-
Content Count
207,554 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh Cabdilaahi iyo jaamacii cawdu ma u duushay , Ma cadaanibaa meel cid la ah keligii caatoobay , Cali gurey miyaan lagguba darin , golihii ceegaagay , Cabdi Cali miyaa yaaban iyo culimadii raacdey , Ma geelii Jamaal soo culaa , caano lagga waayey , Ina samatar saw yurub carceer cidhif ma waydaaran , Cagategey miyaan kaysar iyo cararin koox raacday , Cabdi dheere saw bariitantii caawa kuma laaban , Saw cali mareexaan kubkiyo bawdo kama ciirin , Cukusiyo xagee bay qabteen cududihii muuqday ? Inta carartay intii caymadiyo hebelo caatoobay , in cadhootay intii cabatay iyo qaar afkuba ciiley , inta caymadaa ugu darayd camal daraadiiye , Kuwo xamar qabtiyo saw xagaa kooxi uma ciirin , Axmed kayse saw qaar carjabay caasha kuma qaadan . Cilmi buu aduunyadda baraa , caana waligiiye , Casharadiisu waa wada xidhiid caynsanoo dhigane , Iskeersaa cilmiga kuugu filan cugashadiisiiye , Nin cibaaradiisii ogaa caarif wuu yahaye , nin kastoo kulmiye caashaqaa cabasho dayn waaye , Ma col soo hungoobiyo kunbaa ciida hoganaaya . Qaran News
-
Qaran News
-
Warar ay shabakada Qaran news ka heshay ilo wareedyo mihiim ah ayaa xaqiijinaa in mudooyinka dhow ee fooda inagu soo haya ay Dalka ku soo waajahanyihiin wafuud kala gadisan oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa, Yurub, Maraykanka iyo Ruushka. Waftiyadani ayaa wararku sheegayaan in mid kastaaba uu gaarkiisa u socdo oo aanu midna ka kale ka warqabin. Waftiga laga yaabo in uu ugu soo horeeyo in uu Dalka yimaado ayaa lagu wadaa in uu noqdo wafti balaadhan oo ka socda dalka Itoobiya waftigaasi oo heer fadaraal ah ayaa wararku xaqiijinaa in waftigaasi uu socdaalkoodu ku wehelin doono madaxweynaha maamul goboleedka Somalida Itoobiya. Waftigan Itoobiyaanka ah oo la filaayo in ay Dalka yimaadaan todobaadkani ayaa booqasho indho indhayn ah ku tagi doona dekada magaalada Berbera oo ay dawlada Itoobiya isha ku hayso sidii ay mudooyinka dhow u isticmaali lahayd. Qaran News
-
Muse Biixi Iyo Saylici Oo Si weyn Iskugu Khilaafsan Ciidamo Hubaysan oo is horfadhiya & Xiisada ka aloosan Awdal+Muuse Biixi oo Saylaci qadiyadaa ku xidhiidhiyey Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”. Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Awdal Clan), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”. “Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”. Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL. Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si xun loo maamulay, taasi oo keentay in gebi ahaanba la joojiyo. Sida uu ogaaday barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, mashaariic ku kacayey $6.6 milyan oo dollar ayaan hirgelin ilaa haatan, in ka badan 5 sano kadib markii la bilaabay. Galka Baarista waxa kale oo uu ogaaday in mashaariicda la musuqmaasuqay ee OIC ay qayb ka ahaayeen barnaamijyada horumarinta Soomaaliya oo ay maalgeliyeen hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga kuwaasi oo bixiyey $72 milyan oo dollar, si mashaariicdaas oo lahaa saddex weji looga hirgeliyo Soomaaliya. Baaritaan gudaha ah oo uu sameeyey OIC waxaa eedaymo loo jeediyey Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya Maxamed Iidle Sabriye iyo Madaxii Arirmaha Bani’aadminnimada ee OIC oo fadhigiisu yahay Jeddah Rami Inshasi. Labadaasi sarkaal ayaa midna la cayriyey kan kalana shaqadii laga wareejiyey. OIC waxay qirteen in mashaariicdooda Soomaaliya si xun loo maamulay, waxayse sheegeen inay isbeddello ku samaynayaan xafiiskooda Soomaaliya, si loo saxo qaladaadkii dhacay. Barnaamijkan waxaa diyaariyey Haaruun Macruuf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/6f7f3fde-84c7-47c7-a794-0aea92fb055c_48k.mp3Caasimada Onlkine Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kiiska Dacwadda weerarkii DUSIT D2 ee Nairobi ka dhacay bartamihii Janaayo ee sanadkan oo Al Shabaab ka fuliyeen hotelka Dusit ayaa soo galay agaasimaha Bangiga Diamond Trust Bank (DTB). Agaasimaha iyo Bangiga ayaa loo heystaa Kiis la xiriira in kooxda weerarka fulisay ay lacago isku dhaafsadeen Bangiga waxaana dacwadda kusoo oogay dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuraddiin Xaaji. Nuuridiin Xaaji oo la kulmay guddiga cadaalada ee baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in agaasimaha loo heysto sababta aysan usoo gudbin dhaqaalaha tirada badan ee kooxda weerarka fulisay u dirsadeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Dacwad oogaha ayaa sidoo kale Bangiga ku eedeeyay in ciidanka amaanka aysan ka helin Kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u dooba si loo ogaado dadka lacagta ka bixiyay Bangiga. Waxaa uu difaacay go’aanka Bangiga dhexe uu ku soo rogay Bangiyada kale oo sheegaya in wax ka badan Hal Milyan oo shilinka Kenya ah aan mar qura laga bixin karin Bangiga. Weerarka ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ayaa sababay dhimashada 21 ruux oo Somali iyo ajaaniib kale ay ku jiraan sida dowladda Kenya ay sheegtay balse Al Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarka. Baaritaanka kiiska weerarkaasi ayaa soo galay Soomaali badan waxaana loo xiray dad badan oo hadda baaritaano ay ku socdaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Facebook-ga qabsatay warar been abuur ah, oo lala xiriiyay kiiskii foosha xumaa ee Gaalkacyo loogu geystay Caasha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd. Sawiro iyo magacyo rag, oo la leeyahay waxay ku lug la haayeen kiiskii Caasha ee Gaalkacyo ayaa aad u mushaaxay baraha bulshadu ku xiriirto, waxaana been abuurkaas rumaystay dad badan oo la sii wadaagay asxaabtooda. Raga sawiradooda iyo magacyadooda lagu baahiyay baraha bulshada ayaa PUNTLAND POST ogaatay in ay kala joogaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa. Maxamed Maxamuud Afjar (Kabo-qolof) oo mar soo noqday Guddoomiye ku xigeen degmada Gaalkacyo, horey uga mid ahaa bahda cayaaraha gobolka Mudug, ayaa kamid ahaa ragii sawiradooda iyo magacyadooda lagu faafiyay baraha bulshada. Kabo-qolof Maxamed Maxamuud Afjar oo hadda ku sugan magaalada Garowe, ayaa xiiriir uu la soo sameeyay warbaahinta PUNTLAND POST uga waramay arrintan, wuxuuna sheegay in ahayd arrin uu aad ula yaabay. Wuxuu sheegay in cidii ka dambeysay arrintan ay tahay mid marin habaabinaysa umada isagana cirdigiisa iyo sharaftiisa wax u dhamaysa, wuxuuna tasi u diray qoyskii iyo qaraabadii marxuumad Caasha Ilyaas. Raga kale ee been buurka loogu faafiyay baraha bulshada ayaa sida aan ogaanay ku kala nool qaaradaha Afrika, Yurub iyo Ameerika. Dad badan oo isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa rumaysta wararka been abuurka ah ee lala wadaago, sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa soo tabiya macluumaad aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu faafiyo Facebook-ga iyo Twitter-ga. Shirkadaha baraha bulshada ayaa ku guuldareystay in ay sameeyaan siyaasad lagu xakameynayo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo barahooda. Dhanka kale masuuliyiinya gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ilaa afar qof u qabteen kiiska Caasha Ilyaas, uuna wali socdo baaritaan, waxayna sheegeen in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato falkaas. Marxuumad Caasha Ilyaas ayaa maalin ka hor kufsi iyo dil loogu heystay Gaalkacyo, waxaana falkaas arxandarada ah ka carooday dad badan oo reer Puntland ah, kuwaas oo dalbaday in caddaalad loogu hiiliyo Caasha. PUNTLAND POST The post Wararka been abuurka ah ee baraha bulshada iyo kiiskii Caasha appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay, askari ka tirsanaa Booliiska dowladda Puntland oo magaciisa lagu sheegay, Shucayb Cismaan Caluula. Askariga ayaa lagu dilay nawaaxiga isgoyska Gaaca ee bartamaha Boosaaso, waxaana lagu dhex dilay, mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada oo uu saarnaa, kadib markii qof kursiga ka dambeeya fadhiyay uu madaxa rasaas kala dhacay, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso, oo warbaahinta Puntland Post wax ka weydiisay in cid loo qabtay dilka? ayaa sheegay in ay jiraa dad loo qabtay islamarkaana dib ay ka faahfaahin doonaan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay, mas’uuliyadda dilka loo geystay askariga, ha’yeeshee kooxaha argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ayaa looga bartay falalka noocan oo kale. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-26022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere, ayaa dhaliyey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay, halka laba qof oo kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan, iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii ka dambeeyay falkaasi . Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay degaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen dadka degaanka Saddex Askari ee dhimatay mid ka mid ah ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan ka Ciidanka xoogga. Ciidankaan ayaa gaari ay saarnaayeen waxaa halaleey Miino dhulka lagu Aasay xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho. Waxaa Qaraxa sidoo kale ku dhintay Wiil arday ahaa oo ka yimid iskuulka lana kulmay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxa uu dab xoogani ka kacay oo shuf beelay xafiiska isgaadhsiinta qaranka oo hoos timaada wasaarada warfaafinta siiba idaacada iyo Telefeeshinka qaranka ee ku hadla afka xukumadda Somaliland, dabkaasi kacay oo xooganaa waxa uu baabiiyay dhamaan agabkii halkaasi yaalay oo u badnaa qalabka wax lagu duubo, computaro iyo qalab aad u baaxad leh oo wax lagu duubo iyo sidoo kale qaybo lagu xafido waxyaabaha ay warbaahinta madax banaani baahiso maalin walba. Xafiiskani oo ay ku baxday lacag aad u tiro badani waxa samyntiisa iyo fikirkiisaba lahaa wasiirka warfaafinta Guribarwaaqo, waana qayb ka mid ah dabagalka warbaahinta madax banaan ee aan taageerin xukumadda si loo helo qalad ay maalin galaan oo lagu maxkmadeeyo ama dacwad loogu soo oogo. Lama garnaayo waxa dabkani kaciyay ilaa hadana wasaarada warfaafintu kama ay hadlin khasaarahani ku habsaday qaybtaasi shuf beeshay oo loo samystay cabdhunta saxaafada xorta ah Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Maryekanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in duqeyn cusub ay 25-kii bishaan ka geysteen gobolka Hiiraan. Weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Shabeelley ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku tababari jirtay dagaalyahano. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka AFRICOM, 20 ka tirsanaa Shabaab ayaa howlgalkaasi lagu dilay. AFRICOM ayaa ku adkeysatay in howlgalkaasi ay fuliyeen uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Illaa iyo haatan Ma jirto jawaab ay Al-Shabaab ka bixisay sheegashada dowladda Mareykanka. Maalmihii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha uu Al-Shabaab kula beegsanayo Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Doxa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaadhay magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qatar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo bishan oo kaliya 10 maalmood oo ka mid ah ayuu dalka Soomaaliya ku sugnaa, halka inta kale uu safaro dibadda ugu maqnaa. Waxaa uu muddo laba toddobaad ah u safray shan dal oo afar ka mid ah ay ku yaallaan Afrika, kuwaasoo kala ah; Itoobiya oo uu Shirkii Midowga Afrika kaga soo qeybgalay, Burundi, Jabuuti iyo Masar oo uu kula soo kulmay madaxweynayaashooda. Source
-
waxay ahayd goor ay ilyartu is qabatay,madaxweynaha somaliland u anbabaxay aagga iyo galbeedka,isagoo gobolka cagaaran kala kulmay caleemo qoyan oo dadweynaha reer gebiiley kusoo dhaweeyeen xaggaa. waxay ahayd goor galbeedka somaliland u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxweyne la doortay si magaalo madaxda boorama uu uga qayb gallo shirweynihii xisbigii xaakimka ahaa ee kulmiye, boorama oo ah hooyada somaliland,isla markaasina ah meel aqoontu taalo ayaa madaxweynaha ugu sacab tumay haddalo nuxur leh oo uu shirkaa ka jeediyay mr biixi. boorame oo ah meel barakaysan isla markaasina gundhig u ah qaranimadii saddex iyo sagaashankii lagu doortay ruug cadaa weyn oo alla usoo diray umadda mr cigaal. runtii kulmiye waa u sharaf inay shirweynaha ku qabsadaan boorame annigoo axsaabta kalana ugu baaqayaa shirweynnayaashi inay ku qabsadaan sida boorame laascanoodd taleex iyo saylac. kulmiye wuxuu jeexay dariiq wanaagsan oo aan looga horreyn,xisbiga waddani iyo ucidna waxaan u rejaynayaa inay sidaas oo kale u sameeyaan shirweynayaashooda.mr biixi waxa uu u hadlay si macquula haddaladiisa waxa ka buuxay xikmad iyo haddalo culus hamse riiraash hamseriraash@hotmail.com Source
-
Sanadkii 1978 dii ayaa Kornayl Abdilahi Yusuf u talaabay dhinaca Ethopia kadib markii uu dhicisoobay Inqilaabkii Isla sanadkaas ay isku dayeen isaga iyo Korneyl Cirro oo ay isku beel ahaayeen, iyo saraakiil kale oo wehelisay oo rabay inay inqilaab talada dalka kagala wareegaan General Barre, waxaana fashilka afgembigaas kadib la toogtay Korneyl Cirro iyo lix iyo toban qof oo kale oo isku-daygaas Afgembi loo tirinayay, halka Korneylkuna u cararay dhinaca Ethopia oo uu kaga dhawaaqay jabhadii ugu horaysay ee halgan hubaysan kala hortagta Dawladii uu hogaamiyaha ka ahaa Generaal Siyaad Barre, saldhigii jabhadani wuxuu noqday Gudaha Ethopia, iyagoo saanad, sahay iyo tababaraba ka helay Dawladdii Ethopia ka talinaysay xiligaas, oo uu Hogaamiye ka ahaa Korneyl Mingiste Haile Mariam, oo hogaanka General Barre ugu ciilqabay dagaalkii 77 ay Soomaalidu ku qaaday dawladii uu hogaaminayay Korneyl Mingiste oo xiligaas cusbayd, hogaankana haysay labo sanadood oo qudha markii gulufka colaadeed qabsaday. Sida ay markii danbe kuwada andoocanayeen jabhadii gadaashood asaasmay ee SNM, USC, iyo SPM, jabhadan SSDF ee uu hogaamiyaha ka ahaa Korneyl Abdilaahi Yusuf, waxaa saldhig u ahaa dooda halgankooda inay rabaan inay Soomaaliya ka xoreeyaan eexda, qaraabiilka, caddaalad darradda iyo musuqmaasuqa uu dalka ku xukumayay keligii taliye Siyaad Barre, ciidamo beeleedyo ayaa kornaylku ka ururiyay deegaamadii uu kazoo jeeday si xoog ciidan oo jabhadda cusub u dagaalama looga dhigto, halka ay waxoogaa saraakiil iyo ciidamo ah oo beesha kornaylka kazoo jeeday ay iyaguna ka goosteen ciidamadii Soomaliya, xoojin ahaana ugu biireen jabhadii kornayl Abdilahi Yusuf ka aasaasay gudaha Ethopia, kuwaasoo weeraro u badnaa ku-dhufo-oo- ka dhaqaaq ku eekaysiiyay Ciidamadii Daacadda u ahaa General Barre ee goboladda dhexe ku sugnaa. Nasiib Darrose, jawaabta ay weeraradaas ka bixiyeen Generaal Barre iyo ciidamadiisii daacadda u ahaa may noqon mid lagu abaaro unugyadii jabhadeed ee weerarka ahaa oo keli ahe, ee waxay noqotay in cagta la mariyo dad iyo duunyaba ciddii loo arkayay inay taageero muuqata iyo mid qarsoonba u hayso jabahadda SSDF,tanina waxay keentay Geerida, dhaawaca, Kufsiga, Barakaca iyo dhaca kumanaan qoys oo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo dhiigoodii lagu xalaashaday magaca qarankii difaaci lahaa sharaftooda, maalkooda, iyo naaftoodaba. Dhibaatadda iyo daranyadda dadkaas shacabka ku dhacaysayna waxaa xanuunkeeda la ilmeynayay ciddii ay ku dhacaysay oo qudha, mana jirin Goboladii kale ee Soomaaliya meel looga ooyay, ama looga mudaharaaday sababtay doontaba ha noqotee, nin aanan magaciisa hadda haynin oo abwaan reer Mudug kazoo jeeday ahaa ayaa ku calaacalay Maanso ay tixdani dhextaal u ahayd: MUQDISHA IYO HARGEYSAAY SUN BAAD MALAFSANAYSAANE, ANNANA NALA MADHI IDINNA WAAD SII MAR-FURATEENE, Abwaan Mahamed Ibraahim warsame (Haadraawi) oo isna tacadiga mudug ku dhacayay dareenkiisa ku cabirayay ayaa ka tiriyay Maanso uu tuducani ka mid yahay: HUBKA MUDUG KU TALAX TEGAY, ALLEYLEHE HUBSIIMIYO HAKIS BUU U BAAHNAA, HAWSARYHAOW GURXAMAYAA, CAKU HALALACDAADEE WAXAAD KALA HUFAYSAA, KALA HAADINAYSAA MA HILBAHAYGIIBAA. la soco, qormadda 4 aad, Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (HUssein-laki) Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Dooxa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Booqashadaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay kamid yihiin; Wasiirada Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jaamac. View the full article
-
Qofkasta oo bali aadan ahi waxa uu nolosha ku leeyahay kaalin muhiima dhinac kasta, illaalinta diintiisa, naftiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisaba, hadaba waxan isku dayayaa inaan si qoto dheer u sharaxo kaalinta dhalinyaradu ku leedahay bulshadeenan. Dhalinyaradu waa meesha kaliya laga qaato miqyaaska jiritaanka umadeed, hadii umadaasi dhalinyaradeedu tahay kuwa buuxiyay kaalintii looga baahna bulshadooda, oo ay dhalinyaradasi noqdaan kuwa u fakira dhinaca fiican iyo horumarka, illaalinta diindooda, dhaqankooda, dadnimadooda, jiritaankooda, ka qayb qaadashada technologiyada iyo tartanka wax barasho waxaa layidhaa umadaasi jiritaankeeda iyo mustaqabalkeedu waa mid rajo fiican leh. Dhalinyarada iyo mustaqbal ka ummad kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso dhaqankeeda iyo jiritaankeedaba, hadayna taasi jirina waxaa suuro-gal ah walibana hubaal ah, in ay noqoto umad habawsan oo halaysan kuna dhex milanta si fudud umadaha kale, dhalinyarada ayaa laga miisaamaa umada jiritaankeeda iyo hoogeeda. Haday dhalinyarda iyo ardaydu ay yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tarminaya hadafkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin, qadarinaya aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin waxa lahubaa in ay horumar gaadhayaan, buuxinayaana kaalintii looga baahna. Hadiise ay xiiseeyaan dhaqanada aan bulshadooda u fiicnayn iyo diintoodaba, sida qaadka iyo sigaarka, qabyaalada, ku dayashada dhaqadama kale oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqankooda, asluunta iyo ashaxa waxa la filayaa in ay umadaasi qarka u saarantahay baaba’a iyo balanbal bulsheed. Waxaana taa ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon beentana sheegin. Waxa jira hadaba waxyaabo dhiiri galiya dhalinyarada oo ku hogaamiya wanaaga iyo waxqabadka si ay u buuxiyaan kaalintooda, waxaana ka mida in ay helaan dad wanaagsan oo ay ku daydaan (role model) ah, kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen. Waxan hadaba soo jeedinayaa in ay dhalinyaradu noqoto kuwo ka dhisan caqli iyo cilmi ahaanba, isku booriya inay fikiradooda fayaw falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka figradeed ee ay ka heleen maan kooda iyo waayo aragnimadooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale. Hadii intaa laga helo dhalinyarada iyo ardayda waxa la hubaa in dhalinyardu noqon doonto dad taariikhdu xusto oo laguxardho qalimaan iyo saxfado kala duwan. Qofku waxaa uu wax tari karaa marka uu tiisa habeeyo “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” waa odhaah soomaaliyeed, marka uu qofku garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu u latacaali lahaa, ee uu u la saanqaadi lahaa waayaha bulshada ku xeeran, sidaa daraadeed waa qaaciido kugu ridi karta tubta toosan, illaasho wakhtigaaga, oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo ilbidhiqsi walba waxaad faa’iidayso, ku noqo wakhtigaaga bakhayl, maskaxdaada iyo maan kaaga ku hayn sidii ay dadkii adduunkan badalay ku ahaayeen wakhtiga. Waxkhtigu waa waxa kala saara dadka kan geesiga ah iyo kan habayaca ahba, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka fahmaana nolosha ayuu fahmay. Hadaba dhalinyarada waxaan leeyahay hadii aduunka wadan kasataa taariikh baal ka galay, waxa timid xiligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaariya oo barta qaabka aan ula loola manayno, ula tartamayno wadamada horeumaray sahayduna waa adiga oo buuxiya kaalinta aad ku leedahay bulshadada cilmiga iyo dhabar adayga oo lagu daro hawkarnimo iyo dadaal aan la hagranayn. Dhalinyarooy waa idinka manta cida laga sugayo in ay wax bartaan, badalaana waalid kooda iyo horumarka dalkooda iyo diintoodaba. Qofna kama marmo in wax loosheego walaw caalim kasta ahaw woo markaa buugani waxa uu dhiiri galinayaa dhamaanba dhalinyarada u fikirta dhinaca fiican (positive) ka ah. Erayo ka mida maansada galiilyo ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame): wuxu yidhi: Qofbaad tahay guri yagleela Qofbaad tahay gaar ahaantii Ku gaajo baxoo is keena Gankaa kuma dheero caaro… waxaa uu tilmaamayaa in qofkastaaba wax qaban karo horumarna gaadhi karo. Waxa uu kugu dhiirigalinayaa inaad dareento inaad tahay qof jira oo ina Nabdi Aadan (cs) ah, oo wax qabsan kara kaalin kuleh bulshadiisa, hadaba dhalinyaro adaa lagu sugayaa ee tiiri kaalintaada, Halka uu abwaan Cabdilaahi Sulaana uu yidhi … Subagii cilmiga laga lulay Bay sare u heensheene Raguse hooyo soo wada mar Oo aabo loo sumadiye Sideenaaa sagaal lagu dhalee Inagama sidig waynayn… Waxaa uu tilmaamayaa in aan qofna qof caaro dheerayn ee laka dadaal badanyahay. Taa macneheedu waa in wax kaa mancinayaa jirin inaad wax qaban karto buuxina karto kaalintii lagaaga baahnaa insha Allah, dhalinyaro xubno laaban xoolo kuma yimaadane buuxi kaalintaada bulsho, tii waalidkaaga iyo naftaadaba. W/Q: Abdifatah Hussein Dualeh, Gabiley, Somaaliland. wacays410@gmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-260219.mp3 View the full article
-
Hantigaaga iyo maalkaaga ha noqo mid isagu leh, Balse yay Noqon mid ay iygul eeyihiin. Illintu (ilmadu) in dhaha si iskumida ayay ugatimaadaa Qalbigase siyaabo kaladuwan ayay ugatimaadaa.! Hantidaada Aqoon iyo cilmi kuma kasban kartid balse, Aqoontaada iyo cilmigaaga Hanti waad kukasban kartaa. Ku dadaal in waxaad sheegayso oo dhan aad runtaka shgeegto ,balse waxaad maqasho oodhan run ha u wada qaadan. Xil gudashada wanaagsani waxay yaraysaa Xil doonashada badan. Waxaad sheegayso in la qaato waxaa ka horaysa in lafahmo laguna qanco. Ucudurdaar qofka qaldama Balse qaladkaa uugalay u cadee qaladnimadiisa. Kursi xileedka Qofna ma hubo inuu kufadhiisan doono, Balse wuxuu Hubaa inuu katagi doono wakhti ay ahaataba. Saadaashu waa wax ugaara Qalbiga, oo aanay indhihu la qabin. Been markhaatigeeda koowaad waa qofka sheegay. Mabda’a iyo siyaasadda aad teegaarsantahay ,hadaanad fahamsanayn, si xorahna aanad uguqancin waxaadl uminaysaa xoriyadaadii shaqsiyadeed. Waajibaadka kusaaran oodhan waa inaad mid kasta iyo wakhtigiisa gaar u qabataa ama ugudataa. Cilmikasta oo maadi ah oo dadku gaadhay jahlibaa dhalay isagaanuu udhintaa. la so Inshalah .rashaad0055@hotmail.com (063-4475540) Source