-
Content Count
207,588 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gaashaanka u daruuray hadal ka soo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gaashaan ka dhigteen dad shacab ah, taasna ay u suuragelin weysay in ay soo afjaraan weerarka waddada Maka Al-Mukarama. Al-Shabaab ayaa sheegtay in wax guryo shacab ah aysan ka dhaweyn halka lagu dagaalamayo, sidoo kalena aanay dad shacab ah ka dhaweyn goobaha ay iska horimaadyadu ka socdaan oo ah Hotelka Maka Al Mukarama iyo gidaarradiisa. Geelle, ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa. Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed tacsida dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaaai. Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay ayaa ku tilmaamay in ujeeddada falkan laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal. Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa. Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Puntland Post The post Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadii iyo weeraradii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xarakada Shabaab ayaa wali dagaal culus uga jira dhismayaal ku teedsan wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho sida lagu faafiyey warbaahinada Al-Shabaab. Howlgalka oo socda wax ka badan 21 saacadood xiriir ah ayaa sababay khasaara lixaad leh oo gaaray Dad u badan shacabka. War goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegtay in maanta oo kaliya ay dishay illaa 9 askari oo ka tirsan kuwa Bangarafaata ee Mareykanku tababaray kuwaas oo isku dayayay in ay soo afjaraan howlgalka. Al -Shabaab waxay xaqiijisay in Meydadka askar farabadan ay daadsanyihiin dhismayaasha ciriiriga ah ee dagaalladu ka socdaan, xoogaga ka dagaallamaya gudaha Hoteelka ayaa iska caabiyay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay ciidamo Caddaan ah iyo dowladda sid ay Al-Shabaab sheegatay. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dhankeeda sheegtay inay soo afjartay weerarkii Shabaab soo qaadeen balse waxaa weli Hotelka laga maqlayaa Rasaas. Weerarkaan ayaa noqday midkii ugu waqtiga dheeraa oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya waxayna dowladda ku micneysay arrintaas inay Shabaab gabaad ka dhigteen guryo dad shacab ah dagan yihiin taasna ay keentay in waqtigaan la isla soo gaaro sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii Argagixiso ee Xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo Guryo ku yaalla Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen Dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda. Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan Argagixisanimo laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal. Mudane; Geelle, ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa. Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay weerraradii xalay lagu qaaday xarumo ganacsi iyo guryo ku yaalla Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkaasi. Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan laga leeyahay ay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal. Mudane Geelle, ayaa sheegay in ay AlShabaab beegsatay, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa. Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay weerar ku bilowday qarax ku qaaday Hotelka Makka Al-Mukarama oo ah mid ay dagan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Afar waxyaabood oo uu qaraxaan kaga duwan yahay kuwii ay horey Al-Shabaab uga fulin jireen Muqdisho. 1) Waqtiga uu Qaraxa dhacay: Qaraxa ayaa Xalay Muqdisho ka dhacay Saacadda marka ay aheyd 8:35 Daqiiqo xilliga Geeska Africa. Waa waqti aan Al-Shabaab looga baran inay qaraxyo ka sameeyaan Magaalada Muqdisho. Qaraxyada Al-Shabaab ayaa inta badan la fulin jiray Maalin caddey ama waqtiga Maqribka ugu dambeyn balse qaraxaan wuxuu noqday mid ku cusub dadka Muqdisho waqti ahaan. 2) Mid ka mid ah Dableydii oo la qabtay: Sida ay ay sheegeyn Saraakiisha Amaanka waxaa gacanta lagu dhigay mid kamid ah dableydii weerarka soo qaaday waana wax ku cusub dadka Muqdisho in la qabto Al-Shabaabka weerarada soo qaado maadaama ay inta badan is qarxiyaan ama la toogto go’aankooda ay tahay inaan la qaban iyagoo nool. Inkstoo aan weli qofka la qabtay lasoo bandhigin haddana waxaa sidaas saxaafadda u sheegay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee horkacayey howgalkii Hotel Makka Al-Mukarama. 3) Al-Shaaab oo galay guryo shacab leeyihiin: Kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay guryo dad shacab ah leeyihiin oo ku yaal Jidka Makka Al-Mukarama. Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud. Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin. 4) Saacadaha uu weerarka socday: Dableydka hubeysan ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayey u suurtagashay inay ku dhawaad 17 saacadood ka dhex dagaalamaan Hotelka. Waa markii ugu horeysay oo ay sidaas dhacdo, mana jiro weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya oo gaatay 17 saacadood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Qadar ayaa si xoogan u cambareeysay weeraro khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuuamda Dooxa ayaa ugu horreyn loogu tacsiyeeyay ehelladii dadkoodu ku geeriyoodeen weeraradaasi. Qadar oo dadkii weeraradaasi ku dhaawacmay u rajeysay caafimaad deg deg ah, ayaa sheegtay in ay xoojineyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhaawac iyo midka dhimasho ee weeraradaasi ka dhashay. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyada kor u dhaafayaan 30 ruux, halka dhimashada lagu qiyaasayo ilaa 20 ruux, maadaama goobta ay wax ka dhaceen ay aheyd meel saxmad badan. Al-shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyada falkaan, oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ka dhaca caasimada sanadkaan. View the full article
-
Al-shabaab ayaa xalay waxa ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen qarax xooggan iyo sidoo kale weerar toos ah. Qaraxan ayaa ka dhacay maqaayadda Hilaac UK oo ku dheggan Hotelka Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Sidoo kale, xubno Al-shabaab ah ayaa gudaha u galay guri ay deggan yihiin dad shacab ah, kaasi oo ay illaa iyo saakay ka dhex dagaallamayeen. Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dadkii ay waxyeellada soo gaartay. Isbitaalka Digfeer: Howlwadeenno ka tirsan Isbitaalka Digfeer ayaa Goobjoog u xaqiijiyey in la geeyey isbitaalkaasi 55 qof oo dhaawac ah, 15 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud iyo sidoo kale Saddex qof oo dhimasho ah. Isbitaalka Madiina: Madaxa Caafimaad ee Isbitaalka Madiina, C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog, in isbitaalkaasi la geeyey 33 qof oo dhaawac ah, 17 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud oo markii loo adeegay kadib xaafadahooda ayaa loo diray, iyadoo dhimashada la geeyey isbitaalkaasina tahay 11 qof. Isbitaalka Daaru-shifa: Agaasimaha Isbitaalka Daaru-shifa, Maxamed Cabaas Cismaan oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in loo keenay 24 qof oo dhaawac ah, 14 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud, mana jirto wax dhimasho ah. Waxaa jira dad kale oo la geeyey isbitaallo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo. Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir . Source: goobjoog.com
-
The US-Somali cop accused of fatally shooting an Australian woman outside her home had brandished his gun on a driver during a traffic stop months earlier, it has been revealed. Dashcam footage has emerged showing former Minneapolis police officer Mohamed Noor, 33, pointing his weapon at a driver after he had stopped him for allegedly not using his turn signal in May 2017. Noor has been charged with second-degree intentional murder, third-degree murder and second-degree manslaughter for allegedly gunning down life coach Justine Ruszczyk Damond, 40, after she called 911 to report a possible sexual assault behind her home in July 2017. Ms Damond, who was originally from Sydney, rushed outside in her pyjamas to meet officers when Noor opened fire. Prosecutors say the video provides evidence that Damond’s death was not a justifiable accident claiming Noor had a history of ‘unnecessarily escalating force,’ KARE11 reported. However, Noor’s defence team has argued the clip is misleading and say the gun was pointing down between the officer and the driver. Defence lawyers are now fighting to keep the video out of the trial. Court documents filed in advance of Friday’s hearing provide an indication of issues that are expected to come up. Among them, prosecutors want to use Noor’s pretrial silence against him, and they want to submit evidence from a pre-employment psychological evaluation conducted in 2015. The defence wants to keep such evidence out, and wants to sever the most serious murder charge from the other two counts. It’s not clear when Judge Kathryn Quaintance will rule. Noor’s trial begins April 1. He has not entered a formal plea, but court documents indicate he’ll plead not guilty and will claim he was defending himself and others on the night of the shooting. Noor has not spoken with investigators. His partner that night, Matthew Harrity, told investigators he was startled by a loud noise right before Ms Damond approached the driver’s-side window of their police SUV. According to the criminal complaint, Harrity, who was driving, heard a voice and a thump and caught a glimpse of a person’s head and shoulders outside his window. He then heard a sound like a lightbulb breaking, saw a flash and looked to his right to see Noor in the passenger seat with his arm extended. He looked out his window and saw Ms Damond with a gunshot wound. Prosecutors say investigators asked to arrange for a voluntary interview with Noor and that he declined through his attorney. Defence attorneys say prosecutors aren’t allowed to use that against Noor in court because he has a constitutional right not to make any self-incriminating statements. But prosecutors argue that they can use a defendant’s pre-arrest silence if the defendant was under no government-imposed compulsion to speak. ‘In sum, the defendant had a choice on whether to tell his side of the story during a voluntary interview in a non-coercive setting,’ prosecutor Amy Sweasy wrote. ‘His decision not to do so is relevant.’ Prosecutors also want to submit evidence from a pre-employment psychological evaluation, including a standardized psychological test that assesses personality traits and psychopathology. The test found that Noor was disinterested in interacting with others and, when compared with other officers, was more likely to be impatient or have difficulty confronting people. A psychiatrist concluded that overall, Noor was fit to be a police officer, saying the test results don’t carry much weight. Prosecutors say the test results are admissible as character evidence, and they matter because the jury has to decide whether Noor acted as a reasonable police officer would act. The defence says prosecutors don’t want to admit the overall psychological evaluation, which found Noor fit for duty, but instead are pointing to a test that is ‘unsupported speculation.’ Prosecutors also want to allow jurors to hear about some prior acts by Noor while he was a police officer, including an incident in which he unholstered his gun during a traffic stop just two months before Ms Damond was shot. Defense attorneys oppose this. It’s unknown whether Noor, who is Somali-American, will testify at his trial. In one of the pretrial filings, prosecutors say they want statements that Noor made to defence investigators and experts to be kept out of the trial – unless Noor testifies first. Prosecutors say they otherwise would have no way to challenge what they say are ‘textbook self-serving statements.’ Defence attorneys are also seeking to omit other evidence. And they are asking that, prior to jury selection, potential jurors be shown a video about unconscious bias, with the goal of helping jurors recognize potential biases. The state opposes this request. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa howlgal ka wada dhismayaal ku yaalla wada Maka Al Mukarama. Goobaha ay xoogaga dowlada beegsanayaan ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan dableydii soo qaaday weerarkii xalay. Saraakiisha ayaa ku adkeysanaya in ay doonayaa in ay soo afjaraan weerarkaan oo qaatay in ka badan tobban saacadood. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku geeryoodeen ku dhowaad 25 ruux. Dhaawaca ayaa la tilmaamay in uu ka badan yahay 60, kuwaasi oo lala cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Burbur xoogan ayaa soo gaarey dhismayaasha ku yaalla meesha ay wax dhaceen oo ay ku yaaliin Hoteelo dhowr ah, sida Maka Al Mukarama iyo Hilaac UK. Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas’uuliyada falkaan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hoteel-ka Maka Al Mukarama. Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku saabsan fahfaahinta khasaaraha. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta “Masiixiyadda sharafta ka riday” kaas oo sheegtay inuu qof dhintay soo nooleeyey. Paseka Motsoeneng oo ku magac dheer Mboro, oo hortaagan kaniisad xidhan oo uu baadari ka yahay Alph Lukau, ayaa ku dhawaaqayey “in la ii jawaabaan halkan u imid”. Wuxuu sheegay in hadii ay run tahay in baadarigaa Alph leeyahay awood uu qof dhintay ku soo noolayn karo, inuu doonayo in ay isku raacaan xabaashii Nelson Mandela [oo soo nooleeyo]. Muuqaal dhacdadaa laga duubay oo muujinayey qof dhintay oo hadana ka soo toosaya naxashkii uu ku jiray, ayaa aad dadku ugu maadsadeen. Muuqaalkaas ayaa muujinaya Lukau oo qaylinaya oo nin naxash dhex jiifa ku leh “toos”, ka dibna uu ninkii kor u soo fadhiisanayo iyo damaashaad dadkii kaniisadda ku cibaadaysanayey ay dhigayaan. Shirkado ka shaqeeya aaska ayaa sheegay in la khiyaameeyey oo baabuurtooda loo adeegsaday si khalad ah. “Anigu halkan in aan cid la dagaalamo uma iman, waxan halkan u imid in ninka aanu Alla dartii walaalaha u nahay ii jawaabo” ayuu yidhi Motsoenegn, oo ah baadariga kaniisadda Incredible Happenings, oo ka hor dhawaaqayey kaniisadda Lukau baadariga u yahay oo ku taal meel Johannesburg u dhaw. “Hadii ay run tahay in aad nin dhintay soo noolaysay, kaalay xabaasha Mandela aan isku raacno oo aad sidaas oo kale samayside” ayuu yidhi. Hase ahaateen, Motsoeneng qudhiisa mar baa dadku ku maadsadeen uu sheegay in uu jannada tagay oo sawirro iskaga soo qaaday telefoonkiisa gacanta. Madaxweynaha Koonur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa isaguna Khamiistii doodan socota soo galay oo yidhi waa in dawladdu ka hor tagto “hogaamiyeyaasha diimeed ee waxyaabaha aan la qaadan karin fala” ee dadka khiyaamaynaya. “Ma doonayno in aanu farogelino diimaha ay dadku haystaan, laakiin waxa lagama maarmaan ah in aynu ka hadalno sida aynu wax uga qaban karno baadariyadaa beenaaleyaasha ah” ayuu yidhi Ramaphosa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda howlgalka ay ciidmada dowladda Soomaaliya ka wadaan dhismo ay xalay gudaha u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku dheggan maqaaxida Hilaac UK. Xog nasoo gaartay ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay tababareen Alpha Group iminka si rasmi ah loogu wareejiyey howl-galka, si ay Shabaabka uga saaraan dhismaha ay ku jireen. Booliiska ayaa horey u sheegay inay soo geba gebeeyeen howl-galka, hase yeeshee, ilo wareedyo Alpha Group ka tirsan ayaa beeniyay sheegashadii ciidanka booliska ee ahaa in la soo gabagabeeyay weerarkii agagaarka Maka Al-Mukurama iyo dhismayaasha ku dhow dhow. Alpha Group ayaa wararku ay sheegayaan inay illaa xalay diidanaayeen inay goobta galaan, shuruudna ka dhigtay in nabad-sugidda loo beddelay booliska meesha laga saaro. Dowladda xog buuxda kama aysan bixin inta ay yihiin ragga gudaha u galay dhismaha, khasaaraha weerarka ka dhashay iyo haddii ay jiraan rag ay ka dileen kooxda gudaha ka dagaalameysa. Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxyada iyo weerarkii xigay, ayada oo 40 kale ay dhaawac yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey qaraxii iyo weerarkii arxan darada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Puntland Post The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
New York (SMN) – Maxamed Nuur, oo ah Soomaali Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii. Mr Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis. Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen. Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono. View the full article
-
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Gaalkacyo . Ciidamadankan soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo ambabaxay [...] Source
-
(SLT-Muqdisho)Xaaladda magaalada Muqdisho ayaan weli deganayn kadib xalay ay ka dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah kuwaas oo lala eegtay goobo ganacsi iyo hotel ku yaal bartamaha wadada maka-almukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan qeybha magaalada Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku dhegan hotelka caanka ah ee maka Almukarama waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo Gaaray dad ganacsiyo ku lahaa goobtaas iyo kuwa kale oo ku tamashleynayay iyo dad kale oo iyaguna ku socda oo saarnaana gaadiidka dadweynaha. Qarax kale ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn goobtii hore isla gelinkii hore waxaana la sheegay in uu aad u yaraa khasaaraha qaraxa dambe,waxaana jiray risaas toos ah oo ay isku adeegsanayaan ciidamada amniga iyo debleydii weerarkii fuliyay oo ka tirsanaa Alshabaab. Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli rasaas iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha hoteelka Hilaac UK taas oo ka dhigan in weli ay ka dhex dagaalamayaan kooxdii weerarka soo qaadday,waxaana khasaaraha ilaa iyo haatan la sheegay in uu gaarayo in ka badan 15-ruux oo dhimasha ah iyo dhaawac 50-kale in kasta oo ilaa iyo haatan uu socdo gurmadku. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka macdanta iyo bartoolka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Mareykanka kusoo bandhigi doonan wajiyada 2aad iyo 3aad kheyraadka dalka. Cabdirashiid Macalin Axmed ayaa intaasi ku daray in sababta ay dalka Ingiriiska ugu xusheen shirkii koowaad ay tahay in ay ku nool yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu badan. Sikastaba, Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xooga saari doonto sidii bulshada Soomaaliyeed looga faa’ideyn lahaa kheyraadka dhex-ceegaaga dalkooda. View the full article