-
Content Count
207,588 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha. Saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay. Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka qaranka. Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama. Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro aan helnay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ku xigeenka xeer ilaalaiyad guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in eedeysanayaasha dilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka cinqaabta Soomaaliyeed. Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe. Sidoo kale Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa fartay Taliyaha xabsiga dhexwe ee Garowe in eedeysanyaashan xabsiga ku hayo inta xukunkooda oo faahfaahsan soo baxayo. Magacyada dhalinyarada la xakumay Cabdirisaaq Axmed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir Cabdirisaaq Cali Cabdi, da’diisu tahay 18 jir Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir. Bishii la soo dhaafay ee February waxaa Gaalkacyo ka dhacay dhowr kiis oo kufsi iyo dil isugu jira, waxaana u dambeeyay kii Caasha Ilyaas, oo aan wali maxkamadi xukun ka soo saarin. PUNTLAND POST The post Garowe: Dhalinyaro ku eedeysnaa Kufsi oo dil lagu xakumay appeared first on Puntland Post.
-
Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay la shaqayso Somaliland. Michael Rubin, oo laba toddobaad gudahood maqaalkiisii labaad ee uu Somaliland ku taageerayo baahiyay, ayaa wuxuu toddobaadkan qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Siyaasadda Maraykanka ee Afrika kama maaranto Somaliland.” Wuxuu Rubin, Madaxweyne Trump hogo tusaaleeyay inay muhiim tahay in Maraykanku si dhow ula shaqeeyo Somaliland oo uu ka furto xafiis caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qoraalka oo aad u dheeraa, wuxuu Geeska Afrika gaar u soo turjumay qaybta uu kaga hadlayo aqoonyahanku qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Halka ay Somaliya lugaha la gashay dagaal sokeeye 1991kii, Somaliland oo uu xukunkii argagaxaa ku dhisnaa ee keligii taliye Siad Barre burburiyay, waxaay ku dhawaaqday madaxbanaani. Doodeedu waxaay ahayd mid adag: waagii gumaystaha waxaay ahayd maxmiyad Ingiriis oo ka duwan Somaliya, lehna xuduudo caalamku aqoonsan yahay. Dhamaan shanta dal ee ku jira Golaha Amaanku way aqoonsadeen xorriyadeedii 1960. Dadka reer Somaliland waxay qabaan in midnimadii ka danbaysay ay ahayd mid ay si ikhtiyaarkooda ah u galeen, si taas la mid ah ay uga baxeen [midnimada] markii Somaliya afka saartay qas iyo jaah wareer. Dadka gobolkan degani waxaay tilmaameen in mucaaradada Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanka] ee ay kaga soo horjeedo is bedel ku yimaada xuduudaha inay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin sabata oo ah Washington, Midawga Afrika iyo bulshada caalamka guud ahaan waxaay aqoonsadeen Suudaanta Koonfureed iyo Eretriya. Xaqiiqdu waxaay tahay labadaas dal midkoodna guul maaha, balse Somaliland waxaay waa horeba cadaysay inay tahay guul. Maanta Somaliland waa 28% dhulka Somalia, iyo sadex meelood oo meel dadka Somalia. Si ka duwan Somalia, Somaliland way ka hor-istaagtay Al-Shabaab inay soo gasho dhulkeeda. Hargeysa oo ah caasimadda, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabadgelyada badan Afrika. Somaliland waxay qabatay doorashooyin lagu baratamay oo lagu ilaaliyay nidaamka casriga ah ee isha bu’da laga sawiro, waxaayna ku guulaysatay in shan jeer si nabad ah awoodda ay isugu dhiibaan tartamayaal iska soo horjeeda. Iyada oo Somaliland ay leedahay lacag u gaar ah, hadana dhaqaaleheedu wuxuu u sii koraya oo uu sii noqonaya mid aan lagu isticmaalin kaash: hal abuur maxalli ah iyo aaladda telefoonada mobaylka ah oo sida daadka u soo galay ayaa u ogolaaday xitaa shacabkeeda reer miyiga ah inay si fudud ugu ganacsadaan lacagta dhigitilka ah iyaga oo isticmaalaya mobayladooda. Dadka Maraykanka ahi waxa laga yaaba inay weli ka fekerayaan “Black Hawk Down” marka ay ka fekeraan Somaliya, balse Somaliland waxaay noqotay Sweden iyo Estonia marka aad eegtid isticmaalkeeda hal abuurka elektrooniga ah. Dhabtii, Somaliland wax walba sida saxda ah ayay u samaysay. Dabadeed, muxuu Maraykanku iskaga indho tirayaa? Xilli hoos loo dhigay miisaaniyadii, Wasaaradda Arimaha Debeddu waxaay diiday inay xitaa xafiis ka furato Hargeysa si la mid ah ka ay ku leedahay Kurdistaanta Ciraaq iyo Taywaan. Pentagon-ku [Wasaradda Gaashaandigga] dhinicisa wax xidhiidh ah lama laha dhigiisa Somaliland inkasta oo hawlgalada labada dhinac ee ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka Yemen ay kor u qaadayaan muhiimadda istiraajiyadeed ee Somaliland. Dhibta jirta waa sidan: awoodda ay Somaliland u leedahay inay ka hortagto xagjirka iyo argagixisad la ollogga ah Al Qaacida laga yaabee inaanay dhamaan. Somaliland waxay ku qarashgaraysaa saddex meelood oo meel miisaaniyadeeda dhinaca amniga, balse Somaliya waxaay diidan tahay in deeqaha caalamiga ah ee soo dhexmara Muqdisho la gaadhsiiyo [Somaliland]. Xaaladdu markaas waa mid daran oo keentay in ciidanka Somaliland iyo ilaalada xeebaha marka la qoranayo inay soo iibsadaan qoryohooda si ay u ilaaliyaan, nabadna uga dhigaan xeeb dhererkeedu yahay 460 Mayl, oo ay uga hortagaan in hub sharci darro ah la geliyo Yemen, una joojiyaan in Al-Shabaab ay gasho dhulkeeda balaadhan ee miyiga ah. Halka Qaramada Midoobay ay ka fudaydiyeen cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarnayd si ciidanka nabad ilaalinta Afrika ay uga hawlgalaan, loona siiyo ciidanka Somaliya hub (kuwaas oo inta badan ka iibiya hubka xagjirka si ay xoogaa kaash ah u helana), waxaay [Qaramada Midoobay] ku sii haysaa Somaliland cunaqabatayntii hubka oo ah marka horeba mid ka dhalaatay xaaladda ay Somaliya ku shugnayd soddon sandood ka hor. Trump iyo la taliyihisa amniga, John Bolton, way ku saxan yihiin inay su’aal geliyaan deeqaha debedda. Maalgelinta bandhig lagu qabto Bulgaria ama siminaar faneed oo lagu qabto Badhtamaha Ameerika waxtar xadidan ayay leedahay. Balse halkii milyan ee doolar ee lagu maalgeliyo amniga Somaliland wuxuu u babac dhigi karaa baahi difaac isaga oo kor u qaadya qiimo ka badan ka la geliyay. Somaliland ma raadinayso taangiyo iyo diyaarado dagaal oo casri ah, balse waxaay doonaysaa hub fudud iyo doomo badda lagu ilaaaliyo. Rabitaanka gobolkani ku doonayo inuu ku maalgeliyo difaac in ka badan 15 jeer inta isbayhisga Maraykanka ee NATO ay geliyaan difaaca waxaay tusaysaa ka go’naansheheeda iyo inanay ahayn uun mid raadinaysa in laga kaabo waxay iyadu iskeed ugu guulaysan karto. Dawladda Somaliya way ka caban kartaa, balse maaha in Washington ay jilbaha u dhigato Muqdisho. Haddii uu Trump si dhab ah u doonayo inuu soo af-jaro dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo farogelinta Maraykan ee debedda, markan waa inuu aqbalaa ee aanu iska indho tirin is-bahaysigiisa, xoojiyaa [dalalka] dimoqraadiga ah islamarkaana aqoonsadaa in xitaa markii uu ugu heer sarayeeyey, inaan Maraykan marna keligii socon.” Geeska Qaran News
-
Goordhow waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku soo dhacday tiro madaafiic ah. Ilaa 3 madfac oo ah qoriga loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Madfaca 1-aad ayaa waxaa uu ku dhacay dabaqa sare ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Madfaca 2-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xarunta guddiyada Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan ee la yiraahdo Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex taala. Ugu dambeeyntii madfaca 3-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xafiis ay guddiga doorashooyinka ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo waliba halka laga soo tuuray midna. Al-Shabaab ayaa madaafiic iyo qaraxyo ku weerartay xarumaha dowlada ee Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Puntland Post, Muqdisho office The post Madaafiic ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar deg deg ah kusoo rogtay Xarunta Dambi baarista Booliska ee CID. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xarunta CID ku amartay inaysan mar dambe qaban Karin lacagaha laga qaado dadka Document-yada kasoo doontay Xarunta. Wasaaradda ayaa Xafiis lacag qabasho ah ka dhex furatay Xarunta CID waxaana halkaas la keenay Waraaqaha lacag qabashada rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda. Xarunta CID ayaa lagu helay isdabmarin xagga lacagaha ah waxaana maalin Kasta xarunta soo galo lacag aad u badan oo laga qaado dadka Document-yada usoo doonto oo ay ugu badan tahay kuwa doonayo inay Baasaboor sameystaan oo laga rabo inay xaruntaas kasoo qaataan Waraaqda dambi la’aanta. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa Xarunta CID waxaa lagu dhex arkayaa Wakiilo ka socdo Wasaaradda Maaliyadda oo qaadayo lacagaha dadkana u jaro waraaq lacag qabasho u xisaabsan Wasaaradda Maaliyadda. Dadka Documetiyada u doonto Xarunta CID ayaa markii hore laga qaadi jirin lacago Laaluush ah waxaana hadda muuqato in Xarunta ay kusoo laabatay qaab sharci ah. Dhanka kale weli waxaan Xarunta ka hirgelin amarkii ahaa in la joojiyo Xarunta CID laga dhex furay ee dadka lagu sawiro. Wasaaradda ayaa amartay in dadka ay Sawirada kasoo galaan meelo ka baxsan Xarunta balse weli amarkaas ma uusan hirgelin. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd illaha dhaqaale ee dalka waxayna horey xarumo kale uga dhex furatay meelo badan oo markii hore lacagaha la iska qaadan jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday shan ruux oo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen fal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Shanta ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu xukumay dhamaantood dil toogasho. Kiiskaan maanta xukunka laga gaaray ma ahan mid la xiriira kiiskii Caaisha Ilyaas, balse waa kiis kale oo ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Maxkamadda Puntland ayaa Eedeeysanayaasha ku xukuntay Dil Toogasho ah, isla markaana waxaa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe lafaray in uu Xabsiga ku sii haayo Eedeeysanayaasha.
-
Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo 1-dii bishan diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana khasaare ay kusoo gaarsiiyeen xubno ka mid ah Al-shabaab. Waxa ay sheegeen sidoo kale in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerarkaasi ku dileen 26 ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayeey tilmaameen in howlgalkaan ay ka qeybqaateen, ayna duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab lahaayeen. Dowladda Maraykanka waxaa ka go’an iney sii waddo beegsiga Al-shabaab, si looga hortago dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waxaana xaqiijineynaa in howlgalladeena aanay waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka waddo Soomaaliya. Todobaadkii tagay, AFRICOM ayaa sheegtay in sanadkan 2019 ay duqeyn ku dileen 200 oo Al-shabaab ah, ayna sidoo kale burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaa ku lahaayeen gobollada dalka. Dowladda Maraykanka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka caawisa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidoo kale tababarada ciidamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii Al-shabaab ka fuliyeen wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Wuxuu uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xuntahay falalkasi foosha xun. Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinkan oo kale. Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah, waxaana qoraal wasaaraddaa arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi. Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland ayaa todobaadkii tegay dalkooda dib ugu celisay in ka badan 2000 kun oo qaxooti Ethiopian u badan qowmiyadda Oromada sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Mas’uuliyiinta ayaa sheegayaa in Qaxootigan badankooda laga qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland xilli ay doonayeen in ay uga sii tahriiban dalalka carabta gaar ahaanna waddanka Sacuudi Carabiya. Dowladda Puntland ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku amartay in dadkaasi dib loogu celiyo dalkoodii si looga badbaadiyo khatarta ay naftooda ku halligayan ee tahriibta maadaama ay tiro badan ku raacaan doomo iyo laashash yar yar taasoo keenta shilal khasaare geysta. Hawlgalka lagu dib loogu celinayo soogalootiga Ethiopian-ka oo bilowday todobaadkii hore ayaa weli ka socda gudaha Boosaaso iyo tuulooyinka hoostaga ee ku teedsan xeebta badda Cas. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo dib u celisay in ka badan 2000 oo Qaxooti Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.
-
The State of Qatar strongly condemned the explosion of a car bomb in the center of Somalia’s capital Mogadishu, which led to a number of deaths and injuries. The Ministry of Foreign Affairs renewed, in a statement, Qatar’s firm stance on rejecting violence and terrorism regardless of the motives and causes. The statement expressed the condolences of the State of Qatar to the families of the victims, the government and people of Somalia, wishing the injured a speedy recovery. View the full article
-
Camaan (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan. Garonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasiJordan. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo maalmood,kaasi oo looga hadli doona arrimo ay kamid yihiin qadiyadda magaalada Barakeysan ee Qudus ee reer Falstiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi. View the full article
-
Turkey on Friday strongly condemned a terror attack in the Somali capital Mogadishu which killed at least 18 people and wounded 40 others. “We are saddened by the terrorist attack perpetrated in Mogadishu, which resulted in the loss of many lives and left others wounded,” said a Turkish Foreign Ministry statement. “We strongly condemn this terror attack and wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded, and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” the statement added. Al-Qaeda-affiliated al-Shabaab claimed responsibility for the suicide car bomb attack on a hotel in Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha dhanka amaanka ayaa sheegaya in xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ay kasii dareyso, taasina ay ugu wacan tahay madaxda dowlada oo aanan xil weyn iska saarin amaanka. C/Salaan Guuleed taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad sugidda oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in xaalada amni daro ee Muqdisho ay noqotay mid soo laalaabata, islamarkaana ay ku badatay wadada Maka Al Mukarama. C/Salaan, ayaa sheegay in madaxda ugu sareyso dowladnimada Soomaaliya aysan xil badan iska saarin xaaladaha dhanka amaanka ee dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in askarta aysan awood u laheyn inay ka hor tagaan weerarada qaraxyada ah ee loo adeegsado gaadiidka, maadaama aysan heysan tababar badan oo dhanka amaanka ah. “Askari muddo ka badan 10 saac meel taagnaa oo aan aqoon wuxuu gaariga ka baarayo wey adag tahay inuu amni xaqiijiyo, askarta ma heystaan qalab ay isku difaacaan sida qalabka xabada karin, ma heystaan tababar ku filan, sidee askarigaa wax ku difaacayaa”. “Aniga masuul ayaan kasoo noqday hay’adaha amniga, waana dareemi karaa meesha dhibaatada ka jirto, dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka waa madaxda sare, maxaa yeelay madaxdu ahmiyadda koowaad ma saaraan amniga, waxaa muhiim ah in wadanka uu helo dowlad dadka difaacda, hadeysan jirana waa in la yiraahdaa cid idin difaacdaa ma jirto” ayuu yiri C/salaan Guuleed. AL Shabaab ayaa qaraxyo badan ka geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kuwait City (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi. Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen. “Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo si heer sare ah iisoo dhaweeyay”ayuu yiri wasiirka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay”adda lacagta Aduunka ee IMF lagu bogaadiyey koboca dhaqaale ee Soomaaliya. View the full article
-
Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib habeyn lagu sameeyay”. Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay. Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo? Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid? Waar meesha soo dhaaf, Somaliland cid hawsha qabanaysa ma waayin. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray ehelladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi. Sidoo kale Mr Guterres ayaa ku amaanay ciidanka amniga Soomaaliya, sidii ay uga jawaabeen falkaasi. Waxaana uu intaasi raaciyay in weeraradan oo kale aysan saameyn doonin horumarada ka socda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah isaga kaashadaan sugida ammaanka magaalada Muqdisho. View the full article
-
Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto. Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SHARIIF-ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United States military says it has killed 26 fighters with the al-Shabab extremist group with an airstrike in central Somalia, after a pair of strikes earlier this week killed 55. The U.S. Africa Command says the attack occurred Thursday in the Hiran region, where the others took place. The airstrike was announced shortly after Somali authorities said a deadly overnight siege by al-Shabab had ended in the capital, Mogadishu, with all attackers killed. The U.S. has dramatically increased airstrikes against the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s deadliest extremist group since President Donald Trump took office. The U.S. has carried out 24 strikes this year. Authorities and experts acknowledge that it will take more than airstrikes to defeat the extremist group, which holds large parts of rural central and southern Somalia. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has called upon the Somali public to closely cooperate with security agencies to avert terror attacks. In a televised speech, hours after Al-Shabaab attack on Maka Almukarama hotel, the prime minister sent condolences to the families of the victims. He pledged that the government will airlift those critically wounded abroad for further treatment. The prime minister reiterated his government commitment to continue rebuilding, training, and equipping the armed forces to boost security in the horn of the African country. He said more military bases would be built to accommodate the troops while ensuring the improvement of the welfare of those serving in the country’s security agencies. At least 30 people were killed and scores others were wounded when a car bomb explosion rocked the busy Maka Al Mukarama street. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiirkar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay tirada dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee habeen ka hor Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Fowsiyo oo booqatay isbitaallada Muqdisho ayaa sheegtay in ay dhaawacyadu ay kor u dhaafayaan 80 Qof, islamarkaana ay ku jiraan kuwa halis ah. Sidoo kale waxa ay ballan qaaday in dowladdu ay garab istaagi doonto dadkaasi, islamarkaana ay u fidin doonto daryeel caafimaad. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Cabdiqani.mp3 View the full article