Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,592
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garbahaareey (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada amaanka maamulka Jubbaland. Kulanka saraakiisha ayaa ka dambeeyay maalmo uun kadib markii ciidamada Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana ugu horeeyay saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan ku wargelin bixitaanka ciidamadooda ee saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun, balse ay ka warheleen kaliya markii ay alaabtooda xirxirteen. Saraakiisha ayaa xusay in shir gaar ah oo arintaasi looga hadlayo inay ku yeesheen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dajiyay qorshaha ciidamada Kenya saldhigyada ay baneeyeen loo buuxin lahaa. Saraakiisha waxaa kale oo ay sheegeen inay diyaarinayaan ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyada ciidamada Kenya ay baneeyeen, gaar ahaan saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Saacado kadib markii ciidamada Kenya isaga baxeen Faxfaxdhuun Al Shabaab ayaa sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano badan. Jubbaland ayaa wajaheysa culeesyo dhanka amaanka ah haddii ciidamada Kenya ay baneeyaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  2. Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu saakay dil ka dhacay. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaada Baledweyne. Koox hubeeysana ayaa toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya. Ragaan hubeeysan ayaa waxa ay dileen allaha u naxariistee Cumar Cabdi Mahad oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan. Sarkaalkaasi ayaa la dilay xili uu ka soo baxay hooygiisa islamarkaasin Uu ku ssiijeeday fariisin ciidamada dowlada aayku leeyihiin magaaladaasi. Ciidamada Booliska ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan cidii falkaasi geeystay. Goobjoogayaal ayaa Puntland Post u sheegay in kooxihii dilka geeystay ay goobtaasi isaga baxsadeen. Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolkaHiiraan ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan iyo qaraxyo la la eegto ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM PUNTLAND POST The post Sarkaal lagu dilay Magaalada Baled-weyne appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay seddex dhaiinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, kuwaasi oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen howlgalada Al Shabaab ee degmada Wadajir, iyaga oo sheegay inay degmadaasi ka fuliyeen falal badan oo lagu qaarijiyay dad kala duwan. Howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay ayaa ahaa mid ay ku guuldareysteen kadib markii damceen inay dileen haweeney Khaad iibineysay oo ah xaaska sarkaal ka tirsan ciidamada booliska. Mid kamid ah dhalinyarada ayaa sheegay in haweeneyda Khaadka iibineysay loo sheegay inay kamid aheyd xildhibaanadii soo xulay baarlamaanka, sidaasi daraadeedna ay ku guuldareystaan inay toogtaan. Labo bastooladood oo ay wateen ayay sheegeen inay u dhici weysay markii ay la kor tageen haweeneyda Khaadka iibineysay, kadibna laamaha amaanka ay gacanta u dhigeen. Hoos ka daawo Muuqaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah maalinta axadda ugu baxaya dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Farmaajo ayaa la filayaa inuu Abiy Ahmed kala hadli iskaashiga Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha gobolka iyo xiisadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Socdaalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku sugnaa dalka Itoobiya, islamarkaana shalay ay isaga iyo Abiy wada tageen dalka Eritrea oo wada-hadallo saddex geesood ah ay kula yeesheen madaxweyne Isiais Afwerki. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliy uu ka walaacsan yahay dhaq-dhaqaaqa Uhuru Kenyatta uu ka wado Ethiopia iyo Eritrea, iyo dacaayad iyo olole ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo uu billaabay Caasimada Online ayaa shalay qortay walaac laga qabo shirka saddex geesoodka Abiy, Afwerki iyo Uhuru ee arrimaha gobolka oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Halkan ka aqri walkaas. Si kastaba waxaa hadda muuqataa in Farmaajo uu qaaday weerar celis uu uga jawaabayo ololaha ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee Uhuru Kenyatta uu ka wado gobolka, xilli xiisadda labada dhinac ay meel-xun gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Somalia:Dhacdo diimeed Uguba oo loo dilay wiil 8 sano jira Dadka deegaanka Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhigay dibadbax rabashado watay oo ay uga soo horjeedeen dilka wiil yar oo 8 sano jir ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaanka. Wararka ka imanaya deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegaya in Ilmahan yar meydkiisa laga helay wabiga kaddib markii sida la sheegay uu toorey ku dilay Aabihii oo ka cadhooday hilib uu wiilkiisa ka soo cunay guriga dad ay ehel ahaayeen. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meydka wiilkan yar oo ka xidhxidhan lugaha iyo gacmaha laga helay wabiga, waxaana uu intaa ku daray in Aabihii uu ka mid yahay firqada Takfiirka oo ah koox diimeed aan raashinka iyo guud ahaanba cunnada la wadaagin dadka intiisa kale. “Wiilkan ayaa la dilay kadib markii uu cunto ka soo cunay guriga ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay.”ayuu sii raaciyay Cali Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadley. Dadka dibad baxa dhigay ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Masjid ay ku cibaadeystaan firqada Takfiirka ee deegaanka ku dhaqan, iyaga oo falkaa uga jawaabaya dilka loo geystay wiilka yar. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka jira walaac xoog leh oo dhinaca amaanka ah, kaas oo ay qabaan shacabka, ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda kadib markii ay kordheen dilalka, qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab. Dadka magaalada Muqdisho ayaa billaabay in ay waqti hore ku xaroodaan guryahooda, waxa ayna magaalada gashay bandow oo aan cidna ku soo rogin. Sidoo kale waxaa jira fariimo mobile-ka la’ iskugu dirayo, kuwaas oo ah wargelin iyo qatarro amni oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho oo dadka la ogeysiinayo. “Fadlan haka bixin gurigaada, hadii aadnan ka maarmin ka fogaaw wadada Maka Al-Mukarama, Liido, iyo meelaha kale oo taargadka noqon kara, isku day in aad waqti hore gurigaada ku soo laabato, ha fariisan maqaayadaha waddo aad mar martay haku noqon, magaalada waxaa soo galay qaraxyo iyo raga wax dila ee Al-Shabaab, aqriso Qur’aanka, Mahadsanid, Alle haku amaansado”, waa fariimaha ay mobilka isugu dirayaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo wajahaya amni darro xoog leh. Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Caasimada Online u sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen hogaamiyaal Al-Shabaab ah iyo dagaalamayaal ka soo baxsaday duqaymaha Mareykanka ee ka socda goballada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in ay haayaan warbixino digniin ah oo ay soo saareen hey’adaha sirdoonka ajaaniibta ah ee dalka ku sugan, kuwaas oo tilmaamaya in magaalada ay soo galeen rag badan oo Al-Shabaab ah lagana cabsi qabo in ay weeraraan xarumo iyo hotelo ku yaala magaalada Muqdisho. Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay halis ku jiraan shacabka gobalka Banaadir islamarkaana aysan jirin cid u maqan oo wax ka qabata amni darrada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay la yimaadaan isbadal amni inta uusan khasaaraha intaan ka badan. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday in ay ka fekeraan amnigooda iyo badbaada nolashooda maadaama ay ku jiraan xaalad halis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah haweenka Khaadka Iibiya oo ka badbaaday weerar qosheysan oo Al Shabaab ay ku dili rabeen ayaa codsi u dirtay madaxda ugu sareyso dalka. Haweeneydaan oo saxaafadda la hadashay kadib markii lasoo qabtay dhalinyaradii isku dayay inay dilaan ayaa sheegtay inay Marduuf Khaadka ah ka raadin jirtay masruufka caruurteeda oo 7 gaaraya. Waxay sheegtay in seygeeda uu yahay ruux kamid ah ciidamada booliska, waxaana ay ka dalbatay madaxda ugu sareyso dalka inay dajiyeen meel amaan ah, maadaama aysan ka fakaneyn Al Shabaab. Dhalinyarada lasoo qabtay ayaa bastoolad la kortagay haweeneydaan waxaana u shaqeyn waayay labo bastoolad oo ay wateen, waxaana kadib qabtay ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa. Seddexda dhalinyarada ah ee lasoo qabtay ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee degmada Wadajir. Hoos ka daawo Muuqaalka Haweeneyda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay sida loola xidhiidhiyay weerarkii daaraha mataanaha ee 9/11 Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawirka lagu dhajiyay baarlamaanka Jamhuuriga ee galbeedka Virginia Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga dukaan ku yaalla xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia. Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada. Sawirka ay Ilhaan cambaareysay oo Jimcadii lagu arkay xarunta baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston ayey ka muuqdeen sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”. Ilhaan ayaa sawirkan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo halista iyada ka dhanka ah Jawaabta ay arrintan ka bixisay ayey ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista. “la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi. “Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”. Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay. Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo. Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska. Qaran News
  9. Hoggaamiyaha kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib ugasoo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay. Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaadhan loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen. Muuqaalka, oo Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xidhiidha geeridiisa, ayaa waxaa xaqiijiyey koox fadhigeedu yahay Maraykanka. Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaas oo dib u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaadhan oo dalkaas kamid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mindidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata. Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa, oo ah sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda ugu xoogga badan jihaad doonka ee JNIM. Hataan ayaa waxaa dalka Mali oo dhan qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xidhan cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidmada Faransiiska iyo kuwa Mali. Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkaas. Mr Koufa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), taas oo weerarro joogta ah ku qaadday dalka Mali iyo dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso. Faransiiska, oo horay usoo gumaystay dalka Mali, ayaa waxaa dalkaas ka jooga kumanaan kamid ah ciidamadiisa si ay uga hortagaan kooxaha fallaagada ah. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka. Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad shacab ah, oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya. Waxa uu wacad ku maray in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan, maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed. “Haddii aan canshuurta na laga qaado waxba na looga qabaneyn, waxaa ballan ah inaan joojino, waana awoodnaa sababtoo ah dadka canshuurta laga qaado waa dakeena, igaarta canshuurta ururisana waa wiilasheena” ayuu yiri Cadde Xasan Cali Gaabow. Hadalka Cadde ayaa qeyb ka mid ah dadaallo iyo olole isa soo taraya oo ay dadka u dhashay Muqdisho uga hor-tagayaan dowladda federaalka ah ee ku dul nool ayada oo aan waxba u qaban una ogoleyn matalaad rasmi ah. Hoos ka dhageyso hadalka Cadde Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada-hadallo hoose kula jirta maamulka Somaliland, xilli ay xiisad ku saabsan badda Soomaaliya, kala dhaxeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in wada-hadallada labada dhinac ay ku saabsan xiriirka waxa uu ugu yeeray “labada dal” Faratoon ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada cusub ay ku saabsan yihii sidii Kenya ay xafiis diblomaasiyeed uga furan lahayd magaalada Hargeysa. “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan” ayuu yiri Faratoon. Kenya ayaa muddo diidaneyd inay xafiis diblomaasiyeed ka furato magaalada Hargeysa, ayada oo diidan inay dhaawacdo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si ka duwan Itoobiya, ma jiraan dad Kenyan ah oo ku sugan magaalada Hargeysa oo safaarad ama qunsuliyad Kenyan ah ay u adeegeyso, sidaas darteed xafiis kasta oo Kenya ay ka furato Hargeysa waxaa loo arki karaa mid arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Dal walba waxaa si aad ah looga ixtiraamaa Haweenka waxey qabtaan jagooyin sar sare waxey qeyb ka yihiin go’aanada Masiiriga ah ee la gaaro, sidoo kale codkooda wuxuu gaaraa meelo fog fog. Hadii aan nahay Haweenka Soomaaliyeed runtii ma helno intaas iyo in u dhaw aad ayaan uga liidanaa ka qeyb galka Siyaasadda dalka, waxaana ugu wacan Bulshadeena Soomaaliyeed oo aamisan in Ragga kale dunida horumarin karaan. Dalal dhowr ah oo dhaca qaaradaha kala duwan ee Caalamka waxaa hogaanka u haya Dumar, xuuqdooda dumarkana iyaga ayaa si gaar ah u ilaaliya kuna matala hadba heerka uu yahay kursiga ay joogaan sidoo kale waxey ku difaacaan xuquuaha Haweenka. Annaga hadaan nahay Soomaali waxaan dalka ka heynaa xilal kala duwan sida Xildhibaan, Wasiir iyo jagooyin kale oo magic u yeel ah. Nasiib darro waxaa noogu filan in Haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku nool aan laga soo xulan dadka xilalkaasi haya, maxaa yeelay ma dareemi karaan dhibaatooyinka heesta haweenka, duruufaha adag ay ku noolyihiin iyo xuquuqdooda oo aysan u doodin. Wasiiradda Haweenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin waxey hoos u dhigtay dadaalkii aan u soo halganay ee heerba heer soo gaaray, waxey ilowday iney nagarab qabato, sidoo kalena ay nagala shaqeyso sidii aan u noqon laheyn haween horumarsan oo xuquuqdooda dhacsada. Wasaaradda ay mas’uulka ka tahay badi waxaa ka shaqeeya haween qurbo joog ah oo Soomaaliya waxba ka aqoon xitaa qaarkood kuma hadli karaan luuqadeena Hooyo iskadaa iney nala shaqeeyaan, sidoo kale waxaa la shaqeeya Rag uu ku fogaaday dumar naceybka kuwaa oo xili walba shirarka ku casuuma dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Marwo Deeqa waxey kaloo ku guuldareesatay iney sharciyadda xuquuqda haweenka u gudbiso Baarlamaanka Federalka tan iyo markii la magaacabay xitaa kama aysan hadlin arrimahaasi, kaliya waxey ka hadashaa arrimaha gudniinka gabdhaha oo hay’do qandaraas kula gashay. Haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa oo si weyn uga soo horjeestay Shir ay Waddo Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin oo Berri ka furmaya magaalada Muqdisho, sababo badan aawadeed. Shirkaas oo haweenka dalka loogu talagay in looga hadlo aayahooda waxaa ka qeyb galaya dadka qurbo joog ah oo ka kala yimid Yurub iyo America una badan haween iyo dhowr Ragg ah oo aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Wasiirada waxey iska indho tirtay dhamaan dumarka Soomaaliyeed ee gudaha kuwa ku nool deegaanada maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho, mana jirto cid berry shirkaas u mataleysa haweenka dalka. Wasiiradda oo lafteeda qurba joog ah ayaa lagu eedeeyay in ay xaqiraad ulakac ah ku sameysay gabdhihii Soomaaliyeed ee dalka xilliyadii adkaa u soo halgamay oo ay ka doordbiday qurbajoog aan dhaqanka Soomaaliyeed iyo halgankii adkaa ee ay gabdhuhu soo galeen waxba kala socon oo ay shirka baritoole ku casuuntay. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuula Shiikh Axmed Gaballe ayaa warbaahinta shalay u sheegtay in wasiiradda Haweenka Deeqa Yaasiin ay tiri “ Guriga Hooyooyinka igu soo wareeji bishiina lacag 5,000 oo doolar ah qaado. Marwo Batuulo wey iska diiday weyna ka xumaatay hadalka wasiiradda, bal kawaran hadii ay heshiin lahaayeen soo halgankii haweenka muu dhinteen? Xubnaha ururka haweenka gobolka ee gobolada dalka oo iyaguna shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in maanta kadib aaney wasiir Deeqa u aqoonsanyn Wasiir Haween . Waxa jirta qeyla dhaan kale oo aad u xooggan oo ka imaneysa dalka dibadiisa kuwaas oo iyaguna sheegay in berri ay qaban doonaan shirar ay uga horjeedaan Wasiiradda oo ay ku tilmaameen in Wasaaraddii ay ka dhigtay NGO-yadii ay la shaqeyn jirty. Wasiiradii hore ee haweenku waxey ka shaqeyn jireen midnimada Ivo walaaltinimada gabdhaha dalka jooga iyo kuwa dibadda jooga laakiin Wasiir Deeqa ay hadda colaad ka dhex abuureyso haweenka dhexdooda. Sidaas darteed haweenka Soomaaliyeed uma baahna in lakala dilo oo lakala qeybiyo waxaan rabnaa wadajir iyo midnimo inaan kuwada noolaano ee fadalan iscasil oo naga hor wareeg. W/Q: Naciima Hassan Gacal Naimahgacal@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Markii la faafiyey qoraalkii uu cinkwaankiisu ahaa FADHI KU DHEREG, rag iyo dumar badan oo Reer Jubbalaan ah ayaa waxa ay isugu direen baraha bulshada. Taasi waxa ay keentay in Xildhibaannada Jubalaan oo tiradooda 80 tameeyo tahay ay maanta u taagan yihiin 10000 (toban kun) oo musharrax. Sababtu waxaa weeye, waxaa la isla fahmay lacagta faraha badan ee musharrixiinta madaxweynuhu ay bixinayaan oo laga yaabo in Xildhibaankii uu uruursan karo ilaa 200, 000 kun oo Doolar oo uu hal mar fakhriga ku tuurayo. Qoraalka FADHI KU DHEREG ka sokow, dadku waa tol oo waxa ay inta la xiriireen ogaadeen lacagaha ay heleen xildhibaannadii Buutlaan iyo qasriyadii ay isla markiiba jeexdeen. Dhacdada yaabka leh ayaa ahayd, in Xildhibaan Jubbalaand oo reer ka dhaxeeyey oo ay u tartamayeen 40 musharrax, shalay lagu dhexdhexaadiyey in nin loo daayo, 39 kala ay qaybsadaan lacagta faraha badan ee codkaasi. Waxaa lagu heshiiyey in musharrax kasta lacagta laga qaado. Maadaama aamminkii uu yaraaday, waxaa la isku waafaqay in Xildhibaanka guri lagu hayo oo uusan iska bixi karin, marka musharrax soo wacana la raaco. Si ay ku dhacdaba, haddii uu dhuunto Xildhibaanku, waxa ay beeshu ku heshiisay in ay garaacaan 39 ka kale oo ay ka soo matajiyaan wixii uu la dhuuntay. Marka la raaco, musharruxu lama faqi karo Xildhibaanka, lacagtana iyaga oo dhan baa kala heshiinaya, markii loo tiriyana horay bay ka qaybsanayaan inta kale. Xildhibaanku iskuma heli karo lacagta iyo jagada. Kismaayo oo dhan baa maanta musharrax Xildhibaan ah, dabadaa la is haystaa, lana is fahan. REER GALMUDUG Galmudug xiisaheedu waa adag yahay. Dadka ugu lacagta badan Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya. Dhaqaalaha faraha ka batay ee Xamar yaalla (mid dawladeed iyo mid shacabba), dadka iska leh waa Reer Galmudug. Ganacsato, Wadajir, UPD iyo Nabad iyo Nolol iyo baloo dhan baa isku hardinaysa. Tuubboyin badan oo dibedda ah baa haddana ku soo burqan doonta. Waxa ay u badan tahay in qiimaha codadku ka sara maraan Jubbalaan. Ilaa 300, 000 Doolar baa la qiyaasayaa in Xildhibaankii dadaaala uu uruursan karo. Qofkii Galmudug Xildhibaan hela, fakhriga in uu tuurayo shaki kuma jiro. Halkaasina ha lagu yaaco. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal. Digniin: Galmudug dilku waa ka fudud yahay ee hadda ka sii feker sidii aad lacagtaasina ku xaabsan lahayd, naftaadana u badbaadsan lahayd. FG: Haddii aad doonayso in aad akhrisato qoraalka FADHI KU DHEREG, ka raadi Faysbuuggayga iyo Balooggayga. Akhri qoraalkaasi xog iyo qish badan baad ka helaysaaye. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-03032019.mp3 View the full article
  15. Haddii boqor buurmadow shalay doortay Gabiley isagoo Ceel-afwayn jooga , maantana uu yidhi Dirka degen Djabouti iyo diredhaba ayaan la bahoobayaa , Daaroodka degen Ceergaabo iyo Xuduna waan ka dul boodayaa , sidoo kale Suldaan Xasan isna lagga qoray inanka Gunbuur ee Cimraan dhashay abti baan u ahay , anigu sidoodaa boodi kari maayee, waxaan leeyahay , Geelasha kasoo arooray kamarooyaan , Bali-cabdale , Winiiq , Dekedda , Ananu ,iyo laku-qotomalay , ee ka wada cabaya Haradda Digeed sidaa ay u wada cabayaan ha u wada cabaan. Udubka Danood iyo xodayo caasha isku haya ee carro iyo ceelba wadaaga ee geelu isugu jiraana sidoodaada ha u wada yaalaan . Udubka cafuuflay iyo cawl ku dhal fadhiya iyo beelaha yoocaale na sidaa ay isugu dhaw yihiin ha isugu dhegenaadaan . Dirka la sheegsheegayana Deegaanka dal iyo duunyaba wadaaga ayaa ka dhawe , West Burco Clan iyo Arab , Ogaadeen ha isku duubnaadaan . Ahmed Guruje Qaran News
  16. Garowe (SMN) – Madaxwaynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u magacaabay taliye iyo taliye ku xigeenka cusub ciidamada ilaalada Madaxtooyadda dowlad goboleedkaasi. Hoos ka akhriso digreetadda View the full article
  17. Kashmir Waa ” Dhulkii Sacfaraanka” Waana “Janadii Arlada” Wakhtigii Gumeysiga Ingiriiska Ee Labadaasi Wadan India iyo Pakistan Meesha Loo Yaqaanay “Jammu Iyo Kashmir” Wuxuu Ahaa Dhul Ka Madax Banaan India iyo Pakistan . Kadib Markii Uu Ingiriisku Ka Baxayey india Iyo Pakistan Waxa Uu Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Ee Madaxa Banaanaa Uu Ka Iibiyey Siduu Ethiopia Uga Iibiyey Dhulkii Somali Galbeed, Boqortooyadii “Mahraja”Ee Uu Wakhtigaa Hogaanka U Hayey Boqor “ Hari Singh” 1947-Dii Ayaa Waxaa Ingiriiksu Siiyey India Xornimo Buuxda, Kadib India Waxay U Kala Jabtay Laba Wadan Pakistan Io Muslim U Badnaayeen, Iyo India Oo Hinduusam U Badnaayeen. Boqorkii Haystay Dhulkii Xorta ahaa’ Ee Jammu Iyo Kashmiir, Ee “ Hari Singh” Waxaa La Kala Dooransiiyey, Inuu Raaco India Ama Pakistan . Boqor “Hari Singh” Markii Uu Talo, Rog-Rogay Waxa U Soo Baxday Oo Aanu Qaatay Go’aan Ah’ Inuu Dalkiisa U Madax Banaanaado, Oo Aanu Labada Dhinac Midna Raacin Oo Dalkiisu Xor ahaado Dadkiisuna Madax Banaanaadaan. Hadaba Dadka Reer Jammu Iyo Kashmiir Ee Boqorkaasi Xukumayey 80% Waxay Ahaayeen Islaam, Waxaanay Qaadaceen Go’aankii Boqorka Ee Ahaa’ Inay Dhulkooda Labada Dhinac Aanay Dhinacna Raacin. dadkii Islaamka Ahaa Ayaa Kasoo Hor-jeestay Boqorkii Iyaga Oo Doonayay Inay Raacaan Kuna Biiraan Walaalohooda Islaamka ah’ Ee Reer Pakistan . Dagaalo Qadhaadh iyo Iska Hor Imaadyo Ayaa Ka Dhex Qarxay Boqortooyadii “Hari Singh” Xukumayey Ee “Mahraja” Iyo Dadkii Islaamka ahaa, Waxaana Dhacay Oo Dhex-Maray Dagaalo Lagu Hoobtay. Dagaaladii U dhexeeyey Boqortooyada Iyo Dadkii Islaamka Ahaa, Ee Reer Jamu Iyo Kashmiir, Ayaa Sii Fool-Adkaaday, Waxaana Dagaalkii Kusoo Biiray Beelo Usoo Hiilo Tagay Walaalohood Reer Jammu Iyo Kashmir Ee Boqorka Dagaalka Kula Jirey, India Beelahaas Waxay Ku Eedaysaa Inay Yihiin Kuwo Reer Pakistana Oo Ay Dawladaasi Soo Hubaysay, Halka Dawlada Pakistana Ay Ku Andacoonayso, Inay Dadkaasi Yihiin Kuwo U Dhashay Goobtaasi Jammu Iyo Kashmir, Se Xaqiiqada Ayaa Ah’ In In Pakistan Ay Hubayn Jirtay Qabaa’iladaasi. Gurmadkii Islaamka Ee Tirada Badnaa Iyo Gulufkii Dagaal Ugu Dambayn Waxaa Laga Xoog Roonaaday Oo Xukunkiisii Dambaska Laga Dhigay Boqor ‘“Hari Singh”, Waxa Uu Firxad Ku Galay Dalka India, Waxaanu U Sheegay India in Dhulkiisii Ay Ka Qaadeen, Muslimiin Ay Dabada Ka Riixayso Dawlada Pakistan . India Ayaa Kansho Ka Heshay Halkaasi, Waxaanay Boqorkii U Sheegeen Inay Garab-Buuxa Siinayaan, Laakiin se Isaguna Uu Kusoo Wareejiyo Si Shuruud La’aana Dawladiisii Jammu Iyo Kashmir, Boqor Hari Waxa Uu Si Shuruud La’aana U Saxeexay Heshiiskii, Ahaa In India Uu Ku daray “Jammu And Kashmir”, Waxaanay India Soo Qaaday Dagaal Kaasoo Ay Ku Difaacayso Dhulka Lagu Daray Ee Jammu Iyo Kashmir, Waxaanay Dagaalkaas Ka Bilowday Caasimada,Dalkaasi Ee “Srinagar”, Waxaanay Wiiqeen Ciidamadii India Awoodii Beelahii Is Bahaystay Ee Islaamka ahaa, Waxaana Laga Qabsaday Meelo Badan Oo Uu Ka Mid Ahaa, Airtportkii Caasimada Iyo Goobo Kale,Oo Muhiima. Pakistan Markii Ay Aragtay In Laga Awood Batay Beelihii, Ayaa Waxay Sameeyeen Baaq Kaasoo Ay Ku Iclaamiyeen Inaanay Suuro Gal Ahayn, In Dhulkaas Iyadoo Aan Dadkii Afti- Loo Qaadin In Boqorku Siiyo India . Pakistan Baaqeedii Cidi Uma Joojin Ee India Dhulkii Ayay Kusii Fiday Waxaanay Awoodeedii Ciidanba Isugu Gaysay Qabsashada Dhulkaasi Boqor Hari siiyey, Qabaa’ilkii Islaamka Ahaa Ee Pakistan Hubayn Jirtayna Dagaalkii Iyo Difaacay Ay Kula Jireen Ciidamadii India Way Sii Wadeen, Pakistaan Ayaa Yaqiinsatay Inaanay Qabaa’ilkani Iska Dhicin Karayn Quwad Dawladeed Oo Hor-leh, Waxaanay Pakistan Kasoo Baxday Daaha-Dabadiisii Iyadoo Si Toosa Dagaalkii Ugu Soo Biirtay, Kuna Anadcoonaysa Inay Xuduudaheeda Difaacanayso. dhanka Kale India Ayaa Iyana Diiday In Cod-Aftiya Loo Qaado Dadkaasi Maadaama Ay Pakistan Qayb Kamida Haysato Dhulkaasi. Markaas Xabad Joojin Ayaa Dhacday Waana La Dhex Galay, Laakiin India Ayaa Qabsatay Dhulka Ugu Badan, Ee Dalkii Jammu iyo Kashmir, Halka Pakistan Iyo Qabaa’ilkeedii Ay Qabsadeen Qayb Yar. Kadib Dagaalo Googoosa Oo Qadhaadh Ayaa Dhacay, Dhexmarayna Labada Dal, Dagaaladii Ugu Waaweynaa Es Sadexda Ahaa, Waxa Ay Dheceen, Sanadihii 1948-1965-1971, Dagaalkaa Dhacay 1971-dii Waxa Uu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Pakistan Ay Ka Goosteen Barigeedii, Waxaanu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Labada Dal-Dhexmaray. Waxaana Samaysantay Xuduud U Dhaxaysa Labada Dal,Waxaana Lagu Magacaabaa “LOC” ( Line Of Control). Intii Labadan Dal Is Haysteen, Waxay Qasaareen Labadooba Qaybo Kamida Dhulkoodii. – India Intii Ay Dagaalkan Ku Jirtay Waxaa Ka Faa’iidaystay Fursadna Ka Heshah Dalka Shiinaha , Waxaanu Sanadkii 1962-Dii Ka Qabsaday Qayb Kamida Dhulkii Laysku Haystay, Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxaanu Qabsaday 20%, Qaybtii India , Shiinuhu Dhulkaa Ilaa Iyo Maanta Waa Uu Xukumaa Sidaas Ayaanu Ku Qaatay. – Pakistan , Waxay Qasaartay Oo Ka Go’day Sanadkii 1971-dii Dhulkeedii Bariga Pakistan Oo Hada Loo Yaqaan Bangladesh . Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Waxa Uu U Kala Qaybsamay, Sadex Qaybood, 1- India 45% 2- Pakistan 35% 3- China 20%. •— Qaybta India _____________________ Qaybta India Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxay U Samaysay Maamul U Gaara Gobolkaasi, Waxaanay U Kala Qaybisay Sadex Qaybood, Oo Ay Kala Sooceen Kala Maamulna Ka Dhigeen, Kuwaasoo Kala Ah’ 1- Jammu:- Qaybtan Jammu Dadka Degani 70% Waa Dad Haysta Diinta Hinduuga, Si Kasta Oo Ay Dhib Iyo Horumar La’aani U Haysato, Walow Aanay Dhibtu Ku Badnayn, Hadana Waxay Taageersanyihiin, Inay Kamid Ahaadaan India , Waxaana Degan Dad Lagu Qiyaaso Ilaa Laba Milyan “2M” 2- Ladakh:- Qaybtan Ladakh Waxaa Degan Dadka Haysta Diinta Budhiistaha, Waana Qaybta Dadka Ugu Yari Ku Nool yihiin 500,000 Oo Qof Ayaa Ku Nool, Waana Qayb Aanu Qaskeedu Badnayn Maadama Ay Dad Kooban Yihiin, Walow Ay Horumar La’aan Baahsani Ka Jirto’ Waana Ummad Baqda Oo Hindida Taabacsan Inay Kasii Mid Ahaadaan. 3- Kashmir:- Qaybtan Kashmiir Waa Qaybta Dadka Ugu Badani Ku Nool yihiin, Waxaana Ku Nool 4-Milyan Iyo Badh Ilaa 5-Milyan, Waana Dad Haysta 96% Diinta Islaamka, Waa Qaybta Ugu Qaska Iyo Qalalaasaha Badan, Waxaana Ka Jiray Jabhado Badan Oo Islaamiya, Isla markaana Doonaya Una Dagaalamay Inay Ku Biiraan, Dalkoodii Pakistan , Halka Qaarna Ay U Dirirayaan Una Dagaalamayaan Inay Helaan Gooni Isu Taag, Oo Ay Dalkoodii La Qaybsaday Soo Ceshadaan. Ilaa 15-Jabhadood Iyo Sideed Xisbi Siyaasadeed Oo Xora, Ayaa Ka Jira. Waxa Ay India Qaybtan Kashmiir Ka Samaysay Wershado Sameeya Maryahay Suufka Ah’ Ee Qaaliga Ah’ “ Pure Kashmir Wool” Iyo Sidoo Kale Goobo Waaweyn Oo Ay Yaalaan Makiinado Lacagta Lagu Sameeyo. Waxaana Ka Jira Oo Dastuurka Dalkaasi India Ku Qoran In Lagu Tacadiyi Karo Dadkaasi, Waxaa Jooga Ciidamo Si Khaasa Dawlada India Ugu Tababartay Oo Halkaasi Ka Geysta Dhibaatooyin, Kufsiyo, Caga juglayn, Xasuuqyo, iyo Xadhig, Waana Ciidan Dhan “1-Milyan” Oo Ciidana, Oo Si Gaara U Tababaran, Si Ay Dadka U Cabsi Geliyaan. •—Qaybta Pakistan ____________________________ Qaybtan Pakistan Maamusho, Waa Qayb Xor’ Ah Oo Maamul U Gaara leh’ Waxaana Lagu Magacaabaa “Azad Kashmir” ( Kashmiirtii Xort Ahayd) Waana Qayb Haaddi Ah Oo Degan, Walow Ay Woxoogaa Horumar La’aani Ay Ka jirto Hadana Waa Deegaan Xornimo Buuxda Haysta. Se Magac Ka Duwan Ayay U Yaqaanaan Hindudu Qaybta Ay Pakistaan Haysato, Waa Magaca “Pok” ( Pakistan Occupied Kashmir) Qaybta Kashmiir Ee Pakistan Xooga Ku Haysato. •—- Qaybta China ___________________________ Qaybtan Uu Shiinuhu Haysto Waa Dhul Buuralay Ah’ Waxaana Ku Nool Dad Aan Badnayn Waxaana Loo Yaqaanaa “Aksai Chin”, Waana Dhul Qurux Badan, Oo Dawlada Shiinuhu Aanay Xoriyad Siinin Dadka Tirad Yar Ee Halkaa Ku Nool, Waana Dad Haysta Diinta Budhiistaha Se Wax Cabudhin Ahi, Kama Jirto, Walow Aanu Horumar Badani Ka Jirin. Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dalalka Hindiya Iyo Shiinuhu Sanadihii 1993- 1996- “ Locc” ( Line Of Actual Control) Ayaa Ay Ku Heshiiyeen Inay Xuduudaas “Locc” Samaysteen, Xuduudaas Oo Aanay Isu Soo Dhaafi Karin, Labada Dal, Dadku Se Isu Tallaabi Karaan, Munaasibadaha Diimaha, Iyo Ganacsigaba, Wada Wadaagi Karaan, Waana Sababta Keenta Inaan India Iyo China Dagaal Ka dhex Dhacin Marnaba, Oo Heshiisyadaa Ayaa Dabraya, Halka Pakistan Iyo India’na Ay Dhex Maraan Dagaalo Iyo Colaado Joogta ahi’ Oo Ah’ Ta Maanta Ka Taagan. Kashmir Waxa Uu Islaamku Soo Gaadhay Dabayaaqadii Qarnigii Koowaad Ee Islaamka Ee Tirsi Taariikheedka Hijriyada, Waxaana, Qarnigii Sideedaad Ee Tirsiga Hijriyada, Waxaa Amiir Ka Noqday Kashmir, “Bel-Bel Shah”, Ugu Dambayn Waxay Ku Yeesheen Islaamkii Boqortooyo Xoog Badan. Dhulkan Ayaa Ah, Dhul Aad U Qurux Badan Joog Sare Ku Yaal, Lehna Buuro Aduunka Kaloo Dhan Ka Sareeya, Waa Dhul Aad U Udgoon Oo Udug, Waxaana Guud Ahaan Ka Ura Geedka Sacfaraanka Dhulkan Dhamaantii, Waana Dhul Barafley’ Ah, Taariikhyahanadu Waxay Ku Tilmaamaan “Janadii Arlada”. W/Q: Fadxi Garaad ciise Fadxi Greenford cont: Aqoonyahanfadxi@gmail.com or 63- 4001631 Qaran News
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa agaasime iyo agaasime ku xigeen cusub u magacaabay madaxtooyada Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa agaasimha guud ee madaxtooyada lagu magacaabay Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo ka soo shaqeeyay hay’adaha sama’falka gaar ahaanna hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children. Sidoo kale agaasimaha ku xigeenka madaxyooyada ayaa loo magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle oo isna ka soo shaqeeyay ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA. Dikreetooyin is xigay oo saacado kooban madaxeweynuhu soo saaray ayaa hoggaan cusub loogu magacaabay taliska ciidanka iyo agaasinka madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo agaasin cusub u magacaabay madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  19. Inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii been badane ee DPW. aniga oo weliba sii tixraacaya tixdii iyo tiraabtii laynoo laqimay sanadihii la soo dhaafay kuna bishilaaya hadal haynta maalmahan ee Berbera Corridor iyo hadaaqa bulshada bal aynu tooshka ugu yara ifino shacabkan lagu dhego barjeeyey beentii beentu saarneyd ee ay mikirifoonada kaga adimi jireen Xilwadeenadii Xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye mudooyinka hoos ku taariikheysan: Yaab ! Taariikh 9/05/2016 ilaa 8/9/2017 Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.Laakiin waxaa Dekeda gelaaya $242 Million oo qudha Kuye Xaqal qalinku wuxuu noqday $15 million kaas $10 million uu caash ahaa, $5 Milliona aynu Dekeda ku kireynay sanad kasta Lay’e Shirkada DPW waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano Kuye’ Somaliland waxay Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekedeena oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh. Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku qiimaysay qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya, Saldhigana mashaariic ayeynu dhaafsanay.. Kuy’e 65% Saamiga waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland Lay’e Gudida Maamuli doonta Dekadu waxay noqon doonaan 7 xubnood oo 5ni waa DPW 2na waa BPA Somaliland Kuye Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaceeda Berbera Port Operation Company ( BPOC) Kuye Dekedii hore ayaa laynoo qalabaynayaa Deked cusub oo 800M ahna waa laynoo dhisayaa – Goorma ? Kuye shirkadda macaash doonka ah ee DPW waxay Dekeda Berbera la wareegaysaa 1/3/2017 Kuye Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareynta Guud ee Dekeda. Lay’e Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba mar si ay ula tar-tanto Dekedaha dalalka deriska ah Lay’e xaga sharciga (Govering law ) hadii khilaaf yimaado, waxaa laysla adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka dawlada Ingiriiska Inaas oo qodob oo laynagu dhego barjeeyey waxay wada noqdeen waxaan jirin ! Taariikh 1/3/2018 – 25/11/2018 Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisuba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaaya oo indho sarcaad ah ! Kuye 1/3/2018 waxa heshiis sadex geesood ah kala saxeexday JSL, DPW iyo Dawlada itoobiya Kuye Saamiyada waxaa loo kala yeelanayaa 51% DPW, 30% SL, 19% dawlada itoobiya. Laye Gudida maamuli doonta maareynta Dekedu waxay noqonysaa 9 xubnood oo 3 xubnood ayaa Somaliland yeelanaysaa Ogow hada mar kasta sheeko xariirta waxay inoogu bilaabaan in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso lacag dhan $442 Million Kuye wejiga hore waxay DPW inoo maamulaysaa mudo sanad ah, taasoo ay marka ay ka faai’daan lacag badan wejiga labaad bilaabi doona. Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera wuxuu noqon doonaa lacag dhan $230 Million ! Kuy’e DPW waxay Suuqa xorta ( Free Zone ) u qoondeysay in ay ku baxdo lacag dhan $25 Million ! Lay’e Dawlada Itoobiya waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion! Laye Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan $80 Million ? Kuye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa lacag dhan $240 Million? Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa badan oo waxay awoodaa in ay bixiso $7 million oo qudha ? Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusub ee itoobiyana ku saleysan yahay. Sidee loo aaminayaa Shirkada Macaashdoonka ah ee DPW hadii aanay Hirgelineyn wixii hore loogu heshiiyey ? Taariikh 25/12/2018 – 28/2/2019 Kuye Dekeda Berbera Kiradeedii Miisaaniyada laguma darin Waayo waynu sii qadimanay oo busaarad iyo abaaro ayaa dalka ka dhacay. Kuye Shirkadan hada maamusha Dekeda Berbera waxaa loo bixiyey magaceeda DPWorld Berbera – oo tii hore meeday? Kuye Xubnaha boodhka ee Shirkada DPWorld Berbera waxay ka kooban yihiin imaaraati iyo Somaliland oo keliya oo itoobiyan kuma jiraan- Yaab ! Kuye Saldhiga Berbera maynu kireyn oo waxay ku bedelanay Madaar iyo Wadada Berbera Corridor- Wadadee dee ma kab-kabka ? Yaabka Yaabkii ! Laye ururka midowga yurub ayaa isna bixinaya lacag dhan $30 million oo wada Berbera Corridor lagu dhisi doono- Waar kab kabku lacag badanaa ? Kuye Dhismaha Wadada Berbera Corridor wuxuu bilaabmi doona 15/3/ 2019 Waxaana ay ku dhamaanayasaa mudo 22 bilood ah. Kuye Wadada Berbera Corridor dhererkoodu wuxuu noqon doona 250 Km oo keliya oo kab kab wadadeenii hore ah – Yaab !! Kuye hadana wadada Berbera Corridor dhererkeedu wuxuu noqon doonaa 245 Km , 21 Km oo bay baas ah iyo 7 biriish oo cusub. kala hadal badanaa duulku !! Kuye lacagta ku baxaysa Wadada Berbera Corridor waa $111 million oo $90 million uu imaaraatigu bixin doono $21 million ingiriiska ayaa bixin doona. Waxay inoogu soo khatimeen maanta in aanay jirin wax wado cusub ah oo la inoo dhisaayo ee wadadeenii hore la inoo kab kabaayo inta barwaaqadu bilaabmayso. Gebagebo : Muxuu hadal qiimo leeyahay! mar haddii kolba filim aynu hore u daawanay laynoo shidaayo oo aan badka la soo dhigayn wixii lagu heshiiyey oo dhameystiran oo Xaliiban oo qiime sugan wata kuna mudeysan waqtiga la bilaabayo, waqtiga uu dhamaanayo iyo cida masuuliyadeeda qaadatay intaas ayaa laga la’yahay Xukuumadan Kulmiye ee kala hadleysa. Hadii aan la hirgelin Wado cusub sidee baa loo aaminayaa looguna kal soonaanayaa Heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen ?? Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa taliye iyo taliye ku-xigeen cusub u magacaabay ciidanka madaxyooyada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa taliyaha ciidanka madaxtooyada lagu magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/shaanle Mu’min Cabdi Shire. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo taliye iyo ku xigeen u magacaabay ciidanka madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  21. Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo shir muhiim u ah gobolka ay ku yeelan doonaan. Labada mas’uul ayaa kasoo kicitamay Magaalada Addis Ababa, iyada oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maalmahaan ku sugnaa Asdis Ababa, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in saddexda mas’uul ay yeelan doonaan shir madaxeed looga hadlay arrimaha gobolka iyo sidii dalalkooda ay iskaashi u yeelan lahaayeen. Si kastaba, waxaa kulankan ka maqan oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Kulan madaxeedyadii hore oo ay ka maqnaayeen madaxda Kenya iyo Jabuuti, ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya lagu soo daray, hase yeeshee ma cadda sababta Eritrea iyo Ethiopia ay iskaashi ula sameysanayaan Kenya keligood, maadaama iskaashigii hore ay Soomaaliya qeyb ka ahayd. Sidoo kale, kulamadan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay islamarkaana Kenya ay raadineyso dalal ay xulafaysato, si ay dagaalka diblomaasiyeed ee Soomaaliya ugu guuleysatay. Dadka fallan-qeeya arrintan ayaa rumeysan in tani astaan u tahay in Farmaajo markii horeba ku deg degay inuu saaxiib la dhigto oo uu iska aamino dalal Soomaaliya cadow ku ah, mudana ka shaqeynayey burburkeeda. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka maqnaanshaha Farmaajo ee kulamadan ku macneeyey siyaasadda arrimaha dibedda dalka oo aan fogaan arag ah. “Sedax Geesood kale. Siyaasada Arrimaha debeda fogaan arag, dheelitirnaan, xilkasnimo iyo dan xeerin ayey u baahan tahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale, Aqoonyahan la hadlay Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu farriin u yahay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo gooni oo riixayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika, Günter Nooke. Ugu horeyn, Günter ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka. Farmaajo iyo Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka. View the full article