-
Content Count
207,588 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir keenii hore ee wasaarada maaliyada Mudane Abdilaziz Mohamed Samaale oo kamid ah xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye oon hada dhagaystay khud-badiisii uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye isagoo la dardaar mayay Madaxwayne Muuse biixi cabdi wuxuu mar iyo kabadan ku celceliyay CADAWGEENA iyo CADAWGEENA XISBIGA iyo XUKUUMADA . Mudane Wasiir Bulshada Somaliland cadaw isuma aha, Mucaaradka, Xukuumada iyo sadexda Xisbi Qaran cadaw isuma aha, kaliya loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeya, arintaa aad ku hadashay hadaad si qaldan u tidhi raali galin gole joog ah ka bixi, ileen waxaad tahay musuul umad dhan hagayee, hadaad aamin santahayna ood raali galin ka bixin waydana ogow inay tahay dhibic madaw oo siifiiga kuu gashay. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Kenya oo Abuurtay Xiisad aan Hore u Jirin Ka dib shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka ee lagu soo bandhigay macluumaad (seismic data) ku saabsan shidaalka ku jira badda Soomaaliya, waxaa dawladda Kenya eriday safiirkii Soomaaliya, keediina way la soo laabatay. Kenya waxaya ku doodday in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin ku yaal dhul badeed ku yaal Kenya laakin xad la leh Soomaaliya. Shirkadda Spectrum ee soo qaban qaabisay shirka isla markaasna soo diyaarisay macluumaadka (Seismic data) shidaalka badda Soomaaliya, iyo dawladda Soomaaliya labaduba way beeniyeen hadalka ka soo yeeray dawaladda Kenya, waxayna caddeeyeen in wax la xaraashay aysan jirin, dhul-badeedka Kenya muranka galisayna uusan ku jirin macluumaadka xirmooyinka shirka London lagu soo bandhigay. Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Kenay qaadday waxay abuurtay xiisad colaadeed iyo isku dhac siyaasadeed waayo Kenya waxay damacday inay xoog iyo cadaadis kula wareegto dhul-badeed Soomaaliya leedahay taasina waxay sababtay in mucaarad iyo muxaafid Soomaaliyeed oo dhan meel ay joogaanba aya midoobaan oo hal meel uga soo wada jeestaan dhul ballaarsiga Kenya. Waxaa laga yaabaa in madaxda Kenya iska dhaa-dhiciyeen in maadaama siyaasiyiin badan oo u jan-jeera dhinaca shisheeyaha iyo madax hore oo gacan saar dhowna la leh Kenya ay deggan yihiin ama ganacsiyo ku leeyihiin waddankeeda ay kuwaas u adeegsan karto inay dawladda Soomaaliya ka dhaa-dhiciyaan danaha Kenya. Waxaa kale oo Kenya is tustay in maadaama awoodda iyo maamulka dawladda Soomaaliya uusan gaarsiisnayn dalka oo dhan,in aysan Kenya kala kulmi doonin Soomaaliya awood ciidan ama mid siyaasadeed oo ka hor istaagi kara inay xoog ama cadaadis siyaasadeed ku muquuniso dawladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya si ay ula wareegto dhul-badeedka Soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya. Kenya Waxay Ku Hanjabtay Inay Somaliland Aqoonsanayso Hanjabaadda Kenya ee ah inay Somaliland aqoonsanayso waa taak-tiik kale oo ay doonayso inay ku cadaadiso dawladda Soomaaliya si ay ugu khasabto in si hoos-hoosay ah loo xalliyo khilaafka badda isla markaana dacwadda Soomaaliya gaysay maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah la soo celiyo. Cadaadiska iyo madax adayga noocaan ah wuxuu muujinayaa in Kenya aysan hasysan tiir sharci oo adag, kalsoonina ku qabin dacwadeeda. Haddii ay xaq ku taagan tahay oo dhul iyadu leedahay Soomaaliya sharci darro ku haysato, waxay ku kalsoonaan lahayd oo sugi lahayd go’aanka maxkamadda. Hanjabaadda noocan ah waa mid Kenya ay sharafta isaga qaadday waayo ma aha wax sharci ku taagan. Sharciga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika labuba wuxay sugayaan midnimada iyo wada jirka dhulka iyo dadka Soomaaliya. Gaar ahaan sharciga AU-da ee 1964-tii lagu kala saxiixday Qaahira oo uu ka dambeeyay boqorkii Itoobiya, Xayle Salase, isagoo raba inuu ku xalaalaysto dhulka Soomaalida ee hadda ka tirsan Itoobiya, isna wuxuu qeexayaa in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaystuhu uga tagay. Marka haddii ay Kenya isku daydo inay tumato sharcigaas waxay isku furaysaa god quraanyo (Pandora Box) waayo waxay taasi siinaysaa Soomaaliya fursad ay si nabad, diblumaasiyad, iyo dood shariyeed ah ugu doonto inay kula soo noqoto dhulka Soomaalida ee dhaca waqooyi bari Kenya (NFD). Sharciyan Kenya ma Aqoonsan Kartaa Somaliland? Waxaase is waydiin leh Kenya si sharci ah ma u aqoonsan kartaa Somaliland? Waxaa kaloo is waydiin leh maxaa ilaa iyo 1991-kii markii dawladdii Soomaaliya bur-burtay loo waayay cid aqoonsata Somaliland? Jawaabtu waxa weeye, waxaa jira sharciyo caalami ah oo qeexaya waddan waxa uu yahay, sida uu samaysmi karo, iyo sharciga u yaal ootahay in loo maro haddii waddan rabo inuu kala go’o. Sidaa awgeed hanjabaadda Kenya ee ah inay aqoonsanayso sharci kuma taagna. Haddii taasi dhacdana Soomaaliya waxaa u furan inay iyana dhulka Soomaaliyeed (NFD) ee Ingiriisku siiyay Kenya, ay iyana u aqoonsato waddan gaar ah. Tan kale, Kenya ma fahmi wayday haddii waddan aqoonsanayo Somaliland, Itoobiya iyo Ingiriika ayaa mar hore aqoonsan lahaa. Aqoonsi iyo Aqoonsi La’aan Somalilnad Mar Walba Waa Soomaali Laakiin kaba soo qaad in Kenya aqoonsato Somaliland oo safiirna u dirsato. Taasi ma waxay la macna tahay, reer Somaliland waxay ka baxayaan Soomaalinimada oo hal mar bay jinsiyad iyo isir kale noqonayaan. Maya. Taasi ma dhacayso oo reer Somaliland mar walba waa Soomaali, xataa haddii ay noqdaan dawlad gaar ah oo cid walba aqoonsato waayo Soomaalinimadu waa u dhalasho, kumana xirna magaca maamul ama deegaan. Inay Soomaalinimadu u dhalasho tahay waxaa u daliil ah Soomaalida Jabuuti, kuwa waqooyi bari Kenya, kuwa Itoobiya, iyo kuwa Soomaaliya kulligood waxay aamminsan yihiin in asalkoodu yahay Soomaali. Xiriirkooda guur, ganacsi, deegaan, iyo is dhex-galna meeshii ugu fiicnayd taariikhda Soomaaliya buu maanta marayaa. Haddii taas aan ka soo tagno, bal dib u fiiri magacyada maamul goboleedyada hadda ka jira Soomaaliya. Kan keliya ee Soomaalino sheegtay waa Somaliland. Somaliland macnaheedu waxa weeye dhulkii Soomaalida. Dadka reer Somaliland-na badankoodu waa dad nadiif ah oo Soomaalida la jecel wanaag, nabad, iyo horumar. Wax kasta oo dhib ah Soomaaliya soo gaarana iyagana wuxuu ku yeelanayaa saamayn. Sidaa awgeed haddii Soomalida dhib soo wajaho, reer Somaliland had iyo jeer hiil iyo hoo bay la garab taagan yihiin oo xataa iyagu oggolaan mayaan in Kenya xoog ku qaadato dhul Soomaaliyeed. Gabo-gabo Ugu dambayn, Kenya waxaa dega in ka badan 42 qawmiyadood (major indigenous groups) oo kala duwan, kuwaas oo leh luqado, dhaqamo, diimo, iyo muuqaallo kala duwan. Marka haddii madaxda Kenya ku fakarayaan Soomaali oo hal isir ah, isku luqad ah, isku dhaqan ah, isku diin ah, isu wada eg, baad kala jabin kartaan, miyaysan garan karin cawaaqib xumada iyo bur-burka ka dhalan kara haddii ay dhacdo in qawmiyadahooda khilaaf ama colaad soo kala dhex gasho. War iyo dhammaanti, Kenya col horti bay siyaasad ahaan u jabtay, waxaana xaqiiqa ah in damaca, sheegashada, iyo dhul ballarsiga Kenya ay waddoo uu durba mideeyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya meel ay jooganba. waxaana laga yaabaa in taasi sababto in Kenya Lumiso dhulkii uu hore Ingiriisku ugu wareejiyay oo ilaa iyo hadda ka tirsan Kenya. Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay Qore: Gooni Alla-Magan
-
Muqdisho waxa ka jirra duruufo waaweyn oo amni darro oo culayskooda leh, Muqdisho waa magaallo nasiib darran, oo ayaankeed/filkeed in badan ka hadhay ! Magaalo ahaanteed uma xuma, oo shaki la’aan waa BOQORADII CARIGA ; laakiin muuqaaladda qaraxyadda ka jira ayaa sawir fool xun ku ladhay !! Saraakiisha loo rar xidhay laylinta Ciidanka Xoogga Dalka, ilaalinta Amniga Caasimadda iyo Sirdoonka Qaranku, qorshe midho dhal ah iyo siyaasadda amni oo duruufaha xaailooni darro ee weerarada argagixisadda lagaga dabaasho weli hab iyo xeelad guul dhal ah ma aysan sal-dhigin. Duruufaha nabadgalyo xumo ee caasimada hanaan iyo xeelad lagu karantiilo weli lama hayo. Markasta kooxda xagjirka ah, fal kasta oo ay soo abaabulaan sida ay rabaan ayay u fuliyaan, fulintaas na waxa ku dhinta dad rayid ah oo birimageydo ah. Haligayaasha Xamar ka hawlgala waxa ay adeegsanayaan xirfado aad u tayo sarreeya oo ka muuqdaan farshaxanimo heer Sare ah. Qaraxyadda Xamar ee sida roobka uga da’aya waa Ciqaab Wadareed Laga Dan Leeyahay !!! Samayntii iyo isbedeladii ciidamada xasilinta caasimada ayaa waxa muuqata in dedaalkii amni iyo hawlgaladii la fuliyay aanay horjoogsan weeraradii waaweynaa ee Al-shabaab. Waxaa wax laga niyad jabo ah in sirdoonka dowladdu aanu weli awood u yeelan inay sii oggaadaan qorshaha Al-shabaab, kana hortagaan haddii xitaa ay sii og yihiin aannu jirin falcelin degdeg ah. Haddii shalay madaxdda la dilayay, maanta waa rayidka ! Mar wal oo aan xasuusto Muqdisho, sawirka ugu horeeya ee maankeyga ku soo dhaca, waa qarax iyo Saamaynta nafeed iyo hantiyeed oo uu geystay. Xamar marwalba waxa ay la foolataa qarax halaag badan sababa ! Qaraxyadda aan xasuusto waxa ka mid ah Weerarkii is-goyska SOOBE, ee ay kooxda Al Shabaab fulisay ! qaraxaasi waxa uu noqday qarax aad u saamayn badan, oo quluubta ummadda Soomaaliyeed aad u gilgilay, taas oo ilaa hadda murugadeedu lala sii noolyahay. Falka is-qarxinta Al Shabaab ka fuliso gudaha caasimada waa fashilla siyaasadda Ha’aayadaha Amniga Qaranka iyo Caassimadda ee Laamaha Amaanka, Nabadsugida iyo Sirdoonka. Muqdisho waxa ay noqotay halbowlaha qaraxyadda ay fuliyaan Ururka Al Shabaab, waxa ayna sanadahan noqdeen kuwo aan xad iyo wakhti laheyn. Shaki kuma jiro in Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre ee maanta talada haysaa iyaga iyo sirdoonkeedu in ay ku fashilmeen ka hortaga qaraxyadda xoogga badan iyo dilalka joogtada ah ee bulshadda lagu ugaadhsanayo. Mushkiladaha iyo carqadaha hortaagan amniga magaalada Muqdisho ayaa koobnayn, waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysta Ha’aayadaha Amaanka iyo Sirdoonka Qaranka, Awoodda ka hortaga falalka argagixisadda ee ciidamada oo aad u tamar liidata ayaa iyadna ah mid culayskeeda leh. Muqdisho oo wehel u ahayd sanadihii la soo dhaafay qaraxyadda iyo dilalka qorshaysan. si ugu yaraan loo yareeyo qaraxyadda, dilalka, Dhimashada, Dhaawaca, Burburka iyo Qaska kooxaha ka soo horjeedda dib u dhiska dowladnimada Somaliya, waxa lagama maarmaan ah in la cadeeyo ilaha kaalmeeya qaraxyadda, la tayeeyo wardoonka qaranka, la qalabeeyo ciidanka amaanka, la quweeyo, lana kordhiyo baadhitaanada kaantarooladda Gudaha iyo Daafaha Magaalada, Lana abuuro is-aaminid ka dhex dhalata Laamaha Nabad Sugida Booliska iyo Shacabka Caassimadda. illaahay Ha Quweeyo Awoodda iyo Kartida Ciidamadda Somaliya. illaahay ha u naxariisto intii dhimatay, qoysaskooda samir iyo iimaan ha ka Siiyo. Inta dhaawacantay na caafimaad degdeg ah ha siiyo, cadowga Somaliya Alle ha Jabiyo…Aamiin Aamiin Aamiin. W/Q: Bashiir Maxamed bashiirmaxamed653@gmail.com
-
Stockholm (Caasimada Online) – Per Brinkemo, waa ninka qoray buug ugu magac daray Mellan Klan och Stat (Qaran iyo qabiil dhexdooda) oo ku falan qeeynayo sida Soomaalida u tahay dad qabiilka aaminsan wax kastana kaga horeeysiiya nolosha. Xiiso iguma heeyso inana faalleeyo buuggisaan, balse waxaa jirta inuu been badan soo dhoo dhoobay toos oo gebi ahaanba soomaalida ku sheegayo ineey yihiin dad aan aqoon laheyn waxna akhrin oo aan qorin. Hadaba ninka noocaas ah ayaa buuggagtiisa jaamacadaha dalkaa Sweden u ah ilo ay ka soo xigtaan raad-raaca marka ay doonayaan in ay wax ka qoraan soomaalida. Muhiimadda hadalkeeyga shaqsiyaadka noocas ah ee mooda ineey aqoon badan u leeyihiin Soomaalida ayaa oran lahaa il gaar ah ha lugu eego hana lagala doodo qurunka ay bulsheedeenna ka sheegayaan ugu yaraan sharciga loo tiigsan karo haddiiba loo baahdo. Dhulkii Soomaaliyeed ayuu tagay oo uu dharkoodiina xirtay markaas uu si aan xishood lahayn uga been sheegay. Waa halkiii laga yiri: “Ciirtaa dhama ayaa ceeyda yaqaana.” Waxaa Diyaarisay: Ikraan Cali Kaar
-
THE ARGUMENTS FOR RECOGNITION The Legal Nature of Recognition: Old International Law settled questions of title by the tool of recognition. Theories such as “ and “ declaratory” and ” constitutive” were used to debate about the nature and function of recognition. However, in contemporary international law, recognition alone is not dispositive in determining the legal status of states. Other norms of a humanizing character have entered the process of making states. To the extent however, that recognition enables a people to internationalize their claims, it is useful. A head count of all authorities shows that the declaratory view prevails, that recognition only confirms the fact of existence of a state. It is not practical politics to refuse to recognize a state if it possesses attributes of statehood. The attributes of statehood as laid down in the Montevideo convention are a government, territory, defined population and a capacity to enter into international relations. It is evident that Somaliland possesses all attributes of statehood. It is distinct people occupy their traditional territory and the government has effective control over the population. Under these circumstances, the recognition of Somaliland is an international imperative. Conformity With International Law As indicated above, Somaliland has renounced territorial claims on other countries that the earlier Somalia had subsumed under its banner of “ Great Somalia”. It has accepted the colonial borders. As is well known, Somalia irredentism was a major source of in stability on the Horn of Africa and its removal paves the way for peace stability and prosperity in the region. Furthermore, the acceptance of colonial borders is in accordance with the African Unity “OU” policy. Fears of balkanization as a result of the recognition of Somaliland are unfounded since no new border is being created as in fact, for the first time colonial borders troubled borders are those of Somaliland. Lastly, the International Community is under Articles 55 and 56 on the UN charter. Only international attention can assist the fledgling state to stand on its own feet. Article one of the International Bill of Rights refers to the right to self-determination, as does the UN Charter in Article 1, 55 and 56. The principal questions here are however, whether the right to self-determination is applicable in Somaliland and if it is, whether it will entitle Somaliland to claim independence. There are sound reasons why the right to self-determination should be conceded to Somaliland. First , One of the reasons behind Somaliland’s assertion of Independence is the incompatibility between Northern and Southern Regions. The incompatibility arises from distinct colonial experiences, which contribute, to a unique identity. Where the reason for self-determination claims lay in historical experiences that are grounded in colonialism, there is no reason to deny the right to the people who wish to exercise it. Second, when the assertion of self-determination does not result in changes in international boundaries and does not pose a threat to inter-state peace, it ought not to be denied to achieve the short-term goal of doctrinal uniformity. Somaliland has expressly stated that it accepts the boundaries of the British Protectorate in 1960. Third, when the assertion of self-determination is more conducive to inter-state peace, its validity is strengthened manifold. It is to be noted that Somaliland has the potential of Solving Longstanding regional disputes with Ethiopia, Kenya and Djibouti, due to its acceptance of colonial borders and close ties with Ethiopia. Finally, legal right of self-determination arises upon the abuse of the political principle of self-determination. In this connection two related issues have to remembered. First , X. North “ Somaliland” had overwhelmingly reject the unified constitution in a referendum. Second, The UN, practice of conducting plebiscites prior to desalinization, as in the case of British Togo land . Under these circumstances, right to self-determination appears to be applicable to Somaliland. The exercise of such a right should also enable it to claim its independence. The Birth of Somaliland is an inevitable result of a distinct colonial experience. It is also the result of extreme economic exploitation and human suffering . The irredentist policies of Somalia also contributed to the alienation of the Somaliland population, which never acceded to the Union in the first place. While the past can not be undone, the international community has a rare opportunity to bring peace and prosperity to the Horn of Africa. By a single act of recognition, it can end the sad sage of human suffering, enhance the prospects for peace in the region by putting and end to the Great Somalia concept, and enable the people of Somaliland to reclaim their Future. ANIIS A, ESSA. Director SOMALILAND ADVOCACY GROUP WASHINGTONG DC. USA Qaran News
-
(SLT-Muqdisho ) Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba. Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii. Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood. 1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan. Inta badan Muqdisho loogama baranin iney qaraxyo ka dhacaan xilli habeen ah Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta. 2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool. Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada. Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday. 3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin. Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama . Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Image captionWarbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada. Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada. 4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen. Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab. Kooxihii weerarka fulinayay ayaa galay xaafado ay shacab ku nool yihiin Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud. Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin. Xigasho bbc Source
-
((SLT-Oslo) Waxa saacadihii ugu danbeyse qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalka Norway hadal ee jeedisay wasiirada maaliyada ee dalkaas oo si toos loogu weeraraaye haweenka soomaaliyeed waxaana ka jawaabay arintaas masuuliyiin kala duwan. Wasiirada maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in kororka tirada soo galootiga Norway ay sabab u tahay korarka tirada caruurta kunool noloshada saboolnimada ah. Siv Jensen ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee keenta saboolnimada ay tahay caruur badan oo ku korayo guryo waalid aan iskaafin karin(shaqeysan karin). Ayna u badanyihiin caruurta ay dhaleen waalidka soo galootiga ah. Jensen ayaa sii raacisay in 85% korarka tirada caruurta ah ee saboolnimada kunool ay yihiin ay yihiin caruur soo galootiga ah. Waa sida ay hadalka u dhigtaye. Siv Jensen ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay dumarka soomaalida ah oo ay sheegtay inay ka shaqeeyaan 10%. Iyada oo soo xiganeyso tirokoob ay sameysay SSB ayay sheegtay in taas ay tusaale u tahay sida loogu guul dareystay isdhaxgalinta soo galootiga ee bulshada inteeda kale. Mucaaradka: Sawir qaldan ayay bixineysaa. Xisbiyada mucaaradka ayaa wasiirasda maaliyada ku eedeeyay in sawir aan sax aheyn ka bixineyso kobaca tirada caruurta ku koreyso saboolnimada. Isaga oo raaciyay in sabab ugu weyn ee ka danbeysa kororka tirada caruurta kunool saboolnimada ay tahay, inuu sii kordhay farqiga u dhaxeeyo qeybaha bulshada. Isaga oo raaciyay in taas ay tahay mid toos uga dhalatay siyaasada xisbiyada midigta ee wadanka xukumayay shantii sano ee ugu danbeysay. SSB: Siv Jensen warka ay sheegtay sax ma ahan. Rolf Aaberge oo ah cilmibaare katirsan wakaalada SSB ayaa sheegay in qaabka ay Siv Jensen u adeegsatay tirada lasoo bandhigay aysan aheyn mid sax ah. Isaga oo sheegay inuu kordhay farqiga u dhaxeeyo dadka hantida heysta iyo kuwa saboolka ah ee guud ahaan Norway. Jawaabta oo bixiyay Jonas Gahr oo ah gudoomiyaha xisbiga AP Wasiirada maaliyada dalkan Norway ayaa shaley sheegtay in kobaca tirada soo galootiga ay tahay sababta ka danbeysa kobaca tirada caruurta kunool saboolnimada. Iyada oo tusaale usoo qaadatay in 10% dumarka soomaalida ah oo qura ay ka shaqeeyaan shaqo toos ah. Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, Jonas Gahr Større ayaa sheegay in wasiirada maaliyadu ay si public ah u ceebeyneyso qowmiyadu gaar ah, wuxuuna raaciyay in wasiiradu ay iska indho tireyso dhibaatooyinka la xiriira kala sareynta qeybaha bulshada. Jonas Gahr ayaa sheegay in tusaale usoo qaadashada haweenka soomaalida ah iyo Siiriyiinku aysan aheyn mid haboon. Gudoomiyaha Ap ayaa sheegay: Dumarka soomaalida ah ee Norway kunool waa muwaadiniin naga mid ah anaga oo dhan. Waxaan ula dhaqmi lahaa anigu qaab xurmad leh. Dhibaatooyinkoodana waa inaan xil iska saarnaa, oo aan si public ah ceebeyn. Gudoomiyaha Ap ayaa sii raaciyay in kobaha kala sareynta bulshadu ay tahay mida keeneyso korarka tirada caruurta saboolnimada kunool. Sidaas darteedna ay tahay in dadka lacagta leh ay bixiyaan canshuur ah dheeri, laakiin dowlada ay Siv Jensen hogaamiso ay u sameysay canshuur dhaaf. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa 24 saac kadib iyo dhimashada 30 qof iyo dhaawaca ka badan 100 ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii Maka Al-Mukarama. Kheyre oo warbaahinta la hadlay kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay. Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay. Dhinaca kale, Kheyre waxa uu sheegay in dowladda ay dadaal ku bixineyso dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan. Dhinaca kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli ka hadal weerarka, islamarkaana aan wax tacsi ah u dirin dhibanayaasha weerarka. Shacabka ayaa aad ugu dhaliilay madaxda dalka inay saacado ku qaadato in shacabka ay u niyad dhisaan ugu yaraan haddii aysan wax kale u qaban karin, ayadoo mararka qaarna aysanba la hadal. Dadka qaar ayaa aaminsan in madaxda aysan hayn wax ay shacabka u sheegaan maadaama amnigii dalka ay ku fashilmeen, halka kuwa kalena ay aamusnaantooda ku macneeyeen yasmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray isbitaallada iyo goobtii ay Al-Shabaab weerartay. Kheyre ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii guryagooda ku qabsatay dagaalada iyo qaraxyada. Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay. Dhinaca kale Ra’isilwasaare Kheyre aayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan Al-Shabaab oo ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan qaraxyadii ay Al-Shabaan ka geeysteen Muqdisho. Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya howgal culus oo Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay kaga suganyihiin Soomaaliya. Puntland Post Muqdisho office The post RW Kheyre “Jawaab ayaan ka bixineeynaa qaraxyadii Shabaab ay geeysteen” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlgalkii ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al Mukarrama ayaa soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, Iyadoona Xarakada Al-Shabaab ay si hordhac ah kaga hadashay weerarka ay ku qaaday dhismahaasi. Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, “Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhamaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badanyihiin xubnaha ka tirsan hay’adaha kala duwan oo Dowladda ah. Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa ka warramay raggii iyaga ka tirsanaa ee weerarka ka qayb qaatay. ” Afar kamid ah Ciidamadeena hawlgalka fuliyay ayaa goobta ku shahiiday halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay ay soo fuliyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan ee weerarka uu soo gaaray Ciidamada dowladda oo tan iyo xalay isku dayaye in ay soo afjaraan weerarka kuwaas oo dhowr jeer ku jabay weeraradii ay ku qaadeen dhismaha sida ay sheegtay Al-Shabaab. Al-Shabaab ma sheegin tirada dableyda dib u laabtay iyadoo bad ah, mana jirto sidoo kale illo ka madax banaan oo arrintaas xaqiijiyey. Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu dheeraa ee muddooyinkaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa qaatay ku dhawaad muddo 20 saacadood ah, waxaana uu geystay khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Siyaasiga Cabdi bare Yuusuf Jibriil horayna u soo noqday xildhibaan Baarlamaanka katirsan ayaa ka hadlay weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Muqdisho. Cabdi bare ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karim in dowlada Soomaaliya ay ku fashilanto amniga Muqdisho. Waxa uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in xil ka xayuubin iyo xabsi uu isugu daro laamaha amniga dalka Soomaaliya. Waxaa isi soo taraya dhaleeceeynta loo jeedinayo llaamahaamaanka dowlada Soomaaliya waxaana qaar kamid aahshacabka ay baraha bulshada ku dalbanayeen in xilka laga qaado wasiirka amniga. Al-Shabaab ayaa weerar qasaare geeystay waxa ay ka geeysteen xalay fiidkii Muqdisho ciidamo hubeeysana waxa ay gudaha u galeen Hoteelka maka Al Mukarama oo ka dagaalamayeen soo afjarida weerarkaasi waxa ay qaadatay 20 saac in ku dhow. Puntland Post Muqdisho office The post Siyaasiga Cabdi Bare oo ku baaqay in la soo xiro madaxda amniga dalka appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo dhaliyay khasaarooyin nafeed iyo mid hantiyeed. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay aad uga xun tahay khasaarihii ka dhashay weeraradii Al-shabaab, isla markaana ay tacsi u dirayaan xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya ee weerarrada ku waayay kuwii ay jeclaayeen. “Waxaan cambaareynaynaa weerarradii ay Al-shabaab ka geysatay Xamar. Runtii waxay ahaayeen kuwo ay geysteen kuwo aan u naxayn shacabka iyo dadka jilicsan,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay tahay koox weerarro caalami ah ka fulisa gobolka oo aysan ahyan koox ka dagaalanta Somalia oo keliya, sidaas daraadeedna ay Kenya ka go’an tahay inay gacan ka geysato dagaalka lagula jiro. “Al-shabaab waa koox argagaxiso ah oo geysata weerarro arxan-darro ah; waxaana diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dagaalka lagula jiro si loo soo af-jaro,” ayaa lagu yiri wabixinta wasaaradda dibadda Kenya ay maanta soo saartay. Warbixintan ayaa waxay soo baxday, iyadoo aysan weli madaxda Dowladda Somalia ka hadlin weerarrada oo socday muddo 20-saacadoo ka badan iyo khasaaraha ay geysteen, iyadoo tani ay muujinayso inaysan madaxda dalka dareen xooggan u muujin musiibada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa waxay inta badan jawaabo deg-deg ah ka bixiyaan murannada soo dhex-gala dalalka caalamiga ha iyo weerarrada ka dhaca, balse waxay u muuqdaan inaysan tixgelin badan u hayn dhibka ay Al-shabaab u geysanayso shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu jiro muran u dhexeeya labada Dowladood oo salka ku haya lahaanshaha biyo-badeedka u dhexeeya Somalia iyo Kenya. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo ka hadashay Weerarradii ay Kooxda Al-shabaab ka geysatay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wefdi uu hoggaaminayo Madaxa ugu Sareeya Hay’adda UNDP Sayed Sahibzada ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mr Sayed Sahibzada Madaxa ugu Sareeya UNDP Puntland ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed. Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adda UNDP ayaa ka wada-hadlay qodoba ay kamid yihiin Qorshaha 2019 ee Mashruuca UNDP ka taageerto Wasaaradda( Somali Joint Justice Program) iyo Dardargalinta Wadashaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Cadaaaldada. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ayaa ogaysiiyay madaxa UNDP in wasaaradda Cadaaladu ay hogaamiso dhammaan wasaaradaha Puntland loogana danbeeyo Arrimaha Cadaaladda Puntaland nadaam ahaan(as protocol). Gabogabadii, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNDP sida wacan ay ula shaqayso Dawladda Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda. DHAMMAAN The post Madaxa UNDP oo booqday Wasaaradda Cadaaladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Iyada oo ciidamada dowlada Soomaaliya ay galabta soo afjareen weerarkii khasaaraha badan geystay ee xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi. Marka laga soo taga khasaaraha nafeed oo ay geysteen qaraxyadaasi waxaa jiro khasaare maaleed. Waxaa guud ahaan burburay xarumo ganacsi iyo guryo ay dagaanaayeen dad rayid ahaa. Kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab ayaa ka dhex dagaalamayay guryo ay dagaanaayeen dad shacab ahaa. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwo qaba tababarka sare ee loo yaqaano Alfa Guruub ayaa si xeeladeeysan u fuulay guryaha ay ku jireen Al-shabaab. Waxaa guud ahaan burburay xarumihii weerarku uu ka dhacay. Waxaa burburay Hotelada Maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Kuwait Plaza iyo guryo ku yaalla hareeraha laamiga Makah Al Mukaramah. Soo afjarida weerarkaasi ayaa waxa uu qaatay waqti aad u farabadan oo ka badan Labaatan saacadood. Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa toogtay kooxihii weerarkaasi soo qaaday. Puntland Post, Muqdisho office The post Burbur baaxad leh oo ka dhashay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The Coming Disintegration of Ethiopia And The Rise of The Great Cushitic Federal Republic For centuries, Ethiopia was known as the lion of Africa but that pride ended when Somalia invaded Ethiopia in 1977 and brought it to its knees as Somalis are the most fierce warriors of Africa, especially in the Horn of Africa. Since that defeat, the oppressed community of Oromo realized that no human oppressive power is eternal and the gradual peaceful resistance of the Oromo people finally paid off and inflicted defeat to the Ethiopian centuries-old rule of Semitic Amhara and Tigray. The Amhara and Tigray who share ethnicity with Arabs and Asians, but speaking Cushitic Language, ruled Ethiopia for centuries committing all kinds of atrocities and human rights abuses against the Cushitic communities, the descendants of Ham in Africa, mainly Oromo, Somalis, Afar and others. They were also solely responsible for the centuries-old hostilities and hatred between Somalia and Ethiopia for having failed attempts to get access to the sea. Now, Oromo people seized the power of Ethiopia to rule it in their turn. But Amhara and Tigray may never accept a government led by Oromo and is likely that civil war may be on the horizon incited by Amhara and Tigray. Amhara and Tigray will never give up trying to topple Prime Minister of Ethiopia, Abiye Ahmed, to restore their centuries-old oppressive power as they don’t believe in democratic change and social equality in Ethiopia. Likewise, Oromo, which is the biggest community in Ethiopia will never accept the return of oppressive regimes of Amhara and Tigray. This deep political ethnic hostility in Ethiopia may lead to the total disintegration of Ethiopia as we know it today and the emergence of new small independent republics such as Amharic Republic State,Tigrayan Republic State, Oromia Republic State, Somali Republic State, Afar Republic Sate etc. It is possible that Tigray and Eritrea may share federalism, Amhara may have federal state with other Ethiopian minority communities while Oromo and Afar may share federalism with Somalis and Afar for being all cushites. Then, it could happen, in the future, that a great Federal State of Cushitic peoples is born in the Horn of Africa from the integration of Oromia State, Somali State (in Ethiopia) Afar Sate, Somaliland Republic, Somali Republic and Djibouti State with Addis Ababa as their national capital. The rise of Great Federal Republic of the Horn of Africa is possible with high probability. A bold political prediction. Ibrahim Hassan Gagale As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
By Abdi Guled | AP NAIROBI, Kenya — A nearly day-long siege in the heart of Somalia’s capital ended with all of the al-Shabab extremist attackers killed, police said Friday, as the death toll was at 24 and expected to climb. Capt. Mohamed Hussein told The Associated Press that an operation to clear the besieged buildings had begun, with bodies found. Two of the dead were soldiers, he said. The overnight attack began with a pair of car bombs exploding in a popular area of Mogadishu where Somalis were relaxing at restaurants and hotels Thursday evening. One went off near the home of appeals court chief Judge Abshir Omar, and security forces fought off gunmen who tried to force their way inside, Hussein said. “We heard a huge blast, a devastating blast that affected all the buildings,” said Mohamed Ibrahim Mo’alim, the secretary general of the national union of Somali journalists. At least four gunmen then opened fire at nearby buildings and businesses, sparking clashes with hotel guards, he said. Dozens of cars caught fire along busy Maka Almukarramah Road. The extremists then holed up inside buildings, exchanging gunfire with security forces who worked well into Friday to rescue trapped civilians. Police said more than 10 people had been freed since morning. The al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s deadliest Islamic extremist group, claimed responsibility for the attack and said its target had been the nearby Maka Almukarramah hotel, which is patronized by government officials. The extremist group has targeted it multiple times, killing scores of people. Police said the death toll could rise. Many victims had horrific injuries — some had lost limbs, nurse Sadiya Yusuf at Daru Shifa hospital said — and hospitals were said to be struggling to cope with the number of causalities. Doctors at Erdogan Hospital in Mogadishu said they had received 55 wounded people, with three succumbing to injuries. Many were in critical condition and 15 had undergone surgeries, said Dr. Ismail Yamas, the hospital manager. The style of the attack echoed previous ones by al-Shabab in Mogadishu as well as the attack in January at a luxury hotel complex in the capital of neighboring Kenya that killed 21 people. The United Nations mission in Somalia and others in the international community quickly condemned the attack, one of the worst in Mogadishu in months. It came after the U.S. military carried out a number of deadly airstrikes in recent days against al-Shabab, considered the deadliest Islamic extremist group in Africa. Al-Shabab opposes Somalia’s federal government and wants to impose sharia law. The U.S. has dramatically increased such airstrikes since President Donald Trump took office. The U.S. military command for the African continent reported carrying out 50 strikes in Somalia in 2018. This year, the airstrikes have come at an even faster pace, with 24 so far. The U.S. military command for Africa reported a new one that killed 26 al-Shabab fighters on Thursday in central Somalia, where two strikes earlier this week killed 55. ___ Associated Press video journalist Mohamed Sheikh Nor in Mogadishu, Somalia contributed. Copyright 2019 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii ay kooxda Al-shabaab xalay kusoo qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho oo khasaare badan geystay, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu watiga dheeraa ee Al-shabaab ay ka geysato Muqdisho. Khaaaraha dhismahada weerarkan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 30-qof, halka dhaawacyadu ay iyaguna kor u dhaafeen 100-qof oo intooda badan qabay dhaawacyo aan sahlanayn. Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ka billaabay goobaha burburay hawlo nadaafadeed, iyadoo mas’uuliyiin la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo celiyaan bilicdii goobaha la weeraray. Hoteelka Maka Al-Mukarama oo ay daganaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa gaaray burbur xoog leh, iyadoo sidoo kale uu weerarkaan ku bururay guri ay lahaayeen dad shacab ah oo ku dhaw goobaha la weeraray. Saraakiil u hadlay ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in lagu dilay mid ka mid ah dhismayaasha la weeraray mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo isagoo dhaawac ah muddo saacado ah ciidamada la dagaalamayay. Burbur xoog leh ayaa ka muuqday dhismayaasha hoteellada la weeraray iyo goobaha ganacsi ee ku dhaw, waxaana sidoo kale uu burbur culus gaaray dhismayaal ay dagganaayeen dad shacab ah oo ku dhaw goobta ay xalay ka dhaceen weerarrada. Al-shababa ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, waxayna iska fogeeyeen inay gabbaad ka dhigteen dad shacab ah oo ku noolaa mid ka mid ah dhismayaasha ay xoogaggooda galeen, sida uu sheegay wasiir Geelle oo ah wasiirka warfaafinta Soomaaliya. Illaa hadda lama oga tirada xoogagga Al-shabaab ee weeraray hoteellada iyo dhismayaasha ku dhaw-dhaw, waxaase dadka goobta ka dhaw ay sheegeen inay filayaa inay yihiin illaa toddoba ruux, kuwaasoo qaarkood is-qarxinayay xalay iyo maanta oo dhan. Ugu dambeyn, Dowaldda Soomaaliya ayaan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, balse maamulka Isbitaalka Ex-Digfeer ee Erdogan ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay dhaawacyo gaaraya 55-qof, kuwaasoo ay 15 ka mid ah ku sameeyeen qalliinno kala duwan. PUNTLAND POST The post Ciidamada DFS oo soo gabagabeeyay weerarkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maansadani waxa ay soo baxday 27kii Feberweri 2019ka, waxay ka hadlaysaa gabadh yar oo 12 jir ah, oo kufsi, dil iyo xadgudub loogu geystay magaalada Gaalkacayo, xarunta Gobolka Mudug. Jidhdilka iyo naxariis-darrada dhacday waxa lagu astayn karaa dadqalnimo. Gabadhaas yar oo la odhan jiray Caasha Ilyaas, waxa ku dhacay xadgudub aanu ka adkaysan karin damiirka nooli. Waxa ay ku baaqaysaa in caddaaladda la horkeeno kuwii bahalnimada ku kacay. Tixdu waxa ay diiradda saaraysaa in la daryeelo haweenka iyo carruurta. Kufsigu waa tacaddi soo noqnoqday, waxa ay carrabaabaysaa falal foolxun oo hore u dhacay sida: 1. Wiilal kufsi wadareed geystay oo sawirro ka qaaday bilistii ay fara-xumeeyeen, kuwaas oo lagu ciqaabay xukun aad u jilicsan 2. Askari xubinta taranka ka toogtay gabadh uu rabay in uu dhaxal-wareejiyo oo diidday 3. Nin ku eedaysan kufsiga gabadh yar oo Burco ku geeriyootay. Maansada Curdin-dhadhiye, waxa ay tidhi: Cawdeedu markay baxdee Cammuuddiyo iil la dhigay Waxay ku casuuman tahay Cawada jannadii Allee Waxay ka cataabaysaa Caynkii ifka loogu galay Dareenka haddaan cabbiro Waxay tidhi Caasha-yarey “Carruurtu ma ay mudnayn Inay carcaraaf martee Wuxuu canug kaa geyaa Inaad carbisood hagtood Asluubta cuddoon bartee Haddaan curdin-dhadhiyihii Kuwii cawo-beelka falay Cadaawe sidaan ahaa Kuwii i ciqaabay’ee Caarcaarka naftayda baday Cadkaygana sii jarjaray Caddaalad haddaan la marin Cawaaqib xun baa ku xigi” Waxay tidhi Caasha-yarey “Dameer calcalyada dhergaa Markuu cosob goosto doog Lammaanaha caacsadee Sidiisa dad baa cahdigan U caydhsada maatidoo Dar baa jira caadhku hago Cuf iyo tamar maan lahayn Calyada qurux loo qubiyo Wuxuu igu caashaqiyo Calaamado jiita iyo Ma lihi cambaruud bilnaa Cimrina qaangaadh ma ihi Culaysna ma qaadi karin Caalluhu naxariis darnaa Markaan cawday een “adeer” Codsiga “igu daa” ku idhi Cafiska iimuu tixgelin Ilmada canka buuxisiyo Codkaygana wuu bannaaday” Waxay tidhi Caasha-yarey “Hooyadu cudud bay u tahay Caynaanada aadmigee Caloosha kuwaan sidnow Marka kale calmashada jacayl Kuwaan calafkooda guur Cawayska la loolaynnow Cuurkaanu walaal nihiyo Cidla’da wehelkoodiyow Cakuye aabbaha mar kale Caleenta la saarayow Caliimku ragguu xillkiyo Cayaanka u dhiibay ow Maxaa caqligiinni helay Wax ceeb ah inaad dhigtaan Miyaan laga caagahayn? Haddaan cilladdaa la dayn Allaa ka cadhoonayee Intaad is-canaana taan Codkiinna ku diida tuu Cawaanku haddeer ku kacay Carraabaye duulka nool Ka jira camalladan gurracan” Waxay tidhi Caasha-yarey “Calaacal wax kuuma taro Cabaadka la faafin iyo Waxaa cabashadan tiftaa Dadyahaw celinaaya ficil Xumaa lagu caabbiyee Is-kaashada caalamkow Xishoodku nimaanu celin Coobbiyo ku muquunsha qori Ishii Cali waa digniin Caanyadu wax ku qaadatee Haddaan xadgudbaha cadkiyo Cidaamkiisaba la goyn Ciriqa lama baajin karo” Waxay tidhi Caasha-yarey “Halkii cudud xoog leh mudan Cambaari ma kaafidee Cabbaysta hubkiinna oo U ciidama hiilka dumar Cabsida ha ku joogsadee Cadaadiya kii shar wada” Waxay tidhi Caasha-yarey “Waxaa carrigeenna nool Intay bilistii cuneen Kuwii cawrada sawiray Cadqaate waxaa fasaxay Caantaynno ku qaata dhagar Bulshada ceeb baa dul taal Caruuska midduu galay Ninkii curaddeedda dilay U dhaafayna caydigiyo Midkii yarta ceejiyee Intuu cararkii firxaday Dhallaanka la caymadee Beentana ku caquuqay baa Burcana ku cabbaaya liin Dharaar cad miyaad dishaan?” Waxay tidhi Caasha-yarey “Nin ciidan ahaa rasaas Ciqaabta miyuu haween Cadradda shiish jaan ku deyay Ku ciil baxay toogasahada Haddaan casharkaa horiyo Cibaaradu dheef ku barin Wallee cudur sii kordhiyo Caadaysiga oo socdiyo Inuu dhaco caabaq filo” Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News