Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar kamid ah ardayda wax ka barta mac’hadka caafimaadka Xaaji Cabdi ee magaalada Garoowe ayaa saaka codkooda ku biiriyay isu’ soo baxyada cadaaladda loogu dalbayo Caa’isha Ilyaas oo si waxashnima kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Ardayda oo socod ku maray laamiga dheer iyo barxadda caasimadda Garoowe ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo lagu dalbanayo in cadaaladda la marsiiyo cid kasta ay ku caddaato jariimadii foosha xumayd ee lagula kacay Caa’isha Ilyaas. Hay’adaha Garsoorka dowladda Puntland ayay ugu baaqeen in aysan sharciga hortiisa ugu naxariisan kuwii nolosha dhaafiyay Caa’isha si loogu taamilo (cibro) qaato islamarkaana uusan falkaan oo kale u soo noq-noqon. PUNTLAND POST The post Bahda waxbarashada oo weli dalbanaya in ay cadaalad hesho caa’isha appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah qoyska Reer Shideeye oo lahaa guriga Al Shabaab ay galeen markii ay weerareen Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi. Abuukar Shideeye oo kamid ah qoyska ayaa sheegay in isaga uu dhaawac kasoo gaaray weerarka gaar ahaan rasaas kaga dhacday qeybaha dambe ee jirkiisa, wuxuuna sheegay in hadda xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Sidoo kale Abuukar ayaa sheegay in qoyskooda shan kamid ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen islamarkaana mid kamid ah uu qabo dhaawac daran, balse afarta kale ay dhawacyo aan cusleyn ay qabaan. Abuukar Shideeye, wuxuu sheegay in qaraxa koowaad markii uu dhacay uu isku dayay inuu qeybta kore ee gurigooda uu fuulo si uu xaalada u qiimeeyo, basle ay mar kaliya ay usoo galeen ciidamada hubeysan ee ka tirsanaa Al Shabaab. Wuxuu tilmaamay in markii Al Shabaab ay gudaha guriga galeen inuu hal qol ku xiray dhamaan caruurta, balse labo kamid ah ay dhaawacyo gaareen. Dhismaha guriga ay deganaayeen ayaa gabi ahaanba burbur kadib markii ciidamadii ka dagaalamayay la sheegay inay qaraxyo ku xir xireen kadibna uu qarxay markii ugu dambeysay. Hoos ka dhageyso codka Abuukar Shideeye. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Shideeye.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  3. Baardheere (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay inay qabsadeen deegaanka Fax faxdhuun ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay baneeyeen ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa todobadii sano ee lasoo dhaafay. Ciidamadii Kenya ee isaga baxay deegaanka Faxfaxdhuun ayaa la sheegay inay aadeen dhanka iyo deegaanka Girilleey oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay in saacado kadib markii ay baneeyeen ciidamada Kenya ay qabsadeen deegaanka, islamarkaana ay baaritaan ku bilaabeen saldhiga ciidamada Kenya ay isaga baxeen, sida lagu sheegay qoraal Al Shabaab ay ku baahiyeen warbaahintooda. Deegaanka Faafax dhuun wuxuu kamid yahay deegaanada istiraatiijiga ah wuxuuna qiyaastii 80 Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere, waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo. Ciidamada Kenya ayaa qabsaday deegaankaasi bishii Janaayo ee sanadkii 2012, waxaana xiligaasi ay kusoo faafeen deegaanada dhaca dhanka xuduuda, iyaga oo ka jawaabayay weerarada kaga imaanayay Al Shabaab. Markii dambe ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland, taasi oo ku aadan sababaha ciidamada Kenya ay kaga baxeen saldhigoodii deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Sweden iyo hay’adda The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa wada dedaalo la isugu soo dhawaynayo wada hadal u furma madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Xoggo diblomaasiyadeed oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay labaduba mabda’a ahaan aqbaleen in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda taagan, waxase aan weli la isla qaadan halka ay ka dhacayaan iyo wakhtiga ay qabsoomi karaan. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Sweden, halka uu Madaxweyne Farmaajo doonayo in wada hadalku ka dhaco dalka Djibouti. Waxaana farsamo ahaan sidii labada madaxweyne aragtiyahooda la isugu soo dhawayn lahaa ka shaqaynaysa xarunta lagu magacaabo The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD) oo ah hay’ad caalami ah. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ahaa wasiirkii khaarajiga ee xukuumadii u horaysay ee Axmed-Siilaanyo oo hadda sarkaal sare ka ah xaruntan The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa ku hawlan sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo si dib loogu furo wada hadalada, waxaanu Dr. Maxamed sidoo kale ka shaqaynayaa in la isu soo dhaweeyo labada fikir ee kala ah in wada hadaladu Djibouti ka furmaan iyo inay Sweden ka furmaan. Waxa kale oo uu Dr. Maxamed ka shaqaynayaa in la cayimo wakhtiga ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya kulmayaan. Waxa iyaguna geesta kale socda dedaalo kale oo uu wado wadanka Turkigu, laakiin waxa dedaalada Turkiga aan taageero xoogan u hayn wadamo reer galbeed ah oo uu Maraykanku hormuud u yahay kuwaas oo door bidaya in labada madaxweyne isku arkaan Sweden amaba Ingiriiska. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay la shaqayso Somaliland. Michael Rubin, oo laba toddobaad gudahood maqaalkiisii labaad ee uu Somaliland ku taageerayo baahiyay, ayaa wuxuu toddobaadkan qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Siyaasadda Maraykanka ee Afrika kama maaranto Somaliland.” Wuxuu Rubin, Madaxweyne Trump hogo tusaaleeyay inay muhiim tahay in Maraykanku si dhow ula shaqeeyo Somaliland oo uu ka furto xafiis caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qoraalka oo aad u dheeraa, wuxuu Geeska Afrika gaar u soo turjumay qaybta uu kaga hadlayo aqoonyahanku qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Halka ay Somaliya lugaha la gashay dagaal sokeeye 1991kii, Somaliland oo uu xukunkii argagaxaa ku dhisnaa ee keligii taliye Siad Barre burburiyay, waxaay ku dhawaaqday madaxbanaani. Doodeedu waxaay ahayd mid adag: waagii gumaystaha waxaay ahayd maxmiyad Ingiriis oo ka duwan Somaliya, lehna xuduudo caalamku aqoonsan yahay. Dhamaan shanta dal ee ku jira Golaha Amaanku way aqoonsadeen xorriyadeedii 1960. Dadka reer Somaliland waxay qabaan in midnimadii ka danbaysay ay ahayd mid ay si ikhtiyaarkooda ah u galeen, si taas la mid ah ay uga baxeen [midnimada] markii Somaliya afka saartay qas iyo jaah wareer. Dadka gobolkan degani waxaay tilmaameen in mucaaradada Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanka] ee ay kaga soo horjeedo is bedel ku yimaada xuduudaha inay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin sabata oo ah Washington, Midawga Afrika iyo bulshada caalamka guud ahaan waxaay aqoonsadeen Suudaanta Koonfureed iyo Eretriya. Xaqiiqdu waxaay tahay labadaas dal midkoodna guul maaha, balse Somaliland waxaay waa horeba cadaysay inay tahay guul. Maanta Somaliland waa 28% dhulka Somalia, iyo sadex meelood oo meel dadka Somalia. Si ka duwan Somalia, Somaliland way ka hor-istaagtay Al-Shabaab inay soo gasho dhulkeeda. Hargeysa oo ah caasimadda, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabadgelyada badan Afrika. Somaliland waxay qabatay doorashooyin lagu baratamay oo lagu ilaaliyay nidaamka casriga ah ee isha bu’da laga sawiro, waxaayna ku guulaysatay in shan jeer si nabad ah awoodda ay isugu dhiibaan tartamayaal iska soo horjeeda. Iyada oo Somaliland ay leedahay lacag u gaar ah, hadana dhaqaaleheedu wuxuu u sii koraya oo uu sii noqonaya mid aan lagu isticmaalin kaash: hal abuur maxalli ah iyo aaladda telefoonada mobaylka ah oo sida daadka u soo galay ayaa u ogolaaday xitaa shacabkeeda reer miyiga ah inay si fudud ugu ganacsadaan lacagta dhigitilka ah iyaga oo isticmaalaya mobayladooda. Dadka Maraykanka ahi waxa laga yaaba inay weli ka fekerayaan “Black Hawk Down” marka ay ka fekeraan Somaliya, balse Somaliland waxaay noqotay Sweden iyo Estonia marka aad eegtid isticmaalkeeda hal abuurka elektrooniga ah. Dhabtii, Somaliland wax walba sida saxda ah ayay u samaysay. Dabadeed, muxuu Maraykanku iskaga indho tirayaa? Xilli hoos loo dhigay miisaaniyadii, Wasaaradda Arimaha Debeddu waxaay diiday inay xitaa xafiis ka furato Hargeysa si la mid ah ka ay ku leedahay Kurdistaanta Ciraaq iyo Taywaan. Pentagon-ku [Wasaradda Gaashaandigga] dhinicisa wax xidhiidh ah lama laha dhigiisa Somaliland inkasta oo hawlgalada labada dhinac ee ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka Yemen ay kor u qaadayaan muhiimadda istiraajiyadeed ee Somaliland. Dhibta jirta waa sidan: awoodda ay Somaliland u leedahay inay ka hortagto xagjirka iyo argagixisad la ollogga ah Al Qaacida laga yaabee inaanay dhamaan. Somaliland waxay ku qarashgaraysaa saddex meelood oo meel miisaaniyadeeda dhinaca amniga, balse Somaliya waxaay diidan tahay in deeqaha caalamiga ah ee soo dhexmara Muqdisho la gaadhsiiyo [Somaliland]. Xaaladdu markaas waa mid daran oo keentay in ciidanka Somaliland iyo ilaalada xeebaha marka la qoranayo inay soo iibsadaan qoryohooda si ay u ilaaliyaan, nabadna uga dhigaan xeeb dhererkeedu yahay 460 Mayl, oo ay uga hortagaan in hub sharci darro ah la geliyo Yemen, una joojiyaan in Al-Shabaab ay gasho dhulkeeda balaadhan ee miyiga ah. Halka Qaramada Midoobay ay ka fudaydiyeen cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarnayd si ciidanka nabad ilaalinta Afrika ay uga hawlgalaan, loona siiyo ciidanka Somaliya hub (kuwaas oo inta badan ka iibiya hubka xagjirka si ay xoogaa kaash ah u helana), waxaay [Qaramada Midoobay] ku sii haysaa Somaliland cunaqabatayntii hubka oo ah marka horeba mid ka dhalaatay xaaladda ay Somaliya ku shugnayd soddon sandood ka hor. Trump iyo la taliyihisa amniga, John Bolton, way ku saxan yihiin inay su’aal geliyaan deeqaha debedda. Maalgelinta bandhig lagu qabto Bulgaria ama siminaar faneed oo lagu qabto Badhtamaha Ameerika waxtar xadidan ayay leedahay. Balse halkii milyan ee doolar ee lagu maalgeliyo amniga Somaliland wuxuu u babac dhigi karaa baahi difaac isaga oo kor u qaadya qiimo ka badan ka la geliyay. Somaliland ma raadinayso taangiyo iyo diyaarado dagaal oo casri ah, balse waxaay doonaysaa hub fudud iyo doomo badda lagu ilaaaliyo. Rabitaanka gobolkani ku doonayo inuu ku maalgeliyo difaac in ka badan 15 jeer inta isbayhisga Maraykanka ee NATO ay geliyaan difaaca waxaay tusaysaa ka go’naansheheeda iyo inanay ahayn uun mid raadinaysa in laga kaabo waxay iyadu iskeed ugu guulaysan karto. Dawladda Somaliya way ka caban kartaa, balse maaha in Washington ay jilbaha u dhigato Muqdisho. Haddii uu Trump si dhab ah u doonayo inuu soo af-jaro dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo farogelinta Maraykan ee debedda, markan waa inuu aqbalaa ee aanu iska indho tirin is-bahaysigiisa, xoojiyaa [dalalka] dimoqraadiga ah islamarkaana aqoonsadaa in xitaa markii uu ugu heer sarayeeyey, inaan Maraykan marna keligii socon.” Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ah Culimada Somaliland, Hasayeeshee Mudo Hal sano iyo dheeraad ah ku xidhan Xabsiga ayaa xaaladiisa caafimaad laga dayrinaya. Sida ay boggeeda Facebookaga ku baahisay Gabadh uu sheekhu dhalay Jug caloosha ka soo gaadhay habeenkii ay qabanayeen Ciidamadu ayaa uu la i daran yahay, Waxaanay intaasi ku dartay in nabar caloosha ka gaadhay uu ugu daran yahay. Ilaa hadda lama gaynin Dhakhtar, Waxaana qoraalkaasi uu i dhginaa sidan: “asc ehel ,qaraabo,azxaapta iyo muslimiinta dhamaantiin waxaan idinka codsanayaan more and more duco .Abahay mcn sheekh Aden oo la xanuunsanaaya jugtii ay gaadh siiyeen RRU oo ay calooshu dilaacady halkaaxundhurta kusiman ay isku wareegtay oo ay askarta nagu soo qayliyeen inay xaaladiisu khatar gashay inay marba sii furmayso maanta abaaro 1:00 jeelka dhexe ee hargaysa iigusooduceeya inuu ilaahay ka soo furto oo iicaafiyo .cadawgaana waxaa gaystay ilaahay ka abaalmariyo Source
  7. Kooxaha gurmadka ee gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa saakay waxa ay bilaabeen baadigoobka dad loo maleynayo iney ku hoos jiraan dhismayaashii ku bur-buray qaraxii habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho. Xalay ayeey ciidanka ammaanka waxa ay bur-burka dhismaha Hilaac UK kasoo saareen meydka wiil dhallinyaro ah. Waxaa jira tuhun kale oo ah in dhismayaasha bur-buray ay ku hoos jiraan dad kale, iyadoo hadana xaqiijinta arrintaasi ay socoto. Al-shabaab ayaa markii ay qaraxa fuliyeen kadib waxay galeen guri ay deganaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa, iyaga oo saacado badan halkaa ka dagaallamayey. Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray howlgalkaasi, waxaana ay toogteen raggii gurigaasi ka dagaallamayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Muqdisho)-War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Duqeyntan ugu danbeysay oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan gobolka Hiiraan ayaa dhacday 28kii bishii Feberaayo, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa duqeymo horey sidan oo kale isla gobolka lagu bartilmaameedsaday xoogagga Al-shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo gacan militari siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya. Marka laga soo tago tiradan danbe ee 26ka ah, taliska Mareykanka ayaa horey u sheegay in 55 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ku dileen labo duqeyn oo is xigtay oo laga fuliyay gobolka Hiiraan. Source
  9. (SLT-Kampala)-Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada dal ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kulankoodii ugu horreeyey bishan ku yeeshaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Warbaahinta Maalinlaha ee PML Daily ee Uganda ayaa qortay in Labada Madaxweyne la filayo inay isku arkaan Munaasbadda Furitaanka Shirweynaha Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo bishan 12-da ilaa 13-da ka dhici doona caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo xaqjiiyey inuu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni. Sidoo kale, Liiska Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkasta oo aanay weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan. Shirweynaha loogu magac daray Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo la sheegay inay isku duween Xarunta Afrika ee Idtaraatijiyadda Hogagaminta Afrika oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Source
  10. (SLT-Preston)-Stephen Mellor wuxuu horay xabsi ugu galay dil uu bishii Febraayo ee sannadkii 1997-kii u geystay nin ay iska soo horjeedeen oo daroogada ka ganacsan jiray. Hadda oo uu xabsiga kasoo baxay wuxuu doonayaa in uu sameeyo xarun dhalinyarada looga wacyi galiyo khaladaadkii uu sameyn jiray isla markaana isaga ku hogaamiyay in uu dil geysto ka dibna xabsi galo. Isagoo qisadiisa ka sheekeynaya ayuu kasoo billaabay ilaa yaraantiisii iyo sida uu kusoo barbaaray. Waxaan ku dhashay kuna koray magaalada Preston, meel shan daqiiqo looga socdo bartamaha magaalada. Markii aan yaraa wuxuu hamigeyga ahaa in xirfaddeydu ay noqoto dab damis, laakiin nasiib darro waxaan qaaday waddo aad iyo aad uga fog taas. Hooyadey iyo aabahay dadaal dheer ayey u galeen iney wax kasta noo sameeyaan, balse awooddooda naguma filneyn waayo aad baan u tiro badneyn. Waxaan bartay in aan halgami karo dadkuna waa ay i xushmeeyn jireen aniguna waa la dagaalami jiray Sideen u sharixi karaa? 13 Jirkeyga ilaa 17 sano jirkeygii waxaan tagi jiray suuqa waxaana halkaas ku kulmi jirnay caruurta kale si aan u sameyno qorshe aan lacag ku abuuri karno. Ma jirin waddo ama jiho midna, waxey aheed wareer, maalinba malainta ka dambeeysa xaalku wuu sii adkaanayay. Ninkaan iyo kooxdiisa ayaa dadka magaalada waxaa ay ka codsan jireen in hadii magaalooyinkooda ay yimaadaan burcad kale ay la dagaalamaan. Stephen Mellor marka uu dadka la dagaalo waxaa uu dadka ka qaniini jiray dhagaha, sanka waxaana dagaalkaasi uu sababi jiray in xabsiga loo taxaabo. “Markaan yaraa Waxaan la dagaalami jiray rag badan waxaana dadku maqli jireen magaceyga, qof walbna wuu I tijaabin jiray”, ayuu yidhi. Mr Mellor hada wuxuu ka shalaynaya anolashii u soo maray wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu hagaajiyo nolasha dadka dhalinyarada ah, isagoo doonaya ineysan qaadin jidkii uu horay isaga u qaaday. Sidoo kale waxa uu rabaa in uu dadka, gaar ahaan dhalinyarada uga sheekeeyo nolashii mugdiga aheyd ee uu soo maray si aysan ugu qaldamin da’yarta maanta joogta. Source
  11. Kampala (SMN) – Madaxweynayaasha Kenya iyo somaliya uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa la filayaa in bishan march ay kulan ku yeeshaan magaalada kambala ee xarunta dalka Uganda Labada madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka qayb geli doonaan shir qaar ka mid hogaamiyayaasha qaarada afrika ay ku yeelanayaan dalka Uganda Kulanka oo looga hadlayo arimo ku saabsan horumarka qaarada ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynayaasha dalalka masar,south Africa,Rwanda,somaliya iyo Kenya Kenya iyo somaliya ayaa waxaa dhawaan dhex maray khilaaf la xiriira muranka lahaanshaha badda ee xadka ay wadaagaan labadda dal Waxaana khilaafka hareeyay labada dal u sababay in ay u kala yeertaan safiiradooda Kenya ayaa si weyn ugu carootay qorshe dowladda ay somaliya ee magaalada London ugu soo bandhigay qorshe ay ku iibineyso saliideeda View the full article
  12. Khartuum (SMN) – Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda. Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  13. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xidhiidhay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta dalka Soomaaliya ee ku dhintay weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda. Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xidhiidhka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlay warbaahinta ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka adag ee lagula jiro Xarakada Al Shabaab. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ka dalbaday shacabka in aysan dhexdhexaad ka noqon dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in DFS ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hotel Makka Al-Mukarrama ee M/Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Sofeysane.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-02032019.mp3 View the full article
  16. (SLT-Algeria)-Kumaan qof oo reer Algeria ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ayagoo ka caraysan qorshaha madaxweynaha 81 jirka ah ee Abdelaziz Bouteflika uu ku doonayo in uu mar shanaad madaxtinimada dalkaas isu soo taago. Booliiska ayaa sunta dadka ka ilamysiisa u adeegsaday dad dibadbaxyo ka dhigayey magaalada caasimadda ah ee Algiers. Waxaa aad u yar in dibadbaxyo dawladda looga soo horjeedo ay ka dhacaan dalka Algeria hase ahatee dhowr mudaharaad ayaa dillaacay kadib markii la xaqiijiyey in Mr Bouteflika uu musharax yahay. Waxaa aad u yarayd in fagaareyaasha lagu arko tan iyo markii uu kusoo booday xanuunka qalalku sanadkii 2013-kii, wuxuuna haatan baadhitaano caafimaad ku marayaa dalka Switzerland. Dadweynaha oo Jamcihii socod ku dhex maray magaalada caasimadda ah ee Algiers, ayaa qaar dibadbaxayaasha kamid ah waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin “iskatag macnaheedu waa iskatag”. “Labaatan sano kugu filan” ayay tiri haweeney ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, taas oo dibadbaxa ay ku weheliyeen saygeeda iyo caruurteeda. Qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan ku tuurayey meel u dhow aqalka madaxtooyada waxaana gadaal u celiyey booliiska oo ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labadaba dhinacba ay dhaawacyo jireen. Dibadbaxyo kale ayaa sidoo kale salaaddii jimcada kadib ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Algeria. Mr Bouteflika ayaa xukunka dalkaas qabsaday sanadkii 1999-kii wuxuuna sumcad ka helay in uu soo afjaray dagaal sokeeye oo galaaftay in kabadan 100,000 oo qof. Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda iyo shaqo la’aanta ayaa qarxay sanadkii 2011 intii uu socday gu’gii Carabta hase ahaatee wuxuu kaga jawaabay in uu qaado xaaladdii dagdagga ahayd ee dalkaas saarnayd kudhawaad 20-ka sano, arrintaas oo ahayd dalabka koowaad ee dibadbaxayaasha. Kadib markii uu ku dhacay xanuunka stroke-ga loo yaqaan waxa uu ku guulaystay in markale dib loo doorto, mucaaradka ayaana doorashadaas qaaddacay waxa uuna kala diray hay’addii sirdoonka dalkaas, asagoo ku baddalay hay’ad asaga daacad u ah. Dadka dhaliila ayaa sheegaya in caafimaad darradiisu ay ka dhigan tahay in aanu gudan Karin waajibaadkiisa madaxweynenimo. Marka laga yimaado walaaca mucaaradka, Mr Bouteflika ayay u badan tahay in uu si ballaaran ugu guulaysto doorashada April. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo saameynta ugu badan ay kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha dadweynaha ku badan yihiin. Soomaalida la shaqeysa Hay’adaha Ajaaniibta ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo kuwa ku jira Ceymiska caafimaad ee Hay’addaha ayaa hela digniino amaan oo la siiyo ka hor inta aysan qaraxyada ka dhicin magaalada Muqdisho. Taasi waxay abuuri karta shaki badan oo la xiriira inay xog kala socdaan qaraxyada dadka rayidka ku waxyeeloobeen ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana isweydiin mudan in digniintaasi lala wadaago laamaha amaanka iyo inkale. Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ujeedadiisu aheyd bartilmaameydsiga xarumaha ganacsi ee ku yaala wadadaasi gaar ahaan Hotelka Maka Al Mukarama oo siyaasiyiin badan degen yihiin. Inta badan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa la aamisan yahay inay ka kooban yihiin kuwo ujeedooyin kala duwan laga leeyahay, Qaraxyada qaar ayaa kala ah mid siyaasadeysan, mid Argagixiso iyo mid ganacsi. Waxyaabaha laga bartay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah in kooxda weerarka qaaday ay u socdaan mid kamid ah hoteelada burburay oo ay ku qaldameen guri dad shacab ah leeyahay. Sidoo kale waxaa laga bartay wada shaqeyn la’aanta ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugiddii Booliska loo badalay iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ee Alpha Group. Ciidamada Alpha Group ayaa gabi ahaanba diiday inay howlgalka ka qeyb qaataan kadib markii saraakiisha amaanka ay isku dhaceen, taasi oo waqtiga usii dheereysay Al Shabaab inay ku sugnaadaan dhismaha dadka shacabka ah. Arinta kale ee laga bartay ayaa ah markii qaraxa uu dhacay kadib ay waxyeelo badan ka dhalatay baalayaasha korontada, iyadoo holac badan uu jiray, kaasi oo loo malaynayo in fuustooyin shidaal ah saarnaayeen gaariga qarxay. Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan waaxda dab damiska ayaa ka baran kara qaraxyada dhacaya casharo kale, maadaama aysan isla waqtigii goobta imaan gaadiidka dab damiska, waxaana wanaagsan inay meelaha halista ah ku diyaariyaan gaadiidka dab damiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Yaxye Sheikh Caamir oo kamid ah aqoonyahada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho. Prof Yaxye, wuxuu sheegay in ugu horeyn uu tacsi u dirayo dhamaan ehelada dadkooda waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay. Wuxuu sheegay in walaashii oo caruurteeda adeeg usoo doonatay ay ku dhaawacantay qaraxii koowaad, isaga taasi ku micneeyay in qaraxyada aysan dadka kala sooceynin marka ay dhacaan. Mar la weydiiyay waxyaabaha keenay in Al Shabaab bartilmaameydsadaan goobaha hoteelada ayuu sheegay in ugu horeyn ay wanaagsan tahay inay iyaga ka jawaabaan, balse wuxuu sheegay in Al Shabaab iyo dowladda ay yihiin kuwo dagaal uu ka dhaxeeyo. Wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab ay tahay guushooda, dhanka dowladda Soomaaliyana ay tahay fashilkooda, maadaama aysan iska difaacin weerarka Al Shabaab. “Waxii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab waa u guul qolada kalana “Dowladda” waa u fashil, maxaa yeelay Al Shabaab waxii ay doonayeen ayay Sameeyeen dowladda waxaa laga doonayay ka hor tag iyo ka daba tag”ayuu yiri Yaxye Caamir. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax xoogan oo sababay dhimashada iyo dhaawac dad shacab ahaa iyo burbur hantiyadeed oo ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama. Caasimadad Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Waxaa todobaadkan lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta ka hadasha siyaasada Maraykanka qoraal loogu ololeenayo Maamulka Somaliland oo uu qoray mid kamid ah xagjirka sida weyn u taageera Israel kana soo qeyb qaatay dagaaladii Ciraaq iyo Afghanistan. Waa kuma Michael Rubin? Ninkan oo lagu magacaabo Michael Rubin ayaa horey uga soo shaqeeyey Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) isla markaana hada ka shaqeeya hay’ada [American Enterprise Institute (AEI)] oo si weyn uga shaqeysa siyaasada ka dhanka dalalka Islaamka iyo Muslimiinta, kooxdan ayaa si weyn ugu ololeeya farogelinta Maraykanka ku hayo bariga dhexe iyo waliba taageerida indho la’aanta ah ee Israel. Mr.Rubin oo kamid ahaa raggii u ololeenayey inqilaabkii dhicisoobay ee la doonayey in lagu rido Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa sidoo kale tafaftire ka ah joornaalka [Middle East Quarterly] oo lagu yaqaan muslim naceybka iyo siyaasada xagjirka ah ee Maraykanka ee ku aadan dalalka Islaamka gaar ahaan wadamada Bariga Dhexe, wuxuuna casharo looga hadlayo Bariga-dhexe kasoo jeedin jiray jaamacada labaad ee Israel [Hebrew University] oo ku taal magaalada Qudus. Neocon / “Israel lobby” Qoraagan Michael Rubin ayaa kamid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo si weyn ugu ololeeya Warshadaha hubka soo saara ee ka shaqeeya dagaalada joogtada ah ee uu Maraykanka ka wado caalamka. Rubin ayaa horey usoo noqday madaxa xafiiska Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka u qaabilsan dalalka Ciraaq iyo Iran sida tooska ah ulla shaqeenayey maamulkii Maraykanka u sameeyey Ciraaq markii xukunka laga tuuray Sadam Xussen, wuxuuna hada casharo la xariira dalalka Bariga-Dhexe iyo Islaamka siiyaa saraakiisha Maraykanka Somaliland Michael Rubin ayaa todobaadkan qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland. Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”. “Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.” Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa. Puntland Dhinaca kale qoraal labaad oo isla todobaadkan uu ku qoray shabakada hay’ada uu u shaqeeyo ee [American Enterprise Institute (AEI)] ayuu diirada ku saaray Xiisada ka dhex taagan Puntland iyo Somaliland, isagoo ku dooday in xurgufta Puntland iyo Somaliland aysan caqabad ku noqon Aqoonsiga Somaliland! “Should Puntland dispute freeze Somaliland autonomy?” (My latest for @AEIdeas and in response to points raise by @alihwarsame): https://t.co/idgAUXnAVb @AEIfdp #Somaliland #Puntland #Somalia — Michael Rubin (@mrubin1971) February 22, 2019 Michael Rubin oo u jawaabayey qoraal uu Twitter-ka qoray Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa su’aalo iska weydiiyey in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay caqabad ku noqoto in la aqoonsado Somaliland. But, does diversity and even disputes about Somaliland’s eastern border with Puntland, one of Somalia’s federal states, undercut recognition of Somaliland as a distinct entity? Somaliland iyo Israel Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin. Waxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysalwasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin. Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah! Maxamed Ibraahim CigaalCigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii: “Establishing Strategic Partnership with the State of Israel Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.” My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.” Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. Your Obedient Servant Mohamed Ibrahim Egal President Republic of Somaliland Halkan ka akhriso Warqadii Cigaal oo dhameystiran. Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post. Isla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland. Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn. Waxaana weligood arrintan ka hadlin Culumaa’udiinka Somaliland oo aan illaa iyo hada soo hadal qaadin siyaasada dibada ee Somaliland oo udub-dhexaad looga dhigay walaaleynta Israel iyo Hargeysa! W/Q: Maxamed Cismaan
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxaha gurmadka ayaa meydad horleh kasoo saaray burburka dhismayaasha ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho oo qarax xoogan Al Shabaab ku weerareen. Waxaa wali goobta ka socota olole nadaafadeed iyo baadi goobka dad kale oo la tuhunsan yahay inay ku jiraan dhismayasha dhexdooda, maadaama burbur xoogan uu gaaray qaar kamid ah dhismayaasha wadada ku teedsan. Llabo ruux oo mid kamid ah uu yahay wiil dhalinyaro ah ayaa laga soo saaray burburka dhismaha Maqaayada Hillaac UK oo ku dhagan hotelka Maka Al Mukarama oo Al Shabaab ay weerareen. Waxaa goobta ka shaqeynaya gaadiidka loo yaqaan Cagafta waxaana la ogeyn sida xaalka noqon karo, maadaama sida la sheegay ay jiraan dad badan oo ehelkooda ay raadinayaan. Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen dhismayaasha Maka Al Mukarama ayaa sababay dhimashada inka badan 20 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 60 ruux, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho. Ciidamada amaanka ayay ku qaadatay ku dhawaad 17 saacadood inay soo afjaraan weerarka ka dhacay Muqdisho, waxaana Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayeen guri ku yaala meel aan ka fogeyn hotelka Maka Al Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin badan lagu muujiyey walaac laga qabo doorashada 2020 iyo qorshe ay dowladda rabto inay waqtiga ku korarsato. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan jirin cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah, islamarkaana muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada ay ka harsan tahay in ka yar labo sano. Qoraal arrintaas ku saabsan oo uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa facebook hoos ka aqri. Labadii todobaad ee ina dhaafay kulamo aan la yeeshay siyaasiyiin isugu jira madaxweynayaal dawlad Goboleedyo xilka haya iyo kuwo hore, hoggaamiyayaal Xisbi, xildhibaano labada aqal ka tirsan iyo xubno beesha caalamka ka mid ah, waxay dhamaantood si isku mid ah walaac uga qabaan qabsoomida doorashada 2020. Sababtuna waa in aysan muuqan saansaan dalka doorasho looga qabanayo. Waxaan kaloo warkeeda helaynaa in ay jiraan isku day Villa Somalia ku doonayso mudo kodhin. Ma aha in waqti la isaga lumiyo hawl aan miro dhal lahayn oo horayna u dhicin, hataana suuragal noqon doonin. Ma jirto cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah. Muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada waxaa ka harsan in ka yar labo sano ah, weli waxay haysataan fursad sharciyada hoggaan loo ogol yahay. Waxaan uga digaynaa isku dayga muddo kororsiga ah in uu meesha ka saarayo sharciyada iyo aqoonsiga hoggaan. Waxaa taa bedelkeeda kula talinaynaa in ay ku mashquulaan ka miro dhalinta 1- In Heshiis laga gaaro hannaanka doorashada 2020 ka. 2- In la Qabyo tiro Dastuurka ku meel gaar ka ah 3- In dib loo bilaabo wadahadalkii Somalia iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa muwaadinnimada ka xayuubisay Xamza Bin Laden, oo uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qacida ee dhintay Sheekh Osma Bin Laden, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha. Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha, oo lagu daabacay wargeyska dowladda ee Um al-Qura, ayaa lagu sheegay in go’aanka dhalashada looga qaaday Xamza lagu gaaray amar boqortooyo oo soo baxay bishii November ee 2018. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa khamiistii waxay sheegtay inay hal milyan oo dollar oo abaal-marin ah ku bixineyso ciddii keenta akhbaar hoggaamin karta halka uu joogo Xamza. Xamza oo la rumyesan yahay inuu yahay 30 jir ayaa ka hor weeraradii September 11 waxa uu aabihiis la joogay Afghanistan kadibna Pakistan, markii ay ka carareen Afghanistan. Xamza oo sanaddii 2015 cod muuqaal ah lasoo duubay hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, ayaa cod dhallinyaro oo cusub siiyey kooxda, oo hogaamiyayaasheeda ay gaboobeen, si uu u dhiiri-geliyo mintidiinta. Waxa uu ku baaqay weeraro ka dhaca caasimadaha dalalka reer galbeedka iyo in looga aragudo dilkii aabihiis ee Mareykanka. Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu beegsan doono Mareykanka jooga dibedda, isaga oo qabiilada Sacuudiga ku booriyey inay la midoobaan kooxa Al-Qacida ee Yemen, lana dagaalamaan Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  23. Xog:Xukunka dalka Soomaaliya waxaa isku haya Shabaab iyo Qurbejoog “Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed. In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab. Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto. MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN? Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato. Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen. ALSHABAAB Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin. MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal. MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG? Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com Qaran News
  24. Waxayaabaha uu qaraxii ugu dambeeyay ee Muqdisho kaga duwanyahay kuwii hore Ciidamada dowladda ayaa fuliyay howlgal ay kula tacaalayeen weerarka Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay gaystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba. Qaraxyada Muqdisho ka dhaca waxa ay badankoodu dhici jireen waqtiyo kala duwan oo maalin ah sida subax hore duhurradii iyo galbihii. Balse qaraxii ugu dambeeyay ee xalay dhacay waxa uu kaga duwanyahay qaraxyadii kale dhowr waxyaabood. 1- Qaraxaan waxa uu dhacay xilli habeen ah oo inta badan aan muqdisho looga baran in ay qaraxyo ka dhacaan Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan. Inta badan Muqdisho loogama baranin iney qaraxyo ka dhacaan xilli habeen ah Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camirantahay, sidaas darteed ayaanay dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taas oo dareenkooda feegjignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta. 2- Mid ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay isaga oo nool. Sida la wada ogyahay markii weerar uu dhaco, dadka weerarka soo qaada badnaa ma suurta gasho in nolasha lagu qabto waxaana taa badelkeeda la maqlaa in ay iyagu is qarxiyaan oo sidaaas ku dhintaan iyo in waqtiga weerarku socdo lagu dilo iska hor imaadka dhex mara ciidamada iyo kooxaha weerarka soo qaada. Haddaba weerarkii xalay dhacay, waxaa la sheegayaa in la hayo mid ka mid ah raggi soo qaaday. 3- Warbaahinta Dolwadda Soomaaliya oo looga bartay tabinta waraka weerarada ayaan markan muhiimad siinin. Inkastoo Dowladdu aysan ka hadlin sababta aan xoogga loo saarin tabinta wararka ku gedaaman weerarka, haddana waxaa muuqanaysa in warbaahinta dowladdu ay xoogga saareen sheekeeyinka caadiga ah ee maalinlaha ah, iyada oo uu wali socdo weerarkii xalay lagu soo qaaday agagaarka hoteelka Maka Al-Mukarama . Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaan sidii looga bartay usoo tabinin weerarkii xalay Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid loo baahanyahay, waxaana ay sheegayaan in tabinta wararka weerarka Al- shabaab ay dhiirri galin u tahay iyaga, hase ahaatee tallaabadan ay hadda dowladdu qaadday ay muujinayso in aan la buunbuunin dhibaatada iyo qaraxyada magaalada. Horey marka ay weeraro noocan oo kale ah u dhacaan warbaahinta Dowladda waxa ay aad xoogga u saari jirtay tabinta wararka iyo guulaha ciidamada dowladdu ka gaaraan iska caabinta kooxaha weerarka soo qaada. 4- Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaas oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen. Wararka aan ka helayno magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaadday ay galeen xaafadaha ku teedsan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama isla markaana ay gudaha guryaha ku qabsadeen dad shacab ah, waana arrin aan horey looga baran Al-shabaab. Kooxihii weerarka fulinayay ayaa galay xaafado ay shacab ku nool yihiin Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud. Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin Qaran News
  25. “Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed. In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab. Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, raʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto. MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN? Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato. Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen. ALSHABAAB Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin. MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal. MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG? Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid