Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Ra’iisul waasaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxa uu qabanayaa casuumaad casha sharaf ah oo looga golleeyahay in lagu aruuriyo lacag gaadhaysa ilaa 1 bilyan oo doollar, taasoo lagu samaynayo mashruucyo dhanka dhismaha waddooyinka ah. Saraakiisha ayaa sheegay in tikidhada casuumaadda lagu iibsan doono lacag ka badan 175,000 oo doollar, balse weli lagama bixinin faahfaahin dheeraad ah. Waxaa la rajaynayaa in arrintan uu soo jiidan doonto maalgaliyeyaal ajanabi ah oo dhaqaale faro badan bixin kara. Waxaa la shaaciyey muuqaal uu ra’iisul wasaaraha ku qeexayay qorsheyaashiisa ku aaddan dhanka horumarinta. Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa uu iibiyey saacaddiisa oo uu qiimaheeda ahaa 175,000 oo doolar, xilli lacag loo aruurinayey mashruuc lagu dhisayo wado 100 km ah oo ku taala koonfurta caasimadda Addisababa. Waa kuma Abiy Axmed? Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo. Ra’iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya. Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe. Source
  2. Dhibaatada reer Somaliland ugu waaweyn ee dalka Ka taagan markaana WAXAY Ka soo fushaa kolba Xukuumaddii joogta oo mar walba wax Dan gaara KU fooggan oon Ka turjumayn baahiyihii jiray ee ay macaluusha iyo biyo laaanta, qabyaaladda , kootooyinka, reer isku xeerka, foolxumooyinka maamul dhan iyo beenta shacabka Xukuumaddii mar walba u sheegayso ay soo cel celinayso Barnaamijkii la lahaa waa lagu shaqaynayaa oo la Iska tuurayo, distoorkii in badan Xukuumaddii jebiyeen oo sidii loo sii wadayo SIDA Guurtida dhaxaltooyada laga dhigay DOORASHO Ka waqtigiisii dhaafaa waxaa soo dhan kana yimaaddaann xagga SHACABKA iyo boqolaal Qaxii kale oo WADANKU dhabarka kaga jabay WAXAY Ka soo fulaan xagga. Xukuumadda waxaan imika la dirayaa ama isdiray Abwaaniin yidhi waxaan u tegaynaa gobolada dalka si Shacabka Kala qaybsan xagga u sinaanta Dawlad iyo Xukuumadaba si aan isugu keenno oo u midayno. Waa Arin guud oo odhaahda iyo Gogol dhig ayaan muuqanayaan wacan laakiin Haddaad xagga aasaaska iyo sida xaqiiqada wadanka wax u jiraan aan laga soo bilaabin Wuxuu noqonayaa odoyaal iska minjo baxsaday midhana Ka dhalanmaayaan. Waayo runtii DADKA reer Somaliland ma qaybsana ee waxaa qaybsan DADKA siyaasadda Somaliland hogaamiya . Markaana odayadu intaanay KU horayn shacabka aan waxba isu qabin waa Inay Xukuumadda iyo Madaxweynaha KU horeeeyaan oo qodobada soo socda ee wadanka Ka Jira ee la isku hayo Kala soo hadlaan Madaxweynaha oo goaankiisa Madaxweynaha sitaan haddii kale Abwaanadu CUDURKA FARDAHA KU DHACAY(SIYAASIINTA)AYEY DAMEEERAHA KA GUBAYAAN. 1- Dawlad iyo Xukuumad Saamiqaybsi Caddaaladda u dhaw uu Ka Jira waa in la helaa. 2- Doorashooyin xalaala oo lagu wada kalsoonyey Xisbiyadu waa in la helaa oon kushubasho lahayn. 3- Komishan Madaxbanaan oo Dad aan Xukuumadi u yeedhinayn oo seddexda Xusbi si is leeg ugu jiraan waa in la helaa. 4- dad kootooyinka loo xidhaa waa in la Xaaraantimeeyaa. 5- gobolada dalka iyo shaqaalaha iyo adeegyada waa in si lagu kalsoonyey oo ISU dheelli tiran waa in la helaa. 6- waa in dadweynuhu markaa Cashuurta boqolokiiba sagaashan ay bixiyaan. 7- iyo wixii la mida Abwaanadu way ogyihiin in DADKA reer Somaliland Inay siday YAHUUDDU Gidaarka Madaxa ula DHACAAN Inay iyaguna qabyaaladda Caabudaan laakiin shacabku hadday Madaxweyne Wacan helaan oon Kala qaybqaybinayn iyagu way hagaagayaan ee Abwaanadu waa inaanay ilduufin ee waa Inay Madaxweynuhu hadduu u qabsoomo shacabku reer Somaliland way qabsoomo. Sh. Mohamed Bashe qoranebashe@gmail.com Source
  3. Markasta oo uu madaxweyne khudbadda jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu madaxweynuhu khudbadd qodobaysan ujeediyo bulshadda iyadoo qodobadaas uu soo diyaarinsanyo oo warqad ku soo qoranayo si aan khudbadii uga noqon kaftan,maddaalo ama waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markaya ahayd 09/12/2018 Mar uu madxweynuhu booqday cisbitaalka guud ee magaalada hargiesa isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi taasina maaha haykala madaxweyne ama haykal dawladdnimo. Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay iskugu soo urureen dadweyne aad ubaddan oo ku soo dhaweeyay magaalada Boorama waxa uu ka jeediyay khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda bariga oo kuu amaanyo goboladda galbeedka Somaliland isagoo madaxweynuhu labadaba uu isagu madaxweyne uyahay oo labadaba waa bari iyo galbeed bee laga soo doortay. Hadaba markaynu usoo daadagno dulucda maqaalkeena waxaanu madxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu soo gudbinaynaa in marka uu khudbadd jeedinayo uu isticmaalo haykalaka madaxweynenimo isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda ujeedinayo si aan cidina udhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo. W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shine Source
  4. Markaad dhugato nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen sanadkii 9/5/2016 -Waxaa isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee ” Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen uun balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somaliland iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah: 1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah ( 5 reach stackers) 3 Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda . 2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejigan oo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono. 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen. Waxaa kaaga sii daran arinta sare Khiyaamooyinka maldahan ee maalkii shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, Boowe ! Waxaa ummadda u cadaatay in : 1- Kiradii Saldhiga Ciidamada Berbera uu jeeb khaldan ku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynu mashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ?? 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. 4- $30 Million oo ururka midowga yurub ay ku balan qaadeen in ay ku bixin doonaan wadda Berbera iyo Wajaale isku xidhi doonta ayaa maanta lagu dhagax dhigayaa Wadadii Berbera Corridor oo ummadda lagu jaahwareerinayaa waase la arki doonaa halka ay ku danbeyso iyo goorta la bilaabi lana dhameyn doono maadaama aan heshiiska lasyla meel dhigin qaybsigii la qeybsan lahaa lacagta guud ee M ashruuca Berbera Corridor ku bixi doonta Itoobiyana aynu xaalkeeda ka dheregsanahay. Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhan in Balaadhinta Dekeda Berbera laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisin ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahay oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi la yihiin lacagtaa yar ee ay ku balan qaadeen inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaan kadibna shacabka Somaliland ay ku cabudhiyaan. Fiiro Gaar ah : Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskani khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal, iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  5. Kismaayo (SMN) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gudoomiyay kulanka golaha wasiirada maamulkaasi. Kulanka oo warbixino looga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulkaasi ayaa waxaa kasoo ka qayb galay Saraakiisha Ciidamada iyo guddiga shaqada iyo shaqaalaha. Ugu horeyn, waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed. Taliyayaasha ayaa la faray in dhamaan ciidamada ay ku shaqeeyaan awaamiirta sarakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna. Golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah. Jubbaland ayaa isku diyaarineysa doorashada madaxtinimada, taasi oo la filayo in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkaan. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-28022019.mp3 View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Sheegay In Aanu Ka Tanaasulin Mabdi Loo Xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa mar kale soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, bilo kadib markii uu kasoo goostay isbahaysiga madax goboleedyada lana saaxiibay dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu ka dhashay ballamihii dowladda ay kula heshiisay Waare, oo qaar badan oo ka mid ah aan la fulin. Ilo-wareedyada aan xogtan ka helnay oo ku dhow Waare, ayaa sheegay in arrintan ugu weyn ee la isku qabtay ay tahay maamulka HirShabelle oo waayay qoondadii dhaqaalaha ee uu ka heli jirey dowlada federaalka, oo la joojiyey kadib bilo ay socdeen. Sida aan xogta ku helnay, Waare ayaa u sheegay qaar ka mid xildhibaanada HirShabelle in dowlada federalka uusan ka helin ballanqaadyadii ay hore ugu fidisay iyo heshiiskii ay gaareen oo ahaa in maamulka HirShabelle la siiyo dhaqaale joogto ah. Arrintan ayaa hoggaamisay in xildibaanada HirShabelle aysan muddo saddex bil helin wax mushahar ah. Dad xog-ogaal ah oo arrintan la socda ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama uu burburay golehii dowlad goboleedyada, aysan dowladda hadda ahmiyad u arkin inay lacag kusii bixiso taageerada madaxweyne Waare. Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda dhaqaale badan ay uga baxday doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena iminka ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii ay u heli lahayd taageerada maamulka Jubbaland. Waare ayaa markii uu heshiiska la galay dowladda wuxuu yiri hadal can baxay oo ahaa “Laba goor ayaan dhiman doonaa, haddii inta saaxiibadey waayey dowladdana ay heshiiska igaga baxdo” Sida ay wararka sheegayaan, Warae ayaa isku dayaya weli inuu si hosoe dowladda ugu cadaadiyo inaysan heshiiska ka bixin ka hor inta uusan si rasmi ah u sheegin in lagu ballan-furay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cali Curi oo ka mid ah mujaahidiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Hawd ayaa waxa uu sheegay in beeshiisu ay xaal ka doonayso Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hadal dhawaan ugu jawaabay gabadh beeshooda ah oo su’aal waydiisay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Maxkamad Ku Taalla Gobolka Togdheer Oo Xukun Ku Riday 5 Askar Oo Ka Tirsan Ciidammada Booliska Somaliland Iyo Dambiyadda Loo Haysto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa amaro cusub kasoo saaray olalaha doorashada dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo lagu soo dooranayo hogaanka maamulkaasi. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ahaa oo golaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, kaasi oo looga hadlayay amaanka iyo arimo kale. Kulanka waxaa maanta ka qeyb galay saraakiisha ciidamada amaanka ee Jubbaland iyadoo warbixino laga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulka Jubbaland. Kulanka ayaa lagu shaaciyay in golaha wasiirada Jubbaland ay isku raaceen in dhamaan ciidamada iyo saraakiisha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb galin olalaha doorashada iyo arimaha siyaada maamulkaasi inta lagu gudo jiro arimaha doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale golaha maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in dhamaan shaqaalaha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashada, iyadoo la shaaciyay in qofkii lagu helaa arintaasi talaabo laga qaadi doono. Wasaaradaha warbixinada laga dhageystay waxaa kamid ah wasaarada arimaha gudaha Jubbaland, waxaana Wasaarada ay ka dayrisay qaar kamid ah deegaanada Jubbaland oo ay ka jirto dhibaatooyinka ka dhashay Abaaraha iyo nafaqa daro taas oo ay Wasaaradu u gudbisay dhinacyada ku shaqada leh si wax looga qabto isla markana meelaha qaar loo diray gudiyo soo qiimeeya inta ay baahidu la egtahay. Amarkaan ayaa u muuqday mid ka dhashay safarkii dhawaan magaalada Kismaayo ay ku tageen musharax madaxweyne C/naasir Seeraar iyo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Musfate Muxumed Cumar oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay ka wada hadleen labada madaxweyne iskaashiga ganacsi, iyo isdhex-galka labada shacbi ee walaalaha iyo deriska ah, ujeedada safarka madaxweynaha dawlad deegaanka Soomalida ayaa la xidhiidha dhagax-dhiga wadada Berbera Corridor oo maanta laga dhagax-dhigay duleedka caasimada Somaliland ee Hargeysa. Source
  13. Hargeysa-(Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Masuul ka socday Imaaraadka Carabta ayaa maanta dhagax-dhigay jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono. Dhagax-dhigga mashruuca weyn ee Berbera Corridor oo munaasibad ballaadhan loogu qabtay duleedka Bari ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Ku-xigeenka madaxa Abu dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi, safiirrada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti u jooga Somaliland, wufuud ka socda dalal kala duwan oo dunida ah, hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne-ku-xigeenno hore oo Somaliland soo maray, wasiirro iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dhismaha jidkani u leeyahay guud ahaan geeska Afrika iyo sida uu kor ugu qaadi doono ganacsiga iskaga kala gooshaya dalalka Itoobiya. Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda Abu Dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi oo ah shirkadda ku guulaysatay dhismaha jidka Berbera Corridor oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu jidkani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya, waxana uu hoosta ka xarriiqay in jidkaas iyo mashaariic waaweyn oo ku lammaani sii kordhin doonaan istaraatiijiyadda ganacsiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in mashruuca weyn ee Berbera Corridor uu ka kooban yahay mashaariic horumarineed dhaqaalaha dalka iyo isu socodka bulshadaba faa’iido badan u leh, isla markaana ay mashruucan ku bixi doonto lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow toban milyan oo dollar), loona qorsheeyey inuu si rasmi ah u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) ee isla sannadkan 2019-ka. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, waxana uu xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jidkani waxa uu noqonayaa mid sii xoojiya, is-kaashigii taariikhiga ahaa ee dhinaca ganacsiga ee soo jireenka ahaa, waxana aannu rajaynaynaa inay korodho isdhexgalka dhaqaale marka uu mashruucani dhammaado.” Madaxweynuhu waxa uu Somaliland ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto iskaashiga dhinaca ammaanka iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, isaga oo bulshada iyo xukuumadda Somaliland-ba ku bogaadiyey inay sii kordhiyaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay Somaliland u soo jiidan lahayd bulshada caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dheer oo salka ku haya muhiimadda uu jidka Berbera Corridor u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Itoobiya iyo guud ahaanba dalalka geeska Afrika, ayaa shaaca ka qaaday inuu mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo midka Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dib-u-dhiska jidkani waxa uu ka labaad ka yahay mashaariicda maalgelinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland oo uu ka koobaad yahay ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, taas oo hawsheedu si fiican u socoto. Labada mashruuc marka lagu daro suuqa xorta ah (Berbera free zone) iyo garoonka madaniga ah ee Berbera, waxa ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarinta shaqaalaha gobolka, kor u qaadidda isku xidhka gobolka iyo nolosha Somaliland.” Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in degenaanshaha iyo Dimuqraaddiyadda ka hirgashay Somaliland ay horseedday in laga maalgeliyo mashruucan miisanka badan, islamarkaana ay Berbera kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto tartarka ka dhexeeya dekedaha geeska Afrika, “Maalgelinta jidkani waxa uu ku yimi deggenaanshaha dalka Somaliland, Dimuqraaddiyadda ka hirgashay iyo isku duubnaanta dadka Somaliland, taas oo marka aynnu sii xoojinnoba dhaqaalaheenu sii korayo, dalalka caalamkuna ina aaminayaan, ictiraafka aynnu doonaynaana ku imanayo, jidkanina waxa uu sii xoojin doonaa inuu kor u qaado istaraatiijiyadda dhaqaale ee magaalada Berbera ee dabiiciga ah, ballaadhinta dhismaha Berbera Corridor mustaqbalka iyo inay Berbera qayb weyn ka qaadato tartanka ka dhexeeya dekedaha Geeska Afrika, waxana uu hoos u dhigayaa shaqo la’aanta dhallinyarada, marka uu baayac-mushtarku soo kordhoba waxa hoos u dhacaysa shaqo yaraanta, waxana kordhaysa mugga ganacsiga, qalabka iyo allaabta ganacsiga ee u kala gudbaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd dalalka deriska iyo kuwa kale ee saaxiibka la ah Somaliland, isla markaana ay soo dhawenayso cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera iyo goobaha kale ee Somaliland ku yaalla ee muhiimka ah. Mashruuca Berbera Corridor, ayaa ka kooban jid dhererkiisu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka iyo mashaariic kale oo tiro badan, waxana uu socon doonaa muddo ka yar laba sanno, sida uu qorshuhu yahay. Source
  14. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuul ka socda Imaaraadka Carabta ayaa maanta duleedka Hargeysa ka dhagax-dhigay wado laami ah oo isku xiri doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor). Mashruucan waxaa maagalinaysa dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna kamid yahay mashruuca dekadda Berbera ee shirkadda DP World, waxaana ku bixi doona sida la sheegay lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow iyo toban milyan oo dollar), waxaana loo qorsheeyey inuu si toosa u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) 2019-ka. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar oo munaasibadii dhagax dhiga ka hadlay ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, wuxuuna xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka, wuxuuna sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera. Mashruuca Berbera Corridor ayaa sida la sheegay ka kooban wado dhererkeedu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka. PUNTLAND POST The post Biixi iyo Cagjar oo dhagax dhigay wado isku xiri doonta Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SNM) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Farmaajo iyo Amiirka ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar. Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee UPD ee Soomaaliya ayaa ka digay in si qaldan loo bixiyo lacag cusub oo ay dowladda Qatar u yaboohday Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa shalay ku dhowaaqday inay lacag dhan 73 milyan oo riyaalka Qatar ah, una dhiganta 20 milyan oo dollar oo ay ku taageereyso miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019. Warkan oo uu ku dhawaaqay amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yimid kadib markii uu magaalada Doha kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Cabdifataax Daahir, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbigaas ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku booriyey dowladda Qatar in lacag kasta oo ay Soomaaliya ugu deeqeyso ay marsiiso nidaamka maaliyadda dalka. “Waxaan soo dhoweeneynaa oo aan la dhacsannahy in Qatar ay 20 milyan oo dollar ugu deeqday dalkeena. Si kastaba, waxaan Qatar ku boorineynaa in dhammaan deeqahooda marsiiyaan nidaamka maaliyadda dalka. Lacag laga soo geliyo albaabka gadaale, waxay sii kordhineysaa xasilooni darrada Soomaaliya.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. We welcome and appreciate the Qatari government’s donation of 20 Million USD to our country. However, we urge the Qataris to channel all their donations through the government coffers. Backdoor drops will only destabilise Somalia further. — Abdifatah Tahir (@AbdifatahTahir) February 27, 2019 Taageeradan ayaa muhiim ah dowladda xilli ay jiraan warar sheegaya in lacag badan ay ka dhiman tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, ayada oo bilihii dhowaa dowladda ay wajahaysay dhaqaale xumo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Ayadoo ay Xiisad Colaadeed ka dhexeyso Labadaasi Waddan ayaa waxaa la saadaalin karin qaabka uu noqon doono Dagaalkaasi, muddada u usocon karo iyo haddii ay Labada Milliteri isku adeegsan doonaan Hubka Nukliyeerka. Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inay Labada dowladood miisaaniyad xooggan ku bixiyaan Awoodda Milliteriga, iyadoo uu Tartan ka dhexeeyo dhimaha Milliteriga, Qalabkooda iyo Tayadooda. Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istaraatijiyadda ee IISS iyo Ururka Kontoroolka Hubka ee ee dalka Maraykanka waxay so osaareen tiro-koobkii ugu dambeeyey ee Awoodda Milliteri ee u dhexeysa Pakistan iyo Hindiya. Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Pakistan hawlaha Milliteriga kiu kharaj gareysay in ka badan 11 Billion oo Dollar oo u dhiganta 3.6%, halka Hindiya ku bixiso Hawlaha Difaaca lacag dhan 58 Billion oo Dollaroo u dhiganta 2.1% Tiro-koobkaasi ayaa muujinaya inay Dowladda Hindiya kharaj ka badan kan Pakistan ku bixiyaan Hawlaha Difaaca. Dalka Pakistan waxaa ku nool in ka badan 200 million oo qof, waxay leedahay Ciiddan tiradiisu dhan tahay 653,800 Askari. Milliteriga Pakistan waxay haystaan 2,496 Taangi, 1,605 Gawaarida Gaashaaman ee Ciiddanka lagu qaado, 4.472 Madaafiicda Goobta. Dalka Hindiya waxaa ku nool in ka badan 1.3 Billion oo qof, waxayna leeyihiin ciiddan ka badan 1.4 million oo qof. Dhinaca kale, Hindiya waxay haystaan in ka badan 3,565 Taangi, 336 Gawaarida Gaashaman ee Ciiddamada lagu daad-gureeyo iyo 9,719 oo Madfac. Diyaaradaha Dagalaka waxay Hindiya haystaan 814 Diyaarad, halka Pakistan leedahay 425 Diyaaradaha Dagaalka. Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya waxay leeyihiin hal markab Diyaard-xambaare ah, 16 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 13 Markab dagaal, 14 Marakiibta wax burburiya, 106 Doonyaha ilaaladda xeebaha iyo 75 Diyaaradaha Ammaanka Xeebaha iyo 67,700 Ciiddanka Mariiniska. Dalka Pakistan waxay leeyihiin 23,800 oo Ciiddanka Badda, 8 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 9 Markab, 17 Doonyaha lagu ilaaleeyo Xeebaha iyo 8 Diyaaradaha loo adeegsado ilaaladda iyo difaaca xeebaha. Ugu dambeyntii, Milliterigadalka Hindiya waxay haystaan 130 ilaa 140 Madaxyadda hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, halka Milliteriga Pakistan ay ka haystaan 140 ilaa 150 Madaxyadda hubka Nukliyeerka.
  18. Baydhabo (SMN)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta gareen, ayaa Maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada maamulkaasi. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo madaxweyne Lafta gareen. Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dardar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed. Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin biyo yarida ,amniga, caafimaadka , waxbasharada iyo caddaaladda. Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen xildhibaannada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha wasiirrada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya. View the full article
  19. DOHA, Feb. 27 (Xinhua) — Qatar on Wednesday decided to support Somalia’s state budget in 2019 with a total of 73 million Qatari riyals (20.05 million U.S. dollars). Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani received Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo at the royal palace, during which they discussed means to boost bilateral ties in various fields, according to a statement by the emir’s office. Tamim and Farmajo also reviewed developments in Somalia and other issues of mutual interest, and the emir gave orders to give 73 million Qatari riyals to shore up Somalia’s state budget. Farmajo arrived in Doha on Tuesday for a visit, whose period was not announced. His visit to the Qatari capital is his third since he assumed the presidency in war-wracked Somalia. Source: Xinhua
  20. Number of civilians who fled their homes up 30 per cent from previous year according to newly-released figures. “We’re alarmed at the sharp increase in the number of civilians forced to flee their homes in Somalia. The conflict is getting worse for civilians, making thousands more homeless. If this worrying trend continues, it could lead to catastrophe,” warned Evelyn Aero, Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC). Over 320,000 people fled conflict and insecurity last year within Somalia, according to the Protection and Return Monitoring Network. This number is up from 202,000 people displaced in 2017. Areas hardest hit by the fighting were in the Lower Shabelle region, which is still heavily impacted today. “These families take refuge in crowded camps for displaced people in Somalia, living in flimsy shelters. They’re vulnerable to malaria, evictions, insecurity and gender-based violence. Young children are especially vulnerable to malnutrition and disease. They urgently need more aid to survive,” said Aero. Overall 2.6 million Somalis are currently displaced within the country. Besides conflict and insecurity, other causes of displacement include drought, flooding and evictions, among others. Conflict continues to cause unintentional damage to property and civilian casualties. NRC urges all parties to the conflict to respect International Humanitarian Law, and take all possible measures to protect vulnerable civilians, and reduce mass displacement. Civilians are not a target. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia seeks $1.08 billion, but so far only $67 million of this plan has been funded. If aid is not increased, some lifesaving programmes such as for food, water or health care may be cut back. NRC calls on donors and the international community to scale up their support, and respond to the plight of displaced Somali families in urgent need of aid. For more information or interviews please contact: In Nairobi: Geno Teofilo, Regional Head of Communications, geno.teofilo@nrc.no, +254 702 910 077. Global Media hotline: info@nrc.no, +47 905 62 329
  21. Muqdisho ( SMN)- Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baneeyay kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Jaalle Siyaad oo ay daganaayeen in ka badan 10 sano. Munaasabad kooban oo xaruntaasi ka dhacay waxaa ka qeyb galay ra’isulwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir taliyaasha ciidamada Milatariga iyo wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira. Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya ee ka qeyb galay munsaasabada kooban ayaa sheegay in ay muhiimad badan u leedahay ciidanka xooga dalka in ay la wareegaan Kulyada Jaalle Siyaad,isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan dhinaca tababarka. Marka laga soo tago Jaamacada Umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium,waa xaruntii sadexaad oo ay deganayeen ciidanka AMISOM ay la wareegto dowlada Soomaaliya. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay go’aan maxkamad ku taalla Guriceel ay ka gaartay kiiska kufsi loo gaystay gabar 14 jir ah. Hoos ka aqri qoraalka Guuleed ee Facebook:- ARIN MUDAN DIB U EEGID Anigoo ixtiraam iyo qadarin weynba u haya maxkamadda iyo culumada garsoorayaalka ah ee degmada Guraceel, taaso gashay kiiska gabadha yar ee 14ka jirka ah, ee kufsi wadareedka ay geysteen eedaysanayaasha afarta ah, ka dibna falkaas foosha xun leh muuqaal ahaan oga duubeen, waxaan oran lahaa markii si qoto dheer leh loo daawado muuqaalkii maxkamadda iyo qaabka culumadu garsoorayaalka ah ay xukunka u qaadeen una rideen, ka soo baxaya dhaliilo, dulduleelo iyo arimo aan is dabooli karin, arimahaa waxaa ka mid ah: 1. Gabadha da,deeda, qaabka loo soo waday ee goobta lagu keenay, tirada dadka falka geystay iyo waliba muuqaalka la duubay waxay culumada aheyd inay u muujiso in falkaas uu ahaa mid xoog iyo kufsi ah. 2. Sida muuqaalka maxkamadda iyo kan gabadhaba laga duubayba ay na tusayaan falku waxuu ahaa mid xoog, waayo qiraalka eedaysanayaalka qaar ee maxkamadda horteeda waxaa ku jiray: A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa. B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bur ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bur iyo qeylo soo gashaa. Haddaba anigo sidaan horay u sheegayba qadarin u haya maxkamadda, haddana waxaan qabaa in qaabka uu xukunkaas u dhacay uusan ahayn mid dadka qancin kara, uuna mudan yahay in dib u eegid lagu sameeyo. Sidaa daraadeed waxaana maxkamadaha kala sareeya ee dowladda gobaleedka Galmudug ka codsan lahaa, una soo jeedin lahaa, inay dib u eegid iyo dib u galis ku sameeyan kiiskaas fuusha xun, ee loo geystay gabadhaa yar, ee waliba ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool deegaamada dowladda Galmudug.
  23. Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee Puntland, kuwaasi oo ka yimid deegaanka Tukaraq oo ay maalmahan ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ay tahay sugista amniga iyo iney soo qabtaan dadkii kufsaday, kadibna dilay gabar yar oo 12-sano jir ahayd. Howlgalka ay ciidanku bilaabayaan ayaa loogu magac daray Caa’isha maxay galabsatay, iyadoo saraakiisha ay sheegeen iney degdeg ku qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidanka-Daraawiishta-Puntland-oo-sheegay-in-Galakcyo-ay-ka-Bilaabi-Donan-Howgalo-Lagu-Xaqijinaayo-Amaanka-Magaalada-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com