-
Content Count
207,601 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (SMN) – Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdullahi Xasan oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Puntland dagaallo saaadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Sool iyo Sanaag. Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada milatariga Puntland ay weeraro ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidankooda, islamarkaana ay iska difaaceen. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku qabsadeen dagaalladaasi gaari dagaal oo ay laheyd Puntland sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/soomli.mp3 View the full article
-
Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka Baay ayaa gaaray deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi. Cali Xuseen Cali oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dejin. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkan sababaha ay usoo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan. “Waxay kasoo carareen Al-shabaab oo doonaya in caruurtooda ka qaataan, waxaan dejinnay hadda deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha. Dadka xaaladooda ayaa ah mid adag, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo isugu jira cunto, biyo iyo sidoo kale in laga caawiyo deegaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/GUDDOOMIYAHA-AWDIINLE-BAAY-CALI-XUSEEN-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib. Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay. haqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaari kaari 1,000 heerkul cabikra Celsius ah. Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga, halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source
-
Gedo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar iyo duqeymo ay ka dhaceen deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo , Waxaana dagaalka ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay kala kulmeen Alshabaab ay iska caabiyeen islamarkaana ay iska difaaceen weerarka Alshabaab kaga yimid. Weerarka kadib duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo waxaana duqeynta la sheegay inay khasaaro ka gaartay Alshabaab. Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarka ka dhacay deegaanka Buusaar waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo ay ku weerareen deegaanka, iyadoo xubnaha dowladda ay dhankooda guulo sheegtay. Majiro wax war ah kasoo baxay dhanka madaxda dowladda ee gobolka Gedo sidoo kale majiro war kasoo baxay dhanka ciidamada Mareykanka oo duqeynmo ka fuliya gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda degmada Garbahaarey ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku fulisay nin la sheegay in uu kufsaday haweeney kadibna uu dilay. Aadan Siraad Maxamuud oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey oo la hadlay Gooboog, wuxuu sheegay in ninka la dilay lagu magacaabayey Maxamuud Cali Xaamu, uuna jiray 32 sano. Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ninkan uu qirtay falkaasi, sidaasina loogu xukumay dilka, iyadoo maantana lagu fuliyay. Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo dhowaan magaalada Gaalkacyo ee Mudug lagu kufsaday Caaisha Ilyaas oo 12-sano jir ah, kadibna la dilay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/wareysi-gudoomiye-ku-xigeenka-garbahaarey-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaainta qaranka ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga uu ugu horeeyo, kulankana waxuu daba socdaa kulamadii hore ay u yeesheen”. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa la filayaa in loo magacaabo afhayeenka xisbigi xaakimka KULMIYE, sidaa waxa loo xaqiijiyay wargeyska geeska afrika oo shabakadda Somalilandtoday ay warkan ka soo xigatay. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo xilal wasiirnimo oo kala ahaa Warfaafinta iyo xannaanada xoolaha ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu go’aansaday in uu u magacaabo Afhayeenka xisbiga KULMIYE, kuna daro hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa markii tallada dalka wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa safar ku tagay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in uu hawlo waxbarasho u joogo halkaasi Source
-
Qaahira (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayaan sidii ay Soomaaliya ugu soo diri lahaayeen Quburo dhanka amniga, kuwaasi oo tababari doona ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Maxamuud Towfiiq wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Qaahira ayaa sheegay in wasiirka amniga DFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay ka wada hadleen qorshaha ay saraakiisha dhanka amniga ugu soo dirayaan Soomaaliya, kadib madib kulan ay ku sheegeen magaaladda Qaahira ee caasimadda dalkaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in dhiggiisa Soomaaliya uu soo dhaweeyay dowrka Masar ay haatan ka qaadaneyso hoggaanka Africa. Wasiir Tawfiiq ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in wasaaraddiisu ay taageero siin doonto ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya. Hadalkani ayaa imaanaya, xilli dhawaan madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qeyb galeen dalka Masar. View the full article
-
(SLT-Australia)-Barnaamijka isbuuclaha ah ee lagu magacaabo The Boss series waxay BBC-du ku eegtaa taariikhda dadka hoggaamiya ganacsiyada waaweyn ee adduunka. Isbuucan waxaan la hadalnay Scott Farquhar, oo aasaasay madaxna ka ah shirkad software ah oo lagu magacaabo Atlassian. Scott Farquhar wuxuu xasuustaa sidii ay noloshiisa isku baddashay iyo wixii sababta u ahaa. Ganacsadahan u dhashay dalka Australia wuxuu qarka u saarnaa inuu markii hore ku biiro ciidanka Milatariga ee dalkiisa, kadib markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare. Laakiin warqaddii kasoo baxday wasaaradda difaaca ee Australia, ee loogu oggolaanayay inuu ku biro ciidanka ayaa ka luntay. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Markii warqadda dib loo soo helay labo bilood ka dib, isagu wuxuu horayba usii billaabay jaamacad, wuuna ka talo baxay fikirkii hore. Warqaddaas luntay ayaa sabab u noqotay in isaga iyo ninka ay ganacsiga shirkada ku yihiin ee lagu magacaabo Mike Cannon-Brookes ay cagta saaraan waddo ay ugu dambeyn ku noqdeen bilyaneerro. Waxay noqdeen bilyaneerradii ugu horreeyay Australia ee lacagtooda ka dhaliyay shirkad Tiknoolojiyad ah. “Haddii warqaddaas aysan lumi lahayn ama xilli hore la heli lahaa, waxaa laga yaabi lahaa in arrintu ay sidaas ka duwanaan lahayd”, ayuu yidhi Scott, oo hadda ay da’diisu tahay 39 sano. Labadan nin iyagioo aan lacag sidaas u badan heysanin ayey abuureen ganacsigooda sannadkii 2002. Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar. Labadan nin mid walba wuxuu gooni u heystaa lacag dhan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Scott wuxuu sheegay in uu kusoo koray xaafad dadka dagan ay shaqeeyaan oo ka tirsan magaalada Sydney, sidaas awgeedna waligiis uu daneyn jiray barashada culuumta Kumbuyuutarrada. “Waxaan xasuustaa habeen aan aad u ooyay, sababtoo ajh saaxiibkay ayaan Kumbuyuutar ku arkay, anigana Kumbuyuutar kiisa oo kale ah ayaan rabay”, ayuu yidhi. Waalidkiisa ayaa markii dambe ku khasbanaaday iney u soo iibiyaan Kumbuyuutar, halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta ku saabsan Kumbuyuutarka. Source
-
(SLT-Qaahira)-Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Soomaaliya xilka Shir-guddoonka kala wareegtay Sudan oo iyadu horey u ahayd Shir-guddoonka Shirarka Jaamacadda Carabta. Shirka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jamaacadda Carabta uga socda Qaahira waxa uu u gogol-xaadh u yahay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta oo maalinta Arbacadda ee berrito ka furmi doona Qaahira. Source
-
(SLT-Washington)-Kongareeska Maraykanka ayaa Isniintii shalay bilaabay baadhitaankii ugu balaarnaa oo ay ku sameenayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, qoyskiisa iyo saaxiibadiisa, kiiskan ayaa la xariira ku takrifalka awooda xafiiska Madaxweynaha masuqmaasuqa iyo jabinta sharuucda dalkaasi u yaalla. Guddiga Cadaalad u qaabilsan Kongareeska Maraykanka oo ay xiligan hogaaminayaan xisbiga mucaaridka ah ee Dimuquraadiga ayaa amaro dul dhigay 81 qof iyo hay’adood oo ay ku jiraan xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maraykanka iyo Qoyskiisa. Jerry Nadler oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaalada oo awood weyn dalkaasi kuleh ayaa qoraalada u kala diray xubnaha Trump ku dhaw oo laga codsaday inay Guddiga kusoo wareejiyaan dokumentiyo kala gedisan, waxaana xubnaha waraaqaha loo diray kamid ah wiilasha uu dhalay Trump ee Don Jr. & Eric, waxaa isaguna ku jira wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner oo ah lataliyaha sare ee Madaxweynaha iyo waliba xisaabiyihii Trump oo lagu magacaabo Allen Weisselberg. Xubnaha guddiga baaritaankan uu ku daray ayaa waxaa kamid ah hay’adaha xiriirka dhaw laleh Trump sida shirkadiisa gaarka ah & ururka NRA oo u dooda shirkadaha hubka soo saara. Qaar kamid ah dadkii horey uga soo shaqeeyey xukuumada Trump ayaa iyaguna ku jira xubnaha baaritaankan lagu daray sida; Xeer-illaaliyihii hore Jeff Sessions, Lataliye-yaashii hore ee Steve Bannon & Hope Hicks iyo madaxa WikiLeaks Julian Assange. Sidoo kale Qareenka gaarka ah ee Trump oo lagu magacaabo Jay Sekulow ayaa laga codsaday inuu xog badan kusoo wareejiyo guddiga baaritaanka wada. Dhamaan xubnahan ayaa lasiiyey inay 2 asbuuc gudahood xogta laga codsaday kusoo wareejiyaan guddiga. Xisbiga Dimuquraadiga oo bishii Janaayo ee sanadkan la wareegay aqlabiyada Kongareeska Maraykanka ayaa dardar geliyey baaritaanada ay ku wadaan xukuumada Trump iyadoo ay qaar kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ay horey uga dhawaajiyeen inay suurto-gal tahay in mustaqbalka dhaw la bilaabo kiis xilka looga xayuubinayo Trump, walow uu Madaxweynaha ku tashanayo Xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee iyagu heysta Aqlabiyada Aqalka Sare ee Senate-ka. Source
-
(SLT-Jubba)-Safarka Abiye Axmed iyo Isaias Afwerki isniintii shalay ku tageen dalka Sudaanta Koonfureed ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu bad-baadiyo heshiiskii horey loo dhex dhigay Dowladaasi iyo Mucaaridkeeda. Heshiiskii ay sanadkii hore wada saxiixdeen Madaxweynaha dalkaasi Salfakiir iyo Mucaaridkiisa hubeysan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu burburo xili hada la dareemayo abaabul cusub oo militari oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda. Bishii September oo sanadkii 2018 ayey magaalada Addis Ababa ku saxiixeen heshiiska Madaxweyne Salfakiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Machar, balse waxaa iyagu jira kooxo hubeysan oo diiday inay heshiiskaasi wax ka saxiixaan kuwaasi oo todobaadkan magaalada Addis Ababa kula kulmi doona Madaxda IGAD. Bisha May ee sanadkan ayaa ah xiligii lagu heshiiyey in markale xilka Madaxweyne kuxigeenka uu qabto Machar oo hada ku sugan Khartuum, walow laga cabsi qabo kahor xiligaasi inay markale dib usoo cusboonaadaan dagaalada. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay qaraxyadii habeenkii khamiista ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed geystay. Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Howlwadeenada Caafimaadka, hey’adaha ammaanka, kuwa gurmadka degdega, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ayaa sheegay in wixii dhacay ay aheyd masiibo, isla markaana muddo 11 sanno ay soo socotay “Xaqiiqdii waa musiibo wixii dhacay, musiibadan waxay soo socotay muddo 11 sano wax hada bilowday ma ahan, wax sanadkii la soo dhaafay bilowday ma ahan, waxa aan la dagaalameyno waa Argagixiso”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Argagixisada ay la dagaalameyso horumarka, dowladnimada kobaca dhaqaalaha iyo nafta bani’aadamka, isagoo xusay in waxa ay raadsanayaan ayna aheyn dowlad kaliya, oo ay beegsanayaan shacabka. “Ciidanka Keligood wax ma qaban karaan, howshan waa howl wadareed, waa wax noo wada yaalo, hadduu yahay siyaasi, ganacsade iyo culimo, haddaan laga wada shaqeyn amniga dhexda loo xiran oo loo daayo wiilasha dhalinyarada waxay qaban karaan waa wax aad u yar”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo, Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa ka hadlay dil shalay magaalada Muqdisho loogu geystay hooyo Soomaaliyeed oo cuuryaan ah oo lagu dilay afaafka hore ee Hotel Shamow. Dilka waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan ilaalada hotelka kaasi oo la sheegay inuu xakameynayay dad badan oo kusugnaa hotelka kuwaasi oo xiligaasi qaadanayay kaarar ay dhaqaalo ku qaadan lahaayeen. Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan aasi doonin haweeneyda ilaa laga soo qabto askariga ka dambeeyay dilkeeda, Waxaana uu sheegay inay ka tagtay caruur badan oo ay masruufi jirtay. “Gabadhaa Walaashey ah alla ha u naxariisto, horeyna naafo ayay u aheyd ninkii dilay waxaan og nahay inuu ilaa hadda Hotelka uu ku jiro oo aan waxba laga qaban, waxaan leeyahay hadey maamulka hotelka yihiin iyo laamaha amaanka lama duugayo meydkeeda ilaa laga keeno ruuxii dilka geystay” “Maskiin ayay iska aheyd kaar lacag lagu qaato ayay doonatay, laakiin waxaa cajiib ah in xabada uu sida Kaniini uu kale u laqsiiyay oo afka uu xabad ka geliyay, waxaana lala yaabay markii hore qore ma uusan heysan”ayuu yiri xildhibaanka. Shalay ayay aheyd markii askariga uu dilkaasi geystay waxaana wali jirin wax jawaab ah oo maamulka Hotel Shamow kasoo baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid xubnaha baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ah musharax doonaya inuu ka tartamo Kismaayo ayaa shaaciyay hanaanka ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xalaal ah. Kadib markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in doorasho lagu wada qanacsan yahay ay ka dhici karto magaalada Kismaayo, marka musharixiinta iyo madaxweynaha talada haya ay si wadajir ah kaga qeyb qaataan diyaarinta nidaamka doorashooyinka. “Doorasho xalaal ah inay ka dhacdo Kismaayo ayaan rajeyneynaa, waxaan leeyahay waxaa wanaagsan in maamulka iyo musharixiinta ay ka wada shaqeeyaan hanaanka doorashada, taasi oo keeni karta mid si xalaal ah ku dhacda”ayuu yiri Mr Xidig. Wuxuu sheegay inuu ka digayo musuq lagu sameeyo soo xulista xidhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo gaaraya 75 xildhibaan, waxaana soo xulaya odayaasha dhaqanka Jubbaland. Dhinacyada kala duwan ee ku taamaya ku lug lahaanshaha awooda Jubbaland ayuu sheegay inuu kaga digayo inay faragelin ku sameeyaan doorashada ka dhaceyso Kismaayo. “Waxaan ka digayaa cid walbaa oo faragelin sameyn karta inay farageliso doorashada xildhibaanada iyo tan madaxweynaha oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo, sidaa ayaana lagu gaari karaa doorasho xalaal ah”ayuu yiri Mr Xidig. Dhawaan safar uu ku tagay magaalada Kismaayo ayuu kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana xogo soo baxaya ay sheegayaan inay labadaba Saaxiibo dhow yihiin, islamarkaana uu yahay Xidig qorshaha labaad ee Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta uudhoofay dalka Itoobiya. Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha. “ “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba. Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Puntland Post The post Farmaajo oo u amba baxay Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba. Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka. Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada milatariga iyo kuwa Booliska Puntland ayaa weli howlgallo ballaaran ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa looga hortagayaa falalka ammaan dari ee ka dhaca magaaladaasi. Taliya milatariga Puntland Cabdi-Shukri oo la halday warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanadu ay socon doonaa tan iyo inta la xaqiijiyano amniga Gaalkacyo. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee shalay la sameeyay lagu soo qab qabtay ku dhawaad 60 qof oo u badan dhalinyaro. Muddooyinkii dambe waxaa xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ah oo ay ka cabanayeen dadka deegaanka. View the full article
-
Muqdishoi (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Hoomeyda oo marayay aargada degmadaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen shilkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Qof Goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/dd.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Maka Al-Mukarrama. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni, ayna u istaago sidii ay y gacan siin lahaayeen laamaha amniga. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa ka hadlay lacagaha dowadda Soomaaliya ay siin jirtay maamulka Galmudug oo la sheegay maalmihii ugu dambeeyay in laga jartay. Maxamed Carabeey, ayaa sheegay inay taageersan yihiin lacagtaasi la jarto, maadaama sida uu sheegay ay ku dhaceyso gacanta madaxweynaha maamulkaasi oo aysan gaareynin dhinacyada kale. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay seddex arin midood, oo kala ah in lacagtaasi loo qeybiyo labada dhinac ee Cadaado iyo Dhuusomareeb, In lacagtaasi gabi ahaanba la joojiyo iyo in guddi dhexdhexaad ah uu lacagtaasi maamulo. Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu taageerayo in lacagtaasi dowladda Soomaaliya gabi ahaanba ay joojiso. “Been Kuuma sheegayo boqolkiiba boqol aniga shaqsiyan iyo dadka aan matalo waxaan dowladda ku taageersannahay in lacagtii ay nasiin jirtay jarato intii shaqsi gaara ay u gacangali lahayd haddaysan xal kale hayn,Xaafna waa shaqsi lacagta malahan isagu ee Galmudug baa leh”ayuu yiri Mr Carabeey. Hoos ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-050319.mp3 View the full article