-
Content Count
207,551 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Gaalkacyo)-Waxaa magaalada Galkacyo meydkeeda laga helay gabadh yar oo 12 sano jir ah, taasi oo shalay laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafadooda. Taliyaha booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa arrintaasi BBC-da u xaqiijiyay. “Gabadhaasi way dhimatay, intii dhashay samir iyo iimaan alle haka siiyo, ilma yar ayay ahayd, reekooda ayaa adeeg u dirsaday, ka dibna waa la afduubtay” ayuu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska. Taliyaha ayaa intaa raaciyay in baadhayaashu ay caddeeyeen in ilmahaasi yar jirdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun. Waxaa kale oo taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas oo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay Khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad oo inta badan mucaaradnimo looga bartay ayaa difaacay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ku baaqay inaan meel looga dhicin sharafta Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu cinwaan ugu dhigay AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY!. Wuxuu sheegay in Mulkiga uu bixiyo Alle isla markasna uu Xasan Cali Kheyre mudan yahay inuu noqdo Madaxweyne, wuxuuna ku baaqay inaan lagu mashquulin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Facebook: AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY! Mudane haya mas’uuliyadii loo igmaday waxa lagu maagayo bal noo sheeg maandhaheey! Mid gabay mas’uuliyadii loo igmaday macaash uu baxiyay haku maagin mas’uul meelmariyay middii uu lahaa maandhaheey! Muddo aan la gaarin madasheed adigoo u mindiya sahanaya mudanaha meel ha uga dhicin maandhaheey! Xilku waa meerto mulkigana Allaa baxshee hadii uu muhdana waa mudanyahee haku MASHQUULININA mudanaha maandhaheey! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada. Madaxweyne Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah. Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Faransiiska, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Heliwaa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawaceen gudaha degmadaasi. Mas’uulka la dhaawacay ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay Haashim Maxamed. Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen, xilli uu la socday gaari nuuca raaxada ah oo marayay xaafadda Carte ee degmadaasi. Dhaawac fudud ayaa weerarkan ka soo gaaray guddoomiye Haashim, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi. Maalmihii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarood ay sheegteen Al Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada ururkaasi oo lagu waday in ay dhacdo kowda bisha soo socoto ee Maarso. Marwo Batuulo ayaa dib u dhacan u sababeysay in haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay ka qeyb galayaan doorasho gole deegaan ah, islamarkaana aysan suuragal aheyn in la’aantooda haweenku ay qabtaan doorasho guud. Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale ayaa si kulul uga hadashay dhacdadii maanta lagu dilay haween la sheegay in ay olole nadaafadeeed ka wadeen deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale dhacdadii lagu dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo ku nooleed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dhacdooyinkan oo siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelaha Hoose iyo Mudug ayaa ah kuwa reebay dareen iyo murugo xanuun badan. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Taliyaha Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali oo Lahadlay BBC ayaa ka warbixiyay fal argagax bulshada ku abuuray oo loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, kadib markii gabadhaasi yar la’iskugu daray dil iyo kufsi arxan daro ah. Gabadhan waxaa la sheegay in Qoyskoodu ay waayeen shalay oo Axad aheyd,islamarkaana saaka, iyadoo Meyd ah la soo Dhigay magaaladaasi. Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in Boolisku ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah dadkii falkaasi geystay, sidoo kalena ay baaritano ku hayaan rag kale oo laga shakisan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/wara.mp3 View the full article
-
Caasho kaliya lama kufsan, kaliya lama dilin ee noloshaa lagu silciyey. Waxaa la sheegay saaka markii lasoo tuuray ayadoo jiwaan ku jirtaa inay noolayd laakiin naf silic leh ay ku jirtay. Bal qiyaas 24 saac oo jirdil iyo jarjarad hilibkeeda ah intee bay xanuuun martay! Waxaa la sheegay markii saaka la keenay in indhaha mid banaanka taalay oo u muuqatay inay goor horaba laga tuuray, bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ishaas la noolayad. Waxaa la sheegay ilkaha in inta badan laga riday any u muuqatay in Dhagax looga garaacay. Bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ilkahaas la noolayd. Waxaa la sheegay xubnaaheda in qaar la jarjaray gaar ahaan meelaha ugu xanuunka badan sida; horaadada iyo meelo kale bal qiyaas inay xanuunka meelahas la jarjaray ilaa xalay l noolayd Waxaa la sheegay in la ceejiyey oo waliba markaa la keenayey ay madaxa bac ugu jirtay, bal qiyaas inay ilaa shalay la noolayd neef ku celin iyo neef qabatin. Intaas oo xanuuna markaaf fiirisid dhimashadu waxay noqonaysa naxariis iyo waxa ugu sahlan waxii ku dhacay. Waxaa hubaal ah nimanka dhibkaas gaystay inay jiraan maanta dad garanaya oo Galkacyo jooga laakiin ehelnimo u qarinaya. Fadlan ha qarsan arxan laawe ee cadaaladda usoo saar Fadlan guri kasta baaqa gaarsiiya in dadkaas cadaalada loo soo saaro. Aan u istaagno in caasho caddaal hesho. W/Q: Maxamed Daahir Karaama The post Caa’isho dhimashadu naxariis bay u ahayd! appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Baraha Bulshada qabsatay dood iyo warbixino ku aadan Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xilkaan hayo muddo 2 sano ah iyo Madaxweyne Farmaajo oo horey u sheegay inuu dalka u magacaabay Ra’isulwasaare isaga ka fiican. Dadka qoraaladaan faafinayey ayaa ra’iisul Wasaaraha ku eedeynaya inuu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu isku diyaarinayo doorashada soo socota inuu Madaxweyne isku sharraxo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay inuusan jirin khilaaf soo kala dhex galay labada Mas’uul, arrntaasna ay ku egtahay kaliya baraha bulshada. Illaha aan wareysanay ayaa noo sheegay inay arrintaas faafinayaan dad jecel inay is khilaafaan madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha oo muddo laba sano ah ay ka dhexeyso wada shaqeyn fiican, qaarkoodna ay yihiin kuwa dano ay lahaayeen ka waayey Kheyre. Ilaa hadda jawaab saxan uma helin inuu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo, inkasta oo aan la ogeyn waxa dhici doona bilaha soo socda. Ilaa hadda ma jiro xisbi si rasmi ah loogu dhawaaqay oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, taasna waxay caddeyn u tahay inaysan jirin heshiis ay labada mas’uul ka gaareyn sida ay wax u dhici doonaan marka la gaaro doorashada soo socoto. Si kastaba, bilaha soo socda ayaa la filayaa inay wax walba kala caddaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda maamulkaasi ayaa rajo aan wanaagsaneyn ka muujiyay nabadgalyada deegaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in maamulkiisu halis badan maamulkiisu uu kala kulmo Al Shabaab iyo Daacsih, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan difaaca dalka iyo la shaqeynta ciidamada amniga. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-soofeesane-1.mp3 View the full article
-
Marka (Caasimada Online) – Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen dad haween u badan uu howlo Nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Inta la xaqiijiyey 9 Ruux oo isugu jira 6 Haween ah iyo Saddex rag ah ayaa weerarkaas ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 9 Ruux ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Shaqooyinka ay hayeen oo ah howlo nadaafadeed. Deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa 30-kii Bishii Octoober ee Sanadkii tegay ee 2018 Maalin cad sibareer ah inta gaari laga dejiyay lagu toogtay rag dhalinyaro iyo Odayaal isugu jiray. Hoos ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Shabeellaha-Hoose-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dooxa (SMN) – Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji oo ku sugan magaaladda Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaadatay wasiirka hormarinta, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Yusuf BinMohamed Al Othman. Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltimo ee ka dhaxeeya dalalka Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii xukuumadd Dooxa ay DFS uga gacan siin laheyd dhanka horumarinta iyo arrimaha xuquuqul insaanka. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya , iyadoona ka taageerta dhinacyada waxbarashada, bani,adanimada iyo horumarinmta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. View the full article
-
Garbahaarey (SMN) – Korneyl Cabdi Barre Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ka soo horjeestay xil uu uu magacaaabay madaxaweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Xilka loo magacaabay oo ah u qaabilsanaha xafiiska wacyigalinta arrimaha Diinta ee ciidamada ka howlgala gobolkaasi ayaa uu sheegay in aan lagala tashan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenku uusan xaq u laheyn in uu xilkaasi u magacaabo, sida uu hadalka u dhigay. Maalmihii dambe waxaa Gedo ku sugnaa Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, kaas oo kulamo ka waday gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhacdadan oo aheyd mid murugo badan ayaa timid, kadib markii saaka Meydkeeda la helay Caa’isha Ilyaas Aadan oo shalay la waayay. Marxuumadda 12 jir aheyd ayaa Meydkeeda la soo hor dhigay Guri ay Qoyskoodu ka dagan yihiin waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehellada inantaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jirdil xoogan uu ka muuqday Meydka. Caaqil Cabdisamad Abshir oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa ka warbixiyay falkaasi naxdinta leh. Halkan hoose ka dhegeyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/DDD.mp3 View the full article
-
Lafoole (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramayaa in barqanimadii maanta dad rayid ahaa lagu dilay deegaanka Lafoole ee gobolkaasi. Dadkan oo tiro ahaan ahaan gaarayay illaa 9 ruux oo isugu jiray lix Haween ah iyo afar rag ah ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen rag hubeysan. Maxamed Ibraahim Barre guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo isxilqaamay oo olole nafaadeed ka waday waddada dheer ee aada dhanka Afgooye, waxaana uu dilkooda ku eedeeyay Al Shabaab oo weeraro ka fuliya halkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii gawaari siday Dhuxul Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-cadaani.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-25022019.mp3 View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Inta la xaqiijinayo Sagaal ruux oo u badnaa haween nadaafadda ka shaqeeya ayaa mar kaliya lagu dilay deegaanka Lafoole ee dulleedka magaalada Muqdisho. Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole Mukhtaar Geeysay ayaa sheegay in rag hubeean ay rasaas xoogan ku fureen dad u badnaa haween oo olole nadaafadeed ka waday deegaanka Lafoole ayna dileen 9-ruux. Lama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysa toogashada dadka ka shaqeeynayay nadaafadda, hasse ahaatee waxaa jira eedeymo hor ah oo loo jeedinayo Al-shabaab oo lagu eedeynayo in ay ka danbeeyeen weerarka lagu laayay dadka shacabka ah, Hay’addaha Amaanka wali wax war kama aysan soo saarin weerarka la sheegay in lagu dilay dadka la sheegay in ay ku howlanaayeen nadaafadda. Source
-
A military tribunal in Mogadishu has sentenced a government soldier to death for killing a civilian in Mahad district in Middle Shabelle region, south of Somalia. Abdulkadir Mohamud Ali was found guilty by the court for the murder of civilian Abdirahman Adow Mohamud on November last year. The deceased who was a driver and famous in the area was shot from a close range by the soldier in a checkpoint in Mahaday, Middle Shabelle region. The suspect was transferred to Jowhar police before arraigned in court in Mogadishu. The criminal investigation department submitted medical records and other evidence regarding the killing of the civilian citizen by the suspect and after examination by the court sentenced ex-soldier Abdulkadir Mohamud Ali to death. The former soldier can appeal the ruling according to the military court judges. Human rights group have accused Somali military court previously for executions of suspects without proper investigations claims denied by the senior Somali government officials. Somali military court handles cases related to security mainly terrorism. It has sentenced several al-Shabaab suspected to death before. View the full article
-
Garoonka Salaxa ah ee degmada Xamar Jab Jab waxaa ka furmay tartanka dugsiyada sarre oo loogu magac daray Gool FM Cup Koobkaan waxaa maal galineysa Jaamacadda Salaam, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan 32 Iskuul. Furitaanka Tartanka waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Marwo Basmo Caamir Shakeeti, guddoomiyaha degmada martida loo ahaa ee Ismaaciil Oronjo, Cabdi Xakiin Dhaga-Juun iyo Mahad Cilmi oo iyaguna ah guddoomiyaasha Hodan iyo Waabari, guddoomiyaha Isboortiga gobolka Mudane Xasan Wiish, Agaasimaha ugu sarreeya Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socotay Jaamacadda Salaam iyo marti sharaf kale ayaa ku sugnaa garoonka. Aggaasimaha Idaacada Ciyaaraha ee Gool FM Cabdullaahi Daahir Siyaad Dhakoos ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qeyb gashay furitaanka tatanka oo uu hoggaaminayo Duqa Muqdisho, isagoo dhanka kale mahad gaar ah u jeediyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jab Jab ismaaciil Oranjo oo ogolaaday in tartanka lagu ciyaaro degmada uu guddoomiyaha ka yahay. “Gool FM oo fiirineysa jaceelka dhalintu ay u qabaan kubadda cagta iyo in Iskuulada dhamaan ay is dhex-galaan isna bartaan ayaa inagu qasabtay in tartankaan aan u qabano dugsiyada ku yaala caasimadda Muqdisho ayuu ku waramay agaasime Cabdullaahi Daahir Siyaad Dhakoos. Gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabrow Wiish ayaa sheegay” Waa farxad weyn in Gool FM iyo Jaamacadda Salaam ay kaalin weyn ka qaadanayaan hormarinta iyo is-dhaxglka Isboortiga caasimada. Ismaaciil Oranjo oo ah guddoomiyaha degmada Xamar Jab Jab ayaa sheegay in uu si weyn ugu riyaaqsan yahay in degmadiisa lagu marti-galiyo tartan kubadda cagta oo kaalin weyn ka qaadanaya hormarka gobolka Banaadir. Cali Saciid oo ah madaxa xariirka Jaamacadda Salaam ayaa sheegay in Jamaacaddu ay mar walba diyaar u tahay dhiira gallinta iyo sarre u qaadista Isboortiga, waxa uuna sheegay in ay ku faaxsan yihiin kaalinta tartankaan ay ka leeyihiin. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay kaalinta muuqata ee Gool FM oo ay mar walba u garab taagan tahay Isboortiga Caasimadda, isagoo sidoo kale ku amaanay doorka Jamaacadda Salaam ay ka qaadaneyso tartankaan, waxa uuna ugu dambeyn furay tartanka dugsiyada sarre ee Gool FM Cup. Sikastaba tartankan waxaa ka qeyb qaadanaya 32 iskuul oo ku yaala caasimada Muqdisho,waxaana iska kaashanaya Goobjoog Media Group iyo Jaamacadda Salaam. Mahad Shariif-Gool Fm Source: goobjoog.com