Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada. Qaar madaafiicda ka mid ah ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen gudaha xafiisyada Dowladda. Xogasho:Catoosh Source
  2. Muqdisho (SMN) – Waxaa soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kadib markii loo fidiyay daryeel caafimaad . Dadkan oo ah kuwa rayid ah ayaa waxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay weerarkaasi. Mar aan booqanay isbitaallada Muqdisho ayaa waxaan kula kulmay qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah, iyaga oo Shabelle uga warbixiyay xaaladdooda caafimaad. Dhinaca kale maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirada guud ee dhaawacyada la dhigay isbitaalkaasi. Madaxda caafimaadka isbitaalka Madiina C/qaadir Qalinle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 34 ruux oo dhaawcyo ah iyo 11 qof oo Meydad ah. Geesta kale guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee G/Banaadir Marwo Basmo Caamir oo booqatay isbitaallada Madiina iyo Digfer ayaa dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaalladaasi gaarsiisay deeq lacageed, iyadoona tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadaasi. Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Soomaaliya C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in XFS ay garab taagnaan doonto dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al Shabaab. View the full article
  3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadelka Cimilada DPL Prof. Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay Isticmaalka xad dhaafka [...] Source
  4. Madaxweyne Muuse Toltolkaaga Mooyaane Hayga Jeexjeexin Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi.Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka.Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday.Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa?Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa.Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim!Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado. Ibraahin Cabdi Maxamed Qaran News
  5. Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeysane Maxamuud Cali Xaamud oo 28-kii bishii koowaad ee sanadkan fal kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax. Falkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Yacubley oo 8 km u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Sheekh Maxamed C/raxmaan Aamusane oo ah guddoomiyaha maxkamaddaasi ayaa ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay maxkamadda. Xukunka maxkamadda Garbahaarey ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka ay ka dhacayeen falal kufsi ah, iyadoona ay ugu dambeysay dhacdadii Gaalkacyo ee lagu kufsaday, laguna dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-turki.mp3 View the full article
  6. Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia iyo hareeraheeda + Sawirro Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha. Saddex ka mid ah ay ku kala dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay. Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooyada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka . Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama. Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro warbaahintu heshay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga. Qaran News
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay warqad tacsi ah usoo dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay dhismooyin ku yaalla Maka Al-Mukarama. Si kastaba, qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa abuuray su’aal kadib markii tacsida loo diray ra’iisul wasaare Kheyre, laguna soo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo. Marka waddan tacsi loo diray ama hambalyo, waxaa caadiyan lagu hagaa mas’uulka uga sarreeya waddanka, kaasi oo ah madaxweyne Farmaajo, marka ay timaado Soomaaliya. Haddii wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ay qoraalka u diri lahayd dhiggeeda Soomaaliya, waxay noqon lahayd arrin kale oo qiil loo yeeli karo, hase yeeshee Kenya ayaa qoraalkeeda ku muujisay in Kheyre uu dalka ugu sarreeyo. Ma cadda sababta ay Kenya u sameysay arrintan, hase yeeshee waxaa jira khilaaf Farmaajo iyo Kenyatta ka dhaxeeya oo la xiriira sidii loo beddeli lahaa Axmed Madoobe, taasi oo Kenya ay diiday kadib markii Farmaajo dalbaday. Waxaa sidoo kale macquul ah in arirntan ay tahay xeelad Kenya isaga horkeeneyso madaxda Soomaaliya, isuguna dayeyso inay ku kasbato ra’iisul wasaare Kheyre, xilli ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad diblomaasiyeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Kenya 1- Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxa ay iyadoo xanuun qoto-dheer dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous 2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan. 3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh. 4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
  8. By: Patrick Gathara The last three weeks have witnessed a strange diplomatic spat between Kenya and Somalia. The Kenyan government summoned back its ambassador from Mogadishu and kicked out the Somali ambassador, claiming that Somali leadership had attempted to sell off parts of Kenyan territory. The two neighbours have been locked in a dispute over their maritime boundary, with both claiming a narrow 100,000-sq km triangle of sea shelf thought to contain significant deposits of oil and gas. After five years of attempts by both to negotiate a compromise, Somalia eventually filed a case at the International Court of Justice (ICJ) in 2014, which is still to be adjudicated. However, Kenya has continued to operate as if there was no dispute and has already sold mining licences to international companies in the triangle. The latest flare-up centres, at least nominally, on proceedings at a controversial public meeting organised in London by Somalia‘s Federal Ministry of Petroleum and Mineral Resources and Spectrum Geo, a Norwegian seismic data processing company. The agenda for the meeting was somewhat unclear, with government officials initially suggesting it would be inviting bids for exploration, and only later clarifying that the meeting would present seismic data collected by Spectrum and offer for sale more detailed information about offshore blocks. This confusion led to Somali citizens living in London storming the meeting to protest against the presumed auctioning of the offshore blocks to foreign investors, a boycott of the meeting by opposition parties and members of Somalia’s Upper House, and then the bust-up with Kenya. The tone of the statement issued by Kenya on February 16 regarding the summoning of its ambassador in Mogadishu was startling. It fell short of declaring Somalia an enemy state, claiming the latter had indeed auctioned off “oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area”. It thundered about a map that had apparently been displayed at the conference showing the disputed territory as part of Somalia, and indirectly threatened to use as leverage “four hundred thousand Somali refugees and asylum seekers” in Kenya. It also “reminded the Government of Somalia and the international community” of the fact that it had troops serving in the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM), which is helping battle the al-Qaeda-linked armed group, al-Shabab. “The patience of the people of Kenya is not infinite,” it warned. Somalis are a more patient lot it seems. In a measured rejoinder a day later, the Somali government averred that no auction had taken place, explained that the map in question mirrored Somalia’s long-standing position, and reiterated that the country has no intentions to undertake any unilateral actions (of the type Kenya has) in the disputed area until the ICJ renders its verdict. What accounts for such an overreaction by Kenya? Well, perhaps it could be panic over the possibility of actually losing the case at the ICJ. Clearly, Somalia seems the more confident of the two about its prospects at the court, which is expected to hand down a verdict sometime this year. Somalia has already won the first round after the court in 2017 dismissed Kenya’s challenge to the proceedings on the basis that the two countries had previously agreed to settle the matter out of court. Further, this is a strategy Kenya has deployed before. The perceived success of its obnoxious and hardnosed campaign against the International Criminal Court’s indictments for crimes against humanity against President Uhuru Kenyatta and his deputy, William Ruto, may have emboldened Kenya to think it can similarly bully its northeastern neighbour. Kenya is not new to playing the bull in Somalia’s china shop. The Somali government was not consulted in October 2011 when Kenya sent forces across the border, nor when the objectives of the invasion morphed from pursuing kidnappers to taking southern Somalia’s second-largest port, Kismayo. Against Mogadishu’s wishes, Kenyan troops brought former al-Shabab ally, Ahmed Madobe, to power as president of the newly created Jubaland State administration. The country ignored a resolution of the Somali Parliament calling for its troops to leave. Moreover, the Kenyan forces in Somalia have been accused of engaging in illegal trade in charcoal and sugar, which enriches the very terror group they are meant to be fighting. According to an article in the Standard newspaper, one of Kenya’s demands for restoring diplomatic ties was that Somalia withdraw its case at the ICJ. This insistence is perhaps most telling of Kenya’s true intentions. It thus appears that having already sold prospecting rights within the disputed zones to companies such as ENI, Total, Anadarko and others, and facing huge claims for compensation should the ICJ rule in Somalia’s favour, Kenya has fabricated a diplomatic incident to pre-empt that judgment and force Somalia to agree to a negotiated solution. The Mogadishu is already in a weaker diplomatic position having already angered its international partners at the beginning of the year by kicking out the top United Nations official in the country, Nicholas Haysom. Perhaps Kenya smelt blood. Such tactics are, however, a double-edged sword. A serious rift with Somalia would have repercussions on Kenya’s participation in AMISOM as well as risk radicalising border communities and legitimising Somalia-based terrorists targeting Kenya. It would also harm the regional cooperation that AMISOM depends on, weakening the fight against al-Shabab and endangering people across the region. It is thus in everyone’s interest that Kenya dials down its rhetoric and, as The Star editorialised, commits to abide by the decision of the ICJ. Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  9. Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya [...] Source
  10. Muqdisho (SMN) – Ururka Midowga Africa ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Wakiilka ururka Midowga Afrika ahna, madaxa howlgalka AMISOM ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xunyahay weerarkaasi. Ambassador Francisco Madeira ayaa xusay in weerarkii Muqdisho ka dhacay uu khasaaraha ba’an u gaystay shacab aan wax galabsan. Waxaana uu intaasi ku daray in howlgalka AMISM uu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowadda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii maalin ka hor lagu qaaday waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu si weyn ugu naxay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dad badan AY ku dhinteen, kuwo kalena AY ku dhaawacmeen. Weerarkan oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 40 Qqof, halka ku dhaawacmeen in ka badan 80 kale. View the full article
  11. (SLT-Garoowe)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo. Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada eedeysanayaasha oo dhammaantood ah dhallinyaro, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ,Maxamed Xareef Faarax oo suxufiyiinta Garoowe kula hadlay uu sheegay afar ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay magaalada Qardho oo ay u baxsadeen halka eedeysanaha shanaad ciidanka amniga ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo. Xukunkan lama xidhiidho kiista gabadhii 12 jirka ahayd ee u geeryootay kufsi iyo jir dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda, Maxamed Xareef Faarax oo kiiska wax laga waydiiyay uu sheegay inuu socdo baaritaan. Hoos ka akhri magacyada eedeysanayaasha dilka lagu xukumay: Source
  12. Gaalkacyo (SMN) -Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday rag la sheegay in ay Kufsi ka geysteen deegaanada maamulkaasi. Raggan oo gaarayay shan ayaa la sheegay in kufsi wadareed ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xatunta gobolka Mudug. Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay taliyaha xabsiga dhexe ee Garoowe in xabsiga uu ku sii hayo raggaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Kadib weerarkii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku burburay dhismayaal dhowr ah oo isugu jiray ganacsi iyo deegaan, kuwaas oo dhulka lala simay. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona dib u dhis ballaaran lagu bilaabay goobihii ku dumay weerarkaasi. Wariyaha Shabelle Maxamuud C/nasaair Maxamed Sofeysane oo tagay goobahaasi ayaa ka diyaariyay warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Soofeysane-Goobta-Qaraxa.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku wargaliyey dadwaynaha degan xurumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda Xayndaabkooda inay ka guuraan. Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxafadeed uu soo saaray ayaa u qornaa sidan: “Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maadaama suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda xafiisyadooda iyo shicibku. Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.” Source
  15. Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in madaafiicdan ay ahaayeen illaa Shan, waxaana qaarkood ay ku dhaceen gudaha Villa Soomaaliya. Qaar kale oo madaafiicdan ah ayaa ku dhacay xaafado ku dhow Villa Soomaaliya, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay madaafiicdan. Sidoo kale, mid ka mid ah madaafiicdan ayaa la sheegay inuu ku dhacay xarunta wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ku taalla dhabarka dambe ee Tiyaatarka qaranka. Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay meelaha lagu tuhunsan yahay in madaafiicdan laga soo tuuray. Magaalada Muqdisho ayuaa waxaa kusoo badanaya falalka amni darri, xilli ciidanka dowladda ay wadaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu sugayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya Wasaaradaha iyo Dagmooyinka la shaqeeya Mashruuca GPLG. Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kala qayb-galay Todobo dagmo oo kala ah, Garoowe, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Goldogob, Eyl iyo Bandar-Bayla. waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyadda, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Howlaha Guud & Garoomada, Haweenka, Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Macdanta, Tamarta iyo Biyaha. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Mashuurcaan JPLG uu Puntland ka socday ku dhawaad 10 sano, kaasi oo si wayn looga faa’idaystay, ayna muhiim tahay in isku filnaansho la helo si looga maarmo ku tiirsanaanta Hay’addaha deeq bixiyaasha ah. Sidoo kale Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in hannaankii hore ee mashruucaan uu ku socday wax laga bedelo, isla markaana taladiisa iyo shaqada la qabanaayo si wadajir ah la isaga kaashado, waxaana uu dhammaantood faray inay si dhow u wada shaqeeyaan, si shacabka Puntland loo gaarsiiyo adeeg dhammaystiran. Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxa uu ka socdaa 9 degmo, waxaana shirkaan uu Garowe ka socon doonaa muddo laba cisho ah. PUNTLAND POST The post M ku xigeenka Puntland oo furay weji saddexaad ee JPLG appeared first on Puntland Post.
  17. Baardheer (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in ay u raqaansadeen dhanka deegaanka Giriley oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Faxfaxdhuun oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa 80 KM galbeed ka xiga magaalada Baardheere, waxaana todobadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaaa ciidamada Kenya iyo kuwa milatariga Soomaaliya. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankan, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay hareereeyeen deegaanka Buusaar oo 40 KM u jira Faxfaxdhuun halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda. Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda ayaa ka socda hakaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi. View the full article
  18. The United Nations Secretary General Antonio Guterres has condemned the latest terrorist attack that took place in Somalia on Thursday, urging Somali citizens not to be deterred by such violence. Thee al-Shabaab gunmen stormed a building in the capital Mogadishu and shot indiscriminately at anyone in their way. A gun battle ensued between the militants and security forces, lasting for hours, in what reports indicate was the longest siege by the extremist group since it was forced out of the capital in 2011. In the end, at least 20 people were killed, with scores others injured. In a statement on Friday, Guterres condoled with the families and friends of the victims, and wished “a swift recovery to those injured” and commended “the response of the Somali emergency services to the bombings.” “Somalis will not be deterred by such violence from pursuing a peaceful and prosperous future,” Guterres said, reiterating the UN’s support for the people and government of Somalia. Al-Shabaab has waged a war in Somalia for over a decade, aiming to topple the government and instill an extreme jihadist system of governance. The war has killed tens of thousands and formed millions to flee their homes, rendering Somalia to be one of Africa’s biggest refugee crises. Joint efforts between local, regional and international forces has however forced the militant group to flee into hiding, though it still manages to stage attacks, mainly by the use of suicide bombers. While echoing the sentiments of the UN Secretary General, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) also strongly condemned the “twin bomb explosions”, saying “no political agenda can be served by violent extremism”. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-02032019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)-Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Soomaaliya ee 15-ka May iyo Xaafadda Caga Dhiig oo ka tirsan degmada Warta nabada. Madaafiicda qaar waxey ku dheceen dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taalla dhabarka dambe ee tiyaatarka qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen. Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday. Lama oga khasaraha ka dhashay madaafiicda, waxaana dadka ku dhaqan nawaaxiga Madaxtooyada soo wajahay cabsi ku aadan madaafiicda soo dhacay. Source
  21. Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga wada-hadlaan isku dayga Kenya ee boobka Badda Soomaaliya. Labada hogaamiye ayaa ka qayb-galaya furitaanka Shirka, Africa Now Conference oo lagu wado in la qabto 12-ka bishaan waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda. Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaqjiiyey in uu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni. Awel Uwihanganye oo ah Agaasimaha Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika oo shirkan qaban qaabisay ayaa xaqiijiyay in Farmaajo iyo Uhuru ka qeyb galayaan shirkaasi oo soconaya inta u dhexeysa 12-ka ilaa 13-ka Bishan Maarso. Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu ayaa kamid ah dadka ka qayb-galaya Shirkaasi. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta uu wax ka wado Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray 16-kii bishii hore, kaddib Kenya ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu dalkiisa ku laabto, waxaana hakad ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo ku hanjabtay dowladda Kenya inay cunaqabateyn ku soo rogeyso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com