Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,592
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. TV-ga Al-jazeera oo shaaciyay xoggo yaable oo la xidhiidha wixii lagu sammeeyey meydka weriye Jamaal khaashuqji Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baadhitaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib. Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay. Foornada ku taalla guriga qunsulka ee la rumeysan yahay in lagu gubay meydka Jamaal Khaashuqji. Shaqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaadhi karo ilaa 1,000 heerkul cabikra Celsius ah. Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga. Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in gubitaanka meydka Jamaal Khaashuqji ay socotay muddo saddex cisho ah Baadhayaasha Turkiga ayaa sidoo kale helay dhibco ka mid ah dhiigga Khaashuqji oo lagu arkay, darbiyada xafiiska qunsulka kadib markii la tir-tiray rinji la mariyey oo qorshuhu ahaa in dhiigga lagu qariyo. Qaran News
  2. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, akhristoow koox daneeystayaal ah/qoowleeysata ah, oo siyaasiyiin iyo ganacsataba isugu jirta, ayaa qandaraasyo dowlada bixin rabto, waxeey qaab beeleed/qabiil isu leheeysiiyeen qandaraasyadaa. Waxeey iska dhaadhacsiiyeen ineey iyaga oo kaliya, xaq buuxa uleeyihiin, ugana xaq badan yihiin Soomaalida kaloo dhan, maadaama madaxweynaha qaranka: Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku reer/qabiil “M.” yihiin.Yaab! Waxeey qorshahoodaa guracani ula tageen raysalwasaaraha qaranka: Mudane Xasan Cali Kheeyre. Nasiibwanag! Run iyo sida wanaaga uu ugu jiro dalka iyo dadkaba ayuu usheegay. Wuxuuna kuyiri: Maadaama aniga iyo madaxweyne Farmaajaba naga wada go’an tahay, inaan dowlad-wanaag (Good governance), hufnaan (transparent) iyo musuq-maasuq la’aan, waxaan qandaraasyada kubixineeynaa, qaab idinkan waxdoonayaba aad ka maqsuudidoontaan, oo waxaan qandaraasyada dowlada bixineeyso, kawada dhigeeynaa kuwo loogu wada tartamo (Tender offer), si daah-furnaan ah. Meeshii shaqsi gaar ah iska bixin lahaana, waxaan dhex geeyn doonnaa golaha wasiirada, oo go’aanka wada gaaridoona. Waana sida ugu wanaagsan, ee musuqmaasuqa loola diririkaro. Sidaa daraadeed walaalayaaloow wanaaga inala qaata, sidaa ayaana uwada dan ah guud ahaan dalka iy dadkaba. Kooxdii qoowleeysatada/danleeyda aheyd, ee isagu jirtey siyaasiyiinta, iyo ganacsata ayaa arintaa kabiyo-diiday. Waxeey soo istaageen: Maya. Waa niman aan “Taariikh hore” xasuusneeyne, waxeey ku doodeen in “Maanta eey maalintoodii tahay!”, maadaama madaxweynaha eey ku juffo/reer yihiin, sidaa daraadeedna eey tahay, in iyaga si gaar ah badiilka loogu daro, hadii aan sidaa layeelinna, eey cawaaqib xumo kadhalandoonto, oo eey weerar dhinackasta ah, ku qaadidoonaan raysalwasaaraha qaranka mudane Xasan Cali Kheeyre. Kooxdii qoowleeysatada aheyd, waxeey iyagoo caro laqarxaya isugu tageen, xafiiska madaxweeynaha qaranka: Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Waxeey hordhigeen doodoodii. Waxeey usheegeen ineey sidaa wax urabaan. Madaxweynaha qaranka wuxuu weeydiiyey, muxuu idinku yiri raysalwasaaraha dalka? Waxeeyna usheegeen wuxu ku yiri. Madaxweyne Farmaajo wuxuu si saraaxo ah ugu yiri: “War Kheeyraa idinka qumane idhaafaa!”. Kooxdii danleeyda aheyd, waxeey iyagoo caro la faruuryo-qaniinaya isagasoo huleeleen xafiiskii madaxweynaha. Waxeeyna wacad ku mareen, ineey dagaal dacaayadeed oo toos ah, kuqaadi doonaan raysalwasaaraha dalka, halka mid dadbanna ku Sharaf-dilidoonaan madaxweynaha. Nasiibraddo! Iyagoo adeegsanaya dhalinyaro magac beel lagu kiciyey ayey dacaayadihii rakhiista ahaa usoodhiibeen, kuwaa oo iyana siifaafiyey, bal hadii lagu guuleeysankaro in lakala dilo, ama ugu yaraan shaki lakala galiyo madaxweynaha iyo raysalwasaaraha. Hadafka dhow (Short term goal) ee dacaayadahaa wuxuu ahaa, bal in raysalwasaaraha laga dhigayo, nin awoodii iyo hanaankii hogaamineed oo dhan madaxweynaha kala wareegay, khayaanay, madaxweynenimo isu sharixiraba (Tani ma dambibaa!)… iwm, waa weerarkii tooska ahaa’e. Halka madaxweynahana ku bahdilayeen inuu yahay, nin aan waxba kala ogeyn, laga caqli, iyo kartiba badan yahay, oo waxkasta la isaga sameynkaro, lagalana wareegikaro. Waa weerarkii dadbanaa’e. Waa koox laqabsatay madaxweyne aan raysalwasaaraha hoowshiisa dastuuriga ah udeeyne kuqabsada. Hadafka tanina ay ka lahaayeen wuxuu ahaa, bal ineey gilgilaan raysalwasaaraha, kadibna markeey jiljishaan uu si hoose isaga afgarto, hadii ay usuurtagaleeysana madaxweeynaha qarankana dib ugu celiyaan xero iyo xeendaab juffo, kadibna sidaa uga caana-maalaan. Waxaase jirtay koox kaloo mucaaradka doowlada ka mid ah, oo iyagana dagaalka dacaayadeed dhankale kasoo galay, iyagoo iska dhigaya ineey raysalwasaaraha lasafan yihiin, kadifaacayaana dacaayadahaa rakhiista ah, balse hadafkooda ugu weyni wuxuu ahaa, ineey qaab qabyaaladeeysan dacaayadahaa usii buunbuuniyaan, si hogaankan iskhilaafi waayay mudada labada sano ah, mar uun loo kala jabiyo, la isuguna diro, taasoo kukeeni karta fadeexooyinkii ay dhex maquuran jireen hogaankii qaran ee shalay iyo doraadba. Waxaa sidoo kale hadafku ahaa, in beri la dhoho madaxweyne Farmaajo kuwii hore waxba kama duwana, oo haduu shalay lahaa raysalwasaare aniga iga fiicanoo aan wada shaqeynkarno ayaan keenayaa, waakan sidii madaxdii horeba, ay isku dheceen raysalwasaarihiisii. Waakan sidii kuwii horana intuu xilka hayey magacaabay sadex raysalwasaare. Waa isagan sidii kuwii horeba, dhaqaale kubixiyey ridista dhowr raysalwasaaruu isaga magacaabay, dowladiisana kadhamaan weeysey iskhilaaf, iyo is-heeysasho, waqti bandanna uga dhumay. Nasiibwanaag! Kooxdan dambe wali hadafkaa kuma aaneey guuleeysan. Gabagabo iyo Gunaanad Sideedaba hannaanka dowladeed waa qori-isu-dhiib. Madaxba madaxda kadambeeysa ayey qoriga usii dhiibtaa, sidaa ayaana umadi horumar kugaartaa. Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa dowlad-kunool. Waxaa danta ugu wada jirtaa ineey helaan, madax wadashaqeeysa, khilaaf kafogaata, haduu yimaadana sihoose xal uga gaarta, isfahanta, isku ixtiraamta awoodaha dastuurku ukala qeeybiyey, sidaana waqtiga eey heystaan dalka iyo dadka ugu wada adeega, taariikh wanaagsanna kataga (Legacy), ummadana wax wanaagsan uga taga.. Waa muhiim in ummadu noqoto ummad waxa udan ah taqaana, waxa danta u ah ookaliyana taageerta. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Xog: Dalal ku loolamaya in ay marti geliyaan kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi Dadaalladda ku saabsan soo celinta wadaxaajoodka dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa soo cusboonaaday markii Madaxwayne Muuse Biixi uu si cad u badalay mowqifkiisa la fadhiisashada xukuumada Muqdisho. Isbedalka Muuse Biixi ayaa yimid markii kulan uu bishii hore Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo wadankiisa uu doonayo in uu u udub-dhaxaad u noqdo wadahadaladda labada dhinac oo mudo hakad Ku jiray. Hasayeeshee, waxaa la sheegayaa in ay jiraan wadamo kale kuwaasi oo dhankooda doonaya in ay marti geliyaan shirkaasi, waxaana la sheegay in ay kamid yihiin; Turkiga iyo Jabuuti. Todobaadkaan waxaa Jabuuti tegay wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudahaSomaliland, kaasi oo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlaya arrimaha ku xeeran wadahadalka. Diblumaasiyiin ayaa ku waramaya in Jabuuti ay raadineyso in ay kalsooni ka hesho Somaliland, maadaama xukuumada Muqdisho Ka caga jiideyso in Itoobiya lagu qabto shirkaasi. Dowlada Farmaajo ayaa la fahansan yahay in midkood Jabuuti ama Turkiga ay dooneyso in ay noqoto madasha, wallow Somaliland aysan wali caddeynin aragtideeda ku wajahan dalalkaasi. Turkiga ayaa horey loogu qabtay wadahadalo u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Somaliland, inkasta oo aaney kasoo bixin wax natiijo ah. Intaasi waxaa dheer, in mas’uuliyiinta Xukumada Muuse Biixi ay horey ugu eedeeyeen Ankara in aanu dhexdhaxaad ahayn. Dowlada Federaalka iyo Somaliland ayaa waqti xaadirkaan ka siman aragtida guud ee ku aadan in uu qabsoomo wadahadalka, laakiin waxaa calaamad su’aal dul saaran tahay goorta uu dhacayo iyo goobta lagu kulmayo. Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in Muuse Biixi uu ka ogolaaday Abiy Axmed in Itoobiya lagu qabto wajiga 3aad ee wadahadalada, taasoo aanan la ogayn hadii ay ka suurtagaleyso dhinace Dowladda Soomaaliya. Dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka digaya in kala aragti duwanaashiyo arrintaan ku saabsan ay dib u dhac ku keeni karto wadahadalka oo rajo wanaagsan laga qabo in ay kasoo baxaan qodobo miradhal ah, haddii labada dhinac muujiyaan Ka go’naansho iyo tanaasul. Qaran News
  4. Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa markale ka hadlay arimaha doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa ka sheegay magaalada Doolow in dhamaan siyaasiyiinta maamulka Jubbaland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb galaan doorashada ka dhacaysa magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ay diyaarineyso dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay, gaar ahaan xaqiijinta amaanka musharixiinta iyo goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan. Wasiir Janan, ayaa markale ka digay ciidamada amaanka inay u kala eexdaan musharixiinta tageysa magaalada Kismaayo, islamarkaana inaysan marnaba ku lug yeelan doorashada dhawaan dhaceysa. Bisha Augosto ee sanadkan ayaa waxaa ku eg mudo xileedka madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo la filayo in doorashada ay ku dhacdo sida loogu talagalay. Dhawaan musharixiin tagay magaalada Kismaayo ayaa loo diiday inay soo dhaweyn ka helaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. Faxfaxdhuun (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya saldhigga Faxfaxdhuun ee ay kala wareegeen ciidaamda dalka Kenya. Ciidamada Kenya oo muddo ku dhow 10 sannadood hestay degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo labadii bishan isaga baxay, waxaana durbadiiba dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab. Sida ka muuqata muuqaallada ay baahisay Al-Shabaab, ciidamada Kenya ayaa xerada ka tagay iyadoo sideedii u dhisan iyo qaar ka mid ah agabyadoodii. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab oo shir jaraa’id qabtay dorraad ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee Gedo ku sugnaa ay haatan ku hareen oo kaliya degaanka Buusaar. Hoos ka daawo muuqaallada ay soo bandhigeen Al-Shabaab
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaalladda ku saabsan soo celinta wadaxaajoodka dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa soo cusboonaaday markii Madaxwayne Muuse Biixi uu si cad u badalay mowqifkiisa la fariisashada xukuumada Muqdisho. Isbedalka Muuse Biixi ayaa yimid markii kulan uu bishii hore Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo wadankiisa uu doonayo in uu u dub-dhaxaad u noqdo wadahadaladda labada dhinac oo mudo hakad Ku jiray. Hasayeeshee, waxaa la sheegayaa in ay jiraan wadamo kale kuwaasi oo dhankooda doonaya in ay marti geliyaan shirkaasi, waxaana la sheegay in ay kamid yihiin; Turkiga iyo Jabuuti. Todobaadkaan waxaa Jabuuti tegay wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hargeysa, kaasi oo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlaya arrimaha ku xeeran wadahadalka. Diblumaasiyiin ayaa ku waramaya in Jabuuti ay raadineyso in ay kalsooni ka hesho Somaliland, maadaama xukuumada Muqdisho Ka caga jiideyso in Itoobiya lagu qabto shirkaasi. Dowlada Farmaajo ayaa la fahansan yahay in midkood Jabuuti ama Turkiga ay dooneyso in ay noqoto madasha, wallow Somaliland aysan wali caddeynin aragtideeda ku wajahan dalalkaasi. Turkiga ayaa horey loogu qabtay wadahadalo u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, inkasta oo aaney kasoo bixin wax natiijo ah. Intaasi waxaa dheer, in mas’uuliyiinta maamulka Muuse Biixi ay horey ugu eedeeyeen Ankara in aanu dhexdhaxaad ahayn. Dowlada Federaalka iyo Somaliland ayaa waqti xaadirkaan ka siman aragtida guud ee ku aadan in uu qabsoomo wadahadalka, laakiin waxaa calaamad su’aal dul saaran tahay goorta uu dhacayo iyo goobta lagu kulmayo. Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in Muuse Biixi uu ka ogolaaday Abiy Axmed in Itoobiya lagu qabto wajiga 3aad ee wadahadalada, taasoo aanan la ogayn hadii ay ka suurtagaleyso dhinace Dowladda Soomaaliya. Dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka digaya in kala aragti kuwanaashiyo arrintaan ku saabsan ay dib u dhac ku keeni karto wadahadalka oo rajo wanaagsan laga qabo in ay kasoo baxaan qodobo miradhal ah, haddii labada dhinac muujiyaan Ka go’naasho iyo tanaasul. Xigasho: Garowe Online
  7. Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah. “وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..” “Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn” Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa doonistiisa aan lays hortaagi karin ee dad iyo duunyaba ka yeesha siduu dooni isaga oo aayar ayuu ku beeri lahaa barnaamij hanuun iyo hogaansanaan ah oo ay inaba kuwa la cusleeyay meelna ka aadi karin. “وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَآمَنَ مَن فِي الْأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعًا ۚ أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ” “Hadii uu rabigaa dooni inta dhulka dulsaaran oo dhan way rumeyn lahaayeen ee adiga dadka miyaad khasbaysaa si ay mu’miniin u wada noqdaan” Walaal xaqiiqda dhabta ah ee bidhaaminta mudan ayaa ah in xigmadda rabigeen ay ku dureersatay in dunidan tahay daar laysku imtixaamo oo dow la sii maro u ah duni kale oo si daa’im ah ay dadka ugu noolaan doonaan iyada oo uu mid kasta dacalada ku sito tacabkii uu dunidan kala tagay oo laba uun mid ah,inuu ahaa qof suuban oo iimaan iyo camal hagaagsan la tagay oo jano lagu abaal mariyo ama inuu ahaa iimaan laawe shar badan shaqaystay oo cadaab lagu shiilo,rabbi ka magane. Arinta sidaa ah rabbi uma samaynin awood ku muquunin umana adeegsan itaal ee wuxuu dadka siiyay akhtiyaar iyo xoriyad ay ku doortaan wadada ay doonayaan iftiimin iyo ergo uu xujo ku kabay ka dib,kuwaasoo umadda barayay isaga Alle ah una cadeynayay waxa uu ka doonayo iyaga in yeesha iyo in diidaba. Rasuul kasta oo uu rabbi u diray aadanaha arintiisu gaarsiin oo kaliya ayay ku koobneyd. Sida rasuulkeena Muxamad ah scw lagu yiri:- “فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ..” “Haday xaqa ka jeestaan hadde adiga inaad gaar ka qabato kuuguma aanan dirin,kaliya arintaadu waa gaarsiin”. Adeegayaasha Alle diro dadku dul bay ulahaayeen way dhagaysan jireen su’aal kastana way oga jawaabi jireen xaqana si cad oo caqli iyo cilmiba leh ayay ugu cadeen jireen,waayo waxay ogaayeen in xaqu xujo ku filan yahay oo uu wax kasta isaga ka adag yahay. “بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ..” “Xaqa ayaan baadilka ku ganaynaa markaas ayuu maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa oo suulinayaa baadilka ..”. Walaal wali sheeko iyo shaahid laguma hayo nabi Alle soo diray oo caburiyay bareeraha insaanka oo dadka afka qabtay oo yiri car hadla,taas badalkeed intay waxay doonaan ku hadlaan ayaa loo jawaabayay dadka si xigmad iyo caqli gal ah. Quraanka aad bay ugu badan tahay tacaaliimta ah waxay yiraahdeen sidaa iyo sidaa…adna waxaad ku tiraahdaa sidaa iyo sidaa…ama haday sidaa iyo sidaa ku yiraahdaan…adna ugu jawaab sidaa…iyo didaa…. وقالو…..فقل. Iwm ayaan in badan quraanka ku aragnaa. “وَقَالُوا لَن نُّؤْمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفْجُرَ لَنَا مِنَ الْأَرْضِ يَنبُوعًا(90)أَوْ تَكُونَ لَكَ جَنَّةٌ مِّن نَّخِيلٍ وَعِنَبٍ فَتُفَجِّرَ الْأَنْهَارَ خِلَالَهَا تَفْجِيرًا (91) أَوْ تُسْقِطَ السَّمَاءَ كَمَا زَعَمْتَ عَلَيْنَا كِسَفًا أَوْ تَأْتِيَ بِاللَّهِ وَالْمَلَائِكَةِ قَبِيلًا (92)أَوْ يَكُونَ لَكَ بَيْتٌ مِّن زُخْرُفٍ أَوْ تَرْقَىٰ فِي السَّمَاءِ وَلَن نُّؤْمِنَ لِرُقِيِّكَ حَتَّىٰ تُنَزِّلَ عَلَيْنَا كِتَابًا نَّقْرَؤُهُ ۗ قُلْ سُبْحَانَ رَبِّي هَلْ كُنتُ إِلَّا بَشَرًا رَّسُولًا (93). “Waxay yiraahdeen ku rumeyn mayno ilaa aad dhulka ilo biyo ah ka dillaaciso,ama aad yeelato beero timir iyo canab ah ood dhexdeeda ka dhambashay wabiyaal,ama samada dusheena ku soo riddo sida aad sheegatay iyada oo gaballo ah,ama aad ilaahay iyo malaa’igta oo wada socda noo keento,ama aad yeelato guri qurux badan oo macaadinta qaaliga ah laga sameeyay,ama aad hadda samada fuusho,oo rumeyn mayno waxan aad sheegayso ilaa aad hadda soo dajiso kitaab aan akhrisano, Waxaad ku tiraahdaa rabigay baa xumo ka nasahane ma wax kale ayaan ahay anigu aan ka ahayn inaad ahay bashar idinla mid ah oo uun farriin side idiin ah”. Rasuulku scw dulqaad ayuu u lahaa wax kasta oo ay yiraahdaan kuwa aan rumeyn waxyi xagga samada laga siiyayna wuu hagayay,intii uu awoodda yaraa iyo intii uu awoodda helayba si isku mid ah ayuu ugu jawaabayay gaalada iyo munaafiqiinta inta ay afka baarkii arintu ku egtahay oo aysan adyad iyo gacan ka hadal iyagu la imaanin. Xitaa isagoo awood leh oo madiina jooga ayay caayi jireen ama habaari jireen,rasuulka scw marna ma miciin bidin inuu afka ay ka hadleen gacan ugu badalo ee arintu waxay u dhaxaysay mar uu Alle u jawaabo kuwa anafada u gaysanayay rasuulkiisa ama mar uu suubanuhu isagaba af isaga celin jiray,inta badana waabu isaga aamusi jiray oo cafiska ayuu ka xigsan jiray haddii ay isaga wax ka sheegaan. “وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَكُمْ …” “Waxaa ka mid ah munaafaqiinta iyo yahuuddii madiino kuwo nabiga dhibayay oo oranaya waa dhag ween,waxaad ku tiraahdaa dhagweyn idinka khayr badan weeye..” Yahuuddii madiina intay rasuulka scw u yimaadaan oo ay wax salaamaya iska dhigaan ayay oran jireen mowd kugu dag,rasuulka scw intuu maqlo ayuu oran jiray idinkuna sidoo kale,ama waxaad tiraahdeenba laydin yiri..intaa uma dhaafi jirin isagoo waliba ahaa quwadda ugu weyn ee madiina ka talinaysay marna gacan ulama tagin bal haweentiisa caa’isha oo mar intay maqashay habaarkooda aad u af dhaaftay yahuudii ayuu rasuulka scw canaantay oo yiri caashaay ka joog. “وعن عايشة رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا ، ” أَنَّ يَهُودًا أَتَوُا النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالُوا : السَّامُ عَلَيْكُمْ ، فَقَالَتْ عَائِشَةُ : وَعَلَيْكُمْ ، وَلَعَنَكُمُ اللَّهُ ، وَغَضِبُ اللَّهُ عَلَيْكُمْ ، قَالَ : مَهْلا يَا عَائِشَةُ ! عَلَيْكِ بِالرِّفْقِ ، وَإِيَّاكِ وَالْعُنْفَ وَالْفُحْشَ ، قَالَتْ : أَوَ لَمْ تَسْمَعْ مَا قَالُوا ؟ قَالَ : أَوَ لَمْ تَسْمَعِي مَا قُلْتُ ؟ رَدَدْتُ عَلَيْهِمْ ، فَيُسْتَجَابُ لِي فِيهِمْ ، وَلا يُسْتَجَابُ لَهُمْ فِيَّ ” .متفق عليه. “Caa’isha rc waxay tiri yahuudda inta nabiga scw u yimaadeen oo wax salaamaya iska dhigeen ayay yiraahdeen mowd kugu dag,kolkaasay caa’isha tiri:-mowd idinku dag oo nacladda Alle iyo caradiisa idinku dhacday..markaas ayuu rasuulka scw yiri caashaay ka joog oo dhimri,waxaan kaaga digayaa cunfi iyo darnaan iyo afxumo,kolkaasay caa’isha tiri: oo rasuulkii Allow miyaadan maqal waxa ay yiraahdeen,markaasuu rasuulka yiri oo miyaadan maqlin waxaan ugu jawaabay:-sow anigii iri idinkuna sidoo kale,waliba aniga waa layga ajiibayaa oo iyaga laga ajiibi maayo”. Waxyaabaha in la fahmo loo baahan yahay waxaa ka mid ah in islaamku isagu yahay midka doonaya inuu ka guro dadka hadalka oo weydiinaya kuwa wax diidan inay xujadooda la yimaadaan sida marar badan uu Alle quraanka inoogu sheegay. قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِين. “Bal keena xujadiina hadaad run sheegaysaan”. Wuxuu kale oo Alle yiri:- “قُلْ هَلْ عِندَكُم مِّنْ عِلْمٍ فَتُخْرِجُوهُ لَنَا ۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَخْرُصُونَ” “Miyaad haysaan wax cilmi ah oo aad noo soo bandhigaysaan,hadaydaan hayn hade mala awaal ayaad ku socotaan wax uun baadna iska qiyaasaysaan” Akhristow waxaa xusid mudan in caburinta iyo handadaad loo gaysto qof afkiisa ka hadlay uusan ahayn wax inta badan ahlul xaqa iyo islaanimada lagu yaqaan bal taa badalkeed waxaa gacan ka hadal af ka hadal laga horgeeyo iyo caburin iyo cago jugleyn lagu yaqaan kuwa xaqa diidan iyo ahlul baadilka sida marar badan ku cad kitaabka quraanka iyo sunada nabigaba scw. “قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ”. ” Aazara wuxuu yiri: ibraahinow ma waxaad keentay inaad ilaahyadeena nacdo oo aad wax ka sheegto,hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili” “قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ فِينَا ضَعِيفًا وَلَوْلا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ وَمَا أَنْتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ ” “Shucayboow anagu garan mayno wax badan oo ka mid ah waxaan aad sheegayso,waxaanan kuu aragnaa mid dhexdeena daciif ku ah,haddii aanan tolkaa kugu xaq dhowreynina waa hore ayaan dhagax kugu dili lahayn” “قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ ) “Waxay yiraahdeen-luudoow-Oo sow taan kaa reebnay inaad dadka la hadasho ood meelaha wax ka sheeg-sheegto”. وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُمْ مِنْ أَرْضِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا. “Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen rusushii loo diray laba mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad diinteena ku soo noqotaan” … إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِي جُذُوعِ النَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَا أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَى. ” Muuse waa midka ugu weyn ee sixirka idin baray,waxaan idinka guri gacmaha iyo lugaha markaasaan idinku salbin timirta jirideeda,waxaadna ogaan doontaan bal kaayaga cadaab daran ee baaqi noqda” “قَالَ فِرْعَوْنُ آمَنتُم بِهِ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكْرٌ مَّكَرْتُمُوهُ فِي الْمَدِينَةِ لِتُخْرِجُوا مِنْهَا أَهْلَهَا ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (123) لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ” “Fircoon wuxuu yiri Oo ma waxaad rumeyseen muuse aniga oon idiin idmin ka hor,arinkan waa dhagar aad magaalada u maleegteen si aad oga barakicisaan dadka ku nool,dhaari waxay iga tahay inaan gacmaha iyo lugaha si isdhaaf ah idiinka jaro oo aan dhamaantiin idin salbiyo oon idin qodbo”. ugu dambeyntii walaalayaal waxaa muhiim inoo ah hadaynu nahay muslimiinta maanta nool inaynu tixgalin siino xoriyada hadalka oo aynaan ku tuman tacaaliimta diinteena ee tilmaan ku filan inaga siisay sidii aan u tixgalin lahayn xoriyadda hadalka iyo cabirida rayiga. W/Q Abdullahi Hussein cabdullaahi1969@gmail.com
  8. Ibrahim M Mead Director Somaliland watch group Ottawa, Canada Date: June- 2014 We are destroying our country by our own hands The author retrieved this old article from the files and republished it because the same things are happening even when we changed the disastrous regime of Kulmiye-1. Unfortunately K2 manifested itself as K-1 thus 1+2 =1! Choosing the wrong people to lead: In Somaliland, It is evident that ‘Guulwadeen’ and clan based considerations has elected so many incompetent and corrupt leaders without giving thought the consequences of this choice. As a result of this clan driven act we ended up to choose bad leaders and the bad leaders’ sequentially chooses bad government operators; on the other hand there are good people from the clan but for obvious reasons they are not attractive. The clannish ‘Guulwade’ is more attractive!! The leadership of the nation will not achieve a commendable height if unqualified clan based “Guulwadayaal” are appointed into political offices while alienating and avoiding the best and brightest of the nation. We did the former! People who will not be driven by corruption; who will set examples in honest and decent behaviors, who will step down voluntarily when his time is up, or when it becomes evident that he is no longer needed, are those who can lead a (lucky) a viable nation.. Without such committed efforts and partnership, the battle for Somaliland’s future is misplaced. Oh lord, make us not a trial for what our follies do and do not, and for what we the people do and not do. Our elected and not elected representatives sold the faith and trust they owe for Somaliland and for Allah. They sold their own solemn pledged word for a small price. Oh lord, save us from obstinacy, ignorance and the inability to learn from our mistakes. We did it in 1960. We paid blood and treasure for that mistake. We are doing similar mistakes now! Oh lord we seek refuge from oligarchies of K-1 and K2 and their goons, and sycophants. Oh lord, lead us to what is right and turn us away from what is wrong. Oh lord, we seek your mercy. To deserve your mercy lead us to know the right thing from the sinful wrong thing. We are deeply indulged in the wrong! Our quest for Recognition: “Recognition comes from within, from inside. It is all local. It is cooked locally then the finished product can be taken to outside markets to sell. To realize this, the government must first believe in the CAUSE and put the right people in charge of this task. Somaliland must establish a functioning democracy, rule of law and good governance. This will bear fruit only when the people are UNITED and are CONNECTED to their government and when their government is connected to them. There is a disconnection instead! The government must be of the people and for the people and not an oligarchy entity. When the people running the government are qualified and capable, and lastly when the government attributes to the above mentioned virtues and principles of good governance then such government has a beef in the sandwich they are selling which is Recognition. That finished product is then sellable, ready for packaging and marketing.” (From an earlier article by the same author) Selling your solemn plighted word: “For those who sell the faith they owe to Allah and to their own solemn plighted word for a small price, they shall have no portion in the Hereafter: nor will Allah deign or speak to them or look at them on the Day of Judgment; neither will He cleans them of sin. They shall have a grievous chastisement.” (Alomran-77) This means that all our duties to our follow citizens to our people are referred to the service and faith we owe to Allah. Is it becoming that we should be counterfeit to our own work, to ourselves and to our people? Being untrue to our selves is being untrue to our follow creatures, to our people and it is but a miserable price. We get at best something very miserable as the price for selling our owe souls. Lately the Representatives of the people whom their term has long time ago expired are still there looking for an extension in exchange of giving an extension to the executive branch’ Forget about the “Guurti,” they are there forever and together, the TRIO will be there to help themselves as long as Somaliland could sustain them! The trio made their solemn pledge or plighted word for a small price, and by doing this Allah told us that such people shall have no Portion in the hereafter neither will Allah speak to them or look at them on the Day of Judgment nor will he cleans them of their sin. (walciyaadu billaah) What they are doing is that serious, but they see not. Neither do they fully understand of the consequences of what they do and sometimes do not? If the ‘trio’ do not change, and unlikely they will change what they do and are doing then Somaliland is doomed, God forbid. “Our lord, we have wronged our own souls and if thou forgive us not and bestow not us thy mercy, we shall certainly be lost” If we use our remarkable ability which we use to loll and use “Guulwadayaal” for undesired government propaganda against godly and good causes like uniting the people and not alienating our best and brightest which even exceeded our chronic ignorance, we would have taken Somaliland to somewhere, long time ago! The government and the opposition do not seriously recognize what is at stake; otherwise they would have recognized the importance of consultation and the importance of building ties and communications. The two organizations did not conduct a single dialogue and did not engage each other! Each one sees the other as the enemy, more so by the government operatives! They have an underlying and growing mistrust of the other’s intentions. Such mistrust is corrosive, radiating even well-intentioned deeds and initiatives in a negative light and in this Somaliland validity, integrity and her cause will be weakened as a result. One problem is that neither entity is confident that it understands how the other sees the future of Somaliland and the future of their relationship. Each side, senses distrust in the other. The real reasons for that attitude are lack of communications and consultations. So, how can they separate propaganda efforts designed to manipulate their end against the other from serious and sincere national concerns? Conclusion: However as Liu Binyan said ‘’Smashing a mirror is no way to make an ugly person beautiful nor is it a way to make social problems evaporate’’ If we continue to mention the havoc bad leadership has caused without suggesting and implementing solutions, then we are making another big mistake, we are just smashing the mirror. The election and appointment of leaders should be done after credible analysis and consideration of merit based short-listed candidates even in the clan web, for example We must not look out alibis from here and there, we must change our selves and move forward with viable ideas and ideals guided by moral compass which we cannot find from ‘Guulwadayaal’ but can be found from our best and brightest. The later is alienated now while the former is running our affairs disgracefully, wrongly.. The country and our sacrosanct cause of our independence, sovereignty and quest for a recognized Somaliland could only be achieved, preserved and protected when we become united as a solid cement structure, like we were during SNM liberation endeavors but we are not there now! We are seriously divided and moving different and opposite directions and that is worrisome indeed! If we are not in the same page in who we are and what goals and aspirations we pursue, we are lost. If we are not of the same page of what is the right thing to do for our affairs locally and internationally and if we are not UNITED, we are doomed! “Oh lord, in thee do we trust, and to thee do we turn in repentance: to thee is our final return.” So lead us and bestows us your mercy to find the right path and the right people for they are indeed intertwined. However peace and prayers Ibrahim Mead Meadgd@gmail.com Qaran News
  9. HAMBALYO MEHER AABO CABDI FATAAX JAAMAC MAXAMED & HOOYO INDHO DEEQ C/LAAHI CILMI 1-Suldaan Mahad Caraj 2-Chief Caaqil Ismaaciil Axmed Qoys 3-Mujaahid Xasan Cabdi Aw Maxamed (Dugulo) 4-Eng Xamdi Aw Ciise Kaahin 5- Oday Mahdi Axmed Kabadhe 6 – Jaamac Ibraahim Gabay Xaddi 7 – Oday Cismaan Cawil Goondhaas 8- Oday Cigaal Aadan Haybe 9- Oday Ismaaciil Maxamuud Xandulle 10 – Daahir Keyse Daahir 11 – Cabdi Baanday Haybe 12 – Muuse Xuseen Guuleed 13 – Rashiid Cabdi Gamadiid 14 – Xaaji Maxamed Ibraahin Dagaal 15 – Sidiiq Xaaji Muuse Kaahin 16 – C/Najiib Ismaaciil Maxamuud 17 – Muxiyodiin Aw Ciise Kaahin 18 – C/risaaq Cumar Coofle 19 – C/Shakuur Cumar Coofle 20 – Xuseen Cumar Coofle 21 – Maxamed Cumar Coofle 22 – Guuleed Cumar Coofle 23 – Xasan Cumar Coofle 24 – Sahra Cumar Coofle 25 – Hodan Cumar Coofle 26 – Hoodo Cumar Coofle 27 – Xamda Cumar Coofle 28 – Hibo Cumar Coofle 29- Yuusuf C/laahi Yuusuf 30 – Nagiib ibraahin C/laahi 31 – Miyir Cali Xuseen 32 – Farxaan Cabdi Garow 33 – Cismaan Cilmi Saqadhi 34 – Eng Cabdi risaaq Aw Maxamed 34 – Sh. Khadar Hindi Bootaan 35 – Cabdi raxmaan Ibraahim Cige Dhamaan dadkaas iyo qaar kaloo badan ba waxay hambalyo aan la soo koobi karin hawada u marinayaan Geelle Cumar Coofle & Balqiisa Cabdi Fataax Jaamac Oo maanta oo bishu tahay 04 – 03 – 2019 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeysa Waxaanu leenahay noqda kuwii aqal galkooda ku gaadha bash bash iyo barwaaqo insha allah Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Aamiiiiiiin Qaran News
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-04032019.mp3 View the full article
  11. (SLT-Venezuela)Juan Guaidó oo sheegtay in uu yahaya madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela ayaa ku baaqay in dad badan ay sameeyaan mudaaharaad isaga oo ku dhawaaqay in uu dib ugu laabanayo dalkaas uu mashaakilku ka taagan yahay. “Dadka reer Venezuela oo dhan waxaan ugu baaqayaa in ay bari 11 subaxnimo isku soo baxaan,” ayuu Axaddii ku soo qoray Twitterka. Guaidó oo aqoonsi ka haysta in kabadan 50 dal ayaa madaxweyne Nicolás Maduro ugu baaqay in uu is casilo. Balse Maduro ayaa ku doodaya in uu yahay madaxweyne sharci ah, wuxuuna taageere ka haystaa Shiinaha, Ruushka iyo Cuba Madaxa Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub Federica Mogherini ayaa ka digtay in waxyeelo loo gaysto Guaidó “ay keeni karto in xiisaddu ay ka sii darto” beesha caalamkuna ay arrintaas cambaarayn doonto. Guaidó ayaa bishii hore u tallaabay xadka Colombia, intaas ka dibna wuxuu socdaal ku maray dalal dhawr ah oo Laatiin Ameerika ku yaalla, madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayuuna kula kulmay Colombia, intii uu socdaalkaas ku jirayna wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynaha cusub ee Brazil Jair Bolsonaro. Waraaq uu Twitterka soo dhigay ayuu ugu mahadceliyay dalalkaas. Ninkan oo ah gudoomiyaha baarlamaanka oo mucaaradku u badan yihiin ayaa si iskii ah isugu tilmaamay madaxweyne bishii Janaayo, arrintaas oo qayb ka ahayd dadaal uu ku doonayay in xilka looga tuuro Maduro oo hogaaminaya dalka Venezuela oo mashaakil sii kordhaya ka taagan yahay. Malaayiin dad ah ayaa dalkaas isaga qaxay, Guaidó ayaana Axaddii kula kulmay Ecuador. Guaidó oo la kulmaya dadka dibad jooga ah ee dalkiisa Dhanka kalana Maduro ayaa xiray xadka isaga oo wada dadaal uu ku hor istaagayo in ay dalka soo gasho mucaawino ay mucaaradku dalbadeen. Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray ciidammada iyo dad mudaaharaadayay bishii hore. Milatariga Venezuela ayaa aad u taageersan Maduro, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay sii kordhayaan masuuliyiin ka goosanaya ciidammada Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku gacan seertay dalabka dowladda Kenya ay ku dooneyso in wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaafka labada dal ee ka dhashay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo arrintan ka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso go’aankeedii hore, isla markaana lagu kala bixi doono maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba wadahadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood. Hadalka Mahad ayaa niyadjab kale ku ah dowladda Kenya, oo dhowaan wasiirkeeda arrimaha dibedda, Monica Juma ay sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay wada-xaajood la gasho dowladda Soomaaliya, si arrintan xal looga gaaro. “Waxaa naga go’an in xiisaddan lagu xaliyo wada-hadal, waxaana ku rajo weynahay in xal la heli doono oo walaalaheen derisk nala ah iyo annaga aan is-fahmi doonno” ayey tiri Monica. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya aysan arrintaas ka dhaadhaceyn. Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa dhowaan warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Waxii ay wallaweyn waqooyi badaa wajeerna ka waalaneysaa . Markii ay Somaliland iyo Somaaliya midoobeen , waxa yar kadiba Somaliland waxey oggaadeen in aaney dadkani dadkii ay moodeen aheyn . Haddana iyada somaaliland wax yaaba badan xeerineysa kuma ay degdegin in dib uga noqdaan midawgii ay horseedka ka ahaayeen , waxase jirtey in ay marba marka kadanbeysa isa soo tareysey dhibaatooyin cusub iyo mustaqbal madoob ee ay food saareen . Waxa ay u galeen maamul cadow oo Arxan daran oo boqol jeer ka xun mustacamarkii ay xoriyada ka qaateen . Waxa ay wajaheen waxa aaney fileyn . Waxa soo baxayey sida aaney uga ka raali aheyn isku darkii labada dal ee somaliland iyo somaaliya , sidii inqilaabkii fashilmey ee 1961 iyo dareena badan oo ay qaarkood murtida Somaaliland hodanka ku tahey ay ku cabbirijireen tabashidooda iyo rajabeelka u muuqadey . Markii ay kiiniya xorida qaadatey waxa ingrisku ku kiiniya ku raaciyey NFD oo ah gobol somaaliyeed . Somaaliyan rajo riya ah ayey ka qabtey in somaaliya lagu soo daridoono laakiinse taasi maydhicin . Markaasey saluugii ay qabeen reer Somaliland ay u arkeen in ay wajeer door bidey in ay kiiniya la sii joogan waa markaa ay lahaayeen waxii ay wallaweyn waqooyi badaa wajeerna ka waalaneysaa . Waxa kala oo jirtey markii ay Jabuuti calanka qaadatey in ay markaana reer somaaliland u digeen Jabuuti oo suugaana wax ugu sheegeen Jabuuti waa markii ay ku lahaayeen ka joog Jabuutay ka joog anagaa ku jabbneye ka joog , Marna waa kii Cabdi iidaan lahaa ninowna dawlada baa xamar kaa xigta haw durbbaan tumine marna waa ku wii laha dalka inta kale oo maqan hadaa xamar heshiiseen idinka oo liita larkee . Runtiina waa la arkey . Somaliya Waxa ay weerer aan kaasookale la arg ku qaado itoobia gaar ahaan degaanka Somalia ee etoobiya , halkaas ay ka geysteen xasuuq aan loo aabe deyin oo cagta mariyeen dad iyo duunyo wixii ku dhaqnaa . Waxa ka sii dareyd xasuuqii aan kaasoo kale la arg ee ay ka geysteen somaliland oo ay u adeegsaney hubbka noocyadiisa oo ay ku jiraan diyaaradaha ku waa soo aan dad , xoolo iyo xitaa Bono aan waxa lasheego ka tegin ilaa dad iyo duunyo wixii ka badbaadey ay itoobiya u galeen . Somaalia dhibaata kuma heyso oo kale degaanada kale somaalidu degto ee waxa dhibaato ku heysaa aduunyada oo dhan . Soomaaliya waxa ku jira dad haddii ay madax noqdaan ay balwad u noqotey in ay dadka laayaan oo aan miyrsan ilaa dhagar geysteen iyaga shaki ka qaada in ay madaxnimada laga qaadayo haddii aney waxa dilin . Waxa fiican in somaliya la iska illaasho iyagana la kala illaasho .By: Cabdirisaaq Xasan Source
  14. Waddooyinka dhulka mara ma raacno inakoo aan ogayn meesha ay tagayaan, laakiin’se wadooyinka nolosha waxaynu raacnaa inakoo aan ogayn meesha ay Tagayaan ama Ku dhamaanayaan Hawli inay kaa qabyowdo waa wax iska dabiici ah oo ceeb maaha, taladeeduse inay kaa qabyowdaa marka hore ayaaceeba. Kalsoonida iyo isku halaynta aad naftaada kaqabto ,waxaa xaqiiqda ugadhaw ta ay dadka kale kaa qabaan. Qof aan aqoon lahayn oo aamusay, wuxuu kafiicanyay mid aqoonleh oo wax khaladan kuhadlaya. Hawadu birta way jar-jari kartaa, Birtu’se Hawada ma jar-jari karto. Uhur hawsha aad qabanayso wakhtiga ,awooda iyo dhaqaalaha hadii ay mihiimtahay ,ugu yaraan waxaad xaqiijin kartaa sida loo qabanyo. Hadii Muruq ahaan lagaaga Ad-kaado hal mar ayaa lagaa adkaaday, hadii se Maskax ahaan lagaaga adkaado gabi ahaan waa lagaa wada ad-kaaday. Maskaxda Binu-aadamku waaturjumaanka ugu wayn ee wada hadashiiya Dareenada Jidhkeena ee kala duwan. Geesinimada aad Cid kula dagaalanto ,waxaa ka qiimabadan Geesnimada aad cidkula heshiiso. Go’aanka aad cid kaga aargoosanayso waxaad siisaa wakhti badan laakiin go’aanka aad dadka ku cafinayso waa inaad siisaa wakhti yar . Caruurta ka dhagayso wax walba oo ay kuu sheegaan sax iyo qaladba ,laakiinse adigu wax walba ha usheegin ee wixii ay qaadan karaan usheeg. lasoco inshl rashaad055@hotmail.com (063-4475540). Source
  15. inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii been badane ee DPW. aniga oo weliba sii tixraacaya tixdii iyo tiraabtii laynoo laqimay sanadihii la soo dhaafay kuna bishilaaya hadal haynta maalmahan ee Berbera Corridor iyo hadaaqa bulshada bal aynu tooshka ugu yara ifino shacabkan lagu dhego barjeeyey beentii beentu saarneyd ee ay mikirifoonada kaga adimi jireen Xilwadeenadii Xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye mudooyinka hoos ku taariikheysan: Yaab ! Taariikh 9/05/2016 ilaa 8/9/2017 Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.Laakiin waxaa Dekeda gelaaya $242 Million oo qudha Kuye Xaqal qalinku wuxuu noqday $15 million kaas $10 million uu caash ahaa, $5 Milliona aynu Dekeda ku kireynay sanad kasta Lay’e Shirkada DPW waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano Kuye’ Somaliland waxay Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekedeena oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh. Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku qiimaysay qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya, Saldhigana mashaariic ayeynu dhaafsanay.. Kuy’e 65% Saamiga waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland Lay’e Gudida Maamuli doonta Dekadu waxay noqon doonaan 7 xubnood oo 5ni waa DPW 2na waa BPA Somaliland Kuye Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaceeda Berbera Port Operation Company ( BPOC) Kuye Dekedii hore ayaa laynoo qalabaynayaa Deked cusub oo 800M ahna waa laynoo dhisayaa – Goorma ? Kuye shirkadda macaash doonka ah ee DPW waxay Dekeda Berbera la wareegaysaa 1/3/2017 Kuye Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareynta Guud ee Dekeda. Lay’e Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba mar si ay ula tar-tanto Dekedaha dalalka deriska ah Lay’e xaga sharciga (Govering law ) hadii khilaaf yimaado, waxaa laysla adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka dawlada Ingiriiska Inaas oo qodob oo laynagu dhego barjeeyey waxay wada noqdeen waxaan jirin ! Taariikh 1/3/2018 – 25/11/2018 Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisuba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaaya oo indho sarcaad ah ! Kuye 1/3/2018 waxa heshiis sadex geesood ah kala saxeexday JSL, DPW iyo Dawlada itoobiya Kuye Saamiyada waxaa loo kala yeelanayaa 51% DPW, 30% SL, 19% dawlada itoobiya . Laye Gudida maamuli doonta maareynta Dekedu waxay noqonysaa 9 xubnood oo 3 xubnood ayaa Somaliland yeelanaysaa Ogow hada mar kasta sheeko xariirta waxay inoogu bilaabaan in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso lacag dhan $442 Million Kuye wejiga hore waxay DPW inoo maamulaysaa mudo sanad ah , taasoo ay marka ay ka faai’daan lacag badan wejiga labaad bilaabi doona. Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera wuxuu noqon doonaa lacag dhan $230 Million ! Kuy’e DPW waxay Suuqa xorta ( Free Zone ) u qoondeysay in ay ku baxdo lacag dhan $25 Million ! Lay’e Dawlada Itoobiya waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion! Laye Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan $80 Million ? Kuye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa lacag dhan $240 Million? Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa badan oo waxay awoodaa in ay bixiso $7 million oo qudha ? Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusub ee itoobiyana ku saleysan yahay. Sidee loo aaminayaa Shirkada Macaashdoonka ah ee DPW hadii aanay Hirgelineyn wixii hore loogu heshiiyey ? Taariikh 25/12/2018 – 28/2/2019 Kuye Dekeda Berbera Kiradeedii Miisaaniyada laguma darin Waayo waynu sii qadimanay oo busaarad iyo abaaro ayaa dalka ka dhacay. Kuye Shirkadan hada maamusha Dekeda Berbera waxaa loo bixiyey magaceeda DPWorld Berbera – oo tii hore meeday? Kuye Xubnaha boodhka ee Shirkada DPWorld Berbera waxay ka kooban yihiin imaaraati iyo Somaliland oo keliya oo itoobiyan kuma jiraan- Yaab ! Kuye Saldhiga Berbera maynu kireyn oo waxay ku bedelanay Madaar iyo Wadada Berbera Corridor- Wadadee dee ma kab-kabka ? Yaabka Yaabkii ! Laye ururka midowga yurub ayaa isna bixinaya lacag dhan $30 million oo wada Berbera Corridor lagu dhisi doono- Waar kab kabku lacag badanaa ? Kuye Dhismaha Wadada Berbera Corridor wuxuu bilaabmi doona 15/3/ 2019 Waxaana ay ku dhamaanayasaa mudo 22 bilood ah. Kuye Wadada Berbera Corridor dhererkoodu wuxuu noqon doona 250 Km oo keliya oo kab kab wadadeenii hore ah – Yaab !! Kuye hadana wadada Berbera Corridor dhererkeedu wuxuu noqon doonaa 245 Km , 21 Km oo bay baas ah iyo 7 biriish oo cusub. kala hadal badanaa duulku !! Kuye lacagta ku baxaysa Wadada Berbera Corridor waa $111 million oo $90 million uu imaaraatigu bixin doono $21 million ingiriiska ayaa bixin doona. Waxay inoogu soo khatimeen maanta in aanay jirin wax wado cusub ah oo la inoo dhisaayo ee wadadeenii hore la inoo kab kabaayo inta barwaaqadu bilaabmayso. Gebagebo : Muxuu hadal qiimo leeyahay! mar haddii kolba filim aynu hore u daawanay laynoo shidaayo oo aan badka la soo dhigayn wixii lagu heshiiyey oo dhameystiran oo Xaliiban oo qiime sugan wata kuna mudeysan waqtiga la bilaabayo, waqtiga uu dhamaanayo iyo cida masuuliyadeeda qaadatay intaas ayaa laga la’yahay Xukuumadan Kulmiye ee kala hadleysa. Hadii aan la hirgelin Wado cusub sidee baa loo aaminayaa looguna kal soonaanayaa Heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen ?? Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  16. Qarniga 21aad waxa la arki doonaa laba qof oo saaxiib noqda isniin illaa jimcaha. 150 oo ahaa raqamka celcelis qof kasta uu saaxiib la noqon jiray cimrigiisa, qarniga 21aad waa la dhaafin doonaa, waliba si saa’id ah. Sidaa waxa saadaaliyey Alvin Toffler. 1970kii ayuu kasii falooday qarnigan. Toffler iyo dhammaan dadka isa su’aala arimaha bulshada, waxa ay hoosta ka xariiqeen, mushkiladda insaanka soo foodsaari doonta Q21 in ay noqon doonto kali-nimo/wehel la’aan. Noloshu waxa ay u dhaxaysaa mar aad naftaada la shawrayso iyo mar aad la joogto asxaabtaada/ehelkaaga. Labadaa wakhti kee baa waxtar badan? Plato waxa uu u codeeyey marka qofku uu gaar u baxo ee uu naftiisa la qaadanayaa in ay tahay wakhtiga ugu wax-soo-saarka badan. Ardaygisii Aristotle, isagu labada nololood wuu ku dhex lumay. Insaanku mar haddii ay ku nool yihiin magaalo – Polis – waxa farxad badan wakhtiga qofku uu la joogo insaanka kale. Wakhtigaas uu dadka kale la joogo ayaa maskax ahaana, qofku uu noqdaa mid midha dhala. Aristotle, waxa mar kale tilmaamay wakhtigii ugu wacnaa ee Socrates in uu ahaa kaligii marka uu la qaadanayo naftiisa. Aristotle sida uu ugu dhex lumay, ma caqliga ayaa cilmiga dhaliya mise dareemayaasha ayaa keena aqoonta, waxa uu halkana u muuqdaa in uu qaatay beerka jecli xaydha jecli. Qolyaha la yidhaa Stoic iyagu bacmada ay aminsan yihiin in laga qayb qaato siyaasada uma ay bigin nolosha qofku uu gaarka u baxayo – solitude – hadana waa ay u riyaaqeen dagganaashaha laga dhaxlo kalinimada. Epicurieans, waa qolada sadexaad ee Falsada’e shawrka gabi’ahaantiis. Qofku in uu gar u baxo oo naftiisa wakhti la qaataa waa dadaal baadi loogu yahay farxad, nolol wacan iyo guul. Qof waliba qaabad ayuu u raadsadaa farxad, nolol wacan iyo guul; qarniba qeexid buu saaraa. Mudo iminka laga joogo boqol iyo 20 sano ka hor, farxad, nolol wacan iyo guul, waxa qeexida hada laga amminsan yahay ee ah LACAG/MAAL, saaray Andrew Carnegie oo isagu LACAGTA geeyey figta ugu saraysa ee guusha nolosha. Farxadda, nolol wacan iyo guushu madaama ay ku jiraan jeebkaaga, gaar in aad naftaada u saartaa ma aha rayi midho dhal leh. Sidaa waxa dareen la’aan waafaqsan dad badan oo suuqa jooga. Dadka ugu badan ee sabankan gacantooda ku khatima noloshoodu waa dad haysta LACAG. Waxa iyaguna jira dad maalqabeen ah oo ka baxsada gabi’ahaanba nolosha ay haystaan, iyaga oo raadinaaya farxad iyo nolol wanaagsan. Markaa waa daciif xadiiska odhanaya farxadu waa lacag. Gaar-u-buxu ma aha nolol cusub; ma aha dhaqan u gaar ah gaalada. Nabi Muhammed csw marar badan ayuu gaar ula bixi jiray naftiisa ka hor intii aysan kusoo degin risaaladu iyo kadiba. Diimaha samawiga ah dhammaan waa ay dhiirigaliyaan safarka qofku naftiisa ula baxayo gaarka. Tabliiqiyiinta ayaa kaw ka aha raga amminsan khuruujku in uu furfuro garaadka qofka. Descartes oo ah ninka labaad ee noleeyey falsafada – Al Kindi ayuu ahaa ninkii kawaad ee dib u siraaday falsafada – waxa uu ku dheeraaday safarka gaarka ah. Réne waxa uu ka mid ahaa tageerayaasha wawayn ee amminsan SOLITUDE. Sid aad xaga sare ku arkaysaan dadka amminsan maalku ma dhiirigaliyaan SOLITUDE. Waxa iyaguna aan amminsanayn SOLITUDE dadka haysta cilmiga kaliya in lagu hello khibrad ama aqoontu ay qofka kasoo gasho dareemayaasha. Aqoonyahankii reer Scotland ayaa kaw ka ahaa raga diidanaa SOLITUDE. Adam Smith waxa uu ku tilmaamay SOLITUDE qayb ka mida waalida. Adam waxa uu yidhi kali in aad naftaada la qadataa waxa ay kicinaysaa qabkaaga – ego. Bacdama guushu ay tahay sida ay kolba ku arkayaan akhyaarta kugu hareeraysan, macno badan kuma fadhido in aad u baxdid safar oo dabadeed aad dayacdid dadkii aad nolosha la qadanaysay. Guushuba waa sida dadka kale ku arkayaan ee asxaabta illaasho; sawirka laga haysto ku dadaal naqshadayntiisa. Wittgenstein ayaa sidaa rumaysnaa oo isagu diidi jiray su’aasha ah waa maxay cilmi; jeclaana macnaha uun ka raag. Meaning is supperior than knowledge -Truth. ‘Solitude iyo Social’ waxa ay u muuqdaan laba nololood oo isku lidi ah. Aniga waxa ay illa muuqdaan labada daraf ee nolosha. Haddii wakhtigaaga oo dhan aad la qadatid asxaabta/ehelka, markaa waxa aad dabin u galaysaa bulshada oo waxa saqiiraya shiqsiyadaada. Haddii aad gaar u baxdid noloshaada oo dhana xaqiiq, waxa aad dabin u galaysaa baahi iyo iblayz. Qofku marka uu gaar u baxayo ma buugaag buu sii qadanayaa uu hadhaw aqristo. Haa/MAY labadaba waa lagu jawabaa oo qolyaha amminsan Maya, waxa ay leeyihiin in aad qadatid buugaag; in aad xambaaratid mushkiladii nolosha, waxa ay macno tiraysaa ujeedkii safarka. Waxa aad noqon, qof wali bulshadii la jooga. Henry David Thoreau oo samayn ku lahaa Gandhi iyo MLK Jr waxa uu mudo 2 sano ah ka dhuuntay luuqada, isaga oo u baxsaday kaymo ku yaalay Massachusetts. David wakhtigaas waxa uu qoray dhigane saamayntiisa lahaa oo la yidhaa Walden. Thoreau macalinksii Emerson oo ahaa ninkii xoriyada aqoonta Maraykanka uga qaaday Yurub, waxa uu amminsanaa in aysan muhiim ahayn in buugaag lasii xambaarto safarka SOLITUDE. Emerson dhiganihiisa ‘Self-Reliance’ oo ka mid ahaa buugaagta qorqoray Obama, waxa uu dhiirigalinayaa qofku in aanu daba ordin sawirka ay dadku ka amminsan yihiin ee qofku uu lasoo baxo shiqsiyadiisa gaarka ah. Shiqsiyadaadu ma waxa ay noqonaysaa wax cusub -invention – mise waxa aad canjilaysaa qaab – hore u jiray/imitation. Emerson makala saarin. Waxa muuqata haddii qofku uu canjilayo ‘MYTH’ miyuu u bahan yahay shawris mise uma baahna? Labadaba! Maxa yeelay matalista lafteeda ayaa u baahan wakhti aad fadhiisisid irbada. Shawrku – solitude – waxa uu wacan yahay marka aad u maqan tahay bulshada. Bulshada in aad ka safartaa ma aha go’aan loo qaaday dhanka horumarka. Shawrku ma aha hawl u taala gaallada. Waa nolol ay la daris yihiin muslimiinta laftigoodu. Waa laba hadyadood – social and solitude – oo aan lakala dooran karin lase kala badsan karo haddii la i waydiin lahaa yaa muddan badsashadiisa? ‘Solitude’ ayaan odhan lahaa haka bato ‘social-ka. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan00@gmail.com Source
  17. Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib u habeyn lagu sameeyay”. Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay. Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo? Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid? Diblomaasigu waan in uu had iyo jeer qadyadda waddankiisa kor u qaado, kana shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka. Waa in uu isticmaalo hadal miisan leh, qiimo leh, kooban, oo aan si kale duwan loo turjimi karin. Wax kasta ku hadal ma aha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre ruraledcomm44@gmail.com Source
  18. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa murashaxii madaxweyne ee Xisbiga isla markaana u baahnaa taageero badan oo uu helo iyo siyaasiin miisaan leh oo garab istaaga doorashada ayaa heshiiskan la saxeexday Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii hogaaminayey markay taariikhdu ahayd 06/02/2017. Sida ay sheegeen warar soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, heshiiska labada dhinac ayaa qodobo ka mid ahi dhigayeen in ugu yaraan xubno gaadhaya 25 ka mid ah garabkii Jamaal Cali Xuseen ay ka mid noqdaan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo in haddii uu xisbiga ku guulaysto madaxtinimada dalka laga qayb galiyo dawlada cusub isla markaana loo magacaabo xilal muhiim ah. Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashaxii madaxweyne ee xisbiga Ucid ayaa ku biiritaankiisa xisbiga Kulmiye ay miisaan siyaasadeed u yeeshay murashaxnimadii madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigaas, taas oo keentay in xisbiga Kulmiye uu kaalinta koowaad kaga ka soo baxo gobolka Saaxil ka dib codbixintii doorashada madaxtooyada, iyada oo codadkii gobolkaasina ay kaalin muuqata ku lahaayeen guushii xisbiga Kulmiye iyo murashixiintii u tartamayey. Ka dib guushii uu madaxweyne Muuse Biixi ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii 2017, waxa uu meel iskaga tiiriyey heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii uu hogaaminayey ee ka soo go’ay xisbiga Ucid, taas oo haatan ay soo baxday saamaynta ka dhalatay. Jamaal Cali Xuseen iyo inta badan xubnihii wehelinayey ee ku biiray xisbiga Kulmiye ayaan ka soo muuqan shirkii golaha dhexe ee xisbiga ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay ee ku saabsanaa ka mid noqoshada xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi. Hogaamiyaha garabkii ka soo go’ay xisbiga Ucid Md Jamaal Cali Xuseen ayaa haatan laga dareemayaa sida uu u saluugsan yahay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisaba isaga oo marar dhawr ahna ku duray arimo kala duwan, ka dib markii loo fulin waayey heshiiskii hore loola galay. Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen oo haatan dalka dibadiisa ku maqan ayaa la filayaa in marka uu dalka ku soo laabto uu soo bandhigo mawqifka uu ka taagan yahay xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihii uu guushiisa kaalinta weyn ku lahaa ee Muuse Biixi Cabdi. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay jawiga labaad ee mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Hargeysa, taas oo in muddo ah ay ku hawlanayd wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  20. Ra iisul wasarraha Itoobiya iyo Hinddisayaashiisa cusub maxad kala socota ; ee ka qayb -gale kastanna a bixinaayo $180,000 marka ka dibna soo bandhigaayo Ganacsigisa iyo Suuqa uu doonayo inuu ka helo Caasimada Itoobiya Addis Ababa? Waa Tabbo iyo Xeelado Siyaasadeed oo isa sudhan ee Ra,iisul wasaraha Itoobiya ee Wakhtiga kale guurka ee Itoobiya ku jirto uu ku bud-dhigaayo himiladiisa Hogaamiya-nimo ee hiigsiga iyo siddii ay ugu hirgeli lahayd uganna iibsami lahayd. Waa qaybo ka mid ah Xadhka Hindayaasha cusub ee Ra,iisul wasaraha Ethiopia doonayo inuu Caasimada Dalkiisa ku cusboneysiyo. Waxa uu Macsuumad u fidiyey Ganacsatada Itoobiya gudaheeda iyo inta kale Geeska Afrika ku sugan. Macsuumada waxa ku lifaaqan in Ganacsad,e kast oo ka soo qayb galya Kulanka Ra,iisul wasaraha inuu hibeeyo qadhan dhank $180,000 kun oo dollar. Ganacsatadda waxa ay soo badhigayan waxa ganacsigood yahay iyo Suuqaay door bidayaan inay helaan dhulka Caasimada Itoobiya gudaheeda ee Ra iisul wasaruhu doonayo maal-gelinta . Abiya waxa uu ahmiyad weyn siinaya in sidii ay Caasimada Itoobiya Addis Ababa u noqon lahayd mid uu aad u dhaqaaqo xarakada Suuqeeda Ganacsi gaar ahaan si dhakhso ah una haab-habto ama u gaadho sidda Nigeria iyo ka South Africa ee ah kuwa ugu waa weyn afrika marka la eego guud ahaanteed. Siddoo kale Itoobiya Ganacsigeeda Xort ahi waa Albaab xidhnaa jiray oo iminka ooda lagga qaaday sidda soo jirenka ah waa markii you horeysay Xukumada Itoobiya ahi ay ku dhaqaaqdo in Albabada ganacsiga xorta ah uu furan yahay ee wax kala iibsiga mid wax soo gelineed iyo kii wax dhoofinto isagga na ay doonayan intii hore ay u haysteen uu ka sii bato. Halka waxa u Abiya Ahmed dar-dar gelinaaya in si dhakhso ah Hogamintiisu Itoobiya u horseed karrto ibo-fur Dhaqaale iyo ganacsi oo lixaad leh Itoobiya ka dhex muuqato Geeska Afrika iyo Afrika gebi ahaanteed ba. Hadafkiisu Qof dhugmo iyo il-dheergaradnimou sugan tahay ayaa fahmi karra xaggii ku foogan yahay ee Geedigiisu u fool jeeedo. Waxa uu Tooshka ku haya wax kasta oo u sahli karra inuu halabsado guusha Doorashada la filaayo inay Itoobiya ka hirgasho 2020 marka ka dib na uu noqdo Ra,iisul wasare haysat kalsoonida Ummada Itoobiya guud ahaanteed kuna yimi codka Muwadininta . Sidda oo kale waxa uu yar doonaya inuu Qalbiga iyo quluubta Muwadininta Itoobiya ku sawirro sawirkiisu iyo magaciisa Abiya Ahmed kunna baa bii,iyo Taariikhdu hore uu la laha ee ku xidhmaysay Qoladdii la odhan jiray TLfP Itoobiya 27 sanadood ku Amar taag ,leynaayey Hogaanka iyo Xukunka Itoobiya. Dadka ku xeel dheerayasha ah Siyaasada iyo Hababka Dhaqaale Abuur ku waxay tibaaxa-yaan in hore rag sidda Abiya waxa hoga-tusaaley ay soo mareen Afrika waliba asaggu waxa kaliya oo uu ka hadlaya waa Itoobiya iyo isku codka Geeska Afrika ee ay jireen kuwo iyaggu ka hindiso fiicna balse ay ku danbeysay “Geedow waxaan ku mooday ma se waxad noqotay iyo waxan loo noqon donin . Tusaale waxay u soo qaadeen Nelson Mandela Nkrum iyo Jamal Abdinaasir, Jommo kennyata oo ku hamiyey inay afrika mid noqoto hasa yeeshe mid waliba Maalintu Xukun dalkiisa gacanta ku dhigay Afrika uu mideeyo daaye lagga kicin kari waayo kursigii Fikrada ah Afrika waa Hal iyo qadiyad Muwaadinimo Afrika . Inta waxa ay ku ladhayaan waxa kaliya ee uu Abiya Ahmed ogsoon yahay waxa uu aha iyo halka lama filaanka ah ee sidda fudud ku soo koray marka waa inuu muujiya wax kasta oo horseedii karra isagga inaanu noqon mid halku ka yimi dib ugu noqdee ugu yaraan uu wax kale ba iska daayo horta 2020 iyo doorashad inuu hela Wadadii bila qodxa ah ee gaadhsiin lahayd inuu ku guleysto iyo inuu u fikarro hogaamiye leh aragto fog oo ummada dhibaatad iyo nolasha adaga la soo noolay inta badan ku geli lahayd Nolal nabdoon oo neecow qabow oo Qaligood iyo qulubtooda dejisa ku tubtii ay u mari lahyeen kunna Hiran lahayeen u jaheeya . Hasa yeeshe waxa lama gafaan ah inuu wajahayo halkan adag oo Siyasadeed gaar ahaan qomiyad Oromada eek a soo jeedo aan ku niyad sameyn waxa badan isku dayey iyo waxyabah kuu ku dhaqaqay ay ka mid tahay nabadeynta Itoobiy iyo Eriteria iyo Baaqyadaiyo kulamad geesaha badan ee ku fooganna intii xilka ra,iisal warrae qabtay ee Itoobiya . Kuwa ugu fog ee ka soo hor-jeeda waxay ku doodayaan inuu ka mid ahaa dhibaatadii iyo tacdiyadii Itoobiya ka hirgalay kanna mid ah Kaadirinta ugu waa weyna ee u adeegi jiray Xukunkii Tigregu gadhwadeenka ka aha . waxa ay int ku lifaaqan waxyabah uu hadda ku dhaqaqay waa raad –gadsh iyo inuu sawirkiisa Qalbiga iyo quluubta dadka ku sawiro . Imaantin kiisu ma uu ahayn sharci ee wax uu ku yimi ummadii shacbka ah ahyd ee Naftooda iyo Maalkood u hurey si loo damiyo ayey ahyd . Waxa uu Tigreyga uga dhigna ama u ahaa Inan yar oo ay soo korsadeen xita waxyaabaha uu ku dhaqaqay ma ahayn kuwo ay ka filayeen Tigreyga laftigoodu ama-kaag ayey ku noqotay Tigregii siddaas oo kale ayaanan u aamineyn wax kast oo uu hindiso wax hirgal noqda iyo wax aan suro-gal noqon ba . Si kale haddii aan u turjun wax uu midiyo lisanya sidii Ra,iisal wassare sharciya u noqn laha halkan sidii Meles Zaawi lagga dejin kari waayo Xukunka dalak . Wali waa Nin ku dhegan Xusbigii ERDF wax kale oo damacsan yahya inuu ku soo darro Qomiyadaha kale sidda Somalida canfarta ,iyo Hererida halkan uu yidhaahdo waxa aan heysat Aqbaliyad Itoobiya ama uu ku doodab waxan isku haya Itoobiya waa mid si wacan aan uga dheregsan hayn tabihisa iyo xeeladaha uu donayo inuu ku dabro-xaqo u dirirkii Itoobiya ka biloday 2015 kumaankun ka Muwaadinta ahin u shahiideen. Sharciga uu hadda ku jooga ra,iisul wasaraha waa sharcigii Xoog Dalka ee aanu ka dagaalanay . Ta aanu dooneyn waxa weeye dal leh shuruucda jamhuuriyadeed oo Ciidanka iyo Xukumad kal madax banana yihiin sidda dallaka deriska qaarkood ka jirta . Hadadan wax jir mad madow durb soo baxay habka doorashada gudiga qabbban qaabineysa loo doortay iyo sida habka kale doorshad lagu galaayo . Waxa aan ku nasiib qaadayna waxay weeye codka Muwadininta Itoobiya iyo Xusbiga ay doortaan Oromad oo kaliyi ma saluugsan hanaanka doorashad u dhici doon iyo habka loo galeyo ee xusbiyadu u geli doon tusaale ahaan Tigrey degaankood lama garanyo sidda ay waxa uga dhacayaan ka Amxaardu waxba ka jira isagga na Soomalida ,iyo Canfartun .Xaalkood waa murugsan yahay oo dhibaato xoog leh iyo Buuq ba waa ka tagan yihiin waan hubaal in Xaladahoodu sii xoogaysan donaan marka wakhtiga la gaadho . abokorm@hotmail.co.uk Abokor I Mohamud Fikrada iyo Aragtida Xorta ah. Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa was Aragtida iyo fikrada akhrisayaasha mana aha mid ay ku matalaan Aragtida shabakadani Qaran News
  21. “Gorfeynta Gudbinta Bawsiga Cilmiga Biyaha Iyo Weeleynta Waayo-aragnimo Kooban” Hordhac: Ugu horreyn, aan si buuxda uga cuddur-daarto in aanan ku takhasusin aqoonta cilmiga biyaha. Sidaa awgeed, haddii aan hayl-haylo dulucda cilmiga biyaha, waxan ka bixinayaa raali-gelin wayn oo odaynimo ku dhisan. Waayo, waxaan idinla wadaagayaa waa bawsi cilmi biyoodiyo fahan kooban oo ka yimi ergiso akhris. Dhinaca kale, waxa lama huraan ah in aad ila ogaataan in cilmiga caafimaadka iyo culuumta biyuhu ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo aqooneed. Hadaba, iyada oo sidaasi ah, waxan jeclahay in dhuuxa qormadan Ahmiyadda Kalmadda Biyo an ku soo ururiyo qoddobo kooban oo ay ka mid yihiin: Gorfeynta Macnaha Guud Ee Biyaha, Ilaha Iyo Isticmaalka Biyaha, Muhiimadda Helitaanka Biyaha, Maal-gashiga Addeegga Biyaha, Farsamada Iyo Duxda Cilmiga Biyaha, Kobcinta Nadaafadda Biyaha, Doorka Gudbinta Xanuunada, Horumarka Dalka iyo Kaalinta Biyaha, Gooniyeynta Lahaanshaha Biyaha, Shuruucda iyo Nidaamyada Biyaha, Maamulka/maareynta Addeegyada Biyaha, Horumarinta Kaabeyaasha Biyaha Dalka. Gorfeynta Macnaha Guud Ee Kalmadda Biyo: Marka hore, waxa muhiim ah in aynnu jawaab sugan u hello, waydiinta ah, Waa Maxay macnaha guud ee Kalmadda Biyo?. Sidaa darteed, aan sharax kooban ka bixiyo dahaadhka iyo duugnaanta macnaha guud ee magaca kalmadda Biyo, aniga oo diiradda saaraya degsiimada biyaha, astaamaha, muuqaalka iyo isku dhiska Biyaha. Run ahaantii, kalmadda Biyo waxay leedahay dhismaha iyo astaamahan soo socda: Waa Curiye ka kooban labo walxood oo kala ah, Hydrogen iyo Oxgens “Hal Hydrogen iyo Labo Oxgygens”. Waa Waalax Dareere ah oo bilaa midab ah “Colourless” Waa Walax gudbiye ah “Transparent”, Waa Walax bilaa ur ah “Odurless”, Waa walax Millan Samaysa, Waa Walax lagu tilmaamo aasaaska nolosha noolaha koonka ku dhaqan. Iwm. Ilaha Iyo Noocyada Isticmaalka Biyaha: Bal aan taxo qaybo ka mid ah ilaha iyo nocyada isticmaalka biyaha, tusaale: Biyaha Oogada Dhulka “Surface Water”, oo ay ka mid yihiin Biyaha Wabiyada “Rivers”, biyaha Biyo xidheenada, Biyaha Haraha/Waraha “Lakes”, Kayd Biyoodyada Dabiici/sameys ah “Reservoirs” , Biyaha Roobka “Rainy water” iyo Biyaha durdurada. Biyaha Dhulka Hoostiisa Ceegaaga “Ground Water” sida ceelasha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban. Biyaha Badda, Biyaha Qabashada Laga Helo Qabashada Majaroorka. Utility grade water, Working grade water, Drinking water, 8.Iwm….. La soco qaybaha kale….. Jamal A. Muse Ag. Guud Ee W. H. Biyaha JSL. Source
  22. Dowladda Kenya oo tan iyo bartamihii bishii tagtay ee Febraayo samaynaysay galaangal diblomaasiyadeed kaddib markii ay si iskeed ah u abuurtay wax ay ku sheegtay ”muran kala dhexeeya” Somalia oo khuseeynaya dhul badeedka Somalia, kaasoo ay doonayso in si qoor qabad ah loogu dhameeyo qaab xeer jajab ah. War hoose oo ka helnay ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inay dhici karto in maalmaha yar ee xiga, gaar ahaan wixii loo gaaro 9-ka Maarso ay Kenya ku dhaqaaqdo tillaabooyin diblomaasiyadeed oo ay cadaadis ku saarayso Somalia. MAXAA KA MID AH? Ilaha aannu wararkan ka helnay ayaa noo sheegay in laftoodu ay ”la yaabban yihiin” tillaabooyinkaa diblomaasiyadeed, balse aanay wada faafin karin xogahaasi, balse qaarkood ay noqon karaan kuwo amaan oo lagu xoojinayo ololaha diblomaasiyadeed ee Kenya, sida ay inay ciidamadeeda qaar kala baxdo gobolka Gedo, si ay cadaadis amaan u saarto Somalia, waloow inta badan aadba loo dhaliilo waxtarka ciidamada KDF ee Kenya ka jooga Jubbaland guud ahaanba. Qodobbada kale waxaa ka mid noqon kara culays la saaro Soomaalida ku dhaqan Kenya sida qaxootiga halkaa ku sugan oo ay Kenya muddaba ku gorgortamaysay iyo adkaynta isu socodka laba dal, iyo tillaabooyin ay u qaadayso dhanka kala qaybinta Soomaalida, sida adeegsiga kaarar qabiil, maamulka Jubbaland oo ay ka taakayso DF Somalia iwm. Waxaa kale oo kaararka diblomaasiyadeed ee Kenya ka mid ah inay ku dhawaaqdo ”aqoonsiga” Somaliland, waloow aysan taasi siyaasad ahaan yeelanaynin culays diblomaasiyadeed oo sidaa u buuran, maadaama ay arrintaasi u rahman tahay Soomaalida iyo Midowga Afrika. Wararka aannu helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Britain ay si dadban ula safan tahay Kenya, waxaa sidoo kale jira warar eedda wax ka saaraya dalka Imaaraadka oo uu laftiisa Ingiriisku isticmaali karo, balse aanay weli si toos ah usoo istaagin masraxa, waxaana jawaab ka hor tag iyo rogaal celis ahba laga filayaa DF Somalia oo arrimahan ka war haysa. ROGAAL CELIN DIBLOMAASIYADEED Madaxwaynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu dhaqse u booqdo Addis Abeba, iyadoo ay dhici karto inuu berriba halkaa u amba boxo si uu galaangal ula sameeyo ururrada heerka gobol, qaaradeed iyo xitaa madaxda DF Itoobiya. Kenya ayaa maalin dhowayd dhankeeda waraaqo u kala dirtay ururrada QM iyo Midowga Afrika oo ay wakiilladooda kula kulantay Nairobi, iyadoo sheegtay inay u gudbisey ashtako ka dhan ah Somalia oo dhankeeda looga baahan yahay inay la timaado siyaasad bisil oo cuntami karta si ay gayigeeda u difaacatana abaabul umadeed oo wanaagsan ku khasban. Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Hadalsame Media
  23. Muqdisho (SMN) – Banbax howleedkan oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee baarlamaanka, iyo Guddiha Madaxbannaan ee Dib-eegista iyo Hirgelinta Dastauurka, oo socdyay muddo 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti. Xiritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxda saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Guddoomiyaha golaaha wakiilada Puntland mudane C/xakiim Mohamed Ahmed, iyo habdhowraha golaha shacabka mudane Sharmarke Garaad Saleebaan iyo lataliyaasha hayadaha kala duwan. Intii u socday banbax howleedkan waxaa saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u diyaariyeen istiraatiijiyadda midaysan ee wacyigalinta iyo latashiga dadwaynaha ee dib-ueegista dastuurka iyo qorshe howleedka midaysan ee latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee arrimaha dib-u-eegista dastuurka sanadkan 2019. Sidoo kale waxaa la isku raacay waqtiga la bilaabayo latashiyada iyo wacyigalinta dadwayanah ee ku saabsan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay. Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay wadashaqaynta saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-ueegista dastuurka iyo sida ay uga go’antahay in la dhamaytiro dastuurka, waxayna ballan qaadeenin ay sii xoojin doonaan wada shaqayntooda maadaama ummadda soomaaliyeed ay ka sugayso dastuur dhamaystiran oo lagu wada heshiiyay. Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/xakiim Maxamed Axmed oo hadal ka yiri kulanka xiritaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibta iyo is qabqasiga ay uga bixi lahayd si taas loo gaarana loo baahanyahay heshiis ummadda ay wada dhigatay, kaasna waa sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka oo ah heshiiska bulshada. Gabagadii, waxaa lagu ballamay in la bilaabo ololaha wacyigalinta iyo latashiyada dadwaynaha ee dib-ueegidta dastuurka gaar ahaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay bisha maarso 2019, iyadoo qorshuhu yahay in la dhamaytiro dastuurka ku meelgaarka ah sanadkan 2019 . View the full article