Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s northeastern regional state of Puntland has vowed a death penalty for everyone who commits rape in the region. A court in Nugal region of Puntland State sentenced five young men to death, officials said on Saturday. The young men were accused of gang-raping a woman in Galkayo, the regional capital of Mudug region in central Somalia. In a ruling on Saturday morning from the Magistrate Court in Nugal region said the five young men were convicted of the rape case. Four rapists fled to Qardho town while the fifth one was arrested in Galkayo as he tried to flee authorities. However, this verdict is not connected to the rape and killing of the 12-year old Aisha Ilyas allegedly raped, tortured and killed the previous week in Galkayo city Puntland. Four men were las arrested in Galkayo, Puntland in connection with the rape and killing of 12-year old girl on Sunday. The men were arrested on Tuesday afternoon by local authorities as the net is cast wide to nab the remaining three suspects. 12-year Aisha Ilyas was raped, brutally tortured and killed on Sunday by seven men. Her mutilated body was later dumped at her parents’ home. Residents said they were shocked by the incident. The regional head of Mudug, Abdulkadir Hussein Nur Dirir has confirmed the arrest saying that “the suspects if convicted, would be shot in public.” “If the court finds them guilty, we would shoot them in public at the full glare of all so as to serve as a warning to any man contemplating such an ugly move,” Abdulkadir described. He also warned about solving the matter by local traditional way known as Maslaha. Maslaha, is a system of resolving disputes in the Somali community. A group of elderly men gathers to find alternative dispute resolution in cases where the criminal justice system is deemed an open option. It’s a widely celebrated system, particularly in other contexts.However, it has been widely castigated when it comes to solving cases of sexual violence against women. Women dismiss the “Maslaha” as a council of men who decide for women’s concerns stating that no woman sits when verdicts are pronounced. View the full article
  2. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Waxa uu dhalliilay shirka beelaha Dir ku qabsadeen magaalada Addis Ababa waxaanu dadka ka qayb galay ku eedeeyay kuwo dalalka jaarka ah ka yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa shaaciyay nooca dowladnimada Soomaaliya ay u raadinayaan. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladnimada ay raadinayaan ay tahay mid umadda Soomaaliyeed u horseeda inay ka saarto cabsida iyo walwalka ay qabaan ee dhanka amaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay raadinayaan mid ka fakarta Shacabka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka. ” Dowladnimada aan raadineyno ma ahan mid dadka dhibta, ma ahan mid dadka Caburisa,ma ahan mid dadka noloshooda Ciriiri galisa Ilaaheey idinkiisna Waan keeneynaa”ayuu yiri Xasan Sheikh. “Waxaan dooneynaa dowladnimo sharaf iyo karaamo iyo xoriyad noo keenta, oo cabsida naga yareysa, waxaan dooneynaa dowlad aan dadka dhibin, waxaan dooneynaa dowladnimo dadka danahooda ka fakarta, waana keeneynaa Insha allah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hayay talada dalka muddo afar sano ah, waxaana uu ahaa madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo oo si nabad ah xilka ku wareejiyay markii laga guuleystay kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa waxaa ay saaka ka anba baxeen magaalada Hargeysa. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Darar Weyne gaar ahaan iskuulka Tababatada ciidammada oo ay ku jiraan dhalinyarro dhawaan xukuumadu u xareysay Barnaamijka shaqo qaran. Madaxweynaha ayaa ka qeyb-gali doona munaasibad dhalinyartaas loogu furaayo barnaamijka shaqo qaran. Warar hoose aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dhallinyarro hore ugu guulaystay barnaamijka ay markii la geeyay deegaanka Dararweyne ay dib ugu soo laabteen guryahooda, taas oo aan ujeedada la garanay balse waxa ay sheegayaan wararka in wixii dhalinyaraddaasi loo sheegay iyo waxa ay meesha kala kulmeen ay kala duwanaayeen. Source
  5. Gaalkacyo (SMN) – Xafiiska xeer ilaalinta guud ee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xukun dil ah ay ciqaabtiisu ay noqon doonto qofkii geysta fal Kufsi ah. Maxamed Xareed Faarax xeer ilaaliye ku xigeenka maamulkaasi ayaa tilmaamay tallaabadan in ay soo afmeereyso tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay ka dhacay kulan looga hadlayay amniga magaaladaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Puntland, saraakiisha ciidanka amniga maamulkaasi iyo waxgarad, iyadoona diirada lagu saaray, sidii wax looga qaban lahaa amniga gobolka Mudug. Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdiraxmaan Dhaban Cad ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in aysan ka daba imaan dadka dambiyada ku eedeysan ee ay soo qabtaan laaamaha amniga. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan iyo dhibaatooyin kale. View the full article
  6. (SLT-Gabiley)-laba Dumar ah iyo rag la sheegay inay Meheradaha dharka lagu tolo ee dawaarka ah ku lahaayeen Gabiley ayaa xabsiga Gabiley loogu guray sababo la sheegay inay xidheen dhar midabka Calanka Soomaaliya ee Buluugga ah u eg. Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Mustafe Sayid ayaa dhalinyartaasi ku booqday Xabsiga Gabiley, waxaana uu sheegay “labada hablood waan soo waraystay Maadaama oo aan ahay Gudoomiyaha Gudida Nabadgalyadda Golaha Deegaanka, diracyaddii lagu xidhayna waan soo arkay, Waa Dirac Buluug ah, oo Xiddigo Badani ku yaalaan, Calankii Soomaaliya maaha, Waa Dirac Buluugga ah oo illaa dhawr iyo labaatan Xidigood ku yaalaan, labadaasi Hablood Diricaasi ayay siteen oo Jabuuti looga soo diray, dirawaalihii tolayayna way u geeyeen, inankii dawaarlaha ahaa si xun ayaa loo garaacay, dil adagna waa loo gaystay, waanu xidhan yahay”. Arintan ayaa ku beegnayd wakhtigii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Safar ku marayay Goboladda Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal, Waana Todobaadkii hore uun, balse Shalay ayuunbay arintani soo shaacbaxday oo uu Xidhibaankanina ka hadlay. Daawo Xildhibaanka Oo Arintaasi Ka Hadlaya. Source
  7. (SLT-Laascaanood)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa si wadajir ah ay u soo saareen maamulka dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood iyo Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool. Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maamulka Dawladda Hoose iyo Boolisku ayay ku sheegeen in ciddii talaabo dhul aanay fasax u haysan qaadda ay la kulmi doonaan ciqaab. Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan ayaa shacabka uga digay inay isku dayaan inay qaataan dhul aanay sharci u haysanin “Ciddii madaraq ku dhufata dhul aanay fasax u haysan tallaabo ayaan ka qaadaynaa, waxaana ay mutaysanayaan ganaax iyo xadhigba, ciddii dacwad qabtaana waa in ay dawladda hoose la xidhiidhaan iyagoon tallaabo qaadin” ayuu yidhi, Maayarku Sidoo kale, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ayaa isna sheegay in ay badatay dhibaatada isqabsiga dhulku “Sidaa darteed inaanu tallaabo ka qaadno dadka ku mamay dhulka waata ta keentay inaanu go’aan ka qaadano..” ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool. Geesta kale, Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool wuxuu waxba kama jiraan ku sheegay Warar sheegaya in Carruur lagu xaday magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ka dib, xaqiiqsadeen in aanay jirin Carruur ka maqan Waalidiintooda oo Magaalada laga xaday. Ugu dambayn, Go’ aanka laga soo saaray Murannada Dhulka ayaa ah mid aad loogu baahnaa, maaddaama oo bilihii u dambeeyay ay Magaalada Laascaanood ka dhaceen rabshado salka ku haya muran dhul, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-12 Dhallinyaro ah oo loo haysto inay sameeyeen Mudaharaad Cabasho ah ayaa loo soo dhaadhiciyay Jeelka dhexe ee Hargeysa, ka dib markii Khamiistii Toddobaadkii hore laga soo qaaday Magaalada Gabiley. Dhalinyaradan ayaa laba ka mid ah waxaa la xidhay 22 kii bishii dhamaatay, ka dib markii ay dareenkooda ka dhiibteen su’aalo laga weydiiyay cisbitaalka magaalada Kalabaydh oo daryeelkiisa caafimaad laga deyriyey, halka toban dhallinyaro ah oo u badan Ehelka labada hore ee la xidhay na laga daba-geeyay oo la xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inay waqti habeennimo ah mudaharaadeen. Mid ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la xidhay oo saxaafadda la hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhigga Wiilashooda oo uu sheegay in si gaar ah loo bartilmaamedsaday. “In cid la xidhaa dhib maaha, laakiin, Dhowr arrimoodba waan la yaabnay, kow innamada hore ee la xidhxidhay haddaad eegto hadalkooda wax qof lagu xidho ma ay odhan. Waanad daawan kartaan Youtube-ka ayay ku jiraan waxay yidhaahdeen Wasaaradda caafimaadka waxqabadkeedu ma badna, Cisbitaalka Kalabaydhna wuxuu u baahan yahay shaqaale oo xataa dawooyin yar oo ay dhawaan keentay wasaaraddu cid bukaanka noo siisaa ma joogto. Markaa sababta marka koowaad ba loo xidhxidhay waanu la yaabay,” sidaas ayuu yidhi. Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaa kale oo aanu la yaabnay in dadkii cabashada la weydiiyay ee shacabka ahaa Macalin Khadar Siciid Muxumed iyo Mustafe Axmed Sheekh Maxamed oo kali ah loo bartilmaameedsaday ee Mandheera loogu diray, kii duubay hadii ay danbi tahay cabashadu iyo kuwii weheliyayna loo sii daayay. Ta kale, ee aan la yaabnay waxaa weeye nooca xukunka oo la yidhi waxaad wadeen kicin dadweyne ee lama odhan hadalkiinu been buu ahaa.” Waalidkan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, ”Ta kale, waxaan la yaabnay toban kale oo dhallinyaro ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin labada hore ee xidhanaa ayaa laga daba geeyay oo la yidhi waa dadkii aad kiciseen oo habeennimo ayay mudaharaadeen iyaddoo aan la cadayn oo xaafadahooda uun laga soo ururiyay inta magacyadooda la qorqoray markaa waxaanu is nidhi ma waxay u jeedaan, waxaa la isku xidhayaa Gobolkii Gabiley waad mudaharaadi gaadheen. Ta kale, waxaa la yidhi bil ayaa la idinku xukumay Haddana Gabilay waa laga soo dhaadhiciyay oo bishii kala badh baabay xidhan yihiine waxaa lagala doonayo Mandheera ee Jeelka Hargeysana loogu sii dhixiyay iyana waan ka yaabnay, waxaan u aragnaa in Maayarka Gabiley, Taliyaha booliska iyo Badhasaabku ay kicinayaan dadka.” Dhinaca kale, xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo ah guddomiyaha guddiga Nabadgelyada ee Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay xadhigga dhalinyarada oo dareenkooda ku soo bandhigay bannaan-bax salmi ah oo ay kaga cabanayeen adeegga caafimaad ee cusbitaalka magaalada Kalabeydh. Xildhibaanku waxa uu masuuliyadda xadhigga dhalinyarada ku eedeeyey Maayarka magaalada gabiley. “Waxa Kalabeydh ka dhacay amar-ku taaglayn shacabka loo geystay. Dadka la xidh-xidhay waxay ka cowdeen cusbitaalka oo dayacan iyo baahida ka jirta. Waxa lagu eedaynayaa oo la leeyahay waxay ku mudaharaadayeen madaxweynaha, warkaasna waxba kama jiraan. Mudaharaadka la sheegayana cidiba ma ogeyn ee xadhiga dhalinyarada ayuunbaa lagu warhelay,” sidaas ayuu yidhi xildhibaanku. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddaan ka warramo sida wax u dhaceen, markii hore waxa la xidhay laba macalin, markii dambe oo xilli habeenimo ahna dadkii magaalada ayaa guryahooda loo daatay oo la soo xidhay oo Hargeysa oo daadhiyey, halkaasna waxa looga sii gudbinayaa Mandheera.” Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu soo faro-gelayo arrintan oo uu ku tilmaamay mid ku kooban Maayarka Degmada Gabiley oo uu ku eedeeyey inuu manjaro-habaabiyey cabashada daryeel la’aan caafimaad oo la sheegay inay ka jirto Cusbitaalka magaalada Kala-beydh. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wafti Ka Socda Xukuumadda Somaliland Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Safarkooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Denmark)-Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo. Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm waxa uu ammaanay Xaalladda Soomaaliya, kadib, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen Shirkii Carabta iyo EU-da ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul-wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Denmark. Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia. Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda. Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa. Source
  11. (SLT-Mali)-Hoggaamiyaha kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib ugasoo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay. Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaaran loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen. Muuqaalka, oo Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xiriira geeridiisa, ayaa waxaa xaqiijiyey koox wax korjoogtaysa oo fadhigeedu yahay Maraykanka. Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaas oo gadaal u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaaran oo dalkaas kamid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mindidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata. Qaybo kamid ah dalkaas ayaa wali ka maqan gacanta dawladda. Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa, oo ah sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda ugu xoogga badan jihaad doonka ee JNIM. Hataan ayaa waxaa dalka Mali oo dhan qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xiran cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidmada Faransiiska iyo kuwa Mali. Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkaas. Mr Koufa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), taas oo weerarro joogta ah ku qaadday dalka Mali iyo dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso. Faransiiska, oo horay usoo gumaystay dalka Mali, ayaa waxaa dalkaas ka jooga kumanaan kamid ah ciidamadiisa si ay uga hortagaan kooxaha fallaagada ah. Source
  12. (SLT-Khartoum)-Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee dalka Suudaan, Saadaq Al-mahdi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Al-bashiir inuu xilka ka dego, iyo inuu Mucaaradka la soofadhiisto, si heshiis looga gaadho Faahfaahinta Xilliga Kal-guurka ee lagu soo gebagebeynayo Xiisadaha ka taagan Suudaan. Saadaq Al-mahdi waxa kale oo uu ku baaqay in la qaado Xukunka Degdegga, Alana sii daayo dhammaan Siyaasiyiinta xidhan. Baaqan ayaa yimid, kaadib toddobaadyo ay Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Albashiir ka socdaan dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynuhu Xukun Degdeg ah ku soo rogay dalkaasi. Source
  13. Wararka saakay oo Axad ah naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal amni darri. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday iney faah faahiyaan haddii ay jiraan dad lagu soo qabtay howlgalka. Meelaha qaar waxaa loo diidayaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo xaaladda guud ee magaaladana tahay mid deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan NISA iyo sidoo kale kuwa Danab oo xalay la wareegay madaxtooyada degmada Cadaado ee Galgaduud. Agaasimaha Madaxtooyada galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay Galmudug wuxuu sheegay iney ka xun yihiin arrintaasi una arkaan ku xad-gudub ay waddo dowladda federaalka ah. Wuxuu sheegay in madaxtooyada ay amnigeeda hayeen ciidamada daraawiishta Galmudug, hase ahaatee laga qabsaday, wuxuuna sheegay in halkaasi ay yaalaan Dukumiintiyo aad u muhiim ah oo ay ku shaqeynayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Galmudug.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa digniin u diray golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed ee dhawaan xilkooda la wareegay. Wasiirada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inuu ka sugayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan waxqabadka 100-ka maalin ee soo socda, isaga oo sheegay in la iskula xisaabtami doono. Wasiirada ayuu uga digay inay soo qortaan waxyaabo aysan qaban karin, maadaama sida uu sheegay loo baahan yahay wasiir walbaa qorshaha uu soo gudbiyo inuu ku dhaqan geliyo 100 maalin kadib. “Waxyaabo aadan qaban karin ha iisoo qoran Wasiir walbaa waxaa laga doonayaa inuu soo qoro waxa uu qaban karo 100 maalin kadib, haddii aad soo qoroto waddo ayaan dhisayaa, Isbitaalo ayaan furayaa oo aad sameyn weyso ogow taasi lagaama aqbalayo”. “Waxaa ka wanaagsan inaad dhahdo 100 maalin kadib caagaan ayaan halkaan ka qaadayaa oo halkaa aan geynayaa, laakiin waxaadan awoodin haddii aad soo qorato ogow lama aqbalayo”ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen. Wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada inay si dhow u wada shaqeeyaan, maadaama howlo badan ay hortaalo maamulkiisa, isagoo shacabka ka codsaday inay dhankooda kaalintooda qaataan. Deegaano badan oo ka tirsan Koofur Galbeed waxaa ku sugan Al Shabaab, waana caqabada koowaad ee hortaala Lafta Gareen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  16. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan. Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan. waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan. Source: goobjoog.com
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo Jimcihii ka furmay Caasimadda Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. Source: goobjoog.com
  18. Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaaasi. Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxa ay dhexeysaa labo beeleed oo wada daga deegaankaasi. Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Colaadan oo muddo fog soo jiitameysay ayaa waxa ay salka ku haysaa arrimo la xariira dhul beereed, balse waxaa dib u soo cubooneysay dil shalay ka dhacay Xawaadley. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay wadaan abaabulo xoogan. View the full article
  19. Cadaado (SMN) – Xaaladda magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa saaka dagan, kadib markii xalay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Cadaado Nuur Yarow Xeyle (Shaarba Cade) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa beeniyay in dagaal uu ka dhacay degmadaasi. Waxaana uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka iyo maamulku ay ku qanciyeen maleeshiyaad ku sugnaa xarunta madaxtooyada in ay ka baxaan, laguna guuleystay, kadibna ay la wareegeen ciidamada nabad sugida maamulka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wareesi-gudoomiye-kuxugeynka-caado-nuur-yarow-xeele-shaarba-cade.mp3 View the full article
  20. Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan. Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan. waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-03032019.mp3 View the full article
  22. Cadaado (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qorshaha ciidamada NISA iyo DANAB qeybta 21 aad ay ula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug kuna kala sugan Cadaado iyo Dhuusomareeb ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay ujeedada ka dambeysa in ciidamadaasi la wareegaan madaxtooyada magaalada Cadaado. Maxamed Cabdi Aadan oo ah agaasimaha madaxtooyada Galmudug garabka kusugnaa magaalada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dambeyso qorshaha ciidamada ay kula wareegeen amaanka madaxtooyada. “Waxaa nasiib daro ah in ciidamada DANAB iyo NISA ay weerar ku qaadeen xaruntii Madaxtooyada, halkaasi oo ay joogeen ciidamo daraawiish ah iyo kuwa ilaalin jiray amaanka, ciidamada DANAB oo Gaalkacyo jooga ayaa weerarka soo qaaday”. “Dowladda waxaa ku nasiib daro ah inay ku fashilantay amniga Muqdisho inay sii qalqal geliso amniga maamul goboleedyada, waxaan uga digeynaa in ciidamada la wareegay madaxtooyada ay wax u dhimin agabka madaxtooyada yaalay”ayuu yiri Maxamed Cabdi. Cumar Maxmed Guureeye oo kamid ah masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan Dhuusomareeb ayaa dhankiisa sheegay in ciidamo ay xogtooda hayaan ay la wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado. “Ciidamo horey u joogay ayaa laga wareejiyay amaanka madaxtooyada, waxaana lagu wareejiyay ciidamada NISA qeybta Galmudug,anagaa dooranay in ciidamada NISA ee Galmudug la wareegaan amaanka madaxtooyada”ayuu yiri Mr Guureeye. Xogo Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in ujeedada ciidamada loogu wareejiyay madaxtooyada Cadaado ay tahay gogol xaarka doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Mqudisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto. Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre. Wasiir Ducaale ayaa ka mid ah wasiirada ugu dhow madaxweynahan Soomaaliya, waxaana dadka qaar ay u arkaan inuu yahay lama taabtaan, aan cidna aysan la hadli karin. Si kastaba, Korneel Roobow ayaa sheegay in qaraxyadu ay sii badanayaan, oo ay joogto noqdeen, sidaas darteedna xubnaha mas’uulka ah amniga ay qirtaan fashilkooda oo ay xilka u dhiibaan ka shaqo wanaagsan. Halkaan hoose ka dhageyso Roobow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/SHARIIF-ROOBOW.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com