-
Content Count
207,592 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Sadex dil ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo mid ka mid ah loo geystay haweeney naafo ahayd oo sugaysay gargaar ay siinaysay hay’ad ka mid ah kuwa QM. Haweeneyda naafada ah ee la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Cadar, waxayna ka go’nayd mid ka mid ah labadeeda lugood, iyadoo dadkii ku sugnaa goobta ay sheegeen in mid ka mid ah ilaalada Hoteelka Shamow oo ku dhaw Isgoyska Zope uu si bareer ah u toogtay haweeydan oo 50-jir ahayd. “Ruuxa ilaalada ah oo watay qori kuwa daran-doorriga u dhaca ha ayaa ku dhuftay xabad Cadar oo ku jirtay safka dad dan-yar ah oo hayadda WFP ay u qaybinaysay gargaar lacageed,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii ku sugnaa goobta. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ruuxii ilaalada ahaa ee toogashaada u geystay haweeneydan naafada ah uu goobta ka baxsaday, lama oga inay ciidamada amniga dowladdu soo qabteen iyo in kale. Sidoo kale, Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa toogasho ku dilay darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdihso iyo deegaannada gobolka Shabeellada Hoose. Darawalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/qani Axmed Xaaji, waxaana loo dilay sida ay goobjoogayaal goobta ku sugnaa sheegeen lacag uu qadarkeedu dhamaan hal doollar. “Marxuumka wuxuu waday gaari ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna kusoo jeeday Muqdihso, balse askari ka tirsan kuwa ku sugan Siinka-dheer ee dulleedka Muqdisho ayaa toogasho ku dilay,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka. Ehellada marxuumka ayaa hadalkooda ku daray askarigan dilka geystay oo baxsaday uu dawaralka la dilay weydiistay lacag hal doollar ah, balse markii uu darawalku u sheegay inuusan hayn uu xabbad ku dhuftay, kaddibna uu ka baxsaday goobta. Dhanka kale, Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii hore degmada Hawl-wadaag ee Muqdisho ku dilay askari ka tisran cidiamada Dowladda Somalia oo ku socday bar-koonatrool ay ciidamadu ku lahaayeen degmadaas, iyadoo kooxihii dilkaas geystay ay baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilka loo geystay askariga. Ugu dambeyn, dilalka soo laalaabtay ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxay ka mid noqonayaan dilal dhawaanahan kusoo badanayay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay geysanayeen askar ka tirsan cidiamada dowladda Somalia iyo Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dilal Maanta siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (PP) ─ Shir ay ka qayb-galeen hay’adaha u xil-saaran sidii dib-u-eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la-socodka ee dib-u-eegista dastuurka ee baarlamaanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-eegista iyo hirgelinta Dastauurka oo shan maalmood socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed iyo hab-dhowraha Golaha Shacabka, Sharmarke Garaad Saleebaan iyo la-taliyaasha hayadaha kala duwan. Sidoo kale, intii uu socday shirka waxaa saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda mideysan ee wacyigalinta iyo la-tashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe hawleedka midaysan ee la-tashiga iyo wacyi-gelinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019-ka. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo la-tashiyada iyo wacyi-galinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay. Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wada-shaqaynta saddexda hay’adood ee u xil-saaran dib-ueegista dastuurka Somalia iyo sida ay uga go’an tahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, C/xakiim Maxamed Axmed oo ka hadlay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada. Ugu dambeyn, waxaa lagu ballamay in la billaabo ololaha wacyi-galinta iyo la-tashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019-ka, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019-ka. PUNTLAND POST The post Kulan looga Hadlay Dib-u-eegista Dastuurka Somalia oo lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-04032019.mp3 View the full article
-
Istanbul (Caasimada Online) – Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib. Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay. Foornada ku taalla guriga qunsulka ee la rumeysan yahay in lagu gubay meydka Jamaal Khaashuqji.Shaqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaari kaari 1,000 heerkul cabikra Celsius ah. Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga. Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in gubitaanka meydka Jamaal Khaashuqji ay socotay muddo saddex maalin ah. Baarayaasha Turkiga ayaa sidoo kale helay dhibco ka mid ah dhiigga Khaashuqji oo lagu arkay, darbiyada xafiiska qunsulka kadib markii la tir-tiray rinji la mariyey oo qorshuhu ahaa in dhiigga lagu qariyo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa is-beddel lagu sameeyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, waxaa la beddelay hoggaankii ciidamada ee saddex qeyb ee kala ah, infentiriga, saadka iyo maaliyadda, waxaana loo dhiibay hoggaan cusub oo dhammaantood ah saraakiil dhallinyaro ah. Saddexdan hoggaan cusub, oo sababo amni dartood na laga codsaday inaan magacyadooda shaacin inta ay si buuxda hoggaanka ugala wareegayaan, ayaa ah dhallinyaro kasoo qalin jebisay akadeemiyaha ciidamada ee dalka Turkiga. Waxaa sida aan xogta ku helnay lagu doortay nidaam furan oo tartan loo galay ayada oo la eegayo aqoontooda, waxaana la sheegay in si aad loola dhacay wareysi lala yeeshay oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Daahir Indha-Qarshe ayaa wararku sheegayaan inuu aad uga hor-yimid go’anakan dhallinyaradan xilalka loogu magacaabay, waxaane jira khilaaf ka dhex ooggan isaga iyo ra’iisul wasaaraha. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in sidoo kale laga yaabo in Indha-Qarshe naftigiisa laga yaabo in la beddelo, inkasta oo aysan caddeyn goorta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa madaxwaynaha qaranka, hadaad tahay askari ciidan waxa waajib kugu ah inaad salaan ciidan ku salaanto madaxwaynah dalka. Waxa ihaano qaran ah in askari dirays xidhan darajada uu doono hasito in uu ku salaamo madaxwaynaha salaanta madaniga ah. Ciqaab teeduna waa in isla goobta uu madaxwaynuhu kaga qaada hal darajo oo ah xidig iyo anshax marinta curfi ciqaabeedka u yaala ciidanka. Mudane madaxwayne saraakhii-shan midba siduu doono kuu salaamay iyo qaabkay doonaan u soo kala horeeya iyagaa u baahan tababar cusub iyo dhaqan celin ciidan, adna waxaad u baahan tahay in sifiican lagu baro haybada madaxwayne nimo eed huwan tahay, hadaad aqoon u leedahay may ahayn inaad gudoonto salaan qaldan. Waxa qurux badan in Taliye Nuux taani saraakiishaa anshax marin ciidan ku qaado. Waxa mahad celin mudan Taliyaha Ciidamada dab-damiska Sareeye Guuto Axmed xasan sawaaxili oo isagu salaanta ciidan siwacan u gutay iyo qaar kamida saraakiisha ka dambay-say. Arintani maaha arin ciidan ee waa curfiga protocol madaxwayne ee kala duwanaan shaha salaan shacab iyo salaan ciidan. Halkana waxaan ku sharaxay oo kaliya salaanta ciidan, salaanta madaniga ayaa ka tiro badan oo ka ciqaab badan. Halkan ka daawo Muqaal Tusaale & taageero u ah Qoraalkan:- Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/ ee Xisbiga WADDANI Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kaas oo maalmahaan safar ugu maqnaa Magaalada Kismaayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisii Kismaayo iyo kulamo kala duwan oo uu Kismaayo kula yeeshay Madaxda Jubbaland iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana uu sheegay in uu yahay musharax Madaxweynaha Jubbaland. Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadkii uu la kulmay uu ka mid ahaa Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in uu kala hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, islamarkaana si amni ah ay cid walba uga wada qeyb qaadan laheyd. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in musharixiinta uu isaga ka mid yahay ay qabaan walaac ah in doorashada Madaxweynaha Jubbaland faragelin lagu sameeyo dhinaca ay doonto haka timaadee, hase yeeshee Xildhibaanka mashaacin cid gaar ah. Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa jirtay markii dhawaan uu booqasho ku tagay Kismaayo in Garoonka loo diiday inay galaan Madax iyo Shacab doonayay inay soo dhaweeyay Xildhibaanka. Hoos ka dhageyso Xiddig https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Xildhibaan-Xidig.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said 30 Somali security officers have been trained on how to tackle conflict-related sexual violence in South West State. Gloria Jaase-Nkundanyirazo, AMISOM protection officer, said trainees were drawn from the Somali National Army, Somali Police Force and ministries of health, internal security and women and human rights. “We want to give them the necessary skills that will enable them investigate the crimes and take action against perpetrators to help end impunity,” Jaase-Nkundanyirazo said. She said the training was tailor-made to empower security officers to take the lead in the fight against such crimes. AMISOM Community Policing Adviser Bernard Azagisnaba urged security officers to help raise awareness on the dangers of conflict-related violence to the country’s progress. “We are expecting them to be agents of change by raising awareness in communities, schools, mosques and families about conflict-related sexual violence and why we should all fight the crime,” said Azagisnaba. The training is part of AMISOM’s capacity-building program aimed at preparing security institutions to take charge of the country’s security. View the full article
-
Aid agencies operating in Somalia on Sunday called for stern measures to protect women and girls in the Horn of Africa nation. The Somalia NGO Consortium, a voluntary coordination mechanism of non-governmental organizations, said the recent kidnapping, rape, torture and murder of 12-year-old Aisha Ilyas Aden in the central town of Galkayo is an atrocious act of violence and urged the government to act swiftly to find the perpetrators and bring them to justice. “This dreadful act is a reminder of the risks women and girls face in Somalia every day. If perpetrators go unpunished, these incidents will continue unabated,” Nasra Ismail, acting director of the consortium, said in a joint statement. The agencies expressed concerns on rising incidents of sexual violence in the northern Somali region of Puntland, calling the newly elected president, Said Abdullahi Deni to take stern measures. “No woman or girl should suffer this kind of violence. We owe to the women and girls of Somalia to ensure they are protected and when their rights and dignity are violated, they get swift and complete justice,” Ismael added. Aisha disappeared on Feb. 24 when her mother sent her to a nearby grocery. Her body was found the next morning with signs of torture and rape. Deni has vowed to arrest those behind the murder of Aisha, whose body was found dumped near her home on Monday, a day after she disappeared. Mohamed Hassan Mohamoud, interim country director of Save the Children, said: “We have failed Somali children and it is time to take action.” “We must work together to ensure no other child experience this sort of inhumane violence,” he said. Enditem Source: Xinhua
-
Askari hal dollar u dilay darawal & mid kale oo toogasho ku dilay haweeney naafo ahayd Maanta Askari ka tirsan biidamada Booliiska Soomaaliya, ayaa maanta toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen. Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay oo dad ka soo qaaday degmada Wanla-wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxa uuna dilka ka dhacay degaanka Siinka Dheere ee duleedka Muqdisho. Qaar kamid ah dadkii saarnaa gaadhiga ayaa sheegay in askariga uu 1$ weydiistay darawalka, markii uu ka dhaga-adeegayna uu toogasho ku dilay kadibna uu ka cararay. Dhinaca kale, Mid kamid ah ilaalada hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay Haweeney Naafo ah oo ku sugnayd meel u dhaw hoteelka kadib markii la sheegay in ay maqli wayday amar uu siiyay oo ahaa in aysan u soo dhawaanin Albaabka hoteelka. Haweeneyda la dilay oo lugaha Naafo ah iyo meelo kale oo Xubnaha jirkeeda ah ayaa la sheegay in ay katirsaneed dad kale oo shacab ah kuwaas oo meel hoteelka u dhaw u doontay lacag ay bixineysay hey’ad Gar-gaar ah. Dadkii ku sugnaa hoteelka Shaamow ayaa Warbaahinta u sheegay in Askariga dilka fuliyay uu ka cararay halkii uu wax ku dilay waxaana la joojiyay lacagtii ay bixineysay hey’ad halkaasi dagan. Xubno katirsan hey’adda WFP oo lacagta bixineysay ayaa warbaahinta u sheegay in Haweeneyda la dilay ay ka go’nayd mid kamid ah lugaheeda sidoo kalane ay ka xanuunsaneysay meelo kale oo jirkeeda kamid ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dhacdooyinkii xanuunka badan oo saameenta ku reeba shacabka Qaran News
-
Somali security forces have arrested three al-Shabab militants in the Amniyat, al-Shabab’s intelligence wing in an operation in Somalia’s capital Mogadishu, officials said on Sunday evening. Mohamed Abdullahi Tulah, deputy mayor for security in the Benadir region told journalists in Mogadishu that three al-Shabab militants were apprehended Sunday in an offensive conducted by Somali national forces in Wadajir district in Somalia’s capital. “Our forces nabbed three al-Shabab extremists as they were trying to assassinate female member of electoral delegation committee,” Tulah said. He noted that they will intensify their operations against the extremists. The militants paraded by the government pleaded guilty and asked the people to forgive them. The arrest comes as assassinations in Mogadishu increased. On Feb. 20, militants shot Mohamed Mursal, a Somali deputy attorney general, while on Feb. 24, suspected al-Shabab fighters gunned down Osman Elmi Boqore, a member of federal parliament in Mogadishu’s Karan district. On Thursday evening, the al-Qaida linked group al-Shabab launched an attack on Makka Al-Mukarama hotel in the capital, killing at least 36 people and injuring more than 60 others. View the full article
-
Somali women leaders have called on lawmakers to approve a pending electoral reform bill that would enshrine the principle of a 30 percent gender quota in future national legislatures. Speaking at a roundtable forum which brought together more than 30 women representing parliament, civil society, the National Independent Electoral Commission (NIEC), diaspora communities, political parties and academia, the women also reviewed the challenges still facing them as they prepare for one-person, one-vote elections scheduled to take place in 2020. “The electoral law which provides for the 30 percent quota on women representation has not been passed, and it is our hope that it is passed by both the House of the People and the Senate and the draft constitution will also be amended to reflect that,” Asha Abdulle Siyad, chairperson of the Somali Women’s Leadership Initiative, said according to a statement issued by the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) on Sunday evening. A joint communique on the way forward will be issued at a three-day Somali Women’s Convention, which kicked off in Mogadishu on Monday. Halima Ismail Ibrahim, NIEC chairperson noted that the discussions will help Somali women overcome the obstacles that surface during elections. “This conference is about the rights of the Somali women and coincides with the events to mark the International Women’s Day,” said Ibrahim. She added that the electoral commission will work closely with civil society to educate the public about the electoral reforms being undertaken ahead of the country’s next round of elections. The women leaders discussed a variety of topics ranging from the constitutional review process and affirmative action to electoral and political party processes and barriers to women’s participation in politics. The roundtable was supported by the UN mission and is one in a series of events organized by Somali women leaders ahead of the International Women’s Day celebrations that will be held on Friday. During the 2016 electoral process, female representation in the federal parliament rose from 14 percent in the outgoing legislature to 24 percent. However, the increase fell short of the 30 percent quota goal, which women leaders are planning to endorse for the 2020 elections. Source: CGTN Africa
-
(SLT-Laascaanood)-Wararka naga soo gaadhaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal ku dhex-maray ciidammada millatariga Somaliland iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii Maleeshiyaadka jidgoyn u galeen Ciidamo ka tirsan millatariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe. Dagaalkaas dhex-maray labada dhinac ayaan illaa hadda la xaqiijin khasaaraha uu sababay, Ilaa hadda labada dhinac midkoodna ma xaqiijin, kamana hada dagaalkaasl. Wararka waxa ay intaa ka durayaan in hadda xaaladu ay degan tahay ciidammada Somaliland ay haw-galo ka wadaan deegaanadaasi. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday Source
-
Muqdisho (SMN) – Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa daah-furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo maanta ka furmay M/Muqdisho. Marwo Saynab oo xafladda furitaanka Shirweynaha khudbad ka jeedisey ayaa hambalyaysay qabanqaabada iyo qabsoomidda shirweynahan lagaga tashanayo aayaha iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed. Marwada ayaa ka tacsiyaysay dadkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay qaraxyadii ay arxanlaawayaasha argagaxisada ah ee Alshabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kalena xustay tacaddigii loo geystay Caa’isha Ilyaas oo faraxumayn iyo dil la isugu daray, waxayna dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay u midoobaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii falkaas geystay. Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka ka dib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ku baaqday in haweenku ay ku dadaalaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda si ay uga nabadgalaan tacaddiyada loo geysto, iyada oo bogaadisay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada. Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu danbayntii haweenka Soomaaliyeed kula dardaarantay inay ku dadaalaan talawadaagga, is-tusaalaynta iyo isu-tanaasulka si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan. Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa lagu lafo-gurayaa arrimaha haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha dhowraya xuquuqdooda kala duwan. View the full article
-
Dagaal saaka Degaano ka tirsan Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidanka Somaliland & Maleeshiyaadka Sool clan Wararka naga soo gaadhaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland & Maleeshiyaadka Sool clan ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii Maleeshiyaadka Sool clan jidgoyn u galeen Ciidamo ka tirsan militariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe. Dagaalkaas dhexmaray labada dhinac ayaan ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha uu koobsaday,Ilaa hadda labada dhinac midkoodna ma xaqiijin,kamana hada dagaalkaasl. Qaran News
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay waqooyiga magaalada Gaakacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa ciidamadu ay ku soo qab qabteen illaa 60 qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Taliyaha milatariga Puntland Cabdi-Shukri oo hoggaaminayay howlgalladan ayaa sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan ay u badan yihiin dhalinyaro, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale oo ka baxsaday ciidamada amniga oo haatan ku dhuumaaleysanaya waqooyiga G/Mudug. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo si aad ah uga cabanayeen dadka rayidka ee ku dhaqan magaaladaasi. View the full article