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay galab degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay galab waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sidda ay u yaqaanaan Bulshadda Soomaaliyeed. Xildhibaanka waxaa uu ahaa nin si weyn usoo bandhigga Aragtidiisa, waxaana lagu xasuustaa in uu Muddo dheer uu ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa uu kasoo jeeddaa Gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka ugu da’da weyn. Dhamaadkii 2016-ka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u gartay in uu noqdo Gudoomiyaha Kumeelka gaarka ah ee Labadda Aqal tan iyo inta laga dooranaayo Gudoonka Golaha Shacabka. Dowladdii uu hoggaamin jiray Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu kasoo noqday Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka. Boqore oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah. Waxa uu ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya. Hadda Wuxuu ka tirsanaa Golaha Shacabka waxaa uu ku jiray Guddiga difaaca iyo xisbiga UPD ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Kenya needs to tone down on its maritime dispute with Somalia. On Thursday, Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma told journalists:“We will not cede an inch of Kenyan territory to any government”. She further noted that there could be sanctions against Somalia depending on the kind of response the country gives and or fails to apologise. She also said countries have gone to war for lesser reasons. Granted that Kenya has a responsibility to protect its territorial integrity, the language Kenya is using can be interpreted by some as coercion and intimidation. This is despite the matter being before the International Court of Justice, where each of the parties has had an opportunity to file their submissions. And although Kenya opposed ICJ’s jurisdiction over the matter — preferring diplomatic and political settlements as agreed in 2009 — Somalia won the first round and the case is now before the court. Sounding the drums of war will not solve the problem. It is imperative that Kenya lets ICJ hear and determine the matter. Source: The Star
  7. Dalka Somalia oo ay jaarka yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, hadda yuunbey cagta saartey dhabadii keli taliska . Waxa cadaatey in ay Somali ku socoto wadadii jabka , halaaga iyo Burburka. Waxa aynu maqleeney ilaa intii ay timid dawladaa uu gadhwadeenka yahey farmaajo dhacdooyin, dadnimada , biniaadinimadaba iyo muslinimadaba ka baxsan , Ha ugu sii xanuun iyo xumaan badnaato arintii Abdikarin qalbi dhagaxa loogu dhiibey Xabashida , arintaas oo in uun qof damiir islaami ku jiraa aanu sameyn kareyn sida loo qabtey iyo cida loo adeegsadey , waa dhacdo inoo cadeyneysa waxa ay dawlada farmaajo tahey , waana dhacado inta damiirka fayo lahi ku reebeysa xanuun aan laga bugsan . Arinta ka sii darani waxa uu Abdikarim ah sarkaal ka tirsanaan jirey ciidan kii somaaliya kana qeyb galey dagaalkii 1977 . Dalkii uu naftiisa u hurey ayaa cadw gacanta u geliyey . Arinta ay dawlada ku kacdaaba nuqsaan bey ku tahey umada somaliyeed meel ay joogtaba . Waxa ay dawladani isku dayeysaa in ay cidwalba oo waxa fahmeysaba ay indhaha karido , gaar ahaan cida fahmeysa waxa uu soo wato sida maamul goboladii , barlamaanka siyaasiyinta iyo xataa gancastada . Waxa ilaa hada gacanta ku dhigtey heyadihii kala madaxa banaana sida garsoorka iyo sharcidajinta . waxa aynu lasoconaa wixii kadhacey beydhaba oo dad shacab ah xabashidu ku xasuuqdey isla markaan umadii reer beydhabo dusha lagag keeney musharax aney dooneyn halka kii ay doonayeena si diinta iyo somaalinimada kabaxsan loo xidhey iyada oo ciidama xabashi ah loo adeegsanayo . waxa kale aynu ognahey sida Galmudug loo dulkeeney nin dawladu wataan in kasta aney u suurta gelin arintaasi waxa ay ahyd si loola dagaalamey Madaxaweyn Xeef . Waxa kale aan ognahey sidii loo afganbeyey Hirshabeele . waxa dawlada uu gadhwadeen ka yahey farmaajo waxa ay ku mashquul santahey ladagaalanka umada soomaaliyeed si uu u helo maamul uu awoodisa aan cidi la qeybsan sida uu doonna kayeelo . waxaanu kula dagalamayaa dumuqradiyada . Farmaajo ugamatagi doono talada dalka sidii Shiikh Shriif iyo Hassan shiikh uga tageen ee waxa uu uga tegayaa sidii Siyad barre markii uu umada wixii uu galaafan karaayo galaafto uu uga tegey .Waxa aynu ogeyn halka la mariyey jawaari , waxa aynu kale ognahey in mursal uu tarwadhey markii la bahdiley ee loo hanjabey oo uu noqdey qolf madhan oo aan ciidan ku jirin . Maamulkani waxa uu waxa badan kashaabaha maamulkii somaali cabudhiyey bahdiley , xasuuqey ee dabadeena ay afrta beynu jaha Somalia ukala yaacadey . Waxa ahyd in ay somaalidu ka digtoonaato cidanbe oo kelidii talis ah laakiin waxa aad moodaa maahmahdii ahyd ilwshiin ya dhawaa ma umul baa sikastaba ha ahaate waxey u gashey talis danbe oo kala qeybinta iyo xasuuq ku xeeldheer . Waxa meesha ka baxadey dumuqraadiyadii ay labadii madaxweyne ee shiriif iyo xasan shiikh so barbaariyeen . Waxa ay somaaliya fooda saartey in ay gobolgobol , degmo degmo u kala goaan oo Moqdisha iyo shanta maamul goboleed isku basbeelaan dabadeedna midba goonidiisa uu maamul u gaar ah u yagleelaan oo aan dib leysu aminin . By: Cabdi Sulux. Birmingham/UK Source
  8. Waxaan si sharaf leh muddo dheer uga aamusnaa wax ku saabsan Hassan Ali Kheire. Maadaama uu soo hadalqaado hogaanadeenii hore laga bilaabo 60-yadii. Anigu waxaan [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto XIldhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga amray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaanka waxaa lagu dilay gudaha hoygiisa, iyadoo Askarigii ilalaada u ahaana uu isaga faray inuu Seexdo, maadaama uu Xalay oo dhan soo jeeday, waxaa sidaas Mustaqbal u sheegay ehelka marxuumka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu gaari ku waday Kooxda dilka geysatay, haatanna ay gacanta ku hayaan maamulka degmada Kaaraan. Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, waxa uu ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madax kale duwan ayaa tacsi ka diray dilkii galabta magaalada Muqdisho loogu gaystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya. Haddaba hoos ka aqriso qoraalladooda. Sheekh Shariif Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shacabka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay. Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay. Xildhibaan Mahad Salaad: INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo goor dhow lagu dilay magaalada Mogadishu. Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Annagana gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin. Hon. Mahad Salad Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur: Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, allah ha u naxariisto Ex Xildhibaan Maxruum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay dileen kooxo dablay ah daqiiqado ka hor, Waxaana allah uga baryayaa Janatulfirdowasa, Dhammaan shacabka, Dowlada Soomaaliya iyo qayskiisana Samir iyo iimaan. Xildhibaan Cabdifataax Daahir: Maanta waxa gacan ka xaqdarran ku dishay magaalada Muqdisho Xil Cusmaan Cilmi Boqorre. Illahay waxaan uga baryaynaa in uu jannada ka waraabiyo, eheladiisii, asxaabtiisii iyo qarankana samir iyo iimaan ka siiyo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado. Cabdirashiid Xidig: Bismilaah: Inaa Lilaah wa inaa Ilaayhi raajucuun: Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Federaalka oo Galabta Lagu dilay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar [...] Source
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo amray in la soo qabto ragii dilay xildhibaan Boqore appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay dil gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ahaa golaha shacabka. Qoraal Al Shabaab ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyaan weerarka lagu dilay xildhibaan Boqore, waxaana la sheegay in rag ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab ay fuliyeen dilka. Qoraalka ayaa sidoo kale lag sheegay in kooxaha dilka fuliyay ay si nabad galyo ah kaga baxsadeen goobta falka uu ka dhacay, waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xildhibaanka uu kamid yahay kuwa ay ka wadaan Muqdisho. Waxaa sidoo kale Al Shabaab ay sheegeen inay horey u dileen xubno ka tirsan ciidamada dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka. Sheegashada Al Shabaab ee masuuliyadda dilka xildhibaan Boqore iyo goorta la dilay ayaa waxaa u dhaxeeyay muddo kooban, waxaana xildhibaanka la sheegay in rasaas badan ay ku dhacday jirkiisa. Al Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaalka dilal qorsheysan oo ay ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo muuqdeen ciidamo iyo xubno ka tirsan dowladda oo si bareer ah loo dilayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. (SLT-Muqdish)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday, Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray in ay baadhis degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo. Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan, dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaadho” Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. War Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tacsi ugu direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre. “Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan tacsi uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.”ayuu ku yidhi War Saxaafadeedkiisa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay Muqdisho gellinkii dambe ee maanta xildhibaan ka tirsan aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Golaha Shacbaka Somalia isla markaana horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanadii dalka soo maray ayaa waxaa lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho. Kooxaha dilay xildhiaanka ayaa la sheegay inay wateen gaari kuwa raaxada ah, iyagoo toogasho ku dilay xildhibaanka, waxaana dableyda u suuro-gasha inay goobta ka baxsadaan. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaan Cismaan Boqorre oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale, Marxuumka oo ka soo jeeday gobollada Waqooyi ee Somalia, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa wuxuu ahaa xildhibaan si cad u soo jeediya aragtidiisa, waxaana uu ahaa ruuxa ugu da’da weyn baarlamaanka Somalia. Baarlamaanka hadda jira ayaa markii lasoo xulay sannadkii 2016-ka, waxay u doorteen inuu noqdo shir-guddoonka baarlamaanka maadaama uu ahaa qofkii ugu da’da weynaa ee baarlamaanka Somalia, iyadoo marii la doortay guddoonka cusub uu xilka ku warejiyay Jawaari oo markii dambe xilka laga qaaday. Dhanka kale, Waxaa dilka xildhibaanka si caro leh uga hadlay Madaxda kala duwan ee dalka, iyagoo ku baaqay in baaritaan dhaqso ah la sameeyo lana soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka mudanahan si sharciga loo horkeeno. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho berri oo Axad ah, waxaana horay loogu dilay Muqdisho wiil uu dhalay marxuumka oo muran badan dhaliyay, wuxuuse caawa ka mid noqday Boqorre tiro ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo Al-shabaab ay Muqdisho ku dishay. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Rag hubeysan ayaa maanta waxa ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileena Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ragga dilka geystay ayaa ku hubeysnaa Bistoolado waxaana ay ku weerareen gaari uu xildhibaanka la socday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo lagu dilay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo. Dhanka kale, Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Source: goobjoog.com
  18. Sharma El-Sheikh (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh. Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa. Ugu dambeyn, Safarkan waxaa Madaxweyne Farmaajo ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada C/qadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo ka Qayb-gelaya Shirka Dalalka Carabta iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  19. Ibrahim M Mead Director Somaliland Watch Group Ottawa, ca Somaliland Republic is the name of Somaliland Republic, period Intended or not, Recognized or not, you have to call one by his name. Somaliland is not a regional administration which Mr. Abby could ask the Somaliland Presidential delegation to cooperate with Federal Somalia, but unfortunately Mr. Abby did just that any! Mr.Bixi and his delegation were supposed to correct the Ethiopian Prime Minister’s mischaracterization of Somaliland status in the statement originated from his office on the spot after his office called Somaliland what she is not. She is not a regional administration as Abby and Faramago may like. Somaliland was Somaliland Republic in 1960 before the doomed union with Somalia, she is Somaliland Republic now any other name any one may call is wrong and an insult to the people and country of Somaliland. In the context of calling Somaliland an administration implies that Mr. Abby considered Somaliland a regional administration! That is wrong, in fact it is a sin committed against the people and the country of Somaliland therefore, it is not acceptable because Somaliland is a People’s Republic unlike the de-facto UN and AU Trusteeship of Somalia which is called Federal Somalia. It is also unfortunate and unacceptable that Mr. Kahin of Somaliland erroneously justified the degradation and demeaning of Somaliland by accepted the mischaracterization of what Somaliland was called by Mr. Abby! I am not questioning the Ministers honesty, I believe he is an honest person but I am questioning his unawareness and insistence of that in this issue. The prime Minister of Ethiopia who was hosting the President of Somaliland Republic referred Somalia government-as the Federal government of Somalia that is ok. The Prime Minister referred Somaliland government as- Somaliland administration! That is not OK! Look at the context he chose to call Somaliland what Mr. Abby did. Well, Recognized or not Mr. Abby was not supposed to call Somaliland what she is not.(Somaliland Administration) If my name is Ali and that is my name, you are not supposed to call me Omer which is not my name at all and especially it is odd to do that when you are the host of the person you ill-treated his government’s name! Somaliland popularly rightfully decided to call their elected government-Somaliland Republic. Pleasing Mogadishu on the expense of Somaliland was not right and is never right. May be (may be not) the prime Minister was responding to the instinct of the hegemon. When more powerful people use their influence to convince less powerful people, it is in their best interest to do what is actually in the most powerful people’s best interest, that’s called hegemony. Was Prime Minister Abby was practicing hegemon here? Somaliland has a long history with Ethiopia which Somalia didn’t. The relationship between Ethiopia and Somaliland goes back to thousands of years, when Somaliland was known as the “land of punt” and Ethiopia was referred as the “land where Gods love to be” in the days of the Egyptian pharaohs thousands of years ago. Other relationships can be traced back from King, Ashama Ibn Abjar, to the first Somaliland migration as the 3rd Muslim migration to Ethiopia, to Emperor Menelek II, to the subsequent governments, to Haile Mariam to Late Prime Minister Meles Zenawi to his excellence Hailemariam Desalegn and I hope to his Excellency Prime Minister Abby Ahmed will take from there. The first Somaliland migration was the 3rd Muslim migration to Ethiopia Ethiopia has a history of saving people running from persecution by their own; starting from the first Muslim migration in 614-615 BH to Somaliland migration to Ethiopia in the1980s The Somaliland migration to Ethiopia in 1980-1991 could be called the 3rd Muslim migration to Ethiopia. The first Muslim migration to Ethiopia of 614-615 BH and the Somaliland migration to Ethiopia in the1980s had similar circumstances. Both the peoples were running from the persecutions and sufferings borne by what was considered as their own people. In the case of the Muslims from Mecca, they sought refuge from Qurash persecution. In the case of Somaliland it was the government of Mogadishu which committed the persecution and ethnic cleansing against Somaliland people. Other bilateral relationships during and after British Somaliland Protectorate Addis Ababa treaty When Somaliland was under British Protectorate the first treaty known as the Addis Ababa treaty signed by the Emperor Menelek II and the representative of Britain took place at Addis Ababa on the May 14th 1897. Queen Victoria ratified on 28th July 1897. Some Articles and annex of that treaty excluded demarcation of the border between Somaliland and Ethiopia are here cited as: The Treaty “Her majesty Queen Victoria having appointed as her special Envoy and Representative to his Majesty the Emperor Menelek II, James Rennell Rodd, Esq whose full powers have been found in due and proper form, and his majesty the Emperor Menelek, negotiating in his own name as king of kings of Ethiopia, they have agreed upon and do conclude the following articles, which shall be binding on themselves their heirs and successor.” Article I “The subject of our persons protected by each of the contracting parties shall have full liberty to come and go and engage in commerce in the territories of the other, (British Somaliland protectorate and Ethiopia) enjoying the protection of the government within whose jurisdiction they are. Article III “The caravan route between Zeiyla of Somaliland and Harrar of Ethiopia by way of Gildessa shall remain open throughout its whole extent to the commerce of both nations- Somaliland and Ethiopia. Article IV “, all material destined exclusively for the service of the Ethiopian State shall, on application from his Majesty the Emperor, be allowed to pass through the port of Zeiyla into Ethiopia.” SNM established the people to people relationship with Ethiopia which took root Abdillahi yussuf of Mogadishu’s Salvation Front was in Ethiopia long before SNM opened its base there in 1982. In 1987 the author was told by an advisor and an interpreter for the deposed Haile Merriam that in a meeting between President Haile Merriam and Abdillahi Yussuf, the later put a blank page and a pen in front of Haile Merriam and told him to write whatever he wanted for pay back if he secures central Somalia for him!! No response came from the Ethiopian leader at that point”. When SNM came later to Ethiopia in 1982 President Haile Merriam asked SNM leadership what they would do for Ethiopia when they liberate their country from Siyad Barre of Mogadishu. a-“SNM leadership told the President that first they did not want any Ethiopian solder to die for their fight, however they promised the leader that they will do the following: 1) that they will create an environment where by the two peoples understand each other more, dispel prejudices, communicate ,cooperate and establish free movement of people and goods across borders. 2) War between the two brotherly peoples will cease, and the horn of Africa will be in peace. These are what we can promise you Mr. President” they said. This relationship established then, and it is thriving and it must endure forever. I hope Mr. Abby takes from there. SNM succeeded to turn Ethiopia which was considered as a traditional enemy of the Somalis in the recent history in to a reliable brother of the Somalis. Open borders policy was created as a result of people to people interactions and communications, and that facilitated the free movements of people and trade, thus people believed each other and then the special relationship took root. In the end I am calling the Prime Minister of Ethiopia to respect Somaliland and instead develop and advance the relationship of Ethiopia and Somaliland and Somaliland in their part should do the same. That is a win, win endeavour. Peace and prayers Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Ottawa, Canada Qaran News
  20. Koox hubeeysan ayaa xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ku dilay Muqdisho. Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho. Kooxda dilka geeystay ayaa waxa ay wateen Gaari nooca raaxada ah. Allaha u naxariistee xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore. Faah faahinta dib kala soco Puntland post The post Xildhibaan lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka. The post Farmaajo: “Waa in baaris lagu sameeyaa dilka Xil. Boqorre” appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Afhayeenka Gollaha Shacabka gudoomiyaha maxkamada sare ayaa ka tacsiyeysay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay muraga la qaybsanayaan qoyska iyo asxaabta uu ka tegay mudanaha, iyaga oo ALLE uga baryay in uu siiyo naxariistiisa janadda. Toogashada marxmuum Boqorre oo galabnimadii maanta ka dhacday degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah, kuwaasi oo la sheegay in la qabtay. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka marxmuum Boqorre oo kamid ahaa mudanayaasha ugu da’da ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Aqalka Hoose kaasi oo sanadkaan 2019 lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Madaxda DFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xil. Boqore appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabnimadii maanta lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho. Dilka mudanaha oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dhacay degmada Karaan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ragii geystay toogashada, inkasta oo aanan la xaqiijin karin. Xildhibaanka ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee laga dilo Gollaha Shacabka sanadkaan 2019. Marxmuum, ex-Xildhibaan, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa kamid ahaa Guddiga difaaca ee Aqalka Hoose iyo mudanayaasha ugu da’da wayn Gollaha wakiilada shacabka. The post Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre appeared first on Shabelle. View the full article