Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,564
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Pakistan)-Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato” kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay “mas’uuliyad darro” ku dheehan tahay. Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir. Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto. Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay. Hindiya iyo Pakistan-ba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 – kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir. Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmir-ta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho – tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971. Maxaa dhacay? Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in “tira badan” oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay “duqeymo ka hortag ah” oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan. Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBC-da u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn hasayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay. Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn. Maxay aheyd jawaabcelintu? Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in Hindiya “ay maciin bidday sheegasho iyada un ku kooban, oo jahawareer iyo khiyaali miiran ah”, isagoo farta ku fiiqaya doorashooyinka dalkaasi Hindiya ka dhici doona bisha May. Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka ee Pakistan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Imran Khan, ayaa waxa uu ku soo gebagaboobay digniin ah in Pakistan ay “jawaabi doonto waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato”. Image captionDadka Hindiya ayaa dabaaldegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidammada dalkaasi ay howlgal fuliyeen Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaanan si toos ah u soo hadal qaadin duqeymaha dhanka cirka ah mar uu ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed oo Talaadadii ka dhacayay deegaanka Rajasthan hasayeeshee waxa uu dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay: “Waan fahmi karaa xamaasadda iyo quwadda aad leedihiin. Maanta waa maalintii aannu sharfaynay halyeeyadayada.” Haddaba iyadoo laga cabsi qabo in arrinta ay cirka isku sii shareerto, ayaa Midowga Yurub waxa uu labada dalba ugu baaqay “inay aad isku xakameeyaan”, Shiinaha ayaa isna codsi noocaas oo kale ah diray. Source
  2. (SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota. Kaddib marki lasoo gaba gabeeyay Talaadadi tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, ayay guddiga doorashada sheegeen in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee dalkaasi Atiku Abubakar. Buhari ayaa lagu waday inuu taageerayaasha la hadlo, hase yeeshee hadal uu ku qoray barta twitterka ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada uu qabtay. Xisbiga ugu weyn mucaaradka People’s Democratic Party ayaa ka dalbaday guddiga doorashada inuu hakiyo tirinta codadka, isaga oo ku andacooday in mashiinada la marsiiyo kaararka codadka la baddalay. Xisbiga mucaaradka wali kama aysan hadlin natiijada doorashada. Source
  3. Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareeyamo magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso ciidamo kala taabsan guddoomiyaha degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi, inkastoo Odayaasho Dhaqanku ay wadaan dadaallo loo hortago colaadaasi. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan halkaasi. View the full article
  4. Baladweyne (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka HirShabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Dhame c/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha Booliska Baladweyne ayaa Shabelle u xaqiijiyay in tiro dad ah lagu qabtay howlgalladaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ku soo badanayay falal liddi ku ah ammaanka sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-2702-2019.mp3 View the full article
  6. Garowe (Caasimada Online)-Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe oo ah xildhibaanka kaliya ee Dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa baaq u dirtay dowladda Soomaaliya kadib dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo. Iyada oo warbaahinta kula hadlaysay magaalada Gaalkacyo ayay ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay door weyn ka qaadato sidii baaritaan dheeri ah loogu sameyn lahaa dadkii gabadha yar ku dilay magaalada Gaalkacyo. Waxay sheegtay in kaliya ciidamada iyo laamaha Puntland ee dhanka amaanka aysan ku filneyn kiiskan, maadaama uu yahay dhacdo xanuun badan oo laga yaabo inay gasho meelo badan, ayna adkaan karto soo qabashada dadka falkaasi abaabulay. Xildhibaan Nimco oo sidoo kale ah gudoomiyaha guddiga Haweenka iyo xuquuql insaanka baarlamaanka Puntland ayaa sheegtay in dhacdadii Gaalkacyo ay tahay mid qalbiga shucuubta Puntland taabatay isla markaana dowladda laga rabo inay jawaab degdeg ah ka bixiso. Dhacdada lagu dilay Caaisho ayaa qabsatay baraha bulshada, waxaana sawiro laga soo qaaday ka muuqday in jirdil xoogan loo geystay markii la kufsaday kadib. Dhinaca kale Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo dhacdadan ka dhacay ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dadka falka geystay, isaga oo sheegay in carada alle ay ku dhici karta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay tahay Musiibo weyn oo shacabka Soomaaliyeed heysata, isaga oo ku baaqay in dhacadaan meel looga soo wada jeesto. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan Al Shabaab ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan la shaaciyay in ciidamo badan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho. Al Shabaab ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay ku dhawaad 10 ruux oo badankood ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Nabad sugidda ee dhar cadka loo yaqaan. Degmada Xamarweyne gaar ahaan Afar Irdoodka oo ah goob aad u mashquul badan ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah odayaasha ku ganacsan jiray goobta, kaasi oo iibinayay Huudheyda, waxaana kooxda dilka geysatay la sheegay inay baxsadeen iyada oo aan la qaban. Waxaa la isweydiinayaa Suuqa oo ciidamada ugu badan ay ku sugan yihiin mararka qaar, islamarkaana ay ku dhow yihiin goobo ciidamada ay fariistaan oo gaadiidka ay ku baaraan sida ay ugu dhex baxsadeen dadka falka dilka geystay oo goobjoogayaasha ay ku sheegeen inuu ahaa ruux dhalinyaro ah oo da’ ahaan yaraa. Dhawaan ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho ayaa tababar loogu soo xiray Muqdisho, waxaana ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa la isweydiinayaa Halkee la geeyay ciidamadaasi. Dhamaan ciidamada ayaa oo qeybiyay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana la geeyay degmooyinka hadda dilalka ugu badan ay ka dhacayaan. Xalay ayaa weerar lagu qaaday ciidamo ku sugnaa agagaarka Masaajidka Xaaji Yabarow ee degmada Boondheere, waxaana la sheegay inay aheyd Bam gacmeed lagu weeraray ciidamada. Dadka falanqeeya siyaasadda amaanka dowladda ayaa sheegaya inuu yar yahay isla xisaabtanka laamaha amaanka, iyadoo ugu dambeyn lasii daayo dadka loo xiro kiisaska dhanka amaanka. Sidoo kale waxaa saraakiisha ku taqasusay amaanka ay sheegayaan lo istiraatiijiyad xumo ay ka dhex jirto laamaha amaanka, taasi oo keeneysa in Al Shabaab ay dilaan ruuxii ay qorsheystaan. Xubnaha la xiray ayaa AL Shabaab waxay ku sheegeen inay nabad sugida qeybta dhar cadka yihiin, waxaa la isweydiinayaa sidii loo heli waayay xogaha iyo dhagarta Al Shabaab ay maleegaan si lamid ah sida Al Shabaab ay u helaan xogaha ruuxa ay doonayaan halka uu joogo iyo fursadda loo heysto inay dilaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa durba bilaabay cadaadiska uu ku hayo musharixiinta kula tartameysa xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland doorashada soo socota. Kadib markii kulan uu isugu yeeray guddiga amniga Jubbaland ee isaga uu ugu sareeyo ayay soo saareen amaro la xiriira musharixiinta dooneysa inay tagaan deegaanada Jubbaland kuwaasi oo ku sugan meelaha ka baxsan Jubbaland. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii uu tagay magaalada Kismaayo C/Naadir Seeraar afhayeenkii Jubbaland oo Kismaayo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax iyadoo ciidamo badan ay garab taagan yihiin, taasi oo macno kale sameysay. Guddiga Amniga Jubbaland ayaa sheega in iyaga oo eegaya amaanka inay soo saareen warqad digniin ah oo ku wajahan musharixiinta dooneysa inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ugu horeyn loogu baaqay inay sii wargeliyaan laamaha amaanka. Aqriso warka kasoo baxay Jubbaland Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  9. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog, waxaana idiin tabinaya wariyaheena Aweys Xaaji Nuur. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/27-02-2019-SUBAX-WANAAGSAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh Cabdilaahi iyo jaamacii cawdu ma u duushay , Ma cadaanibaa meel cid la ah keligii caatoobay , Cali gurey miyaan lagguba darin , golihii ceegaagay , Cabdi Cali miyaa yaaban iyo culimadii raacdey , Ma geelii Jamaal soo culaa , caano lagga waayey , Ina samatar saw yurub carceer cidhif ma waydaaran , Cagategey miyaan kaysar iyo cararin koox raacday , Cabdi dheere saw bariitantii caawa kuma laaban , Saw cali mareexaan kubkiyo bawdo kama ciirin , Cukusiyo xagee bay qabteen cududihii muuqday ? Inta carartay intii caymadiyo hebelo caatoobay , in cadhootay intii cabatay iyo qaar afkuba ciiley , inta caymadaa ugu darayd camal daraadiiye , Kuwo xamar qabtiyo saw xagaa kooxi uma ciirin , Axmed kayse saw qaar carjabay caasha kuma qaadan . Cilmi buu aduunyadda baraa , caana waligiiye , Casharadiisu waa wada xidhiid caynsanoo dhigane , Iskeersaa cilmiga kuugu filan cugashadiisiiye , Nin cibaaradiisii ogaa caarif wuu yahaye , nin kastoo kulmiye caashaqaa cabasho dayn waaye , Ma col soo hungoobiyo kunbaa ciida hoganaaya . Qaran News
  11. Warar ay shabakada Qaran news ka heshay ilo wareedyo mihiim ah ayaa xaqiijinaa in mudooyinka dhow ee fooda inagu soo haya ay Dalka ku soo waajahanyihiin wafuud kala gadisan oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka qaarada Africa, Yurub, Maraykanka iyo Ruushka. Waftiyadani ayaa wararku sheegayaan in mid kastaaba uu gaarkiisa u socdo oo aanu midna ka kale ka warqabin. Waftiga laga yaabo in uu ugu soo horeeyo in uu Dalka yimaado ayaa lagu wadaa in uu noqdo wafti balaadhan oo ka socda dalka Itoobiya waftigaasi oo heer fadaraal ah ayaa wararku xaqiijinaa in waftigaasi uu socdaalkoodu ku wehelin doono madaxweynaha maamul goboleedka Somalida Itoobiya. Waftigan Itoobiyaanka ah oo la filaayo in ay Dalka yimaadaan todobaadkani ayaa booqasho indho indhayn ah ku tagi doona dekada magaalada Berbera oo ay dawlada Itoobiya isha ku hayso sidii ay mudooyinka dhow u isticmaali lahayd. Qaran News
  12. Muse Biixi Iyo Saylici Oo Si weyn Iskugu Khilaafsan Ciidamo Hubaysan oo is horfadhiya & Xiisada ka aloosan Awdal+Muuse Biixi oo Saylaci qadiyadaa ku xidhiidhiyey Waxa isasoo taraya khilaaf xoogleh oo ka dhex taagan Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo ku saabsan qaabka loo marayo xalinta Beelaha Hubaysan ee isku hor fadhiya Xeebta Gobolka Awdal, waxaanu Shalay Shirkii Kulmiye ee Boorama ka dhex sheegay Madaxweyne Biixi in Beelaha Ciise ay khaati ka taagan yihiin oo ay ka cawdeen inuu dhibta ugu badan iyo culays gaar ah ku hayo Cabdiraxmaan Saylici “Waar Saylici ayaa noogu daran”. Qayb ka mid ah Khubaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Shirkii Golaha dhexe ee Shalay uga furmay Xisbiga Kulmiye Magaalada Boorama ee uu kaga hadlay shaqaaqada ka taagan Xeebta Gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ahaa “Dhibaatada ka taagan Woqooyiga, dad badan waa kuwii Ciidamadu u soo xidhay, Odayaal ayay u badnaayeen, Warbixintii la iiga keenay laba oday oo qudha ayaa u hadlay,oo dhinacba oday ayaa u hadlay, Mid waad garanaysaan eh xagga Galbeedka ayuu u hadlay oo Waxaa la yidhaa Muumin Bahal Waaberi(Beesha Awdal Clan), waa la waraystay oo wuxuu yidhi,”Waar dee Nabad ayaanu ahayn, waligayana dhal iyo dhasheed ayaanu ahayn, ismaanaan khilaafin, dalkana waanu wada deganayn, Laakiin Walaalahayga Galbeedka naga xiga,Dawlad ayaa dabada ka riixaysa, oo wixiiba dawladnimo ayay noo sheeganayaan oo Somaliland ayaa lanagu dilayaa, Dhibaatadana Somaliland ayaa na galisay, Sidii Shirkii 1993-kii loogu qabtay Sheekh Cali Jawharba waar duulimaad ayaa lanagu yahay oo xoog iyo rag ayaa lasoo riixayaa”. “Kii Kale ayaa la waraystay ee Galbeedka, oo layidhaa Aadan Dharaar Yabaal(Beesha Ciise), labada nin ee laga qoray Warbixintu(Report) waa isku seedi labadoodu midba qolada u hadlayaa, wuxuu yidhi ninkani “waar dee anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa, wuxu yidhi, ina Biixi “Ninka Madaxweynaha ah” isaga ayaa og waxa lanagu dilayo, wuxuu yidhi, anaga Somaliland ayaa lanagu dilayaa oo aanu eednay, dee Berigii ay SNM-ta ahaayeen sawnagii raacnay maahin, saw sidii loo qabtay shirkii Boorama saw Madaxweyneyaal umaydaan samayn, Ina Awcali Kasoo bilaw, ALLAAHU Nebi, kaasi sahaale, Daahir Riyaale ku dar, Waar abtaw naga daa, Naaskaaga ayaanu jaqnee, Wixii oo dhan iska ilaw, Waar Saylici ayaa noogu daran, Ragbaa Xoog nagu jiidhaya, Waar ma naga qabanaysaan, Labadii Qoloba Somaliland ayay ka cawdeen”. Illo-Wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu qaabka xal looga dhalin karo beelahaasi hubaysa ee uu Madaxweynuhu Boorama ka sheegay inay isku hor fadhiyaan Xeebta Gobolka AWDAL. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si xun loo maamulay, taasi oo keentay in gebi ahaanba la joojiyo. Sida uu ogaaday barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, mashaariic ku kacayey $6.6 milyan oo dollar ayaan hirgelin ilaa haatan, in ka badan 5 sano kadib markii la bilaabay. Galka Baarista waxa kale oo uu ogaaday in mashaariicda la musuqmaasuqay ee OIC ay qayb ka ahaayeen barnaamijyada horumarinta Soomaaliya oo ay maalgeliyeen hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga kuwaasi oo bixiyey $72 milyan oo dollar, si mashaariicdaas oo lahaa saddex weji looga hirgeliyo Soomaaliya. Baaritaan gudaha ah oo uu sameeyey OIC waxaa eedaymo loo jeediyey Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya Maxamed Iidle Sabriye iyo Madaxii Arirmaha Bani’aadminnimada ee OIC oo fadhigiisu yahay Jeddah Rami Inshasi. Labadaasi sarkaal ayaa midna la cayriyey kan kalana shaqadii laga wareejiyey. OIC waxay qirteen in mashaariicdooda Soomaaliya si xun loo maamulay, waxayse sheegeen inay isbeddello ku samaynayaan xafiiskooda Soomaaliya, si loo saxo qaladaadkii dhacay. Barnaamijkan waxaa diyaariyey Haaruun Macruuf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/6f7f3fde-84c7-47c7-a794-0aea92fb055c_48k.mp3Caasimada Onlkine Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Kiiska Dacwadda weerarkii DUSIT D2 ee Nairobi ka dhacay bartamihii Janaayo ee sanadkan oo Al Shabaab ka fuliyeen hotelka Dusit ayaa soo galay agaasimaha Bangiga Diamond Trust Bank (DTB). Agaasimaha iyo Bangiga ayaa loo heystaa Kiis la xiriira in kooxda weerarka fulisay ay lacago isku dhaafsadeen Bangiga waxaana dacwadda kusoo oogay dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuraddiin Xaaji. Nuuridiin Xaaji oo la kulmay guddiga cadaalada ee baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in agaasimaha loo heysto sababta aysan usoo gudbin dhaqaalaha tirada badan ee kooxda weerarka fulisay u dirsadeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Dacwad oogaha ayaa sidoo kale Bangiga ku eedeeyay in ciidanka amaanka aysan ka helin Kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u dooba si loo ogaado dadka lacagta ka bixiyay Bangiga. Waxaa uu difaacay go’aanka Bangiga dhexe uu ku soo rogay Bangiyada kale oo sheegaya in wax ka badan Hal Milyan oo shilinka Kenya ah aan mar qura laga bixin karin Bangiga. Weerarka ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ayaa sababay dhimashada 21 ruux oo Somali iyo ajaaniib kale ay ku jiraan sida dowladda Kenya ay sheegtay balse Al Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarka. Baaritaanka kiiska weerarkaasi ayaa soo galay Soomaali badan waxaana loo xiray dad badan oo hadda baaritaano ay ku socdaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  15. Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Facebook-ga qabsatay warar been abuur ah, oo lala xiriiyay kiiskii foosha xumaa ee Gaalkacyo loogu geystay Caasha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd. Sawiro iyo magacyo rag, oo la leeyahay waxay ku lug la haayeen kiiskii Caasha ee Gaalkacyo ayaa aad u mushaaxay baraha bulshadu ku xiriirto, waxaana been abuurkaas rumaystay dad badan oo la sii wadaagay asxaabtooda. Raga sawiradooda iyo magacyadooda lagu baahiyay baraha bulshada ayaa PUNTLAND POST ogaatay in ay kala joogaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa. Maxamed Maxamuud Afjar (Kabo-qolof) oo mar soo noqday Guddoomiye ku xigeen degmada Gaalkacyo, horey uga mid ahaa bahda cayaaraha gobolka Mudug, ayaa kamid ahaa ragii sawiradooda iyo magacyadooda lagu faafiyay baraha bulshada. Kabo-qolof Maxamed Maxamuud Afjar oo hadda ku sugan magaalada Garowe, ayaa xiiriir uu la soo sameeyay warbaahinta PUNTLAND POST uga waramay arrintan, wuxuuna sheegay in ahayd arrin uu aad ula yaabay. Wuxuu sheegay in cidii ka dambeysay arrintan ay tahay mid marin habaabinaysa umada isagana cirdigiisa iyo sharaftiisa wax u dhamaysa, wuxuuna tasi u diray qoyskii iyo qaraabadii marxuumad Caasha Ilyaas. Raga kale ee been buurka loogu faafiyay baraha bulshada ayaa sida aan ogaanay ku kala nool qaaradaha Afrika, Yurub iyo Ameerika. Dad badan oo isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa rumaysta wararka been abuurka ah ee lala wadaago, sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa soo tabiya macluumaad aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu faafiyo Facebook-ga iyo Twitter-ga. Shirkadaha baraha bulshada ayaa ku guuldareystay in ay sameeyaan siyaasad lagu xakameynayo wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo barahooda. Dhanka kale masuuliyiinya gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ilaa afar qof u qabteen kiiska Caasha Ilyaas, uuna wali socdo baaritaan, waxayna sheegeen in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato falkaas. Marxuumad Caasha Ilyaas ayaa maalin ka hor kufsi iyo dil loogu heystay Gaalkacyo, waxaana falkaas arxandarada ah ka carooday dad badan oo reer Puntland ah, kuwaas oo dalbaday in caddaalad loogu hiiliyo Caasha. PUNTLAND POST The post Wararka been abuurka ah ee baraha bulshada iyo kiiskii Caasha appeared first on Puntland Post.
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay, askari ka tirsanaa Booliiska dowladda Puntland oo magaciisa lagu sheegay, Shucayb Cismaan Caluula. Askariga ayaa lagu dilay nawaaxiga isgoyska Gaaca ee bartamaha Boosaaso, waxaana lagu dhex dilay, mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada oo uu saarnaa, kadib markii qof kursiga ka dambeeya fadhiyay uu madaxa rasaas kala dhacay, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso, oo warbaahinta Puntland Post wax ka weydiisay in cid loo qabtay dilka? ayaa sheegay in ay jiraa dad loo qabtay islamarkaana dib ay ka faahfaahin doonaan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay, mas’uuliyadda dilka loo geystay askariga, ha’yeeshee kooxaha argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ayaa looga bartay falalka noocan oo kale. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-26022019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere, ayaa dhaliyey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay, halka laba qof oo kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan, iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii ka dambeeyay falkaasi . Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay degaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen dadka degaanka Saddex Askari ee dhimatay mid ka mid ah ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan ka Ciidanka xoogga. Ciidankaan ayaa gaari ay saarnaayeen waxaa halaleey Miino dhulka lagu Aasay xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho. Waxaa Qaraxa sidoo kale ku dhintay Wiil arday ahaa oo ka yimid iskuulka lana kulmay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Waxa uu dab xoogani ka kacay oo shuf beelay xafiiska isgaadhsiinta qaranka oo hoos timaada wasaarada warfaafinta siiba idaacada iyo Telefeeshinka qaranka ee ku hadla afka xukumadda Somaliland, dabkaasi kacay oo xooganaa waxa uu baabiiyay dhamaan agabkii halkaasi yaalay oo u badnaa qalabka wax lagu duubo, computaro iyo qalab aad u baaxad leh oo wax lagu duubo iyo sidoo kale qaybo lagu xafido waxyaabaha ay warbaahinta madax banaani baahiso maalin walba. Xafiiskani oo ay ku baxday lacag aad u tiro badani waxa samyntiisa iyo fikirkiisaba lahaa wasiirka warfaafinta Guribarwaaqo, waana qayb ka mid ah dabagalka warbaahinta madax banaan ee aan taageerin xukumadda si loo helo qalad ay maalin galaan oo lagu maxkmadeeyo ama dacwad loogu soo oogo. Lama garnaayo waxa dabkani kaciyay ilaa hadana wasaarada warfaafintu kama ay hadlin khasaarahani ku habsaday qaybtaasi shuf beeshay oo loo samystay cabdhunta saxaafada xorta ah Qaran News
  20. Muqdisho (SMN) – Taliska Maryekanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in duqeyn cusub ay 25-kii bishaan ka geysteen gobolka Hiiraan. Weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Shabeelley ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku tababari jirtay dagaalyahano. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka AFRICOM, 20 ka tirsanaa Shabaab ayaa howlgalkaasi lagu dilay. AFRICOM ayaa ku adkeysatay in howlgalkaasi ay fuliyeen uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Illaa iyo haatan Ma jirto jawaab ay Al-Shabaab ka bixisay sheegashada dowladda Mareykanka. Maalmihii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha uu Al-Shabaab kula beegsanayo Soomaaliya. View the full article