-
Content Count
207,567 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Ugu dambeyn, Mashruucan waxaa laf-dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Daah-furay Masharuuc lagu Tababarayo 400-qof oo dhallinyaro ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Pakistan)-Waxaa heer aad u xun mareysa xiisad colaadeed oo u dhaxeysa dalalka dariska ah ee Hindiya iyo Pakistan, kuwaasoo labadooduba heystaan hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka. Hindiya ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan, isbuucyo ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya. Ugu yaraan 42 askari oo ka tirsan booliska sida milatariga u tababaran ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay qaraxa ismiidaaminta ahaa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda fariisinka ku leh gudaha Pakistan ee lagu magacaabo Jayshu Muxammad. Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa xilligaas wacad ku maray in waddankiisu uu jawaab kulul ka bixin doono weerarka loo geystay ciidankooda oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhaca muddo tobannaan sano ah. Dowladda Pakistan ayaa si kale u dhigtay howlgalka ay Talaadadii sameeyeen diyaaradaha milatariga Hindiya, iyadoo sheegtay in lagu soo xad gudbay hawada dalkeeda, gaar ahaan hawada u dhow xadka ay ku kala qeybsadeen gobolka ay isku heystaan ee Kashmiir. Waxay sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir. Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha. Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho. Labadan dal ee cadowga isku ah ayaa horay gobolka Kashmiir dartiis ugu dagaallamay labo jeer tan iyo intii ay xorroyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1947-kii. Halkan waxaan ku qeexeynaa awoodda milatari ee ay kala leeyihiin labadan waddan. Miisaaniyadda Milatariga Sannadkii 2018-kii, Hindiya waxay ciidamadeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 1,400,000(Hal malyan iyo afar boqol oo kun) u qoondeysay lacag dhan afar tirilyan oo rupee, oo u dhiganta $58 bilyan oo doolar. Dhaqaalahaas ayaa ah boqolkiiba 2.1 ka mid ah dakhliga guud ee soo gala dowladda, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee Istiraatiijiyadda oo magaceeda loo soo gaabiyo (IISS). Sannadkii lasoo dhaafay, Pakistan waxay ciidankeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 653,800(lix boqol konton iyo saddex kun iyo siddeed boqol) ku kharash gareysay lacag dhan 1.26 tirilyan oo rupiga Pakistan ah una dhiganta $ 11 bilyan oo doolar. Dhaqaalahaas ayaa ah 3.6 boqolkiiba oo ka mid ah dakhliga guud ee usoo xarooda dowladda. Waxay isla sannadkii 2018-kii Pakistan heshay kaalmo milatari oo uga timid dibadda, taasoo gaareysay $100 malyan oo doolar. Intii u dhaxeysay sannadihii 1993-kii iyo 2006-dii, in ka badan boqolkiiba 20 ka mid ah dhaqaalaha sannadlaha ah ee ku baxa dowladda Pakistan waxaa lagu kharash gareeyay howlaha la xiriira milatariga, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay hay’adda caalamiga ah ee cilmi barista nabadda, ee uu fadhigeedu yahay magaalada Stockholm. Waxay sidoo kale hay’addan sheegtay in sannadkii 2017-kii milatariga Pakistan ay ku baxday boqolkiiba 16.7 ka mid ah dhaqaalaha ay sannadkiiba kharash gareyso dowladda. Haddii la isbarbar dhigo, dhaqaalaha ku baxa milatariga dalka Hindiya wuxuu muddadaas ka hooseeyay boqolkiiba 12 ka mid ah kharashka ka baxa dowladda. Balse sannadkii 2017-kii wuxuu ahaa 9.1 bolokiiba. Gantaallada iyo hubka nuclear-ka Labada waddanba waxay heystaan gantaallada goomaha ka sameysan ee awoodda u leh iney xambaaraan hubka nuclear-ka. Hindiya waxay heysataa sagaal nooc oo ka mid ah gantaallada la isticmaali karo, waxaana ka mid ah nooc loo yaqaanno Agni-3, kaasoo gaari kara masaafe dhan 3,000km ilaa 5,000km, sida ay sheegtay xarunta qorsheynta daraasadaha caalamiga ah ee (CSIS), oo fadhigeedu yahay magaalada Washington. Gantaallada ay haysato Pakistan oo dhismahooda ay ka caawisay dowladda Shiinaha waxaa ka mid ah kuwa riddada gaaban iyo riddada dhexe oo gaari kara meel kasta oo ka mid ah Hindiya, sida ay sheegtay CSIS. Gantaallada ay Pakistan heysato waxaa ugu masaafe dheer mid lagu magacaabo Shaheen 2 oo gaari kara ilaa 2,000km. Pakistan ayaa heysata 140 ilaa 150 madax oo hubka nuclear-ka ah halka Hindiyana ay heysato 130-140 madax oo nuclear ah, sida laga soo xigtay hay’adda SIPRI. Ciidanka dhulka Hindiya waxay heysataa 1.2 milyan oo askari, kuwaasoo ay taageerayaan 3,565 oo taangiyada dagaalka ah, 3,100 oo ah gaadiidka loogu tala galay ciidanka lugta ku dagaallama, 336 gawaarida gaashaan ee saraakiisha lagu qaado ah iyo 9,719 oo ah madaafiicda goobta ee loo yaqaanno artillery-ga, sida ay sheegtay IISS. Ciidamada Pakistan oo tiradaas aad uga yar ayaa gaaraya 560,000 askari oo ay taageerayaan 2,496 taangi, 1,605 oo baabuurta gaashaaman ah iyo 4,472 madaafiicda goobta ee artillery-ga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin 375 hoobiye. Inkastoo Hindiya ay ciidankeedu aad u badan yihiin, haddana waxay IISS sheegtay iney heystaan caqabado ay ka mid tahay rasaas yaraan. Ciidanka Cirka Hindiya waxay leedahay 127,200 oo askari, oo ciidanka cirka ah iyo 814 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, hase ahaatee waxay dhibaato ka heysataa dhinaca diyaaradaha dagaalka. Waxay cududdeeda inta badan u kala qeybisaa difaaca weerarrada uga imaan kara Pakistan iyo Shiinaha. Pakistan waxay heysataa 425 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, kuwaasoo lagu soo sameeyay Shiinaha iyo diyaaradaha Mareykanka lagu farsameeyo ee loo yaqaanno F-16. Ciidanka badda Ciidanka badda ee Hindiya ayaa si weyn uga ballaaran kuwa Pakistan, waxayna uga badan yihiin dhinac walba. Hindiya ayaa heysata hal diyaarad oo ciidanka badda lagu daabulo, 16 markab oo gujis ah 14 burburiye, 13 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 106 markab oo kormeer ku sameeya xeebaha iyo 75 diyaaradood oo diyaar ah in lagu qaado ciidanka badda. Ciidanka badda ee Hindiya ayey tiradoodu gaareysaa 67,700, waxayna isugu jiraan askar iyo shaqaalaha cimilada badda. Pakistan, oo awooddeeda ciidanka badda ay aad uga hooseyso intaas ayaa leh 9 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 8 markab oo gujis ah, 17 markab oo xeebaha kormeera iyo 8 diyaaradood oo loogu tala galay iney ciidamada daabulaan. Source
-
Kismaayo (SMN)- Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay dad shacab ku dileen qeybo kamid ah magaaladaasi. Dadka la dilay oo ahaa laba ruux oo xalay guryahooda ay kala bexeen ciidamada Jubbaland ayaa meydkooda laga helay xaafada Dalxiiska ee magaalada Kismaayo. Labada ruux ayaa waxaa kamid ahaa macalin dugsi aad looga garanayay Kismaayo oo magaciisa lagu soo koobay sheikh Jihaad. Qofka kale ee la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa xalay hooygiisa xaafada Dalcada ee Kismaayo waxaa kala baxay ciidamada Jubbaland,waxaana meydka labadaasi ruux laga helay gudaha magaaladaasi. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow xoogan oo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulka Jubbaland,waxaana magaaladaasi kusii qulqulaya musharixiin u taagan kursiga madaxtooyada Jubbaland. View the full article
-
Valletta (SMN)- Maxkamad ku taalla Jaziirada Malta ayaa xukun ku riday nin Soomaali ah oo lagu helay in uu isku dayay in uu dilo sarkaal ka tirsan booliiska Malt. Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay bishii December ee sanadkii tagay ninka Soomaaliga ee la xukumay oo lagu magacaabo cabdiqani Cumar Cabdullaahi,kaas oo ku dhawaaday in uu tooreey ku dilo sarkaal booliis ah ool lagu magacaabo Redeemer Abdel Ghany. Sarkaalka ayaa sheegay in ninka Soomaaliga uu sarqaansanaa xiliga uu falka dhacayay isla markaana si lama filaana uu xabadka uga gaarsiiyay dhaawacyo fudud. Saraakiil ka tirsan booliiska Malta oo lagu kala magacaabo Frank Portelli, Joseph Cini, Joseph Bajada iyo Mario Azzopardi ayaa maxkamada ka hor cadeeyay in ninka Soomaaliga uu si bareer ah isugu dayay in uu dilo sarkaalka booliiska ah. Qareenada difaacayay ninka Sooamaaliga ah ayaa ku andacooday in xiligaasi uu sarqaansanaa isla markaana uusan ula kac u sameynin falkaasi,laakiin maxkamada ayaa ugu danbeyn cabdiqani Cumar Cabdullaahi oo Soomaali ah ku xukuntay halsano oo xabsi ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 2 kun oo Euro. View the full article
-
Qoryooleey (SMN)- Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaasi. Inta uu dagaalka socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay. Saraakaal ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo si hoose ula hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi,isagoo intaaasi ku daray in weerarkaasi sadex askari uga dhaawacmeen. Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in dhinaca Al-shabaab hal dhimasho iyo sadex dhaawac ah uu ka soo gaaray weerarkii ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada Hoose. Horaantii bishan ayey aheyd markii Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmada Qoryooleey ay ku dhaawacmeen gudoomiyihii degamadaasi,ku xigeenkiisii iyo xoghayahii degmadaasi. View the full article
-
Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa faray dhamaan ciidamada amaanka ee maamulkiisa faraya in ay ilaalaiyaan nabad galyada guud ee deegaaanada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ula dardaaray ciidamada booliiska Puntlad,waxaana uu sheegay in looga baahanyahay ka hortaga falalka lidiga ku ah amaanka iyo derder galinta nabadgalyada. Hadalkan ayaa madaxweyne Deni wuxuu ka sheegay taliska guud ee ciidanka booliiska Putland ee magaalada Garoowe,waxaana uu hadalkiisa kusoo aadayaa iyadoo maamulka puntland ay ka dhacaan falal amni darro,gaar ahaan gobolka Bari. Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ayaa xoojinaya amaanka deeganada maamulkaasi,xili qeybo badan oo kmaid ah gobolka Bari la sheegay in ay ku xooganyihiin dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab.’ View the full article
-
Gaarisa (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku gubtay badeeco badan oo la sheegay inay ganacsato geeyeen magaalada Gaarisa, kadib markii lagu qabtay magaalada Gaarisa. Badeecada lagu gubay magaalada Gaarisa ayaa hay’adda daqli ururinta Kenya waxay ku sheegtay inay gaareyso 9 Milyan oo lacagta Kenya, waxaana la sheegay in laga yaabo inay ka badato dhaqaalaha uu ku fadhiyay raashiinka. Badeecadahan ayaa ka koobneyd 10 Tan oo Sokor ah, 587 Kartoon oo Caano Boore ah,Kartoono Saliid Caddeey ah oo aan tiradooda la sheegin iyo badeecado kale oo fara badan. Guddoomiyaha degmada Gaarisa Meru Mwangi oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in badeecadaasi ay dhanka Soomaaliya ka gashay magaalada Gaarisa, isaga oo sheegay inay sharci daro tahay wax dhacay in la geeyo dalkaasi. Sidoo kale wuxuu Mr Meru Mwangi sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in ganacsi sharci daro ah la geeyo Gaarisa iyo deegaanada kale ee Kenya, wuxuuna cadeeyay inay gubi doonaan ganacsi walbaa oo si sharci daro ah lagu geeyo gudaha Kenya. Mr Meru Mwangi, ayaa sheegay in hay’adda la socodka tayada badeecadaha ee Kenya oo baaris ku sameysay Badeecadahaasi ay ogaatay in ay dhaceen oo aysan u qalmin in uu Bani’aadamka adeegsado. Waxaa uu intaas ku daray in Ganacsatada Gaarisa ee Canshuurta bixiya ay difaaci doonaan sidaga oo intaas raaciyay in kuwa dhinaca Soomaaliya ganacsiga ka keenaya ay yihiin kuwo ka baxsanaya Canshuurta Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-280219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallo socda oo la doonayo in dib loogu furo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo ay tahay in marka hore xal loo gaaro. Dadaalladan ayaa waxaa wada ergeyga Turkiga ee wada-hadallada Olgan Bekar iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda xalinta xasaradaha ee Center for Humanitarian Dialogue. Hya’addan ayaa fadhigeedu yahay magaalada Geneva, waxaana maal-gelisa dowladda Switzerland. Arrimaha ugu weyn ee hadda la doonayo in la xaliyo ayaa waxaa ka mid ah halka uu kulanka ka dhacayo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa door-bidaya dalka Sweden, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale rabta in wada-hadallada ay ka dhacaan dalalka deriska la ah Soomaaliya, gara ahaan Jabuuti. Ka sokow qodobada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale jira in dowladda federaalka ah ay dhexdeeda isku hayso ciddda ay u direyso wada-hadalalda ee matalaysa. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa door-bidaya Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Soomaaliya, iyo aas-aasayaashii ururuka Islaax ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya. Faroole ayaa la sheegay in haddii dowladda ay xulato ay ka careysiin karto Somaliland, maadaama uu horey u ahaa madaxweynaha maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta isaga baxay xarunta Jaale Siyaad oo ku dhow wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya. Ciidamo ka socda dowladda Burundi ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay ayaa deganaa xarunta Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana ay halkaasi u aheyd saldhig. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha looga baxayo xarumaha muhiim ah ee ku yaala magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen AMISOM ayaa la sheegayaa inay qeyb ka tahay qorshaha bixitaanka AMISOM. AMISOM ayaa horey kaga baxday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo xarumo kale, waxaana la qorsheynayaa ciidamada ku sugan xarumahaasi in la geeyo goobaha ay ka baxaan ciidamada Burundi. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kaga mahadceliyay ciidamada Burundi dadaalkooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana uu sheegay inay tahay maanta maalin kale oo taariiqi ah. Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo badan oo AMISOM loo qorsheynayo inay amaanka dalka ku wareejiyaan ciidamada xooga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Qatar ayaa shalay ku dhowaaqday inay lacag dhan 73 milyan oo riyaalka Qatar ah, una dhiganta 20 milyan oo dollar oo ay ku taageereyso miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019. Warkan oo uu ku dhawaaqay amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yimid kadib markii uu magaalada Doha kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Taageeradan ayaa muhiim ah dowladda xilli ay jiraan warar sheegaya in lacag badan ay ka dhiman tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, ayada oo bilihii dhowaa dowladda ay wajahaysay dhaqaale xumo. Hase yeeshee, ballan-qaadka 20-ka milyan ee Qatar ma ahan wixii aan ka filaynay kadib laba sano oo ay Soomaaliya garab taagneyd, waxa uuna caddeyn kale u yahay in siyaasaddii dowladda Soomaaliya ay ugu xiratay Qatar, una colaadisay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ahayd mid qaldan. Adiga oo aan meel fog ka raadin, waxaa caddeynta koowaad ka heli kartaa in Sacuudiga ay sanadii 2018 ay miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ku kabatay 50 milyan oo dollar, inkasta oo ay jirtay inay ka xumeyd in dowladda Soomaaliya ay kala safatay Qatar. Qatar oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u taageereen ayaga oo rumeysan in gar-darro ay ku maageen Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayaan ugu abaal-gudin sidii ay filayeen. Tusaale, bishii June ee sanaddii 2018 waxay Qatar miisaaniyadda dowladda Jordan ku kabtay 500 oo milyan oo dollar, inkasta oo ay jirto in Jordan tahay dal ka horumarsan aadna uga dhaqaale badan Soomaaliya. Su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah, haddii Qatar aysan Soomaaliya siin karin xitaa lacag u dhiganta midda Sacuudiga ay dhiibeeen, maxay tahay danta aan ku qabno ee aan darteed ula dagaalnay dalal sanado badan saaxiib la ahaa Soomaaliya. Ka sokow taageerada miisaaniyadeed, Sacuudiga iyo Imaaraadka waa laba dal oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya. Sacuudiga waa suuq muhiim ah xoolaha Soomaaliya, halka Dubai ay tahay magaalo ganacsatada Soomaaliyeed ay aad uga soo dhoosadaan badeecadaha. Soomaaliya waa u ceeb in dal ay colaadisay uu siiyo 50 milyan oo dollar, halkii kii ay saaxiibka ka dhigatay uu 20 milyan kusoo tuuray kadib laba sano oo ay dowladda Soomaaliya garab taganeyd. Haddii aysan jirin dano shaqsiyeed oo ayna ogeyn oo ay madaxda dalkeena ku haystaan Qatar, waxay ila tahay in la joogo waqtigii aan dib u sixi lahayn qaladkii aan galnay, oo ana macsalaameyn lahayn Qatar. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Haweeney 70 jir norwiji ah ayay maxkamadda magaalada Bergen ku xukuntay 24 beri oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo 10.000 oo kr gaaraya kadib markii ay qoraal cunsuriyad iyo caay ah oo ay ku aflagaadeyneyso Sumaya Cali ay ku qortay barta bulshada ee Facebook. Sumaya Jirde Ali ayaa ah gabar da`yar oo soomaaliyeed oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa soomaalida iyo ajaanibta kel, waxayna caan ka tahay guud ahaan dalka Norway. Haweeneydan la xukumay ayaa Facebook-ga ku qortay «Fandens svarte avkom reis tilbake til Somalia og bli der din korrupte kakerlakk», oo u dhiganta af-soomaali ahaan «Nacallaa iyo wixii madoobaa ee ku dhalay, ku laabo dalkaagii Soomaaliya, ee halkaas joog, baranbarayahay musuq-maasuqan». Waxay haweeneydan ku andocootay in Sumaya iyadaba ay horay ugu qortay baraha bulshada aflagaado ka dhan ah siyaasiyiinta iyo booliska dalka Norway, waxayna tusaale usoo qaadatay qoraallada «freak Sylvi Listhaug og freak politiet» oo u dhiganta af-soomaali ahaan «Was Sylvi Listhaug (haweeney wasiirad ah) iyo was booliska». Maxkamadda ayaa sheegtay in Sumaya ay horay raalligelin uga bixisay erayadaasi, islamarkaana iminka looga dhigi karin dambi. Waxa ay maxkamaddu kusoo gunaanaday in qoraalka haweeneydan uu ahaa mid xambaarsan cunsuriyad islamarkaana la doonayo in laga hortago noocyadiisa. ” – Sumaya waa qof u dhaq-dhaqaaqa soo galootiga laga tirada badan yahay, waana qof qaali u ah, sidaas daraadeed xukunkan waxa uu ka hortagayaa in uu sumcadeeda ilaaliyo islamarkaana aysan badan qoraallada cunsuriyadda ku dheehan tahay ee baraha bulshada lagu faafiyo”, ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya kala hadashay inay joojiso beegsiga ay ku hayso shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Kenya ay billowday cadaadis iyo si xun ula dhaqan ka dhan ah Soomaalida, kadib weerarkii Nairobi ee dhacay 15-kii Janaayo, oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Soomaali badan oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxda Al-Shabaab ayaa lagu warramayaa in sabab la’aan ama tuhunno aan lahayn wax caddeymo ah ay dowladda Kenya u xirtay. Wada-hadal qadka taleefonka ku dhex-maray wasiirka amniga Kenya Fred Matiangi iyo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa la sheegay in Matiangi uu ku sheegay in Kenya aysan marna dad u beegsan inay yihiin Soomaali, balse ay qaadeyso tallaabo amniga lagu sugayo. Matiangi ayaa u xaqiijiyey Cawad in wax sharciga ka baxsan aysan qaadi doonin xukuumadda Nairobi. Maalmihii dhowaa ayaa la sheegay in cadaadiska laga yeeray Soomaalida, hase yeeshe madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynayey inuu la hadlo madaxweyne Kenyatta haddii aysan wax is-beddelin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa warbixin uu soo saaray ku soo bandhigay tirada Shabaab ee lagu dilay duqeymaha bilowga sanadkaan Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa kordhiyay beegsiga Shabaab ay ku hayaan ee Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo habeenadii la soo dhaafay Mareykanka uu duqeeyay goobo dhawr ah oo Shabaab ay ku sugnaayeen. Gregory Hadfield oo ah Afhayeenka Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in sanadkan 2019 ka ay in ka badan 200 oo Al-Shabaab ah ku dileen weeraro ka dhaca gobolo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu sheegay weeraradii ugu dambeeyay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen xubno Shabaab ka tirsanaa oo gaaraya 60. Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay hal habeen kaliya afar duqeyn ka fuliyay deegaano ka tirsan Shabellaha hoose gaar ahaan Kuunya Barrow, Awdheegle, Janaale iyo duleedka Qoryooley, dhamaan goobahaasi ayaa lagu duqeeyay Al Shabaab. Weerarada Mareykanka uu qaaday sanadkaan bilowga ah ayaa gaaraya illaa 20 weerar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Khabiir Michael Rubin oo ah xeel-dheere Maraykan ah ayaa dawladda Dalkiisa ku guubaabiyey inay wax la qabato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika isla markaana ay ka qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay warbixin dheer oo Michael Rubin kaga faallooday muhiimadda ay Somaliland u yeellan karto Maraykanka, taasi oo lagu daabacay Shabakadda American Enterprise Institute. Michael Rubin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay: “Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Afrika Iskama Dhego-tiri karto Somaliland” waxaanu sheegay inay Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya , islamarkaana ay qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay, dawladnimo shaqeynaysa. Aqoonyahan Michael Rubin wuxuu tilmaamay inay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay Miisaaniyaddeeda saddex meeloodoow meel geliso dhinaca Ammaanka ay hubka fudud soo iibsadaan, si ay ilaaliyaan ammaanka xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 Mayl, waxaanu xusay inay ka hortagaan hubka sida sharci darrada ah uga imanaya dalka Yeman, waxaanu isweydiiyey sababta Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanku ay xafiis ugu yeelan weyday Somaliland. Michael Rubin wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu lacag badan ku bixiyeo Soomaaliya, oo uu dhaqaale badan iyo cuddud millatari la garab istaagay, hase yeeshee dowladda Soomaaliya aanay gaarin masaafo aan fogeyn, marka la eego dhulka ay maamusho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dadaalka dawladda ee horumarinta dhaqaallaha dalka uu miro dhalay, guulna laga gaaray dib u habeynta siyaasdeed ee hanaanka maamulka maaliyadeed. “Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay sida ku cad warbixinta ay soo saartay IMF” ayuu yiri Wasiir Beyle. Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabbaha Horumarka iyo guusha, islamarkaana godkii madoobaa ay kasoo baxday, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ku ammaanay dadaalka ay ka geeysanayaan horumarka dhaqaallaha. “Godkii madoobaa waanu ka soo baxnay, waxaanu saaranahay dhabbihii caddaa ee guusha, Hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed waa in aan dadaalkeena sii laba laabnaa” “Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed oo masuul ka ah horumar walba oo aan sameyno, hadaysan canshuur bixin laheyn isla markaana aysan la shaqeyn laheyn Dowladdooda maanta ma gaari laheyn guul walba oo aanu gaarnay” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle. Hay’adda (IMF) ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay Dowladda Soomaaliya ku ammaantay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaartay horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo kobaca daqliga soo gala dowladda. Beyle ayaa sheegay in taasi ay ku timid dadaalkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u gashey siddii muwadiniintu loogu buraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay bixinta canshuuraha, waxaana hay’adda (IMF) ay xustay in sanadkan 2019 uu jiro horumaro ballaaran oo dowladdu ay ka gaartay xagga daqliga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tan iyo intii uu xilka hayay madaxweynaha jamuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu jeediyay khudbaddo aad ubadan oo dhinacyo baddan taabanaya ha u badnaadaan kudbaddo uu ku dhaleecaynayo, ugu hanjabayo ama uu kula garnaqsanyo dawalada federalka Somalia ee aynu jaarka nahay. Markasta oo uu madaxweyne khudbadda jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu madaxweynuhu khudbadd qodobaysan ujeediyo bulshadda iyadoo qodobadaas uu soo diyaarinsanyo oo warqad ku soo qoranayo si aan khudbadii uga noqon kaftan,maddaalo ama waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markaya ahayd 09/12/2018 Mar uu madxweynuhu booqday cisbitaalka guud ee magaalada hargiesa isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi taasina maaha haykala madaxweyne ama haykal dawladdnimo. Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay iskugu soo urureen dadweyne aad ubaddan oo ku soo dhaweeyay magaalada Boorama waxa uu ka jeediyay khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda bariga oo kuu amaanyo goboladda galbeedka Somaliland isagoo madaxweynuhu labadaba uu isagu madaxweyne uyahay oo labadaba waa bari iyo galbeed bee laga soo doortay. Hadaba markaynu usoo daadagno dulucda maqaalkeena waxaanu madxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu soo gudbinaynaa in marka uu khudbadd jeedinayo uu isticmaalo haykalaka madaxweynenimo isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda ujeedinayo si aan cidina udhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo. W/Q: Cabdiraxiim Cabdilaahi Shine
-
The Best Choice: Good Governance in Somaliland Good governance is a method to government that is committed to creating a system formed in justice, peace and harmony that protects individual’s human rights and civil liberties. According to United Nation, good governance is measured by the eight factors of participations, Rule of Law, Openness, Consensus Oriented, Equity and Inclusiveness, Effectiveness and Efficiency, and Accountability. For sake of the seeking the recognition, Somaliland leaders are must to instigate those traits, in order to have a good governance and recognition. Participation is an important part of democracy and good governance. Participation requires to all citizens not matter who they are. Particularly those most prefers the tribes, have direct or representative access to the systems of government. This reveals as a strong civil society and citizens with the freedom of association and expression. Participation is a significant part of democracy. The civil society role has been absented from since Kulmiye party took power in somaliland. Moreover, in order for citizens to know what they require from their representative they need to be educated and aware of somaliland politics and constitution. For a democracy to work smoothly in a country, citizens would need to vote on a leader that they believe will benefit them in many ways. That being said, citizens would need the proper knowledge to make that decision in the first place. It will show that although participation is the best choice because it provides the most benefits for its citizens. I am going to argue that it does not only allow the educated on the topic to make the best judgement for a leader when voting, but non-institutionalized participation does not have to exist, along with participatory planning in Somaliland thriving much more due to moderate participation. Rule of law is essential for good governance. It refers to a belief of governance in which all people of the country, institutions and entities, public and private that include the states itself are accountable to laws. It denotes legal systems must have protect the human rights and civil liberties of all citizens, predominantly minorities. This is charged by autonomous judicial branch and police force free from corruption. Conduct the election on time, tackle the corruption, respect the constitution, support the free speech, no one should be punished by the government, except for those who break of law. The law should apply to all citizens equally. Since the Kulimye party has been in power, all these aforementioned factors have taken no place. Transparency is outlines that all citizens recognize and have full access to participate and also take their own decisions without hindrance or any kind of intimations, specifically whenever they felt the government decisions would be affected direct or indirectly. Any government that includes somaliland has obligation to provide an information which is understandable and accessible format, at the same time, translates through the media. Consensus oriented is established when a program occurred for conduct a place, and this would be relating some type of decision making. Decisions collaboratives are inventible whenever societies share a common need. One of the main obstacles that community face is when they share a common agenda. For example, every somaliland tribes have different needs, perspectives and expectations of its own. Somaliland government has obligation to facilities a consensus environment. The decision needs to be made in manner that reflects a deep understanding of cultural and social context of the tribes. Equity and Inclusiveness is depending on safeguarding that all the members of the community feel authorized to improve or maintain their well-being, particularly the minorities and groups that are the most vulnerable. Somaliland has been marginalized the minorities groups, especially the minority tribes such as Gabooye. The main reason that Somaliland election has not conducted on time would be the unfairness of the seat allocation to the minority’s tribes. In Somaliland, the minorities tribes had 13 seats in parliament in 1960 which the number of seats was 33. But after withdrawal the unity of Somalia, in 1993, Somaliland had reached an agreement which creates a new formula that formula was to recognize the existed number of parliaments in 1960. Furthermore, the agreed the to increase the number of parliament seats and they were multiply 2.5 the existed numbers (2.5×33= 82) and total will become 82 members of parliamentary. In the current member of parliament, the minorities tribes have less far to their proportion. Effectiveness and Efficiency is recognized through the effective use the resources to meet the needs of a society. The resource of the nation must be sustainable to guaranteeing social investments take through and natural resources are upheld for future generations. The current Somaliland administration failed to prove the efficiency and effectiveness for best use of the nation’s resources. Somaliland has been governed by oligarchy not only the current administration but also committed the previous government. Accountability denotes the responsibility for what you do and able to give an appropriate reason. Every institution being eventually accountable to the people and one another that includes government institutions, civil societies as well as the private sectors, all being accountable to one another as well. Somaliland government must be accountable to its people and not other way around. The lack of the knowledge of accountability is wide spreader in Somaliland. The police commissioner, the supreme court, the auditor general, attorney general and more do not know to whom they accountable for. There is a relation between the good governance and public policy. The public policy is the main driver of its good governance “the diagnosing the quality of government through the ingredients of public policy arrangements is crucial to determining practical and sustainable strategies for approaching good government by John Ugaoni”. If any government fails or not able to deliver the services needs the vast majority of the citizens, it would be the resulted declination the standard of living of the people. The Somaliland current administration has a mandate in the hands of the political and administrative leadership through public policy refers broadly to exercise of power through the nation’s political institutions, economic and social. It is clear evidence that somaliland current administration failed public policy, as long as the botched the public policy, the good governance is disaster. Good example, for the last 20 years, Somaliland police forces brutality would become widespread. The assaulting the media is being common especially in Hargeisa. Carelessness and indiscipline at the policy whether the high officers or law ranks policy officer become unimaginable. The somaliland police forces has been beating the people and behaving like authoritarian regimes forces. The Police needs to educate and those who not fitting the police forces must have to transfer other government branches such as the farming, and fishing. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-27022019.mp3 View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Waaciye ee gobolka Bari. Shilka uu ku geeryooday Mudanaha oo lagu magacaabayey Maxamed Faarax Mire ayaa yimid markii gaariga uu saarnaa uu dul-maray mid kale oo nooca xamuulka ah, sida ay ku waramayaa goobjoogayaal. Marxmuum Maxamed Faarax Mire oo kursiga Xildhibaanimo ku metalayey gobolka Bari ayaa kasoo baxay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Waaciye. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ay geeri ku timaado ee kamid ah Gollaha Sharcidejinta cusub ee dowlad goboleedka Puntland, kuwaasi oo wadar ahaan ka kooban haatan 65 marka laga reebo Marxuum Mire. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ku dhintay shil gaadhi oo caawo ka dhacay laamiga u dhexeeya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo ku hadlaya afka gollayaasha dowladda uu si gaadha ugu tacsiyeynayo eheladii qaraabadii uu ka baxay marxuumka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa marxuumka ugu duceeyay in Ilaahay ka waraabiyo janna Fardowsa uuna deriskiisa ka yeelo suubbanihii Rasuulka SCW. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyay geerida xildhibaan Mire appeared first on Puntland Post.