Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,564
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar. Caasimada Online ayaa xalay heshay xogta safarka madaxweynaha, waxaana halkaasi uu ku tagayaa safar muddo labo maalin ah oo uu kula kulmayo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Qatar. Wafdiga madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar. Qatar ayaa dhawaan dhagax dhigtay mashaariic ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Dad badan ayaa eedaha kufsiga soo badanaya dusha uga tuura odayada dhaqanka ee iyagu masalaxaadda aan joojin karin denbigan la dabataagan. Si haddii loo eego [...] Source
  3. The U.S. military said on Monday that a recent airstrike in central Somalia killed 35 al Shabaab fighters. The United States carries out regular air strikes in Somalia in support of a United Nations-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. In a statement, U.S. Africa Command said the strike took place on Sunday near Beledweyne, Hiran Region in Somalia. “This air strike targeted armed al Shabaab militants as they were transitioning between locations in a rural area,” the statement added. While the pace of strikes has increased recently, it is unclear what lasting impact, if any, the strikes are having on the militant group. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. View the full article
  4. Go’aan kasoo baxay Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Gaakacyo ayaa lagu amray ciidamada amnigu inay soo qabtaan gaariga noociisu uu yahay Marke II, aqoonsigiisuna yahay GG682 iyo [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilka ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ka baxsan halka falka uu ka dhacay. Dilka ayaa ka dhacay Afar irdoodka Xamarweyne, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ruux dharka Huudheyda ku iibin jiray degmada Xamarweyne, kaasi oo dadka deegaanka si weyn ay u yaqaaneen. Ruuxa la dilay ayaa meydkiisa laga qaaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo la sheegay in muddo kooban uu goobta yaalay, waxaana baxsaday kooxda falka dilka ay geysatay, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay, iyagoo haatan halkaasi ka wada baaritaano ku aadan qaabka uu falkan u dhacay. Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladaha. Dhawaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana wali jirin cid loosoo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in khamiista toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Somaliland. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in uu booqan doono magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka qayb-qaadan doono, dhagax-dhigga waddada Berbera illaa Wajaale, oo uu Madaxweyne shaaciyay in dhawaan la dhagax dhigi doono. Madaxweyne Cagjar ayaa la sheegay in uu soo wakiishay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed. Source
  7. Gaalkacyo (SMN) – War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo in ay u diyaar-garooban dhismaha golaha degaanka magaaladaasi. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhismaha golahaasi wasaaraddu ay qorsheysan 25-ka biasha soo socota ee Maarso ee sanadkan 2019-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliye ku xigeenka cusub ee AMSOM Nakibus Lakara iyo taliye ku xigeenkii hore Tai Gituai ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Taliye Lakara oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa markii labaad qabanaya xilkan, isagoo horay ugu soo shaqeeyay sanadihii 2015 iyo 2016. Musaabadda xil wareejinta ugu horreyn waxaa ka hadlay taliyaha xilka wareejinayay oo ka hadlay hormarada iyo caqabadaha haatan uu wajahayo howlgalka AMISOM ee Soomaliya . Dhankiisa taliyaha cusub oo xilka la wareegay ayaa mahadceliyay taliye Tai Gituai, waxaana uu ballan qaaday in halkiisa uu ka sii wadi doono shaqada. AMISOM ayaa waxaa haatan horyaalla qaraarka QM ee ka bixitaanka Soomaaliya sanada 2021-ka, iyadoona DFS ay isku diyaarineyso la wareegitaanka amniga dalka. View the full article
  9. Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in toogasho ay ku dileen askarigaasi, xilli uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi. Sidoo kale rasaasta ay fureen raggaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen illaa 2 Qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dableydii ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kana sameeyay baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  10. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qof kalena waa ku dhaawacmay kadib markii Dab xoogan uu ka kacay kaalin shidaal oo kutaalay degmada Burtinle [...] Source
  11. Dabkii oo la bakhtiiyay Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hal ruux ku dhintay mid kalena ku dhaaawacmay dab saaka qabsatay kaalin shidaal oo ku taalla degmadaasi. Qofka dhintay oo nin ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiweli Diiriye waxaana dhaawac culus soo gaaray aabbihiisa oo lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada. Dadka magaalada oo adeegsanaya booyado biyaa ayaa markii dambe bakhtiiyay dabkii kaalinta qabsaday inkastoo sida la sheegay ay wakhti badan ku qaadatay. Qaar kamid ah dadkii u gurmaday kaalinta Shidaal ee gubatay ayaa sheegayaa in dab-damis la’aan ka jirta degmada Buurtinle awgeed ay wakhti badan ku qaadatay in la bakhtiiyo dabka. PUNTLAND POST The post Dab ka kacay Buurtinle oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Koox Dhalinyaro Kenyan ah oo watay Bootooyinka loo yaqaan Dhug dhugleey ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ciidamada booliska ee la weeraray ayaa ku sugnaa wadada Thika ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inaysan waxyeelo kasoo gaarin ciidamada la socday gaariga bam gacmeedka lagu weeraray. Ciidamada booliska ayaa tilmaamay in la qabtay dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana isku dhac uu ka dhacay wadada Thika ee magaalada Nairobi, iyadoo xabsiga la dhigay dhalinyaro Kenyan ah oo falkaasi ka dambeeyay. Mooto ay ka carareen kooxda weerarka geysatay, Seddex Mobeyl iyo labo bambaano oo aanan qarxin ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska ee dalka Kenya, waxaana la dhigay xabsiga shan ruux. Shanta qof ee weerarka geysatay ayaa u dhashay kenya,waxaana lagu kala magacaabaa Kevin Opiyo Onyango 24, Maricus Odhiambo 30, Moses Okiri Nyarianga 21, Collins Juma Oduor 19, iyo Samwel Wanyoike Njeri oo 19 jir ah. Dhawaan ayay sheegeen inay laamaha cadaalada ku wareejin doonaan shanta ruux ee lagu qabtay howlgalka ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana wali ku socda baaritaanka xogaha looga raadinayo. Warbixinta Booliska ee la xiriirta weerarkan wali si rasmi ah uma soo bixin sidoo kale ma sheegin dhallinyaradan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Boorama ayaa waxa uu galay maalintiisii labaad, waxaana shir guddoomiyanayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Shirka ayaa waxa lagu ansixiyay 260 xubnood oo ka kooban yahay golaha dhexe ee xisbiga kuwaas oo doortay guddoomiyaha golaha dhex iyo ku-xigeenkiisa. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE: Xildhibaan Maxamuud Jaamac waxa uu helay 257 cod. Shariif Abokor Maxamed waxa uu helay 13 cod. Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha ku-xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE: Cabdi Siciid Faahiye waxa uu helay 21 cod Nasra Maxamed Cabdi waxa ay heshay 44 cod Cali Maxamed Cali waxa uu helay 200 oo cod. Shirka waxa guddoomiye golaha dhexe loogu doortay Xildhibaan Maxamuud Jaamac , halka guddoomiye ku-xigeena loogu doortay Cali Maxamed Caliyow. Shirkan oo shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u muuqday mid hore loogu soo kala baxay oo la soo calaamadiyay cidda noqonaysa hoggaanka golaha dhex. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  14. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney maanta howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan ayaa xooggiisa waxay ciidanka ka wadaan xaafadda Howlwadaag ee B/weyne, waxayna wararka sheegayaan in ciidanka dad kusoo qabteen. Howlgalkan ayaa daba socda dil shalay xaafaddaasi loogu geystay Labo wiil oo dhallinyaro ah, mid ka mid ah wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan wada kama aanay hadalka sida ay wax u socdaan, hase ahaatee magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe amni ahaan ahayd mid soo hagaageysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan dadkii ka dambeeyey dilkii shalay deegaanka Xaawo Cabdi loogu geystay dad shacab ah. Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuraha ee ciidanka Booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in geerida ay gaartay 9 qof, islamarkaana hadda ay wadaan baaritaanno xooggan. Wuxuu taliyaha sheegay in ay soo qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay, islamarkaana aan laga daba hari doonin. “Baarista si xowli ah ayeey u socotaa, waxaa halkaa loo taagan tahay in baaris looga dabatago dhagar-qabayaashii falkaasi geystay, gacantana lagu soo dhigo, natiijadana shacabka waan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Rag hubeysan ayaa shalay barqadii waxay deegaanka Xaawo Cabdi ku dileen 9 qof oo ka shaqeynayey nafaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ku wajahan yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa u tagaya degmada Godinlabe dhameynta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo labo maleeshiyaad ay ku dagaalamay sanadkii lasoo dhaafay. Deegaanka Kaxandhaale waxaa horey odayaasha dhaqanka ay u diideen inuu halkaasi tago wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay ku qanci waayeen hanaanka loo maray wadahadal siinta labada beeleed. Xubno ka tirsan maamulka Degmada Godinlabe ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka magaalada iyo deegaanka Kaxandhaale, halkaasi oo dib u heshiisiin laga dhex bilaabayo dhinacyadii ku dagaalamay. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu marar badan dhaliilay in waxyaabaha dowladda ka hergelineyso deegaanada Galmudug aanan lagala tashan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  17. Saciid C/laahi Dani, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dilka iyo kufsiga loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 sano jir ku nool magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sheegay Dani in falkaasi aad uga xunyahay, isaga oo sheegay in hay’adaha ammaanka ka rajeynayo in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii falkaasi sameeyey. “Waxaa soo badanaya dhaqamo iyo caado aad u xun, oo aad moodin in ay dib inoogu celinayaan wixii aan kasoo gudubnay, dadkii aan rabnay inaan karaameyno oo aan hormar la rabay in la gaaro, dadkii aan ku tuhmyenay iney aqoontooda iyo ilbaxnimadooda korortay…waxaa socda dhaqamo aad u xun oo naxdin leh…waxaan rajeeneynaa in dowladda tallaabo adag ka qaadi doonto cid walbo oo ku xadgudubta karaamada bini’aadamka” Caasho ayaa saacado ka maqneyd hoygooda, waxaana kadib meydkeeda lasoo dhigay bannaanka gurigooda xilli habeen ah waliba iyada oo lasoo kufsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaan sannadkan ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee shalay ka furmay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa shalay furay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu socdo laba maalmood, waxaana shirka ka qayb galaya ergo tiradoodu tahay 398 xubnood. Hase yeeshee waxaan siyaabo kala duwan uga qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE siyaasiyiin caan oo reer KULMIYE ah. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waayay xubinimadii golaha dhexe, waxaanay u badanyihiin xubno wasiiro ka ahaa xukuumadii Siilaanyo oo golaha dhexe ku soo galay kursiga wasiirnimo, halka ay siyaasiyiin kalena uga maqanyihiin sababo aan la garanayn. Siyaasiyiinta waayay xubinimada golaha dhexe ee hore ugu jiray golaha dhexe xilkii wasiirnimo ee ay hayeen waxa badankooda la siiyay xubin goob-jooge ah oo aan shirka golaha dhexe ku lahayn wax cod iyo tallo ah. Shakhsiyaadka caanka ah ee KULMIYE ka tirsan ee wejiyadooda madasha laga waayay ee aan shirka ka qayb galayn waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, Samsam Cabdi Aadan. Saddexdan xubnood oo safaro dibadda ah ku maqan ayaa si weyn loo dareemay maqnaanshahooda maadaama oo ay ololihii doorashada si weyn uga dhex muuqdeen xisbiga KULMIYE. Siyaasiyiinta kale ee xilalka wasiirnimo ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE, balse shirka Borama ku jooga xubno sharafeed, waxa ka mid ah Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Cismaan Saxardiid Cadaani, Cali Siciid Raygal iyo xubno kale. Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha shirka hadal ka jeediyay ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiinta wasiirnimada ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE ee aan maanta haysan xubinimadii golaha dhexe , waxaanu sheegay in isaga iyo Xaglatoosiye aanay sidoo kale haysan xubinimada golaha dhexe laakiin ay buuxiyeen laba jago oo ka banaanaaday golaha dhexe, waxaanu sheegay inaanay jirin siyaasiiin gaar loo faquuqayaa. Maxamuud Xaashi oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda.” Source
  19. “Waxa yidhaahdeen Anaga SNM-tii Aanu Waagii Raacnay ayaa lanagu dilayaa,Ina Awcali Kasoo bilaw, Daahir Riyaale ku dar, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya” Madaxweyne Biixi. (SLT-Hargeysa)-Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”. Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Awdal Clan), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”. “Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”. Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL. Source
  20. (SLT-Hindiya)-Diyaaradaha dagaalka ee India ayaa subaxnimadii Salaasada markii ugu horeysay duqeyn ka geystay gudaha dalka Pakistan. Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhaw xaduuda Kashmir ee dhinaca Pakistan, waxayna dowlada India sheegtay in weerarkan lala beegsaday xarun lagu tababaro kooxda Jaysh Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray militariga India ee ku sugan Kashmir. Kooxda Jaysh Maxamed ayaa ka danbeeyey weerarkii 14kii Feberaayo ka dhacay Kashmir ee lagu dilay 42 askari oo ka tirsan ciidamada India. India ayaa sheegatay inay duqeyntan ku dishay xubno kamid ah kooxda Jaysh Maxamed. Dowlada India ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegaysay inay qaadi doonto tilaabo militari iyadoo ku eedeenaysay Pakistan inay soo hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Kashmir. Jawaabta Pakistan War kasoo baxay dowlada Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ka hortageen diyaaradaha India ee hawadooda soo galay isla markaana ku khasbay diyaaradaha India inay dib ugu noqdaan dalkooda. Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaha India ay bambaano ku tuureen goob lama degaan ah ee buuraleyda labada dal u dhaxeysa, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana la shaaciyey sawiro laga soo qaaday goobta oo uu muujineysa in duqeynta India ka dhacday goob banaan. Xukuumada Islamabad ayaa sheegtay in falkan dowlada India ay dooneyso inay ka dhigato dacaayad ay doorashada ku galaan isla markaana shacabkooda ku qanciyaan inay ka jawaabeen dilkii 42dii askari ee todobaadkii hore looga dilay Kashmir. Source
  21. (SLT-Vietnam)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Vietnam, isaga oo ka qayb galaya shir uu la leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. FILE PHOTO: U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un walk after lunch at the Capella Hotel on Sentosa island in Singapore June 12, 2018. REUTERS/Jonathan Ernst/File Photo Shirkan labaad ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa dabo socda wareeggii koobaad ee taariikhiga ahaa ee sannadkii hore ka dhacay dalka Singapore. Tareenka cagaarka iyo jaalaha ka kooban ee waday Kim ayaa tagay Dong Dang, safarkii uu kaga sii aaday Hanoi wuxuu u raacay gaari. Kooxda baambayda iyo dad calamo wadhfinayo oo hareero taagan roog cas oo la goglay ayaa soo dhaweeyay. Laamaha ammaanka, masuuliyiin iyo sawir qaadeyaal ayaa dhoobnaa marka uu tareenka ka soo dagayay Kim, ka dibna gaadhi sugayay ayaa loo sii galbiyay. Kim ayaa daaqadda hoos u dajiyay muddo kooban ayuuna gacanta u luxay dadkii. Ilaalada uu caanka ku yahay ee dharka madaw ayaa ku sii sugaysay boosteejada tareenka, gaarigiisa ayaana baxay ka dib markii ay muddo kooban garab ordayeen. Waxaa loo malaynayaa in ay la socdaan walaashii Kim Yo-jong iyo Kim Yong-chol oo ah janeraal hore oo ka mid ah dadka ugu muhiimsan arrimaha wada xaajoodka. Source
  22. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad ayaa markii ugu horeysay in muddo ah safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka ay xulafada yihiin ee Iran. Bashar Al Assad ayaa la kulmay hogaamiyayaasha sare ee dowlada Iran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani. Dowlada Iran ayaa taageero militari siisay Bashar Al Assad, Iran iyo Ruushka ayaa ahaa awoodaha militari ee badbaadiyey xukuumada Assad. Militariga Iran ayaa hada saldhigyo ka sameysay gudaha dalka Siiriya oo xaduud la wadaaga Israel, arrintaasi oo Israel sheegtay inay tahay abaabul duulaan Iran dooneyso inay dhankooda kusoo qaado. Lama faah faahin waxa ay ka wada hadleen madaxda Iran iyo Bashar Al Assad hase yeeshee waxaa la filayaa in labada dhinac ka wadahadleen abaabulka xiligan ay wadaan Maraykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Wadanka Iran. Booqashada Bashar Al Assad ayaa sidoo kale kusoo beegantay xili uu si kadis ah u shaaciyey inuu xilka iska casilay Wasiirka Arrimaha dibada ee Javad Zarif. Source
  23. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ku waajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, taasoo qeyb ka ah booqashada taxanaha ah ee uu ku tagayay dalka yar ee Khaliijka. Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka Qatar Hamad bin Khalifa Al Thani, waxaana maalinta berri oo Arbaco ah ku kulmayaan qasriga Diiwaan. Wakaalada wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeya Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo arkaa Mr Yaasiin isku xidhaha dowladda Soomaaliya iyo Qatar. Safarada Madaxweynaha ayaa kordhay labadii sano ee uu xilka hayay, iyadoo todobaad gudihiisa uu galay illaa saddex safar, iyadoo la xusuusto in Madaxdii ka horeysay inuu ku dhaliili jiray safarada badan. Source
  24. (SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in uu is casilayo, ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayuuna ku baahiyay ciwaankiisa Instagram-ka. Wuxuu ka cudurdaartay shaqo ka fadhiisashadiisa. Zarif ayaa door muhiim ah ka ciyaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka ee sannadkii 2015kii, kaas oo dhex maray Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah. Balse mustaqbalka heshiiska ayaa shaki galay ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu joojiyay ku lug lahaan shihii heshiiskaas. Xil ka tagista Zarif waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka IRNA oo dawladdu leedahay, taas oo soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda. 59 jirkan ayaa wax ku soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver. Wuxuu horray u soo noqday dan jirihii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobay, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda noqday sannadkii 2013, ka dib markii xilka madaxweynenimada loo doortay madaxweyne Xasan Rawxaani, kaas oo ballan qaaday in uu dad qunyar socod ah talada ku soo biirin doono. Muxuu isu casilay Ma cadda. Qoraalka uu soo dhigay Instagram-kana wuxuu ugu mahadceliyay dadka Iiraan iyo xukuumadda, balse wax sabab ah ma uusan raacinin iscasilaaddiisa. “Waxaan raali galin ka bixinayaa in aan awoodi waayay in aan sii wado xilkayga, iyo wakhtigayga aana dhamaysan” ayuu ku soo qoray. Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Instagram ayaa ka shaqaysa Iiraan balse qaar ka mid ah baraha kale ee wawayn ayaa laga xayiray dalkaas. Ma cadda in madaxweyne Xasan Rawxaani uu aqbali doono iscasilaadda, inkastoo agaasimaha madaxtooyada uu diiday warar sheegaya in iscasilaadda laga aqbalay. Zarif ayaa cadaadis kala kulmayay qolyaha mayalka adag ee dalkiisa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iiraan, kaas oo dhigaya in Iiraan ay dhinto hawlaheeda nukliyeerka. Isniintii ayuu madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad magaalada Tehran kulan kula qaatay Ayatollah Ali Khamenei, balse dadka ka faalooda arrimahaas ayaa dareemay in Zarif uusan ka qayb galin kulankaas. Iiraan ayaa ahayd dalkii ugu taageerada badnaa dawladda Suuriya intii ay colaadaha sokeeye socdeen, marka laga soo tago dalka Ruushka, booqashada uu Tehran ku tagayna waxaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee Asad uu ku tagay tan iyo markii uu dagaalku billawday 2011. Source
  25. (SLT-Nigeria)-Madaxweyne Muxamaduu Buhari ayaa ilaa iyo hadda hogaaminaya natiijada codadka la tiriyay ee doorashada guud ee dalka Nigeria, waxa uuna ku guuleystay codadka afar ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay. Mr Buhari ayaa ku guuleystay naatijada doorashada ee laba gobol oo ku yaalla koonfuur galbeed iyo mid ka mid ah gobollada ku yaala bariga dalkaasi, halka ninka ay aadka isu hayaan ee Atiku uu ku guulesyaty natiijada caasimadda Abuja. Iyadoo natiijooyinka doorashada ay iska soo deba dhacayaan ayaa xisbiga Mr Abubakar ee People’s Democratic Party (PDP) waxa ay sheegeen in wax isdeba marin lagu sameeyay doorashada. Gudoomiyaha xisbigaasi Uche Secondus ayaa tirinta codadka ku tilmaamay “mid aan sax ahayn oo aan la aqbali karin”. Waxa uu ku andacooday inay jirtay isku dey dowladda iyo hay’addo kale ay ku doonayeen in “natiijada laga been sheego”, balse wax caddeyn ah uma hayn arrinkaasi. Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood walaac ka muujiyay dib u dhaca iyo habka farsamada ee doorashada balse ilaa iyo haatan ma ay jirto cid ka mid ah guddiga korjoogtada madaxa banaan oo sheegtay in doorashada lagu shubtay. Labada xisbi ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu la shaqeynayo guddiga doorashada ee loo soo gaabiyo (INEC) si galaangal uu ugu yeesho natiijada doorashada. Hase ahaate labadan xisbiba ma aysan soo bandhigin wax cadeyn ah oo ay ku taagerayaan sheegashadooda. Mr Buhari oo ka tirsan xisbiga All Progressives Congress (APC), ayaa mar labaad doonaya in uu qabto talada dalkaasi basle waxaa uu tartan adag kala kulmayaa Mr Abubakar. Doorashada madaxtinimada waxaa isu diiwaangeliyay 73 musharax, hasayeeshee ololaheeda waxaa ku gacansarreeyay Madaxweyne Muxamaduu Buhari oo 76-jir ah, iyo ninka ay aadka isku hayaan, Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Atiku Abubakar, oo 72-jir ah. Mr Buhari ayaa sheegaya inuu dhidibo adag u taagay sidii barwaaqo lagu gaari lahaa, hasayeeshee ninka ay is-hayaan ayaa sheegaya in Nigeria aanay howlba ka socon. Labada ninba waxa ay ka soo jeedaan waqooyiga dalka halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Halka labadooduba ay ku jiraan da’da 70-tameeyada, ayaa in ka badan kala bar 84 milyan ee isu diiwaangelisay doorashada Nigeria ay da’doodu ka hoosayso 35 sanadood. Tirada codbixiyayaasha goobaha codeynta iyo musharaxiinta .84 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in doorashada ay ka qayb qaataan. .51% ka mid ah codbixiyayaashan ayaa waxay da’dooda ka hooseysaa 35 .Waxaa doorashada ka qayb qaadanaya 73 musharax madaxwayne .Waxa ay dadka codadkooda ka dhiiban doonaan 120,000 ah goobaha codeynta Source