-
Content Count
207,620 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Puntland Post The post Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta magaalada Nairobi kula heshiiyey dhiggiisa Kenya Uhur Kenyatta in lasoo celiyo xiriirka labada dal, kadib markii xalay ay Naiorbi tageen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya iyo Kenya ay xaliyaan xiisadda ka dhex-oogan ee Kenya ay billowday, hase yeeshee waxaan la yaabannahay sida wax u socdaan iyo waxa ku dhacay madaxweynihii Soomaaliya ee qaladaadkan tirada badan uu ugu dhacayo. Ka hor inta aan guda gelin waxa ka qaldan tallaabooyinka Farmaajo, marka hore aan xusuusanno dhowr arriimood. 1 – Kenya waxay sheeganeysaa dhul-badeed ay leedahay Soomaaliya. 2 – Kenya waxay sharafta ka qaaday oo ay soo cayrisay safiirkii Soomaaliya. 3 – Kenya waxay Soomaaliya ugu hanjabtay cunaqabateyn 4 – Kenya waxay Soomaaliya ka dalbatay raali-gelin, inkasta oo ayada ay dhibaatada abuurtay. 5 – Kenya waxay dalbatay in Soomaaliya ay ka laabato kiiska maxkamadda oo wada-hadal lagu dhameeyo dhul-badeedka ay sheegatay. Ayada oo arrimahaas oo dhan ay jiraan, maxaa madaxweynaha Soomaaliya ku qasbay intan qalad ah. Wuxuu ka dhoofay dal kale Ma ahan nidaam diblomaasiyeed sax ah, in madaxweyne uu dal u socdaallo isaga oo ka baxaya dal kale. Nidaamku waa inuu dalkiisa kusoo laabato marka hore kadibna ka dhoofo. Waxaase yaab leh, in markii Farmaajo uu u tegay Abiy Ahmed ee uu ku yiri “Soo bax i raac, waxaan kuu gaynayaa Uhuru Kenyatta, oo wada hadla” kadibna Farmaajo uu aqbalay. Xusuusnow, arrinta ma ahan sidii ciyaalka xaafadda oo kale, oo markii aad wiil saaxiibkaa ah, oo aad gurigiisa ugu tagtay ku yiraahdo “Na keen hebel gurigiis aan aadnee, oo aad iska raacdo” Wuxuu sharaf tiray safiirkiisa Kenya waxay soo cayrisay safiirkii Soomaaliya Tarsan, kadibna waxay dalbatay wada-hadal. Ka hor inta aan wada-hadal la gelin, cidda xiriirka goysay waxay ahayd Kenya, ayada ayayna ahayd inay soo celiso. Kenya ayey ahayd in Soomaaliya ka raali-geliso cayrintii safiirkeeda, kadibna u ogolaato inuu soo laabato, markaas kadibna wada-hadal la galo. Hadda waxaa muuqata in cayrintii Kenya ee Tarsan oo ujeeddada laga lahaa ahayd wada-hadal lala galo ay si fudud ugu suurta-gashay, ayada oo Farmaajo uu maray waddadii ay u jeexday dowladda Kenya. Wuxuu sharaf tiray naftiisa Kenya waxay xoog ku haysataa baddii Soomaaliya, waxayna soo cayrisay safiirkii Soomaaliya. Waxaan la yaabannahay waxa madaxweynaha Soomaaliya ku qasbay inuu Uhuru Kenyatta ugu tago fadhigiisa. Xitaa haddii Farmaajo ogolaaday inuu wada-hadal galo ayada oo xaaladda sidan ay tahay, muxuusan u dalban in Uhuru ugu yimaado Muqdisho. Xusuusnow, cidda dhibaatada billowday waa Kenya, xusuusnow cidda wada-hadalka dooneysa waa Kenya oo ka codsatay Abiy Ahmed inuu kasoo dhameeyo Farmaajo. Farmaajo wuxuu haystay kaarar badan oo uu cayaari karo, uguna muujin karo Kenya in Soomaaliya aan la handadi karin, wuxuuse u ekaaday in isaga uu yahay kan dhibka abuuray ee xalka raadinaya. Xusuusnow Uhuru Kenyatta wuxuu Addis Ababa ka tagay maalin un ka hor intii uusan Farmaajo iman, xitaa haddii Uhuru uusan Muqdisho imaneyn, muxuusan maalin kale usii joogin Addis-Ababa, oo Farmaajo halkaas kula hadal. Waxa uu hadda u dhaqmay sida nin isaga loo baahan yahay, oo markii la yiri “hebel baa kuu habboon” ku jawaabay “Isaga ayaa dan leh ee gurigayga ha iigu yimaado” Waxan oo idil waxaa ka walaac badan xaqiiqda ah in Farmaajo wada-hadal la furay Uhuru Kenyatta. Waan ogahay in dowladdu sheegtay in arrinta badda aysan wada-hadal ka gelin, balse waxaan is-weydiinayaa maxaa kale oo Kenya lagala hadlay, ileen wax kale, oo aan badda ahayn la iskuma hayee? Xusuusnow, Farmaajo wuxuu ka tagay dal kale, oo safarkan uma diyaarsaneyn. Lama socdo wasiirkiisii arrimaha dibedda, lama socdaan sharci-yaqaanno ka ilaaliya qaladaadka iyo halista ka dhalan karta warqad kasta oo uu saxiixo. Ogow sharcigu waa wax yaab leh, hal erey oo aad si sahlan isaga saxiixdo ayaa halis kugu noqon kara mustaqbalka. Sidee wax ku haboonaan lahaayeen? Markii Farmaajo ka aqbalay Abiy Ahmed wada-hadal uu la galo Kenya, waxay ahayd in marka hore kulmaan wasiirada arrimaha dibedda labada dal oo ay xaliyaan wixii dhacay, dibna loo billaabo xiriirkii diblomaasiyeed. Kadib labada dal dib usoo celiyaan labadii safiir ee Muqdisho iyo Nairobi. Markii intaas ay dhacaan, kadib la diyaariyo kulanka labada madaxweyne,oo haddiiba ay dhacdo in Farmaajo noqdo qofka safraya, uu Uhuru u tago isaga oo booqanata dal xiriir wanaagsan kala dhaxeeya, ee sida hadda oo kale uusan nin dagaal kala dhaxeeyo gurigiisa ugu galin. Xaqiiqdii waxaan dareemaynaa in Farmaajo naftiisa, safiirkiisa iyo Soomaaliyaba sharaf tiray. Tifaftirka Caasimada Online
-
Initiated by the reformist Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia, the leaders of Somalia and Kenya met today to peacefully resolve their diplomatic dispute. “Through the leadership of PM Abiy Ahmed, President Kenyatta and President Mohamed Abdullahi met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions,” the Office of The Prime Minister of Ethiopia twitted this morning. The tension between Somalia and Kenya is a major threat for the region, which the world is closely watching, according to Mr. Nigussu Tilahun, Press Secretary of the Prime Minister Office of Ethiopia, who spoke to the state broadcaster – ETV last night. “During the peace talks in Kenya, the leaders discussed how to peacefully resolve their differences before it turns into a major regional problem. It is expected that the leaders will reach an agreement in this regard,” Mr. Nigusu said. The two countries have cut their diplomatic ties closing their embassies. Unless the tension between the two nations is eased, the consequence will not only be limited to the two countries but also to the region including Ethiopia. Before their departure to Nairobi, Prime Minister Abiy and President Mohamed Abdullahi have consulted on peace and regional economic integration, according to the statement from the Office of the Prime Minister. They also discussed mechanisms on how to ensure the strengthening of the Kenya-Somali relations as well as about the continuation of joint port development between Ethiopia and Somalia. The statement of the PM Office has indicated that the two leaders have also discussed how to ensure relations with the administration of Somaliland and Somalia is in support of regional peace. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa shalay baaqday wada hadal la filayay inuu u bilaabmo saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID. Wada hadalkan oo la sheegay inuu dabada ka riixayay hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa la filayay in lagaga wada hadlo arrimaha ku xeeran doorashooyinka iyo guddiga doorashada oo caqabad ku ah inay doorashada baarlamaanku qabsoonto, ayaa waxa madaxtooyada isugu tagay ergo ka kala socota labada xisbi mucaarad, waxaanay filayeen inuu kulanka kala qayb galo Madaxweyne Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha qaranka. Laakiin ergada labada xisbi mucaarad oo loo furay inay shirkooda ku qabsadaan hoolka shirka golaha wasiirada, ayaa waxa u tagay siyaasiyiinta kala ah guddoomiye-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Siyaaasi Cabdicasiis Samaale, gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa, waxaana kulanka ka baaqday Madaxweyne Biixi. Madaxda mucaaradka ayaa la sheegay inay dalbadeen inay muhiim tahay in Madaxweyne Biixi shirka kala qayb galo maadaama oo ay ku xidhanyihiin waxyaabo badan oo muhiim ah oo u baahan inuu go’aan ka gaadho si hawsha doorashada baarlamaanka loo guddo-galo. Hase yeeshee xubnaha matalayay xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi ku mashquulsanyahay wefti Jarmal ah oo uu shalay la kulmay. Waxaana ugu dambayn la isla qaatay in balan laga soo sameeyo Madaxweyne Biixi la isuguna yimaado kulan dambe. Kulankan ayaa la filayay in lagaga wada hadlo caqabado hortaagan in doorashada golaha wakiilada ay dalka ku qabsoonto waxaana u muhiimsan caqabadahaas mustaqbalka guddiga doorashooyinka oo uu xisbiga Waddani sheegay inuu kalsoonidii kala noqday. Xisbiga UCID waxa shirka uga qayb galay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Muuse (Abyan) , ku xigeenka xoghayaha guud Cabdinaasir Qodax, halka ergada xisbiga Waddani ay ka mid ahaayeen guddoomiye Cabdiqaadir Jirde, ku-xigeenka xoghayaha guud Jamaal Jaamac Xaamud, Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur), xisbiga KULMIYE waxa iyaguna madasha joogay guddoomiye-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Siyaaasi Cabdicasiis Samaale, gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa. Source
-
Marxuumad Muna Magaalada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka waxaa Axadii la soo dhaafay lagu dilay gabadh lagu magcaabo Maymuun Salaad Maxamed oo ka soo jeeday Puntland. Marxuumad Maymuun ayaa Isniintii meydkeeda laga helay gurigii ay daganayd, waxaana sida ay sheegeen ehelada gabadha dilka ka dambeeyay ninkii qabay oo lagu macaabo Cabdicasiis Keerow. Ninka dilka lagu tuhmay Cabdicasiis Keerow ayaa ilaa iyo hadda la la’yahay, waxaana la aaminsan yahay in uu ka baxay dalka Mareykanka, waxaana wali socda baaritaan ay wadaan Booliska magaalada San Diego ee gobolka California. Marxuumadda oo da’deedu ahayd 36 jir ayaa ka shaqeyn jirtay goob lagu xanaaneeyo caruurta, waxaana la sheegay in ninka lagu tuhun san yahay in uu dilay ay dhawaan isguur sadeen. Dalka Mareykanka waxaa ku nool Soomaali aad u badan oo ka cararay colaadihii sokeeye ee dalkooda. PUNTLAND POST The post Maxay ahayd haweenaydii ninkeedu ku dilay Mareykanka? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland. Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA. Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftiga hay’adda Boqor Salmaan iyo guddiga Abaaraha. “Muhiimaddisu waxay ahayd in la saaro sidii hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adda Salmaan oo ah mid caalami ah, xogta loogu gudbin lahaa waanuna isla afgaranay inaanu u soo dajino Barnaamijka Puntland ay doonayso inay abaaraha kaga hortagto, tan hadda taagan iyo haddii mid wayn timaado in loo diyaar garoobo”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriyeye Gama’diid. Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddiga abaaraha Puntland faray inay wafdiga ka socda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan siiyaan xog dhammaystiran oo ku saabsan arrimaha abaaraha iyo habka ay Puntland u doonayso in looga hortago loona maareeyo abaarta. PUNTLAND POST The post M Ku xigeenka Puntland oo amray in xog buuxda laga keeno abaaraha ka jira Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa baahisay in heshiis uu dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan xidhiidhkoodii diblomaasiyeed uu xumaaday. War qoraal ah oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa lagu yidhi ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya “ Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda racfaanka gobolka Marood-jeex ayaa Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa ay ku xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo 625,000 dollar (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo doollar) Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur ayaa lagu eedeyey inay jarjareen Xadhko ay lahayd Shirkada SOMCABLE gaar ahaan deegaanka Oodweyne. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa hore sii deysay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay muddo 5 bilood ah u xidhnaayeen ambiil ay qaateen Xeer-ilaalintu, markii wax dembi ah lagu waayay. Dhagaysiga rafcaanka dacwaddooda ayaa waxa la bilaabaykaas Arbaca 13kii Feberweri 2019ka, taas oo saaka laga gaadhay g’aan. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD View the full article
-
06 March 2019, Johannesburg – International SOS, the world’s leading medical and travel security risk services company, and Control Risks, the world’s leading specialist global risk consultancy, are very pleased to announce the appointment of Anneline Booyse-Mofokeng to the role of Security Director for Africa. Booyse-Mofokeng is an accomplished security professional, with previous security roles including at the Bill and Melinda Gates Foundation, World Bank, Eskom Electoral Institute of Southern Africa South (EISA) and The Board of Healthcare Founders. Anneline is a member of the OSAC Africa Region Committee, where she serves to both enhance the image of Africa and to drive the agenda for security in Africa. One of her passions is to continue with her successful contribution to the advancement of females in the field of security, and to enable them to reach their full potential. Philippe Couturier, Regional General Manager-Africa, International SOS commented “Anneline will bring an exceptional combination of skill, energy and proven leadership to our clients. Her vast experience, including in analysis, intelligence, operations and forensic investigations will be a great asset to the team, our clients and members. These skills will complement our established team to advise organisations of the most appropriate and sustainable security solutions for their mobile workforce.” Based in Johannesburg, Booyse-Mofokeng will deliver security consulting and training solutions to clients and members. In addition, she will have a fully integrated security operational role, providing business-as-usual support to Dubai and Europe Regional Security Centres as well as the wider Security Services platform. Anneline Booyse-Mofokeng, Security Director-Africa, International SOS and Control Risks said “I am very excited to be part of the team and honoured to work for such a well-respected company in the risk mitigation space. I look forward to working with my customers and helping them find the best and most sustainable security solutions for their business travellers” Anneline holds a Bachelor of Arts in Political Science from University of Stellenbosch and a Bachelor of Arts (Honours) in Political Studies from the University of Johannesburg amongst many and her latest qualification is a Masters Degree in Security Management from the School of Governance at Wits. She believes in giving back to the community and does an annual talk at her hometown school to motivate rural scholars and is also part of Sizanani, an NPO, who supports learners from grade 10-12 in Alexandra Township, to improve marks to better their level of education at school and at university. International SOS provides 24/7 medical and travel security risk services to clients working and travelling abroad. For more information about International SOS, visit www.internationalsos.com . Control Risks is a specialist global risk consultancy that helps to create secure, compliant and resilient organisations in an age of ever-changing risk. For more information about Control Risks, visit www.controlrisks.com . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayaa heshiis ku gaaray magaalada Nairobi oo maanta ay wada-hadallo ku yeesheen. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MAXAMED RASHID SHEEKH XASAN: GEERIYAAY XEJIYAAY FOGEEYAAY. Waxaan alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo jannadii fardawsa ka waraabiyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo jimcihii lagu aasay magalada hargeisa. iyadoo bulsho waynta somaliland yar iyo wayn. madax iyo shicib ba ay sidaas ugu duceeyeen. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa uu lahaa sifooyin badan oon inta badan dadka ku kulmin ama ay adagtahay inuu qof kaliya wada yeesho,hadaba waxaan maqaalkan ku so qaadan doonaa qaar ka mida sifooyinkii ama tilmaamihii Maxamed lahaa. Waxaan ka mid ahaa dadkii ku noolaa magaala madaxda soomaliya ee muqdisho 1989 bisii July oo uu ka dhacay xasuuq ba`an oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo loo aaneeyay inay ahaayeen dadku abtirsada SNM oo xilligaa halgan hubaysan kula jrtay taliskii Maxamed Siyaad Barre. halgan kaas oo akhirkii lagu guryo keenay madax banaanida somaliland 1991kii ilaa maantana ay ku naaloonayaan dadka reer Somaliland, inkastoo aan wali aqoonsi caalami ah lahayn hadana waa loo dhabar adygayaa ilaa inta laga gaadhayo. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan kolkii xasuuqaasi dhacay waxa uu ku sugnaa muqdisho isagoo ka tirsana BBC-da laanteeda afka soomaliga waanu ka warqabay wixii meesha ka dhacay kadib waxa uu ku laabtay London isagoo qaybta afka ingiriisiga kaga waramay wixii dhacay iyo xasuuqii loo gaystay 40 ka qof een wax ay galabsadeen jirin. Aniguna waxaan kamid ahaa dadkii alle ka badbaadiyay xasuuqaa waxaanan ku noolaa xaafada madiina oo ahayd goobtii laga ururiyaya dadka. Arinkan maxamed siciid si aan gabasho lahayn ayuu uga war bixiyay. waxay ku qaadtay maalin dhan soo bandhigidii dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay isagoo kolba waraysi siinaya qaybaha kala duwan ee BBC da, isagoo marka uu studio ka baxaba mid kale galayay. Maxamed warbixinta qoraal kuma sii diyaarsan intii uu joogay xamar ee maskaxdiisa ayuu ku sii kaydiyay wixii xog ahaa isagoo ka baqay in ay sirdoonkii Siyaad Barre baadhis ku sameeyaan intaanu ka duulin madaarka muqdisho. Markii uu London gaadhayna si aan waabasho ku jirin ayuu u faafiyay aan idhaahdo waxa uu u hiiliyay islaamnimada iyo dadnimada ba, isagoon eegayn aragti siyaasadeed iyo mid hayb ama qabiil toona taasi waxay ku tusinaysa aragti fogaanta Maxamed lahaa oo laga hei karo uun inyar oo dadka ka mida. Sifaha labaad ee aan ku jeclaa waxa ay ahayd inuu si dhab ah oo aan isyeelyeel ku jirin u aaminsanaa Somaliland goor kasta iyo goor kastaba, si buuxda oo aan dhuuni ku raadsi ahayn isagoo aaminsanaa inay tani tahay ciidiisii hooyo. Waxaan afar wiig dhamayn ka hor ayuu tafatiraha wargayska Geeska Afrika Mr Ranbo ugu tagay xafiiska wargayska oo uu u sheegay inuu ka qoro hambalyo uu u dirayo ciidanka qaranka Somaliland isagoo xitaa ay ka muuqatay tawsta xanuunkii uu u dhintay. Waa kuma qofka taa fali karaa? waxaan odhan karna ilaa maalmihii ugu danbaysay ee noloshiisa ayuu dal jacaylku gilgilayay waana sifo dhif iyo naadir ku ah dadka. Sifada saddexaad ee uu lahaa waxay tahay muu ahayn qof xaqiiri ah ama xaasida oo dadku isku mid ayay u ahaayeen tusaale ahaan waxa jirta hawl aanu baryahanba ku hawlanayn oo ahayd in la ururiyo oo buug laga qoro tariikhdii suxufigii caanka ahaa ee Mustafe Xaaji Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen maxamed, wax ka yar sadex wiig ka hor ayuu na siiyay waraysi ku sahaban Mustafe iyo inta uu ka yaqaanay. isagoo xanuunsanaya ayuu hadana maansoor nagula balamay oo noola shaqeeyay si hagar la`an ah. Ma filayo in laga soo dhex helayo bulshada nin sidii soo kale labadaa hawlood iska xil saari lahaa isagoo buka oo ayna waliba wax aduun ahi kasoo galayn sabata kaliya ee u sameeyay waxay ahayd dal iyo dad jacayl. waxa kale oon qirayaa inu ahaa nin aaragti fog oo ka madax banaan qabiil jeclaysi, qof jeclaysi iyo koox jeclaysi ba. godka lagu jane waxa kale oo uu aad ugu adkaa oofinta balamaha uu galo. runta ayuu u sheegi jiray si biyo ka dhibcaan ah goorta iyo goobta uu kugu la balamayna uu taagnaan jiray. waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban maansadii uu gaariye tiriyey ka dib geeridii Timacadde ee ahyd geeriyeey xijiyaay fogeeyaay, anigoo saddexdooba alle u ga baryaya danbi dhaaf iyo inuu ku casuumo janooyinkiisa sare. ALLAA MAHAD LEH. Qore: Cabdi Muxumed cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Munaasabad lagu xusayay guushii Ethiopia ka gaartay Soomaaliya dagaalkii dhacay 1977 ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, munaasabadaasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan. Magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Ethiopia ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78ddii ee loo bixiyay Kaaramardha. Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Ethiopia ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii. Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Ethiopia, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas. Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM. Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cusbitaalka ‘Hargeisa International Hospital’ ayaa sheegay; in Sheekh Aadan Sunne oo ku xidhan xabsiga Hargeysa uu u baahan yahay qalliin degdeg ah, ka dib baadhitaan lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in boggu dillaacey (Bogdillaac) sheekha. Sidoo kale cisbitaalku wuxuu sheegay;” in sheekhu u baahan yahay; saddex bilood oo nasasho ah, marka qalliinka lagu sameeyo.” Source
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kaasi oo ah garoonka ugu weyn Bariga Africa. Garoonka diyaaradaha ee Kenya ayaa shaqada laga joojiyay abaaro 03:30 am kadib markii la joojiyay dhamaan duulimaadyadii kasoo dagi lahaa kana duuli lahaa garoonka diyaarada ee JKIA. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay joojiyeen shaqaalaha shaqadii ay ka hayeen garoonka, waxaana taasi ay dhalisay in gabi ahaanba joogsadaan dhaqdhaqaaqiii garoonka. Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa ka cabanaya maamul xumo ay sheegeen inay garoonka ka jirta, qaabka shaqaaleynta iyo qorshe ay maamulka Garoonka kula wareegeyso shirkadda Kenya Airways. Dad badan ayaa ku xayiran Garoonka oo ay Soomaali ku jirto, waxayna gebi ahaan socon wax shaqo ah, waxaana rakaab badan ay ka buuxsameen gudaha iyo bannaanka garoonka, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada somaliland ayaa war ka soo saartay kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha soomaaliya iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya. War lagu baahiyey boga wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay somaliland kaga jirto arrimaha gobolka geeska Afrika. Warka ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan: “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba. Isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.” Source