Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,620
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Aabe C/qaadir Muudey Raamoole oo ka mid dadka leh dhul dhaxaltooyo oo ku yaalla deegaanka Jasiira ayaa ka cabanaya dhul lagu hayo. Dhulkan oo ay dacwaddiisu taallo maxkamadaha dalka ayuu sheegay in ay boobiyaan dad og in ay leeyihiin iyaga, islamarkaana ka iibinaya shirkado, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Aabahani Soomaaliyeed ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliso arrintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod.mp3 View the full article
  2. Waxaa saacadihii ugu dambeeyey jirtay hadalhayn badan oo ku aaddan safarkii uu madaxweyne Farmaajo xalay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda qaarkood waxay sheegeen in loo baahnaa madaxweyne Farmaajo inaanu tagin Nairobi maadaama ay Kenya kusoo gardarrootay Soomaaliya. Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in aanay jirin wax ku jaban tagista madaxweynaha ee Nairobi. Muhiimadda ayuu sheegay iney tahay ilaalinta danaha dalka iyo madaxbanaanida, sidoo kalena meel adag laga taagnaado arrimaha hadda lagu muransan yahay. Wuxuu sheegay in Kenya ay ku fashilantay boobkii ay ku dooneysay iney ku qaadato dhul Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-XILDHIBAAN-CLAAHI-SHEEKH-ISMAACIIL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Algeria)-Dad badan oo reer Algeria ay ayay ku adagtahay in ay fahmaan sida madaxweynahooda oo 82 jir, 6 sanno ka horna uu ku dhacay xanuunka shalalka, kaas oo uu hadalka ku adagyahay, aanana socon karin uu dalkaas usii maamuli karo. Dadka ayaa aad usii yaabay markii uu ku dhowaaqay in markii 5-aad uu isu soo taagay xilka madaxweynenimada. Markii maalintii axadda ay musharixiinta isu diiwaangalinayeen doorashada, isaga waa uu iman waayay caafimaad darro awgeed. Kumanaan qof ayay taas ku kaliftay in ay dariiqyada isugu soo baxaan, kana banaan baxaan musharaxnimadiisa. Markii ugu dambeysay ee uu dadka la hadlay waxa ay ahayd 2014-kii, xilligaas oo uu khudbad ka jeediyay taleefishinka. Dadka reer Algeria aad ayay u nasiib badanyihiin haddiiba ay mar iyo labo ka arkaan taleefishinka isaga oo salaamaya wafti soo booqday dalka. Haddii kale maba arkayaan madaxweynahooda muddo aad u dheer. Doorashadii hore waxa uu muujiyay dareen ah in uu xilka wareejin doono, balse sannadkii hore ayay kala caddaatay in xisbigiisa uu isaga usoo sharaxayo xilka markale. Isaga si shaqsi ah uma galo ololaha doorashada, waxaa hawshaas u qabta xisbigiisa, balse sidaas oo ay tahay ma jiro qof cadcad oo la tartami kara. Xisbiyada mucaaradka waa kuwa aad u kala qeybsan, xisbigana talada hayana ma jirto qof muuqda oo ay soo saareen illaa iyo hadda oo xitaa la fili karo in uu badelo madaxweynaha. Xisbiga talada haya ee FLN waxa uu dalkaas soo xukumayay tan iyo markii uu xornimada qaatay sannadkii 1962-dii. Waxaa inta badan awoodda inteeda badan gacanta ku haya saraakiisha sarsare ee xisbiga, jeneraalada ciidanka iyo waliba ganacsato waaweyn. Waxaa jira qaar ka mid hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo dowladda marar badan heshiisyo la galay ama siyaabo kale ugu qancay dowladda, taas oo ka dhigtay kuwa aan sumcad lahayn. Hase yeeshee dagaalkii sokeeye ee dhamaaday 2002-dii ayaa dad badan ku keenay in ay wax kasta ay ka doortaan xasiloonida dalka ka jirta. Source
  4. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay shirka seddex geesoodka ah ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dalalka Ethiopia, Somalia iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu shaaciyay in Ethiopia ay qaadatay masuuliyadda Dhexdhexaadinta dalalka Somalia iyo Kenya oo xiriirkooda uu xumaaday waxii ka dambeeyay bartamihii bishii Febraayo ee sanadkaan. Abiy Axmed ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in masuuliyadda uu u qaaday sidii loo xalin lahaa khilaafka dalalka Kenya iyo Somalia, maadaama la doonayo in qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa. Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kadib bilowday wadahadalka Uhurru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo. Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa lagu sheegay in EThiopia ay dooneyso inay deris wanaag ku wada noolaadaan dowladaha bariga Qaarada Africa ku wada yaala. Ethiopia ayaa lasoo baxday isbadal siyaasadeed uu ka duwan kuwii hore tan iyo markuu xilka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaana uu la heshiiyay dowlado badan oo ku yaala bariga Africa. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  5. Ambassador C/raxmaan Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasad deggan u isticmaashay dowladda Kenya kadib markii ay sheegeen iney jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Waxa uu Diinaari oo la hadlay Goobjoog uu sheegay in Kenya ay dooneysay in Soomaaliya ay walwasho, sidoo kalena qalqal galo marka xiriirka loo jaro, balse wuxuu tilmaamay in qaab farsameysan loogu jawaabay Kenya. Arrintaasi ayuu sheegay iney keentay in Kenya ay weyso cid taageero ku siisa go’aankeeda, taasi bedalkeedana ay dib u garowsato iney fududaatay. Waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in aysan marnaba isku dabcin Kenya oo ay ku adkeysato go’aankeedii hore. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Ambassador-Craxmaan-Diinaari.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Nairobi)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaa goob joog ka ahaan doona raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Labada madaxweyne ayaa la filayaa in kulankooda ay iskula soo qaadaan khilaafka soo kala dhaxgalay ee la xiriira muran badda, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya. Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isla shalay magaalada Addis Ababa sidoo kale kula shiray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay wadajir ugu kicitimeen magaalada Nairobi. Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin. Source
  7. (SLT- Birmingham)-Waalidiin xanaaqasan ayaa ka joojiyay carruurtooda in ay u diraan iskuulka Parkfield community ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska,talaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii Dawlada ingiriiska ay soo rogtay in laga dhaqan galiyo iskuulada waddankaasi barashada arrimo la xiriira galmada dadka isku jinsiga ah, qofkuna dooran karo lab iyo dhedig qofka uu noqonayo lammaanihiisa. ‘Dadka dhigta iskuulkan in ka badan boqolkiiba shagaashan waa Muslim,iskuulkan wuxuu wax ku yahay waa ardeyda,qorshahan waxaa wata qolyahan u ololeeya xuquuda kuwa u ololeeya galmada dadka isku jinsiga ah,waxayna ku dacwoonayaan waxaan ka cararaynaa in nala faquuqo,dadkii muslimiinta ahaa waxyaabo aysan aqoon ayay noqdeen,dacwooyin ayay ka sameeyeen oo baarlamaanka loo diray walina waxba lagama qaban” sidaas waxaa u sheegay BBC-da Mohamed Adan oo dagan magaalada Birmingham. Ardayda iskuulkan laga saaray ayaa kor u dhaafaya 600, waxaana wali socota dacwadda u dhaxaysa maamulka iyo waalidiinta ardayda. Carruurta iskuulkan laga joojiyay da’aadoodu waxay u dhaxaysaa 4 ilaa 11 jir, wali waxaa socda mudaharaadyo joogta ah oo ay sameynayaan waalidiinta ardayda dhalay kuwaas oo dalbanaya xaquuqda ay u leeyihiin in la dhagaysto rabitaankooda iyo ka carruurtooda oo ah in laga joojiyo dhaqangalinta sharcigan iskuulada ay dhigtaan. Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sheegay ”Arrinkani walaac xoogan ayuu ku dhaliyay waalidiinta Soomaaliyeed joogitaankooda dalkan,carruurtu iskuul la’aan ma joogi karaan guryaha looma diri karo iskuulo lagu baranayo dhaqankan nagu cusub ,wadatashi ayaa u socda sidii loo wajihi lahaa arrinkan iyo sidii loola falgalilahaa arintan”. Waalidiinta ardayda ayaa ku dooday in ay tahay in lagala tashado manhajka iskuulka lagu soo kordhinayo maadaamaa uu saameyn weyn ku yeelan karo carruurtooda. Waxyaabaha kale ee manhajka lagu kordhiyay ayaa waxaa ka mid ah barashada arrimaha la xiriira diimaha kala duwan iyo bulshooyinka kala isirka ah sidii ay u wada noolaan lahaayeen, balse waa qodobka ku saabsan xiriirada dadka kan buuqa weyn dhaliyay. Magaalada Birmingham waxaa ku nool muslimiin kabadan illaa 200 oo kun,kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda dhaqan galinta sharuurcdan cusub ee lidka ku ah diintooda iyo dhaqanka dadka muslimka ah. Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaas Liam Byrne ayaa sheegay in uu ka codsaday xoghayaha waxbarashada Ingiriiska in uu la kulmo waalidiinta, kadibna dhagaysto cabashadooda. Marka la gaaro sannadka 2020-ka, dalka Ingiriiska wuxuu qorshaha yahay in la dhaqangaliyo manhaj ay ku jiraan arrimaha ay waalidiintan ka cabanayaan ee iskuulka uu si iskiis ah usoo jeediyay in la dhaqangaliyo. Source
  8. Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane oo aad ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaan geeska Africa ayaan wax ka weydiinnay waxa laga filan karo xilligan kulanka la filayo in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay Dr Cali Saciid in kulankaasi loo badinayo iney isku fahmaan Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu maalmahan dambe xumaa xiriirka Diblomaasiyaseed ee Labada dal. Waxa uu sheegay in ay ahayd madaxda Kenya iyo Soomaaliya in ay ku kulmaan dal kale, balse safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi ay muujineyso niyad sami dhanka Soomaaliya ah, marka loo eego wixii ay fashay Kenya. Dr Cali Saciid ayaa rajo ka muujiyey in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guuleysto isku keenista Soomaaliya iyo Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-Dr-Cali-Saciid-Maxamuud-Kulane.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Caasho Cabdulle ayaa dooneysa in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2008 ay afduubatay diyaarad rakaab ah oo mareysay hawada New Zealand. Haweeneydaan ayaa la sheegay inay xiligaasi isku dayday inay mindi ku afduubato diyaarad kasoo dhaqaaqday magaalada Blenheim kuna sii jeeday magaalada Christchurch ee dalkaasi. Caasho Cabdulle ayaa dhameysatay xukun sagaal sano ah oo lagu xukumay, kaasi oo u dhamaaday sanadkii 2017, waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay lagu sii hayay xabsiga dalka New Zealand. Dhaqaatiirta dhinaca dhimirka ah ayaa ku taliyay in Caasha markii ay dhameysatay xabsigeeda lagu sii hayo meelo gaar ah oo cilmu nafsi ahaan loogu daryeelo, maadaama la sheegay inay dhibaato badan la kulantay, loona malaynayo inay sidaasi diyaaradda u afduubatay. Waxaa ay hadda dooneysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda Soomaaliya,waxaana ay tiri “ma doonayo inaan sii joogo New Zealand,waxaan doonayaa halka ay joogaan qoyskeyga, halkaas ayaan amaan ku helayaa”. Ma jiro wax jawaab ah oo dowladda New Zealand kasoo baxay iyo wax jawaab ah oo maxkamadda ay soo saartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi, halkaasi lagu wado in looga xaajoodo xiisadda diblomaasi ee salka ku haysa xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya. Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Waxa uu intaa ku daran in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin. Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo. Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad. Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Nairobi (Caasimadda Online) – Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda. “Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yiri professorka. Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan. Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto “shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya.” Weli Soomaaliya iyo Kenya ayaan dib isugu celin safiiraddii u kala fadhiyay caasimadahooda, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi ay ku xiran tahay horumarka laga gaaro kulanka Arbaca dhici doona. Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Nairobi (Caasimadda Online) – Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya. Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa kusii wada jeedo waxyaabaha kasoo bixi doono Kulanka seddex geesoodka ah ee ka dhacayo Magaalada Nairobi. Prof. Axmed Macalin Nuur oo ah Macalin dhanka Siyaasadda ah ayaa qabo in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu qaato go’aan ay ku wada qancaan Shacabka Soomaaliyeed. “ Madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu qaato go’aan ka farxiyo Shacabka Soomaaliyeed, waa inuusan ka tanaasulin mowqifka dowladda ee ah inaan gorgorton laga gelin Badda Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Axmed oo la hadlayey Caasimadda Online. Wuxuu sheegay inaysan marnaba macquul aheyn inuu Madaxweyne Farmaajo aqbalo in la joojiyo Dacwadda Badda Soomaaliya ee taalo Maxkamadda Adduunka. “ Waa inuusan Farmaajo aqbalin in dacwadda Badda Soomaaliya lagu xaliyo qaab Gobol ah, sababtoo ah taas waxay keeni doontaa inay meesha ka baxdo dacwadda hor taalo Maxkamadda Adduunka oo ay u badan tahay inay ku guuleysato Soomaaliya maadaama waxa la isku heysto ay iyada leedahay” ayuu sii raaciyey. Madaxweyne Farmaajo iyo Uhura ayaa Maanta kulan ku yeelan doono Magaalada Nairobi waxaana dhagaha loo taagayaa waxyaabaha kasoo bixi doono kulankaas oo uu gar wadeyn ka yahay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqashiid ee gobolka Banaadir. Weerarkan oo loo adeegsaday Bam-Gacmeed ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sugnaa waaxda Horseed ee degmadaasi. Hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkan, taas oo la sheegay in ay aheyd Haweeney ganacsato ah oo ku sugneyd halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-xasanwali.mp3 View the full article
  14. Hamburg (SMN) – Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Jarmalka ayaa dabayaaqada bishan March lagu qaban doonaa magaalada Hamburg ee dalkaasi,waxaana looga hadli doonaa horumarinta tamarta dalal ay ku jirto Soomaaliya. Shirkaasi oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa sidii maalgalin caalami ah loogu sameyn lahaa tamarta dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay oo ku yaalla Africa,iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Jarmalka iyo shirkadaha wax ku soo saara tamarta ee Africa. Waxaa ka qeyb gali doona shirkan wasiirada tamarta iyo biyaha dalalka South Africa, Angola, Morocco, Ghana, Sierra Leone, South Sudan, Nigeria, Equatorial Guinea, Gambia, Burkina Faso iyo Somalia. Sidoo kale waxaa shirkani ka dhici doona dalka Jarmalka ka qeyb galaya ha’yado caalami ah oo doonaya in ay maal gashi ku sameeyaan tamarta iyo kheyraadka dalal badan oo shirkaasi ka qeyb galaya. View the full article
  15. Nairobi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo ay xalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmd, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay ku yeesheen magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa u jeedadiisu ay aheyd in madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan xiisada u dhexeysa labada dal. Lama oga illaa iyo hadda waxyaabaha ay isla meel dhigeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta. Sidoo kale lama saadaalin karo,sida ay wax noqon karaan ama meesha ku biyo shubanayaan kulamadan oo uu gar wadeen ka yahay R/wasaare Abiy Axmed. Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo shaac baxay, kadib markii dowladda Kenya ay ka hortimid shirka shidaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-06032019.mp3 View the full article
  17. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka dhaco kulan Saddex geesood ah, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya. Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi kadib markii ay ka baxeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kulanka maanta ay yeelanayaan madaxdan ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ugu horreeyo sidii loo xallin lahaa khilaaka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya in uu dhammeeyo khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana laga wadahadlo waxa jira. Kenya oo dareentay in xilligan ay ku guul-darreysatay dacwadda dhanka badda ah ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Soomaaliya, taasi oo hadalhayn badan dhalisay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya. Amb C/raxmaan Nuur Diinaari oo noqday safiirka Somalia ee Sudan ayaa ka hadlay waxyaabaha laga fileysan karo shirka maanta ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo ah mid seddex geesood ah. Amb Diinaari, ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muujinaya isku soo dhawaansho dalalka Kenya iyo Somalia oo xurguf siyaasadeed ay ka dhaceysay, isaga oo sheegay in dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan arimahan. “Waxay ku xiran tahay Kenya inay qiimeyso waxyaabihii ay sameysay lagana arko in Kenya ay qaaday talaabo Diblumaasiyadeed oo qalad ah, sababtoo ah iyadoo safarkeeda u yeeran karta ayay ku dartay hadalo adag, sida inay cunuqatabeyn kusoo rogeysa Somalia, iyo arimo kale”. “Arintaan waxaa wada dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo hadda doonaya in dalalka Kenya iyo Sudan lagu soo daro isbadalka Geeska, Arinta Baddana sida wasiiru dowlaha Sheegay waa lama taabtaan, haddii Kenya ay qaadato qaladaadkeeda guul ayaa laga fileysan karaa shirka.”ayuu yiri Amb Diinaari. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Kenya marka ay garwaaqsato qaladaadkii diblumaasiyadeed ee ay gashay in isbadal weyn laga fileysan karo guud ahaan goboka Geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Dawlada Somalia baahisay Jawaabta qoraalkii ugu dambeeyey ee Kenya ka soo baxay +wuxu daaran yahay+Shaki safarka Farmaajo & Abiy ee Nairobi Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay jawaab ay ka bixisay hadalkii ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ay Nairobi sheegtay 21-kii Febraayo. Qoraal ku taariikhaysan 25-ka Febraayo, oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayay dowladda Soomaaliya ku diiday qaabka ay Monica Juma u dhigtay ‘muranka badda’ ee ka dhex oogan labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inaysan marnaba iib geyn islamarkaana iib geyn doonin xidhmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu murunsan yahay. Soomaaliya ayaa Kenya u sheegtay in ku qanacsan tahay kuna adkeysaneyso in muranka badda ee labada dal lagu dhammeeyo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana Kenya ay taas aqbasho. Waxa ay sidoo kale ku baaqday in labada dalba ay ka fogaadaan ficillo hal dhinac ah oo kasii dari kara xiisadda. Baahinta qoraalkan ee caawa ayaa u muuqata tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku dejineyso shacabka ka walaacsan safarka madaxweyne Farmaajo ee Nairobi iyo in kiiska badda ee maxkamadda laga laabto, laguna dhameeyo wada-hadal. Halkan ka akhri Qoraaalka Rasmiga ah:- Qaran News
  20. 2016, wuxuu ahaa sannadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa. Sanadkii ka horeeyay wuxuu Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ICJ la tiigsaday Kenya si ay go’aan uga gaarto sheegashada Kenya ee badda. Wuxuu ahaa go’aan ay illaa iyo hadda Kenya ka galgalanayso. Sept 5, 2016, wuxuu wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Cali Jangeli sheegay in qaadkii Kenya ka imaan jiray la joojiyay xilli shirkii ugu horeeyay ee IGAD ee ka dhaca Soomaaliya loo ballansanaa maalmo gudahood. Go’aanka dowladda ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo booqasho uu guddoomiyaha gobolka qaadka ugu badan dhoofiya Peter Munya uu ku tagay Hargeysa iyo war meel ka dhac ah oo uu sheegay. Uhuru in kasta oo uu ka tabanayay jug maamulkii Xasan Sheekh uu dalkiisa u geystay, haddana shirkii IGAD ee ka dhacayay Muqdisho September 10, 2016 wuu soo xaadiray. Waxaa ka sii cajiibsanayd markii loo diray soo dhoweyntiisa wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Cali Jangali, oo aan protocol ahaan kaalintaas lahayn, balse waxaa lagu gaarsiinayay farriin ah in qofkii qaadka mamnuucay uu haddana soo dhoweynayo. Qaladaad way ka dhaceen laakiin madaxweyne Xasan Sheekh casharo culus ayuu Kenya u dhigi jiray. Ma laha Kenya waxay ka mid ahayd howlaha qabyada ahaa ee uu dhamaystiri lahaa! Sidii uu ku waday ha loo dhamaystiro haddii aan laga sii qurxin karin. W/Q: Hassan Adam Hossow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Guddoomiyihii Shirkadda Liisamada Somaliland Oo Caddaalad Darro Dalka Uga Cararay Kuna Biiray Jabhadda Caarre Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin tiro badan warbaahinta u marinaayay labadii xukuumadood ee kala dambeeyay iyada oo uu muwadankan magaciisu yahay Sakariye Nuur Cabdillahi ayaa hore u sheegay in uu adeegii shaqo ee uu Dawlada Heshiiska kula jiray uu Wasiirka Wasaarada Gaadiidku si badheedh ah uga barbar samaysatay Madbacad sharci daro ah oo uu leeyahay wiil uu adeer u yahay iyada oo xukuumadu hore u shaacisay in mashruucan lagu wareejin doono Gacanta Dawlada (Madbacada Qaranka). Sakariye Nuur Cabdilahi ayaa Xuduudda Somaliland ka talaabay isaga oo rartay dhamaan Agabkii Mashruuca Liisamada uu ku daabici jiray isla markaasna la galay dhinacaa iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan oo shakabadda wargeyska FOORE helay waxa ay tibaaxayaan in Sakariye Nuur Cabdulaahi oo ahaa Guddoomiyihii shirkaddaasi oo wakhtigan ku sugan Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dalka cadho kaga baxay isaga oo xukuumadihii kala dambeeyay Siilaanyo & Muuse Biixi ka tirsanaya caddaalad darro ay kula kaceen iyaga oo dhinaca kalena sheegay in qandaraaskii ay xukuumaddii hore ku siisay adeegga soo saaridda liisamada ay dawlada Muuse Biixi shirkad kale oo gaar ah oo beeshiisu leedahay Xubno u dhawdhaw si gaar ah ula socda xaaladdan oo wargeyska Foore u warramay waxa ay sheegeen in wakhtigan Sakariye ku sugan yahay Magaalada Qardho isaga oo walaac weyn ka qaba xaaaladda ku dhacday shirkadooda aadna uga cabanaya xukuumadda Muuse Biixi. “Mishiinadii iyo dhammaan qalabkii ay shirkaddani ku hawl galaysay waxa ay ula guureen dhinacaa iyo magaalada Garoowe kadib markii cid kale loo xidhay adeeggii ay hore qandaraaska ugu heleen ee loo siiyay, taasi oo keentay in ay meelo kale ugu adeeg doontaan kadib markii ay dalkooda ka waayeen xuquuqdii ay lahaayeen ee lagu sameeyey caddaalad darro” hatana la filayo in uu isku dhiibo Jabhada Caare Cadaalad u dirirka ah ee fadhiisinkeedu yahay Qardho sidaa waxa wargeyska u sheegay masuul shirkadda ka tirsan. Qaran News
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab ka bixisay kulankii shalay magaalada Addi Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Kadib kulankaas ayaa qoraal kasoo baxay Abiy Ahmed, waxa uu ku sheegay in afar qodob oo uu Farmaajo kala hadlay uu qodob ka mid ah ahaa xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay dawlad kaalin muhiim u ah kaga jirta arimaha gobolka gaar ahaan dhinacyada nabad galyada iyo horumarka dhaqaalaha ee gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.” Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu sheegay in Farmaajo “uu aqbalay in aanu soo faro galin xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia. Marka laga reebo qoraalada Abiy Ahmed iyo kan Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan waxa Farmaajo iyo Abiy ay iska yiraahdeen arrinta Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com