-
Content Count
207,592 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika, Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku yimi Somaliland. Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya danaha labada waddan iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Caasimadda Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan biidamada Booliiska Soomaaliya, ayaa maanta toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen. Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay oo dad ka soo qaaday degmada Wanla-wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxa uuna dilka ka dhacay degaanka Siinka Dheere ee duleedka Muqdisho. Qaar kamid ah dadkii saarnaa gaariga ayaa noo sheegay in askariga uu 1$ weydiistay darawalka, markii uu ka dhaga-adeegayna uu toogasho ku dilay kadibna uu ka cararay. Askariga dilka fuliyay ayaa katirsan Ciidaamda Booliiska ee fariisinka ku leh barta kontarool ee Siinka Dheer. Arrintaan ayaa noqotay hadal-heynta ugu wayn ee magaalada Muqdisho, waxayna shacabka ay dalbanayaan in Askarigaas la soo qabto. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka Soomaaliya oo ku aadan dilkaan ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho. Hore ayaa Booliiska Soomaaliya dad shacab ah waxay ugu dileen magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, Mid kamid ah ilaalada hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay Haweeney Naafo ah oo ku sugneed meel u dhaw hoteelka kadib markii la sheegay in ay maqli waysay amar uu siiyay oo ahaa in aysan u soo dhawaanin Albaabka hoteelka. Haweeneyda la dilay oo lugaha Naafo ah iyo meelo kale oo Xubnaha jirkeeda ah ayaa la sheegay in ay katirsaneed dad kale oo shacab ah kuwaas oo meel hoteelka u dhaw u doontay lacag ay bixineysay hey’ad Gar-gaar ah. Dadkii ku sugnaa hoteelka Shaamow ayaa Caasimada Online u sheegay in Askariga dilka fuliyay uu ka cararay halkii uu wax ku dilay waxaana la joojiyay lacagtii ay bixineysay hey’ad halkaasi dagan. Xubno katirsan hey’adda WFP oo lacagta bixineysay ayaa Caasimada Online u sheegay in Haweeneyda la dilay ay ka go’need mid kamid ah lugaheeda sidoo kalane ay ka xanuunsaneysay meelo kale oo jirkeeda kamid ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dhacdooyinkii xanuunka badan oo saameenta ku reeba shacabka Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dalka Malaysia gaar ahaan Hya’adda Islaamic relief,kuwaasi oo u yimaadey sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qorshe ay ku doonayaan sidii mashaariic horumarineed oo dhanka gar-gaarka ah ay uga fulin lahaayeen goobaha dhibaatooyinku ay ka jiraan ee gobolada dalka. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa soo dhoweeyey xubnaha wafdigaasi,waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulan xog wareysi ah oo ku aadan ujeedka socdaalkooda iyo kaalinta dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin in ay ka geysato fududeynta mashaariicdaasi gar-gaar oo ay fulin rabaan. Seyruu Shaafidiin Seynul Cabidiin oo ah madax hay’adaasi ee Soomaaliya oo wafdigaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin dhiiro gelinta howlwadeenadoodi Soomaaliya oo ku guuleystay in ay fuliyaan mashaariic badan,sidii kale in ay soo qiimeeyaan deegaanada kale oo ay baahiyuhu ka jiraan,si ay kaalin uga qaataan dhaqaale u raadinta gar-gaarkaasi. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gar-gaarka Mudane Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda. “Waxaan soo dhoweynay wafdigan ka socday Islamic Relief oo ka shaqeysa gar-gaarka iyo caawinta dadka danyarta ah,waxaan galnay shir aan isaga xog wareysanayanay ujeedka socdaalkooda,waxaa ay inoo sheegeen in deegaano badan ay tagi doonaan,iyagoo wada qiimeyn ku aadan baahiyaha,si loo helo dhaqaale uruurin oo dadkaasi lagu caawinayo,anagadna dowladda maadaama aanu nahay waa in aan ogaanaa hay’adaha fulinaya mashaariicda,sidaasi darteeda ayaan u qaabilnay”. Ayuu yiri wasiir C/rashiid. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo lagu socodsiiyay Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa lagu dalbaday in tallaabo laga qaado ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Qoraalka ayaa u dhigna sidan:- Xisbiga WADDANI mudnaantiisa koowaad waxay tahay sinnaan iyo caddaalad ay bulsho weynta Somaliland ku naalooto iyo sarreynta sharciga. Wuxu xisbiga WADDANI 27/2/2019 si adag uga hadlay gefkii weyna ee xisbiga Kulmiye kula kacay haybadda hay’addaha Qaranka ee ay ka mid ahayd hay’adda garsoorka dalka iyada oo shirkii kulmiye lagu dhex arkay Xeer-ilaaliye kuxigeenka Qaranka oo ku jeeni qaaran astaanta xisbiga kulmiye iyo koofiyadiisa dhexdana ugu jira xubnihii golaha dhexe ee xisbiga. Waxaanu xisbi ahaan filaynay iney Guddida Caddaaladdu ka qaaddo tallaabo sharciga waafaqsan ciqaabta sharci ee uu mutaystana la mariyo. Sida ku cad qodobka 99-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, hay’adda garsoorku waxay ka kooban tahay maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta. Garsoorka waxa ka reeban in ay ka mid noqdaan, u ololeeyaan ama si uun ugu sifoobaan dhinac saar xisbi ama la safasho xisbi gaar ah oo siyaasadeed. Sida ku cad qodobka 14-aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2011) waa ka mamnuuc in garsoorku ka mid noqdo xisbi siyaasadeed ama si uun ugu lug yeesho xisbi siyaasadeed sida ku cad farqadda 3-aad ee qodobka 14-aad ee Xeer Lr.14/2011. Haddaba sida aad la wada socotaan, waxa ka qayb galay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye dad aan sharcigu u ogolayn oo uu ka mid yahay Axmed Cismaan Mire, ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, oo isaga oo ku jeeni qaaran astaanta xisbiga Kulmiye islamarkaana xidhan koofiyad ay ku xardhan tahay astaan xisbiga Kulmiye dhex fadhiyay oo ka qayb qaatay shirkii Golaha Dhexe. Falkaas oo sida sare ku cad ka soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka, kuna ah xagal daacis iyo mijo xaabin madax-bannaanida garsoorka oo ay tahay inuu dhex u noqdo xisbiyada iyo shacabka dalka Somaliland ku nool oo dhan iyada oo aan la eegayn xisbiga ay ka tirsan yihiin ama ay taageeraan. Aamuska Guddida Caddaaladdu aanay wax tallaabo ah ka qaaddin falkaas xadgudubka culus ahi wuxuu tuhun weyn ku keenayaa in sharci darrada xeer-ilaalintu ku kacday ay tahay gardarro garab og iyo badheedh. Haddaba, Xisbigga WADDANI wuxuu u arka falalkan iska daba yimid in ay ka soo horjeedaan madax-bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada looga baahan yahay garsoorka ee uu waajibiyay Dastuurku, ayna wiiqayaan kalsooni kasta oo lagu qabi lahaa garsoorka, mar hadiiba ay xubnihiisa qaar ka mid ahi aanay qarsan ka mid noqoshada iyo garab istaagga xisbiga Kulmiye. Haddii tallaabo sharciga waafaqsan Guddida Caddaaladda ee guddoomiye u yahay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ka qaaddi waydo Ninkaas xeerkii dalka iyo Dastuurkiiba ku gefay bahdilkana u gaystay haybaddii garsoorka Xisbi ahaan waxaanu dadkayaga iyo Dunidaba farriin dheer ugu dirayna in uu garsoorku noqon doono waax ka mid ah xisbiga kulmiye kalsoonidiisuna meesha ka bixi doonto. Alla Mahad leh Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Garyaqaan: Barkhad Jamaac Batuun Source
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil haweeney naafo aheyd maanta loogu geystay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hoteel Shaamow, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Mid ka mid ah ilaalada hoteelkaasi ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilkan, kaas oo rasaas ku furay dad danyar ah oo raashin iyo lacago loogu qeybinayay halkaasi. Dilka kadib dibadbax xoogan ayaa ka bilowday nawaaxiga hoteelkani, kaas oo ay dhigeen dad ka careysan falkaasi. Askarigii ka dambeeyay dilka ayaa lagu soo warramayaa in uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dibadbaxayaashu ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka dambeeyay dilka haweeneydaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xilli ay soo dhawdahay maalinta haweenka caalamka oo ku beegan 8 bishan Maarso ayaa maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu qabtay shir ay iskuugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday haweenka labada aqal ee BFS, hoggaanka haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday guddiga doorashooyinka Qaranka oo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyo sharciga qabyada ah ee doorashooyinka. Sharcigan ayaa haweenka Soomaaliyeed u ogolaanaya qoondo gaareysa 30%, taas oo ay ka helayaan kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gadaal ka riixaya qorshaha haweenka ee ku aadan in ay qeyb ka noqdaan hoggaanka dalka. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo ah mid deg-deg ah ayaa ku saabsan arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Waxaa shaki la gelinayaa in dowladda Kenya ay waddo qorshayaal ay ku dooneyso inay ku wiiqdo Isbaheysiga Saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya. Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sannadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika. Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed ka dhaxeyo Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is-bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya. Shir saddex geesood ah ayaa shalay magaalada Asmara ku dhex maray Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya, Isbaheysigan cusub ee saddexdan dal loo arkaa culeys kale oo diblomaasiyadeed uu soo wajahay Soomaaliya, maadaama ay ka maqan tahay, waxaana wararka qaar sheegayaan in Soomaaliya ay guul-darro weyn u tahay kulankaa shalay sababo dhinaca dublamaasiyada ah awgeed. Source
-
Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad, kaas oo la sheegay in toogasho ay ku dileen rag hubeysan oo goobta isaga baxasaday. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidan ka tirsan kuwa amniga, kuwaas oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi. Indhawaanahan waxaa magaalada Baladweyne siyaabo kala duwan uga dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Sarkaal Guutada 7aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sool Ka Tirsanaa Oo xalay Fiidkii Toogasho Lagu Dilay Iyo Xildhibaan Budeeye Oo Ka Hadlay Cidda Dilka Geysatay ALLE haw Naxariisto ee waxa Dil Toogasho ah oo sida la sheegay Askari Ciidanka Milatariga ka tirsani kudilay Sarkaal Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan (Dhego-Weel) oo derajadiisuna ahayd KABTAN ka tirsanaa guutadda 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland gaar ahaan Gobolka Sool, waxaana warka dilka Sarkaalkani la xidhiidha ay xaqiijinayaan in uu baxsaday Askarigii Milatariga Somaliland ka tirsanaa ee Toogashadda ku dilay Sarkaalkani. Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ah mudane golaha guurtidda ee Somaliland ugu jiraGobolka Sool, ayaa isaga oo ku sugan magaaladda Wedh-Widh ee gobolka Buuhoodle la soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo, ayaa xaqiijiyey isla markaana tacsiyeeyey Saraal magaciisu yahay Marxuun Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan kana tirsanaa guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland kaasi oo sida xidhibaanku cadeeyey uu sheegay in uu sarkaalkani toogasho ku dilay Askari isla Ciidanka Milatariga ka tirsanaa, waxaana dilku ka dhacay Deegaanka YOGORI oo ilaa 60KM Waqooyi ka xiga magaaladda Laascaanood. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka, Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in cabsi weyn laga qabo in Al-Shabaab sanado badan kadib ay Muqdisho kula dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in warbixinada la helay ay sheegayaan in maleshiyo Al-Shabaab ka tirsan ay soo galeen magaalada Muqdisho ayna suurta gal tahay in muddo dheer kadib magaalada Muqdisho lagu dul-dagaalamo shacabka ku nool. Wareysi uu siiyay Caasimada Online ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay dhowaan sheegan doonaan maamulka Xaafadaha ku yaala cirifka magaalada ee degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa, Kaaraan iyo Deyniile hadii aysan qorshe la imaanin dowladda Soomaaliya. “10 sano kadib waxaa dhici doonto in Muqdisho laga barakaco markii ay shacabka ku dul-dagaalamaan dowladda iyo Al-Shabaab, sababtoo ah Kumaandooska Al-Shabaab magaalada waa soo galeyn cid ka war-qabtana maleh”, ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed. Cabdisalaan Yuusuf Guuleed waxa uu noqonayaa qofkii 3-aad oo aqoon u leh arrimaha amniga oo ka diga in Al-Shabaab ay mar kale dagaalo kula galaan dowladda Soomaaliya sida ay sheegayaan xogaha laga helay sirdoonka ajaaniibta ah iyo qubarada amniga ee Soomaaliya. Walaaca amniga ee magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareeraya waxaana dadka magaalada Muqdisho ay kuu sheegayaan in aysan jirin isku haleen amni oo ay magaalada kasii dareyso. Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo dhimasho iyo dhaawac sababay waxay maalmihii la soo dhaafay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka wasaarada deegaanka Beeraha iyo isbadalka cimilada ee Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa digniin udiray dadka xaalufka ba,an ku haya deegaanka . Wasiirka ayaa sheegay [...] Source
-
Somali women leaders today called on members of the federal parliament to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the principle of a 30 per cent gender quota in future national legislatures. “The electoral law which provides for the 30 percent quota on women representation has not been passed, and it is our hope that it is passed by both the House of the People and the Senate and the draft constitution will also be amended to reflect that,” said Asha Abdulle Siyad, the chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative and convener of the roundtable discussion. The forum was held under the theme “Somali women unite for inclusive politics” and drew more than 30 women representing the federal parliament, civil society, the National Independent Electoral Commission (NIEC), diaspora communities, political parties and academia. Ms. Siyad said the discussions will take stock of the progress made by Somali women to date and review the challenges still facing them as they prepare for one-person, one-vote elections scheduled to take place in 2020. The roundtable was supported by the United Nations Assistance Mission in Somalia and is one in a series of events organized by Somali women leaders ahead of the International Women’s Day celebrations that will be held on Friday, 8 March. A joint communique on the way forward will be issued at a three-day Somali Women’s Convention, which commences tomorrow in Mogadishu. The NIEC chairperson Halima Ismail Ibrahim lauded the roundtable event, noting that the discussions will help Somali women overcome the obstacles that surface during elections. “This conference is about the rights of the Somali women and coincides with the events to mark the International Women’s Day,” said Ms. Ibrahim. She added that the electoral commission will work closely with civil society to educate the public about the electoral reforms being undertaken ahead of the country’s next round of elections. Participants at the meeting discussed a variety of topics ranging from the constitutional review process and affirmative action to electoral and political party processes and barriers to women’s participation in politics. During the 2016 electoral process, female representation in the federal parliament rose from 14 per cent in the outgoing legislature to 24 per cent. However, the increase fell short of the 30 per cent quota goal, which women leaders are planning to endorse for the 2020 elections. The chairperson of the non-governmental organization Women, Education and Voicing Entrepreneurship, Asli Ismail Duale, lamented what she called the marginalization of women in decision-making processes and called for effective action to empower them. “When it comes to business and the economy of this country, the people who are supporting this country are women. Women contribute 60 per cent of the country’s economy while men contribute 40 per cent, yet ironically women are not seen anywhere in decision-making,” Ms. Duale stated. View the full article
-
Laascaanood (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa jabhadda SSC oo ku xoogan halkaasi. Waxaana dagaalku uu yimid, kadib markii jabhaddani ay weerar gaadma ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka Somaliland oo marayay deegaanka Gambare oo 28 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Laascaanod ee waqooyiga Soomaaliya. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada milatariga Somaliland ay sii wateen socdaalkii ay ku marayeen gobolka Sool. View the full article
-
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in la xalliyo tabashada ka dhex jirta Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay inaan loo dulqaadan karin wadashaqeyn la’aanta golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy. Waxa ay sheegtay wasiir Khadiijo in ay jiraan sharciyo aad u muhiim ah oo loo baahan yahay in la meelmariyo qaarkoodna ay ku xayiran yihiin golaha aqalka sare. Sidoo kale, Khadiijo ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in la xalliyo tabashada jirta. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WASIIR-KHADIIJO-DIIRIYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha qaran ee Haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo a soo qaban-qaabisay wasaaradda haweenka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Furitaanka shirkan waxaa ka qeybgalay xildhibaanno, wasiirro, duqa Muqdisho, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada iyo xubno mataleysay beesha caalamka. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo abuuri lahaa isbahaysi ilaaliya xuquuqda haweenka, iyadoo xusid ay mudan tahay in shirkan la furay xilli uu jiro khilaaf ka dhaxeeya haweenka qaranka. Haweenka qaranka ayaa sameystay Labo guddoomiye, taas oo ka dhigay iney Labo garab noqdeen, waxaana shirkan ka qeybgaleyn guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed oo shalay sheegtay in shirkan lagu burburinayo ururada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaaminayey Korneel Faysal Falaalug ayaa maanta ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Ciidamada Falaalug ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidanka Milatariga Somaliland xilli ay marayeen deegaanka Gambadhe oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxaa jira howlgallo ay wadaan ciidamada Somaliland. Ciidankii weeraray kuwa Somaliland ayaa dib u laabtay, xaaladuna waxa ay tahay midda deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa Shabaab. Howlgalka oo xoogiisa laga sameeyay degmada Wadajir, ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Shabakad isku xiran oo ka tirsan Amniyaadka Shabaab ee dilalka ka geysata degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey. Ragga la soo qabtay oo saddex xubnood ah ayaa waxa ay qirteen ka mid ahaanshahooda Ururka Al Shabaab & inay gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka. Shuceyb C/llaahi Xaaji oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Axmed), ayaa u qaabilsanaa dilalka ka dhaca inta u dhaxeysa Suuqa Weyn, Isbitaalka Madiino ilaa Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir. Ismaaciil Maxamed Aweys oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Yaxye), waxa uu Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Wadajir iyo Dharkiinleey. Qofka u danbeeya ee Saddexaad waa Maxamed Cismaan Macalin Axmed oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (C/weli), waxa uu qirtay inuu qaabilsanaa oo kaliya kala gudbinta hubka howlgalada dilalka ah lagu fuliyo. Raggan oo Shan sano katirsanaa Shabaab, ayaa xiliga la soo qabanayay waxa ay ku howlanaayeen dil ay doonayeen iney u geystaan haweeney kamid eheyd ergooyinkii Xildhibaanada soo doortay, taasoo Qaad ku iibisa beerta Jaadka ee Degmada Hodan.