Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inuu jeclaan lahaa in Soomaalida ay dalkooda kusoo laabtaan. Si kastaba, Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaare Lars Løkke Rasmussen waxa uu ammaanay xaaladda Somalia, kadib, markii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen shirkii Carabta iyo Midowga Yurub ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si ay uga qeyb galaan dib-u-dhiska dalka Hooyo. Lars Løkke Rasmussen waxa kale oo uu sheegay inay Somalia la leeyihiin iskaashi wanaagsan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Denmark. Mar sii horreysay, Dowladda Federalka waxay ku gacan sayrtay aragtida ku aadan in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia. Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda hooyo. Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaasoo shalay galab u dhoofay dalka Jabuuti. Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ay kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu sarysa dalka Jabuuti. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Geelle uu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya in ay aqbalaan in dib loo bilaabo Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hotel Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab habeenkii Jimcaha ku qaadeen Hotelo ku yaala wadada Maka Al Mukrama. Gureey Xaaji oo ah mulkiilaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu soo gaaray dhismaha Hotelka, oo ay degenaayeen Masuuliyiin kala duwan, isaga oo sheegay in khasaaraha nafeed uu ka yaraa kuwii hore. Wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray qolasha xigay dhanka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna cadeeyay ineysan niyad jibin doonin weerarada Al Shabaab ay la eegtaan hotelkiisa. Gureey Xaaji, ayaa sheegay in markii Shanaad ay tahay oo weerar uu kala kulmayo Al Shabaab, islamarkaana uu dhisayo markale hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay inuu wali qiimeynayo khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray weerarka ka dhacay Wadada, isaga oo sheegay in weerarkaan uu ka khasaaro badan yahay kuwii hore, maadaama deriskiisa uu saameeyay qaraxa oo xooganaa. “Khasaaro badan ayaa jira Qiimeyn ayaan wadnaa, waan dhiseynaa markale kama carareyno wadanka”ayuu yiri Gureey Xaaji. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gurey-Xaaji-oo-ah-milkiilaha-Hotel-Maka-almukaramah-oo-ka-hadlay-khasaaraha-k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Qaraxyada khasaaraha badan, dilalka daa’imka, waa mid daashaday dadyowga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Urugo iyo uurkutaallo ayey la noolyihiin. Ciil iyo carro bay cunaha is hayaan. Hadday hadlaan waa dil, haddii ay aamusaanna la deyn maayo. Waxayna is weydiinayaan, “ goormaa Muqdisho dhibaatadan ka dhamaaneysaa”?! Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo sabab u ah amni darrada, balse ii ogowlow inan kula wadaago Saddex waxyaabood oo si uun la iskaga indha-tirayo saameyntooda. 1 – Xilalka oo loo xusho cid aan ehelkeeda aheyn Sideedaba, aduunyada howl weliba waxey leedahay cid gaar ah oo Ilaahey takhasuskeeda siiyay, haddii la waayana waxaa adag qabashada howshaas ama ka guul gaarideeda. Howsha amaanka ma ahan howl sahlan, waxay u baahantahay dad aqoon iyo aqool u leh sida loo waajaho, sido kale leh qibrad ku filan xasaradaha markaas taagan oo lagu daray daacadnimo. Kasoo horjeedka taas, haddii amaanka loo wakiisho cid aanba meel laga maro aqoon u laheyn , asii lagu soo xushay xigto iyo xaal kale, waxaad sugtaaba waa fashil ku yimaada howshaas. Maxaa yeelay shaqsiga wuxuu wax ka qaban karaa kaliya waxa uu aqoonteeda ama qibradeeda leeyahay. Waqtigan la joogana magaalada Muqdisho waxay u baahantahay inay amaankeeda wakiil uga noqoto cid leh aqoonteeda iyo qibradeeda kuwaasoo ka madax banaan caburin cid kale kaga timaada. 2 – Isla Xisaabtan la’aan Isla xisaabtanku waa waxa keliya ee shaqsiga bini-aadamka ah uu howshiisa si sax uga soo bixi karo, haddii taasi meesha laga waayana, waxaa is ka yar cid howsheeda xil adag iska saarta. Haddii isla xisaabtan jiro, fal kasta oo dhaca, waxaa ka danbeeya baaritaan dhab ah oon afka aheyn, kaasoo lagu ogaanayo halka ay dhibaatada ka timid. Bal qiyaas inta qarax dhacday, iyo inta naf uu galaaftay, weli ma jirto cid loo xukmiyay amaba xilkeeda ku weysay. Isla xisaabtan hadduu jira waxaa yaraanaya musuqa ka dhex jira ciidamada amaanka dhexdooda. Sarkaal iyo askari kasta wuxuu ka taxadirayaa howsha loo igmaday. 3 – Xukun Fulin la’aan Xabsiyada magaalada muqdisho waxaa ka buuxa, gacan ku dhiigyaal aan tiro laheyn, xukunkoodu ahaa in tiirka la geeyo, nasiib darro taas ma dhicin, sabata aysan u fulina ma ahan mid aad jawaabteeda iga sugeyso. Tiro maleh darowalada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaan shacabka loo sheegaa in lasoo qabtay askarigii dilka geystay, nasiib darro xukunkiisu ma dhaafo xabsiga, in lasii daayayna labadeenaba war uma heyno. Waxaana halkii kasii socda dilalkii ay geysan jireen qaar ka mid askarta dowladda. Yaanan ka reebine, waxaa iyagana xabsiga buux dhaafiyay Kuwo iyagoo wax qarxinaya iyo qaar dilal fulinaya oo lasoo qabtay, iyagana xabsiga ayey ku jiraan; welina wixii ay mudnaayeen ma marin. Bal malee, Haddii amaanka loo dhiibo cid ehel u ah, aqoon iyo qibrad u leh taasoo daacadnimo lagu daray, hubaal is bedel amni ayaa jiri lahaa, sido kale, cid kasta haddii mas’uuliyadeeda si dhab loogala xisaabtamo, waxaa yaraan lahaa shaqsi howshiisa dayaca amaba musuqmaasuqa. Si la mid ah, kuwa daalimiinta ah haddii xukunka ay mudanyihiin lala tiigsan lahaa waxaa joogsan lahaa gaboodfallada iyo dhiigga shacabka oo si fudud lagu daadinayo, waxaana jiri laheyd cabsi laga qabo xukunka caddaalada. Qof weliba intuu dayacuu dabkiisa soo gaaraa W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Waxaa dhammaan culimmada arrimaha bulshadu isku raaceen in horumarka bulshada, xasilloonida siyaasadda iyo guud ahaan qummaati u socodka bulshadu uu si toos ah ugu xiran yahay heerka musuqmaasuqa ee dal. Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxay ku kala duwan yihiin heerka xakamaynta musuqmaasuqa,lagamana yaabo in bulsho saboolnimo iyo rafaad ka baxdo iyadoon musuqmaasuqa xakamayn. Dalalka Ayslaand(Iceland) iyo Singapore oo ah laba dal oo aan lahayn khayraad badan oo dabiici ah waxay xagga nolosha iyo hodantinnimada dunida uga jiraan meesha ugu sarraysa, sababtuna waa musuqmaasuqa oo ay la dagaallameen ilaa heer ciribtir ku dhow. Dhinaca kale dalalka Afrika waxaa halakeeyey musuqmaasuq inkastoo ay kheyraadka dabiiciga ah hodan ka yihiin. Dalkeennu meesha uu kaga jiro qiimaynta musuqmaasuqu waa wax laga yaxyaxo,waana tan keentay inaynnu qaxooti kuwada noqonno gude iyo dibedba. Qofkii Soomaali ah oo ay dani ka hayso dalkiisa iyo dadkiisa oo ka gubanaya dhibaatada ina haysata waa inuu mawqif cad ka qaataa musuqmaasuqa. Waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo maxaa qofka caadiga ahi arrintan ka qaban karaa.Waa suaal meesha ku jirta, laakiin waxaa mudan inaan la illaawin in madaxdu ay dadka ka dhasheen. Haddii bulshadu u aragto musuqmaasuqa wax xun oo la mid ah tuugnimada iyo falalka kasii daran, waxaa hubaal ah in musuqmaasuqu yaraan lahaa,qofka musuqmaasuqa samaynayaana la dhuuman lahaa.Bulshadeenna, nasiib xumo waa lagu faanaa boobka iyo wax isdaba marinta,taasoo keentay inaan lala dhuuman waayo dadka ayaa aqbalay. Musuqmaasuqa maamulka waxaa ugu waaweyn. 1. Xatooyada hantida loo dhan yahay oo qof masuul ahi boobo. 2. Laaluushka oo lagu xiro adeegyada bulshada, ama lagu kasbado waxaan qofku xaq u lahayn. 3. Eexda oo qabyaaladdu hoos timaaddo. Dhibaatada musuqmaasuqu waa ka daran tahay dagaallada iyo aafooyinka dabiiciga ahba, mana jiro dhibaato bulsho ku faafta oo ka darani. Musuqmaasuqu wuxuu horseedayaa inaan wax u qabsoomin dalka, akhlaaqda dadka oo gebi ahaanba xumaata, waxbarashada iyo aqoonta oo aan qiime lahayn iyo isnaceyb bulshada dhex gala. Dhinaca kale haddii bulsho ku guulaysato inay xakamayso musuqmaasuqa waxaa miraha loo arkayaa si dhaqso leh oo u eg mucjiso. Haddii mid ka mid ah dawlad goboleedyada dalku arrintan xoog saarto waxaa hubaal ah in muddo gaaban uu gobolkaasi ku noqonayo kan ugu fiican dalka. Waxaa kordhaya nabadda, maalgashiga iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha oo si degdega u kobcaya, dadkuna shaqo ayey helayaan dawladduna canshuur. Dadku canshuurta bixinteeda dhib u arki mayaan markay ogyihiin in iyaga wax loogu qabanayo. Dalalka adduunka ugu musuqmaasuqa badani waa muslimiin,taasina waa mid khasbaysa in la isweyddiiyo sababta iyo meesha wax iska daba marsan yihiin. Islaamku waa diidayaa khayaano iyo wax isdabamaris, boob iyo dulmi. Quraankuna dawladnimada laba shardi buu siiyey oo ah wadatashi iyo caddaalad. Wadatashiga(Shuuraa) waxaa la dhexgeliyey salaadda iyo sakada taasoo tusinaysa waajibnimadiisa(Alshuuraa 38). Intaa wixii ka badan iyo sida wadatashiga loo agaasimayo dadka ayaa loo daayey maadaama islaamku yahay diin loogu talagalay dadkoo dhan meelkasta iyo waqti kasta. Markii nebigu(NNK) dhintay waxaa talada la wareegay Abuubakar Alsiddiiq oo dood badan ka dib la isku raacay inuu noqdo hoggaamiye. Wacyiga siyaasadeed ee markaa jirey iyo xaaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshadii carbeed waqtigaa waxay doorashadaasi ahayd mid hufan, doorashadii labadii khaliif ee ku xigeyna khilaaf badani kama dhalan. Laakiin in hoggaamiyuhu awood buuxda yeesho, siduu doonana u maamulo dhaqaalaha iyo magacaabidda guddoomiye goboleedyada iyo jagooyinka kaleba waxay ahayd waxaan is weydiin lahayn. Dunida deriska la ahayd dhammantood waxaa xukumay boqorro aan hadal lagusoo celin. Awooddaasi xad dhaafka ah waxay ahayd tay muslimiintu ku garaadsadeen. Afartii khaliif ee hore waxa jirey Alle ka cabsi iyo dareen in hantida dadku wada leeyahay, markiise Umawiyiintu xukunka la wareegtay waxay u arkayeen inay tahay hanti iyagu leeyihiin,dadka kula muransanina inay ka kacsadaan bay rabeen ee ma dhaliilsanayn maaraynta Umawiyiinta. Cabbaasiyiintu raadkii Umawiyiinta ayey mareen haddaysan ka darraynba. Boqorkii cabbaasiga ahaa ee labaad Abuu Jacfar Almansuur waxaa laga weriyey inuu dadka maalin carrafo ugu khudbeeyey hadal uu ka mid ahaa; “War dadow waxaan ahay suldaankii Alle dhulkiisa,waxaan idinku maamuli tawfiiqdiisa iyo toosintiisa. Kayd-hayehiisa baan ahay, waxaanan wax ku qaybin dooniddiisa, waxaanan ku bixin idankiisa. Quful buu iiga dhigay,hadduu rabo wuu I furi, hadduu rabana waa i xiri…”. Hadalku meeshuu u dhacayaa waa in qofkii ka horyimaada xukunkiisa uu Alle ka horyimid, wuxuu sameeyana Alle sameeyey! Qolo kasta oo diin xukun ku raadsataana sidaas bay Alle isaga hormarin. Dhammaadkii waqtigii Umawiyiinta iyo bilowgii Cabbaasiyiinta waxaa bilowday xilliga la diiwaan geliyey fiqiga mad-habadaha, la uruuriyey axaadiista, xeerarka fiqigana la dhidbay. Culimmadu way ogeyd inaysan ka hadli karin xukunka kii naftiisa nacay mooyee. Heshiis aan qornayn buu noqday in culimmadu waxay rabaan oo kale ka doodaan laakiin aysan siyaasadda faragelin. Marar badan fatwooyinka madaxdu rabto ayaa shaar diineed loo gelin jiray. Axaadiis nebiga(NNK) afka loogu tiray oo qabiil ama qoys xukunka siiyey, qolo kalena u diiday, ama dardaaran inaan madaxda laga hor imaan wax kastoo ay sameeyaanna waa la weriyey. Taasaa keentay in weysada laga qoray kutub waaweyn oo badan,laakiin siyaasadda aan fiqiga lagu darin. Wahaabiyadu(Salafiyadu) markay ka hadlayso dawlad islaami ah waxay ka hadlaysaa mid u eg tii Cabbaasiyiinta iyo Umawiyiinta oo uu nin siduu doono ka yeelo dalkoo idil. Shardiga keliya ay ku xirayaan waa in la fuliyo xuduudda sida iyagu u arkaan in ay sax tahay, iyaguna xukunka qabtaan maadaama aysan cid kale muslim u aqoonsaneyn.Taasina waa musuqmaasuq shaar diineed loo gelyey, sida Almansuur. Taariikhdu horay bay usocotaa ee gadaal uma socoto,waana sunnada Alle ku abuuray dunida. Dawladihii Cabbaasiyiintu waa ka liiteen kuwa ugu xun ee maanta jira,in haddana la hiigsado iyadoo weliba diin laga dhigayo waa doqonnimo iyo diin la,aan wada socda. Sababaha keenay in muslimiintu ugu musuqmaasuq badan yihiin dunida waxay u badan tahay sababtaas ah in culimmadii ugu waaweyneyd ee mad-habaduhu sida Shaafici iyo raggii waqtigiisii ay aqbaleen madax musuqmaasuqa, culimmada islaamkuna intooda badani ma garan in adduunku is beddelay, intooda badanina ma laha aqoon dhaafsan fiqiga la xafidsiiyey. Sidaa awgeed waa dhif inaad maqasho wadaad dhaleecaynaya boobka xoolaha masaakiinta oo agoon badani ku jirto. Ma jiro haba yaraatee xoolo ka xun oo la boobo kuwa dadka ka dhexeeya diin ahaan,mana jiro dambi ka dhibaato badan musuqmaasuqa guud ahaan. Wahaabiyada hubaysan waxay kaloo meesha ka saartay in lala xisaabtamo madaxda dalalka muslimiinta ah waayo cadaadiska dadka iyo boobka hantida waxay sabab uga dhigayaan la dagaallan argagixiso, waana dhab in hanti badan la geliyo la dagaallankooda. Dawladahaas musuqmaasuqa ahi dhanka kale dan bay u yihiin wahaabiyada waayo waxay wahaabiyadu dadka kusoo jiitaan xumaanta madaxdaas. Labada qolo waa isu baahan yihiin oo mid kastaa kan kale kama maarmo. Haddii wahaabiyadu dagaalka joojiyaan madaxda muslimiinta waa lagusoo jeedsan. Haddii madax fiican la helana wahaabiyadu heli meyso waxay dhallinyarada ku duufsato. Gaashaanbuurtaas habaaran ayaa dalalkii muslimiinta ka dhigay meel laga qaxo ama silic loogu noolaado. Dalkeenna 30kii sano ee uu ahaa dal is-haysta waxaa musuqmaasuqu ugu yaraa sannadadii u dhexeeyey 1970-1975, waana waqtiga waxa ugu badani u qabsoomeen dalka. Dhismaha jidadka,tiyaatarrada, dekedaha, qoriddii Afka, tababarkii bareyaasha dugsiyada hoose, dhexe, sare, tallaalkii carruurta, habayntii jaamacadaha iyo mac-hadyada sare , badbaadintii dadkii abaaruhu naafeeyeen 1974kii iyo waxyaabo kale oo badan. Haddaynnu rabno inaynnu dhibaatada ka baxno, dunidana wax la qaybsanno waa inaynnu dhammaan la dagaallannaa musuqmaasuqa. Waa inaynnu ku taageernaa madaxda cudurkan kasoo horjeedda af iyo addin, dhaleeco iyo ceebaynna kala hortagnaa qof kasta oo aynnu ku tuhunno. Musuqmaasuqu waa cudurka inaka hortaagan inaynnu noqonno dad isku filan oo dunida sharaf ku leh, madaxda keliyihina wax kama qaban karto. Dagaal la mid ah kii gobannimo doonka waa in lagu qaadaa waayo waa gumeysi qarsoon oo foolxun. Wa Billaahi Tawfiiq W.Q: Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi Email: Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. By: PETER KAGWANJA for Daily Nation On February 19, 2019, the Africa Policy Institute convened a meeting of academic and policy experts on the Somali crisis. Framing the debate was a new book, The Roots of the Somali Crisis: An Insider’s Memoir (2018) by Colonel Ahmed Omar Jess, a key figure in Siad Barre’s military Junta and the civil war. Debate was also informed by two new volumes: Making Sense of Somali History (vol. 1 & 2) by Dr Abdurahman Baadiyow, a Somali Islamic scholar and Chair of the Board of Trustees of Mogadishu University who was also a speaker during the forum. Conceptually, the story of Somalia and the larger Horn of Africa is a tale or two rival ideologies. It is a story of a region trapped in militarism, the belief in a strong military as the basis of state power to aggressively defend and expand national interests. It is also a tale of transition from ‘old Somalia’ characterised by militarism to ‘new Somalia’ aspired by the quest for democracy and development as the face of the new Horn. NATIONALISM As a philosophy, militarism reflects the Hobbesian state where “life is solitary, poor, nasty, and brutish and short”. Militarism in the Horn of Africa, as elsewhere, inspired expansionist and irredentist agendas. Militarism may have long roots in what the Kenyan scholar, Ali Mazrui, described as the “warrior tradition” in modern Africa. Paradoxically, anti-colonial nationalist resistance by historic figures such as Sayid Abdullah Hassan (also known to the West as the ‘Mad Mullah’) in Somalia or Dedan Kimathi in Kenya rendered a moral tinge to militarism. After independence in 1960, anti-colonial nationalism morphed into pan-Somali nationalism. As Omar Jess rightly observed, “Pan-nationalism was not a subject of discussion then. You were supposed to accept it without question.” SHIFTA WAR Propelled by militarism, old Somalia diverted resources meant for development and state building to funding irredentism to ‘liberate’ the remaining Somali regions in Kenya, Ethiopia and Djibouti as part of its pan-Somali nationalist agenda. This put Somalia at great odds with all its neighbours, sparking the Shifta War with Kenya (1963-1967) and the Ogaden War with Ethiopia (1977-8). The Ogaden War dismantled Somalia’s military machine, setting the stage for revolt in the army that eventually plunged the country into a civil war, state collapse and anarchy. The return of the Somali state after 2012 has given legs to the idea of ‘new Somalia’. Based on the ideology of progressivism, the new Somalia is riding the crest of liberal advocacy for reforms to entrench democracy, development and improve society. As a philosophy, progressivism envisions a Lockean state where life is peaceful, productive and prosperous. ECONOMY In Somalia, decline of militarism and the soaring fortunes of progressivism have kindled hope for ‘democratic peace’ in the Horn of Africa based on the theory that democracies seldom go to war with each other. Driving the ‘new Somalia’ reformist agenda is a small elite returning home from Somalia’s sprawling diaspora in America, Europe, Oceania and Africa. Somalia’s modernisers are transforming their country into a new business destination in East Africa. By 2018, Somalia was hosting over 50,000 Kenyans working in various sectors of its economy. Despite the reforms, ‘new Somalia’ is still trapped in the politics of interregnum, where the old militaristic order is dying but a new progressive dispensation has refused to be born. The federal member states and the Federal Government are locked in fierce tension which has impeded the development of a strong state. PEACE The federal member states have resisted efforts by the Federal Government to enforce its constitutional authority over them and jealously guarded their degree of autonomy over regional affairs, the right to maintain their own police and security forces while seeking more resources and greater role in foreign affairs. However, a wind of change sweeping over the Horn of Africa region is giving new impetus to shift from militarism to progressivism. The election of Dr Abiy Ahmed Ali as Prime Minister on April 2, 2018 set off a reformist dynamic in Ethiopia. Changes in Ethiopia have led to a surprise peace and cooperation deal with Eritrea on July 7, 2018, ending nearly three decades of stalemate. The meeting unfolded against the backdrop of the ongoing diplomatic row between Kenya and Somalia over their disputed maritime border in the Indian Ocean. DIPLOMACY Like Somalia and Ethiopia, the Mau Mau war of liberation in the 1950s had set Kenya on the path to militarism. But the military defeat of the nationalist fighters undermined popular appeal to militarism. Today, Kenya is a special regional power in Eastern Africa, touted as “the Switzerland of Africa” because of hosting refuges, business people and the power elite of its neighbours and providing support to peace processes. The ongoing diplomatic row between Kenya and Somalia over a protracted maritime territorial dispute reveals that the Horn of Africa is still vulnerable to militarism, which is itself alive and well. Somalia’s response was surprisingly calm and composed, portraying a ‘new Somalia’ that seems willing to be at peace with its neighbours. The expert meeting identified dismantling militarism and progressing towards democracy in the Horn of Africa as the main challenge of the 21st century. RESOLUTION Kenya and Somalia should use quiet diplomacy rather than megaphone diplomacy, and utilise the framework provided by the Joint Commission of Cooperation to addressing disputes between them. They need to continue the partnership, demilitarise the region and defeat Al-Shabaab terrorism by fostering a conducive business investment, grow the economy and create jobs for the youth, thus draining the swamps of radicalisation. Peter Kagwanja is former Government Adviser and currently Chief Executive of Africa Policy Institute (API). This article is based on the Report of the Policy Forum on: Beyond The Somali Crisis: Echoes from the Past, Lessons for the Future, February 19, 2019.
  7. Ex Wasiir Cismaan Cabdilahi Saxardid Cadani AYAA GABYOO YIDHI •Arimihii tolkaygiyo anaa diiday samahayga. •Xisbinimo anaa aaminoo, caayayay ehelkayga. •Ilmadayda anigaa u qubay mid aan abid ba loo aayin. •Anigaa Waddani caasiyoo, reerka dhigay iilka. Afkiisaa qamaan laga hayaa,dhaxal abwaankiye. •Nin adeerki doorsaday,ilaah darojo siin waa. •Duur baa idhaama iyo raagii,aaday ururkooda. •Xubin layma waayine, anaan lay arxamahayne. •Ubadkiisi baa galay, shirkii aniga lay diiday. •Aqoontiisu ninkii ay hablaha,ku aflagaadootay. •Cabdi Guri Barwaaqaha arlada,ceebta uga saaray. •Hadii uu abaal jiro kursiga,uma siinaanee. •Umadanaa qabiil lagu saliday,odayiyo reer reere. •Xinif waan aqaanaa isagu,eed ba malahayne. •Ina Kaahin igamuu xishoon, aaminkii dhimay. •Isba wuu arkaayaye markii laygu orinaayay. •Iyadoo Albaabkii Askari, igu ulaynayso. •Iskabee Cadaawuhu,sidaan Aabihii dilay. •wax kastoon ilaawaba,oo xumaan uurka kaba saaro• •Abaalxumada Jeegaantan,baan abid i daynayne. •Xirsigii yaqaanaan inkiray,diiday amarkiisa. •Iska eega imisuu na yidhi, Muuse hawtagina. •Inaadeerkay waatay kal hore,oof kajabiyeene. •Waakaa ina Shabeel aramidii,ayda miranayaa. •Xisbigani udaranaa aniyo oodankaan ahay. •Waxba aniga ina Xaashiyoow,hay aleegadan. •Anigaba ninbaa iigabaxay,waa afkii nacase. •Waxan ahay Nin uur Jilicsanoo ,ooya oo naxa. •Inkaartaydu way soconaysaa ,umal guhaankaygu. •Isu ura ilaah baan baryoo,oodda wada jiidha. •Hagbadiyo amaahda isku dila ,oo iswada eeda. Abwaan Daaha Gaas Qaran News
  8. (SLT-Hargaysa) Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi CALI Xaji Xasan ayaa ka hadlay dhismaha Jidka Berbera Corridor. Hoos ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-02032019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen wadada Maka Al mukarama oo dad badan ku dhinteen. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda kula hadlayay gudaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray rayidka ay ka xun yihiin. Daahir Geelle, ayaa sheegay in Al Shabaab ay doonayaan inay niyad jibiyaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ka yeeli doonin, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ku raad joogaan dadkii wax ka ogaa abaabulka weerarkaasi. Ajaaniib ka barbar dagaalanta Al Shabaab ayuu sheegay inay ka dambeeyaan fikradaha qaar oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu xasuuqay isaga oo cadeeyay inaysan taasi aqbali doonin oo ay la dagaalamayaan. “Ciidamada waxay ku howlan yihiin difaacidda dadka, dadka ma arkaan qaraxyada laga hortagay balse waxay arkaan kuwa dhacay oo kaliya, boqolaal laga hortagay ayaa jira, masuuliyadda khasaaraha nasoo gaaray waxaan u heysanaa Al shabaab, ama nolol ayaan kusoo qabaneynaa ama waan dileynaa”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay ka qeyb qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ra’iisul wasaaraha dalka uu balan qaaday dhaqaalaha ku baxa badbaadinta Shacabkii dhaawacmay in xukuumadda ay bixineyso, sida uu sheegay wasiirka. Wuxuu dhinaca kale soo hadal qaaday sababaha ciidamada amaanka ay ugu dambeyntii u go’aansadeen inay u dhacaan gurigii Al Shabaab ay ku qaldameen, wuxuuna sheegay inay doonayeen inay shacabka badbaadiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Cadaado (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugidda Soomaalia NISA ay la wareegeen gacan ku heynta madaxtooyada magaalada Cadaado. Ciidamada DANAB ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada NISA ay kula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado, waxaana hogaaminayay howlgalkaasi Cabdi Dheere oo ah Taliyaha NISA qeybta Galmudug. Xarunta ciidamada NISA caawa la wareegeen waxaa horey gacanta ugu hayay ciidamo maleeshiyaad ah oo maamulayay tan iyo markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda maamulka Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada maleeshiyaadka ah looga saaray magaalada Cadaado ay bixisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo inay magaalada Gaaraan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya. Fiidnimadii caawa waxaa mararka qaar rasaas laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Cadaado, waxaana taagan xiisadda ka dhalatay arintaan, sida wararka ay sheegayaan. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado, iyadoo aysan jirin xal wali laga gaaray xiisadda cusub ee ka jirtay magaalada Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee Muqdisho iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiir C/risaaq oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo markiisii hore uu balanqaaday in labo sano gudahood Shabaab wadanka looga saarayo. Wuxuu sheegay in labo sano kadib dowladda Soomaaliya ay difaac ka gashay baraha bulshada iyada oo la weerarayo siyaasiyiinta ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, taasina ay caqabad ku noqoneyso amaanka dalka. Isaga oo la hadlayay Dalsan TV ayuu sheegay in loo baahan yahay in qorshe ka duwan taasi ay la timaado dowladda madaxweyne Farmaajo, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. Seddex balanqaad ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo inuusan fulinin, wuxuuna ku kale sheegay balamaha inay kamid ahaayeen:- 1 In Handida ku burburtay qarxyada shacabka laga taageerayo 2 In dhaawacyada la dabiibi doono 3 In Al Shabaab labo sano kadib laga saari doono Soomaaliya. Ugu dabeyn wuxuu soo jeediyay in Al Shabaab wadahadal lala galo haddii ay baajineyso dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya maalin kasta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. View the full article
  14. Noloshii cajiibka ahayd ee RAAGE UGAAS Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye Nin walbaaba waxbaa lagu xasuustaa marku uu alaysto ama hoydo ee uu dhinto. Mid waxa lagu xasuustaa geesino, mid deeqsinimo, mid fuleynimo, ninba waxbuu ka tagaa. Haddaba Raage Ugaas Warfaa markii dambe noqdey Ugaas Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa ugaas, hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso badhtamihii qarnigii 19aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya.Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha Gadabuursiga, waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab. Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn. Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay. Sidoo kale, markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Xuseen waxaa la caleemo saaray Ugaas Raage oo qabtay talada Ugaasnimo ee beelada Gadabuursi taasi oo uu hayay ilaa horaantii qarnigii 20aad. Dhinaca kale, Ugaas Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax “Wiilwaal” ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh haybad iyo qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal. Gabayga Alleyl dumay Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay. Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye La soco qaybaha dambe…… Uririntii Cabdi Caawiye +252411 Qaran News
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-02032019.mp3 View the full article
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ku kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig Kulankooda oo ahaa mid aan lasii shaacin ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku heleyno, waxaana kulanka uu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaan Xidig uu u tagay madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga waxyaabaha ay si dhab ah kaga wada hadleen labada masuul, waxaana kulankooda uu imaanayaa iyadoo dhawaan dadweyne badan laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, kuwaasi oo soo dhaweyn lahaa Mr Xidig. Axmed Madoobe ayaa wajahaya culeesaad dhanka doorashada ah, waxaana uu ka baqayaa in masuuliyiin dowladda Soomaaliya wadato ay kula loolamaan doorashada ka dhacaysa magaalada Kismaayo. Dhawaan wuxuu soo saaray amaro ciidamada amaanka iyo shaqaalaha Jubbaland ku wajahnaa kuwaasi oo ahaa inaysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashooyinka dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaan dhankiisa uu qorsheynayo inuu kamid noqdo musharixiinta Maamulka Jubbaland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qorshaha dowladda qeyb ka yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley Dhallinyaro ka cabatay adeega caafimaad ee dawlada oo xabsiga lala tiigsaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxaa uu si adag u dhaliilay dhismaha jidka Isku xidhi doona Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor oo dhawaan la dhagax-dhigay Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in markii ugu horreysay dhismaha jidkaasi uu ahaa Waddo cusub balse aanu aheyn wadadii hore u jirtey ee Berbera iyo Wajaale in dib loo dayac Tirayo. Sidoo kale Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku baaqay in hadii Jidkii Berbera Corridor noqdey in wadadeenii hore dib loo dayac tiro in arrimo ka mihiimsan lagacataas lagu qabto, waxaana uu alleh ka beryey in wadadaasi aaney noqonin sidii mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysa ee Xumbo Weyne oo fashil ku dambeeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Dawladda jabuuti ayaa masuuliyiin iskugu jira wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE casuumad rasmi ah u soo dirtay,taasi oo ay u soo marisay saafaradda somaliland ku leedahay dalka Jabuuti. Masuuliyiinta Dawlada Jabuuti Soo Casuuntay ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ay Wehelinayaa Masuuliyiin xisbiga kulmiye ka tirsan,waxaana ay wararku sheegayaa in ay kulamo la yeelan doonaan madaxwaynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Waftigan uu wasiirku hogaaminaya ayaa galabta ka dhoofi doona Madaarka Cigaalka Ee Magaaladda hargaysa,waxaana ay tagi doonaan Magaaladda jabuuti oo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu saraysa dalka jabuuti. Saddexda xubnood ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ee safarka ku wehelinaya wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyagana magacyadooda la sheegin Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Hoobiyeyashii maanta kusoo dhacay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Ganacsiga. “Kooxaha argagixisada iyo nabaddiidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye. Madaafiicda hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa shan ayaa ku kala dhacay gudaha iyo hareeraha Xarunta Madaxtooyada, waxaana madfac ka mid ah uu ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka. Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli Madaxtooyadda Soomaaliya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray kuwaasoo kula dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in baaritaanka kiiska dilka iyo kufsiga ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan uu [...] Source