Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,592
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Taliska Ciidanka Millatariga Somaliland Oo Soo Bandhigay Gaadiidkay Ka Qabsadeen Maleeshiyaadkii Shalay Dagaalku Dhex-Maray Ee Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Boliska Cabdiraxman Liibaan Fooxle iyo Saraakiil ka tirsan Boliska iyo waaxda Bolice Reform ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xafiiskiisa kulana kula qaatay xubno ka socda haayada Midawga Yurub. Xunaha ka socda midawga yurub oo kala ahaa Thomas Kircher, oo ah Madaxa Dimoqraadiyadda (Head of Democratic Government), iyo Eva Atanassova oo iyana ah Maamulaha Barnaamijka Dimoqraadiyeynta (Democratization Programme Manager) kulankan ayaa lagaga wada hadlay taageerada Midowga Yurub uu siiyo wasaarada arrimaha gudaha iyo booliska, iyo Sidoo kale dib u habaynta, xuquuqda aadamaha iyo xeerka booliska. Midawga yurub ayaa inta badan Somaliland Ka Taageera Arrimaha doorashooyin iyo mashaariicda horumarineed ee dalka. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayici) ayaa maanta ka qayb galay barnaamijka horumrinta cilmiga wajigiisii saddexaad oo maanta ka furmay magaaladda Hargaysa. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la tayeeyo, korna loo qaado waxbarashadda Somaliland, waxaanu kula dar-daarmay wasaaradda Waxbarashadda iyo Saynisku inay laban-laabto dadaaladda lagu doonaayo in tacliinta la gaadhsiiso guri kasta. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xeer ilaaliye ku xigeenka guud Ee Somaliland Oo si adag uga jawaabay dacwad ay ka gudbiyeen Xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Aadan Cilmi Dhoolayare oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah WADDANI ayaa waxaa uu eedeymo culus u jeediyey wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale oo dhawaan eedeymo u jeediyey xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Ethiopian Prime Minister Dr Abiy Ahmed held bilateral discussions with the Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” at his office today. The discussions focused on the strengthening of regional peace per the agreements signed previously and mechanisms to ensure Kenya-Somali relations are strengthened, according to the office of the Prime Minister They also deliberated on the continuation of joint port development and ensuring that relations with the administration of Somaliland support regional peace, the office added. The Somali President arrived in Addis Ababa this morning for a day-long visit as part of PM Dr. Abiy Ahmed’s initiative for regional peace and security and economic integration in the Horn of Africa region. View the full article
  7. Sidii Abiy Axmed Farmaajo ugu soo dhaweeyay Adis-Ababa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. Qaran News
  8. A City Heights resident was found slain in her apartment Monday. The 36-year-old woman’s sister discovered her body at the rental residence in the 4000 blocks of Van Dyke Avenue shortly before 9 a.m., according to San Diego police. The victim’s sister, Amiina Salad, told FOX 5 that the dead woman’s name is Muna Kuri. She said Kuri came to the US from Kenya. The victim, whose most recent contact with her family was on Saturday, had suffered suspicious wounds to her upper body, Lt. Anthony Dupree said. “Homicide investigators were called to the scene and are investigating the death as a homicide,” the lieutenant said. Salad told FOX 5 that her family had not heard from Kuri since Saturday evening, so she went to her apartment and was able to get inside with the help of the property manager. She found Kuri’s body in her bed with injuries to her head. She said that she believes Kuri’s husband is responsible for her death. “You killed her. We all know you did. Why run?” she said, addressing her brother-in-law. “You thought you were man enough and strong enough to hear her, right? Well, come out. Show your face!” Investigators said no suspects in the killing had been identified as of mid-afternoon, but they want to talk to Kuri’s husband, who is considered a person of interest in the case. Salad identified Kuri’s husband to FOX 5 as Abdi Aziz. As officials work to fill in the blanks on what happened to Kuri, friends and family have not left the area surrounding Kuri’s apartment. Salad says her sister ran a daycare in El Cajon, was very generous, and loved by many. “She’s funny, she’s loud, she forgives. A lot. She doesn’t hold grudges against people, she helps a lot of people,” said Salad. View the full article
  9. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada Addis Ababa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ka sokow arrimaha labada dal, haddana waxa ugu weyn ee wada-hadalladan diiradda lagu saaray ay yihiin xiisadda ka dhex-oogan Soomaaliya iyo Kenya ee badda. Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo ah in ururka IGAD uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho arrinta badda, oo kiiska maxkamadda ICJ la joojiyo. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal. Ma cadda in Farmaajo aqbalay qorshaha Abiy Ahmed, hase yeeshee wada-hadal laga galo arrinta baddan wuxuu ka hor-imanaya mowqifkii hore ee dowladda Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka, oo u arki kara halis qaranka ku timaada. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo arrintan ka halday shalay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso go’aankeedii hore, isla markaana lagu kala bixi doono maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba wadahadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  10. Hay’adda la’dagaallanka HIV/AIDS-ka dowladda Puntland ee (PAC), ayaa ka dalbatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland in Virus-ka HIV laga baaro, dhammaan dadka ku eedaysan arrimaha kufsiga ee ku xiran xabsiyada. Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasinka guud ee hay’adda PAC, ayaa lagu sheegay in ay jiraan, dad la nool Virus-ka HIV oo ku eedaysan arrima la xiriira kufsi, sidaasi darteedna ay muhiimtahay in xanuunka laga badbaadiyo dhibbanayaasha kufsiga loo geystay. Hay’adda ayaa ka codsatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland, in ay ogolaansho siiyan saraakiisha caafimaadka, si HIV looga baaro dhammaan eedaysanayaasha loo soo xiro arrimaha kufsiga. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: go’aan laga soo saaray dadka ku eedaysan kufsiga appeared first on Puntland Post.
  11. The speaker of the House of the People of the Somali People, Mohamed Mursal, held a meeting with his Qatari counterpart, Al-Sayed Ahmed Bin Abdalla bin Zaid in Jordan. The two speakers who attended the two-day 29th meeting of the Arab Parliaments in Amman discussed bilateral relations between Somalia and Qatar, the mutual interests and the strengthening of relations between the two countries. The 29th Conference of the Arab Inter-Parliamentary Union (APU) that kicked off on Sunday in Amman, under the theme “Jerusalem is the Eternal Capital of the State of Palestine” and with the participation of the heads of 16 Arab parliaments and representatives of other parliaments. View the full article
  12. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Abbaba ee caasimada dalka Itoobiya ayaa halkaasi kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Labada masuul oo kulankooda uu ka dhacay qasriga madaxtooyada Itoobiya ayaa looga wada hadlay iskaashiga caalmiga ah ee ay wadagaan labada dal. Sidoo kale kulanka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa diirada lagu saaray heshiisyo ay horay u kala saxiixdeen labada dhinac iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Kulankooda ayey ku soo hadal labada masuul sidoo kale horumarka dekadaha iyo adkeynta xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,si ay qeyb uga noqoto heshiiska nabadeynta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay Itoobiya,waxaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalkaasi. Inta uu madaxweynuhu joogo Addis Ababa waxa uu kulamo looga hadlayo nabadeynta gobolka iyo dhaqaalaha geeska Africa la yeelan doonaa R/wasaare Abiy Axmed. View the full article
  13. Authorities in southern Somalia have executed a man for the rape of 18-year-old girl in a remote area in Gedo region, southwest of the country. In a statement, Garbaharey court said Mohamud Ali Hamud was convicted for raping and killing a girl in Yuobley village on the outskirt of Garbaharey town. “Mohamud Ali Hamud was sentenced to death on 4th of March this year after all the court proceedings, including the presentation of evidence, were presented at the court. Today the convict was executed by firing squad,” the statement reads in part. Hamud, a 32-year-old man raped and subsequently killed 18-year-old Halima Ali Mohamed in Yucubley village, 15km away in East of Garbaharey on 28 of January. The move comes barely after a court in Garowe town sentenced five male teenagers to death for the gang rape of a 16-year-old girl in Galkayo last month. The court sentenced the accused to death by firing squad. During the trial, the accused, aged 18-19 confessed to the charges and pleaded guilty for raping and killing an 18-year-old girl. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ka kooban 5 Xubnood oo ka socda Ganacsatadii ku hanta beeshay weerarkii ay Al-Shabaab maalmo ka hor ku qaadeyn Goobo Ganacsi oo ku yaala wadada Maka Al-mukarama ayaa xalay la kulamay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaj, waxayna warbixin ka siyeen khasaarihii hantiyadeed ee ka dhashay weerarkaasi. Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay in hanta lagu qiayaasay in kabadan 3 milyan oo dollar ay ku baaba’day Weerarkii 28-kii Febraayo ay Al-Shabaab ay ku qaadeen Maka Al-Mukarama. Sidoo kale Guddigaan Waxay Madaxweynaha u shegeen in dad badan ay halkaasi ku ceertoobeen oo ay rajo beel ku dhacday. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u ballan guddigaasi in dowladda Soomaaliya ay taageeri doonto Ganacsatada ay hantidooda ku baa’ba’ay weerarkaasi, dhowaana Guddi ka socda Dowladda Soomaaliya ay qiimeeyn ku sameyn doonaan bur-burka iyo sida ay dowladda uga qayb qaadan karto taageerada ganacsatadaasi. Gurey Xaaji oo ah Milkiilaha hoteelka Maka Al-Mukarama, sidoo kalane katirsan Guddigii la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay rajo wanaagsan ka muujiyay in Madaxweynaha uu ka *****n doono Ballan-qaadkiisa. Qaraxii iyo weerarkii ugu dambeeyay oo Al-Shabaab ka geesteen Magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah. Sidoo kale waxaa ku dhawaacmay shacab kale oo ka badan 130 qof. Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas waxaa ku jira kuwa ay xaaladooda liidato oo u baahan gargaar dibadda ah sida ay dhaqaatiirta sheegeen. Dowladda Soomaaliya wali kuma guuleysan in ay gar-gaar dibadda ah u raadiso dadkaas oo u badan danyar oo aan awoodin in ay dibadda u safraan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii uu ku guda jiray olalahiisa doorashada sanadkii 2017 waxa uu ballan qaaday in hadii la doorto uu dhisi doono dhismihii ku bur-bura weerarada Al-Shabaab, sidoo kalane uu damaanad qaadi doono daryeelka carruurtii ay eheladooda ku dhintaan Qaraxayada iyo Weerarada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Garbahaarey (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen. Weerarka kadib aya lagu soo warramayaa in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday halkaasi, taas oo lala beegsaday dagaalyahannadii soo qaaday dagaalkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war faah faahsan oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan duqeyntaasi iyo dagaalka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada dowladdu howlgallo kooban ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
  16. San Deigo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka haweeney Soomaaliyeed oo Meydkeeda laga helay dhismo ku yaalla magaalladda San Diego Gobalka California ee dalka Mareykanka. Booliska dalkaasi ayaa sheegay in Meydka haweeneydani oo maalmo badan la la’aa laga helay qeybta hoose dhisme ka kooban toban biyaano. Marxuumada ayaa magaceeda lagu sookoobay Muna Kuri,waxaana qoyskeedu ay waayeen maalintii sabtida ee la soo dhaafay. Saraakiisha Booliska San Deigo ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo ay ku yaallaan Marxuumada,balse aan la ogeyn cida ka dambeysa dilkeeda. Ugu dambeyn Saciid Abiyow oo ka mid ah Soomaalida ku nool California ayaa sheegay in haweeneydan aad looga yaqaanay gobolkaasi,islamarkaana ay aheyd ganacsato. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay Switzerland ayaa kormeeray dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, ayaa maamulka sare ee dekadda la qaatay kulamo looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda isaga oo faray in laga fogaado musuq-maasuq iyo maamul xumada. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maamulka dekadda ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan dakhli aruurinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo fududaynaysa caafinta daymaha lagu leeyahay dalka. Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanaayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan. View the full article
  18. Dowladda Puntland ayaa beenisay inay habo yaraatee wax lug ah ku leedahay dagaal maalintii shalay ka dhacay tuulada Gambara ee gobolka Sool, kaasoo udhexeeyay ciidamo [...] Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  20. Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay deegaanka Dhanaane ee gobolkaasi. Weerar qorsheysan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu dilay askartani oo ka mid ahaa ciidamada milatariga ee ka howlgala halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxihii ka dambeeyay weerarkani ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in horay ay uga qaateen askartaasi hubkii ay wateen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  21. Cammaan (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta. Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen xiriirka Labada Baarlamaan ee Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya. Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga dhigay Qdus waa Caasismaadda soo jireenka ah ee Dowlaadda Falastiin View the full article
  22. Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda Garbahaarey ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay Muxamuud Cali Xaamud oo kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax 18 jir aheyd. Ninkan oo 32 sano jir ahaa ayaa qirtay in uu geystay falkan, sida ay shaacisay maxkamaddu. Fagaaraha lagu toogay ayaa waxaa ku sugnaa ehellada labada qoys, dad shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta G/Gedo. Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay xukunka dilka ah ee lagy fuliyay marxuumka. 28-kii bishan ayey aheyd markii go’aan kama dambeys ah oo ahaa xukun dil ah Llaga gaaray kiiskan oo ka dhacay agagaarka tuulada Reysqode oo 18 KM u jirta magaalada Gaarbahaarey oo dhacda koonfurta Soomaaliya. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta, iyaga oo ka wada hadli doona adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.