-
Content Count
207,590 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir. Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda. Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, wasiir kuxigenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed, iyo agaasimaha waaxda tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa goob joog ka ahaa kulanka. Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo. “Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre “Arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu intaasi ku daray wasiir Goodax. Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada waxaa markasta ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta. Puntland Post The post Amar lagu soo rogay Jaamacadaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa samaynaya casho sharafeed balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo horumarinta caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya. Casho sharafta ayaa lagu martiqaaday bulsho badan. Warbaahinta BBC qaybteeda dunida la hadasha ayaa baahisay in casho sharaftaas uu qof kasta oo ka qayb galaa bixinayo $ 180,000 (Boqol iyo siddeetan kun oo dollar), taas oo uu macnaheedu yahay in qofkiiba uu bixinayo $ 180,000 si uu ula casheeyo Raysalwasaaraha. Lacagtan ayaa waxay u dhigantaa shan milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah in qofkiiba bixinayo habeenkaas. Waxa la filayaa in halkaas lagu ururiyo lacag gaadhaysa 1 bilyan oo dollarka Maraykanka ah siloogu caawiyo horumarint caasmadda Addis Ababa. Waxa la qorsheeyay inay cashada ka qayb galaan tujaarta, diblomaasiyiinta iyo weliba madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxaana ay Itoobiya sheegtay in talaabadan looga jeedo si loo xoojiyo in Itoobiya kelideed isku tashato halkii ay deeq shisheeye doonan lahayd. Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa ganacsatada, beesha caalamka iyo dadka caanka ah ugu baaqay inay ka qayb galaan cashadaas “Dhammaan ganacsatada, madaxda ururada caalamiga ah iyo xubnaha diblomaasiyiinta beesha caalamku waa inay ka qayb galaan casho sharaftaas.” Ayaa lagu yidhi qoraalka. BBC waxay sheegtayin Abiy Axmed uu dhawaan iibiyay saacadiisa oo uu siiyay $ 175,000 (Boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo dollar), mar uu ka qayb galay munaasibad loo qabtay mashruuca Ambo ee duleedka addis Ababa oo lagu ururiyay dhaqaale dhan 14 milyan dollar. Qorshahan waxa isticmaala oo caan ku ah siyaasiyiinta Maraykanka si ay murashaxnimadooda ugu urursadaan lacag ay kaga qayb galaan ololaha doorashada. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama casho noocan oo kale ah oo uu sameeyay wuxuu ku ururiyay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar hal maalin ka dib markii uu sameeyo casho qaali ah oo qofkiiba laga qaadayay 30,000 ilaa 40,000 oo dollar (Soddon kun ilaa afartan kun oo dollar), waxaanu Raysalwasaare Abiy Axmed oo isbedelo badan oo yaab leh ka hirgeliyay Itoobiya u muuqdaa inuu doonayo inuu hoggaamin cusub oo dhinacyo badan ku soo kordhiyo qaaradda Afrika. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland iyo Kenya ay u socdaan wada hadalo ku saabsan xidhiidhka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca la dhagax dhigay, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Mashruucani waa mashruuci aynu ka rajo qabnay inuu hirgalo, oo uu meel maro, alxamadulilahaa waa taas la dhagax dhigay, waxaanu rajaynaynaa in sidii loogu tagalay uu u dhammaado, waxaanu rajaynaynaa inuu wax badan ka bedelo dhaqaalaha iyo nolosha dadkaba”. Isagoo ka hadlaya wada hadalo u socda Somaliland iyo Kenya, wuxuu Wasiirku yidhi “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan, Kenya oo qudha maaha, Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamku uu kordhayaa, aadna uu u kobcayaa, Wadamo badan xidhiidh fiican baa noo socda” Source
-
Balcad (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe, aabe ayaa wiilkiisa ku gawracay Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolkaasi. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in aabahan dilka wiilkiisa uu u adeegsaday Toorey uu heystay. Aabahan dilay wiilkiisa oo Sideed sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa koox diimeedka loo yaqaano Takfiir. Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey Cabdulle Macaan Adeerow, ayaa sheegay in Wiilka yar ee la dilay uu hilibka ka soo cunay goob lagu xusayay Ayeeyadiis oo dhimatay, isla markaana meydkiisa laga helay Wabiga dhexdiisa. Waxa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in Aabaha la dilay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen, sidoo kalena Dugsi Quraan iyo masjid ay ku sugnaayeen Jameecada Takfiir la burburiyey. Dhacdooyinkan la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah ayaa ku soo batay Somaliya, iyada oo falal nuucaan oo kale ah ay horey u dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Hay’adda FBI-da Maraykanka waxay sheegtay inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo ” In Ilhaan Cumar la dili doono “ FBI-da waxay sheegeen in qoraalka hanjabaadda lagu qoray derbiga suulli ku yaalla kaalin shidaal, isla markaana ay baaritaan ku hayaan nin lagu magacaabo Barayn Raynis oo lagu tuhunsan yahay inuu qoray farriintaasi. Source
-
Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka. Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday. Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa? Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa. Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim! Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado. Ibraahin Cabdi Maxamed yarea2146@gmail.com Source
-
· Aniga oo ixtiraam weyn u haya ciidamada kala duwan ee Somaliland leedahay, una rejaynaya horumar baaxad leh, waxa aan is lahaa haddii aanu madaxwayne Biixi aqoon durugsan iyo cilmi baaxad leh u lahayn siyaasadaha arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo arimaha dhaqaalaha dalka, waxa aan filayey in uu aqoon u leeyahay maamulka ciidamada qalbka sida ee kala duwan. Waa kala laba in aad askarinimo soo martay iyo in aad aqoon u leedahay siyaasada hagida iyo maamulka ciidamada, wali dunida kama ay dhicin in darajada ciidan ee dal u saraysa laba sarkaal wada xidhan yihiin, labadeenan taliye ee ciidamada milatariga; Nuux Ismaaciil Taani iyo booliska; Cabdilaahi Fadal Iimaan waa isku derajo waxa ayna sitaan labaduba Sareeye Gaas. Inkasta oo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida yahay masuul madani ah oo labis shacab sita, bal xukuumada waxa aan weydiinayaa dalku haddii uu galo xaalad degdeg ah labadan taliye sida ay u kala amar qaadanayaan? Waxani arrimo ciidan maaha waa aqoon korodhsi ee la socda. Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/ ee Xsbiga WADDANI Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Adeega gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye ayaa laga joojiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo aan shaqeyn maalmihii ugu dambeeyey. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in adeeggan uusan magaalada ka shaqeyn muddo hadda toddoba cisho ku dhow. Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta adeeggan, oo ka shaqeynaya magaalooyinka kale ee Soomaaliya, looga joojiyey magaalada Muqdisho kaliya iyo cidda joojisay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dowladda Soomaaliya joojisay kadib markii la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaas ay ka soo dageen, kuna baxsadeen ragii dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre. Xogtan ayaa sheegeysa in saraakiil ka tirsan wasaaradda amniga iyo taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay maamulka Shirkadda ku wargeliyeen in gaadiidkaan aysan Muqdisho ka shaqeyn karin ilaa ay keenaan dadkii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Boqorre oo bishii hore lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir. Si kastaba, xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in joojintan adeeggamn aysan shaqo ku lahayn dowladda, waxayna ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shabaabka ay adeeggan u joojiyeen sababo la xiriira xagga amnigooda, inkasta oo aysan shaacin sababahaas. Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Dhaweeye oo aan la xiriirnay waa ay diideen inay ka hadlaan sababta adeegga loo joojiyey, inkasta oo ay xaqiijiyeen inuu joogsaday balse ay ku gaabsadeen in dhowaan dib u howl-gali doono. Shirkadda Dhaweeye oo dhawaan ka shaqa bilaawday magaalada Muqdisho ayaa waxaa faa’idooyin badan ka helay dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda UK u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka UK, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka UK ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda UK ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee UK u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday. D Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland oo booqday isbitaalka weyn ee Garoowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegay isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan, wasiir ku xigeenkiisa Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay isbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira isbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka isbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu danbayn madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey Kormeerka madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. “Maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 03 2019 waxaa isbitaalka weyn ee Caasimadda Garoowe nagu soo booqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Kormeerka Madaxweynaha ayaa muhiimaddiisu ahayd u kuurgalka xaaladda isbitaalka, runtii Kormeerkaasi si wanaagsan ayuu u qabsoomay, waxaanu cisbitaalka ugu tagnay shaqaale aad u dedaalaya” “Sida aad la socotaan isbitaalka Garoowe waxaa la hirgeliyey dhismihiisa xili hore, waxa uu u baahan yahay balaadhin iyo tayayn dhan-walba ah, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in si dhakhso ah loo balaadhiyo isbitaalka, Isla markaana loo dhammaystiro baahida qalab iyo mid dhismeba” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambayn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey dhakhaatiirta iyo maamulkaba inay masuuliyad gaara iska saaraan shacabka rayid ka ah ee u baahan daryeelidda xaaladdooda caafimaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo booqday isbitaalka weyn ee Garoowe appeared first on Puntland Post.