Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,570
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-27022019.mp3 View the full article
  2. Boosaaso (SMN) – Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Waaciye ee gobolka Bari. Shilka uu ku geeryooday Mudanaha oo lagu magacaabayey Maxamed Faarax Mire ayaa yimid markii gaariga uu saarnaa uu dul-maray mid kale oo nooca xamuulka ah, sida ay ku waramayaa goobjoogayaal. Marxmuum Maxamed Faarax Mire oo kursiga Xildhibaanimo ku metalayey gobolka Bari ayaa kasoo baxay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Waaciye. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ay geeri ku timaado ee kamid ah Gollaha Sharcidejinta cusub ee dowlad goboleedka Puntland, kuwaasi oo wadar ahaan ka kooban haatan 65 marka laga reebo Marxuum Mire. View the full article
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ku dhintay shil gaadhi oo caawo ka dhacay laamiga u dhexeeya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo ku hadlaya afka gollayaasha dowladda uu si gaadha ugu tacsiyeynayo eheladii qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa marxuumka ugu duceeyay in Ilaahay ka waraabiyo janna Fardowsa uuna deriskiisa ka yeelo suubbanihii Rasuulka SCW. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyay geerida xildhibaan Mire appeared first on Puntland Post.
  4. Allaha unaxariistee waxaa caawa shil gaari ku geeriyooda Xildhibaan Maxamed Mire Faarax oo katirsanaa Baarlamaanka Puntland. Xildhibaanka waxa uu shilkan ku galay deegaan 15kmtr ujira [...] Source
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta waxa uu kormeer shaqo uu ku tagay qaar kamid ah xarumaha dowladda. Madaxweynaha ayaa goobihii uu kormeeray [...] Source
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Monica Juma ayaa maanta sheegtay in dowladdeeda ay safiirada dalalka xubnaha ka ah QM iyo Golaha Ammaanka Ururka Midowga Afrika ee Nairobi ay siisay warbixin ku saabsan arrintan si ay uga caddeyso waxyaabaha la isku hayo. “Waxaan u gudbinay xaqiiqda arrimaha la isku hayo” ayey tiri Monica Juma. Safiirada ay Monica sheegtay inay warbixin u gudbisay waxaa ka mid ah safiirka UK ee Nairobi Nic Hailey iyo kan Faransiiska Aline Kuster-Menager, kadib kulan ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee Nairobi. Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha maamulka ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegay in sharafta dhuleed ee Kenya ay tahay mid lama taabtaan ah, islamarkaana Kenya ay u xaqiijisay dalalkii ay la hadashay inay tahay dersi wanaagsan. Monica ayaa dhinaca kale maanta sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay wada-xaajood la gasho dowladda Soomaaliya, si arrintan xal looga gaaro. “Waxaa naga go’an in xiisaddan lagu xaliyo wada-hadal, waxaana ku rajo weynahay in xal la heli doono oo walaalaheen derisk nala ah iyo annaga aan is-fahmi doonno” ayey tiri Monica. Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay jawaab celin wanaagsan ka heshay dalalka ay arrintan kala hadashay. “Farriinta aan ka helnay dalalka dunida ayaa ah mid dhiir-gelin leh, oo ah in arrintan lagu xaliyo wada-hadal, sidaas darteed wada-hadalka waa waxa aan door-bideyno” ayey tiri Monica. Waxaa muuqata in Kenya ay dalalka caalamka kasbaneyso oo ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, hase yeeshee ma cadda waxa ay dowladda Soomaaliya ka sameyneyso arrintan. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in maxkamad lagu kala baxo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Wararka hadda soo gaaray Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu shil gaadhi ku dhintay mudane ka tirsan Golaha wakiilada dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo laga soo doorto gobolka Bari ayaa ku dhintay shil uu ku galay inta u dhexaysa magaalada Boosaaso iyo degmada Waaciye ee gobolka Bari sida ay sheegeen goobjoogayal. Wararku waxay sheegayaan in Gaadhiga xildhibaanka uu dusha ka maray gaadhi xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Xildhibaan ka tirsan Puntland oo shil ku dhintay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. Khayre ayaa Guddiga kala hadlay dedejinta dhamaystirka sharciga doorashooyinka iyo dib-u-eegista sharciga xisbiyada. Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinaka ayuu ugu horrayn Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshooyinkooda ku aadan hir-gelinta doorashooyinka 2020. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga u caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay in ay kala shaqeeyaan waajibaadka ka saaran doorashooyinka dalka. Halbeegyada ku jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in lagu guulaysto sannadkaan 2019 ayaa waxaa kamid ah samaynta sharciga doorashooyinka oo saldhig u noqonaya in shacabka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan hoggaanka dalka. View the full article
  9. Gedo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Garinley iyo Fax-faxdhuun ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid markii Al-Shabaab ay weerartay kolanyo ay la socdeen ciidamada dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in dulaankaasi ay ku dishay 3 kamid ah askarta Kenya, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ama xukuumada Nairobi oo ay uga jawaabeyso sheegashada Shabaab. View the full article
  10. بسم الله الرحمن الرحيم و الصلاة و السلام علي رسول الله و علي اله و صحبه و سلم و بعد: اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي أمورنا شرارنا. اللهم أجعل بلدنا هدا بلدا امنا مطمئنا رخاءا و سائر بلاد المسلمين أمين يا رب العالمين. SOMALIALND HA NOOLAATO. MUDANE MADAXWEYNE MUJAAHID MUSE OO MARAG FURAY. “BULSHADA GALBEED WAA KA WACANTAHAY BULSHADA BARI” ISAGA OO KU SALEEYAY MARKHAATIGIISA ARRIMAHAN: IN BULSHADA GALBEED KA DEGANTAHAY BULSHADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA AMNI BADAN TAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA ILBAXSANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA AQOON BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA IN BULSHADA GALBEED KA JAAMICADA BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA. Khudbadaa madaxweynuhu waxay I xusuusisay laba dumar oo miidhiyaha dood isu faan ah isu mariyay: Gabadha hore: ( OO KUILMIYE AHAAHN U FAANAYSAY) oo Gebilaybay ka hadlaysay oo ku faantay inay ka sarreeyaan bulshada bariga waxaanay martay intaa madaxweynuhu maanta maray oo : Gabadha labaad: (OO WADDANI AHAAN U FAANAYSAY) Ayaa Hargeisa ka jawaabtay oo ayana ku faantay in hadday dood tahay , iyo hadday dagaal tahay iyo dhaqan tahayba ay ka sarrayso Galbeed . mid waliba labada dumara taariikhbay ku salasay una cuskatay faankeeda. KOL SE HADDII MADAXWYNIHII JSL GABADHII GALBEED U MARKHAATI FURAY WAA ARRIN KU CUSUB AF MADAXWEYNE. GABAY IYO CAANAAN MUWAAADIN U SOO JEEDIYO XUKUUMADDISA: Bulshada qaranka Somalilaand waa u xor u yihiin inay hadlaan marka ay toosinayaan dawladdii ay gacmahooda ku samaysteen. Bulshadu waxay xaq u leeyihiin inay canaantaan oo toosiyaan marka ay u muuqato wadeeco Makarfoonada xisbiyada qaranku iyo wergeysyaduba waa cudka bulshadu wax ku toosisaa. Waxaa ugu muhimsan khudbadaha masaajidada ee kala qeexaya xaqa iyo baadilaka iyo cidhib-xumaanta ka dhalankarta CADAALAD DARRADA HOGAAMIYE SI BADHEEDHA UGU KACO. Bulshaweynta ayaa ka sarraysa Xukuumaddii ay doorteen. Waa in xukuumaddu ka waantowdaa inay qof muwaadin ah hadal ku xidho. Bulshadu siday u dareentay markhaatigii madaxweynaha: in Bulshada Galbeed ka wacantahay Bulshada Beri : WAA HADALADII MAQYALKA MANA AHAYN HADAL MADAXWEYNE. BULSHADA SOOMAAALILAND OO KOL KEEDA HOREBA ULA BOOCA ISUGU TUKUBAYSAY AYAA MADAXWEYNIHINA DHAN RAACAY: waxay la mid tahay maahmaahdii carbeed : زت الطينه بله “oo la mid ah dhooqadiibaad sii dhooqaysay” Amniga qaranka sidee bulshadu u argtaa? AMNIGA IYO DIFAACA QARANKU WAA MASUULIYADDA MUWAADINKA.WAXAA SE XUKUUMADDA KU WA JIB AH IN AMNIGU SARE U SOCDO. OO XALINTA JAABHADAHA UNKAMAAYA IYO WASIIRADAN MARKA LA ERYO XAMAR U SHAQODOONTA XAALKOODA LA SUGO. Xidhiidhka caalamigu sidee bulshadu u aragtaa? ALBAAB KELIYA OO INOO FURANI MA JIRO. WAXAA KA FIICAN JSL OO GUDAHA ISKA ICTIRAAFTA OO WAX SOO SAARKEEDU SIDAN KA ROONAADO DHAQAALE AHAAN IYO SIYAASAD AHAANBA. Heshiiskii UAE ee saldhiga iyo maamulka dekadda iyo kala hadalka madaxda qaranka side bulshadu u aragtaa? WAA HESHIIS GOBLAMAY OON MUGDI KA BIXIN. MADAXWEYNAHA QARANKU WUXUU SHEEGAY IN SALDHIGA LA KIREEYAY HALKA WASIIRKA MAALIYADUNA SHEEGAY INAAN KIRO LAGA QAADIN SALDHIGA OO MADAAR IYO WADDO LA SAMEEYO HESHIISKU AHAA. XUKUUMADDA MAXAA U DIIDAY: INAY UAE WEDIISATO : INAY KA AMAAHATO AMA KIRADA LOO QADDIMO LACAG KU FILAN IN BIYAHA 6DA GOBOL JSL EE BADDA GALA LA FADHIISIYO SI XOOLIHII MADHAY U SOO NOQDAAN. INAY UAE BAANAN WADDANKA KA FURATAAN IAY KA CAAWISO DIB U HABAYNTA BANKIGA DHEXE EE IYO Komishanka doorashooyinka oo dhacaya 29.11.2019, doorashda golaha wakiilada oo u muddaysan 12.12.2019 iyo komishan cusub oo aan la magaacaabin sidee bulshadu u aragta. WAXAY U JOOGAANBA MA JIRTO. Wax soo saar laanata iyo sicir bararka aan circa ka soo degin sidee bulshadu u aragta. WAA CUDUR AAN DAWADIISA XUKUUMADANI U JEEDIN. Danaha baayacmushtari ee Somalailand iyo Ethiopia ka dhaxeeya siday bulshadu u aragtaa? SABABTA UGU WEYN EE SICIR BARARKA ABUURAA WAA QAADKA IYO KHUDRADAHA AYNNU DOLLAR KAGA IIBSANNO ETOOBIYA INAGA OO AYANAAN WAXBA KA IIBIN ETOOBIYA. WAXA WAJAALE ETOOBIYA KAGA IINBSATO BIRKA INAGA WUXUU INAGU HAYAA DHITA UGU WEYN EE SABABTA SICIR BARARKA. Maxa deyn lagu leeyahay qaranka? Ma deyn qarsoon baa jirta? HADDAY QARSOONTAHAY IYO HADDAY QEEXANTAHAYBA INAAN QARANKU DEYN LA’AYN AYAA CAD. Sinaanta iyo caddaaladda dawladda manta somlailand ka talisa sidee bulshaddu u aragtaa? SALUUGGII BULSHADU KA QABATAY SINAANTA IYO CADAALAD DARRADA MAANTA AYAY CADDAATAY IN DADKU INAAN BULSHADU SINNAYN MARKII UU YIDHI “ GALBEED IYO BARI WAA KALA WANAAGSANYIHIIN” Mudane Madaxweyne Mujaahid Muse ma wuxuu u jihaaday uu kursiga qaranka ugu fadhiistay inuu markhaatigan Galbeed u furo oo uu fulinteedana ku hawlgalo.??? Madaxweynuhu miyuu ilaabay amarka eebe: *و ادا قلتم فأعدلوا و لو كان دا قربي و بعهد الله أوفوا دالكم و صا كم به لعلكم تدكرون* *و هو الدي جعلكم خلائف ألأرض و رفع بعضكم فوق بعض درجات ليبلوكم فيما اتاكم ان ربك سريع العقاب و انه لغفور الرحيم* و بالله التوفيق (Xil)Hussein Ismail Yusuf Qaran News
  11. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrinmaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland, Cawil Shiikh Xaamid Maxamed, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guy Griffin Madax ugu Saraysa UNSOM ee Puntland. [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aden. Khayre iyo Danjire Aadan ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ah ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka. Danjire Aadan ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag. View the full article
  13. (SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor-dhawayd soo gaadhay magaalo xuduudeeda Wajaale. Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadda waxana loo soo galbiyay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu caawa u hayo doono. Maalinta beri ah ayy Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka qayb-galaya dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”, taasi oo la filayo in uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi dhagax dhigi doono. Dhan kale waxa magaalada Hargeysa ku sugan wafti kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo u yimid inay ka dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor” Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa waftigan ku soo dhaweeyay magaalada Wajaale. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-27022019.mp3 View the full article
  15. (SLT-Doha)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah, Halkan hoose ka DAAWO arrimaha ay ka wada-hadleen Source
  16. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrinmaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland, Cawil Shiikh Xaamid Maxamed, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guy Griffin Madax ugu Saraysa UNSOM ee Puntland. Kulanka wasiirka iyo madaxda UNSOM ayaa looga hadlay, arrrimaha ay kamid yihiin; taageeridda UNSOM ee wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta &Dhaqancelinta Puntland iyo xoojinta xiriirka UNSOM iyo wasaaradda. Madaxda UNSOM ayaa kulanka ka ballan qaaday, in ay Puntland ka taageeri doonaan; xoojinta awoodda Police-ka,xabsiyada, arrimaha xuquuqul insaanka iyo caddaallada. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta, isagoo ka duulaya ballan-qaadkii madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa, taabba-gelinta nidaam Garsoor iyo caddaalad buuxda,waxaa ka go’an in uu ka shaqeeyo, xoojinta Garsoorka Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta, kuwaasoo ah Shaqadda Wasaaradda(Mandate of the Ministry). DHAMMAAD The post Wasiirka Caddaaadda Puntland oo qaabilay madaxa UNSOM ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Doha (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab soo dhoweyn ah ka bixisay warbixintii kasoo baxday hay’adda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka. Warbixinta IMF ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “Dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay ballan-qaaday inay is-beddel wanaagsan ku sameyso dhaqaalaha Soomaaliya. Maanta IMF waxay xaqiijiysay in dadaalladeena ay hogaamiyeen kobac la saadaalinayo inuu yahay 3.5% oo dhaqaalaha dalka uu sameynayo” IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan. Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. The Amir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani discussed with President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo the strong bilateral relations between both countries and ways to boost and develop them in various fields. During the talks held today at the Amiri Diwan, the developments in Somalia were reviewed and the Amir directed to support the Somali government budget for 2019 with QR 73 million. The discussions covered a number of regional and international issues of common interest. The discussions were attended by a number of ministers. From the Somali side, the discussions were attended by members of the official delegation accompanying the President. View the full article
  19. We are shocked by the death of 12-year-old Aisha Ilyes Aden who has been brutally murdered after being kidnapped, raped and tortured in northern Galkayo. As the UN agency leading globally the charge to end violence against women and girls, UNFPA condemns this hideous act of gender-based violence. Gender-based violence is a grave violation of individual women’s and girls’ rights; the rape and subsequent murder of Aisha is a terrible example of that. Moreover, the impunity enjoyed by perpetrators, and the fear generated by their actions, have an effect on all women and girls. The violence reflects and reinforces the discrimination against women and girls, perpetuating a vicious cycle that is detrimental to their development and progress. UNFPA stands with Aisha’s family and fully supports the authorities, communities, and activists fighting against gender-based violence and for women’s human rights in Somalia. UNFPA calls for a speedy investigation into Aisha’s murder and for the enforcement of the Sexual Offenses Law, which criminalizes all sexual offenses in the Puntland State of Somalia. There simply is no place for violence against girls and women in the world today and in the future, we are striving to create where every girl in Somalia grows up able to experience her inherent dignity, human rights, and equality. Today and every day, let’s stand up for the human rights, safety and dignity of every woman and girl everywhere. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u beenisay war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ah in uu askar fara badan ku dilay duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa isniintii sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayna ku dileen 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sheegashooyinka Mareykanka ay yihiin kuwa la doonayo “In Mareykanka uu ku duugo duqeymaha uu ku hayo dadka Soomaaliyeed” Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa wax lagu maadeysto ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka ee ku aadan duqeymaha Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeymaha Hiiraan aanan wax khasaare ah lagu gaarsiin ciidankeeda marka laga reebo duqeyntii dambe oo lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay leeyihiin ciidamada Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Guleid Ahmed Jama @GuleidJ The auditor General, the Accountant General and the deputy attorney general attending the ruling party, Kulmiye, Central Council meeting at Boorama is evidence of the politicization and partisan of institutions legally required to remain impartial and nonpartisan. 10:38 AM · Feb 26, 2019 · Twitter for iPhone 22 Retweets 58 Likes Abdirahman M. Dirye @mrdirye · 23h Replying to @GuleidJ It is not politicization but clanization of the judiciary and legal enforcements openly! Lets call spade by spade Qaran News
  22. (SLT-Hargeysa)-Khabiir Michael Rubin oo ah xeel-dheere Maraykan ah ayaa Dawladda Dalkiisa ku guubaabiyey inay wax la qabato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika isla markaana ay ka qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa maanta soo xigatay warbixin dheer oo Michael Rubin kaga faallooday muhiimadda ay Somaliland u yeellan karto Maraykanka, taasi oo lagu daabacay Shabakadda American Enterprise Institute. Michael Rubin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay: “Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Afrika Iskama Dhego-tiri karto Somaliland”waxaanu sheegay inay Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya , isla markaana ay qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay, dawladnimo shaqeynaysa. Aqoonyahan Michael Rubin wuxuu tilmaamay inay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay Miisaaniyaddeeda saddex meeloodoow meel geliso dhinaca Ammaanka ay hubka fudud soo iibsadaan, si ay ilaaliyaan ammaanka xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 Mayl, waxaanu xusay inay ka hortagaan hubka sida sharci darrada ah uga imanaya dalka Yeman, waxaanu isweydiiyey sababta Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanku ay xafiis ugu yeelan weyday Somaliland. Michael Rubin wuxuu sidoo kale ka hadlay tacab khasaarka Maraykanku ka joogo Soomaaliya oo uu dhaqaale badan iyo cuddud millatari la garab istaagay, waxaanu ku sifeeyey Dawladda Farmaajo mid maqaar-saar ah oo xukunkeedu aanu gaadhin masaafo aan fogeyn qasriga madaxtooyadda. Waxa kale oo uu ku dooday aqoonyahan Michael Rubin in deeqaha la siiyo Soomaaliya ay sii hurinayso colaada iyo kooxaha xagjirka ah ee ku beermay dalkaas oo lagu qiimeeyey waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidammada Booliska Oo Ka Hadlay Gacan Ku Dhiigle Ciidanku Qabteen, Arday Shil Ku Geeriyooday, Amaro Culus-na Dul Dhigay Gadiidka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubaland, ayaa jawaab ka bixiyey dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo ee shacabka magaalada loogu diiday inay soo dhoweeyaan. Ciidamada Jubbaland ayaa maanta kala eryey, isla markaana ay jirdil u geysteen Dad Shacab ah iyo Wariyeyaal ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig. Dadka Shacabka ah iyo Wariyeyaasha ayaa ku sugnaa banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo, iyaga oo doonayay inay soo dhaweeyaan Xildhibaanka. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay dadka Shacabka ah u diideen inay galaan garoonka, waxaana sidoo kale jirta in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xataa loo diiday gelida Garoonka oo ay banaanka ka joogan. Xidig ayaa qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook:- “Bismilaah, Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo: Mahad gaar ah waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga: Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019: Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo: Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo: Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay: Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda: Amaana Alaah: Og: shacabka Jubbaland Og: Salaadiinta Jubaland Og: Maamulka Jubaland Og: Dowlada Federaalka Og: Urur Goboleedka IGAD Og: Amisom sector 2 Og: International Community Mahadsanidiin: Hon: Abdirashid Mohamed Xidig Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019: Kismayo Airport
  25. Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada sare Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa warsidaha Puntlandi uga wraamay kiiska kufsiga iyo dilka Caaisha Ilyaas Aadan iyo go’aanka maxamada [...] Source