Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,620
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Bilooyinkii la soo dhaafay ee December, January iyo February ayaa la sheegay in aysan wax lacag ah qaadan qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ee laa-luushka laga siin jiray Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sheegaysaa in Dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtaas oo ay qaadan jireen Idaacado iyo TV-yo ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in ay dhaqaalo xumi soo wajahday Dowladda Soomaaliya. Idaacadaha iyo TV-yada ugu afka dheer magaalada Muqdisho ayaa bishii la siin jiray lacag u dhaxeysa 1,000$ ilaa 3,000$ waxa ayna lacagtaasi ku difaaci jireen Madaxtooyada Soomaaliya. Warbaahinta lacagtaan qaata ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa baahinta wararka wax u dhimaya Maamulka Villa Somalia. Mid kamid ah maamulada Warbaahinta lacagtaan qaadan jiray ee aan helin bilooyinkaan ayaa Caasimad Online u sheegay in aysan ogeyn sababta aysan u helin lacagta, balse ay qiyaasayaan in uu jiro culeesyo dhaqaalo oo ay wajaheyso Dowladda Soomaaliya. Lacagtaan oo markii hore Warbaahinta loo siin jiray horumaris ayaa la sheegay in ay gaab wayn gashay markii agaasime cusub ay yeelatay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lacagta laga dhigay gadaal ka dhiib oo bilooyinka qaar aan lagu tashan. Idaacadaha iyo Telefshinada Magaalada Muqdisho ee lacagta la siin jiray balse bilooyinkaan aan qaadan ayaa maalmahaan bilaabay warar looga soo horjeedo Xukuumadda, waana sababta uu u batay isku dhaca wariyaasha iyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya. Dhinaca kale, taageerayaasha Dowladda ee baraha bulshada ayaa sidoo kale qaadanin lacgtii ay qaadan jireen oo u dhaxeysa 100$ ilaa 300$ mudo ku dhow 4 bil. Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay looga adkaa baraha bulshada ee Internet-ka. Taageerayaasha mucaaradka ayaa todobaadyadaan ku xooganaa Internet-ka waxayna arintaasi ay dhaawac wayn ku tahay Dowladda Soomaaliya. Lama oga sababta arintaan ka dambeysa waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya in ay arintaan sababtay dhaqaalo Xumi Xukuumadda heysata iyo warar kale oo sheegayaa in ay lacagta joojisay Haweeneyda agaasimaha ka ah Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Soomaaliya waxay mareysaa meeshi ugu xumeyd ee wadan gaaro xagga amniga. Dhibaatada heysata ummadda waxaa ugu daran in la soo hubeeyay niman aad moodo in looogu tala galay inay umadda laayaan wax naxariis ahna aysan u falin. Maanta oo Isniin ah waxaa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socda waxay dileen in ka badan seddax qof oon wax dembi ah geysan. Dembileyaashii dadkaas dilay waa xur meeshey doonaan maraaya cid wax u qabsatayna aysan jirin. Arrinta ugu xun ee Muqdisho ka dhacda waa inay ciidamadu sidi ay doonaan u toogtaan dhallinyarada wada Bajaajada oo sidi tisxiga loo laayo. Askarta dembiga gashana looma qabto dhiiga ay gardarrada ku daadiyaan…waxaad moodaa in darawalada Bajaajta uu dhiigoodu xalaal yahay. Dalka Talyaaniga wuxuu soo maray marxalad aad u xun oo ay heysten niman lagu magacaabo “Brigata Rossa” laga soo billaabo 1969 – 1980 ooy gaareen heer ay af-duubaan Raiisul wasaare can ahaa Aldo Moro oo mar la daalay meydkiisi laga helay baabuur meel yaala dabaiis (porta bagaglio) la so gelshay. Xilligaas waxaa la soo rogay in ciidamadi “Crabinieri” hubka laga dhigay lagana mamnuucay inay hub ku sitaan magaalooyinka ilaa loo adkeysan waayay dhibaatada ku dheceysay ciidasmaddas oo cid waliba ay ku qeylisay in hubkoodi dib looogu soo celiyo si ay u daafacaan naftooda iyo tan dadweynaha. Ciidamada dariiqyada taagan weligood lama kulmin Shabaab waxayna laayaan dadweynaha masaakiinta ah. Ilaa iyo haddana ma dhicin lamana arag hal askari oo loo qabtay dil uu geystay ama Maxkamad la soo taagay…waxaa la yiraahdaa askariga dilka geystay waa baxsaday warkiis damabana lama maqlo!!!. Si umadaan looga badbaadiyo DIALKA MICO-DARRADA AH OO KU SOO BATAY DALKA, SIIBA XAMAR, WAA IN CIIDAMADA HUBKA LAGA DHIGAA KUWI DILKA GEYSTAYNA LA SOO QABTO LANA MARSIIYO MUDANKOODA. WAA HADDII AY CADAALAD JIRTO. HOWSHAAS WAXAA LAGA RABAA INUU FULIYO JENERAL CABDULLAAHI BARIISE OO MAR KASTA U CUDUR-DAARA CIIDAMADA DADKA LAAYA. Wixi aan ku gefay ha la ii cafiyo, wixi khalad ku jirana ka saxa adinkoo mahadsan. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Badanaaba xukuumadaha adduunka ka dhisan, waxaa hoggaamiya oo maamula, xisbigii hela codadka ugu badan doorashadii dalkaa dhacda. Xisbiyada gudahooda waxa ay qabtaan doorasho waxa ayna iska soo dhex saaraan qofkii ay u arkaan in uu bulshadooda ka gadmayo, xisbigoodana guul u soo hoynayo. Xisbiyada waxa u degsan mabaadi’ iyo caqiido xubnihiisu isku wada raacsanyahay. Mabda’a iyo caqiidadaa ayaa xubno iyo rag xisbi kuwada jira ka dhiga saaxiibo khaas ah oo il kaliya wax ku arka dheg kaliyana wax ku maqla. Ragga siyaasadu mataanaysay tusaale waxa u soo qaadan karnaa, madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkii Dimitri Medvedev, labadaa nin oo hada dhowr iyo toban sanno hoggaaminaya dalkaas dhowr jeer ayay xafiisyada is dhaafsadeen oo midba midka kale xafiiska u baneeyay. Saaxiibtinimada iyo wada shaqaynta labadaa nin ka dhexaysa, waxa ay dalka Ruushka ka badbaadisay in uu ku hoobto oo ku kala firdhado qalalaasihii iyo jahawareerkii ka dhashay burburkii Midowgii Sofiyeeti ee uu Ruushku hoggaamiyaha ka ahaa, waxa ayna dalkaa u horseedeen deganaansho siyaasadeed iyo kobac dhaqaale. Wadanka Turkiga, madaxweynihii hore Cabdalla Gul iyo kan hada talada haya Reccep Tayyip Erdogan, labaduba waa ardaydii ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Najmudiin Arbakaan, waxa ayna xubna ka ahaayeen xisbigiii uu hoggaamin jiray Arbakaan ee dalkaa laga mamnuucay. Markii la mamnuucyay xisbigoodii, xubnihiisiina xayiraad lagu soo rogay, waxa ay asaaseen xisbiga hada ka taliya dalkaa. Erdogan mar walba Gul waxa uu ugu yeeri jiray”walaalkay”. Markii xisbigooda ku guulaystay doorashadii 2002-dii, Erdogan ma qabin karin wax xil ah, waxana saarnaa xayiraad maxakamadi saartay. Isbadal lagu sameeyay dastuurkaa maadaama ay iyagu kuraasta baarlamaanka badidood ku guulaysteen, Erdogan waa laga qaaday xayiraadii, xafiiskii ra’iisul wasaarahana waxa u baneeyay walaalkii Cabdalla Gul. Isbedala dhowr ah oo ka dhacay dalkaa iyo xisbigoodii oo noqday xisbiga wadanka uga awooda badan, waxa uu suurtowday in ay la wareegaan xafiiska madaxweynaha. Gul-na waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee ka tirsan xisbi u janjeera xaga diinta ee xilkaa qabta tan iyo intii ay aasaasantay jamhuuriyada Turkiga. Xisbigooda waxa uu Turkiga ka sameeyay isbedal siyaasadeed, oo la dhihi karo Afgambi siyaasadeed, waxa uu awoodii ka xayuubiyay jeneraaladii xoogaa badnaa ee siyaasada dalkaa gacanta ugu jirtay, sidoo kale waxa gaaarsiiyeen horumar dhaqaale. Soomaaliya oo siyaasadu ku dhisantay hab beeleed iyo xubna qaybsi ayaa waxa dhacda ninkii madaxweyne loo soo doorto in uu ku wareero qofkii uu ra’iisul u magacaabi lahaa, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa isagana ku wareera sidii uu heli lahaa xubnihii ka mid noqon lahaa xukuumadiisa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waa ra’iisul wasaarihii ugu cimriga dheeraa, burburkii kadib, maalmo ka hor ayuu dhamaystay laba sanno oo uu xafiiska joogay. Kheyre oo filanaya in ay usoo baxdo qorraxda, sannadii seddexaad ee xafiiska ugu dhalata, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya isaga iyo Farmaajo in uu khilaaf u dhaxeeyo, sannadka cusub ee u bilowdayna xafiiska ku dhex sagootin doonin. Khilaafka ayaa la leeyahay waxa uu salka ku hayaa, Kheyre oo uu galay damac ah in uu isu soo sharaxo jagada madaxweynaha, Farmaajo oo isagana quud daraynaya mar kale in uu xafiiska kusoo laabto booska ka riixdo. Farmaajo iyo Kheyre isku xisbi ma ahan saaxiibtinimo horana kama aysan dhexayn, rag shaqo doon ah oo dani kulmisay ayay ahaayeen. Waxaase isweydiin leh Farmaajo iyo Kheyre wada shaqaaynta iyo isfahamka ay labadii sanno ee lasoo dhaafay muujiyeen, maku sii wada joogin doonaan, caado iyo dhaqan siyaasadeed oo cusub ma bilaabi doonaan? Farmaajo talaabo aan weli dalkeena looga baran maqaadi doonaa oo xafiiska Kheyre ma u banayn doonaa? Kheyre damaca ma iska dayn doonaa oo Farmaajo fursad ma usiin doonaa in marklae lasoo doorto? Dalkeena oo sida inoo muuqata rag horay usoo wada shaqeeyay iyo qaar hada weli wada shaqeeya ninba dhinac u ordaayo, xisbi ugooniyana samaystay, Farmaajo iyo Kheyre in xafiisyada is-weydaarsadaan waa arrin aan marnaba la filayn. Ugu yaraan waxa aan ka filan karno waa iyaga oo muddada xiligooda ka dhiman wada dhamaysta, doorashada la filayana xal xisbi kusoo gala, midaa oo iyada qudheeda la dhihi karo waa bisayl siyaasadeed, oo wadanka u horseedi kara deganaansho siyaasadeed iyo in la helo xisbiyo ku dhisan mabda’a iyo caqiido ee aan ku dhisnayn dano shaqsiyadeed iyo mid beeleed. W/Q: Cabdirisaaq Xuseen Dhiiloow dhiilow008@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Dabaal-degii Ajax Kooxda Real Madrid oo saddexdii sano ee u dambeysay difaacanaysay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa si fool xun uga hartay. Real Madridrid oo garoonkeeda Santiago Bernabeu lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga kula ciyaaraysay kooxda reer Holland ee Ajax ayaa la kulantay guuldaro fadeexad ah, kadib markii 4-1 loogu a wood sheegtay. Kooxda Ajax oo marti ahayd ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta adduunka, halka taageerayaasha Real Madrid ay ka soo hartay dhabano qabsi iyo jahwareer. Goolasha afarta ah ee Ajax ay ku gaartay guusha taariikhiga ah waxaa mid hal gool u kala dhaliyay daqiidaqii 7-aad Hakim Ziyech, dahiiqadii 18-aad David Neres, daqiiqadii 62-aad Dusan Tadic iyo daqiiqadii 72-aad Schöne Lasse, halka Real Madrid uu gobolka qura u dhaliyay daqiiqadii 70-aad Marco Asensio. Ajax ayaa wadarta goolasha labada kulan ku badisay 5-3, maadaama kulankii hore Real Madrid ku soo badisay 2-1, sidaasna waxay ugu gudubtay wareega siddeed dhammaadka tartanka Champions League-ga, halka Real Madrid oo sagaalkii sano ee dambeeyay tartankan soo gaaraysay siddeed dhammaadka ay maca salaamaysay. Murugadii Real Madrid Real Madrid ayaa lix maalmood gudahood ku maca salaamaysay saddexdii tartan ee ay ku jiray, 27 February iyo 2 March waxay guuldarooyin kala kulantay Barcelona kulamadii Copa Del Rey iyo La Liga, halka caawa ay musiibo kala kulantay Ajax. Sabab Real Madrid ay xili xiyaareedkan u wajahayso guuldarooyinka ayaa la aaminsan yahay in ay tahay ka tagi taankii tababarihii hore ee taariikhda dhigay Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa ciyaartoy aad looga cabsado. Dhinaca kale kooxda reer Ingiriis ee Tottenham ayaa u soo gudubtay wareega ee siddeed dhamaadka tartanka Champions League-ga, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda reer Jarmal ee Dortmund kulankii lugtii labaad, waxayna wadarta labada kulan noqdeen 4-0. Harry Kane ayaa daqiiqadii 49-aad u dhaliyay goolka kooxdiisa Tottenham. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo jab kala kulantay koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  5. The rapid political changes in the region could bring risks to Somaliland rather than cooperation opportunities. Preview quotes from the content: “Somaliland should keep close observations over the multi- dimensional pressures aimed at it” “Somaliland should pursue a foreign policy which is preemptive rather than being reactive” “Somaliland should steer developments by taking initiatives rather than merely watching the political changes in the region unfold” ” The peaceful and constructive policy of Somaliland to its neighbors is now ever sought after and more needed” Somaliland should not accept any envisaged policy not ensuring its sovereignty and fundamental statehood rights Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability and to better the lives of the people of their countries. In real terms, development and progress can be achieved in a lasting peace and stability environment. Somaliland aware of this fact placed this formula at the very center of its foreign policy visions. This approach is a natural reflection and continuation of the “Peace at Home, peace with neighbors, Peace in the Region” policy laid down by our Great Leader Mohamed Ibrahim Egal. Besides, it is a natural consequence of a Contemporary responsibility and a humanistic foreign policy vision. The peace and stability in Somaliland is founded on its early traditions based on negotiations under the tree; and takes its strength from Somaliland’s characteristics of being a democratic state governed by the rule of law Furthermore, the most important characteristic of Somaliland foreign policy was being a visionary one. Security for all, political dialogue, economic interdependence and cultural harmony are the building blocks of this vision. Somaliland aspired eventually to reach a stage where all countries in the region live in a state of welfare and carry the integration among them to the most advanced level by creating a zone of peace and stability, starting from her neighbors. Somaliland while resolutely pursuing this policy should never put realism aside and does not forget that “zero problems” approach represents an objective and an ideal. We can understand that a web of relations free from problems does not exist anywhere in the world, due to the very nature of international relations. Somaliland implementing her foreign policy of no problem with neighbors; it should be aware there are some intricate and deep problems that cannot be solved quickly in between the countries of the region; no matter how much they are willing to do so. It is not quite possible to envisage that all problems in our region which have deep-rooted history can be solved in a short period of time. Besides, Somaliland believes the need to take constructive steps in order to settle such problems and to exert active efforts in this direction. That is why Somaliland sees the ongoing efforts that the leaders of the three countries (Ethiopia, Eretria and Somalia) are acting as a political move towards peace and stability among these countries and the region. Somaliland has covered great distance in this direction up until now, and already succeeded to eliminate all the problems from her relations with neighbors in the region namely Ethiopia and Djibouti to a remarkable level; at least to exempt Somalia. It has also developed her relations and cooperation with some other African countries, some Arab countries and some EU member countries; with an increasing momentum based on deepening mutual cooperation, sincere dialogue and balanced understanding. In this context, the discourse of “zero problem with neighbors” which was a slogan summarizing Somaliland’s expectations from the neighboring countries, with regards to her relations; and was receiving some positive and rewarding outcomes and responses from her immediate vicinity, that is to say from her neighbors. But nowadays, those previous rewarding outcomes are changing in to negative attitude, restrictions and political pressures. Aforementioned developments in bilateral relations with neighbors and the policy of “zero problems” adopted by Somaliland shows clearly how sincere and determined she is on the way to peace and stability. But this political mode coming from some neighbors is telling us something hidden in their new goals. Because of this suspicion, Somaliland should have in mind that such rapid political developments and changes occurring in the region particularly in the neighbors could bring risks rather than cooperation opportunities. Therefore Somaliland should keep close observations over the multi-dimensional pressures aimed at it and the responsibilities emanating from them. And if compelled it should pursue a foreign policy which is pre-emptive rather than being reactive; and steer developments by taking initiatives rather than merely watching them unfold and determine a stance accordingly. That is because it’s anchoring peace, stability and security on firm foundations in such traditional based environment is now becoming ever more afraid to be threatened. One of the rare common denominators of many countries, which have significant agreements and deep-rooted relations between them, is their confidence with each other to keep that friendly relations being sustainable. Somaliland foreign policy should be conducted in the center of geography (in the Horn where these political changes are occurring in the most intensive way). Somaliland’s efforts geared towards launching the Horn stability and Cooperation Platform and creating an environment of respect and trust in the region are clear signs of its peace loving approach. But as changes insignificant to Somaliland are engulfing the region; it is thus incumbent on Somaliland to assume more responsibilities in preserving its statehood interests. Furthermore, Somaliland tried a lot to solve the fundamental problems with Somalia, and strives hard to find a solution for its vision that Somaliland and Somalia states living side by side and develop their relations in accordance with the “zero problems” approach policy; but the later is always in an unrealistic vision to bring back the unification that vanished before 27 years. Unfortunately, our relations with Somalia have entered into a new phase due to the relentless military attacks from punt land to Somaliland within its own territory. This is not due to a failure or inconsistency of Somaliland’s zero problems approach, but the approach of Somalia’s current regime, which through its actions, made it impossible to Continue good neighborly relations. As a matter of fact, Somaliland is ready to open dialogue process with Somalia; in order to develop relations through significant mechanisms such as confidence-building measures, cooperation level meetings; that can lead high level talks on Somaliland’s statehood issue. Somaliland upholds the aim of exerting active efforts to solve problems in line with a logical approach through peaceful means. Somaliland is of the view that if a positive atmosphere and bilateral relations prevail between the two countries; it will further facilitate the solution of that dominant problem in the future. If some steps are taken in this direction, even if the problem is not solved immediately, favorable conditions for its eventual solution can finally be created. Despite these major efforts, developing relations with Somalia seems like a weak link in Somaliland’s endeavors towards fostering relations with neighbors. Furthermore, Somaliland does not lose faith in the fact that this normalization process can be lasting and sustainable if concrete steps are taken for a comprehensive peace between the two countries. Such two neighboring brother states dialogue, with the advantage of close and special ties between our peoples will consolidate the ground for Somaliland–Somalia problem solving initiatives. Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability and to better the lives of the people of their countries. But Somaliland would not accept any envisaged political stand that would not ensure the fundamental rights of Somaliland’s sovereignty as a separate state from Somalia irrespective of who the believer is. On the other hand, Somaliland should become conscious of the crucial importance of preserving the political and economic stability and territorial integrity of its country. It should pursue a policy with a view to secure its borders through peaceful means; and if it becomes enviable through military might. According to Somaliland’s constitutional foreign policy vision, its sovereignty as an independent state is not negotiable. Our policy vis-à-vis with Ethiopia, Djibouti and other EGAD countries should support the shaping of the future of our country in line with the legitimate aspirations of its people and maintenance of its Sovereignty. That is each of these governments including Somaliland should have a full right and power and be respected to govern over its territory independently, without any interference from the others. Somaliland needs its neighbors and its neighbors need it; a same level needs with each other working together on peace & stability, to better the lives of the people of our countries; and to develop the social services, the economic growth, the commercial interdependence, and the political interactions of our respective countries. However, Somaliland should know that this objective bears a much deeper meaning for her that goes beyond settling problems with each of its neighbors. With this understanding, Somaliland should not accept if its good relations with the neighbors are redirected by her neighbors in to uncertainty and not giving the importance it deserves; trying to take advantage over its status as an unrecognized state. Somaliland carried out intense endeavors in bilateral fora, becoming a beacon of peace in the Horn with successive democratization processes, so that it can establish its own political unity and territorial integrity and integrate fully with the international community without any help from neighbors. If political hegemony exists in this region Somaliland should know that it has its share. Accordingly Somaliland should be against any political theory indorsed by its neighbors diminishing its sovereignty and designating theirs with supreme authority. Why the level reached by Somaliland in the field of peace building and democracy should broaden her foreign policy outreach and increase her power of impact in this domain and in this region; while the neighbors are giving their dearly considerations to Somalia which is in the mid of daily terrorist acts ? Somaliland should show that its peaceful and constructive policy aimed to its neighbors is now ever sought after and more needed in the region with high quality Adam Ali Younis E-mail – aayonis@hotmail.com Qaran News
  6. Kenya and Somalia were involved in a bitter diplomatic spat after the Horn of Africa nation allegedly auctioned off oil, gas and mineral blocks falling within the disputed territory. Kenya termed the decision by Somalia to auction the disputed maritime blocks in the UK as an “unparalleled affront” and vowed that the “illegal grab” will not go unanswered, a charge Somalia denies. Ever since the maritime dispute gained traction, Kenya has maintained that it would prefer to resolve the boundary issue out of court, while Somalia wants the case to be heard by the International Court of Justice (ICJ). In August 2014, Somalia filed a case before the ICJ at The Hague over a dispute in relation to “the establishment of the single maritime boundary between the two neighbouring countries in the Indian Ocean delimiting the territorial sea, exclusive economic zones and continental shelf beyond the 200 nautical miles”. Somalia wants the maritime border to run diagonally as an extension of the land boundary while Kenya wants it to run parallel to the latitude, eastwards and in the border town of Kyunga. A maritime border determines exclusive rights for countries over energy resources beneath the sea and any dispute over the demarcated lines usually land in the ICJ. Speaking to TRT World, Senior Researcher at the Institute for Security Studies Timothy Walker said: “The ICJ has a long history of determining the location of maritime boundaries and thereby providing a solution to a dispute over exclusive economic rights, but this is usually as a last resort by the states involved. ‘’It should always be asked if they have exhausted all possible institutions and dispute resolution mechanisms before taking the case to the ICJ and requesting their verdict. The ICJ decision is binding and there is no appeal, and in this case it is a ‘zero-sum’ result where one side will benefit at the expense of the other.” Walker added: “Kenya’s proclamation of the maritime boundary in 1979 could be significantly altered, resulting in a huge swathe of this oceanic area passing into Somali jurisdiction.” Could the Kenyan government’s decision to engage in a diplomatic escalation against Somalia backfire? “The disagreement has not erupted into further acrimony is a positive sign and hopefully both states will await the verdict of the ICJ without further undertaking actions that could antagonise the other,” Walker explained. “It is a notable trend in matters of sovereignty, increasingly involving the seas, for debates to become inflamed and aggressive. States should rather be exploring ways of mutually benefitting from resources and development opportunities”. So far Somalia has denied auctioning any oil and gas in the disputed territory. The Somali government recently issued a statement to confirm that it has no plans to “offer any blocks in the disputed maritime area until the parties’ boundary is decided by the ICJ”. And when it does, the government said: “Somalia will fully respect the decision and comply.” On February 17, the Kenyan government expelled Somalia’s ambassador to Kenya Mohamud Ahmed Nur alias Tarzan and recalled its envoy Lucas Tumbo to Mogadishu. The Kenyan government later denied expelling the Somali envoy and recalling its ambassador amid the diplomatic row over the disputed territory. It said it only recalled its envoy for “consultations” and asked the Somali envoy to depart for the same reason. Several people took to the social media to express their feelings about the diplomatic row. The quarrel over the oil blocks has strained otherwise close ties between the two countries. Kenya hosts the largest population of Somali refugees and has troops serving in the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM), which is helping the government led by President Mohamed Abdullahi Farmajo battle the Al Qaeda-linked armed group, Al-Shabab. With the stakes so high, it remains to be seen how long the two countries can afford to remain estranged with each other. Source: TRT
  7. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa caawa gaaray Nairobi. Madaxaeyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa halkaasi maalinta berri ah waxa ay kula kulmayaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Dowlada Itoobiya ayaa wado qorshe ay isugu soo dhoweeyneeyso dowladaha Soomaaliya iyo kenya oo xurguf siyaasadeed ay u dhaxeeyso. Hoos ka Daawo Sawirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasare Abiy Axmed oo Nairobi ka dagay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-05032019.mp3 View the full article
  9. Masar (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar, Sameh Shukri. Labada masuul ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay xubno kale oo labada dowladood ka kala socday. Wadahadaladda ay yeeshaan labada wasiir ayaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyo badan. Soomaaliya iyo Masar ayaa wadaaga cilaaqaad soo jireen ah kaasoo ku saleysan danaha labada shacabka labada wadan. View the full article
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee magaalada Nairobi. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague. Kheyr ayaa sheegay in Farmaajo uu u caddeeyey Abiy Ahmed in kiiska maxkamadda uu yahay lama taabtaan oo uu sidiisa u socon doono, balse wixii kale ee ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha diblomaasiyadda lagu xaliyo wada-hadal. Kheyre ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin, islamarkaana ay dooneyso oo kaliya in lagu kala baxo go’aanka maxkamadda, islamarkaana mowqifka madaxweynaha uu kaas yahay. “Madaxweynaha wuxuu diyaar u yahay kaliya in arrimaha xiisadda diblomaasiyeed ee dhowaan dhacay wada-hadal lagu xaliyo, balse kiiska maxkamadda waa sidiisii” ayuu yiri Kheyr. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in lasoo celiyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya iyo wixii kasoo hara kiiska maxkamadda. Hoos ka dhageyso wasiir Kheyr https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cced60d7-aa21-44a7-a24e-451d381f59e3_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Somaliland: The National Defence Forces Will Safeguard Our Borders Once again, the Puntland administration has infringed on Somaliland’s borders and once again they met with defeat. The Somaliland National Defence Forces will always safeguard and secure the borders of Somaliland. Somaliland is prepared to live with its neighbors in peace and harmony. All issues relating to the border disputes and land reform can be resolved through peaceful means, however, if Puntland continues to agitate for conflict, then the outcome will always the same, another defeat for their beleaguered militia. It was hoped that the Puntland administration under the urbane and educated, Saeed Abdillahi “Deni” would take a more peaceful approach, but it would seem that he is being advised and egged on by hardcore elements in his cabinet. There is also the usual instigation from the weak federal entity in Mogadishu. It is time that the opponents of Somaliland realize that we are more than capable of thwarting any incursions in to our borders, with devastating effect. However, we are always mindful of the consequences of war and its collateral damages to the innocent people living in the area. The Puntland administration must understand, if this kind of weak and cowardly attempts to attack Somaliland Forces going about their normal duties continues, it will be met with appropriate response. As we case recently in the eastern fringes of Sanaag and Sool. A peaceful resolution to all disputes is the only way forward, and we hope the new administration in Puntland comes to its senses, and soon. Qaran News
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ugu baxeen magaalada Nairobi. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook oo arrintaas ku saabsan, hoos ka aqriso. Waxaan rajaynaynaa in galbiska madaxweyne farmaajo uu Abiy Axmed u galbinayo Kenya saacadaha soo socda sida afhayeenkiisu sheegay uusan Soomaaliya ku keenin khasaare aysan ka soo kabsan iyo tanaasul aan laga fiirsan oo dhaxalkii umadda Soomaaliyeed laga sameeyo. Waxaanse soo dhowaynaynaa in khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee soo cusboonaaday bishii la soo dhaafay xal laga gaaro laguna soo celiyo halkiisii. Waxaan si dhow ula soconaynaa safarka umadda Soomaaliyeed laga qariyey ujeedadiisa ee Adisababa warkiisa laga soo dirayo, ayadoo umadda Soomaaliyeedna ay indhaha ku hayn doonto wadahdalka Nairobi ka dhici doona iyo xarunta madaxweynaha Kenya Uhuru ee u eg mid uu madaxweyne Farmaajo u hoyanayo Uhuru Kenyatta, haddii wadahadalku mid dhexdhexaadin uu yahay aniga qiyaastayda wuxuu ka dhici lahaa Adisababa. Si kastaba, waxaa jiray go’aamo tanaasul dawladaha deriska ah oo Farmaajo looga bartay sida kii Qalbi dhagax lagu dhiibay, ONLF-na lagu sheegay urur argagixiso, waxaan ku rajoweynahay inaan umadda loo celin doonin qalad kale oo taariikhda gala, lama aqbali doono qaladaad kale oo qaddiyadda umadda lagu dhabar-jabiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Korneyl Siciid Cawil Caare ayaa waxaa uu maanta faah -aahin ka bixiyey kormeer uu sheegay in uu dhawaan ku tagay deegaano hoos yimaada gobalada Sool iyo Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaweyd u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaweyd soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xidhiidhka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. Source
  15. Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Sidoo kale, Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Itoobiya oo ku wajahan Caasimadda Kenya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristaayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-05032019.mp3 View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin tiro badan warbaahinta u marinaayay labadii xukuumadood ee kala dambeeyay iyada oo uu muwadankan magaciisu yahay Sakariye Nuur Cabdillahi ayaa hore u sheegay in uu adeegii shaqo ee uu Dawlada Heshiiska kula jiray uu Wasiirka Wasaarada Gaadiidku si badheedh ah uga barbar samaysatay Madbacad sharci daro ah oo uu leeyahay wiil uu adeer u yahay iyada oo xukuumadu hore u shaacisay in mashruucan lagu wareejin doono Gacanta Dawlada (Madbacada Qaranka). Sakariye Nuur Cabdilahi ayaa Xuduudda Somaliland ka talaabay isaga oo rartay dhamaan Agabkii Mashruuca Liisamada uu ku daabici jiray isla markaasna la galay dhinacaa iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan oo shakabadda wargeyska FOORE helay waxa ay tibaaxayaan in Sakariye Nuur Cabdulaahi oo ahaa Guddoomiyihii shirkaddaasi oo wakhtigan ku sugan Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dalka cadho kaga baxay isaga oo xukuumadihii kala dambeeyay Siilaanyo & Muuse Biixi ka tirsanaya caddaalad darro ay kula kaceen iyaga oo dhinaca kalena sheegay in qandaraaskii ay xukuumaddii hore ku siisay adeegga soo saaridda liisamada ay dawlada Muuse Biixi shirkad kale oo gaar ah oo beeshiisu leedahay Xubno u dhawdhaw si gaar ah ula socda xaaladdan oo wargeyska Foore u warramay waxa ay sheegeen in wakhtigan Sakariye ku sugan yahay Magaalada Qardho isaga oo walaac weyn ka qaba xaaaladda ku dhacday shirkadooda aadna uga cabanaya xukuumadda Muuse Biixi. “Mishiinadii iyo dhammaan qalabkii ay shirkaddani ku hawl galaysay waxa ay ula guureen dhinacaa iyo magaalada Garoowe kadib markii cid kale loo xidhay adeeggii ay hore qandaraaska ugu heleen ee loo siiyay, taasi oo keentay in ay meelo kale ugu adeeg doontaan kadib markii ay dalkooda ka waayeen xuquuqdii ay lahaayeen ee lagu sameeyey caddaalad darro” hatana la filayo in uu isku dhiibo Jabhada Caare Cadaalad u dirirka ah ee fadhiisinkeedu yahay Qardho sidaa waxa wargeyska u sheegay masuul shirkadda ka tirsan. Source: Foore Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga reer Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya. Xubnaha weftiga ka socda midowga reer Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyargarowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahina la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.” Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku daray inay weftiga ka socda midowga reer Yufub kala hadleen isbeddelada geeska Afrika ka socda, isla markaana ay u sharraxeen kaalinta ay ka geli karaan, “Qodobka kale ee aannu ka wada-hadalnay, ayaa waxa kamid ah isbeddelka geeska iyo xidhiidhka aannu la leenahay dalalka jaarka sida Jabuuti iyo iyo Itoobiya, mawqifka aannu ka taagannahay iyo inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaadona waannu u sheegnay,” ayuu yidhi guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere. Source
  20. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Labada hoggaamiye ayaa wada-hadallo la yeelan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Nairobi, waxaana wada-hadallada Uhuru iyo Farmaajo oo Abiy Ahmed uu goobjoog ka noqon doono ay furmi doonaan berri. Go’aankan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo dhex-dhexaadinaya labada dhinac. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladii Abiy iyo Farmaajo dhex maray ay isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Qoraalka Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.” Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo Abi weydiistay inuu uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal la gasho Kenya, si loo xaliyo xiisadda badda.. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal. Agaasimada warfaafinta Villa Somalia oo ka hadlaya arrintan hoos ka daawo Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ay diiday in la soo qabto askari booliis ah, sidoo kalane darawal u ahaa Zakiya oo bilooyin ka hor qof shacab ah ku dilay Isgoyska degmada Howl-Wadaag ee Gobalka Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyar ah oo ka xeynayay Mooto Bajaaj, waxa uuna ifka uga tagay carruur iyo xaaskiisa oo uur leh. Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye ayaa waxay ilmo adeer yihiin marxuumka la dilay, wuxuuna ka mid ahaa dad isku dyaye inay Zakiya kala hadlaan inay soo dhiibto askariga dilka gaystay. Zakiya ayuu sheegay in dhowr jeer oo loo tagay in ay ka meer-meertay soo qabashada darawalkeeda oo dilka ka dambeeyay. Waalidiinta Marxuumka dhintay ayaa noo xaqiijiyay in markii dambe ay Zakiya amartay in aan loo soo deen karin cid dambe oo daba joogta dilkaasi. Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay dadka shacabka ah, dilkii ugu dambeeyay oo ay geesteen Booliiska Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay darawal. Ehellada ayaa waxa ay ka dalbadayn taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya weydiiyaan sababta ay u diiday in cadaaladda la marsiiyo darawalkeeda oo wiil Soomaaliyeed si bareer ah ugu dilay Magaalada Muqdisho. Booliiska waa ilaaliyaha Sharciga, hadii ay Booliiska ilaalin waayaan sharciga iyo kala dambeynta waxaa meesha ka bixi doona rajada dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale Booliiska waxa uu ka tirsan Hey’adaha garsoorka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. (SLT-California)-Booliska magaalada San Diego ee Gobalka California ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka Haweeney Soomaali ah laga helay Dhismo ku yaalla Deegaanka ay Jaalliyadaha laga tiro badan yihiin ka deggaan yihiin Xaafadda City Heights ee magaaladaasi Shaki xooggan ayaana laga muujiyey qaabka loo dilay Marxuumadaasi oo la odhan jirey Muna Kuri oo 36-jir ahayd, waxayna dhawaacyo xooggan kaga yaalleen qeybaha sare ee jidhkeeda, iyadoo uu madaxeeda dhiig ka daadanayey. Warbaahinta nbcsandiego.com ayaa qortay in maydka haweeneydaasi shalay subax laga helay sarriir dhex taalla dhismaha. Haweeney la dhalatay Marxuumadda ayaa sheegtay inay tegtay guriga walaasheeda, isla markaana ay aragtay maydkeeda oo ay dhaawacyo xun ka muuqdeen. Marxuumadda ayaa la tebay, kadib, markii ay sida caadada u ahayd ay Qoyskeeda booqan jirtey maalmaha Sabtida iyo Axadda ee fasax ka ah dalkaasi. Qaar ka mid ah ehelka Marxuumadda ayaa isugu soo ururiyey hogeeda, iyadoo ay tiiraanyo ka muuqatay. Qaar ka mid ah dadkii jeclaa Marxuumadda oo la hadlay Telefishinka News 8 waxay magaca Marxuumadda ku soo koobeen Muna Kuri. Dhinaca kale, Saciid Cabdiyow oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomaalida deggan Deegaanka ay Marxuumadda deganayd ayaa sheegay inay ahayd qof caan ka ah deggaanka. Waxa uu tilmaamay inay Marxuumadda Muna Kuri degganad magaalladda San Diego muddo dhowr sanno, oo ay ku lahayd goob ganacsi, kana shaqeyn jirtey Xaruun maalintii lagu hayo Carruurta. Si kastaba ha ahaatee, Baadhayaasha Boliska San Diego ayaa loogu baaqay inay eegaan wax kasta oo caddayn ah ee ku aadan Fal-dembiyeedka lagu dilay Marxuumadaasi. Source