Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,592
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Australia)-Barnaamijka isbuuclaha ah ee lagu magacaabo The Boss series waxay BBC-du ku eegtaa taariikhda dadka hoggaamiya ganacsiyada waaweyn ee adduunka. Isbuucan waxaan la hadalnay Scott Farquhar, oo aasaasay madaxna ka ah shirkad software ah oo lagu magacaabo Atlassian. Scott Farquhar wuxuu xasuustaa sidii ay noloshiisa isku baddashay iyo wixii sababta u ahaa. Ganacsadahan u dhashay dalka Australia wuxuu qarka u saarnaa inuu markii hore ku biiro ciidanka Milatariga ee dalkiisa, kadib markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare. Laakiin warqaddii kasoo baxday wasaaradda difaaca ee Australia, ee loogu oggolaanayay inuu ku biro ciidanka ayaa ka luntay. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Markii warqadda dib loo soo helay labo bilood ka dib, isagu wuxuu horayba usii billaabay jaamacad, wuuna ka talo baxay fikirkii hore. Warqaddaas luntay ayaa sabab u noqotay in isaga iyo ninka ay ganacsiga shirkada ku yihiin ee lagu magacaabo Mike Cannon-Brookes ay cagta saaraan waddo ay ugu dambeyn ku noqdeen bilyaneerro. Waxay noqdeen bilyaneerradii ugu horreeyay Australia ee lacagtooda ka dhaliyay shirkad Tiknoolojiyad ah. “Haddii warqaddaas aysan lumi lahayn ama xilli hore la heli lahaa, waxaa laga yaabi lahaa in arrintu ay sidaas ka duwanaan lahayd”, ayuu yidhi Scott, oo hadda ay da’diisu tahay 39 sano. Labadan nin iyagioo aan lacag sidaas u badan heysanin ayey abuureen ganacsigooda sannadkii 2002. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Labadan nin mid walba wuxuu gooni u heystaa lacag dhan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Scott wuxuu sheegay in uu kusoo koray xaafad dadka dagan ay shaqeeyaan oo ka tirsan magaalada Sydney, sidaas awgeedna waligiis uu daneyn jiray barashada culuumta Kumbuyuutarrada. “Waxaan xasuustaa habeen aan aad u ooyay, sababtoo ajh saaxiibkay ayaan Kumbuyuutar ku arkay, anigana Kumbuyuutar kiisa oo kale ah ayaan rabay”, ayuu yidhi. Waalidkiisa ayaa markii dambe ku khasbanaaday iney u soo iibiyaan Kumbuyuutar, halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta ku saabsan Kumbuyuutarka. Source
  2. (SLT-Qaahira)-Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Soomaaliya xilka Shir-guddoonka kala wareegtay Sudan oo iyadu horey u ahayd Shir-guddoonka Shirarka Jaamacadda Carabta. Shirka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jamaacadda Carabta uga socda Qaahira waxa uu u gogol-xaadh u yahay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta oo maalinta Arbacadda ee berrito ka furmi doona Qaahira. Source
  3. (SL-T Burco) Dhaq-dhaqaaq Ciidan Oo Ka Taagan Gobolka Sool, Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Gaadhay Deegaanka Gambadha & Wararkii Ugu Danbeeyay. Source
  4. (SLT-Washington)-Kongareeska Maraykanka ayaa Isniintii shalay bilaabay baadhitaankii ugu balaarnaa oo ay ku sameenayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, qoyskiisa iyo saaxiibadiisa, kiiskan ayaa la xariira ku takrifalka awooda xafiiska Madaxweynaha masuqmaasuqa iyo jabinta sharuucda dalkaasi u yaalla. Guddiga Cadaalad u qaabilsan Kongareeska Maraykanka oo ay xiligan hogaaminayaan xisbiga mucaaridka ah ee Dimuquraadiga ayaa amaro dul dhigay 81 qof iyo hay’adood oo ay ku jiraan xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maraykanka iyo Qoyskiisa. Jerry Nadler oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaalada oo awood weyn dalkaasi kuleh ayaa qoraalada u kala diray xubnaha Trump ku dhaw oo laga codsaday inay Guddiga kusoo wareejiyaan dokumentiyo kala gedisan, waxaana xubnaha waraaqaha loo diray kamid ah wiilasha uu dhalay Trump ee Don Jr. & Eric, waxaa isaguna ku jira wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner oo ah lataliyaha sare ee Madaxweynaha iyo waliba xisaabiyihii Trump oo lagu magacaabo Allen Weisselberg. Xubnaha guddiga baaritaankan uu ku daray ayaa waxaa kamid ah hay’adaha xiriirka dhaw laleh Trump sida shirkadiisa gaarka ah & ururka NRA oo u dooda shirkadaha hubka soo saara. Qaar kamid ah dadkii horey uga soo shaqeeyey xukuumada Trump ayaa iyaguna ku jira xubnaha baaritaankan lagu daray sida; Xeer-illaaliyihii hore Jeff Sessions, Lataliye-yaashii hore ee Steve Bannon & Hope Hicks iyo madaxa WikiLeaks Julian Assange. Sidoo kale Qareenka gaarka ah ee Trump oo lagu magacaabo Jay Sekulow ayaa laga codsaday inuu xog badan kusoo wareejiyo guddiga baaritaanka wada. Dhamaan xubnahan ayaa lasiiyey inay 2 asbuuc gudahood xogta laga codsaday kusoo wareejiyaan guddiga. Xisbiga Dimuquraadiga oo bishii Janaayo ee sanadkan la wareegay aqlabiyada Kongareeska Maraykanka ayaa dardar geliyey baaritaanada ay ku wadaan xukuumada Trump iyadoo ay qaar kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ay horey uga dhawaajiyeen inay suurto-gal tahay in mustaqbalka dhaw la bilaabo kiis xilka looga xayuubinayo Trump, walow uu Madaxweynaha ku tashanayo Xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee iyagu heysta Aqlabiyada Aqalka Sare ee Senate-ka. Source
  5. (SLT-Jubba)-Safarka Abiye Axmed iyo Isaias Afwerki isniintii shalay ku tageen dalka Sudaanta Koonfureed ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu bad-baadiyo heshiiskii horey loo dhex dhigay Dowladaasi iyo Mucaaridkeeda. Heshiiskii ay sanadkii hore wada saxiixdeen Madaxweynaha dalkaasi Salfakiir iyo Mucaaridkiisa hubeysan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu burburo xili hada la dareemayo abaabul cusub oo militari oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda. Bishii September oo sanadkii 2018 ayey magaalada Addis Ababa ku saxiixeen heshiiska Madaxweyne Salfakiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Machar, balse waxaa iyagu jira kooxo hubeysan oo diiday inay heshiiskaasi wax ka saxiixaan kuwaasi oo todobaadkan magaalada Addis Ababa kula kulmi doona Madaxda IGAD. Bisha May ee sanadkan ayaa ah xiligii lagu heshiiyey in markale xilka Madaxweyne kuxigeenka uu qabto Machar oo hada ku sugan Khartuum, walow laga cabsi qabo kahor xiligaasi inay markale dib usoo cusboonaadaan dagaalada. Source
  6. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay qaraxyadii habeenkii khamiista ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed geystay. Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Howlwadeenada Caafimaadka, hey’adaha ammaanka, kuwa gurmadka degdega, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ayaa sheegay in wixii dhacay ay aheyd masiibo, isla markaana muddo 11 sanno ay soo socotay “Xaqiiqdii waa musiibo wixii dhacay, musiibadan waxay soo socotay muddo 11 sano wax hada bilowday ma ahan, wax sanadkii la soo dhaafay bilowday ma ahan, waxa aan la dagaalameyno waa Argagixiso”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Argagixisada ay la dagaalameyso horumarka, dowladnimada kobaca dhaqaalaha iyo nafta bani’aadamka, isagoo xusay in waxa ay raadsanayaan ayna aheyn dowlad kaliya, oo ay beegsanayaan shacabka. “Ciidanka Keligood wax ma qaban karaan, howshan waa howl wadareed, waa wax noo wada yaalo, hadduu yahay siyaasi, ganacsade iyo culimo, haddaan laga wada shaqeyn amniga dhexda loo xiran oo loo daayo wiilasha dhalinyarada waxay qaban karaan waa wax aad u yar”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo, Source
  7. (SL-T Burco) Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa ka hadlay dil shalay magaalada Muqdisho loogu geystay hooyo Soomaaliyeed oo cuuryaan ah oo lagu dilay afaafka hore ee Hotel Shamow. Dilka waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan ilaalada hotelka kaasi oo la sheegay inuu xakameynayay dad badan oo kusugnaa hotelka kuwaasi oo xiligaasi qaadanayay kaarar ay dhaqaalo ku qaadan lahaayeen. Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan aasi doonin haweeneyda ilaa laga soo qabto askariga ka dambeeyay dilkeeda, Waxaana uu sheegay inay ka tagtay caruur badan oo ay masruufi jirtay. “Gabadhaa Walaashey ah alla ha u naxariisto, horeyna naafo ayay u aheyd ninkii dilay waxaan og nahay inuu ilaa hadda Hotelka uu ku jiro oo aan waxba laga qaban, waxaan leeyahay hadey maamulka hotelka yihiin iyo laamaha amaanka lama duugayo meydkeeda ilaa laga keeno ruuxii dilka geystay” “Maskiin ayay iska aheyd kaar lacag lagu qaato ayay doonatay, laakiin waxaa cajiib ah in xabada uu sida Kaniini uu kale u laqsiiyay oo afka uu xabad ka geliyay, waxaana lala yaabay markii hore qore ma uusan heysan”ayuu yiri xildhibaanka. Shalay ayay aheyd markii askariga uu dilkaasi geystay waxaana wali jirin wax jawaab ah oo maamulka Hotel Shamow kasoo baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid xubnaha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ah musharax doonaya inuu ka tartamo Kismaayo ayaa shaaciyay hanaanka ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xalaal ah. Kadib markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in doorasho lagu wada qanacsan yahay ay ka dhici karto magaalada Kismaayo, marka musharixiinta iyo madaxweynaha talada haya ay si wadajir ah kaga qeyb qaataan diyaarinta nidaamka doorashooyinka. “Doorasho xalaal ah inay ka dhacdo Kismaayo ayaan rajeyneynaa, waxaan leeyahay waxaa wanaagsan in maamulka iyo musharixiinta ay ka wada shaqeeyaan hanaanka doorashada, taasi oo keeni karta mid si xalaal ah ku dhacda”ayuu yiri Mr Xidig. Wuxuu sheegay inuu ka digayo musuq lagu sameeyo soo xulista xidhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo gaaraya 75 xildhibaan, waxaana soo xulaya odayaasha dhaqanka Jubbaland. Dhinacyada kala duwan ee ku taamaya ku lug lahaanshaha awooda Jubbaland ayuu sheegay inuu kaga digayo inay faragelin ku sameeyaan doorashada ka dhaceyso Kismaayo. “Waxaan ka digayaa cid walbaa oo faragelin sameyn karta inay farageliso doorashada xildhibaanada iyo tan madaxweynaha oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo, sidaa ayaana lagu gaari karaa doorasho xalaal ah”ayuu yiri Mr Xidig. Dhawaan safar uu ku tagay magaalada Kismaayo ayuu kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana xogo soo baxaya ay sheegayaan inay labadaba Saaxiibo dhow yihiin, islamarkaana uu yahay Xidig qorshaha labaad ee Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta uudhoofay dalka Itoobiya. Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha. “ “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba. Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Puntland Post The post Farmaajo oo u amba baxay Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. View the full article
  12. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada milatariga iyo kuwa Booliska Puntland ayaa weli howlgallo ballaaran ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa looga hortagayaa falalka ammaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Taliya milatariga Puntland Cabdi-Shukri oo la halday warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanadu ay socon doonaa tan iyo inta la xaqiijiyano amniga Gaalkacyo. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee shalay la sameeyay lagu soo qab qabtay ku dhawaad 60 qof oo u badan dhalinyaro. Muddooyinkii dambe waxaa xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ah oo ay ka cabanayeen dadka deegaanka. View the full article
  13. Muqdishoi (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Hoomeyda oo marayay aargada degmadaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen shilkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Qof Goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/dd.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Maka Al-Mukarrama. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii ay y gacan siin lahaayeen laamaha amniga. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa ka hadlay lacagaha dowadda Soomaaliya ay siin jirtay maamulka Galmudug oo la sheegay maalmihii ugu dambeeyay in laga jartay. Maxamed Carabeey, ayaa sheegay inay taageersan yihiin lacagtaasi la jarto, maadaama sida uu sheegay ay ku dhaceyso gacanta madaxweynaha maamulkaasi oo aysan gaareynin dhinacyada kale. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay seddex arin midood, oo kala ah in lacagtaasi loo qeybiyo labada dhinac ee Cadaado iyo Dhuusomareeb, In lacagtaasi gabi ahaanba la joojiyo iyo in guddi dhexdhexaad ah uu lacagtaasi maamulo. Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu taageerayo in lacagtaasi dowladda Soomaaliya gabi ahaanba ay joojiso. “Been Kuuma sheegayo boqolkiiba boqol aniga shaqsiyan iyo dadka aan matalo waxaan dowladda ku taageersannahay in lacagtii ay nasiin jirtay jarato intii shaqsi gaara ay u gacangali lahayd haddaysan xal kale hayn,Xaafna waa shaqsi lacagta malahan isagu ee Galmudug baa leh”ayuu yiri Mr Carabeey. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-050319.mp3 View the full article
  17. Markii labaad tan iyo markii uu bilowday olalaha caalamiga la dagaalanka AIDs-ka, bukaan ayaa umuuqday inuu ka bogsaday fayruska HIV, feyruskaas oo sababa cudurka Aids [...] Source
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay laamaha amniga, hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha gurmadka degdega ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha nabad diidka ah iyaga oo wada shaqeyn buuxda la yeelanaya laamaha amniga. Arintaan ayaa timid kulan Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay ha’aadahaamaanka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay laamaha amniga appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay ay cadaadis culus saartay Dowladda Soomaaliya, ayada oo ku ciqaabeysa go’aankii ay dalka uga cyrisay Wakiilkii UN-ka ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom kaas oo Soomaaliya ka shaqeynayay bilooyin kooban. Qaramada Midoobay ayaan wali soo magacaabin wakiilkii badali lahaa Ambassador Haysom muda ka badan 60 cesho kadib markii la cayriyey Haysom, sidii ay ku balameen Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhamaan taageeradii Dowladda Soomaaliya ay ka heli Jirtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayada oo sidoo kalena la dhimay shaqaalihii xafiiska ee Muqdisho, oo qaarkood u wareegay Nairobi. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageeri jirtay bixinta Mushaaraadka Ciidamada Booliiska, Tababarada iyo lacago kale oo la sheegay in toos loo siin jiray Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in bilihii la soo dhaafay aan la bixin lacagtaasi. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa door-wayn ku lahayd sidii ciidamada Soomaaliya ay ammaanka kala wareegi lahayeen ciidamada AMISOM goobaha ay ka baxayaan, waxaana muuqata in aysan arintaasi dhicin maadaama ay dalka ka baxayaan cutubyo ka tirsan howlgalka AMISOM. Arintaan ayaa saameen ballaaran ku yeelan karta arimaha ammaanka iyo dib usoo kabashada Soomaaliya. Dad badan ayaa arrintaan walaac xoog leh ka muujiyay waxayna ka fekerayaan sida ay Dowladda Soomaaliya uga gaashaaman karto xaaladda sii xumaaneysa ee Soomaaliya iyo sida dib loogu soo celin karo wada-shaqayntii Soomaaliya iyo UN-ka maadaama aysan Soomaaliya ka maarmin wada-shaqaynta Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu shalay soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay safarka deg degga ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ee Farmaajo ee magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Madaxweynaha wuxuu maalinta berri ah u socdaa dalka Itoobiya. Waxaa ka sii horreeya taliyihiisa Nabadsugidda. Waxaan maqlayaa in ay ashtako ka yihiin saddex geesoodka cusub ee shalay la yagleelay (Ethopia, Eriteriya iyo Kenya). Waxay kaloo dacwad ka yihiin casho sharaf uu Raysalwasaaraha Itoobiya u sameeyey madaxweynaha Kenya oo lagu casuumay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. Hoggaanka dawladda markii ay xukanka dalka la wareegeen waxa ay si xamaas iyo laablakac leh ugu celceliyeen in Soomaaliya aysan tii hore ahayn. Waxay shacabka kula hadleen in ay Soomaaliya miisaankeedii soo ceshatay, haa iyo maya-na oran karto, oo ay tahay qaran madaxbannaani buuxda leh oo dooran kara halka ay ka gelayso isbahaysiyada Geeska Afrika iyo Gacanka Khaliijka ku loolamaya. Siyaasadda arrimo dibadda waxaa lagu kala heybadaystaa hadba inta uu miisaankaagu la egyahay, awood ciidan iyo mid dhaqaale labadaba, saaxiibka aad leedahay ee aad dhabarkiisa ku dangiigto. Soomaaliya haatan ma laha saamayn togan (leverage) oo ay culays diblomaasiyadeed ku samayso. Waa dal ku jira marxalad iyo geeddi-socod uu uga soo kabanayo burbur iyo colaad sokeeye oo muddo dheer ragaadisay. Waa dal aanan weli laheyn itaal qarannimo oo looga haybeysto. Nasiibdarro maanta looma arko Soomaaliya dal qaran buuxa leh, sababtoo ah dawladdu ma laha awood ay ku ilaaliso gobonimada gudaha ee dalka (internal sovereignty) iyo gobonnimada dibedda (external sovereignty). Gobonnimada gudaha waxaa ku haysta xoogag hubaysan sida Al-shabaab iyo kuwa aan hubaysnayn sida maamullada gobollada iyo Somaliland. Kuwa hubaysan waxaa ka ilaaliya ciidan ajnabi ah oo qaarkood dano toos ah ka leh Soomaaliya, kuwaasoo ciidankoodu uu ku jiro caloosho dalkeena. Berrito lama yaabayo in Abiy Axmed garoonka ugu yimaado Madaxweyne Farmaajo oo baambayda loo garaaco, heesta calanka Soomaaliyana loo qaado, ka dibna ha socoto hawsha ay ahaato. Qaran Soomaaliyeed wuxuu gobannimo buuxda heli karaa xilligii ay dawladdiisu Al-shabaab ka adkaato ama la heshiiso, markii ay gobannimada gabal gabal gobollada dalka u kala taal hal gacan soo gasho; midnimo Soomaaliyeed iyo isku duubni ummadeed la helo.
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in awoodda Al-shabaab ay daciiftay islamarkaana aysan dagaal kala hor imaan Karin Ciidanka Xoogga Dalka. “Way daciifeen Tabar badan malahan, waxaaa kasoo haray kaliya is qarxis meel ciidankeenna geesiyiinta ay iskaga hortageen oo ay iska difaaceen malahan, meeshay ciidankeenna ku arkaan way ka cararaan iyadoo laga yaabo in ciidankeenna aysan heysan qalab ka fiican, waxaa usoo haray inay Baabuurta wax kusoo dhex qariyaan Wiilal ay maskaxda kasoo xadaan dhahaan Jannaad galeysaan ee is dila”. Shacabka Soomaaliyed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maadaama dal kasta oo amniga ka hormaray ay shacabkiisa sabab u yihiin. “Ciidanka kaligood waxba ka maqan karaan Howl wadareed waaye dagaalkan, hadaan laga wada shaqeyn amniga dhalinyaradaas kaligood waxba ma qaban karaan, ciidanka marka wax loo soo sheego ayay wax qabtaan laakiin Magalooyinka Caalamka waxay ku hormariyeen amnigooda Shacabka oo Ciidamada la shaqeeyay”. “Dagaalka Al shabaab wuxuu u baahan yahay Geesinimo sida Ciidankeena Geesiyiin u yihiin waa in Shacabkana ay geesiyo noqdaan, waa bini’aadan haday diyaar u yihiin inay dhintaan anaguna waa inaan ogolaanno inaanu dhimano, annagu hadaan dhimano waan shahiidnay maxaa yeelay waxaan u dhimaneynaa wax xaq ah”. Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan uu xalay a qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdegga ah, maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro. Source: goobjoog.com