Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,564
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Somali man who tried to bite a police officer on the way to the police station was sentenced to one-year imprisonment. On 3 December last year, the Police received a phone call informing them of a Somali man, Abdiqani Omar Abdillahi, threatening another man at Popeye Snack Bar in Marsalforn. The victim, Redeemer Abdel Ghany, claimed that the defendant, drunk and disorderly, had taken out a knife and put it against Ghany’s chest seven times. In court, police officers Frank Portelli, Joseph Cini, Joseph Bajada and Mario Azzopardi testified. “On the way to the police station, Abdillahi exhibited aggression the likes of which I had never seen before,” Portelli said, adding that the Somali man tried to bite one of the officers in the car. Abdillahi even threatened to kill the police officers one by one. He had been so aggressive that the officers admitted to using a taser gun. At the police station, Abdillahi threw up in the hallway and continued to be aggressive. The police officers claim that the defendant told them to “freak off” multiple times. The court, presided over by Magistrate Joseph Mifsud, noted that at the time Abdillahi was in a state of inebriation. “Alcohol is a substance socially accepted in diverse cultures, Malta included. Still, one of the dangers of this substance is that a drunk individual is not usually aware of when to stop.” The court heard how the defendant took out a knife and pointed it at another man’s chest before acting aggressively towards the police. The court ruled, however, that Abdillahi had been drunk of his own accord and had never been in such a state as to not remember what he had done, not to mention that he had been in possession of a knife. The court decided that the police’s use of the taser gun was justified—“the law authorises the police to use proportionate force to make sure that they return to their families safe and sound after work,” the court said, adding that a police order should be obeyed immediately. “It’s important that the court doesn’t pass on the message that just because someone’s drunk, that person can get away with risking other people’s lives,” the court insisted. Abdillahi was sentenced to one-year imprisonment and ordered to pay a fine of €2000. Inspector Bernard Charles Spiteri prosecuted. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi siinayay warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa ka hadlay xiisadda diblu maasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Somalia iyo qorshaha Mareykanka uu taageersan yahay. Mr Yamamoto ayaa sheegay in loo baahan yahay labada dowladood inay keenaan qorshe kale oo ka duwan xiisadda, waxaana uu sheegay inay taageerayaan labada dowladood inay sameeyaan ganacsi isaga kala gudba labada xuduudood. Wuxuu sheegay in labada dowladood ay isku baahan yihiin, islamarkaana ay muhiim tahay inay eegaan faa’idada labada dowladood kasoo galeysa ganacsi isaga gudba labada xuduud ee Kenya iyo Somalia. Sideed u aragtaa xiisadda aan wanaagsaneyn ee u dhaxeysa Kenya iyo Somalia? ayaa la weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay:- “Waad u baahan tihiin Kenya, Kenyana wey u baahan tahay Soomaaliya, arinta la xiriirta is dhexgalka gobolka waa muhiim waxaan xisaabin karnaa haddii aad kordhisaan ganacsiga xuduuda isaga gudba, waxaan kordhin karnaa dhamaan horumarka dhanka dhaqaale, oo lagu qiyaasayo 100 Bilyan oo doolar taasina waa qiimeynteena” “Kenya way u baahan tahay Kaluunka Soomaaliya, Soomaaliyana wey u baahan tahay suuqyada Kenya, waxa aan dooneyno inaan sameyno ayaa ah, in magac aqoonsi wanaagsan loo sameeyo Soomaaliya, Markale Soomaaliya way noqon kartaa hogaamiyaasha dhanka MUUSKA dunida” “Sidoo kale wax soo saarka kalluunka, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan diirada saarno horumarinta cuntada, iyo meelo kale oo horumarin ah, waxaan leeyahay Mareykanka wey ka go’an tahay arimahaa, waxaana ugu yeerayaa dalalka kale inay sameeyaan waxa Mareykanka ka sameynayo Soomaaliya” “Arinta ugu dambeysa Mareykanka Maalgelinta caawinta iyo taageerada uu Soomaaliya siinayo wey ka badan tahay wadajirka waxay Turkey Qatar, Imaaraatka iyo dalalka Yurub ka sameynayaan Somaaliya, taasi oo ku tusineysa in ay kago’an tahay caawinta Soomaaliya”ayuu yiri Mr Yamamoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The Ministry of Foreign Affairs has drawn the attention of United Nation and African Union Security Councils to the unfolding maritime border dispute between Kenya and Somalia. MFA Cabinet Secretary Monica Juma told Capital FM News on Wednesday her ministry had briefed ambassadors of nations with membership at the United Nations Security Council and the African Union Peace and Security Council in a bid to provide clarity on the matter. We briefed them on the situation between ourselves and Somalia, provided the facts to both councils and to draw their attention to the situation,” she said. Among foreign envoys who attended the meeting with top officials of the Foreign Ministry, last Friday included Britain’s Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Manager. Ababu Namwamba, the Chief Administrative Secretary in the Foreign Ministry had said Kenya’s territorial integrity was non-negotiable adding the envoys were assured the country’s “unimpeachable pedigree as an epitome of good neighborliness.” CS Juma, however, said on Wednesday the ministry was open to negotiation to find an amicable solution to the maritime dispute that recently sparked a diplomatic tiff between Kenya and Somalia. Kenya dramatically summoned its diplomat in Mogadishu on February 16 after Somalia allegedly auctioned oil and gas blocks located in a 62,000 square miles triangle subject to a boundary delimitation case lodged at the International Court of Justice (ICJ) on August 28, 2014. The contested area has four of the 24 oil blocks that have traditionally been under Kenya’s Exclusive Economic Zone until Somalia’s legal challenge in 2014. “We are committed to resolving any disputes in a negotiated manner and we’re hopefully that we’ll find the solution to the problem between ourselves and our brothers next door because our destinies are interlinked,” CS Juma said. The apparent selling of oil blocks in the disputed area at a London-auction in February 7 for prospective exploration angered Nairobi, the Foreign Affairs Principal Secretary Macharia Kamau terming the move “unparalleled affront and illegal grab at the resources of Kenya.” “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” he had said adding that Somalia’s actions were “tantamount to an act of aggression against the people of Kenya and their resources.” Speaking on Wednesday, CS Juma said Kenya had received positive responses from countries the foreign office engaged on the matter. “The message we’ve received from across the world is an encouragement to resolve the matter amicably and therefore this is the process that we would prefer,” she said. Kenya had challenged the admissibility of Somalia’s case at the ICJ in September 2016 on grounds that the court lacked jurisdiction to entertain the application. ICJ, however, dismissed the objection in February 2017 clearing the way submissions by the two parties. The court fixed June 18, 2018, as the date by which Somalia was to file its submissions in court with Kenya given until December 18, 2018, to file its rejoinder to Somalia’s written pleadings. Somalia has anchored its case on Article 15 of the Convention of the Law of Sea adopted in 1982, Kenya said the disputed area was in fact under its jurisdiction before the convention was enacted. Somalia wants the sea border extended along the land border, a plea which if granted could limit Kenya’s access to high season its Indian Ocean shore technically rendering the country landlocked. View the full article
  4. Ciidamo aad uhubeysan oo loogu talagalay sugida Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa saakay tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliyaha Daraawiishta Puntland Cabdishukri iyo Taliye [...] Source
  5. A heavy battle erupted in the southern town of Qoryoley in Lower Shabelle region after armed militants launched an assault on African Union military base on Wednesday night. During the gunfight, the two sides exchanged heavy and small weaponry that led to casualties, but, the number of fatalities has not been verified so far. A senior Somali military official confirmed to Radio Shabelle that three government soldiers were wounded in the overnight clashes in Qoryoley town, 120Km northwest of Mogadishu. The official who asked to remain anonymous said one militant was killed and three others injured in the counter-offensive. Early this month, Al-Shabaab attacked the town and wounded the district commissioner and other senior officials. View the full article
  6. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar. Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo. Maalmo ka hor ayaa la dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho Jowhar iyo Afgooye, kuwaas oo dhererkoodu gaarayo 120 km, mashruucan oo ay fulineyso dowladda Qatar. Source: goobjoog.com
  7. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen iney duqeymaha ay ka fuliyeen Soomaaliya sanadkan 2019 ay ku dileen 200 oo ka mid ah dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in 55 ka mid ah Al-shabaab ay dileen Sabtidii, Axaddii iyo Isniintii Todobaadkan, kadib howlgallo ay ciidankooda iyo kuwa DFS ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale, AFRICOM ayaa sheegtay in dhammaan weerarada ay ka fuliyeen Soomaaliya aanay jirin cid shacab ah oo waxyeello ay kasoo gaartay. Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa ciidanka xoogga dalka ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah, howlgallada gaarka ah iyo sidoo kale tababarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Somali State ayaa safar aan lasii shaacin waxa uu ku yimid magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Ulajeedka uu madaxweyne Mustafe Cagjar u yimid xalay Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay iney dhowr arrin tahay, waxaana ugu horreeya ka qeybgalka munaasabadda xarig jarka wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale. Sidoo kale, waxa uu si gaar ah maanta ula kulmi doonaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka Labada dhinac iyo arrimo kale. Madaxweynaha Somalil State ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay iyo sidoo kale midowga Africa u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Soomaaliya. Moniko Juma oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in dacwaddaasi ku saabsan tahay muranka xuduudda ee dhanka Badda ah, layna gudbiyeen qariiradda xuduuddaasi waa sidey hadalka u dhigtaye. “Si faragelin ugu sameeyaan xaaladda ka dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaan warbixin kooban ka siinnay” ayeey tiri Moniko. Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in wasaaraddeeda ay furtay wada-xaajood si loo helo bay tiri xal saaxiibtinimo oo ku aaddan muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Murankan ayeey sheegtay in lagu xallin karo xilligan wada-xaajood, iyada oo rajeysay in xal loo heli karo. “Waxaan aad u rajeeneynaa in wada-xaajood lagu xalliyo waxyaabahan innaga dhaxeeya innaga iyo walaalaheenna, waayo waxaa isku xiran danaheena mustaqbalka” ayeey tiri Moniko Juma. Kenya ayaa isku dayeeysa in wadada maxkamadda cadaaladda laga leexiyo dacwadda dhanka badda, iyadoo dareemeysa in dacwaddan looga guuleysanayo maadaama dhulka Soomaaliya isku dayeeyso iney boobto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Marxuumku wuxuu Xukuumaddii ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Gaashaan-dhigga, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Hawlaha Guud. ha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Marxuumku wuxuu Xukuumaddii ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Gaashaan-dhigga, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Hawlaha Guud. Source
  11. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay dhinaca gobolka Sool. Cutubyo ka tirsan guutada lagu magacaabo “Caana-ka’dhan” ee ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka soo baxay degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka gaadhay xaafado kamid ah waqooyiga Gaalkacyo sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan magaalada. Dowladda Puntland ayaa la sheegay in ay ciidanka ku amartay in ay hawlgallo culus ka bilaaban Gaalkacyo si loo soo celiyo amniga oo todobaadyadii u dambeeyay sii xumaanayey. Sarkaal ka tirsan ciidanka halkaa la geeyay ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in qorshuhu yahay soo celinta iyo sugidda amniga oo uu sheegay in haatan aan booliis wax ka qaban karin. Ciidamada Gaalkacyo la geeyay ayaa ka soo dagaallamay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo horraantii 2018 dagaallo qaraar ku dhex mareen ciidamada Puntland iyo Somaliland PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidama gelisay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Xisbiyada mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas. Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa. Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.” Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha oo ka bajad badan sadex wasaaradood oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.” Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.” Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.” Qaran News
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka hogaamineed ee Madaxweynaha. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo, weynu ogeyn inay iyadu sabab u ahayd dhibaatooyinka dalka ka taagan, sida sicir bararka, maceeshada qaaliga ah, boobka hantida umadda, sumcadii Somaliland Caalamku ku lahayd oo hoos u dhac ku yimid iyo maamulkii Hawada oo lala wareegay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddana ilaa hadda waxba kamay qaban, oo dhabihii ay Xukuumaddii hore martay ayey iyana martay”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne sharaftaadu waxay ku jirtay inaaad si daacadnimo leh umadda ugu adeegto, Madaxweyne waxaa laga filaayey umaddan Doorashadu kala fogeeysay inaad isku soo dhaweeyso, oo uu midnimadooda iyo isku duubnidooda ka taliyo, Madaxweynaha waxaa laga filaayey inuu si siman oo cadaaladi ku jirto ugu adeego dalka iyo dadkaba, laakiin Madaxweynaha hogaaminta dalka iyo xilka ugu sareeya ee qaranka looguma dooran inuu Gobolada dalka kala qaybiyo, Madaxweynaha xilkiisa ugu sareeya looguma dooran inuu hadba Gobolka uu joogo uu amaano, Gobolada dalkena uu wax ka sheego,ee Madaxweyne hogaaminta umaddu maaha in dadkii oo dhibaataysan, iyo abaaro jira inaad xaafadaada aad Madaxtooyo maaliyiin doolar ku baxayaan ka dhisato, ee Madaxweyne hogaamintaadii waxay noqotay in dadkii oo la dhibaatoonaya aafooyinka sicir-bararka iyo abaaraha inaad haddana kala qaybiso, xaafadana aad Madaxtooyo ka dhisato, ee Madaxweyne waxaa kula gudboon in maaliyiinka doolar ee aad ku dhisanayso Madaxtooyada inaad umadda dhibaataysan aad ku caawiso,waxaa kula gudboon inay umaddu ku sinaanato, oo aanad kala jecelaysan, ee Madaxweyne dib iskugu noqo, khaladaadkaagana dib u sax, oo umadda daacadnimo, sinaan iyo cadalaad ugu adeeg, odhaah si yar oo fudud afkaaga uga soo baxdayna ha ku kala qaybin umadda, Doorashadii Madaxtooyada inkasta oo dhaliilo badani ka soo baxeen, haddana waa laga soo gudbay, hadda lama joogo wakhtigii ololaha, ee waxaa la jooga wakhtigii umadda wax loo qaban lahaa”. Source
  14. Hargeysa (SMN)- Madaxweynaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xalay ku hoyday caasimada Somaliland ee Hargeysa,wuxuuna halkaasi kulamo kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. U jedka uu Hargeysa u yimid madaxweyne Cagjar ayaa lagu sheegay in uu maanta ka qeyb gali doono dhagax dhiga wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Tog Wajaale. Wadadan oo dhex marta deegaanada labada maamul ayaa qorshaha dhismaheeda waxaa iska kaashanaya mas’uuliyiinta labada dhinac. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu isbadal ku dhacay maamulka dhulka Soomaalida waxaa soo hagaagayay xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Dhawaan ayey aheyd markii labada madaxweyne ay isugu yimaadeen magaalada Wajaaleiyagoo xiligaasi kawada hadlay arimo ku saabsan sidii loo sii wanaajin lahaa arimaha ganacsiga iyo isdhexgalka labada bulsho. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xisbiya mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas. Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa. Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.” Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha oo ka bajad badan sadex wasaaradood oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.” Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.” Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.” Source
  16. (SLT-Doha)-Amiirka dalkaQatar Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa. Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xidhiidhka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha Horumarka, Amniga iyo Siyaasadda. Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Soomaaliya, taasi oo dhabaha u xaadhay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan 2019-ka. Si kastaba ha ahaatee, waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii. Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed. Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed. Source
  17. Nairobi (SMN)- Xilli ay dowladda Kenya ku adkeysaneyso boobka bareerka oo ay ku hunguriyeyneyso biyaha Soomaaliya iyo qeyraadka dalka ayaa waxaa wasiirka arimaha dibada Kenya Monica Juma ku hadaaqday in cadeymo muujinaya lahaanshaha badda Soomaaliyeed oo Kenya damaacineyso. “Waxaan xubno katirsan golaha amaanka Qaramada Midobay iyo gudiga nada iyo amaanka ee ururka Midawga Africa la wadaagnay cadeymaheena arrinta la iskuhayo si ay xaaladda il gaar ah ugu yeeshaan” ayey tiri wasiirka arimaha dibada ee dowladda Kenya ee duulaanka ku ah qeyraadka dhex ceegaaga badda ugu dheer qaarada ee Africa ee Soomaliya. Sidokale waxa ay sheegtay in cadeymahaasi oo ah kuwo been abuur ah ay lawadaageen wakiiladda Ingiriiska ka iyo Faransiiska u qaabilsan xukuumadda Nairobi. Dowladda federalka ee Soomaliya ayaa horay u beenisay hadal kasoo yeeray Kenya oo ku aadanaa in Soomaaliya ay shirkii London iibgeysay qeybo kamida badooda,waxaana dowlada Kenya loogu baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka labada wadan. View the full article
  18. (SLT-Delhi)-Hindiya ayaa ka dalbatay Pakistan inay sii deyso duuliyihii diyaaraddii la soo riday, kaddib markii dowladda Pakistan ay soo bandhigtay muuqaalka duuliyaha la qabtay. Xiisada u dhaxeysa labada dal ee leh Hubka Nukliyeerka ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda isu bedesho dagaal. Diyaaradaha dagaalka Pakistan ayaa soo riday labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya, iyadoo mid ka mid ah diyaaradda Hindiya ay ku dhacday dhulka Pakistan ay maamusho. Hindiya ayaa sheegtay in la la’yahay mid ka mid ah duuliyeyaasheeda oo lagu magacaabo Abhi Annand, kaasoo mar dambe ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta Pakistan. Ninkan ayaa laga soo qabtay meel keyn ah, waxaana jirdil u geystay dadweynaha degan Kashmir qeybta Pakistan, hase ahaatee waxaa markii dambe soo badbaadiyay Ciidamada Pakistan oo lagu ammaanay sida ay ula dhaqmeen. Duuliyahan ayaa ka soo muuqday muuqaal uu wajiga ka xirnaa, balse Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa ka saartay muuqaalkaas, waxaana markii dambe la soo bandhigay muuqaal isagoo wajiga furan oo aan wax dhaawac ka muuqan, isla markaana uu shaah cabayay. Mareykanka iyo dalalka kale ee xulafada la ah ayaa ugu baaqay Hindiya iyo Pakistan inay xiisada dejiyaan oo aanay xaalada uga sii darin. Source
  19. (SLT-Malta)-Maxkamad ku taalla dalka Malta ayaa ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaas qaxootinimo ku joogo hal sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan labo kun oo Yuro ah kadib markii ay ku heshay dambi ah inuu isku dayay inuu qaniino askari u soo waday saldhigga Booliska. Cabdiqani Cumar Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada tahriibka ku tegey dalka Malta ayaa loo soo gudbiyay ciidamada Booliska inuu rabshad ka dhex wado maqaayad ku taalla Marsalfron dalka Malta, waxayna askartii tagtay baarka ay la kulmeen ninkan dhalinyarada ah iyo nin kale oo khilaaf soo kala dhex galay. Booliska ayaa ku amray Cabdiqani inuu u raaco saldhigga hase yeeshee Cabdiqani oo xiligaasi aan caadi ahayn oo la sheegay inuu sarkhaansanaa ayaa la dagaalamay ciidamada isagoo la sheegay in uu isku dayay inuu qaniino mid ka mid ah ciidamada. Sida lagu daabacay wargeyska Malta Today garsoorihii maxkamada dhagaysatay dacwada loo haystay Cabdiqani Cumar Cabdulaahi ayaa ku dhowaaqay go’aanka maxkamad taasoo noqotay hal sano oo xarig ah iyo inuu ganaax dhan 2000 oo Yuro ah. Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu gaaray madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafa Maxamuud Cagjar. Safarka madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa daba socda qorshe maanta lagu dhagax dhigayo wadada isku xirta magaalada Berbera iyo degmada Wajaale, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii Imaaraatka uu kula waregay dekada magaalada Berbera. Dhagax dhiga maanta waxaa ka qeyb galaya madax Ethiopia mataleysa, xubno ka socdo Imaaraatka carabta iyo masuuliyiinta maamulka Somaliland, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka SOmaliland, Sida xogta aan ku heleyno mashruucaan waa qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya bixinayaa Midowga Yurub, iyadoo Imaaraatka uu bixinayo dhaqaalaha kale, waxaana la sheegay in maanta la dhagax dhigayo. Heshiiskaan sida dhaqsiyaha badan loogu dhisayo wadada isku xirta Wajaale iyo Berbera ayaa ka dambeeyay safar dhawaan uu Imaaraatka ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa dhawaan qodobo cusub hordhigtay Imaaraatka Carabta waxaana la sheegayaa in maamulka cusub ee madaxweyne Biixi inaysan ku qanacsaneyn qodobadii hore loogu saxiixay dekada Berbera. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  21. (SLT-Sweden)-Qof u shaqeeya shirkad Sweden laga leeyahay oo ka shaqaysa tiknoolajiyadda ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay in uu u basaasayay Ruushka. Qofkan aan magaciisa la shaacinin ayaa salaasadii laga xidhay magaalada Stockholm, sida ay saraakiishu sheegeen. Daniel Stenling oo madax ka ah waaxda qaabilsan ka hortagga basaasidda ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in qofka la hayo uu shaqaale u noqday sarkaal basaas ah oo dalka Ruushka u dhashay kaas oo dalka u jooga dublamaasi ahaan. Warbaahinta Sweden ayaa baahisay muuqaal lagu sheegay qofka laga shakisan yahay oo makhaayad laga sii wado. Qofka laga shakisan yahay ayaa hayay ” shaqo la yaqaanno in sirdoonka ajaaniibtu ay daneeyaan”, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, balse faahfaahin lagama sii bixinin. “Waxaa laga shakisan yahay in fal dambiyeedkan uu soo socday tan iyo sannadkii 2017kii,” ayay intaas ku sii dareen. Qof goob jooge ah oo warbaahinta Sweden ay soo xigatay ayaa sheegay in booliiska Sweden ee loo yaqaanno Sapo ay galeen makhaayad ka dibna isku hareereeyeen labo ruux oo cuntaynaya. Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in labada ruuxba la isla xiray balse qofka labaad la sii daayay ka dib markii uu sheegay xasaanad dublamaasiyadeed. Daniel ayaa sheegay in halista soo wajahday ay tahay middii ugu darnayd muddo sanooyin ah. Source
  22. Beledweyne (SMN)- Taliyaha Saldhiga booliska Degmada Beledweyne gaashanle Maxamed Macoow Xalane oo Warbaahinta lahadlayey ayaa uga digay dad uu sheegay in ay qashin ku shubaan wabiga in ay ka waan tooban Ficiladasi. Gaashaanle Xalane ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin Wabigu in uu Noqdo meel wasaqeysan, halkii looga Faa’iidaysan lahaa siyaabo kale oo bulshada anfaceysa Gaashanle Maxamed Macoow Xalane ayaa sheegay hada wixii ka danbeeya in talaabo laga qaadi doono dadka qashinka ku shuba wabiga gaar ahaan kuwa degan wabiga dhinacyadiisa. Magalada Beledwyne ayaa waxaa dhexmara wabiga Shabelle oo Soomaaliya uga Yimaada dhinaca Itoobiya,waxaa inta badan dadka reer Beledweyne nolashooda ku tiirsan tahay wax soosaarka beeraha iyadoo aysan suurtagal noqoteen wabigaa la,aantiis tacabka Beerahaasi. View the full article
  23. (SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay shil gaadhi ku geeriyooday alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka mid ahaa gollaha barlamaanka maamulka Puntland ee cusub. Shilka gaadhi oo ka dhacay tuulada Xange ee gobolka bari ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Saalax. Sida ay wararku sheegayaan shilka sababay dhimashada ayaa yimid ka dib markii baabuur xamuul ah uu dusha ka maray baabuurkii uu watay xildhibaanku. Alle ha u naxariistee xildhibaankan ayaa markii uu shilkaas gelayey kusoo jeedey dhinaca magaalada Bosaso. Source
  24. Muqdisho (PP) ─ Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda waddnka Burundi ay ka guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Waddada Warshadaha ee Muqdisho, halkaasoo muddo ka badan shan sano u ahayd fariisin ciidan. Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad, si ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo saldhiggaas oo muhiim u ah amniga qaybo ka mid ah Muqdisho. Sidoo kale, Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxay ka mid tahay saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay inay dayactir ku sameysay maadaama dagaalladii sokeeye ay ku bur-bureen dhismayaasha Kulliyadda qaarkood. Dhanka kale, Saldhiggan ayaa noqonayaa kii saddexaad oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho oo ay ka guuraan, iyagoo horay uga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib markii ay Dowladda Burundi oo ay Muqdisho ka joogaan in ka badan 5,000 oo Askari oo ka tirsan AMISOM ay ku goodisay inay ciidamadeeda oo dhan kala bixi doonto Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo ka baxaya mid ka mid ah saldhigyadoodii ugu waa-weynaa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira. Ugu dambeyn, Mashruucan waxaa laf-dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Daah-furay Masharuuc lagu Tababarayo 400-qof oo dhallinyaro ah appeared first on Puntland Post.