Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,528
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay cid kasta oo Soomaaliya dhex-dhexaadin karta oo aanay Itoobiyana ka madhnayn. Waxa uu wasiirku sida oo kale uu si kooban uga hadlay in shirkii madaxweyne Biixi iyo raysal wasaaraha Itoobiya layskula soo qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana wasiirku uu sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA oo waraysi ka qaaday. Ugu horayntii wasiirka waxa la waydiiyay kulankaas wadahadaladii Somaliya iyo Somalilad wax layskala soo qaaday, waxaana uu yiri “Somaliland iyo Somaliya inay wada hadlaan arimaha ay isku maan dhaafsan yihiin iyo khilaafaadka jira iyo afkaarta siyaaadeed ee ay kala wataan in laga wada hadlo waa arimo mar walba dhaca maaha arimo maanta bilaabmay mar walba waa la soo hadal qaadaa, haday dalalka Geeska Afrika tahay iyo haday dalalka waaweyn ee caalamka ay tahayba had iyo goor way la soo qaadaan Somaliland qodobada la soo qaadayna waa ay ka mid ahayd.” Waxa la waydiiyay wasiirka in raysal wasaaraha Itoobiya uu doonayo in uu meel wada fadhiisiyo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo, waxaanu ku jawaabay “raysal wasaaruhu inuu isbadalo Geeska ka wado waa la og yahay anaguna waa mid aanu ayidsanahay In Geeska laysku soo dhaweeyo dadkiisa ganacsiga iyo nolasha,nabadgalyadba in laysku soo dhaweeyo waa arimaha aanu waafaqsanahay taasna waanu u sheegnay, taas ku saabsan Somaliland iyo Somaliya raysalwasaaruhu waa uu soo hadal qaaday anaguna waxaanu u sheegnay hadaanu nahay Somaliland nabad iyo wada hadal iyo khilaafaadka Somaliya na dhex yaala in aan ka wada hadalno inaanu diyaar u nahay horena aanu u sheegnay imkana ay jiraan dadaalo caalami ah oo socda oo arintaas ku saabsan in wax lagaga qabto halkaas ayaanu ku eekaynay oo intaas ayuunbaan ka odhanayaa” Ugu danbayntii waxa wasiir Faratoon la waydiiyay sida uu u arko hadii Itoobiya ay dhex dhexaadiso iyaga iyo Somaliya“ Anagu cid kasta oo aanu u aragno inay ka daacad tahay oo qaabka hawsha ay u qabanaysaa ay tahay qaab lagu gaadhi karo ujeedooyinkii la lahaa ee ahaa in khilaafaadka dhabta ah la dhameeyo diyaar ayaanu u nahay ama kuwii hore ha noqoto ama kuwo cusub oo danbe ha noqoto cidii loo arko marka la eego ajandaha iyo sida ay arinta u soo qabanqaabiyaan dabcan Somaliland diyaar ayay u tahay.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, ayaa weerar xoogan ku qaaday dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo xurguf xooggan ay ka dhaxeyso. Weerarka Erdogan ayaa yimid kadib markii dowladda Masar xukun dal-dalaad ah ku fulisay 9 xubnood oo ka tirsan mucaaradka Masar oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen shirqoolkii lagu dilay xeer-ilaaliyihi guud ee hore ee dalka Masar Hishaam Barakaat. Erdogan oo wareysi siiyay labada muuq-baahiye ee lagu kala magacaabo (CNN Turk iyo Kannel D), habeenimadii sabtida ahayd waxa uu yiri “tan iyo markii uu xukunka dalka Masar la wareegay Sisi xukuumaddiisa waxa ay daldaleen 422 qof, ugu dambayntii sagaal dhallinyaro ah, tani waa mid aan la aqbali karin.” Madaxweyne Erdogan waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Tani waa jawaabtayda kuwa i weydiiya maxaad ula kulmi la’dahay Sisi? Xiisadda Erdogan iyo Sisi ayaa waxaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Masar ay ku hayso kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo Erdogan uu taageersan yahay balse dowladda Masar ay ku sheegto koox argagixiso. Sanadii tagtay Erdodan oo ku sugan shirka QM ee New York ayaa kursi uu qadi kulka cuni lahaa madaxweyne Trump ka kacay kadib markii uu soo fariistay Sisi. Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  3. Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur’aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo Soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur’aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf. Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go’ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay. Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go’aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan. Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl. Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  4. Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte. Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kaga qayb galay shir sanadle ah oo Qurba-joogta Puntland Dalka ku yeeshaan sanadkiiba mar. Ka qayb galka shirkani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo masuuliinta Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey shirka jaaliyadaha Puntland ayaa ku dheeraaday doorka qurba-joogta Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay inay muhiim tahay in dalka la maalgashado, laga sameeyo ganacsi, lasoo kordhiyo khibrado shaqo iyo abuuridda fekrado wax soo saar oo soo kordhinays horumar iyo bilicsan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee shirkan loo soo agaasimey, waxaan halkaan ka cadeynayaa in xagaaga soo socda in halkaan lagu qabanaayo shir ku saabsan maalgashiga, oo dadka jecel maalgashiga dalkooda aan u soo bandhigno fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, iyo in ay indhaha caalamka ay ku nool yihiin u soo jiidaan fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan”. “Dowladdan waa dowladdiinii waxaa loo baahan yahay in aad dalka wax muuqda oo la taaban karo aad ku soo kordhisaan, ma aha jagada dalka ka bannaan mid siyaasi ah oo kaliya, dalka waxaa ka bannaan fursado badan oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto waxaana laga qabsado” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24022019.mp3 View the full article
  7. (SLT-Manchester ) Manchester United iyo Liverpool ayaa barbaro gool la’aan ah ku galay Old Trafford kulan laysku caajisay isla markaana dhaawacyo badani qaybtii hore ka dhaceen. Man United ayaa qaybtii hore ee kulankan ku wayday Herrera, Mata iyo Lingard oo isla qaybtii hore badal ciyaarta ku soo galay . Sidoo kale Liverpool ayaa isla qaybtii hore ee kulankan ku wayday Roberto Firmino kaas oo gabi ahaanba ay Reds u jabtay maadaama oo uu ahaa xidiga bilawgii ciyaarta Liverpool kubabda hal abuurka leh u qaabilsanaa waxayna Liverpool gabi ahaanba lumisay in ay hal abuur fiican samayso. Liverpool waxay lumisay laba dhibcood, halka Man United lafteedu ay laba dhibcood ku seegtay kaalintii afraad ee ay ku soo jirtay. Liverpool iyo Man United ayaa markii ugu horaysay kulan Old Trafford ah oo horyaalka Ingiriiska ah barbaro gool la’aan ah ku galay tan iyo waqtigii magaca Premier league la bixiyay 1992 kii. Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada ee kooxood ee kulankii Old Trafford ee ay labada kooxood barbaraha gool la’aanta ah ku kala baxeen. Xidigii Garoonka: Goolhaye Allison Becker ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu joojiyay fursado halis ahaa oo ay Man United hwshay laakiin waxa uu xidigii garoonka ugu fiicnaa ku noqday in aanu jirin xidig kale oo bandhig fiican sameeyay taas oo muujinaysa heerka uu kulankani u liitay. Allison Becker ayaa sameeyay saddex gool badbaadin, waxa uu sameeyay taakal uu ahaa ninkii ugu danbeeyay, waxa uu haystay baas bixin booqlkiiba 91% ah taas oo ka dhigtay xidigii garoonka ugu fiicnaa. Laakiin waxaa kulankan ku fashilmay Mohamed Salah kaas oo wax badan laga filayay iyada oo Klopp uu ciyaarta badal kaga saaray si uu ugu muujiyo in aanu booska iska yeelan karin haddii aanu bandhig fiican samayn waxaana Salah si buuxda ula degay Luka Shaw oo caawin ka helay difaaca iyo khadka dhexe ee kooxdiisa United. Mata, Herrera, Firmino, Lingard oo dhamaantood dhaawacyo ku baxay ayaa qiimayn hoose helay halka Pual Pogba iyo Luka shaw ay yihiin labada xidig ee ugu qiimaynta sareeya Man United. Qiimaynta Ciyaartoyda Man United iyo Liverpool. Man Utd: De Gea (6), Young (6), Smalling (7), Lindelof (7), Shaw (8), Herrera (5), McTominay (7), Pogba (8), Mata (5), Rashford (7), Lukaku (6). Badalkii: Pereira (7), Lingard (5), Sanchez (6). Liverpool: Alisson (8), Milner (6), Van Dijk (7), Matip (6), Robertson (6), Fabinho (6), Henderson (6), Wijnaldum (6), Firmino (5), Mane (6), Salah (5). Badalkii: Sturridge (5), Shaqiri (n/a), Origi (n/a). Maxaa Labada Kooxood u Xigi Doona?: Man United waxay arbacada u safri doontaa kooxda Crystal Palace halka Liverpool ay soo dhawayn doonto kooxda Watford. Source
  8. Are Somalis Far Too Emotional To Debate And Negotiate Rationally? The Somali people, wherever they may live have many admirable traits and share a common language, religion and culture. However, we as a people are far, far too emotional to ever debate or negotiate rationally. From grassroots discussions at rural level to high political debates, we are not able to put emotions aside and deal with the issues facing us in a rational manner. I must admit, I am on occasions guilty of such high emotions. I am a fervent Somalilander, and I make no apologies for that. However, that doesn’t mean I do not wish the best for all Somali people wherever they may be, both in the Horn of Africa or in the diaspora. I take great pride and pleasure in the success of those whom we share a common ethnicity with and commiserate with those who suffer the trails and the tribulations of daily life. Having said that, it is worth remembering that it was extreme emotionally ecstasy that led to the ill-considered and ill-fated union in 1960, and truth be told, more ecstasy on the Somaliland side than in Somalia. History is a great teacher, and those who pay attention to it and learn from it will progress and prosper, and those who don’t, will be forever condemned to repeat the same mistakes. Just recently, I watched a debate in Djibouti, with participants from both Somaliland and Somalia. These debaters considered themselves the intellectual elite. Fair enough. There were more than enough professors, doctors and MBA’s present. However, rationality and sensibility are something either one is born with or learns from life experience. As I listened to both sides of the debate, and heard the same narrative repeated over and over again, the need for a new dispensation, the need to respect and understand each other and so on and so forth. There was one young woman from Somaliland on the panel, who hit the nail on the head. She said “We should never deny history, what has taken place, why it happened and it’s consequences” that in a nutshell is the whole essence of the debate between Somaliland and Somalia. We come together as two separate independent entities in 1960 to form a union that we hoped would benefit all Somalis in the Horn of Africa. That ambition was not realized and subsequently, the union failed. So, the question that faces both Somaliland and Somalia, is where do we go from here? The overwhelmingly majority of Somalilanders are happy with their lot. Somaliland is not perfect, no nation is, but what is has achieved on it’s own, among it’s people, through dialogue, discussion and consensus is undeniable. There will always be cultural, social and economic ties between Somaliland and Somalia. However, in order to move the relationship forward to it’s inevitable conclusion; two independent states, enjoying brotherly and neighbourly relationship; We need to have meaningful and honest dialogue, with substantive discussions and accept and honour the conclusion. At the end of that debate, a gentleman originally from Somaliland and currently working for the federal government of Somalia, gave a speech full of emotion, hyperboles and invective. He quoted from Quraanka Kariimka and Karl Marx at the same time! He quoted from Hadraawi and many other distinguished Somali scholars. Sadly, however heartfelt and emotional his speech was, it was not rational and did not offer any meaningful way forward. This was exactly the kind of emotional rhetoric designed to appeal to the core of Somalis and hide the truth. This is not the way forward. It was not in 1960, or 1969 nor can be the way forward 2019 and beyond. Somaliland and Somalia need to have discussions based on the truth and the reality on the ground. It is the only way. The people overwhelming majority of the Somaliland people are not missing or longing for another union with Somalia. The people of Somalia have to accept that and respect that decision. Then we can proceed to what our future relationship will be. Axmed Kheyre Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faro-gelin ku sameeyey xiisad ka taagneyd dekedda Muqdisho oo u dhaxeysay ganacsato iyo shirkad dowladda Soomaaliya ay siisay qandaraas. Xiisadda ayaa u dhaxeysa shirkadda Kulmiye Transportation and Logistics oo dowladda ka haysata qandaraaska soo saarita buugaagta lahaanshaha baabuurta iyo taargooyinka iyo ganacsatada dalka kasoo dejiya baabuurta. Xiisadda ayaa timid kadib markii shirkadda ay ku guul-darreysatay in baabuur laga soo dejiyey dekedda ay u sameyso sharciyadii iyo warqaaihii ay u baahnaayeen si dibedda loogu soo saaro, inkasta oo ganacsatada ay sheegeen in lacagtii canshuurta ee laga rabay laga qaaday. Baabuurta ganacsatada ay keeneen ayaa dekedda ku xayirnaa muddo ku dhow laba bil, waxaana intaas dheer in shirkadda Albayrak oo dekedda maamusha ay kusoo rogtay lacag kiro ah muddada ay dekedda yaaleen baabuurta. Dhinaca kale, shirkadda Kulmiye ayaa iyana dhankeeda ku doodday inay lacag uga maqan tahay wasaaradda maaliyadda, sidaas darteedna aysan soo saari karin taargooyinka cusub. Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Kheyre uu tegay dekedda islamarkaana amray in lasii daayo dhammaan baabuurta kadibna arrimaha taagaan gadaal laga xaliyo. Si kastaba, inkasta oo baabuurtii xayirneyd lasii daayey, haddana arrintan ayaa soo cusboonaan doonta oo haddana saameyn doonta baabuurta cusub ee imanaya illaa xal buuxa laga gaaro kiiskan, sida ay sheegeen ganacsatada baabuurta soo dejisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Tan iyo markii uu bilowday wadahadalka Siyaasadeed (Political dialogue) ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, Feb 2012ka ilaa maanta, waxa la qabtay kulano heerkoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka London (February, 2012), Dubai (June, 2012), Istanbul (April, 2013, Jan, July, 2014) iyo Djibouti (Dec, 2014). Shirarkan waxa lagaga wada hadlay, laguna heshiiyey arrimo muhiim ah sida wadaagida deeqaha caalamka, iyo tababarrada, dhiirrigelinta horumarinta Somaliland, ka wada shaqaynta sugidda ammaanka, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn, iyo qodobo kaleba. Marka la eegayo dhinaca Aviationka ama xal u helida muranka ka taagan Maamulka hawada sare ee ex-Somalia, shirka keliya ee qodobo arinkaa khuseeyaa ka soo baxeen waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Istanbul July, 2014, kaas oo Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen in la dhiso gudiga maamulka hawada “Air Traffic Control Board” oo Xaruntoodu Hargeysa noqonayso iyo guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “Laba xubnood dhinac walba” oo ay kormeerayaan labada Wasiir ee u xil saaran. Hase yeeshee heshiiskani waxa uu ku burburay muddo kooban, ka dib markii dawlada Somaliya fulin weydey qodobada 7aad iyo 8aad ee dhigayey in xarunta gudida maamulaysa hawada sare ay noqoto Hargeisa, iyo in la magacaabo guddi farsamo. Heshiis jebintan ay xukuumada Somaliya ku kacday waxa barbar socday dedaalo aan gabasho lahayn oo ay ku doonayso inay kula wareegto Maamulka hawada sare. Ugu dambayntiina waxa u suurtogashay dawlada Soomaaliya inay Muqdisho u soo wareejiso xaruntii laga maamulayey hawada Soomaaliya ee ku taalay Nairobi. Intaa waxa dheer dedaal Soomaaliya ugu jirto in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka Hawada inkasta oo taasi aanay sahlanayn. Sidaan marar badan sheegay habkii ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socdeen dan umuu ahayn Aviationka Somaliland, waanay adkayd in xal waara lagaga gaadho muranka hawada sare ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya. Sababta oo ah Somaliland iyo Somalia, waxay isku diidan yihiin waa mabda` “principal” iyo masiir ummadeed kaas oo ay adag tahay in si fudud heshiis looga gaadhaa. Halkaa hadaan sii jilciyo, dhinaca Somaliland, gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin, sidaa si la mid ahna dhinaca Somaliya, midnimada Somaliya (oo ay Somalilandna ku jirtaa) waa muqadas, lama taabtaan iyo waxaan gorgorton geli karin! Ma muuqato inay Somaliland ka tanaasulayso gooni-isutaageeda, sidoo kalena lama filayo inay Somaliya ogolaato madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Waa kaaf iyo kala dheeri, waa laba mabd`a oo aan lahayn meel dhexe iyo xal dhexdhexaad ah oo la isugu yimaado. Taa macnahedu waxa weeye, wada hadal kasta oo siyaasadeed oo labada dhinac dhex maraa wuxuu ku dhex burburayaa ama caqabad ku noqonaya “labadaa Muqadas”, xaalkuna wuxuu ku dambeynayaa i jiid aan ku jiidee, gacmo daalis, iyo kulamo is daba taxan oo aan xal waara iyo heshiis buuxa midna lagu gaadhin. Sida aan marar horeba sheegay, dawlada Somaliya (sharciyan) iyada ayaa ka masuul ah dhamaanba maamulka hawada ex-Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), maadaama ay tahay dawlad caalamku ictiraafsan yahay, halka Somaliland aanay haysan ictiraaf caalami ah. Taasina waa ta keentay inay Somaliya keligeed mar walba dedaal ugu jirto la soo wareegida maamulka hawada sare. Hadaba, si Somaliland awood iyo saameyn (influence) weyn ugu yeelato go`aanada laga gaadhayo arimaha ku saabsan maamulka hawada sare ee ex-Somaliya, si aan hakad ugu iman koboca aviationka Somaliland oo hadda meel wanaagsan maraya, si aan khalkhal ugu iman habsami u socdka duulimaadyada rayidka ee u kala goooshaya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana looga hortago colaad hor leh oo ka dhex qaraxda Somaliland iyo Somaliya taas oo salka ku haysa arimaha aviationka, waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa; 1. In la furo wada hadal farsamo oo u gaar ah arimaha aviationka kaas oo dhex mara khubarada arimaha duulimaadyada rayidka ee Somaliland iyo Somaliya. 2. Wada hadaladani waa inay ahaadaan kuwo ka madax banaan arimaha siyaasada (dabcan gebi ahaanba siyaasadi kama madhnaan karto wada hadalkan ee waa in lagu soo koobaa arimaha u danta ah aviationka) 3. Maadaama dhinaca Somaliland ay jirto Hay`ada Duulista iyo Madaarada oo madax banaan, balse dhinaca Soomaaliya aanay Hay`ada Duulistu madaxbanaani buuxda haysan, sidoo kalena Soomaaliya leedahay Wasiirka Duulista Cirka balse dhinaca Somaliland aanuu hadda jirin wasiirkaasi, waa in wada hadalada lagu bilaabaa heer Maareeye aviation (Directors of Civil Aviation Authorities). 4. Waa in gudiyada farsamo ee labada dhinac ee ay ku jiraan dhalinyaro leh aqoonta cusub ee aviationka iyo ruug cadaagii hore oo wata sanado badan oo khibrad ah. 5. In goobta wada hadalka ama kulanka gudida farsamo ka dhacayaa noqoto Djibouti, sababta oo ah Djibouti waa dad/dal aynu asal, midab, diin, luqad, iyo dhaqanba wadaagno oo labada dhinac isku soo dhoweyn kara. Intaas oo keliya maaha, ee dalka Djibouti fogaan ahaan waa kambalka taas oo u sahlaysa labada guddi inay si fudud Muqdisho iyo Hargeisa ugu dhoofi karaan, haddii ay u baahdaan inay la tashiyo la sameeyaan madaxdooda sare. Guntii iyo gabogabadii arimaha aviationku waxay u baahan yihiin in lagu dhameeyo wada shaqayn (Cooperation), balse uma baahna iska horimaad (Conflict) iyo is muquunin. Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex) MSc, MA, BSc, Dip Aviation Consultant Herer Aviation Solutions www.havisol.com abdikarimwais@gmail.com https://www.linkedin.com/in/abdikarim-elmi-wais Qaran News
  11. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa waxa uu maanta soo dhawayn u sameeyay ciidammada badan oo uu sheegay inay ka soo goosteen ciidammada qaranka Somaliland kuna soo biireen jabhadda uu hoggaamiyo, halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Washington)-Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya xalay. Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle. Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan. Dhinaca kalena, maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan. Dhinaca kale wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dawladda uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ciidanka weerareen iyaga oo kusii jeeda Daynuunay. Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu aasay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu. Xildhibaanka waxaa dilkiisa sheegtay maleeshiyada Al-Shabab. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo xildhibaannada ayaa cambaareeyey dilkaas. Source
  13. Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed uu soo saaray taliska Mareykanka ee AFRICOM ayuu faahfaahin uga bixiyay duqeymo uu ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay afar duqeyn oo khasaaro geystay ay ka geysteen deegaanada Kuunya Baroow, Awdheegle iyo Janaale oo ka tirsan gobolkaasi. Sidoo kale, warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymahaasi ay la beegsadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganadaasi isla markaana ay ku dileen laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa. Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi aysan khasaaro ka soo gaarin dadka shacabka ee ku nool deegaanada duqeynta ay ka dhacday. Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhexeysa AMISOM iyo ciidanka dowlada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya. View the full article
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefdi uu hogaaminayey. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan uu madaxweynaha dowladda Puntland laqaatay wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaara oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen, Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhaweeyey waftiga Puntland, waxaana uu hay’adda Diakonia ugu hambalyeeyey 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka shaqo bilowday Puntland. “Waxaa farxad weyn noo ah inaan ku soo dhaweyno Puntland safiirka dalka Swedan iyo hay’adda Diakonia oo booqasho halkaan noogu yimid, in safiirku nagala soo qayb galo iyo Madaxda Diakonia dabaaldegga 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeeyey ee Diakonia laga furey Puntland, runtii taariikh weyn bey ku leedahay Puntland waxbadan bay kasoo qayb qaadatay waxbrashada dhalinyarada, Haweenka, Caruurta iyo mashaariicda horumarinta ee inta badan ku salaysnaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Puntland.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqaydoono safiirka iyo saraakiishan hay’adda Diakonia. “Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda Diakonia iyo Dalka Sweden mudadii dheereyd ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ay garab taagnaayeen, waxaana u balan qaadaynaa in aan si dhow ula shaqayn doono, marxaladda soo socotana waxaan ka fileynaa dalka Sweden in aysan ku ekaan dhinaca gargaarka oo keliya ee ay ganacsatada iyo shirkadaha dalka Sweden ay u yimaadaan maalgashi dalka”. ayuu yiri Madxweyne Deni Safiirka Sweden ayaa dowladda Puntland uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Puntland iyo dawladda Sweden, sidoo kalena waxa uu dowladda Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey horumarka baaxadda leh ee ka jira dalka, wuxuu uu bogaadiyey guushii Madaxweynaha ee 08 Janaayo 2019, safiirka ayaa hambalyo u direy Hay’adda Diakonia oo ay u buuxsantay 25 sano guuradii markii ay ka shaqo bilowday Puntland, waxaana uu ugu dambayn safiirku gudoonsiiyey Madaxweyne Deni hadiyad gaara oo ay ku maamuuseen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka Sweden ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida. Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe. Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration). Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray inEy laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-24022019.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah koox wariyaal ah oo maalmo kahor la kulmay alle ha unaxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay ka diiwaan geliyeen xildhibaanka muddo yar oo ay wada Joogeen. Qoraalka Wariyaha ayaa u qornaa Sidan: Xildhibaan Cismaan Boqore waxaan ku xasuustaa! Xildhibaanka la dilay Cismaan Cilmi Boqore maalma kahor ayuu noo sheekeeyey inagoo koox wardoonayaal ah. Waxaan joognay xarunta Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, xilligu Casir ayuu ahaa, agteena ayuu ku dukaday isagoo dhar cadcad wata. Markuu salaama naqsaday ayuu nagu yiri “dhallinyaro ma igaranaysaan?” Waan isfiirfiirinay illeen kedis ayey wax ku dhaceen, qaar golaha shacabka ayey 5 sano warar ka doonayeen oo si fiican ayaa loo ganayey alle ha u naxariistii Xildhibaan Boqore,,,,,,,, markaan cabaar aamusneyn ayuu yiri sida aad iigaran wayseen waxaa u lumay taariikhdii dalkiinu lahaa, Mustaqbalkiina ka fakara oo aqoonsada waxaa tihiin iyo cidda aad wax ku noqoteen. Sheekadiisa inaan maqsuud kuwada aheyn waxaa marqaati ka ahaa sida aan u wada aamusneyn, oo codkiisa kaliya looga maqlayey halkii aan wada joognay. Kama uusan harin sheekadiiye, waxa uu na xasuusiyey Xornimada maanta jirta ogaantiisa sida lagu helay, qaabka dowladdii Soomaaliya ee Africa caanka ka aheyd u burburtay iyo sida hadda dowladda jirta lagu helay kadib 1991 kii. Xildhibaanku waxa uu noo sheegay in xilligii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf uu aad ula shaqeeyey, xitaa safaro ayuu goboladda ku maray Boqore isagoo dhulka maray, xilligaas dowladda inta badan goboladda iyo caasimadda ma aysan maamuleyn. Iyadoo looga digayo in uu dadka dhexgalo ayuu caawinaad qaaday boqore sida uu noo sheegay, majirin cid u dhaxaysay isaga iyo wasiira kale markii shacabka goboladda Bay, Bakool iyo shabeelaha hoose ay u gurmanaayeen. Waan la kaftamay, da’daadu waa imisa ayaan weydiiyey, wuxuu yiri adeer da’du micno ma lahane wax tarka qofeed ayaa hal beeg u baahan. Dhiiranaanta qofnimo ee Xildhibaan Cismaan boqore waxaa kamid aheyd in uu ahaa qof ku kalsoon waqtiga iyo waayaha waxa uu kala kulmo. Amniga: waxa uu ka yiri adeer in askari i ilaaliyo waxaan ka door bidaa inaan shacabka aamino oo aan ku dhex noolaado, ilaalidayda markasta oo fasax ay i weydiistaan waan siiyaa, alle ayaan ku kalsoonahay. Salaadda waa uu ku wanaagsanaa sida uu noogu sheekeeyey iyo mida aan ka arkay, waxaan ku xasuustaa in uu yiri adeer Salaad subaxa Masaajid iyo Jameecada ayaan kula dukadaa, waa ilaahey Mahaddiis. Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Boqore Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad W/Q Cabdi Cawiye Wuxuu ka hadlaayey xaqiiq ilaa maanta taagan Abwan (Xasan geney) waxaad moodaaba inuu maanta inala hadlaayo. Magaca maansadu waa BOOTADA AAN LOO SAHAMIN Wuxuu ka hadlayaa dhawr waxyaabood oo bulshadeena ilaa maanta gaabis ka dhigay sida:- Qabyaalada. Qaadka. Dhulka la kala sheegtay ee xoolihii loo diidey Ma shaqaystaha shaxaadka ku nool. Qurbe u baqoolka. Dhaqan biiska dhinacyada xiiran. iyo bilista akhlaaqdii ka tagtay. Bulsho diidday dhaqankeeda booliyo ka dhigay tuulo Bissmilaahi odhan weydey Shisheeyaha u boholyowda Barashada cid kale kooda Bootada aan loo sahamin Barta lagu furaan eegi. Boqole aan shaqaynaynin Isagoon bukaan jiifin Balwad iyo hurdo u leexday Gabadhiisu biil siiso Baahina u weel qaatay Bogashada calooshooda Barta lagu furaan eegi. Beelahay agaa guura Baylihiya maalkooda Dhulka baarax loo diidey Beeraha la kala seestay Baad xoolo laga ootay Haddii ay bedeliweydo Berri waxay heshaan eegi Bilisdiidey midabkeeda Quruxduu ilaah bixiyey Hiddahoodii baabi’iyey Beri hore xayihii tuuray Buufimada laga doortay Baacsiga asaagooda Barta lagu furaan eegi Barbaar shaniyo tobban gaadhin Barqo duubtay geedkii be’ Baaldacar ka dhuubnaaday Baalaha timaha xiirey Foodana in badan reebtay Cimrigooda boobaaya Baryuhuu jiraan eegi Ummadii bislaan weyda Gobonimada bili weyda Baal degin asaggeeda Midnimada boqnaha goysa Qabiilkana u tuma buunka Geedigay dib uga baaqday Barta lagu furaan eegi. Xuquuqda qoraalku waxay u dhawrsantahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye Ismacil Guntigaab +252634115877 Hargeisa Somaliland Qaran News
  19. Muxuu Muuse Biixi u khaarajiyay Jaamac Shabeel iyo Abdilahi Geeljire Sida aynu la socono markii uu Siraanyo Madaxwenaha noqday sanadkii 2010kii intaanu Golihii Wasiiradaba magacaabin waxaa kaladhka iska laaladiiyay Muuse Biixi oo yidhi “Soo wareeji Gudoomiyanimada xisbiga” “Waar Dawlada ha dhiso ee waqti sii oo yara sug” “Ha ka yaabin, wuu igaga murmayaa imikadaa ha soo wareejiyo” Waxaa sidaa ay Muuse Biixi u wada hadleen Abwaankii Gaariye (ARR) oo afkiisa nooga sheegay. Sidaas ayaanu Siraanyo si bilaa shuruudo Xisbigii ugu ku wareejiyay. Nov 2017 kii waa kii Muuse Madaxweyneha noqday ee ku fadhiistay kursigii uu u soo maray wadadii denbiga iyo godobta badneyd..!!!! Hadaba sidey doontaba sababtu ha ahaatee ilaa hada may dhicin mana muuqato cid Beesha H.Jeclo ah oo Muuse Biixi ku dirqida inuu isna xeerkii maro, oo uu Xisbigii xeradiisa ka soo saaro !! Lakiin hadana waxaan meesha laga saari karin in H.Jeclo ay rabaan in Gudoomiyanimadii Xisbiga Kulmiye ayay gacantooda ku soo noqoto. Muusana taa ma rabo oo talada uu meel ku guntaday waa inuu Madaxweynanimada Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyeba ay gacantiisa ku jiraan ilaa inta uu aakhiro u guraayo ( Hubaal inay taasi meel u taalo). Dabcan damacaa Muuse Biixi iyo doonista H.Jeclo waa hubaal inay maalin uun isku qarxayaan. Waa barta barta ay u dhinteen Jaamac Shabeel iyo Abdillahi Geelire, waayo waxay si toosa ula safan lahaayeen ninka H.jeclo ee ku soo tala gala inuu Muuse Biixi ku yidhaahdo ” Gudoomiyanimada Xisbigu way kugu raagtaye soo wareeji”. Sida labadan ee Kulmiyahanada waaweyn ahaa loo khaarajiyay ayaa sidoo kale naafo looga dhigay in Beesha H.Jeclo ay Xisbiga Kulmiye soo hadal qaado… Markhaatiga u weynina waa Maxamed Kaahin oo laga dhigay Wasiir iyo Afhayeenba. Taasu Ina Cabdi Dheerena Baqal u soo fuulay ( Kaarta Yare). Waar hidhka barta. Allow eex maan tiraabin ee aqoon ha igu cadaabin… Aamiin Osman Omar Dool Qaran News
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull [...] Source
  21. The body of Somalia’s oldest lawmaker in parliament, Osman Elmi Boqorre has been laid to rest in Mogadishu after a state funeral on Sunday morning. The deputy speaker of the house, chairman of the Senate, fellow legislators, family members, and other senior government officials attended the burial at a cemetery in Median hospital. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab has claimed credit for the assassination of the long-serving veteran Somali parliament member who was shot dead in Karan district on Saturday. Boqorre becomes the first MP killed this year in Mogadishu, the seaside city which has been hit by deadly attacks and killings by al-Shabaab in the past. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi oo khudbad meel fagaare ah uga jeediyey shacabka magaalada Borama waxa uu markii ugu horraysa ka hadlay dood dhex martay raysal wasaaraha Itoobiya oo uu dhawaan magaalada Addis Ababa kula kulmay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-DAAWO: Maxay Ku Heshiiyen Pro. Axmed Ismaacil Samatar Iyo Xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source