Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,570
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda howlgalka ay ciidmada dowladda Soomaaliya ka wadaan dhismo ay xalay gudaha u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku dheggan maqaaxida Hilaac UK. Xog nasoo gaartay ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay tababareen Alpha Group iminka si rasmi ah loogu wareejiyey howl-galka, si ay Shabaabka uga saaraan dhismaha ay ku jireen. Booliiska ayaa horey u sheegay inay soo geba gebeeyeen howl-galka, hase yeeshee, ilo wareedyo Alpha Group ka tirsan ayaa beeniyay sheegashadii ciidanka booliska ee ahaa in la soo gabagabeeyay weerarkii agagaarka Maka Al-Mukurama iyo dhismayaasha ku dhow dhow. Alpha Group ayaa wararku ay sheegayaan inay illaa xalay diidanaayeen inay goobta galaan, shuruudna ka dhigtay in nabad-sugidda loo beddelay booliska meesha laga saaro. Dowladda xog buuxda kama aysan bixin inta ay yihiin ragga gudaha u galay dhismaha, khasaaraha weerarka ka dhashay iyo haddii ay jiraan rag ay ka dileen kooxda gudaha ka dagaalameysa. Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxyada iyo weerarkii xigay, ayada oo 40 kale ay dhaawac yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey qaraxii iyo weerarkii arxan darada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. New York (SMN) – Maxamed Nuur, oo ah Soomaali Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii. Mr Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis. Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen. Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono. View the full article
  4. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Gaalkacyo . Ciidamadankan soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo ambabaxay [...] Source
  5. (SLT-Muqdisho)Xaaladda magaalada Muqdisho ayaan weli deganayn kadib xalay ay ka dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah kuwaas oo lala eegtay goobo ganacsi iyo hotel ku yaal bartamaha wadada maka-almukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan qeybha magaalada Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku dhegan hotelka caanka ah ee maka Almukarama waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo Gaaray dad ganacsiyo ku lahaa goobtaas iyo kuwa kale oo ku tamashleynayay iyo dad kale oo iyaguna ku socda oo saarnaana gaadiidka dadweynaha. Qarax kale ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn goobtii hore isla gelinkii hore waxaana la sheegay in uu aad u yaraa khasaaraha qaraxa dambe,waxaana jiray risaas toos ah oo ay isku adeegsanayaan ciidamada amniga iyo debleydii weerarkii fuliyay oo ka tirsanaa Alshabaab. Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli rasaas iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha hoteelka Hilaac UK taas oo ka dhigan in weli ay ka dhex dagaalamayaan kooxdii weerarka soo qaadday,waxaana khasaaraha ilaa iyo haatan la sheegay in uu gaarayo in ka badan 15-ruux oo dhimasha ah iyo dhaawac 50-kale in kasta oo ilaa iyo haatan uu socdo gurmadku. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Wasiirka macdanta iyo bartoolka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Mareykanka kusoo bandhigi doonan wajiyada 2aad iyo 3aad kheyraadka dalka. Cabdirashiid Macalin Axmed ayaa intaasi ku daray in sababta ay dalka Ingiriiska ugu xusheen shirkii koowaad ay tahay in ay ku nool yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu badan. Sikastaba, Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xooga saari doonto sidii bulshada Soomaaliyeed looga faa’ideyn lahaa kheyraadka dhex-ceegaaga dalkooda. View the full article
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dowladda Puntland iyo magaca shacab weynaha Puntland ayaa sheegey in ay la qayb [...] Source
  8. (SLT-Washington)Dawladda Maraykanka ayaa hal milyan oo doolar siinaysa ciddii war ka keenta Xamza oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden. Waxaa soo muuqanaysa in Xamza Bin Laden uu noqonayo hogaammiye muhiim ah oo ka tirsan kooxaha jihaaddoonka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo in ay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii. Ciidammada sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanka ayaa Osama Bin Laden ku dilay Pakistan sannadkii 2011. Wuxuu ansixiyay weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11 Sabteembar ee sannadkii 2001, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux. Source
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha degaanka ee Degmooyinka Dalka ay muhiim u yihiin Dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ay quseyso. Sabriye, oo soo xirayay shir Saddexdii Cisho ee lasoo dhaafay ugu soconayay Magaaladan Muqdisho wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo dib u heshisiinta Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha Golayaasha degaannka ayaa lagu Lafa guray sidii howlahaasi loo dar-dar gelin lahaa, iyadoo la marayo heerarkooda kala duwan. Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM. Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali Nuur iyo Agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka. Ugu dambeyn, shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha degaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-duhur-010319.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, isgaa oo sheegay in Shabaab aan wada-hadal lagala geli doonin dhigga shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay, waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Al-Shabaab maalin walba ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse taasi aan lagala galeyn wadahadal, hayeeshee uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin wadahadal. “Runtii dalkan Soomaali ayaa leh malaha dad kale, mala aqbalaayo in dadkeena maalin walba la iska dilo, Al-Shabaab iyo Daacish waxaana leenahay dadkiina soomaaliyeed dhinac kasoo raaca ee wadahadal qaata, laakin wadahadal idinkama galeyno inad dadkeena leysaan ayuu yiri Xasan Sheekh. Dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay kasoo baxaan, isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ksoo biiraan. Weli Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu sareysa kama hadlin weerarkaas oo weli la soo sheegayo inay rasaas ka dhaceyso Wadada Maka-Almukarama. Dhageyso Codka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Codka-Xasan-Sheekh-Maxamuud.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada Puntland aysan hub iyo dirays lagali karin garoonada diyaaradaha ee Puntland . [...] Source
  13. Inkabadan 40 qof ayaa ku dhintay haka 50 oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Argagixisada Al-shabaab ay labeegsadeen Hotel Maka al [...] Source
  14. The death toll from an Al Shabaab suicide car bombings at a Mogadishu hotels rose to 25 with 80 wounded, police said on Friday, as a gun battle raged at the site of the blast between fighters of the militant group and Somali troops. “So far we know 25 people mostly civilians died and 80 others injured. The militants are still fighting from inside a civilian house adjacent to the hotel… The death toll may rise,” police Major Musa Ali said. The blast hit the Maka Al-Mukarama hotel on Thursday evening. Al Shabaab claimed responsibility for the deadly car bombs in the capital. View the full article
  15. Kulmiye Xeerkii Xisbigiisa Tuur Xukuumadiisuna Dastuurkii Dalka Xoortay Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mida xisbiyada qaranka Somaliland waana xisbiga kaliya ee dadka mayalka u haya lagu sifeeyey kuwo aan fahansanayn qaab siyaasadeedka axsaabta badan waayo Waxa xisbiyada loo sameeyey si looga baxo qaab siyaasadeedka ku dhisan Ardaayada siddaa laajigeed waa xisbi leh xeerar iyo qodobo u dhigan Siddii xisbi se ku DHAQMA xeerar iyo qaab beeleed iyo xulufaysi ardaa, waa xisbi dadka mayalka u haya ay ku uloleeyaan kala qaybsanaan mujtamaca ay kala qoqobayaan iyo afxumo, deelqaaf iyo hadalo xanafleh oo ku lidi ah midnimada waana xisbigii Ruqsada loo siiyey Af Xumada!!. Kulmiye gudihiisa laguma dhaqmo oo lama tix geliyo shuruucda iyo qaanuunka xisbiga u dhigan, si dumuqraadiyad iyo cadaaladi ku jirto looma raaco shuruucda xisbiga u dejisan, Madaxda xisbiga iyagoo xil xisbiga u haya ayaa laysku dul magacaabaa waxaad moodaa meherad nin leeyahay oo xubnaha xisbiga Siddii ladoono ayaa laga yeelaa, muuqaalka iyo magac uyaalka waa xisbi qaran se qaabka uu u shaqeeyo waa xisbi Qabiil. Dhanka xukuumada xisbigan allow sahalka ah ee kulmiye tabta xisbigu uunan u tixgelin shuruucda ayey xukuumadiisuna sharciga iyo dastuurka u tixgelin, waayo masuul inta xil loo igmado ayaa Isaga oo aan lacasilin xilkii Cidkale loo magacaabaa oo dhacday, dhowr jeer, xukuumadii hore ee kulmiye dalkii Bay boobtay oo dayn malaayiin ah aan ciddi bixin karin ayey ka tagtay Isaga oo dalku dalalka aduunka ugu saboolsan ku jiro, xukuumadan hada joogtaana ways kaba raacaynaysaa iyadoo ku darsatay dhaqan dumis iyo dastuur xoorid, waayo Dhaqanka Soomaaliland Waxa ugu mihiinsan waa suugaanta oo suugaantii waaba laysku xidhayaa, halkii Dhaqanka dhacdo walba xumo iyo samo laga gabyi jiray caadiyan ciddii been gabaydana loogu JAWAABI jiray se xukuumad af af u weydey weeye oo cabudhin, caga-juglayn iyo xadhig miciin biday. Dastuurkii la xoor KOL hadii qodobkii uu ku taagnaa ee ahaa JIRITAANKA JAMHUURIYADA Somaliland WAA MUQADAS haddii meeshaba laga saaray socdaalkii ugu horeeyey ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u baxay waakii ay isku soo af garteen soona saxeexay in Somaliland maamul tahay somaliyana fadaraal tahay, KOL hadii jamhuuriyadii meesha laga saaray oo somaliland maamul noqday kamida dowlad goboleedada iyo fadaraal isku sheega xamar dastuurkii dalka waa la xooray. Waxa se aan la yaabay shacabka iyaga oo arkaaya dalkii lagu hor dhacay ee eega oo hadana dastuurkii lagu hor burburinaaya ee eegaya ee hadana indho-sarcaadka la tusaayo ee u sacabinaaya, Dekedii waa la kireeyey lacag lagama hayo garoonkii dayaarada waa la kireeyey lacag lagama hayo, biriishkii caasimadu wuu dumayaa oo lacag looma hayo, wadadii ceerigaabo ee lacagta xad-dhaafka ah loo uruuriyey wax hadal hayaba, dooxa dacar-budhuq iyo aw-barkhadle sanad walba boqolaal qof baa ku naf waaya, maal badana waa lagu waayaa biriish la’aan, sidoo kale baahiyo badan ayaa dalka ka jira oo wax qabad u baahan, se dalkii inta maamul goboleed itoobiya lagaga soo dhigay ayaa lagu madadaalinayaa wado berbera ilaa wajaale ah baanu dhisaynaa boqolaal malyuun ku kacaysa!! Waa ruwaayad. Waxa layidhi ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la EEGAA! Hadaba Xaqiiq Kulmiye xeerarkii xisbigiisa tuur xukuumadiisuna dastuurkii dalka xoortay!! Ee Ilaahow u sahal jamhuuriyadan barakaysan. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo gabo gabeeyay howlgal ay kula dagaalamayeen ciidamo hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab. Inka badan 13 Saacadood ayay ciidamada amaanka ku qaadatay inay soo idleeyay weerarka oo xalay fiidnimadii ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasi oo ku bilowday qarax aad u xoogan oo magaalada laga maqlay. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ku howlanaa howlgalka ayaa shaaciyay in hal ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab ay muddo ku qaadatay inay ka saaraan dhismaha dadka rayidka ay deganaayeen oo ku dhow maqaayadda Hillaac UK. Wuxuu sheegay in ruuxaasi uu muddo dagaalamayay, isaga oo bambooyin iyo rasaas ku ridayay ciidamada amaanka ee isku dayay inay gudaha dhismaha galaan. “marka aan is dhahno xabada wey istaagtay oo ragii waxba kama noolaa, waxaan maqleynaa rasaas xoogan, mararka qaarna qaraxyo, waxey nala tahay inuu jiro hal Shabaab ah oo wali nool, balse noogu ekaaday mid dhaawac ah, maadaama uu hal goob ka dhaqaaqi la’yahay” ayuu yiri Sarkaal kamid ah Ciidamada amaanka. Ciidamada amaanka, ayaa shacab farabadan ka soo badbaadiyay dhismayaasha; maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Wardheere iyo guri ay daganyihiin qoys oo lagu magacaabo Shideeye, sidoo kale waxaa jira meydad ku hoos ira dhismayaasha dumay, kuwaas oo aan wali la gaarin. Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana dhaawacyo badan la dhigay isbitaalada Erdogan iyo Madiina ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  17. Ciidamada amaaanka dowlada Soomaaliya ayaa goordhow soo afjaray weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ku weerareen Maqaaxida Hilaac iyo Hoteelka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Ciidamada amaanka iyo kooxda soo weerartay ayaa xalay ilaa saakay rasaas is weeydaarsanayay. Ciidamada ayaa sidoo kale soo bad baadiyay dad xalay ku go’doomay halka ay weerarada ka dhaceen. Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigto qasaaraha ka dhashay weeradaasi. In ka badan 20-ruux aayaa ku geeriyootay tiro 60-ruux ku dhowna waa ay ku dhaawacntay weerarkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan xalay ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Puntland Post Muqdisho office The post Ciidamada amaanka oo soo afjaray weerarkii iyo qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab. Sida ay goob joogayaal sheegeen, diyaaradahan ayaa duqeeyey saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada kala ah Galxamure, Astaan iyo degaano kale. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyadoo aanay jirin wax faah faahin ah oo ay saraakiisha xoogga dalka ka bixiyeen arrintaasi. Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada dhanka ah cirka ah ee ay ka fulineyso deegaanno ka mid ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Mqudisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka waxaa u suura gashay inay gudaha u galaan mid kamid ah dhismayaasha uu saameeyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen guriga reer SHideeye oo xalay la sheegay inay Al Shabaab gudaha u galeen kadib markii ay ku qaldeen goobta ay doonayeen inay weeraraan. Waxaa la arkay ciidamada amaanka oo dad waayeelo ah kasoo badbaadinaya guriga Reer SHideeye oo caan ka ah deegaanka, maadaama ay muddo badan deganaayeen. Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey. Labo Qarax oo loo malaynayo Bamka gacanta laga tuuro ayaa guriga dhexdiisa laga maqlay ka hor inta aysan ciidamada amaanka gudaha u galin, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay dad ku sugnaa gudaha Guriga. Ciidamada amniga ayaa sheegay iney dileen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo la sheegay in isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.
  20. Xubno ka mid ah Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney ka dhex dagaallamayaan dhisme ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho kuna dhow Hoteelka Makka Al-mukarrama, kuna dheggan Hilaac UK. Guri dabaq ah oo ay deggan yihiin dad shacab ah, loona yaqaan Reer Shideeye ayeey xubnaha Al-shabaab ku jiraan, halkaasi oo ay kasoo tuurayaan rasaas iyo sidoo kale Bambooyin. Ciidamada ammaanka ayaa xalay illaa iyo saakay waxa ay la dagaallamayaan xubnahaasi, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u adag. Guriga Shideeye ee ay ka dhex dagaallamayaan Al-shabaab ayaa waxaa deganaa qoysas u badan carruur iyo haween. Waxaa gurigaasi ku dhintey canug yar oo qoyskaasi ka mid ahaa, waxaan ku dhaawacmay Saddex kale, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan dadkii kale ee gurigaasi ku noolaa. Wadarta guud khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay iyo dagaalka socda ayaa ah dhimashada 15 qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad Afartan qof. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN) – Saraakiisha caafimadka ayaa xaqiijiyey in tirada dhimashada ee qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay gaareyso in ka badan 25 ruux. Al-Shabaab ayaa sheegatay in bartilmaameedka weeraradaasi ay ahaayeen Hotel Maka Al Mukarama ee caasimada dalka. Ciidamada amaanka oo la tacaalaya dabley gudaha u gashay Hoteel-ka ayaa soo badbaadiyey dad badan oo shacab ah. Dowladda ayaa la sheegayaa in saacadaha soo aadan ay fahfaahin ka bixin doonto tirada guud ee wax ku noqotay weeraradaan. Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya iyada oo amniga caasimada uu soo hagaagayey mudooyinkii dambe. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya Khasaaraha Dhimashada dadkii xalay ku waxyeeloobay weerarkii qaraxa xoogan ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dad qabay dhaawacyo daran ay u dhinteen waxyeelada soo gaartay, waxaana dadka qaarkii la baadi goobayay eheladooda, maadaama aan horey laga aqoonsan. Dad badan oo shacab ah ayaa hor dhooban xarumaha caafimaadka iyo goobtii weerarka uu ka dhacay, iyaga oo baadi goobaya dad qaraabadooda ah. Dad badan ayaa sheegay inay Saacado ku jireen dhismayaal ku dhow goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana la sheegay waxyeelo ay soo gaartay ilaa afar ruux oo ku jiray dhisme dad rayid ah degen yihiin oo Al Shabaab ay ku qaldameen. Burbur xoog leh ayaa ka muuqda halka weerarka uu ka dhacay, waxaana waxyeelada kordhiyay kadib markii koronta wadada ay markale dab dhalisay. Gaadiid badan ayaa la arkayay oo ku holcay goobta, iyadoo hoteelada Maka Al Mukarama, Hillaac UK iyo Hotel Wardheer ay burburka uu gaaray. Xarumo caafimaad, goobo ganacsi, gaadiid badan, mootooyinka Bajaajta iyo hoteelada goobta ka dhow ayaa burburay. Dhimashada ayaa la sheegayaa inay ku dhow 30 ruux, iyadoo dhaawacana uu ka badan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerar Qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in saaka waaberigii ay ka dagaalamayeen dhismaha Hotel Maka Al Mukarama, balse dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dagaal uusan jirin ilaa iyo hadda. Waxay sheegeen in hotelka dhexdiisa ay ku dileen seddex kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo ay tababareen ciidamada Mareykanka ee kusugan gudaha dalka, sida qoraalka lagu sheegay. Sidoo kale waxaa AlShabaab ay sheegeen in ilaa iyo xalay ay ka badbaadeen kooxda dhismaha ku jirta ku dhawaad lix isku day oo ciidamada dowladda ay doonayeen inay Al Shabaab kaga saaraan goobta ay ku jireen. Qoraalka Al Shabaab ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in isku dayga ciidamada ay qeyb ka ahaayeen kuwo ajaaniib ah “Cadaan” kuwaasi oo doonayay inay la dagaalamaan Al Shabaab. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada ka tirsan Al Shabaab ay qolasha VIP-da loo yaqaan ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay in dhagxaanta lagu xiray waddooyin badan oo Muqdisho kamid ah iyo awooda ciidamada Maletari ee isbaheysanaya ay joojin kari waayeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Muqdisho, sida lagu daabacay website-ka lagu faafiyo wararka Al Shabaab. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha balse gaadiidka gurmadka deg dega ayaa sheegaya inay goobta ka qaadeen ku dhawaad 60 ruux oo meyd iyo dhaawacyo ka kooban. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (SMN) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta shirkoodii ay yeesheen oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxay ku cambaareeyeen falkaas waxshinimada ah. Xukuumadda ayaa ku boorrisay dowlad- goboleedka Puntland in ay dadaal badan geliso sidii loo soo qaban lahaa caddaaladdana loo hor keeni lahaa kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii bahalnimada ahaa ee lagula kacay marxuumad Caa’isho oo 12 jir ahayd. Golaha xukuumadda ayaa laamaha ammaanka iyo garsoorka ee dowladda federaalka faray in ay hay’adaha kale kala shaqeeyaan sidoo loo soo afjari lahaa tacadiyada noocan oo kale ah. View the full article
  25. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa 1aad ayaa lagu weeraray Hotel Maka Al Mukarama, halka midka 2aad uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Naasa Hablood 1 ee ku dhow KM4. Inta la xaqiijiyey 10 ruux oo shacab u badan ayaa u dhimatay weerarkii Maka Al Mukarama, halka tirro kale oo intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen. Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkaan, iyada oo sheegaysa in dagaalyahano ka tirsan ay gudaha hotel-ka ay ku jiraan. Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in rasaas iyo qaraxyo goos-goos ah wali la maqlayo. Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee Soomaaliya. View the full article