Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,528
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Boorama)-Suldaan Reer Awdal Ah Oo Taageera Xisbiga KULMIYE Oo Boqor Buur-Madow Weerar Afka Ah Ku Qaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay duqeymo xalay ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa so saaray war saxaafadeed ay ku cadeynayaan in ku dhawaad lix duqeyn oo lala eegtay Al SHabaab ay ka dhaceen gobolka Shabeelaha Hoose. Labo kamid ah duqeymahaasi ayaa la sheegay inay ku dhaceen deegaanka Kuunya Barow iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in lala eegtay goobo Al Shabaab ay canshuuro ku qaadayeen. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Wadajir ah ay burburiyeen xarumo Al Shabaab ay dadka canshuur uga qaadi jireen. Duqeymaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu dilay labo kamid ah Al Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa goobaha duqeymaha ay ka dhaceen. Al Shabaab ayaa saacado ka hor soo bandhigay sawirada duqeymaha ka dhacay Shabeelaha Hoose, iyaga oo sheegay in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Ergodan Ex Digfeer oo ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqtarka uu yimid kadib markii askar ka tirsan ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday xili ay doonayeen inay ku furtaan wadada agagaarka Hotel Amiira oo la sheegay inay aad mashquul u aheyd. Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka maqaayada Beder ee degmada Hodon. Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka. Wararka ayaa sheegaya in la qabtay askariga furay rasaasta uu ku dhaawacmay dhaqtarka, waxaana la dabiibayaa dhaawaca dhaqtarka, iyadoo la sheegay in la dhigay qeybta Qaliinka ee isbitaalka. Inta badan ciidamada amaanka ayaa rasaas ku furta waddooyinka xiliga ay dareemaan inay xiran waddooyinka magaalada oo gaadiid badan ay ku kulmaan waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Inqilaabkii dalka Soomaaliya ka dhacay 1969 kii, Saraakiishii afgembigaas dhigtay waxay ka faaiidaysteen rabitaanka shacabka oo khadyaan ka istaagay tayo daradii, qaraabo-kiilkii, qabyaaladii iyo musuqmaasuqii xadhkaha goostay ee ay ku kacaeen dawladihii rayidka ahaa ee xukunka isaga danbeeyay sanadihii 1960-69 kii, oo noqday kuwo hungo baday quluubta shacabkii midhaha xoriyada gurashadeeda u jeel qabay, taasina waxay keentay in shacabku gacmo lulan ku qaabilo afgembigii Milaterigu sameeyeen, iyagoo ka warqabin mustaqbalka aan hubantida lahayn ee kusoo wajahnaa. Inkastoo, weedho aad u qurux badan iyo balanqaadyo toolm oon oo horumarinta dalka ku aadan ay soo bandhigeen saraakiishii inqilaabta dhigtay, waxqabad lagu diirsaday oo yididiilooyin huwana ay la yimaadeen sanadihii u horeeyay cimriga inqilaabkooda,Nasiib darro,, sanado kooban kadib, Ciidamadii xukunka qabsaday waxay u dhurteen midabkii iyo muuqaalkii dhabta ahaa ee ay lahaayeen, iyagoo markiiba dhexdoda iskaga horyimi, qaar ka mid ahna dhegta dhiiga loo dary, qaar kalena xabsiyadda loo diray, Eexdii, qaraaba-kiilkii iyo dhacii maalka umaduna meel sare ayuu gaadhay, waxaanay tani gogosha u xaadhay asaasistaankii jabhado sheegtay xaq-u-dirir oo aan iyaga laftooda la mahadin natiijadoodii. Inta badan fashilka ku yimi kacaanka waxaa loo aaneeyaa hogaamiyihii kacaanka General Maxamed Siyaad Barre oo nidaamkii dawliga ahaa u rogay mid qabali ah si uu xajisto kursiga, uguna waaro awooda qalinka iyo hogaaminta majaraha qaranka, isagoo meel kasta oo uu ka dareen qabay in looga soo dhici karo u dhiibtay mid ehelkiisa amaba qabiilkiisa kasoo jeeday. Jabhadii ugu horaysay ee dagaal hubaysan kala hortagta Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd SSDF oo hogaamiye uu ka ahaa Korneyl Abdulaahi Yuusuf Axmed (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), habka iyo qaabka lagu aasay Jabhadani wuxuu ahaa mid qabiilaysan ama reeraysan, 97% salka jabhadaasi ka unkanayd waxay ahayd qabiilka Majeerteenka ee uu ka Dhashay Kormeyl Abdilahi Yusuf, taasoo aan waxba ka gedisnayn dhabihii Generaal Barre lagu dhaliilayay ee ahayd inuu qabiilkiisa ku wareejiyay awoodii qaranku wada lahaa, Hubaashuna waxay ahayd inay caddeyd……….la soco Qormadda 2 ad……. Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-laki) Burco. Email, husseinlucky@hotmail.com Source
  5. New deputy force Commander of African Union Mission in Somalia (AMISOM) has today assumed his role following a ceremony held in Mogadishu. Lt General James Nakibus Lakara officially took office as the new AMISOM Deputy Force Commander (DFC) in charge of Operations and Plans. According to a statement by the Mission, Maj. Gen. Charles Tai Gituai who has completed his one year tour of duty has handed over the office to his successor, Lt. Gen. Lakara from Uganda. The out-going Deputy Force Commander, Maj. Gen. Gituai gave an overview of the progress and challenges in the ongoing transition process. He cited the AU/UN joint review, the Operational Readiness Assessment (ORA) of the Somali National Security Forces (SNSF), the new Concept of Operations (CONOPS) document and the joint military operations against al-Shabaab militants as some of the progress made in the past one year. “This Mission is at a very critical stage as we will be implementing CONOPS, the Somali Transition Plan (STP) and Resolution 2431 of the UN, which are very specific on the objectives for the military,” the outgoing DFC said. Lt. Gen. Lakara thanked his predecessor for his contributions and reiterated his commitment to ensuring the AU Mission achieves its mandate. “I bring to this mission my passion, my Pan-Africanism, my commitment, hard work, and my experience,” Lt. Lakara noted. The UN Resolution 2431, adopted last year, mandated AMISOM to set out strategic objectives to enable the gradual handover of security responsibility to Somali security forces by December 2021. View the full article
  6. Xafladda Daah-furka Warshada Mac-Macaanka Casriga ah ee “Shaam Sweets” Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22 February, 2019, waxaana maal-galiyey warshadan muwaadin reer Somaliland ah oo arkay baahida weyn ee loo qabo in loo buuxiyo booskaas oo aan hore uga jirin Somaliland. Shaam Sweets waa Warshad cusub oo casri ah oo soo saarta Mac-Macaanka noocyadiisa kala duwan, waxay wadanka ku soo kordhisay macmaaankii carabta lagu samayn jiray sida Suuriya iyo wadanka Turkey-ga oo dibada la inooga keeni jiray. Warshada oo ku qalabaysan qalab casri ah waxay soo saari doontaan dhamaan noocyada kala gadisan ee macmaanka sida Baqalaawaha, Kunaafada, Mucajanaat-ka, Keegag Kala Gadisan iyo dhamaan mac-macaanka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay samayn doonaan khubaro u dhasahay wadanka Suuriya oo mudo badan ku soo dhex jiray samaynta mac-macaanka. Warshadan Shaam Sweets waxay ugu bushaaraynaysaa dhamaan dadweynaha leh xafladaha gaarka ah sida aroosyada, meherka, dhalashoyinka, dabaal-degyadda, furitaanka goobaha cusub iyo xafladaha kaleba inay kuu diyaarin doonto keegag iyo macmaano kala duwan oo tayadoodu iyo dhadhankooduba sareeyo. Haddaba warshadd Shaam Sweets xarunteeda guud waxay ku taalaa agagaarka Cusbitaalka International-ka ee magaalada Hargeisa, ama kala soo xidhiidh wixii faahfaahina Landline: 564362 ama telefoonadda: 063-6834157 ama 063-3165638 Halkan ka daawo Xafladda Daah-furka Warshadda Shaam Sweets: Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadkii deriska lahaa Allha u naxariistee xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaabkii loo dilay iyo sidii uu dadka degaanka dhaqaaleyn jiray. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu keligiis ahaa xilliga la dilay oo aanay la socon wax ilaalo ah, isagoo markaasi guri uu dhismo ku hayey ku sugnaa, waxayna odayaasha xaafadda sheegeen inuu ahaa nin si weyn u caawiyey oo samafale ahaa. Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu u iibiyey Gaari Gacan uu ku shaqeysto, wuxuuna Alle uga baryayey inuu Janadiisa geeyo. Mid kale oo dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa Boqore nin fiican oo u dhaxeyn jiray Masjidka iyo Guriga. Wuxuu intaas ku daray inuu Qalbiga ka ilmeenayo uusana garaneyn sababta loo dilay, wuxuuna ugu duceeyey Janada. Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu soo duubay TV-ga Dalsan ee Magaalada Muqdisho Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gudoomiyey shirka Maamul daadajinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee [...] Source
  9. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gollaha degaanka ahna duqa caasimadda, ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo u xilsaaran, xallinta khilaafaadka dhulka. Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan ayaa Shalay Galab dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa Xildhibaankii ugu da’da weynaa Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu xasuustaa hadalkii qiimaha lahaa ee uu ka jeediyey kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliya 17 September 2018 ku yeeshay Muqdisho kaasoo looga hadlayey Arrimaha Ciidamada. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa kulankaas ka sheegay in aan wax amni ah laga sugeynin askar mushaarkoodu yahay $100, oo xitaa aan boqolkas si joogta ah loo siinin. Boqore waxaa uu tusaale usoo qaatay qarashka wax looga cabo ama looga cuno hoteelada ay fariistaan madaxda sida Hotel Jaziira, taas oo muujineysa in qidmada maalin qura ku baxda madxda iyo mushaarka bilaha ee askariga iney isla egyihiin. Waxaa uu tusaale usoo qaatay mid ka mid ah askarta ilaalisa oo u gacan qaaday, taas oo sababta in xildhibaanka la dhigo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho. “ Mid ka mid askarta i ilaalisa ayaa feer ila dhacay, anoo xanuunsan ayaa la ikeenay guriga gudoomiyaha , lama yaabin inuu askarigaas ii gacan qaaday sababtoo ah wax aan ogahay sida uu ku shaqeeyo iyo in wixiisii yaraa aanu dhowr bilood helin, maalin dhexe gudoomiyaha ayaan labo bilood oo mushaarkiisa ah uga qaaday ayuu yiri Boqore. Waxaa uu sheegay in aan amni jirin, isagoo ku dooday in askartu ay nolol u baahan yihiin, xaasas iyo caruur lee yihiin , oo laga rabo biil, caafimaad iyo waxbarasho waxaana uu soo jeediyay in marka hore ciidamada la daryeelo oo mushaarka loo badiyo hadii ami laga rabo Muqdisho. Hadalkaas ayaa noqday midkii ugu saameynta badnaa oo uu Boqore ka jeediyo Xildhibaanada sanadkii tagay ee 2018. Allaha u naxariiste Boqore ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Isman-Boqoro-Alla-yarxma.Askariga...-Abdiladif-Mohamed-Osman-Assasino-fbdown.net_.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Baladweyne (SMN) – Dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday boob iyo masuq-maasuq lagu sameeyay raashin gargaar oo loogu talagalay dadka danta yare ee ku dhaqan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Banaanbaxa-Baladweyne.mp3 View the full article
  12. Garowe (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska duqa degmada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal Axmed Saciid Muuse ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka dhulka ee magaaladaasi. Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnooda ayaa ka shaqeyn doona xalinta khilaafaadka ka dhasha muranada la xariira dhulalka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  13. Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa iminka gacanta dowladda ku jirta tan iyo bishii Augusta 2018 waxaana markii ay ka baxeyn ciidmada Amisom aad usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka. “Dal dalbo dadkiisa ayaa dhista waxa aan aamin sanahay 100% inta ka hartay Stadium Muqdisho in aan ana dhameysan karno hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay”Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxda horomarinta isboortiga Gobolka Banaadir. Tan iyo Bishii October 2018 waxaa garoonka Stadium Muqdisho booqasho iyo indho indheyn u tagay qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kooxihii kala duwan ee qurbajoogta ee caasimada Muqdisho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada. “Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxa aan diyaar u nahay ka qeyb qaadashada iyo dib u dhiska tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho waxaanse ku rajo weynahay in aan aragno Stadium Muqdisho oo dib u shaqaneenaayo” waxaa Goobjoog u sheegay Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne ee dalka Australia. Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana dhismaha iyo qeybaha ka haray nadafaada wajiga labaad lacago ku bixinaysa dowladda Norway sida ay kol hore shaacisay wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Baxday Barnaamijka Xeyndaabka Ciyaaraha Goobjoog TV W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddoomiyey shirka maamul-daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe. Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada; Maaliyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan. Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhegaystay agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey dardargelinta dedaalada maamul-daadejinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland. Madaxwayne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul-daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland. PUNTLAND POST The post M xigeenka Puntland oo amray in la dardar geliyo maamul-daadejinta degmooyinka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka wasaaradda cadaaladda XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe xabsiyo cusub looga hirgalinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb a tahay ballaan qaadyo ay horay u sameysay xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in horay loogu guuleystay in xabsi laga dhiso maamulka Puntland, kaas oo loogu adeegayo shacabka deegaanadaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xariga ka jiray xabsi weyn oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka isgoyska ex koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa maanta qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabaka ee baarlamaanka Soomaaliya. Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, wasiiro iyo ehellada uu ka baxay Xildhibaankaasi. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay aaska ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Cilmi Boqore. Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa halyey u soo shaqeeyay dalka. Shalay gelinkii dambe ayaa xildhibaankan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, iyadoona laamaha amnigu ay shaaciyeen in dad loo soo qab qabtay dilkaasi. View the full article
  17. Raysalwasaare Kheyre!!!! (Dhagraa Dhakanaya) Qore : Cali Yasiin Gurbe Maqaalkaan Waxaa laga yaabaa in in badan oo idinka mid ihi aad u qaadataan Dagaal Siyaasadeed [...] Source
  18. Muqdisho (SMN) – Munaasabad ballaaran oo lagu caano-shubayay Oday dhaqameedka cusub ee beesha Dabruube Maxamed Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxgarad, aqooyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween ka mid ah beeshan ayaa ka qeyb galay xafladdaasi. Ugu horreyn Yuusuf Cali Bood oo ka mid ah indheer-garadkii ka soo qeyb-galay caleema saarka ayaa Nabadoonka cusub ka codsaday in uu beesha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku hoggaamiyo tubta toosan. Sidoo kale Khadiijo Cumar Axmed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka beel weynta Dabruube ayaaa hambalyo u dirtay Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow Guntii iyo gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay oo halkaasi khudbad ka jeediyay Nabadoonka cusub Axmed Maxamed Subeer Gaabow, wuxuuna ballan qaaday in uu cadaalad u sameyn doono bulshada masuuliyaddan saartay. Beesha Dabruube Maxamed ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Laanta-Buure, waxayna beeshan leedahay xirfado dhaqan oo ab ka soo gaar ah, sida dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha. View the full article
  19. Afgooye (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo xalay lala eegtay degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay deegaanada Dacaaraha iyo Kuunya Barow, sidoo kale waxay duqeymaha ka dhaceen degmooyinka Janaale iyo Awdheegle. Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay sheegeen inay yihiin dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeymihii xalay, balse AL Shabaab ma aysan sheegin deegaanka ay dadkaasi ku sugnaayeen, maadaama goobo badan la duqeeyay. Waxaa ka muuqanayay sawirka canug yar oo madaxa ay ka haleeyay duqeynta iyo aabihii oo isku meel ku geeriyooday, iyadoo dhaawac uu soo gaaray hooyada dhashay canuga yar. Al Shabaab waxay sheegeen in duqeynta aysan geysan khasaaro badan, balse labo ruux ay ku geeriyoodeen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Mareykanka oo ku aadan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose, balse maamulka dowladda ee Shabeelaha Hoose Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  20. Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Kunyo-Barow, Dacaaraha, Janaale iyo Awdhgeele oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaasi. Al Shabaab oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa sheegay in aysan ka soo gaarin wax khasaare ah. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymahani lala bartilmaameedsaday guryo ay daganaayeen dad rayid ah, laguna dilay dila ilmo yar oo dhalnaa 20 maalmood iyo Macalin Dugsi Qur’aan oo ku sugnaa deegaanka Kunyo -Barow ee gobolka Sh/Hoose. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeymahaasi dhanka cirka ah. Balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish ka fuliya Soomaaliya. View the full article