Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,554
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xubno Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Su’aalo Kulul Oo Cabasho Ah Waydiiyay Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Dab goor-dhawaydka ka kacay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, ayaa sababay inuu shuf beelo xafiiskii waaxda is gaadhsiinta ee wasaaradaas, sida waxa sheegay taliyaha ciidanka dab-demiska qaranka sareeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili, hawl-kii ay dabkaas ku bakhtiinayeen ka dib u waramaayay telefishanka qaranka. Taliyuhu wuxuu sheegay shufbeelida xafiisyadaas ay keentay goobtaas oo xidhnayd. Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in qiiqii goobtaas ka baxaayay ay keentay ay adkaato in gudaha loo galo dhismaha. Sareeye guuto Maxamed Axmed Sawaaxil, waxa uu sheegay in ciidanka dab-demisku ku guulaysteen xakamaynta dabkaas, si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee wasaaradda. Xaruntan ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee gubatay ayaa dhawaan xadhiga laga jaray, iyadoo loogu talo-galay in lagula socdo warbaahintu waxay ka faafiso Somaliland. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi oo si gaar ah ugu weeraray gobollada Bariga Somaliland, waxa kale oo ka hadlay muran arrimaha saami-qaybsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay qorala sawirro watay uu soo dhigay bartiisa facebook. Sawirka ayaa waxaa ka muuqda kalluumeysato kalluun aad u culus, halka Beyle uu dhinac taagan yahay, oo uu isku sawirayo, isaga aan dareemin culeeska iyo dhibka haysta. Beyle ayaa ku yiri qoraalka “Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah? Waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta. kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin. Bal qiyaas imisa faa’iido ah ayaan ka heli karnaa xabadaan #KALUUNKA ah.” Soomaali ka carrootay on Beyle isku sawiro dad sida culees intaas le’eg ayaa jawaabo kulul u diray waxaana ka mid ahaa:- Moha Bashie: Nin culees wadaa mid dhergan igu sawir, war dhulka dhig dheh, markaas isku sawir Samiir Osman: Mana iibsaneysid, haddii dadkan wax badan laga iibsadana canshuurta keena baad lasoo carareysaaa. Suldaanka Muqdisho: Igu sawirta iska dhaf, inta suit soo xiratay, dadka culayska wada ee nolol maalmeedkooda raadinaya aad dhahayso wa isku kiin sawirayaa, ii jooga damir laawe. Abdalla Mohamed Jeilani: Maskiinka culees aa saaran, adneh waa isku sawireesa. Igu sawirta xita qurxi oo dhinac malayga ka qabo qeyr Allaha ku siiye. Liibaan Cartan Xuseen: War gaajo lahayne, qof muwaadin ah oo duruufaysan baad bacad joojinaysaa, si aad sawiro ula gasho, masuulku waa ninkii dareemi kara ee u damqan kara bulshadiisa, wasiir caqligu haku shaqeeyo Abdirashiid Mohamed Hussein: Waxaa wax laga xumaado ah in qof intaa culees ah sida adigo ka damqaneen daruufta iyo culeeska uu sidaba aad isku sawirto. Abdullahi Mohamoud Ali: Wallaahi waxaa ceeb ah adoo masuul ah, in xataa u quuri wayay in dhulka dhigo kadibna la galo sawir, laakiin ma ahayn aoso culeys sido in sawir lala galo. Abdullahi Yusuf Mohamed: Kuluun miyaa, haa, igu sawir, waxaa kasii caqli xun kan kugu fiirsaday oo kugu sawiray qof maskiin ah oo culees dul saaran yahay. Qays Hanad Togdheer: Tuuug bilaa damiir ah, masaakiin culays xamaalaysa ayuu bacaadka isku hor taagayaa, si uu isugu sawiro.
  5. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ugu baxay dalka Qatar, halkaasi oo madaxda dalkaas uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii dowladda dalkaas ay u caawin lahayd dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa ah saaxiibka koowaad iyo dowladda taageerada ugu muhiimsan siisa dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya waa mid u baahan in la is-weydiiyo. Qatar ma waxay caawineysaa shacabka Soomaaliyeed iyo hurumarka dalka, mise waxay caawineysaa madaxda dowladda Soomaaliya, ayada oo ku fushaneysa dano siyaasadeed oo kaliya. Marka aad eegto, waxaa cad in Qatar aysan marnaba u muuqan mid garab taagan shacabka iyo horumarka Soomaaliya, balse ay garab siineyso shaqsiyaad xukunka ku fadhiya, ayada oo dano ku fushaneysa. Dowladda Qatar oo cadaadis xooggan kala kulantay waddamada jaarka la ah, ayaa Soomaaliya u sameysay ballan-qaadyo badan, hase yeeshee illaa hadda kama aysan dhabeyn marka laga reebo lacagta kaashka ah ee ku dhacda jeebka madaxda dalka. Dhammaan mashaariicda Qatar ee Soomaaliya waa kuwa ku kooban afka kaliya, ama marka ay ugu wanaagsan tahay ku eg dhagax-dhigis aanay dhismooyin xigin. Waxaa in la is-weydiiyo mudan haddii Qatar ay dooneyso horumarka Soomaaliya, maxaysan sidan Turkiga oo kale u sameyn taageero ku dhisan horumarinta shacabka. 1 – Maxaan loo arag dowladda Qatar oo waxbarasho bilaash ah ama mixnado jaamacadeed siineysa ardayda Soomaaliya, sida Turkiga oo kale. 2 – Maxaan loo arag, Qatar oo isbitaallo ka dhiseysa Soomaaliya, ama adeegyo caafimaad u fulinaysa dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah, sida Turkiga oo kale. 3 – Maxaan loo arag Qatar oo tababar dalkeeda ugu qaadeysa, ama gudaha dalka ku siineysa ciidamada Soomaaliya, ama xitaa bixineysa mushaharaadkooda, sida Turkiga oo kale. 4 – Maxaan loo arag Iskuulo waxabarsho oo Qatar ay dhisto ama ay maal-geliso oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, sida Turkiga oo kale. Waa tan sababta Turkiga loo arko dad ay daacad ka tahay taageeridda Soomaaliya, balse Qatar iyo Imaaraadka u yihiin daneystayaal saaxiib la ah siyaasiyiin ay dantooda ku fushadaan, oo aan waxba u hayn shacabka Soomaaliya. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Tareedisho. Ugu yaraan illaa 4 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaas oo isugu jiray sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Indho-Ceel, labo askari oo ilaalo u aheyd iyo qof shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya, balse dhacdadan ayaa ka mid noqoneysa falal amni darro oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir. Waxaa diirada lagu saarayaa sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah noloshooda, loona daadajin lahaa maamulka. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in u jeedka madashaan loo dhisay ay tahay Horumarinta golayaasha deegaanka, Hirgalinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha Barakacayaasha. Wasiirka ayaa ayaa sidoo kale tilmaamy in degmooyinka ay sal dhig u yihiin in helo dhab u heshiin waarta iyo xal Waara oo loo helo dhibaatooyinka haysta dadka Barakacayaasha ah, isagoo sidoo kale sheegay in laga doodayo Dajinta qorshaha xasilinta deegaanada la xureeyay. Wasiirada dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa bogaadiyay rajana ka.muujiyay natiijada ka soo bixi doonto. Shirka madasha Wadajir waxaa uu soconayaa 3 maalmood waana kii 12aad, waxaana la filaya in lagu dajiyo qorshaha xasilinta iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dalka ee lagu howl galayo sadaxda bil ee soo socoto. View the full article
  8. Hordhac Ururro ka tirsan Dallada Bulshada rayid ka ah ee PUNSAA ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26/02/2019 shir isugu yimid xafiiska dalladda PUNSAA waxayna aad uga doodeen [...] Source
  9. Baarlamaanka Puntland ayaa kulan degdeg ah maanta ka yeeshay arrinta gabar 12 sano jir ah oo inta la kufsaday hadane lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Xildhibaannada qaar oo hadlay waxay sheegeen in loo baahan yahay si degdeg ah cadaaladda in la waafajiyo raggaasi. Waxay tilmaameen xildhibaannadan in falkan uu yahay mid aan indhaha laga daboolan karin, una baahan waxqabasho degdeg ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Baarlamaanka-Puntland.mp3 Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – General C/laahi Xasan Bariise taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay falkii shalay lagu laayay dad ka shaqeynayay olole nadaafadeed oo lagu dilay inta u dhexeysa Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho. Generaal Bariise ayaa sheegay in dadkaasi oo gaarayay illaa 9 ruux ay u shaqeynayeen mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, islamarkaana ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay falkaasi. Shalay ayey aheyd markii rag hubeysan oo watay gaari ay toogasho ku dileen dadkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. View the full article
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay, guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa, isbarsho guud oo dhex martay madaxweynaha iyo guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo dhismaha jidkaasi laamiga ah. Sheikh Maxmuud Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa ka warbixiyay muhiimadda uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray madaxweyne Deni iyo guddiga uu hoggaaminayo Sheikh Maxamuud. “Waxa uu ku saabsanaa guud ahaan is xog wareysi, guddigu in uu fursad u helo oo ay madaxweynaha uga waramaan wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo sida ay marka hore ku bilaabatay, hada meesha ay marayso shaqadeedu sida ay u socoto, muuhiimmadda koowaad ee maanta laga lahaa waa sidaas, guddigu waxa ay madaxweynaha uga warameen wadada shaqadeedu sida ay u socoto, dhaqaalaha wadada soo galay iyo Meesha ay wax marayaan ayey ka warameen’’ ayuu yiri Sheikh Maxamuud. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo isna la hadlay guddiga, ayaa kulanka ka ballan qaaday, in uu dhamaystiri doono wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo dhammaan mashaariicda wadanka hurumarkiisa ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ballan qaaday dhamaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. “Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac Source: goobjoog.com
  13. Rag hubeysan ayaa degmada X/weyne ee gobolka Banaadir ku dilay nin oday ah oo ka mid ah ganacsatada suuqa degmadaasi. Sida ay dad goob joogayaal ah inoo sheegeen, ninkan la dilay ayaa halkaasi ku iibin jiray dharka loo yaqaan hudheyda, waxaana dilay dhallinayaro bistoolado ku hubeysan. Raggii wax dilay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo howlgallo sameeyey. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ah mid kasii daraya, waxaana dhacay dilal sidan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Burtinle (SMN) – Wararka aan ka heleyno degmada Burtinle oo ku taal koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in uu dab kakacay kaalin shidaal ku geeriyooday wiil lagu magacaabi jray C/weli Diiriye, Aabihiisna uu dhaawac ka soo gaaray. Dabkan oo ku fiday ganacsiyo kale ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in uu sababay khasaaro hantiyeed. Samsam Saciid Jaamac oo ka mid ah dadkadeegaanka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho uga warrantay dabkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-soofa.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Taageerada QM ee Somalia ee UNSOS ayaa cabasho u gudbiyey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaga oo sheegay in beegsi ula kac ah iyo dhibaateyn lagu hayo shaqaalaha howl-galka QM ee Soomaaliya ee UNSOM. Warqad loo diray wasaaradda, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa UNSOS waxa ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xadgudubyo joogto ah ku hayso heshiiska howl-galka QM iyo Soomaaliya ee loo yaqaan SOMA. QM ayaa ashtako ka muujisay in kulamo dhowr ah oo la doonayo inay isugu soo dhowaadaan labada dhinac islamarkaana wada-shaqeyn wanaagsan ku yeeshaan oo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo madaxa USOS Lisa Filipetto aysan wax miro-dhal ah sameyn, islamarkaana ay soo baxayaan dhibaatooyin sii xoogeysanaya oo lagu hayo shaqaalaha QM ee Soomaaliya. Warqadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha QM ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin la xiriira xagga socdaalka iyo canshuurta oo si joogto ah loogu gaysto, kuwaas oo ay tahay inaysan marin, sida ku cad heshiiska UNSOS. Waxyaabaha QM ay ka cabaneyso ayaa waxaa ka mid ah in shuruudo lagu xiro aqoonsiga dokumentiga safarka QM ee loo yaqaan United Nations laissez-passer (UNLP), iyo in shaqaalaha aan haysan UNLP ee Soomaaliya imanaya loo diido dal-ku-galka. QM waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaheeda loo diido fiisooyinka u ogolaanaya inay dhowr mar dalka soo galaan kana baxaan (Multiple Entry). Warqadda ayaa wxaa sidoo kale lagu sheegay in si joogto ah shaqaalaha QM loo weydiiyo canshuur laga qaado dakhliga soo gala, taasi oo ka reeban shaqaalaha caalamiga ah, sida ay sheegtay QM iyo ganaaxyo lacageed oo culus oo la dul-saaray shaqaalaha kasoo daaha inay cusbooneysiiyaan kaarka fasaxa shaqada Soomaaliya (Work Permit). Canshuuro la dul-saaro alaabahaa QM ee loo sido dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale qeyb ka ah cabashada QM. Dhammaan cadaadisyadan, ayay sheegtay QM, inay ka dhashaan in shaqaalaheeda iyo qandaraaslyadaasha la shaqeeya lagu xanibo ama muddo kooban ay xabsi ku galaan garoonka diyaaradaaa Muqdisho. Warqadda ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan uu baraitana ku sameeyo, kalana hadlo hay’adaha iyo wasaraadaha ku lugta leh. Cabashada QM ayaa imanaysa ayada xiriirka labada dhinac uu aad u xumaaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay 1-dii Janaayo ee sanadkan Soomaaliya ka cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Hoos ka aqriso warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madax ka socotay mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins. Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo degaannada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan Isla’markaana waddooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodoba ay kamid yihiin dardar-gelinta & dhammaystirka maamul-daadejinta baahinta mashruuca si loo gaarsiiyo dhammaan degmooyinka Puntland iyo soo dhammaystirka doorashada gollayaasha degaanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtootada Puntland. PUNTLAND POST “ The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay madaxda mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
  17. Gaalkacyo (SMN) – Kadib warqad ka soo baxday maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ayaa lagu amray in ciidanka amniga ay soo qabtaan Yaasir Aadan Cali oo ah eedeysane loo heysto dilkii arxan darada ahaa ee loo geystay Caas’isho Ilyaas Aadan. Sidoo kale maxkamadda ayaa amar ku bixisay in la soo qabto gaari lagu tuhmayo in Marxuumadda lagu keenay, kadib markii la soo dilay. Dhacdadan oo aheyd mid xanuun badan ayaa reebtay dareen murugo leh, kadib markii dil iyo kusfi la’iskugu daray gabadhaasi yar oo 12 jir aheyd. Hakan hoose ka akhriso:- View the full article
  18. Baladweyne (SMN) – Dhame C/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Baladweyne ayaa ka warbixiyay isku day dil ah oo la doonayay in lagu khaarijiyo wiil 10 jir ah oo ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sarkaalkan ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaana uu tilmaamay in ay ka war heleen dhaawac halis ah oo wilkaasi ka soo gaaray isku day la doonayay in qoorta looga gooyo. Sidoo kale taliye Carab ayaa intaasi ku daray in shaqsigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta ka baxsaday, balse ay ku raadjoogaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli saacadihii la soo dhaafay dhacdooyin dilal ah ay ka dhaceen xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi Baladweyne. View the full article
  19. Ardayda dugsiga Gambool Boqollaal kamid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa duhurnimadii maanta muddaharaaad ka dhigay barxadda weyn ee caasimadda Garoowe. Ardayda ayaa muddaharaadka ku dalbanaysay in ay caddaalad hesho Caa’isha Ilyaas oo si waxashnimo ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Caa’isha oo da’deedu ahayd 12 sano jir ayaa dhiganaysay dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna fasalka lixaad. Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug Puntland oo maanta booqday dugsiga Salaama ayaa fasalkii gabadha la dilay ka tirsaneyd u bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustaqbalka. PUNTLAND POST The post Garoowe: Ardayda Gambool oo dalbanaya in Caa’isha ay caddaalad hesho appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku maadeystay wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kasoo muuqday sawir uu la galay ruux Kaluun badda kasoo dabtay. Xildhibaan Mahad ayaa soo dhigay bartiisa Facebook sawirka iyo qoraal kooban oo uu ku sheegay in wasiirka aysan u muuqan culeeska saaran ruuxa Kaluunka weyn kasoo helay badda. Wuxuu sheegay in kaliya uu damacsanaa inuu sawir la galo, dad kale ayaa sawirkaan siyaabooyin kale uga fal celiyay. Qaarkood ayaa si kaftana u sheegayay in wasiirka uu lacagta canshuurta ka doonayay ruuxa Kaluunka watay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com