-
Content Count
207,590 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Gambadhe ee gobolka Sool
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka ka imaanaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii jabhadda SSC ay weerar jid-gal ah u dhigtay cutubyo ka tirsan militariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe. Ilo’wareedyo kala duwan, oo warbaahinta Puntland Post la hadashay, ayaa xaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho dhaawac oo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale waxa la sheegaya in gaadiid iyo hub lagu kala qabsaday dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland post The post Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Gambadhe ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post. -
Magacyada 12Dhalinyaro Ah Oo Maamulka Gobolka Gabiley Kasoo Xidh Xidheen Magaalada Kalabaydh, Loona Dhaadhiciyay Jeel Madheera Bilaa Xukun! Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Kalabaydh Oo Lafilayo In Ay Isku Soo Baxyo Kaga Dareen Celiyaan Xadhiga Iyo Tacadi Maamulka Gobolka Gabiley Kula Kaceen 12 Dhalinyaro Ah Iyo Dareenada Ku Xeeran! GABILEY() Maamulka gobolka gabiley ayaa magaalada kalabaydh kasoo xidh xidhay dhalinyaro tiro badan kuwaasi oo aanay shaacinin dambiga loo hayso iyo waxa ay ku mutaysteen iyadoo aan la marin wax maxkamada in loo soo gudbiyo jeelka magaalada madheera ee gobolka saaxil. Xadhiga 12 dhalinyaro ah oo kamida dayarta magaalada kalabaydh ayaa lasoo xidh xidhay wakhtigii madaxwaynaha Somaliland socdaalka ku tagay gobolka gabiley ugana sii gudbay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal Ee Boorama. Arinta xadhiga dhalinyrada ayaa imanaysa kadib markii madaxwaynaha Somaliland kasoo guryo noqday safarkii uu ku tagay gabiley iyo boorama, Wararka aanu ka helayno xadhiga dhalinyarada ayaa tibaaxaya in maamulka gobolka gabiley dhalinyarada ku eedaynayaa in ay damacsanaayeen in ay ku mudo,haraadaan waftiga madaxwaynaha balse majirto ficil dhacay oo bulshadu muuqaal iyo arag midna marag kaga tahay, marka laga reebo maamulka iyo ficiladan ay kula kaceen dhalinyarada reer kalabaydh, Sidoo kale maamulka gobolka gabiley ayaa taa badalkeedii ka dhigay in dhalinyarada ay lagu soo qaaday go,aan ay sheegeen inay gaadheen gudi nabadgalyo oo aan lahaynin sharciyada ay wax ku xukumi karaan iyo jiritaankoodaba. Talaabadan ay maamulka gobolka gabiley ku xidh xidheen dhalinyarada iyo go,aanka loogu dhaadhiciyay jeelka madheera ayaa noqotay mid amakaag iyo fajac ku riday bulshada ku dhaqan magaalada kalabaydh iyo guud ahaan gobolka gabiley Dhanka kale talaabadan ay maamulka gobolka gabiley ku kaceen kana soo horjeeda sharciyada dalka iyo habdhaqanka xukuumada Somaliland, ayaa laga cabsi qabaa in ay keento kacdoono lagaga soo horjeeda xukuumada Madaxwayne Muuse biixi oo bulshada gobolka gabiley ku lahayd taageero balaadhan, Waxaana lafilayaa in ay maalmaha soo socda keento kacdoono lagaga soo horjeedo xadhiga dhalinyarada iyo tacadiga ay kula kaceen maamulka Gobolka gabiley taasi oo halis galin karta isku socodka gobolada galbeedka iyo guud ahaan abniga dalka. HALKANKA AKHRI MAGACYADA DHALINYARADA AY MAAMULKA GABILEY SUFAHA SHARCIDARADA KU XIDH XIDHEEN ISLA MARKAANA IYAGA OO AAN WAX XUKUN IHI KU DHICIN LOOGU DHAADHICIYAY JEELKA MADHEERA, 1; Mustafe Axmed Sh. Maxamed 2; Ismaciil Axmed Sh.Maxmed 3; Khadar Sicid Cabdi 4; Muxuyadiin Sicid Cabdi 5; C/laahi Cali Idiris 6; Liibaan Cabdi faarax 7; Muxuyadiin Cabdi Faarax 8; Xamse Maxmed Muuse 9; Warsame maxamed yusuf 10; Mustafe Maxamed Aaden 11; C/qaadir Maxamed Daahir 12; Axmed Aaden Cilmi. Qaran News
-
Several Kenyan police officers are feared wounded on Sunday evening after the vehicle in which they were travelling in ran over an improvised explosive device (IED) in Garissa country near the Somali border. A local resident confirmed the incident took place between Hagardere and Amume, located on the outskirts of Garissa town, northeast of Kenya. He said the vehicle ran over the IED leading to a blast and injuries. It was badly damaged. It is believed that the explosive was set up on the road by al-Shabab militants operating in the area which is near to the Kenya-Somalia border. Al-Shabaab staged a string of attacks in Kenya, including the April 2, 2015 massacre at Garissa University that left 148 students dead and a 2013 assault on Nairobi’s Westgate shopping mall that killed 67. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen dhismaha Hotel Maka Al Mukarama Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo burbur xoogan oo oo gaaray dhismayaasha ku yaalay hareeraha goobta ay wax ka dhaceen. Hay’adda gargaarka degdegga ah ee Aamin ambalaas ayaa shaacisay tiro-koobka dhaawacyada iyo dhimashada weerarkaas, waxaana qoraalka Hay’adda ku sheegtay in tiradaan Khasaaruhu kabadan karo, balse ay soo bandhigeen inta ay u suuragashay in magacyadooda helaan, lana geeyey Isbitaalada. Ku dhawaad 140 ruux ayay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay marka loo eego warbixinta ay soo bandhigtay Hay’adda Aamin Ambulance, waxaana kamid ah Cabdullaahi Aadan Maxamed Axmed Fardowso Cismaan Nasteexo Daahir Qadar Maxamed Siciid Cabdulqaadir Axmed Cismaan Raxmo Shiiq Siciid Shiq Cabdi Yare Siciid C.salaam Cabdiqani Cismaan Axmed C.risaaq Axmed Xaashi Deeqo Daahir Cismaan Ibraahi Da Cali Guuleed Ibraahin Cilmi Faarax Nuir Cabdikariin Xuseen Deeqo Maxamuud Najmo Aweys Cawil Aadan Abuukar Macali Cabdiqaadir Xasan Cabkariin Faarax Qeys Muxiyadiin Mustaf Ibraahin Mustaf Cali Maxamed Maxamuud Cali C.qaadir Axmed Cali C.nuur Shariif Maxmed C.qaadir Maxamed Abukar Askar Dhaqane Rooble Maxamed Maxamuud Siciid Ibraahin Maxamed Yuusuf Cabdulaahi Faarax Maxamed Cabdiraxmaan Cali Xersi Cabdinuur Cismaciil AbuukarbCalo Maxamed Maxamed Maxamuud Cali Maryan Muriidi Cismaan. Ali Ibraahin Maxamed Xuseen Maxamed Maxamuud Axmed Maxamed Jimcaale Yoonis Cabdishakuur Cali Dhaqane Rooble Xalane Xuseen Muuse Mayow Maxamed Munye Xaaji Mahdi Maxamed Axmed Abdulahi Faarax Maxamed Dalamar Siciid Najiib Xuseen Axmed Ibraahin Maxamed Yuusuf Siciid Abdirahman Adan Faadumo Cali Xersi Cabdi siyaad Maryan Cabdi Cismaan Abdirahman Dhaqane Sharmaarke Maxamed Yuusuf Macali Maxamed Xuseen Isaaq Xasan Cismaciil Maxamed Ibraahin Faadumo Xasan Yuusuf Leylon Salaad Calasow. Maxamed Xersi Iidle Xaliimo Maxamed Dhaqane Ibraahin Maxamed xuseen Cismaan Maxamed Yusuf Ciise Xqsqn amaxamed Liibaan Cabdi Siyaad Maxamed C.laahi Mustaf Maxamed Abdulahi Mire Shame Qadar Cabdi Daahir Salaad Maxamed Axmed Kulmiye Deeqow Iidle Ayuub Cabdi yare Cali Abanuir Daarushifa Abdulahi mire Cismaan Caqilo Cabdulahi Bile Maxamed Siciid Saleebaan Cismaan Cali Aadan Aadan Axmed Farax Muqtaar Shiq Cali Amaxamed Cabdinur Xuseen C.kariin Bashir Xaaji Maxamed. Maxamed C.laahi Yuusuf Maxamuud C.qaadir Nayow Abdulahi uusuf Muuse Axmed cali Maxamed Cabdirashiid aisaaq Eenow Deeqo Nur Maxamed Labis Axmed Abtidoon Deeqo Maxamed Siciid Cumar Ibraahin Maxamed Ruqiyo Bishaar C.lahi Xuseen Muuse Mayow Xuseen Jabriil Maxamuud Ruqiyo Muriidi Aweys Abuukar C.qaadir Aweys Cadulqaadir Aweys Muriidi Abuukar C.qaadir Muriidi Abuukar Cumar Aweys .Nuur Iimaan Xuseen Ceyni Maxamed Axmed shaale Cibaar Nastexo Yuusuf axasqn Xuseen Axmed Afrax imcaale maxamed Tifow Maxamed Siciid Saleebaan Cali C.laahi Bile Maxamed Tashade Xasan Maxamed Xersi Dhudi .Xabiibo C.laahi Dirir Farxaan Aadan Maxamed Maxamed Rafiiq Luibaan Cabdi Siyaad Abdirizaq C.qaadir Raage Siciid Nuur Faarax Naciimo Qaliif Salaad Kalkaal Cumar Axmed Diiriye Cabdulaahi Xuseen Cabdullaahi Maxamed Yuusuf (Dhimasho) Abdulahi Maxamed Yuusuf (Dhimasho) Abdisalan CabdibDiiriye (Dhimasho) Mohamed Shiiq Cidmaan (Dhimasho) Abdirihin Cali Cismaciil (Dhimasho) Abdisamad Gurey Saleebaan (Dhimasho) Cismaciil Aadan Cismaan (Dhimasho) Abdihakin Cali Doob (Dhimasho) Leylo Xasan Cismaan (Dhimasho) Cismaan Ibraahin Caalin (Dhimasho) Xuseen (Dhimasho) Ahmed Abuukar Cumar (Dhimasho) Maxamed Shiiq (Dhimasho) A/Casiis Axmed Abuukar Cumar (Dhimasho) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo paid a visit to some of the citizens wounded in Maka Al-Mukarama double car bomb attack last week. The Monday morning visit to Madina hospital comes as paramedics pulled out the body of an infant from the rubbles of the debris of the blasts. Madina hospital director, Doctor Mohamed Yusuf briefed the president about the medical records on the patients. The head of state talked to some of the victims at their hospital bed while wishing them quick recovery. President Farmajo thanked the medics at the main hospital for their efforts to save the lives of Somalis. The Farmajo government has earlier pledged to airlift citizens affected by the Friday attack that may need further medical attention abroad. According to the latest reports by Amin ambulance, more than 150 people were affected by the recent attack claimed by the armed group al-Shabaab. At least 25 people have been killed according to the paramedics while 130 others were wounded. View the full article
-
The Amir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani and Deputy Amir Sheikh Abdullah bin Hamad Al Thani sent yesterday cables of condolences to the President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo, on the victims of a car bomb explosion that took place in the capital Mogadishu, wishing the injured a speedy recovery. The Amir also condemned the explosion, stressing the State of Qatar’s firm rejection of violence and terrorism regardless of the motives and reasons. Qatari Prime Minister and Interior Minister Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani also sent a cable of condolences to the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khaire. View the full article
-
Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane; Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan. Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan. Mudane; Mursal, ayaa sidoo kale qudbaddiisa kaga hadlay xaaladda Dalka Falastiin iyo dhibaatooyinka degaannadooda ka jira, wuxuuna sheegay in ay yihiin Dad xaq u leh in ay yeeshaan Dowlad xarunteedu tahay Magaaladda Qudus. Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dedaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirra geliyay in ay sii wadaan taageeradooda si Dowladda Soomaaliyeed ay uga mira dhaliso horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsatay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho. Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada ah, iyadoo loo wajahayo hab kasta oo lagaga hortagi karo, si Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka oo dhan ay u noqdaan meelo ka caaggan nabad-diidka oo aysan gabbaad ka dhigan. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta. View the full article
-
(SLT-Washington)-Xildhibaannadda ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay sawir la xiriirinayay weerararkii daaraha mataanaha ee Mareykanka lagu burburiyay 9-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Sawirkan muranka dhaliyay ayaa lagu dhajiyay darbiga dukaan ku yaalla xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia. Ilhaan Cumar oo arrintan ka carootay ayaa sheegtay in “Sawirkaas muslimiinta looga soo hor jeedo ee lagula xiriiriyay argagixisada” uu dhiirri galinayo handadaad iyo qalaalse ka dhan ah iyada. Sawirka ay Ilhaan cambaareysay oo Jimcadii lagu arkay xarunta baarlamaanka Jamhuuriga ee magaalada Charleston ayey ka muuqdeen sawirka Ilhaan oo ay ka dambeeyaan daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, iyadoo lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”. Jawaabta ay arrintan ka bixisay ayey ku sheegtay in sawirka noocan ah uu yahay sababta ay bartilmaameedka ugu ahayd halista. “la yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo’, ayey tidhi. “Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”. Liiska dadka la doonayo in la dilo ee ay Ilhaan Cumar ka hadashay ayaa ku saabsan nin caddaan ah oo sida la sheegay si iskiis ah isku abaabulay. Ninkaas oo lagu magacaabo Christopher Paul Hasson yaa lagu soo warramay inuu heystay hub uuna qortay magacyada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo uu doonayay inuu dilo, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dabadeen inuu ka fujiyo. Ilhaan ayaa lagu soo doortay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday bishii Nofember ee sannadkii hore, waxayna noqotay mid ka mid ah labo haween ah oo muslimiin ah, oo markii ugu horreysay abid ku biiray aqalka Koongareeska. Xigasho BBC Somali Source
-
(SLT-Nairobi)-Duuliyaha oo lagu magacaabi jirey Kabtan Mariyo Maganga iyo 4 Muwaadin oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Diyaarad Helikoptar oo ku burburtay Deegaanka Laboola oo ku dhow Harada Turkana ee Gobalka Turkaana ee dalkaasi. Maydka Duuliyaha iyo burburka Helikopterkii uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. ayaa saaka laga helay halkii ay ku burburtay. Xildhibaan Rijard Omyonka oo qaraabo la ah Duuliyaha geeriyooday oo la hadlay Telefishinka NTV ayaa sheegay in Diyaaradda uu waday Duuliyaha laga waayey Raadaarka abaarihii 8-dii Fiidnimo ee xalay, xilli ay diyaaradda duulaysay meel ku dhow Harada Turkaana. Waxa kale oo uu xusay inuu Duuliyaha oo keliya la socday Helikoptarka uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi. Source
-
(SLT-Trinindad)-Waligaa ma maqashay nin Muslim ah oo afgembi ka sameeyay dal reer Galbeed ah?, hagaag, waa dhacdo taariikhda gashay. Abuu Bakar waxa uu horey uga mid ahaan jiray ciidanka booliiska, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay oo qaatay diinta Islaamka ee dalka Trinidad sannadkii 1969-kii ka dib markii wadaad Masaari ah uu booqday jasiiradda ku taala qaaradda Amerika. Abuu Bakar ayaa ka irdhoobay diinta masiixiga maadaama dadkii gumeystay dalkaas ay haysteen diintaas. Sannadkii 1970-kii wixii ka dambeeyay ayuu dhawr sanno ku qaatay dalka Liibiya, halkaas oo uu marti u ahaa hoggaamiyihii dalkaas Mucamar Al Qadaafi oo xiligaas abaabuli jiray kooxaha muslimiinta iyo sidii diinta ay ugu faafin lahaayeen daafaha adduunka. Markii uu ku laabtay dalka Trinidad, waxa uu asaasay ururkiisa Jamaacatul Islaam, kaas oo dagaal la galay kooxaha maandooriyaha, iyaga oo galay xaafado ay ciidamada ka baqi jireen in ay hawlgalo ka sameeyaan. Balse hawshii ay halkaas ka qabteen waxaa aad u dhibsaday dowladda oo u aragtay in dowlad kale laga garab dhisay. Waxa ay dowladda qorsheysay in ay burburiso kooxdan, balse kooxda Abuu Bakar ayaa go’aan ku gaaray in dowladda oo dhan ay afgambiyaan ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin. Sannadkii 1990-kii isaga iyo 100 qof oo hubeysan ayaa xoog ku galay baarlamaanka dalkaas, waxa ay afduub ku qabsadeen Ra’isulwasaarihii, waxayna ku dhawaaqeen in ay afgembiyeen dowladda. Waa isku daygii afgembi ee kaliya ee taariikhda la ogyahay ee ka dhacay dal reer galbeed ah. Lix maalmood kadib oo lagu hareeraysnaa ayuu Abuu Bakar is dhiibay kadib markii loo fidiyay cafis iyo 2 sanno oo xabsi ah. Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu qaaday dhabaha siyaasadda nabdoon. Dhowaan waxaa jiray welwel laga muujiyay illaa 100 qof oo dalkan u dhashay oo aaday dhanka Daacish si ay uga soo barbar dagaalamaan. “Waxaan u sheegnay jameecadeena in aysan halkaas aadin, arrimaha Daacish ku saabsan oo dhan waa kuwa micno darro ah” ayuu yiri Abuu Bakar. Balse walwelkiisa ugu badan ma ahan dagaalka Suuriya, ee waa kan ka socda waddooyinka Trinidad. Sannadkii lasoo dhaafay oo kaliya 500 qof ayaa lagu dilay halkaas arrimo la xiriira dambiyo. Dhibka ka jira dalkaas uma arkaan in uu yahay mid faqrinimada ay keentay, balse waxa ay u arkaan mid ku yimid burburka qoyska, asluub xumada iyo hab nololeedka ku dhisan dambiyada. “Dadka waxa ay rabaan halyeeyo ay ku daydaan, halkii halyeeyo looga dhigi lahaa heesaayo iyo muusig aanan micno lahayn” ayuu yiri David Mailard oo ka tirsan xisbiga Jamaacatul Islaam. Dalkan waa mid aad u qurux badan, kaas oo aragtida koowaad aad ku sirmaysid, balse waxa hoos yaala dhibaato aan lasoo koobi Karin. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Cisbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaadhay Cisbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Cisbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Cisbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Source
-
(SLT-Lee County)-Ugu yaraan 22 ruux oo qaar ka mid ah ay carruur yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay duufaan xoog badan ku dhufatay deegaanka Lee County ee gobolka Alabama. Jay Jones oo ka tirsan masuuliyiinta deegaankaas ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dhibaatadu ay intaas ka sii badankarto, gurmadkii degdegga ahaa ayaa la baajiyay tan iyo waabariga ka dib markii laga baqay halista ka dhalan karta in baadigoobka la sii wado iyadoo uu dhulku mugdi yahay. Dhibaatadu waxay ka taagan tahay baaxadda burburka guryaha, ayuu u sheegay CNN. Lama oga inta ruux ee halkaas ku dhaawacantay. Masuuliyiinta ayaana gooyay jidadkii galayay. Waaxda qaran ee la socoshada cimilada ayaa sheegay in dabayshu ay saacaddii jaraysay ilaa 266km saacaddiiba. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dhismayaasha ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama ee saameeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen habeenkii Khamiista ayaa wali waxaa laga baadi goobayaa meydadka dad xilliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, kuwaasoo aan dib dambe loo arag. Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka samata bixinta ee wali socda lagu soo saaray meydka Ilmo yar oo todobo bilood jira, kaasoo ka mid noqday dadkii lagu xasuuqay weerarka khasaaraha badan dhaliyay. Ilmaha yar oo lagu magacaabo Munasar Maxamed ayaa la noolaa Hooyadiis oo ka shaqeyneysay mid kamid ah goobaha Dumarka lagu qurxiyo (Beauty Salon) ee ku taallay mid kamid ah dhismayaasha weerarku qabsaday. Kaamirada qarsoon ee (CCTV), ayaa soo bandhigtay dhaq dhaqaaqii u danbeeyay ee Ilmaha yar, taasoo muujisay inuu ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa marka uu qaraxa dhacayay, iyadoo baadigoob dheer kadib ugu dambeyn la soo saaray, isagoo la sheegay in 7 bilood ee uu noolaa uu noloshiisii dhameyd ku soo qaatay goobta Dumar Qurxinta ah. Gabadh maamulo ka aheyd dhismaha uu wiilka yar ku geeriyooday ayaa sheegtay in marka qaraxa uu dhacayay ay dhismohooda ku sugnaayeen illaa 16 qof oo macaamiishooda ka mid ahaa, kuwaasoo xilligaasi adeeg loo qabanayay. Waxay kal oo ay sheegtay iney maqashay geerida 10 qof oo si wanaagsan ay isu garanayeen, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismayaasha ka agdhaw halka weerarku ka dhacay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magacyada xubno ay sheegeen inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay weerarkii Khamiistii ay ku qaadeen Wadada Maka Al Mukarama, iyaga oo bartilmaameydkooda uu ahaa hotelka Maka Al Mukarama. Idaacadda Al Shabaab ee Andulus ayaa baahisay warbixin ay kaga hadleen dadkii ay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, kaasi oo saacado qaatay in lasoo afmeero. Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 14 kamid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka uu tababaro iyo Todobo kamid ah ciidamada Booliska oo dowladda Ingiriiska ay tababarto ee RRT loo yaqaan. Askar Boolis ah iyo ciidamada Bangaraafta ayay sidoo kale sheegeen inay ku dileen weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho. Al Shabaab waxay sidoo kale sheegeen inay dhaawaceen Sarkaal magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Sheikh oo kamid ah ciidamada booliska ee UK tababartay iyo ruux kale oo magaciisa ay ku sheegeen Khadar Geelle. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawaceen Cusmaan Cali Guuleed (Cusmaan Bakeer) oo ka tirsanaa maxkamada sare ee dalka, sida laga baahiyay warbaahinta Al Shabaab. Maxamed Cabdi Suldaan oo xildhibaan hore ahaa, C/qaadir Macalin Cali oo ay ku sheegeen xoghayaha xisbiga Haldoor, Xildhibaan Sooyaal, Wasiirru dowle ka tirsan Galmudug oo magaciisa lagu koobay Cibaar, ruux ka tirsan wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar iyo guddoomiyaha maxkamadda Xamarweyne, ayay sidoo kale sheegeen Al Shabaab inay ku dhaawaceen weerarkii Maka Al Mukaram. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo si toos ah loogu shaaciyay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama 28 Bishii Febraayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka degmada Wadajir iyo taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saldhigga degmadaasi waxay kusoo bandhigeen Saddex nin oo la sheegay iney Al-shababa u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan iyo sidoo kale kala gudbinta hubka. Raggan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen iney ka mid yihiin Al-shabaab, lana soo qabtay xilli ay dil fulin rabeen. Waxa ay sheegeen in markii lasoo qabanayey ay dili rabeen Haweeney ka mid ahayd ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana Khaad ku iibineysay beerta Khaadka ee magaalada Muqdisho. Raggan ayaa sheegay iney qirsan yihiin iney qaladaad sameeyeen, balse waxay dalbadeen in la cafiyo. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax oo halkaasi warbaahinta kula hadlay wuxuu sheegay in cadaaladda la horgeyn doono raggaasi. Tuulax ayaa dhanka kale uga mahadceliyey ciidanka Booliiska ee gacanta kusoo dhigay raggaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in shil diyaaradeed uu ku geeriyooday duuliyaha diyaarada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto. Duuliyaha oo lagu magacaabayay Kabtan Mariyo Maganga iyo AFar ruux oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen shil ka dhacay deegaanka Laboola ee gobolka Turkana ee dalka Kenya. Diyaaradda uu lahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo meydka duuliyaha ayaa saaka laga helay deegaanka Laboola, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Rijard Omyonka oo ah xildhibaan Kenyan ah oo qaraabo dhow ay ahaayeen duuliyaha ayaa sheegay in diyaaradda uu waday Kabtan Mariyo raadeerka laga waayay xalay abaaro 08:00 fiidnimo, iyadoo kadib saaka la ogaaday inay burburtay. Ma cadda sababta ka dambeysay in burburka uu ku yimaado diyaaradda, balse waxaa la qiyaasayaa inay ka baxday halkii ay ku socotay, islamarkaana ay shil gashay. Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Boliska Kenya xalay lagula eegtay gudaha dalkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Xagardheer iyo Amuume oo hoostaga magaalada Garissa gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Booliska Kenya ka soo gaaray qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan Miino ay ku gubeen gaari uu noociisu ahaa Kooyal, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa xaafadda Howlwadaag ee B/weyne waxay ku dileen Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi Mahad. Dilka kadib ayaa halkaasi waxaa isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey. Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka yimid gurigiisa, kuna wajahnaa fariisin ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi, hase ahaatee jidka loo galay. Ciidamo Booliis ah oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay yaa durba bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyey. Dilkan ayaa imaanaya xilli Labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda howlgallo xiriir ah ka wadeen xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay u soo bandhigay Warbaahinta rag ku hubeysan oo dilal ka geysan jiray M/Muqdisho. Raggan oo gaarayay saddex ayaa waxaa la sheegay in Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen dilalka ka dhaca degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee G/Banaadir. Xubnahani gacanta lagu soo dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa qirtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, islamarkaana sheegay in xilliga la soo qabanayay ay qorsheynayeen dilka Hooyo Soomaaliyeed oo iibisa Qaadka, taas oo ay tilmaameen in ay ka tirsanyed Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Dhankeeda Hooyada ka badbaaday dilkaasi oo la hadashay Wariyeyaasha ayaa u mahadcelisay ciidanka amniga, iyadoona ka codsatay madaxda dowladda in cadaalada la horkeeno raggaasi. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay sida ay ay uga hortagayaan falalka ammaan dari ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-shabaab ay ka fulisay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii dhawaan ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-04032019.mp3 View the full article
-
Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay 3-nin oo katirsan Al-shabaab oo doonayay in ay dilaan haweeneey. Ragaasi ayeey ciidamada Booliska Soomaaliya ka soo qabteen degmada Wadajir ee Muqdisho xili ay doonayeen in ay dilaan haweeneey. Haweeneeydaasi ayaa kamid aheyd xubnahii soo doortay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa la sheegay in ay u dhici weeysay Bastooladii ay wateen si ay u dilaan haweeneeyda 3-daasi ruux oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa qirtay in ay Al-Shabaab katirsanaayeen dilal badana horay u geeysteen Shacabka iiyodowlada ayeey ka codsadeen in ay cafiyaaan. Dhinaca kale haweeneeydii ay doonayaan in ay dilaan ayaa la hadashay warbaahinta iyada oo sheegtay in ragaasi ay doonayeen in ay dilaan iyada oo ilmeeyneeysa ayeey codsi u dirtay dowlada. Ugu dambeeynta gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tuulax ayaa wariyaasha uga warbixiyay qaabka ragaasi loo soo qabtay. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab. Puntland Post Muqdisho office The post Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo qabtay koox dooneeysay in ay dil fuliyaan appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaareey (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada amaanka maamulka Jubbaland. Kulanka saraakiisha ayaa ka dambeeyay maalmo uun kadib markii ciidamada Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana ugu horeeyay saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan ku wargelin bixitaanka ciidamadooda ee saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun, balse ay ka warheleen kaliya markii ay alaabtooda xirxirteen. Saraakiisha ayaa xusay in shir gaar ah oo arintaasi looga hadlayo inay ku yeesheen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dajiyay qorshaha ciidamada Kenya saldhigyada ay baneeyeen loo buuxin lahaa. Saraakiisha waxaa kale oo ay sheegeen inay diyaarinayaan ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyada ciidamada Kenya ay baneeyeen, gaar ahaan saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo. Saacado kadib markii ciidamada Kenya isaga baxeen Faxfaxdhuun Al Shabaab ayaa sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano badan. Jubbaland ayaa wajaheysa culeesyo dhanka amaanka ah haddii ciidamada Kenya ay baneeyaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu saakay dil ka dhacay. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaada Baledweyne. Koox hubeeysana ayaa toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya. Ragaan hubeeysan ayaa waxa ay dileen allaha u naxariistee Cumar Cabdi Mahad oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan. Sarkaalkaasi ayaa la dilay xili uu ka soo baxay hooygiisa islamarkaasin Uu ku ssiijeeday fariisin ciidamada dowlada aayku leeyihiin magaaladaasi. Ciidamada Booliska ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan cidii falkaasi geeystay. Goobjoogayaal ayaa Puntland Post u sheegay in kooxihii dilka geeystay ay goobtaasi isaga baxsadeen. Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolkaHiiraan ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan iyo qaraxyo la la eegto ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM PUNTLAND POST The post Sarkaal lagu dilay Magaalada Baled-weyne appeared first on Puntland Post.