Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,570
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ayadoo ay Xiisad Colaadeed ka dhexeyso Labadaasi Waddan ayaa waxaa la saadaalin karin qaabka uu noqon doono Dagaalkaasi, muddada u usocon karo iyo haddii ay Labada Milliteri isku adeegsan doonaan Hubka Nukliyeerka. Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inay Labada dowladood miisaaniyad xooggan ku bixiyaan Awoodda Milliteriga, iyadoo uu Tartan ka dhexeeyo dhimaha Milliteriga, Qalabkooda iyo Tayadooda. Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istaraatijiyadda ee IISS iyo Ururka Kontoroolka Hubka ee ee dalka Maraykanka waxay so osaareen tiro-koobkii ugu dambeeyey ee Awoodda Milliteri ee u dhexeysa Pakistan iyo Hindiya. Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Pakistan hawlaha Milliteriga kiu kharaj gareysay in ka badan 11 Billion oo Dollar oo u dhiganta 3.6%, halka Hindiya ku bixiso Hawlaha Difaaca lacag dhan 58 Billion oo Dollaroo u dhiganta 2.1% Tiro-koobkaasi ayaa muujinaya inay Dowladda Hindiya kharaj ka badan kan Pakistan ku bixiyaan Hawlaha Difaaca. Dalka Pakistan waxaa ku nool in ka badan 200 million oo qof, waxay leedahay Ciiddan tiradiisu dhan tahay 653,800 Askari. Milliteriga Pakistan waxay haystaan 2,496 Taangi, 1,605 Gawaarida Gaashaaman ee Ciiddanka lagu qaado, 4.472 Madaafiicda Goobta. Dalka Hindiya waxaa ku nool in ka badan 1.3 Billion oo qof, waxayna leeyihiin ciiddan ka badan 1.4 million oo qof. Dhinaca kale, Hindiya waxay haystaan in ka badan 3,565 Taangi, 336 Gawaarida Gaashaman ee Ciiddamada lagu daad-gureeyo iyo 9,719 oo Madfac. Diyaaradaha Dagalaka waxay Hindiya haystaan 814 Diyaarad, halka Pakistan leedahay 425 Diyaaradaha Dagaalka. Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya waxay leeyihiin hal markab Diyaard-xambaare ah, 16 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 13 Markab dagaal, 14 Marakiibta wax burburiya, 106 Doonyaha ilaaladda xeebaha iyo 75 Diyaaradaha Ammaanka Xeebaha iyo 67,700 Ciiddanka Mariiniska. Dalka Pakistan waxay leeyihiin 23,800 oo Ciiddanka Badda, 8 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 9 Markab, 17 Doonyaha lagu ilaaleeyo Xeebaha iyo 8 Diyaaradaha loo adeegsado ilaaladda iyo difaaca xeebaha. Ugu dambeyntii, Milliterigadalka Hindiya waxay haystaan 130 ilaa 140 Madaxyadda hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, halka Milliteriga Pakistan ay ka haystaan 140 ilaa 150 Madaxyadda hubka Nukliyeerka.
  2. Baydhabo (SMN)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta gareen, ayaa Maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada maamulkaasi. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo madaxweyne Lafta gareen. Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dardar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed. Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin biyo yarida ,amniga, caafimaadka , waxbasharada iyo caddaaladda. Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen xildhibaannada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha wasiirrada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya. View the full article
  3. DOHA, Feb. 27 (Xinhua) — Qatar on Wednesday decided to support Somalia’s state budget in 2019 with a total of 73 million Qatari riyals (20.05 million U.S. dollars). Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani received Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo at the royal palace, during which they discussed means to boost bilateral ties in various fields, according to a statement by the emir’s office. Tamim and Farmajo also reviewed developments in Somalia and other issues of mutual interest, and the emir gave orders to give 73 million Qatari riyals to shore up Somalia’s state budget. Farmajo arrived in Doha on Tuesday for a visit, whose period was not announced. His visit to the Qatari capital is his third since he assumed the presidency in war-wracked Somalia. Source: Xinhua
  4. Number of civilians who fled their homes up 30 per cent from previous year according to newly-released figures. “We’re alarmed at the sharp increase in the number of civilians forced to flee their homes in Somalia. The conflict is getting worse for civilians, making thousands more homeless. If this worrying trend continues, it could lead to catastrophe,” warned Evelyn Aero, Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC). Over 320,000 people fled conflict and insecurity last year within Somalia, according to the Protection and Return Monitoring Network. This number is up from 202,000 people displaced in 2017. Areas hardest hit by the fighting were in the Lower Shabelle region, which is still heavily impacted today. “These families take refuge in crowded camps for displaced people in Somalia, living in flimsy shelters. They’re vulnerable to malaria, evictions, insecurity and gender-based violence. Young children are especially vulnerable to malnutrition and disease. They urgently need more aid to survive,” said Aero. Overall 2.6 million Somalis are currently displaced within the country. Besides conflict and insecurity, other causes of displacement include drought, flooding and evictions, among others. Conflict continues to cause unintentional damage to property and civilian casualties. NRC urges all parties to the conflict to respect International Humanitarian Law, and take all possible measures to protect vulnerable civilians, and reduce mass displacement. Civilians are not a target. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia seeks $1.08 billion, but so far only $67 million of this plan has been funded. If aid is not increased, some lifesaving programmes such as for food, water or health care may be cut back. NRC calls on donors and the international community to scale up their support, and respond to the plight of displaced Somali families in urgent need of aid. For more information or interviews please contact: In Nairobi: Geno Teofilo, Regional Head of Communications, geno.teofilo@nrc.no, +254 702 910 077. Global Media hotline: info@nrc.no, +47 905 62 329
  5. Muqdisho ( SMN)- Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baneeyay kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Jaalle Siyaad oo ay daganaayeen in ka badan 10 sano. Munaasabad kooban oo xaruntaasi ka dhacay waxaa ka qeyb galay ra’isulwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir taliyaasha ciidamada Milatariga iyo wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira. Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya ee ka qeyb galay munsaasabada kooban ayaa sheegay in ay muhiimad badan u leedahay ciidanka xooga dalka in ay la wareegaan Kulyada Jaalle Siyaad,isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan dhinaca tababarka. Marka laga soo tago Jaamacada Umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium,waa xaruntii sadexaad oo ay deganayeen ciidanka AMISOM ay la wareegto dowlada Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay go’aan maxkamad ku taalla Guriceel ay ka gaartay kiiska kufsi loo gaystay gabar 14 jir ah. Hoos ka aqri qoraalka Guuleed ee Facebook:- ARIN MUDAN DIB U EEGID Anigoo ixtiraam iyo qadarin weynba u haya maxkamadda iyo culumada garsoorayaalka ah ee degmada Guraceel, taaso gashay kiiska gabadha yar ee 14ka jirka ah, ee kufsi wadareedka ay geysteen eedaysanayaasha afarta ah, ka dibna falkaas foosha xun leh muuqaal ahaan oga duubeen, waxaan oran lahaa markii si qoto dheer leh loo daawado muuqaalkii maxkamadda iyo qaabka culumadu garsoorayaalka ah ay xukunka u qaadeen una rideen, ka soo baxaya dhaliilo, dulduleelo iyo arimo aan is dabooli karin, arimahaa waxaa ka mid ah: 1. Gabadha da,deeda, qaabka loo soo waday ee goobta lagu keenay, tirada dadka falka geystay iyo waliba muuqaalka la duubay waxay culumada aheyd inay u muujiso in falkaas uu ahaa mid xoog iyo kufsi ah. 2. Sida muuqaalka maxkamadda iyo kan gabadhaba laga duubayba ay na tusayaan falku waxuu ahaa mid xoog, waayo qiraalka eedaysanayaalka qaar ee maxkamadda horteeda waxaa ku jiray: A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa. B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bur ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bur iyo qeylo soo gashaa. Haddaba anigo sidaan horay u sheegayba qadarin u haya maxkamadda, haddana waxaan qabaa in qaabka uu xukunkaas u dhacay uusan ahayn mid dadka qancin kara, uuna mudan yahay in dib u eegid lagu sameeyo. Sidaa daraadeed waxaana maxkamadaha kala sareeya ee dowladda gobaleedka Galmudug ka codsan lahaa, una soo jeedin lahaa, inay dib u eegid iyo dib u galis ku sameeyan kiiskaas fuusha xun, ee loo geystay gabadhaa yar, ee waliba ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool deegaamada dowladda Galmudug.
  7. Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee Puntland, kuwaasi oo ka yimid deegaanka Tukaraq oo ay maalmahan ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ay tahay sugista amniga iyo iney soo qabtaan dadkii kufsaday, kadibna dilay gabar yar oo 12-sano jir ahayd. Howlgalka ay ciidanku bilaabayaan ayaa loogu magac daray Caa’isha maxay galabsatay, iyadoo saraakiisha ay sheegeen iney degdeg ku qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidanka-Daraawiishta-Puntland-oo-sheegay-in-Galakcyo-ay-ka-Bilaabi-Donan-Howgalo-Lagu-Xaqijinaayo-Amaanka-Magaalada-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweyne yaasha mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kala tagay shirkii uga socday magaalada Hanoi ee dalka Vietnam . Kim Jong Un iyo Donald Trump ayaa sidookale baajiyay [...] Source
  9. Garissa (SMN)- Ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa dad shacab ah ka qafaashay deegaano ka tirsan magaalada Garissa ee gobalka Woqooyi Bari. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska la dagaalanka argagixisada ay dhawaan magaalada Garissa ka kaxaysteen macalin dugsi Macalinka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in ciidamada ay six un ula dhaqmeen markii halkaasi ay ka wadanayeen. Dadka deegaanka ayaa xusay in ciidamada booliiska ee Kenya ay jir dil,handadaad iyo dhibaatooyin kale u gayteen dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaad magaalada Garissa. Odayaasha dhaqanka ee magaalada Garissa ayaa sheegay in 12 ruux oo badankood dhalinyaro ah ay dhawaan ciidamada booliiska ka kaxaysteen magaaladaasi, kuwaa oo lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Kadib weerarkii qasaaraha gaystay ee lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ciidamada booliiska ay bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo la’aaminsanyahay in ay ku dhuumaaleysanaya gudaha dalkaasi. View the full article
  10. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Abaandullaha taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, Wasiiru Dowlaha wasaaradda gaashandhigga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socday Amisom iyo Turkiga. Kooxda fanaaniinta Horseed ee Ciidanka Xogga Dalka ayaa goobta kusoo bandhigay suugaan ka hadleysay wadaniyadda. Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General; Bile Ibraahim Aadan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda kuliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna sheegay in kulliyaddu ay qeyb weyn ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa tilmaamay in ka bixitaanka Ciidanka Amisom ee kulliyaddan ay qeyb ka tahay waqtiga kala guurka ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom. Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya ay dedaal adag ay ku bixin doonto dhismaha kulliyadda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed guuleed,ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Amisom muddadii ay Gacanta ku hayeen kulliyadda. Source: goobjoog.com
  11. Gaalkacyo (smn)- Howlgal ka bilaaban doona magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Waxaa loogu Magacdaray Caa,isho Maxay Galabsatay oo Loo Dilay. Ciidamo hubaysan oo katirsan kuwa loo yaqaan daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa maanta gaarey magalada Galkacyo iyagoo kasoo ruqaansaday xero ciidan oo ku taalla duleedka magalada Garowe. Taliyaha daraawiishta Puntland Cabdi Shukri iyo taliye Ku xigeenka booliska Puntland Col Cismaan Afdalow ayaa hogaaminaya ciidamadasi waxayna bilaabi doonan saacadaha soo socda howlgalo lagu soo qabanayo ragii ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Caa,isho Ilyaas Aadan. Howlgaladan ayaa sidoo kale la sheegay in lagula diriri doono dhalinayarada falalka anshaxa kasoo horjeeda mararka qaar ka gaysta galkacyo. Dhanka kale urrurka bulshada rayidka ah ee maamulka Puntland oo loo yaqaano Punsa ayaa maanta ku eedeyay madaxda maamulkasi in laga gaabiyey baaritanada kiiskii gabadha islmarkana ay jiraan kiisas sidaan oo kale ah oo ka dhex dhacay Puntland hase,ahaatee aysan jirin cid wax iska weydiisa. Gudoomiyaha ururka Bulshada Puntland Feysal qaran ayaa sheegay marka ay wax dhcaan in looga hadlo kaliya baraha bulshada balse uusan jirin ficil dabayaal. Waqooyiga magalada Galkacyo horaantii Isbuucan waxaa kasoo Ifbaxday dhacdo si weyn looga argagaxay taasoo ahayd Gabar 12jir ah oo la iskugu Daray Kufsi iyo dil naxariis darro ah. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-28022018.mp3 View the full article
  13. Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ujooga Nabad ilaalinta ayaa maanta guud ahaanba isaga baxay kuliyada Jaale Siyaad oo ay mudo 10 sano ah ay ku sugnaayeen. [...] Source
  14. (SLT-Nairobi)-Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin. “Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tidhi Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma. Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay inay xal u heli doonaan murankaasi u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya Source
  15. Qoryooley (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen xero ciidamada dalka Uganda ee Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay gantaal kula dhufteen diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda. Abu Muscab ayaa sheegay markii weerarka uu billowday ay diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ay isku dayday inay kacdo hase yeeshee markii gantaal uu ku dhacay ay dib u degtay. Waxa uu intaas ku daray in qiiq badan uu ka baxay diyaaradda, islamarkaana ay u maleynayaan inay gubatay ama ay gaartay waxyeello xooggan oo ay ku awoodi weysay inay dib ugu kacdo. Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Uganda. Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee ku sugan meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka mid ah ay kasoo xireen jidad badan, iminkana waxa ay isku halleeyaan ay tahay diyaarado, sidaas darteedna ay u billaabeen inay diyaaradaha beegsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hanoi)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaadhin. Trump ayaa sheegay in lagu kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta Mareykanka uu saaray Korea-da Waqooyi. “Waxay rabeen in cunaqabateynta gebi ahaanteedba la qaado, taasina ma sameyn karin annaga” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha kadib dhammaadkii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam oo wada-hadallada ay ka dhaceen. “Diyaar ayey u ahaayeen inay baabi’iyaan qeyb badan oo ka mid ah hubkooda Nukliyeerka, hase yeeshee dhammaan cunaqabateynta ma wadi qaadi karno” ayuu yidhi. Kulamadii maanta la qorsheeyey ayaa dhammaaday ka hor waqtigooda, ayada oo Trump iyo Kim ay ka baaqdeen qado iyo xafladda saxiixa heshiiska ee la qorsheeyey. Trump ayaa sheegay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa miro-dhal leh, uuna rumeysan yahay in mar ay ahaataba heshiis la gaari doono, hase yeeshee weli lama qorsheyn kulan saddexaad. Source
  17. Gedo (SMN)- Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay shaqaala u shaqeynayay ha’yada Gawda lagu afduubtay deegaan hoos taga gobolkaasi. Shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo deegaanka Ceelcade ee ka tirsan gobolkaasi Gedo,waxaana wararku ay tilmaamayaan in dadkaasi ay afduubteen Al-shabaab. Odayaal dhaqameed iyo wax garad ku sugan gobolka Gedo ayaa wada waan waan lagu doonayo in xoriyadooda aya dib u helaan shaqaalahaasi ka tirsan ha’yada samafalkaeee Gawda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Odayaasha ay rajo wanaagsan ka qabaan in shaqaalahaasi lagu soo daayo madax furasho,si ay u gutaan howlaha samafalka ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqaala samafal lagu afduubto qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Warqad Af-Carabi Ku Qoran Ka Akhriyay Dhagax-Dhigii Berbera Corridor Iyo Ballanqaadyo Shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. The number of civilians who fled their homes up 30 percent from the previous year according to newly-released figures. “We’re alarmed at the sharp increase in the number of civilians forced to flee their homes in Somalia. The conflict is getting worse for civilians, making thousands more homeless. If this worrying trend continues, it could lead to catastrophe,” warned Evelyn Aero, Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC). Over 320,000 people fled conflict and insecurity last year within Somalia, according to the Protection and Return Monitoring Network. This number is up from 202,000 people displaced in 2017. Areas hardest hit by the fighting were in the Lower Shabelle region, which is still heavily impacted today. “These families take refuge in crowded camps for displaced people in Somalia, living in flimsy shelters. They’re vulnerable to malaria, evictions, insecurity and gender-based violence. Young children are especially vulnerable to malnutrition and disease. They urgently need more aid to survive,” said Aero. Overall 2.6 million Somalis are currently displaced within the country. Besides conflict and insecurity, other causes of displacement include drought, flooding and evictions, among others. Conflict continues to cause unintentional damage to property and civilian casualties. NRC urges all parties to the conflict to respect International Humanitarian Law, and take all possible measures to protect vulnerable civilians, and reduce mass displacement. Civilians are not a target. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia seeks $1.08 billion, but so far only $67 million of this plan has been funded. If aid is not increased, some lifesaving programmes such as for food, water or health care may be cut back. NRC calls on donors and the international community to scale up their support, and respond to the plight of displaced Somali families in urgent need of aid. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha deeganka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa magaalada Hargeysa kaga soo qeyb galay xaflada dhagax dhiga jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor Madaxweyne Cagjar ayaa mudashaasi waxaa uu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxaana uu sheegay in jidkani uu noqon doono mid kor u qaata isku socodka Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca ganacsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Wasiirka cusub ee wasaarada duuliska iyo hawada ee dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan ayaa waxa uu kormeer shaqo uu ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada [...] Source