Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,570
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-010319.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dhawaaqa rasaas waaberigii saaka laga maqlayay halkii xalay weerarka uu ka dhacay. Xogo dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaabkii weerarka qaaday ay ku qaldameen dhisme dad shacab ah leeyihiin oo ku yaala agagaarka Hotel Hillaac UK, halkaasi oo ay ilaa xalay ay ku jireen. Qaraxa oo aad u xooganaa islamarkaana sababay burbur xoogan oo dhismayaasha ah ayaa lagu waramayaa inay sababtay inay ku dhacaan guri dad shacab ah leeyihiin oo laamiga saaran, kaasi oo ku dhagan hoteelada Hillaac Uk iyo Warsheere. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ragga hubeysan oo lagu qiyaasay afar ruux ay u dhaceen guriga Reer Shideeye oo ku dhow dhismayaasha hoteelada qaraxyada ay haleeleen. Warar saaka soo baxay ayaa sheegay in ragga hubeysan ay galeen mid kamid ah qolasha guriga halkaasi oo xalay ay ku hoydeen, waxaana la sheegay inay saaka halkaasi Bambooyin kasoo tuurayeen. Marar badan ayay dhacday Al Shabaab inay galaan dhisme Shacab degen yihiin iyaga oo doonaya inay weeraraan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho. Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali cakiran in dadka qaar oo go’doonsan kasoo baxaan dhismayaasha ku dhow Hotel Maka Al Mukarama, iyadoo burbur lixaadle uu ka muuqdo dhismayaasha u dhow halka xalay qaraxa xoogan uu ka dhacay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in xaaladda waxyeelada ay intaasi ka badan laheyd, balse mid kamid ah dadka ku sugnaa hotelka Hillaac UK ayaa sheegay in dadweynaha uu ku wargeliyay inay ka cararaan goobta kadib markuu ka shakiyay gaari si xoogan ku socday oo gaadiidka dhex jiirayay. “Khasaaraha wuu ka badan lahaa intaan ee ruux ku sugnaa goobta ayaa ku qeyliyay “Ka cararaa waa gaari qaraxe” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkii xalay dhacay. Dhaawacyo badan ayaa yaala isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood u baahan inay dhiigag helaan, waxaana ciidamada xalay ay xireen waddooyin badan oo ku yaala Maka Al Mukarama, maadaama gaari laga shakiyay uu goobta yaalay. Xalay gaari Premio ah oo ciidamada amaanka ay eryanayeen ayaa ku qarxay wadada 21 October ee degmada Waaberi, waxaana la sheegay in la aamisan yahay inay ka dageen kooxda weerarka qaaday. Dhismayaasha Hillaac Uk, Hotel Wardheere iyo dhismo Shaqsi leeyahay oo ku dhow ayaa burbur ka dhashay wuxuu saameeyay dadka ugu badan oo halkaasi ku shaaxayay, sidoo kale Hotelka Maka Al Mukarama ayaa waxaa gaaray burbur xoogan. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in gudaha u galeen Hotelka ay weerareen islamarkaana ay ka dhex dagaalameen. Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin weerarkaan, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in duqeeymo Al-Shabaab halkaasi lagu la eegtay. Duqeeyntaan ayaa waxa ay ka dhacday deegaano aay ka mid yihiin Galxamur Abootu Salawle iyo waliba Astaani oo dhammaantood dhaca bariga magaalada Beledweyne. Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Gaashanlle Maxamed Macoow Xalane xaqiijiyay duqeeymahaasi aay ka dhaceen deegano hoosyimaada maagalada Beledweyne islamarkaasina la la eegtay fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen. Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeeymahaan. Puntland Post The post Duqeeymo la la beegsaday fariisimo Al Shabaab duleedka Beled-weyne appeared first on Puntland Post.
  5. Golaha Wasiirrada XFS oo shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay ku cambaareeyeen falkaas waxshinimada ah. Xukuumadda ayaa ku boorrisay dowlad- goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd. Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa Puntland Post The post Xukuumada Soomaaliya oo Cambaareeysay falkii lagula kacay Marxuumad Caa’isha appeared first on Puntland Post.
  6. Golaha Wasiirrada XFS ayaa shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay ku cambaareeyeen falkii lagu kufsaday laguna dilay Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 12 sano jir ahayd. Xukuumadda ayaa ku boorisay dowlad goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd. Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa tacadiyada noocan oo kale ah. Source: goobjoog.com
  7. Dadka reee Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay maqalka rasaas iyo qaraxyo. Rasaaata iyo qaraxyada ayaa waxa ay ka dhacayaan wadada Makka Al-Mukarama oo ay xalay Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen. Ciidamada ddowlada iyo kooxihii weerarka soo qaaday ayaa dagaalamaya. Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi iyo weerarkaasi xalay ka dhacay Muqdisho. Dadka reer Muqdisho xalay ma ladij hurdo raaxo leh. Dadweyne badan ayaa waaga ugu baryay isbitaalada Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Rasaas iyo qaraxyo ka soconayo saaka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Waaberigii saaka ayaa mar kale qaraxyo iyo rasaas laga maqlay halkii xalay uu qaraxa xoogan ka dhacay, waxaana la rumeysan yahay in wali howlgalka uusan dhamaan. Qarax ayaa abaaro 06:20 am ee saaka laga maqlay dhismaha hoteelada Hillaac Uk iyo Maka Al Mukarama, iyadoo kadib ciidamada amaanka ay rasaas xoogan ay fureen. Xalay ilaa 02:00 am ayaa dagaalka uu gaaray, waxaana wali laga shaki qabaa kooxda weerarka soo qaaday inay ku jiraan dhismaha xiriiriya hoteelada Maka Al Mukarama iyo Hillaac UK oo isku dhegan. Dad badan ayaa halkaasi ku go’doonsanaa ilaa xalay, ciidamada amaanka ayaana wada howlgalkii ugu dambeeyay oo ay kula dagaalamay kooxda weerarka qaaday. Bambooyin ayaa mararka qaar laga dhex maqlayay hotelka Maka Al Mukarama, waxaana burbur xoogan uusoo gaaray dhismayaasha ku yaala agagaarka hoteelka. Xarumaha caafimaadka waxaa la dhigay dad badan oo la aqoonsan waayay dhaawacyadooda walow markii dambe la helay eheladooda, waxaana loo baahnaa dhiigag kala duwan sida dhaqaatiirta ay sheegeen. Laama amaanka dowladda Soomaaliya wali si fiican kagama aysan hadlin xogta dhabta, waxaase soo baxaya in ku dhawaad 60 ruux ay waxyeelo kala duwan uu soo gaaray tan iyo xalay. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday bartilmaameedka weerarkii iyo qaraxyadii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa hotel Maka Al-Mukarama. Hase yeeshee, Maxamed Xuseen oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in bartilmaameedka dhabta u ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Soomaaliya, Abshir Cumar. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhow guriga guddoomiyaha, waxaana la sheegay in dagaal uu xooggan uu dhex-maray ciidamada ilaalada ka ahayd guriga iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Markii qaraxa uu dhacay ayaa la sheegay in maleeshiyada Shabaab ay durbo kusoo dhaqaaqeen guriga ayaga oo isku dayey inay gudaha xoog ku galaan, balse ciidanka ay dagaal culus kala kulmeen. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qarax uu saqafka ka qaaday guriga Abshir, kadibna dagaal xooggan uu ka dhacay dibedda guriga. Guddoomiyaha ayaa la sheegay inaysan wax dhibaato ah gaarin. Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxyadii iyo weerarkii xigay, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraallo ka soo saaray qaraxyadii iyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Qoraalka Xasan Sheekh Anigoo aad uga murugoonaya weerarkii ay argagaxisadu ku xasuuqeen dadka rayidka ah, ayagoo noloshooda caadiga ku jirana ku laayay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa murugada xanuunka badan ee soo wajahday, saameynta adagna nagu dhalisay. Inta dhimatay ilaahay ha u naxariisto, ehelkoodiina samir iyo iimaan eebe haka siiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaan eebe uga baryayaa. Waa nasiib darro aad u weyn in maalin weliba ay argagaxisada aan diin iyo damiir Soomaalinimo midna laheyn ay dadkeena wax galka ah micno darro ku xasuuqaan, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka ee dowladda federaalka in ay xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta shacabka, shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sugida amaanka iyo in meel looga soo wada jeesto bahalada caadeystay xasuuqa dadkeena. Bulshadeena Soomaaliyeed oo ah bulsho wanaaga jecel, isna garab istaaga xiliyada daruufaha adag ay jiraan ayaa waxaan ku boorinayaa in ay tagaan Isbitaalada si ay dhiig ugu shubaan walaalaha dhaawacu kasoo gaaray qaraxa. إنا لله وإنا إليه راجعون Qoraal Sheekh Shariif Bismillah! INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho caawa. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkaas wuxuushnimada ah aniga oo tacsi u dirayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay walaalihii ku dhintay Allaha u naxariisto, kuwa dhaawacana allaha noo bogsiiyo. Waxaan ugu baaqayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowladdaba in gacmaha la isku qabsado sidii cadowgan looga guulaysan lahaa. Dhammaanteed waxaa noo wada wanaagsan Soomaaliya oo xasilloon, gacmaha is haysata una midooba cadowga duullaanka ku ah amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.
  11. A powerful explosion killed at least 15 people in the Somali capital Thursday, police said. An Islamic extremist group claimed a Mogadishu hotel was the intended target, but a police officer said militants detonated a bomb while trying to assassinate a judge. Militants set off a car bomb near the residence of appeals court chief Judge Abshir Omar, and security forces stationed outside the judge’s house fought off gunmen who tried to force their way inside, police officer Mohamed Hussein said. Forty others were injured in the attack. Two witnesses said the blast ripped off part of the roof of Omar’s house. The witnesses, shopkeeper Ahmed Mohamed and area resident Fatima Nur, reported hearing gunfire after the explosion and said smoke billowed from the site of the attack. Al-Shabab, which is considered the deadliest Islamic extremist group in Africa, claimed responsibility for the attack. The al-Qaida-linked group said the Maka Almukarramah hotel, not the judge’s house nearby, was the intended target. Another witness, Sabir Abdi, said the hotel suffered significant damage and several people inside were injured. Dozens of cars were on fire along Maka Almukarramah Road, which is in a busy part of Mogadishu where restaurants and hotels are located. Al-Shabab has targeted the Maka Almukarramah hotel multiple times in the past, including a March 2015 attack in which at least 18 people died. The militant group, which opposes Somalia’s federal government and wants to impose sharia law, has carried out many deadly attacks inside Somalia and elsewhere in the region, including in neighboring Kenya. Al-Shabab said it was responsible for an attack on a hotel and shopping complex in the Kenyan capital, Nairobi, that killed 21 people in January.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka illaa hadda naga soo gaaraya weerarka iyo Qaraxyada caawa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli dagaal loo adeegsanayo hub culus uu ka socdo dhismayaasha ku dhow goobta uu qaraxu kadhacay. Dhismayaashaas qaarkood waxaa deggan dad rayid ah oo ay guri iyo ganacsi u yihiin. Qaraxa waxaa uu burbur gaarsiiyay Hoteelo, Maqaayado iyo goobo Ganacsi. Qof ku jira dhismayaasha dagaalku kasocdo oo rayid ah ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen kaddib derbi kudumay halka qof kalana ay xabbad kudhacday. Hoteelada Hillaac UK, Kuweyt iyo Carwada LG ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatada xoogga lihi kasoo gaartay dagaalka iyo weerarka, sidaas oo kalana dhismaha Cabdalle Shiddeeye oo ay deggan yihiin dad rayid ah ayaa isna waxa uu kamid yahay meelaha uu dagaalku dhex socdo, waxaana dhismahaas kujira Carruur, Haween iyo Odayaal waaweyn oo dhismahaas u yahay ganacsi iyo deegaan. Qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro ah iyo rasaas xooggan ayaa laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka Maka Al-Mukarama, Rasaas xoogan ayaa dhaceeysa gudaha hoteelka. Hey’adaha Amniga wali war rasmi ah kama soo bixin balse ciidanka gaar ah ayaa goobta ku sugan iyo masuuliyiin ka titsan dowlada Soomaaliya. Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxyo iyo weerar ay maleeshiyadeeda la beegsadeen hoteello iyo goobo ku yaalla wada Maka Al-Mukarama. Al-Shabaab ayaa sheegtay in kooxda weerarka qaadday oo aad u hubeysnaa ay beegsadeen Hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah Hoteellada ugu caansan ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab waxay sheegtay in hoteelka ay degan yihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay weerarkan billaabeen is-miidaamin baabuur lagu dhuftay albaabka hore ee Hotelka, kadibna ay xigtay weerar toos ah oo dagaalyahanno aad u hubeysan ay ku qaadeen Hotelka. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay galeen oo ay si buuxda ula wareegeen Hotelka, ayna halkaas ka wadaan dagaal ay kula jiraan ciidamada dowladda. Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa xaqiijiyay in ila hadda dhimashada weerarkan ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Qarax xooggan ayaa caawa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, wuxuuna geystay khasaare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Hotelka Makka Al-mukarrama iyo Maqaayadda Hilaac UK. Xilliga qaraxa uu dhacayey waxa ay wadadu ahayd mid aad u mashquul badan, waxaana halkaasi ku yaalla xarumo ganacsi oo ay dadku aad uga dukaameystaan. Inta la xaqiijiyey waxaa goobtaasi ku dhintay dad ka badan Shan qof iyadoo 25 kalena dhaawac uu kasoo gaaray. Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah kuwaasi oo qaaday dadkii dhaawacmay. Qaraxa kadib waxaa dab xooggan uu ka kacay carwooyin ku yaalla halkaasi hase ahaatee ugu dambeyn waxaa damiyay gaadiidka dab-damiska ah. Waxaa socona baadigoobka haddii ay jiraan dad kale oo ku harsan dhismayaasha ku dumay qaraxan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28022019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee soo baxaya, ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacaba ay kordheen. Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof. Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu ka badnaan karo intaas, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira khasaaraha. Qaraxyada ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa ahaa laba qarax oo ay u dhaxeysay ugu yaraan saacad iyo bar, waxaana sidoo kale jira rasaas xooggan iyo weerar ay qaadeen koox Shabaab ah. Dadka ugu badan ee waxyeelado soo gaartay oo Shacab maraayay wadada kuwaasoo Qaarkood ay Saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Qarax labaad oo culus ayaa caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Weerarka oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in uu dhacay inta u dhaxeysa isgoyska KM 4 iyo Hotel-ka Naasa Hablood 1. Qaraxaan ayaa imaanaya iyada oo mid kale uu ka dhacay nawaaxiga Hotel-ka Maka Al Mukarama ee caasimada. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi oo la xaqiijiyey in ay ku geeryoodeen 5 qof oo shacab ah, iyada oo dhaawac uu intaasi ka badan yahay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
  18. Somaliland: Berbera Corridor Inaugurated Hargeisa,(Qaran news)- The Somaliland President Muse Bihi Ahmed, accompanied by the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omar, have together inaugurated the construction of the new road which link the port of Berbera to the Somaliland-Ethiopian border town of Wajale. The road known as the Berbera Corridor which is funded by the Abu Dhabi Development Fund, will be over 250 kilometres long and will have seven major bridges. There will also be a 21 kilometre bypass to the Somaliland capital, Hargeisa. Speaking at the groundbreaking ceremony, President Bihi traced the historical economic ties between Somalialand and Ethiopia, as well as, the ancient sea faring commercial ties with the former Trucial States, now the United Arab Emirates. Goods from the Ethiopian hinterland were brought over land to the ports of Berbera and Seylac and then on by dhows to Aden and as far as Muscat and Dubai. President Muse Bihi Abdi included in his remarks the economic potential of the Berbera corridor in creating jobs and developing the trading opportunities in Somaliland, Ethiopia and the United Arab Emirates. Also speaking at the ceremony, the President of the Somali Region of the Federal Republic of Ethiopia, Mustafa Mohamed Omer, paid homage to the ties between all the Somali people in region, culturally, socially and economically. The president declared the Berbera Corridor will bring these ties even closer. Speaking on behalf of the Abu Dhabi Development, deputy-Director General, Syed Khalifa, highlighted the potential of the Berbera Corridor along with the development of the Port of Berbera by DP World. The construction of the road is expected to take up to 22 months and will also link with a new civilian airport in Berbera. Qaran News
  19. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxii caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa laga soo wariyey agagaarka Hotel-ka Hilaac oo ku dhegan Hotel Maka Al Mukarama. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey weerarka lagu dilay 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hotel Maka Al Mukarama. Illaa iyo haatan laamaha amaanka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin falkaan. Hoos ka daawo sawiradda qaraxa View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni ayaa shaaca ka qaaday nooca gaarigii caawa ku qarxay agagaarka hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa nocoa xamuulka islamarkaana ay saarnaayeen dhowr fuusto oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, sida ilo amni ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ujeedada kooxda Al-Shabaab oo qaraxa fulisay ayaa la sheegay inay ahayd inay sameeyaan burburka ugu xooggan oo ay awoodaan, maadaama goobta ay ku yaallaan hotello badan. Shabaabka ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa in marka qaraxa uu dhaco, aaladaha qarxa ay kasoo buuxiyeen fuustooyinka ay ku firxadaan waddada iyo dhismooyinka, si khasaraha ugu xooggan oo ay awoodaan ay u gaystaan. Waxaa illaa iyo hadda lasoo werinayaa inuu jiro burbur aad u xooggan oo ka muuqda goobta qaraxa uu ka dhacay iyo dhismooyinka ka ag dhow. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo weli aan la hayn tiro rasmi ah.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama. Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga. Gaari labaad ayaa yaala goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay uu ka dhacay caawa, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday inay goobta dhaawacyada ka qaadaan, maadaama shaki kale uu jiro. Dad badan ayaa ku go’doonsan dhismayaal goobta ku yaala, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay dhismayasha oo qaarkood la sheegay inay ku dumeen. Marka qaraxa uu dhacayay aad ayay mashquul ua heyd goobta, waxaana socday baaritaanka gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Dabka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Wararka hor-dhac ah ayaa sheegaya in shan qof ay ku dhinteen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen qarax culus oo caawa lagu weeraray Hoteel lagu magacaabo Hilaal UK oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, iyadoo goobta uu qaraxaani ka dhacay weli laga maqlayo rasaas dhacaysa. Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyadii ugu waaweynaa ee caasimadda Somalia ka dhaca, waxaana burburay dhismayaal u dhaw halka uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegyaan in sidoo kale kooxo hubeysna oo daba socday qaraxa uu saameyn ku yeeshay Hoteelka Maka Al-mukarama oo aan ku dhaw hoteelka la weeraray, iyadoo dad badan ay ku xayiran yihiin labada hoteel ee dariska ah. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u fara badan, iyadoo caawa ay ahayd habeen Jimco ah oo dadka inta badan ay magaalada u soo baxaan, waxaana agagaarka hotel Maka Al-Mukarama inta badan la dhigtaa gaadiidka. Dhanka kale, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiid badan oo goobta yaallay iyo dhismayaal ganacsi ay gubanayaan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo ciidamada ammaaka Dowladda Somalia. Qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa intooda badan mas’uulyadooda sheegata Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ma mid yahay kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho. Ugu dambeyn, Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin qaraxa iyo weerarka daba socday ee caawa ka dhacay Maka Al-Mukarama oo ah waddo aad u mashquul badan, iyadoo weerarkan uu imaanayo iyadoo ay maanta ciidamada Dowladda Somalia la wareegeen saldhig muhiim ahaa oo ay ka guureen ciidamada AMISOM. Wixii kusoo kordha weerarkan, waxaad kala socon doontaan Puntland Post PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu qaaday Hoteel ku Yaala Wadada Maka Al-Mukarama, Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha ee wadada Maka Al Mukarama. Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka hotel Maka Al Mukarama, waxaana dad ugu badan ay waxyeelo kasoo gaartay Dhismaha Maqaayada Hillaac UK iyo hotel Wardheer oo ku dhow Maka Al Mukarama. Muuqaal laga duubay daarta dheer ee SOMNET oo ku dhegen saldhiga Degmada Waaberi ayaa muujinaya khasaaro badan oo dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxa caawa dhacay oo aad u xooganaa. Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay, waxaana qaraxa kadib ciidamada amaanka ay fureen rasaas badan oo qalqal gelisay dadka shacabka ah. Xaalada ayaa wali adag waxaana la ogaan karin wararka rasmi ah ee weerarka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Deg-deg-Qarax-Maka-Almukarama.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaaqiisa aad looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa adag in la helo xogta dhabta ah ee Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka yimid dhanka Dabka kuna sii jeeday KM4, balse ku qarxay agagaarka hotelka Maka Al Mukarama. Dadka ugu badan ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen maqaayada Hillaac UK oo ku dhow Maka Al Mukarama, maadaama gaariga la sheegay in goobta uu ku qarxay. Dad badan ayaa ku xayiran dhismayaasha qaar, waxaana lagu waramayaa in laga baqayo in dhismaha uu ku dumay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in goobta ay aad mashquul u aheyd marka qaraxa uu dhacayay, waxaana saf dheer ku jiray gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, maadaama ay baaritaano wadeen ciidamada amaanka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha alah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimaadA@live.com
  25. A powerful explosion was heard in the heart of Mogadishu on Thursday night, at around 9:00 p.m. local time, witnesses said. The deafening blast happened when a car laden with explosives detonated outside Hilaac UK hotel along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital. The car bomb explosion was followed by sustained gunfire by the hotel security guards. The details of the casualties are still sketchy. Developing story, more soon. View the full article