-
Content Count
207,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo amray in la soo qabto ragii dilay xildhibaan Boqore appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay dil gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ahaa golaha shacabka. Qoraal Al Shabaab ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyaan weerarka lagu dilay xildhibaan Boqore, waxaana la sheegay in rag ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab ay fuliyeen dilka. Qoraalka ayaa sidoo kale lag sheegay in kooxaha dilka fuliyay ay si nabad galyo ah kaga baxsadeen goobta falka uu ka dhacay, waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xildhibaanka uu kamid yahay kuwa ay ka wadaan Muqdisho. Waxaa sidoo kale Al Shabaab ay sheegeen inay horey u dileen xubno ka tirsan ciidamada dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka. Sheegashada Al Shabaab ee masuuliyadda dilka xildhibaan Boqore iyo goorta la dilay ayaa waxaa u dhaxeeyay muddo kooban, waxaana xildhibaanka la sheegay in rasaas badan ay ku dhacday jirkiisa. Al Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaalka dilal qorsheysan oo ay ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo muuqdeen ciidamo iyo xubno ka tirsan dowladda oo si bareer ah loo dilayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
(SLT-Muqdish)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday, Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray in ay baadhis degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo. Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan, dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaadho” Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore. War Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tacsi ugu direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre. “Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan tacsi uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.”ayuu ku yidhi War Saxaafadeedkiisa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay Muqdisho gellinkii dambe ee maanta xildhibaan ka tirsan aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Golaha Shacbaka Somalia isla markaana horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanadii dalka soo maray ayaa waxaa lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho. Kooxaha dilay xildhiaanka ayaa la sheegay inay wateen gaari kuwa raaxada ah, iyagoo toogasho ku dilay xildhibaanka, waxaana dableyda u suuro-gasha inay goobta ka baxsadaan. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaan Cismaan Boqorre oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale, Marxuumka oo ka soo jeeday gobollada Waqooyi ee Somalia, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa wuxuu ahaa xildhibaan si cad u soo jeediya aragtidiisa, waxaana uu ahaa ruuxa ugu da’da weyn baarlamaanka Somalia. Baarlamaanka hadda jira ayaa markii lasoo xulay sannadkii 2016-ka, waxay u doorteen inuu noqdo shir-guddoonka baarlamaanka maadaama uu ahaa qofkii ugu da’da weynaa ee baarlamaanka Somalia, iyadoo marii la doortay guddoonka cusub uu xilka ku warejiyay Jawaari oo markii dambe xilka laga qaaday. Dhanka kale, Waxaa dilka xildhibaanka si caro leh uga hadlay Madaxda kala duwan ee dalka, iyagoo ku baaqay in baaritaan dhaqso ah la sameeyo lana soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka mudanahan si sharciga loo horkeeno. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho berri oo Axad ah, waxaana horay loogu dilay Muqdisho wiil uu dhalay marxuumka oo muran badan dhaliyay, wuxuuse caawa ka mid noqday Boqorre tiro ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo Al-shabaab ay Muqdisho ku dishay. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Rag hubeysan ayaa maanta waxa ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileena Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ragga dilka geystay ayaa ku hubeysnaa Bistoolado waxaana ay ku weerareen gaari uu xildhibaanka la socday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo. “Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya. “Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo lagu dilay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo. Dhanka kale, Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Source: goobjoog.com
-
Sharma El-Sheikh (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh. Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa. Ugu dambeyn, Safarkan waxaa Madaxweyne Farmaajo ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada C/qadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo ka Qayb-gelaya Shirka Dalalka Carabta iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Ibrahim M Mead Director Somaliland Watch Group Ottawa, ca Somaliland Republic is the name of Somaliland Republic, period Intended or not, Recognized or not, you have to call one by his name. Somaliland is not a regional administration which Mr. Abby could ask the Somaliland Presidential delegation to cooperate with Federal Somalia, but unfortunately Mr. Abby did just that any! Mr.Bixi and his delegation were supposed to correct the Ethiopian Prime Minister’s mischaracterization of Somaliland status in the statement originated from his office on the spot after his office called Somaliland what she is not. She is not a regional administration as Abby and Faramago may like. Somaliland was Somaliland Republic in 1960 before the doomed union with Somalia, she is Somaliland Republic now any other name any one may call is wrong and an insult to the people and country of Somaliland. In the context of calling Somaliland an administration implies that Mr. Abby considered Somaliland a regional administration! That is wrong, in fact it is a sin committed against the people and the country of Somaliland therefore, it is not acceptable because Somaliland is a People’s Republic unlike the de-facto UN and AU Trusteeship of Somalia which is called Federal Somalia. It is also unfortunate and unacceptable that Mr. Kahin of Somaliland erroneously justified the degradation and demeaning of Somaliland by accepted the mischaracterization of what Somaliland was called by Mr. Abby! I am not questioning the Ministers honesty, I believe he is an honest person but I am questioning his unawareness and insistence of that in this issue. The prime Minister of Ethiopia who was hosting the President of Somaliland Republic referred Somalia government-as the Federal government of Somalia that is ok. The Prime Minister referred Somaliland government as- Somaliland administration! That is not OK! Look at the context he chose to call Somaliland what Mr. Abby did. Well, Recognized or not Mr. Abby was not supposed to call Somaliland what she is not.(Somaliland Administration) If my name is Ali and that is my name, you are not supposed to call me Omer which is not my name at all and especially it is odd to do that when you are the host of the person you ill-treated his government’s name! Somaliland popularly rightfully decided to call their elected government-Somaliland Republic. Pleasing Mogadishu on the expense of Somaliland was not right and is never right. May be (may be not) the prime Minister was responding to the instinct of the hegemon. When more powerful people use their influence to convince less powerful people, it is in their best interest to do what is actually in the most powerful people’s best interest, that’s called hegemony. Was Prime Minister Abby was practicing hegemon here? Somaliland has a long history with Ethiopia which Somalia didn’t. The relationship between Ethiopia and Somaliland goes back to thousands of years, when Somaliland was known as the “land of punt” and Ethiopia was referred as the “land where Gods love to be” in the days of the Egyptian pharaohs thousands of years ago. Other relationships can be traced back from King, Ashama Ibn Abjar, to the first Somaliland migration as the 3rd Muslim migration to Ethiopia, to Emperor Menelek II, to the subsequent governments, to Haile Mariam to Late Prime Minister Meles Zenawi to his excellence Hailemariam Desalegn and I hope to his Excellency Prime Minister Abby Ahmed will take from there. The first Somaliland migration was the 3rd Muslim migration to Ethiopia Ethiopia has a history of saving people running from persecution by their own; starting from the first Muslim migration in 614-615 BH to Somaliland migration to Ethiopia in the1980s The Somaliland migration to Ethiopia in 1980-1991 could be called the 3rd Muslim migration to Ethiopia. The first Muslim migration to Ethiopia of 614-615 BH and the Somaliland migration to Ethiopia in the1980s had similar circumstances. Both the peoples were running from the persecutions and sufferings borne by what was considered as their own people. In the case of the Muslims from Mecca, they sought refuge from Qurash persecution. In the case of Somaliland it was the government of Mogadishu which committed the persecution and ethnic cleansing against Somaliland people. Other bilateral relationships during and after British Somaliland Protectorate Addis Ababa treaty When Somaliland was under British Protectorate the first treaty known as the Addis Ababa treaty signed by the Emperor Menelek II and the representative of Britain took place at Addis Ababa on the May 14th 1897. Queen Victoria ratified on 28th July 1897. Some Articles and annex of that treaty excluded demarcation of the border between Somaliland and Ethiopia are here cited as: The Treaty “Her majesty Queen Victoria having appointed as her special Envoy and Representative to his Majesty the Emperor Menelek II, James Rennell Rodd, Esq whose full powers have been found in due and proper form, and his majesty the Emperor Menelek, negotiating in his own name as king of kings of Ethiopia, they have agreed upon and do conclude the following articles, which shall be binding on themselves their heirs and successor.” Article I “The subject of our persons protected by each of the contracting parties shall have full liberty to come and go and engage in commerce in the territories of the other, (British Somaliland protectorate and Ethiopia) enjoying the protection of the government within whose jurisdiction they are. Article III “The caravan route between Zeiyla of Somaliland and Harrar of Ethiopia by way of Gildessa shall remain open throughout its whole extent to the commerce of both nations- Somaliland and Ethiopia. Article IV “, all material destined exclusively for the service of the Ethiopian State shall, on application from his Majesty the Emperor, be allowed to pass through the port of Zeiyla into Ethiopia.” SNM established the people to people relationship with Ethiopia which took root Abdillahi yussuf of Mogadishu’s Salvation Front was in Ethiopia long before SNM opened its base there in 1982. In 1987 the author was told by an advisor and an interpreter for the deposed Haile Merriam that in a meeting between President Haile Merriam and Abdillahi Yussuf, the later put a blank page and a pen in front of Haile Merriam and told him to write whatever he wanted for pay back if he secures central Somalia for him!! No response came from the Ethiopian leader at that point”. When SNM came later to Ethiopia in 1982 President Haile Merriam asked SNM leadership what they would do for Ethiopia when they liberate their country from Siyad Barre of Mogadishu. a-“SNM leadership told the President that first they did not want any Ethiopian solder to die for their fight, however they promised the leader that they will do the following: 1) that they will create an environment where by the two peoples understand each other more, dispel prejudices, communicate ,cooperate and establish free movement of people and goods across borders. 2) War between the two brotherly peoples will cease, and the horn of Africa will be in peace. These are what we can promise you Mr. President” they said. This relationship established then, and it is thriving and it must endure forever. I hope Mr. Abby takes from there. SNM succeeded to turn Ethiopia which was considered as a traditional enemy of the Somalis in the recent history in to a reliable brother of the Somalis. Open borders policy was created as a result of people to people interactions and communications, and that facilitated the free movements of people and trade, thus people believed each other and then the special relationship took root. In the end I am calling the Prime Minister of Ethiopia to respect Somaliland and instead develop and advance the relationship of Ethiopia and Somaliland and Somaliland in their part should do the same. That is a win, win endeavour. Peace and prayers Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Ottawa, Canada Qaran News
-
Koox hubeeysan ayaa xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ku dilay Muqdisho. Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho. Kooxda dilka geeystay ayaa waxa ay wateen Gaari nooca raaxada ah. Allaha u naxariistee xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore. Faah faahinta dib kala soco Puntland post The post Xildhibaan lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. “Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka. The post Farmaajo: “Waa in baaris lagu sameeyaa dilka Xil. Boqorre” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Afhayeenka Gollaha Shacabka gudoomiyaha maxkamada sare ayaa ka tacsiyeysay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay muraga la qaybsanayaan qoyska iyo asxaabta uu ka tegay mudanaha, iyaga oo ALLE uga baryay in uu siiyo naxariistiisa janadda. Toogashada marxmuum Boqorre oo galabnimadii maanta ka dhacday degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah, kuwaasi oo la sheegay in la qabtay. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka marxmuum Boqorre oo kamid ahaa mudanayaasha ugu da’da ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Aqalka Hoose kaasi oo sanadkaan 2019 lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Madaxda DFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xil. Boqore appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabnimadii maanta lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho. Dilka mudanaha oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dhacay degmada Karaan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ragii geystay toogashada, inkasta oo aanan la xaqiijin karin. Xildhibaanka ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee laga dilo Gollaha Shacabka sanadkaan 2019. Marxmuum, ex-Xildhibaan, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa kamid ahaa Guddiga difaaca ee Aqalka Hoose iyo mudanayaasha ugu da’da wayn Gollaha wakiilada shacabka. The post Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Todobaadkan horaantiisii, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Magaalada Addis Ababa uga wad-hadlay isbedellada gobolka geeska Africa iyo wada-hadallada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Idaacadda VOA ayaa waraysi xasaasi ah la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo raysal wasaare Abey Axmed, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraallo deg deg ah oo tacsi ah kasoo saaray dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabta lagu dilay Muqdisho. Xildhibaan Boqorre ayaa ka tirsanaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, sidoo kalena Fiqi uu xubin ka yahay. Hoos ka aqriso labada qoraal. Xasan Sheekh: Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan TACSI uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga. Gacan ka gardaran ayaa dishay xildhibaanka ee Ilaahey ha u naxariisto annagane gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin Axmed Macallin Fiqi: Waxaa magaalada Muqdisho iga soo gaaraya in saaxiibkay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre galabtay lagu dilay halkaas, waxaan ilaahay uga baryayaa danbi dhaaf iyo jannooyinkiisa inuu ugu naxariisto. Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka uge da’da weyn, waxaan ka wada tirsanayn guddiga difaaca iyo xisbiga UPD. Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisii, eheladii, qaraabadiisii iyo asxaabtiina sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.. Innaa lillaahi wa in naa ilahi raajicuun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan, ayaa goordhow degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku dishay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana dilkkiisa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Muqdisho. Ciidammada ammaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baadhitaano ah, waxaana jira warar sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah Raggii dilka geystay iyo gaadhigii ay wateen. Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cismaan Boqorre ayaa kasoo jeeda degaan ahaan Somaliland gaar ahaan degmada Saylac. Source
-
A member of Somali parliament [MP], Osman Elmi Boqore has been shot and killed in Mogadishu on Saturday evening, witnesses said. The murder of the legislator was reportedly carried out by men armed with pistols who fled the scene before the arrival of the Somali security forces. Boqore was was a long-serving Somali parliamentarian was assassinated in Karan district. No group has claimed responsibility for the murder. The post Somali lawmaker killed in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waar, dadkii iyo dalkii nabad ma ku baraarugeen, Waar, qorraxdii ma soo baxday, Waar, calankii Somaliland ma ka dul babinayaa dalkoo dhan, Waar, hadday weli sidaa tahay maxaa iga galay meehanaabka cadowgeena, Soddon sannadood bay kuwan leh “Somali midnimmo” oo runtiina ah cadowga ugu waaweyn ee Somaliland leedahay, oo ka kooban faqashtii la eryay iyo dabo dhilifyadoodii, lahaayeen, ” wataa Somaliland burburtay”. Bal dadyahow, wixii jabkaaga doonaya maxaad wakhtiga ugu lumin oo aad kala hadli? Ma kuwa ilaa iyo 1960 ka cabaadda wixii horumar ah ee ay Somalialand gaadho? Ma kuwii lixdankii wax walba Xamar ula cararay, oo ilaa iyo maantana sidaa doonaya? Ma kuwii haddii dekedda Berbera ama laamiga ilaa Ceerigaabo la dhiso cabaadaya ayeynu wax kala ka filaynaa? Waa maya. Hadaba, maxa isugu keen hadhay Soomaaliya, oo aan ahayn, ” Ilmaadeerayaal aynu xisaabtanno, ka dibna kala socono”? Weligeed ba la lahaa ciidan bay Soomaaliya dhisaysaa , oo Turkish iyo hebel baa tababaray, kuwii Midowga Soofiyeeti iyo Mareykankaba tababarayba meeshay mareen waa la ogyahay. Waxaa la yidhaahdaa dhallinyarta ayaa loo haadinaya oo Muqdisho loogu yeedhadayaa, kuwii curdun ah, ee caqli yari, iyagaa soo arki beenta iyo dulmiga, doqon lixdan jir ah saaxiibadii habeen lagu xasuuqay xeebta Jasiira ayaa Xamar maanta fadhiistay? Somaliland waxaa iyo kuwaas oo dhan, waxba uma noqoto. Samo Ku Waar Allaa Mahd Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhow lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee Soomaaliya. Dilka mudanaha oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Cilmi Boqore ayaa la sheegay in ay geysteen dabley hubeysan kuwaasi oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka qaar ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay qabteen kooxihii falkaan dilka ah geystay. Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saartay mas’uuliyadda falkaan, oo imaanaya xii amniga caasimada si wayn oo adkeeyay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe Insha Allah The post Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya. Dilka xildhibaanka, oo ay fuliyeen koox hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho Wararka ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyay dilka xildhibaan Boqorre oo watay gaari ay goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka xildhibaan Boqorre. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna xubin baarlamaan ahaa tan iyo dowladdii KMG ahayd. Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqorre ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com