-
Content Count
207,551 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasibad billado lagu guddoonsiinayay Ciidamo ka tirsan AMISOM. Ciidamadan ayaa ka socday dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inay dhameysteen shaqo howleedkoodii howlgalka AMISOM oo ahayd muddo hal sano. Ilaa hadda lama shaacin ciidamada lagu beddelay cidiankan baxay iyo in la beddelay iyo in kale.. Munaasibadda ciidamada Itoobiya billadaha lagu guddoonsiinayay waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jubaland, Taliyaha AMISOM, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee ka baxay magaalada Kismaayo ayaa lagu amaanay howlgudashadooda lagu sheegay in ay si geesinimo leh uga soo baxeen Ciidamada Itoobiya ee ka howgala Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay horey u beddeleen Ciidamo ka socday Dalka Sierra Leone, oo Soomaaliya isaga baxay labo sano ka hor.
-
Ex-Wasiir Cadaani Oo Loo Diiday Kaadhka Golaha Dhexe Shirweynaha Kulmiye Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani uu waayay kaadhka Xubinimada golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ex Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo hore uga mid ahaa xubnaha Golihii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo rajaynayay in uu shirkaasi ka qayb galo ay xaaladdu ku xumaatay kadib markii uu gabi ahaanba iska dhex waayay liiska xubnaha Golaha dhexe ee isku diyaarinaya in uu shirkaasi ka qayb galo kaasi oo si rasmi ah u waayey kaadhkii ka qayb galka shirka. Sababta ugu weyn ee ex wasiir Cadaani u waayey xubinimada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dadka qaar ku fasireen inay sababtay shaacintii uu sameeyey ee ku saabsanayd inuu hunguri kaga jiro hogaaminta xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi dabadii. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii saacadihii u dambeeyay ay wararkaas hadheeyeen baraha bulshada. Cabdishakuur Mire oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo ee geed fadhiga u ah ayaa ku eedeeyay rag uu sheegay inay mucaarad yihiin oo bilaabay been faafin iyo dacaayad. Waxaa uu sheegay in hoggaanka dalka oo uga jeeday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka dhaxeyso kalsooni aan ruxmeyn. “Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay waxaa loo aaneeya sameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta iyo xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”ayuu yidhi C/shakuur Mire. Xildhibaan C/shakuur Mire ayaa si weyn u difaaca Madaxweyne Farmaajo, isagoo lahjado adag u adeegsada mucaaradka, xitaa ku shabadeeya inay hal qolo yihiin, inkastoo qudhiisa ragga u dhow Madaxweynaha uu ka mid yahay. Baraha bulshada ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa ka socday weerar taageerayaasha labada dhinac ee ku dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana durba ay shaki badan dhalisay inuu jiro mad madow ama khilaaf u dhaxeeya Madaxda labada sano ee xidhiidhkooda aan marnaba xumaan Source
-
Khudbadii Farmaajo ka hor jeediyey shir-madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub Mudanayaal iyo Marwooyin: Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya. Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido. Mudanayaal iyo Marwooyin, Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo. Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka. Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah. Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale. Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub. Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan. Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna. Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta. Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno. Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay. Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud. Dhammaantiin waad mahadsan tihiin. Qaran News
-
Ex Wasiir Samsam Iska Dhex Weyday Liiska Kaadhadhka Golaha Dhexe Ee Kulmiye . Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa ay iska dhex weyday liiska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shir uga furmay magaalada Borama . Samsam oo ka mid ahayd xubnihii ugu cad cadaa olalaha xisbiga Kulmiye ayaa maanta dibad joog ka ah shirka xisbiga Kulmiye isla markaana aan gabi ahaanba ka qeyb gali doonin shirkaas Qaran News
-
Sayid Cali Kuukaay oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubbadda cagta sidoo kale soo ciyaaray kubbadda kolayga iyo kubbadda gacan ilaa heer qaran ayaa bartamihii bishan Febraayo 2018 waxa uu ku guulaystay abaal marinta Somali Youth Award 2018 ee shaqsigii ugu wanaagsan isboortiga dalka. “Sayid Cali waa uu u qalmay abaal marinta waxa uu kaalin wanaagsan ka qaatay dhiiri gelinta ciyaartooydii kala duwnaa ee matalay magaca Soomaaliya kuwaas kaalin fiican kasoo hooyay tartamadii ay ugu qeyb galeyn dalka dibadiisa”waxaa Barnaamijka Xeynaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxa horomarinta isboortiga maamulka Gobolka Banaadir. Sayid Cali Kuukaay waxa uu abaal marinta shaqsiga isboortiga 2018 kaga guulaystay wariye Maxamed Qadar oo ka tirsan Idaacada Ciyaaraha ee Gool FM iyo Sheymaa oo iyadan ah gabar u dhaq dhaqaaqada arimaha haweenka ee xaga ciyaaritsa kubbadda cagta ahna aas aasaha Golden Girls. “Aniga oo ka faaideysanayo fursadan waxaan rabaa in aan u mahadceliyo xubhana Guddiga codeynyta abaalmarinada Somali Youth Award iyo maamulkoodaba sida ay iigu doorteen in aan noqdo shaqsiga ciyaaraha ee sannadkii tagay 2018. waxaan kaloo u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay in aan abaalmarintaan muteesto oo ay ugu horeeyayso Hooyadey iyo dhamaan xubnaha qoyskeyga iyo saaxiibadey” waxaa sidaas bartiis facebooga kusoo qoray Sayid Cali Kuukaay ka dib markii uu hantay abaal marinta. Sanadii 2017 abaal marinta Somali Youth Award ee shaqsiga isboortiga waxaa ku guulaystay ciyaaryahan Cabdi Casiis Maxamed Catoosh oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda,isagoo waqtigaa u mahad celiyay dhalinyaradan u istaagay dhirii gelinta shaqsiyaadka ugu fir fircoona arimaha bulshada. Si kastaba labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka kusoo badanayay ururuo dhalinyaro ah kuwaas oo abaal marino kala duwan ku gudoonsiinayay shaqsiyaadka ugu tayada wanaagsan arimaha bulshada. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Sayid Cali Kuukaay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay dad shacab ah ku laayeen deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, barqanimadii maanta. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey 8 qof, iyadoo lasoo weeraray xilli ay ku howlanaayeen olole nadaafadeed oo halkaasi ka socday. Dadka dhintay waxaa u badan haween, iyadoo ay jiraan warar kale oo soo baxaya sheegayaan iney jiraan dad kale oo nolosha lagu watay. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo u waramay Goobjoog ayaa xaqiijiyey tirada dadka halkaasi lagu dilay. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Muuse-Cabaas-Cismaan-Xaawo-cabdi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar deg deg ah oo hadda ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow haween lagu dilay duleedka Muqdisho. Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye. Dabley hubeysan ayaa toogatay haween waday nadaafad. ,Ku dhowaad 9 haween ah ayaa geeriyooday tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. Gudoomiyaha deegaan Lafoole Ayaan xaaji ayaa dhacdadaan u xaqiijisay Warbaahinta. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. PUNTLAND POST, Muqdisho The post Haween lagu laayay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi, sida masuuliyiinta deegaanka ay sheegeen. Dadka la laayay ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen nadaafadda deegaanka, waxaana kooxaha hubeysan ay ku fureen rasaas, taasi oo sababtay inay dad badan ku dhintaan isla goobta. Ku dhawaad Sagaal ruux oo haween u badnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay rasaas ay fureen kooxaha hubeysan, waxaana la sheegayaa in goobta ay ka baxsadeen dadka falka geystay. Masuuliyiinta deegaanka ayaa falkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al Shabaab, waxaana dadkii dhaawacyada daran ay kasoo gaareen rasaasta loosoo qaaday magaalada Muqdisho. Ayaan Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha deegaanka ayaa xaqiijisay in haween badana y goobta ku dhinteen. Ma jiro faahfaahin kale oo laga helayo goobta weerarka uu ka dhacay, balse laamaha amaanka ayaa la sheegayaa inay goobta gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Haween ka caraysan dilka Caa’isha Gabar da’deeda lagu sheegay 12 sano jir oo shalay lagu waayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka maydkeeda laga helay albaabka hore ee gurigooda oo ku yaalla xaafada Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo. Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa shalay subax la waayay mar ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xilligaasi laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskii ay ka baxday. Maydkeeda oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jir dilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo baaritaan ku haya maydka. Gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa haatan ka socda muddaharaadyo ay dhigayan qaar kamid ah haweenka oo ka caraysan dilka Caa’isha islamarkaana caddaalad dalbanaya. Dhinaca kale guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba maalinta berri ah la fasaxay xarumaha waxbarashada magaalada Gaalkacyo si loo muujiyo dareenka murugo ee uu reebay dilka gabadhaasi yar. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu bahda waxbarashada oo ay ka tirsaneyd ugu baaqay in ay isu’ soo bax ku muujiyaan muruda iyo xanuunka uu reebay dilka Caa’isha oo kamid ahayd ardayda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
The president of Somalia’s Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmajo held talks with several leaders from Iraq, Sweden, Italy and Denmark on the sidelines of EU-Arab League summit in Egypt’s Red Sea resort of Sharm El-Sheikh. Farmajo and the leaders discussed ways to strengthen bilateral ties through cooperation on issues of mutual benefit, according to a statement released by the office of Somali president. Denmark, Sweden and Italy are important partners in Somalia’s development. Arab and European states sought common ground on security threats and regional crises including Yemen, Syria and Libya on Sunday at their first joint summit held in Egypt. The Arab-EU Summit is timely and solidifies the existing strong relations between our two sides which are built on mutual respect and trust and, has as its foundations, a successful track record of economic and political cooperation. The Arab-EU bond of friendship is historic, but we must now further strengthen this with renewed partnerships for common progress in all areas of mutual benefit. View the full article
-
The Minister of Administrative Development, Labour and Social Affairs of Qatar, H.E Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhro, met Sunday with Minister of Women and Human Rights Development in the Federal Republic of Somalia, Deqa Yasin Hagi, and the accompanying delegation currently visiting the country. During the meeting, they discussed aspects of joint cooperation between the two sides and means of supporting and developing them. Qatar is a key ally to Somalia’s Federal Government in helping the security sector and other development projects in the conflict-recovering country. Doha is currently constructing key roads linking Mogadishu to Afgoye and Jowhar towns in southern Somalia, a key project which costs $200 million US dollars. View the full article
-
Xalay saq dhexe ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeyn ka geysteen saldhigyo la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Deaagaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Hiiraan ayeey diyaaradahan duqeymaha ka fuliyeen. Sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Hiiraan, diyaaradahan ayaa duqeynta ka fuliyay deegaannada Oroton, Masara Jibista iyo kuwo kale. Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen in duqeyntan waxyeello lagu soo gaarsiiyey xubno ka mid ah Al-shabaab, balse faah faahinno kale ma aanay bixin. Diyaaradaha Maraykanka ayaa inta badan duqeymaha sidan oo kale ah waxa ay ka fuliyaan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana hadda kusoo biiray ka hadlida Khilaafka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha dalka ayaa ka hadlay arinta Khilaafka, waxaana uu sheegay inuusan jirin wax Khilaaf ah oo hadda taagan. Xidhibaanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay hadalka ku saabsan khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareyso dalka, waxaana uu sheegay in Soomaalida ay ku dheereeyaan faafinta been abuurka. “Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya saameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado. Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa…” ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Cali Mire. Qoraalada la xiriira Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa aad looga hadal hayaa baraha Bulshada, waxaana la ogeyn xaqiiqo ahaanshaha arimahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Boorama)-Waxa Maanta Si Rasmi Ah Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal Uga Furmay Shirka 6Aad Ee Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye Waxaana Goob Joog Ah Madaxweynaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Masuuliyiin Kala Duwan Shirkan Ayaa Socon Doona Mudo Laba Cisho Ah, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=hcVhkEdvoK0 Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex ayaa waxaa ay saaka go,aan ka soo saartey Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay xabsiga dhigtey isla markaana xidhnaa Muddo 42 cisho Maxkamada ayaa saaka ku dhawaaqdey in Abwaan Cabdiraxmaan Abees ay ku weyday dhamaan eedeymaha iyo danbiyada ay xeer ilaalintu ku soo oogtey isla markaana ay dib xoriyadiisa ugu soo celisay. Xukunka Maxkamada ayaa waxaa racfaan ka qaatey Xeer ilaalinta Somaliland oo iyadu danbiga ku soo oogtey Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa shirkii 6aad ee golaha dhexe uu maanta uga furmayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani uu waayay kaadhka Xubinimada golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ex Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo hore uga mid ahaa xubnaha Golihii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo rajaynayay in uu shirkaasi ka qayb galo ay xaaladdu ku xumaatay kadib markii uu gabi ahaanba iska dhex waayay liiska xubnaha Golaha dhexe ee isku diyaarinaya in uu shirkaasi ka qayb galo kaasi oo si rasmi ah u waayey kaadhkii ka qayb galka shirka. Sababta ugu weyn ee ex wasiir Cadaani u waayey xubinimada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa dadka qaar ku fasireen inay sababtay shaacintii uu sameeyey ee ku saabsanayd inuu hunguri kaga jiro hogaaminta xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi dabadii. Waxa kale oo wararku sheegayaan in ex Wasiir Cadaani uu xubinimada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku ahaa xilkii wasiirnimo ee uu hayey balse haatan aanu u banaanayn boos uu ka helo golaha dhexe sida uu qabo xeer u yaala xisbiga kulmiye oo sheegaya in wasiir kasta oo ka mid noqda xukuumada xisbigu uu ka mid noqonaya golaha dhexe mudada uu hayo xilka, hadii xilka laga qaadana uu si toos ah uga baxayo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Ex wasiir Cadaani ayaan ilaa hada qaadin wax talaabo ah iyada oo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye-na uu goor dhaw ka furmayo magaalada Boorama. Source
-
Jowhar (SMN) – Guddoomiyaha Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, xoghayaha gobolkaasi iyo guddoomiyaha degmada Baladweyne ayaa lagu soo warramayaa in looga yeeray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa la sheegay in uu amray xubnahaasi in ay si degdeg ah ku yimaadaan M/Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax laga weyn diin doono xiisada ka taagan Baladweyne, gaar ahaan Gargaarkii lagu musuq-maasuqay magaaladaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli shalay banaanbax ka dhan ah musuqaasi uu ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Ayrland)-Festifalka Caalamiga ee Warbaahinta “The Virgin Media Dublin International Film Festival” ayaa waxaa maalmahan lagu soo bandhigayey Caasimadda dalka Ayrland ee Dablin, iyadoo lagu maamusayey Maalinta Caalamiga ee Ka-hortaga Gudniinka FGM-ka oo Caalamka oo dhan laga xusay bishan Feberaayo 6-dii. Filim loogu magac daray Gabar ka timid Muqdisho, ayaa waxaa bishan Feberaayo 22-dii lagu soo bandhigayo Tuulladda Odeon Point Village. Filimkaasi waxaa qortay Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa Ka-hortagga Gudniinka FGM-ka,waxaana Filimka isku soo duwday Meeri Makgukayn Filimkaasi waxaa asaas looga dhigay Qiso dhab ah oo ka sheekeynayaa gabar ka timid Somalia oo lagu sameeyey Gudniinka FGM-ka, taasi oo ka soo carartay dagaalladii sokeeye ee Somalia sannadkii 2006-dii. Gabadha waxaa qaab Tahriibin ama Is-xambaar lagu geeyey dalka Ayrland, halkaasi oo ay naxdin ka qaaday baaritaanka Caafimaad oo ay kaga sheekeysay sida ay markii ay carruurta ahayd loogu sameeyey Gudniinka FGM-ka. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa niyadsami ka muujiyey kulanka dhexmari doono isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Madaxweyne Donald Trump oo sida caadadiisa ah bartiisa Twitter-ka ku soo gubiyey arrintan, ayaa qorey; labadeenuba waxaan fileynaa in aan sii wadno horumarkii la gaadhey. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka dib kulanki koowaad ee ay yeeshaan isaga iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi bishii 6-aad ee sanadkii tagey, waxa uu dadweynaha Mareykanka u sheegay in qof walibo uu hada nabadgalyo dareemi karo, maadaama aysan waxbsi nugliyeeka Kuuriyada Waqooyi aysan jireyn. Source