-
Content Count
207,564 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dooxa (SMN) – Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Dalka Qadar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu bartiis Twitter-ka ugu hambalyeeyey dhigiisa dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari, oo mar kale dib loogu doortay Xilkaasi. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inuu dalka Nigeeria yahay Isbahaysi Taariikhi oo xooggan, isla markaana doonayaan inuu sii xoogeysto Xidhiidhkaasi. Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu mar kale ugu hambalyeeyey Madaxweyne Buhaari, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay wada-shaqeyaan. Source
-
Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in ku dhawaad 40 gaadiid xamuul ah ay ku xayiran yihiin duleedka M/Baladweyne. Cibaar Cismaan Nuunow oo ka mid ah darawallada gaadiidleydaasi oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay arrintaasi. Waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkan ciidamo ka gadooday HirShabelle oo dul dhigay lacago aysan bixin karin, sida uu hadlaka u dhigay. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan oo ku aadan gaadiidkaasi oo muddo shan maalin ah ku xaniban gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-c-qani-2.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Warsaxaafadeed ay soo saartay ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee UNFPA ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii iyo kusfsigii loogu geystay gobolka Mudug Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Ha’yadda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay falkaasi, waxa ayna dalbatay in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu xusay in dilka iyo xad gudubka lagula kacay Caasho uu tusaale u yahay dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha da’da yar ee qaaradda Africa. Ugu dambeyn UNFPA ayaa laamaha ammaanka ee Galmudug iyo Puntland ugu baaqday in ay sameeyaan baaritaano ku aadan dilkaasi arxan darada ahaa. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan.
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ka furmay tababar lagu shaqaaleysiinayo 200 oo dhalinyaro ah oo laga soo xulay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. Bixinta tababarkan shaqo abuurka ah waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda dhanka horumarinta iyo mashaariicda QM ee UNDP. Dhalinyarada oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxa ay baran doonaan, sida loo farsameeyo leerarka Cadceeda iyo horumarinta ganacsiga. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay, sidii fursado muhiim ah loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-faajoy.mp3 View the full article
-
New York (SMN) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa saadaalisay in kobaca dhaqaalaaha Soomaaliya sanadkani 2019 uu sameyn doono sare u kaca, marka lala barbardhigo sanadkii hore ee 2018-kii. IMF ayaa sheegtay in haatan Soomaaliya ay sameyneyso soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah, islamarkaana waxa ay tilmaamtay in sanadkani 3.5% uu sare u kici doono marka la eego odoroskoodii sanadkii tagay oo ahaa 3.1%. Sidokale hay’adda IMF ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii hore uu soo galay dowladda Soomaaliya daqliga gudaha oo gaarayay 161 milyan oo dollar Mareykanka ah, taas oo noqoneyso in 31% uu sare uga kacay daqligii gudaha ee 2017-kii Hadalkan ayaa imaanaya, xilli DFS ay dadaal xoogan ugu jirto sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya. View the full article
-
Firenze (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ah guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa ka hadlay maqaamka gobolka Banaadir iyo muhiimadda ay leedahay inuu yeesho maamul ay dadka soo doortaan. Cosobole oo la hadlay jaaliyadda gobolka Banaadir ee magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay inaysan sii socon karin xaaladda gobolka Banaadir uu iminka ku sugan yahay. Waxa uu sheegay in gobolkan uuu yahay kan kaliya ee biila ee ay dowladda federaalka ku tiirsan tahay, haddana aysan xaq ahayn inuusan qeyb ka ahayn nidaamka federaalka. “Lacagta aad aragteen ee ka badan 300 milyan ee ah miisaaniyadda dowladda, waxaa badankeed bixinaya dadka ku nool Muqdisho, dowladda oo dhan ayaa ku tiirsan gobolkan, haddana wax maamul ah ma lahan” ayuu yiri Cosoble. “Waxaa gobolka ay bishii dowladda ka heshaa lacag ka badan 17 milyan oo dollar, haddana waxba lacagtaas loogu qabto dadka degan. Iskuullo looma dhiso, isbitaalo looma dhiso, waddooyinka looma dhiso” ayuu yiri Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in gobolka yeesho maamul ay dadka soo doortaan oo heer degmo illaa heer gobol ah. “Ma rabno in mar walba gobolka loo keeno maamul loo soo magacaabo” ayuu yiri. Cosobole ayaa sheegay inay jirto cabsi ay madaxda dowladda federaalka ka qabaan in haddii gobolka loo dhiso maamul ay dadka soo doortaan ay taasi wiiqi doonto awooddooda, taasina aysan sax ahayn. Hoos ka daawo Cosoble Caasimada Online Xafiiska Roma caasimada@live.com
-
Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa war ka soo saartay duqeymo diyaaradeed oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose. Ugu horreyn Al Shabaab ayaa beeniyay in dagaalyahanno ka tirsanaa looga dilay duqeymahaasi. Al Shabaab ayaa baahiyay in wax khasaare ah aysan ka soo gaarin weeraradan, marka laga reebo duqeyn lala beegsaday gaari Booyad ah oo uu ku dhintay darawalkii waday. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa horay guulo uga sheegtay duqeymahani oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. View the full article
-
According to the International Monetary Fund IMF report, Somalia’s economy is recovering, and the GDP growth is projected at 3.1 percent and end-year inflation at 3.5 percent. However, further efforts are needed to secure economic resilience and reduce poverty in the horn of the Africa nation. The report released on Tuesday dubbed “IMF Management of the First Review under the Staff-Monitored Program with Somalia” said that since 2017, growth has rebounded, inflation has slowed, and the trade deficit has narrowed. “For 2018, The exchange rate has remained stable. But further efforts are needed to improve economic conditions, increase employment and make a significant reduction in poverty,” IMF said in an online report. The international financial institution has called upon the development and humanitarian partners to closely work with the Somali authorities on enhancing the country’s resilience. The IMF also praised efforts by the federal government to improve domestic revenue mobilization saying an increase of 31 percent revenue collection has been registered since last year. “Data through November 2018 show that domestic revenue reached $161 million (31 percent higher than the same period in 2017), and the overall cash fiscal position was in surplus by $8 million. New budget support grants from the EU and the World Bank are increasing grant revenues and providing further support for reforms and social transfers. Staff commends the authorities for their concerted efforts to improve domestic revenue mobilization,” IMF said. Washington based bank also called upon the government of Somalia to embark on the reforming and developing the financial sector mainly in the central bank and mobile money sector as soon as possible to curb money laundering crimes that impact on the downfall of the recuperating economy. “Staff urges the rapid implementation of planned changes to the organizational and governance structure of the Central Bank of Somalia. Staff urges the authorities to bring the mobile money sector under its supervisory and regulatory umbrella as soon as possible. Finally, compliance with anti‑money laundering and combatting the financing of terrorism (AML/CFT) regulations must be improved, and identified gaps in the framework addressed,” IMF added. View the full article
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo, arrived in Doha yesterday for a working visit. The President of Somalia and the accompanying delegation were welcomed upon arrival at Hamad International Airport by the Minister of Transport and Communications, Jassim bin Saif Al Sulaiti; Qatar’s Ambassador to Somalia, Hassan bin Hamza Asad Hashim; and Somali Ambassador to the State of Qatar, Abdul Razak Farah Ali. Somali president held talks with the Emir of Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani at the statehouse in Doha and discussed a range of issues pertaining the bilateral relations. Qatar donated $200 million last year to construct main highways linking Mogadishu to Afgoye and Jowhar, a key project that contributes to the country’s rebuilding process. View the full article
-
The regional parliament of the Southwest state of Somalia has unanimously approved the new cabinet on Wednesday. Out of 124 MPs present at the parliament during the meeting, only one lawmaker rejected to endorse the new regional cabinet recently unveiled by the state leader, Abdiaziz Hassan Mohamed alias Laftagareen. The speaker of the regional assembly, Abdikadir Sharif Shekhuna Maye who was chairing the meeting announced the approval of the cabinet in the seventh session of the 2nd assembly meeting. The new cabinet members composed of 25 ministers and their deputies were later sworn in to assume their offices. Regional state leader, Abdiaziz Laftagareen thanked members of the regional assembly for the approval of his new cabinet. Laftagareen urged the parliament to collaborate with his administration so as to fulfill its duties to the public and promote good service delivery. He was elected into office in December last year has pledged to improve security, provide free education and better health care while fostering reconciliation among various warring parties in his state administration. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-27022019.mp3 View the full article
-
Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka. Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%. IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan. Hay’adda fadhigeedu yahay Washington, ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 2017 uu dhaqaalaha sare u kacayay, sicir bararka hoos u dhacayay sidoo kalena heerka is dhaafsiga ganacsiga ee tabanna uu sii yaraanayay. Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017. $8 Milyan oo doollar ayaa ku korodhay xilli xisaabeedkii 2018, marka la dhinac dhigo xilli xisaabeedkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir. Major General Asif Ghafoor oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaradaha kadib markii diyaaraddiisa ay kusoo dhacday qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay India oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta India ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn India. Hadalka kasoo baxa Pakistan ayaa imanaya ayada oo India ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor-tageen saddex diyaarad oo Pakistan ay leedahay oo kusoo xadgudbay xuduudeeda Kashmir, dibna ay u celiyeen. Dhacdadan ayaa timid saacado kadib markii Pakistan ay sheegtay in afar qof lagu dilay hoobiyeyaal ay ciidamada India kusoo tureen xadka milatari ee labada dhinac. India ayaa talaadadii sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan. Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari. Dhacdooyinkan ayaa dagaal qarka u saaraya labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan. VOA