Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,533
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdi Maxaed Sammaale ayaa si cadho leh uga jawaabay su’aal maanta laga waydiiyay siyaasiyiin hore looga caydhiyay xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hooyada dhashay gabadhii lagu dilay magaalada Gaalkacyo markii la kufsaday kadib ayaa xog dheeri ah ka bixisay qaabka ay ku waayeen gabadhooda iyo sida loo dilay. Hooyada oo lagu magacaabo Seynab C/Wahaab ayaa sheegtay in Gabadheeda Caaisha ay weysay gelinkii dambe ee shalay markii ay u dirsatay inay suuqa hilib kasoo iibiso, balse la arkay meydkeeda markuu waaga baryay. Seynab C/wahaab ayaa sheegtay in falka uu ka dhacay agagaarka xerada Siinaay oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna sheegtay in dhaawac uu ka muuqday qaarka sare ee jirkeeda. Waxay sheegtay in arintaan ay aheyd fal ay aad kaga naxeen, iyadoo sheegtay in dhaawac daran uu kamuuqday qeybaha hoose ee jirkeeda, iyada oo sheegtay in ugu yaraan rag badan loo malaynayo inay kufsadeen. Hooyo Seynab waxay sheegtay in hadda ay u joogaan 7 caruur ah, balse wali ay socdaan baaritaan isamarkaana aan wali la aasin gabadheeda yar oo 13 sano jir aheyd. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Hooyada-dhashay-gabadhabii-kufsiga-iyo-dilka-loo-gaystay-oo-la-hadashay-DMI.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Gunmen in Somalia opened fire on Monday on a team of roadside workers, killing 9 and wounding several others, witnesses said. The workers, who included both men and women, were clearing scrubland alongside a road in the Hawa-Abdi area, some 18 kilometres (11 miles) north outside the capital Mogadishu. “Several gunmen attacked innocent civilians, who were clearing bushes along the road,” said Mohamed Adan, a local security official, saying eight people had been killed. Witnesses confirmed the incident, adding that several others were wounded by the gunfire. “It was a horrible attack,” said Fadumo Kulow, who passed by the site of the killing soon after. “Eight people were killed, and six others were wounded.” Ahmed Moalim, another witness, said the wounded were rushed to hospital in Mogadishu. No group has claimed responsibility for the killings, nor was it immediately clear why the workers were attacked. Somalia’s Al-Shabaab insurgents have carried out a string of attacks against those supporting the government. View the full article
  4. (SLT-Burco)-Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Gunmen in Somalia opened fire on Monday on a team of roadside workers, killing eight and wounding several others, witnesses said. The workers, who included both men and women, were clearing scrubland alongside a road in the Hawa-Abdi area, some 18 kilometres (11 miles) north outside the capital Mogadishu. “Several gunmen attacked innocent civilians, who were clearing bushes along the road,” said Mohamed Adan, a local security official, saying eight people had been killed. Witnesses confirmed the incident, adding that several others were wounded by the gunfire. “It was a horrible attack,” said Fadumo Kulow, who passed by the site of the killing soon after. “Eight people were killed, and six others were wounded.” Ahmed Moalim, another witness, said the wounded were rushed to hospital in Mogadishu. No group has claimed responsibility for the killings, nor was it immediately clear why the workers were attacked. Somalia’s Al-Shabaab insurgents have carried out a string of attacks against those supporting the government. Source: AFP
  6. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu si cad uga hadlay hankiisa siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, qaabkii uu ku helay kaadhka golaha dhexe ee KULMIYE iyo waliba sida ay u dhacday in ay xubno wasiirradii hore ka mid ahaa maanta uga maqan yihiin shirka Golaha dhexe ee Boorama ka qabsoomay. Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo mar dhawayd qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Siyaasiyiinta degan ama xigmadda u saaxiibka ahi ma qariyaan hankooda iyo hilinka ay u marayaan, sidoo kalana waxa ay yaqaanaan hoos walba hadalka ku haboon, sidaas awgeed shirkan golaha dhexe sida qorshaysan lagu dooran maayo hogaanka sare ee xisbiga se’ waxa la qabyo tirayaa meelo yar-yar oo banaanaa ama aan gole dhexe ansixin anniga iyo ujeedadayda xisbigana “xaya-cala-salaah iyo hadeeda”. Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu. Maalmihii ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayay halka ay marayso hanka siyaasadeed ee Siyaasi Xaashi iyo waliba arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda xisbiga KULMIYE. Source
  7. (SLT- Venezuela)Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo ayaa waxa uu sheegay in maalmaha u haray madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro “ay yihiin kuwo tirsan” kaddib iskudhacyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhashay gargaar bini’aadamnimo oo halkaas la gayn lahaa. “In la sheego maalinta rasmiga ah waa ay adag tahay. Waxaanse ku kalsoonahay in dadka Venezuela ay xaqiijin doonaan in maalmaha Maduro ay yihiin kuwo tirsan,” Mr Pompeo ayaa u sheegay warbaahinta CNN. Laba qof ayaa Sabtidii ku dhintay iskudhacyada u dhaxeeyay dadka rayidka ah iyo ciidamo daacad u ah Mr Maduro, kuwaas oo hor istaagay in gargaar halkaas la gaarsiiyo. Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee iskii isku magacaabay Juan Guaidó ayaa sheegay inay qasab tahay in Mr Maduro uu iscasilo. dowladood u aqoonsadeen inuu yahay hogaamiye ku meelgaar ah, ayaa waxa uu dalalka kale ugu baaqay inay dib u eegaan “dhammaan tallaabooyinka” xilka loogaga qaadi karo Mr Maduro kaddib dedaalo uu mucaaradku horkacayay oo looga gol lahaa sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa goobaha ay dhibaatooyinka ka jiraan. Waxaa kale oo uu sheegay inuu ka qeybgeli doono kulan ay tagayaan inta badan hogaamiyayaasha dalalka Laatiin Ameerika oo Isniinta ka dhacaya dalka Colombia, walow ay saaran tahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo uu ku soo rogay Mr Maduro. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa Washington ku matali doona wadahadallada Bogota. Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa Axaddii sheegay in Mr Pence uu qorsheynayo inuu wadahadallada Isniinta kaga dhawaaqi doono “tallaabooyin adag” iyo “ficil” wax looga qabanayo dhibaatada, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Dhanka kale, dalalka Colombia iyo Brazil ayaa waxa ay sheegeen inay sii kordhin doonaan cadaadiska ay ku hayaan Mr Maduro si uu xilka u banneeyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaanan meesha ka saarin quwad milateri in loo adeegsado dhibaatada Doonni sidday gargaar uu Mareykanka soo dhiibay oo ka soo kicitintay Puerto Rico kuna wajahneyd Venezuela ayaa waxaa lagu qasbay inay ku xirato dhulka ay Holland ka taliso ee Curaçao kaddib markii uu dhexda ku hakiyeen ciidammada badda ee Venezuela ee ku sugan xeebaha waqooyi ee dalkaasi, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP. Doonida ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saaran yihiin sagaal konteenar oo laga soo buuxiyay cunno iyo dawooyin. Mr Maduro, oo sheegaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ayna baritaarayaan dalalka ay xulafada ku yihiin dhinaca dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Ruushka, Cuba iyo Shiinaha, ayaa waxa uu ka digay in keenista gargaar ajnabi ay wadadi u xaari doonto faragelin milateri oo uu Mareykanku soo qaado. Mr Guaidó, oo bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meelgaar ah, ayaa waxa uu ku doodayaa in eedaha ah in ay jireen wax isdaba marin ka jirtay doorashadii 2018 uu hogaanka Mr Maduro yahay mid aan sharci ku dhisnayn. Source
  8. (SLT-Gaalkacyo)-Waxaa magaalada Galkacyo meydkeeda laga helay gabadh yar oo 12 sano jir ah, taasi oo shalay laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafadooda. Taliyaha booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa arrintaasi BBC-da u xaqiijiyay. “Gabadhaasi way dhimatay, intii dhashay samir iyo iimaan alle haka siiyo, ilma yar ayay ahayd, reekooda ayaa adeeg u dirsaday, ka dibna waa la afduubtay” ayuu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska. Taliyaha ayaa intaa raaciyay in baadhayaashu ay caddeeyeen in ilmahaasi yar jirdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun. Waxaa kale oo taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas oo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno. Source
  9. In ka badan 10 gaadiidka xamuulka qaada oo siday boqolaal kamid ah shacabka Oromada iyo agabkoodii oo ay galbinayeen ciidamada ammaanka, ayaa maanta ka gudbay [...] Source
  10. (SLT-Burco)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob ayaa waxa ka gilgishay weedho Xajiimaysan oo ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay Khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad oo inta badan mucaaradnimo looga bartay ayaa difaacay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ku baaqay inaan meel looga dhicin sharafta Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu cinwaan ugu dhigay AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY!. Wuxuu sheegay in Mulkiga uu bixiyo Alle isla markasna uu Xasan Cali Kheyre mudan yahay inuu noqdo Madaxweyne, wuxuuna ku baaqay inaan lagu mashquulin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Facebook: AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY! Mudane haya mas’uuliyadii loo igmaday waxa lagu maagayo bal noo sheeg maandhaheey! Mid gabay mas’uuliyadii loo igmaday macaash uu baxiyay haku maagin mas’uul meelmariyay middii uu lahaa maandhaheey! Muddo aan la gaarin madasheed adigoo u mindiya sahanaya mudanaha meel ha uga dhicin maandhaheey! Xilku waa meerto mulkigana Allaa baxshee hadii uu muhdana waa mudanyahee haku MASHQUULININA mudanaha maandhaheey! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada. Madaxweyne Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah. Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Faransiiska, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Heliwaa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawaceen gudaha degmadaasi. Mas’uulka la dhaawacay ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay Haashim Maxamed. Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen, xilli uu la socday gaari nuuca raaxada ah oo marayay xaafadda Carte ee degmadaasi. Dhaawac fudud ayaa weerarkan ka soo gaaray guddoomiye Haashim, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi. Maalmihii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarood ay sheegteen Al Shabaab. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada ururkaasi oo lagu waday in ay dhacdo kowda bisha soo socoto ee Maarso. Marwo Batuulo ayaa dib u dhacan u sababeysay in haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay ka qeyb galayaan doorasho gole deegaan ah, islamarkaana aysan suuragal aheyn in la’aantooda haweenku ay qabtaan doorasho guud. Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale ayaa si kulul uga hadashay dhacdadii maanta lagu dilay haween la sheegay in ay olole nadaafadeeed ka wadeen deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale dhacdadii lagu dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo ku nooleed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dhacdooyinkan oo siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelaha Hoose iyo Mudug ayaa ah kuwa reebay dareen iyo murugo xanuun badan. View the full article
  15. Gaalkacyo (SMN) – Taliyaha Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali oo Lahadlay BBC ayaa ka warbixiyay fal argagax bulshada ku abuuray oo loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, kadib markii gabadhaasi yar la’iskugu daray dil iyo kufsi arxan daro ah. Gabadhan waxaa la sheegay in Qoyskoodu ay waayeen shalay oo Axad aheyd,islamarkaana saaka, iyadoo Meyd ah la soo Dhigay magaaladaasi. Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in Boolisku ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah dadkii falkaasi geystay, sidoo kalena ay baaritano ku hayaan rag kale oo laga shakisan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/wara.mp3 View the full article
  16. Caasho kaliya lama kufsan, kaliya lama dilin ee noloshaa lagu silciyey. Waxaa la sheegay saaka markii lasoo tuuray ayadoo jiwaan ku jirtaa inay noolayd laakiin naf silic leh ay ku jirtay. Bal qiyaas 24 saac oo jirdil iyo jarjarad hilibkeeda ah intee bay xanuuun martay! Waxaa la sheegay markii saaka la keenay in indhaha mid banaanka taalay oo u muuqatay inay goor horaba laga tuuray, bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ishaas la noolayad. Waxaa la sheegay ilkaha in inta badan laga riday any u muuqatay in Dhagax looga garaacay. Bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ilkahaas la noolayd. Waxaa la sheegay xubnaaheda in qaar la jarjaray gaar ahaan meelaha ugu xanuunka badan sida; horaadada iyo meelo kale bal qiyaas inay xanuunka meelahas la jarjaray ilaa xalay l noolayd Waxaa la sheegay in la ceejiyey oo waliba markaa la keenayey ay madaxa bac ugu jirtay, bal qiyaas inay ilaa shalay la noolayd neef ku celin iyo neef qabatin. Intaas oo xanuuna markaaf fiirisid dhimashadu waxay noqonaysa naxariis iyo waxa ugu sahlan waxii ku dhacay. Waxaa hubaal ah nimanka dhibkaas gaystay inay jiraan maanta dad garanaya oo Galkacyo jooga laakiin ehelnimo u qarinaya. Fadlan ha qarsan arxan laawe ee cadaaladda usoo saar Fadlan guri kasta baaqa gaarsiiya in dadkaas cadaalada loo soo saaro. Aan u istaagno in caasho caddaal hesho. W/Q: Maxamed Daahir Karaama The post Caa’isho dhimashadu naxariis bay u ahayd! appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Baraha Bulshada qabsatay dood iyo warbixino ku aadan Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xilkaan hayo muddo 2 sano ah iyo Madaxweyne Farmaajo oo horey u sheegay inuu dalka u magacaabay Ra’isulwasaare isaga ka fiican. Dadka qoraaladaan faafinayey ayaa ra’iisul Wasaaraha ku eedeynaya inuu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu isku diyaarinayo doorashada soo socota inuu Madaxweyne isku sharraxo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay inuusan jirin khilaaf soo kala dhex galay labada Mas’uul, arrntaasna ay ku egtahay kaliya baraha bulshada. Illaha aan wareysanay ayaa noo sheegay inay arrintaas faafinayaan dad jecel inay is khilaafaan madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha oo muddo laba sano ah ay ka dhexeyso wada shaqeyn fiican, qaarkoodna ay yihiin kuwa dano ay lahaayeen ka waayey Kheyre. Ilaa hadda jawaab saxan uma helin inuu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo, inkasta oo aan la ogeyn waxa dhici doona bilaha soo socda. Ilaa hadda ma jiro xisbi si rasmi ah loogu dhawaaqay oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, taasna waxay caddeyn u tahay inaysan jirin heshiis ay labada mas’uul ka gaareyn sida ay wax u dhici doonaan marka la gaaro doorashada soo socoto. Si kastaba, bilaha soo socda ayaa la filayaa inay wax walba kala caddaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda maamulkaasi ayaa rajo aan wanaagsaneyn ka muujiyay nabadgalyada deegaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in maamulkiisu halis badan maamulkiisu uu kala kulmo Al Shabaab iyo Daacsih, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan difaaca dalka iyo la shaqeynta ciidamada amniga. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-soofeesane-1.mp3 View the full article
  19. Marka (Caasimada Online) – Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen dad haween u badan uu howlo Nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Inta la xaqiijiyey 9 Ruux oo isugu jira 6 Haween ah iyo Saddex rag ah ayaa weerarkaas ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 9 Ruux ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Shaqooyinka ay hayeen oo ah howlo nadaafadeed. Deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa 30-kii Bishii Octoober ee Sanadkii tegay ee 2018 Maalin cad sibareer ah inta gaari laga dejiyay lagu toogtay rag dhalinyaro iyo Odayaal isugu jiray. Hoos ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Shabeellaha-Hoose-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dooxa (SMN) – Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji oo ku sugan magaaladda Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaadatay wasiirka hormarinta, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Yusuf BinMohamed Al Othman. Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltimo ee ka dhaxeeya dalalka Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii xukuumadd Dooxa ay DFS uga gacan siin laheyd dhanka horumarinta iyo arrimaha xuquuqul insaanka. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya , iyadoona ka taageerta dhinacyada waxbarashada, bani,adanimada iyo horumarinmta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. View the full article
  21. Garbahaarey (SMN) – Korneyl Cabdi Barre Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ka soo horjeestay xil uu uu magacaaabay madaxaweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Xilka loo magacaabay oo ah u qaabilsanaha xafiiska wacyigalinta arrimaha Diinta ee ciidamada ka howlgala gobolkaasi ayaa uu sheegay in aan lagala tashan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenku uusan xaq u laheyn in uu xilkaasi u magacaabo, sida uu hadalka u dhigay. Maalmihii dambe waxaa Gedo ku sugnaa Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, kaas oo kulamo ka waday gobolkaasi. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhacdadan oo aheyd mid murugo badan ayaa timid, kadib markii saaka Meydkeeda la helay Caa’isha Ilyaas Aadan oo shalay la waayay. Marxuumadda 12 jir aheyd ayaa Meydkeeda la soo hor dhigay Guri ay Qoyskoodu ka dagan yihiin waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehellada inantaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jirdil xoogan uu ka muuqday Meydka. Caaqil Cabdisamad Abshir oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa ka warbixiyay falkaasi naxdinta leh. Halkan hoose ka dhegeyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/DDD.mp3 View the full article