-
Content Count
207,601 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis Ababa) Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Itoobiya ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78d dii ee loo bixiyay Kaaramardha. Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Itoobiya ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii. Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Itoobiya, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas. Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM. Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-06032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi. Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii 151-aad ay yeeshaan wasiirada arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta. Kulanka ay yeesheen wasiirada arrimaha dibedda ururkaasi sanado badan kadib markii ugu horeysay ay gudoomisay Soomaaliya ayaa looga hadlay siyaasadda, dhaqaalaha is dhexgalka, amaanka iyo ajendaha looga hadli doono kulanka xiga ee golaha uu yeelanayo. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Falastiin iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka dalkaasi u dhashay. Wasiirada arrimaha dibedda ee kulanka ka soo qeyb galay iyo wasiirka Cawad ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha dalalka Libya iyo Yemen oo xasarado ay kajiraan. Ururka Jaamacadda Carabta oo 22 dal ay ku mideysan yihiin ayaa la aasaasay 1945-tii, iyadda oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay 1974-tii. View the full article
-
Somaliland: Political Leadership Is Needed To Resolve The Elections Crisis It is imperative that Somaliland parliamentary elections must be held this year. There is no excuse for delaying or continuously increasing the mandate of the current moribund parliament which has been sitting for almost two decades. It is inexcusable and it is embarrassing to both the nation and it’s people. The main issues concerning the current impasse are, 1. The National Elections Commission, 2. The Allocation of parliamentary seats. Somaliland has a constitution which address both issues. If we are serious about our democratic credentials, then we should pay head to the constitution. With regard to the National Elections Commission, (NEC), the current commission whose mandate expires prior to the scheduled parliamentary elections in 2019, has failed in its duties. That much is clear. It has failed to prepare and maintain the support of the Somaliland political parties. The current commission has also failed to do the honorable thing and resign, both for their own self-respect and for the sake of the nation. Neither the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi nor the legislative bodies of the republic have taken control of the issue. It is time to point something out to the President. Sir, you have won the election, you don’t owe anything to the current Elections Commission, accept their resignation or fire them. In terms of the House of Elders, which has also been sitting for three decades, and itself in need of serious reform, and has become a hereditary place, it is quite clear that they have no intention of taking charge of the matter by either constituting a new commission or addressing the reasonable demands being made by the opposition parties, Waddani and UCID. The current moribund House of Representatives, which has been sitting for more than 14 years, and has had more extensions than humanly possible, is incapable of drafting a new elections bill which takes into consideration the growth of the population and need to allocate proper representation. As the President recently stated in a speech at the launch of the National Service program, Somaliland has not been able to conduct a proper census, nor have some of the more rural districts of the country accessed by the political dispensation. Both are valid points, but at the time of deadlock and crisis, Somaliland needs leadership. If we are unable to conduct a census and the constitution states that the House of Representative shall consist of 82 members, then we must look into adding an amendment to the constitution to address the matter. If we can increase the number of regions from 6 to 13 and continuing to add more, surely it makes sense to increase the number of parliamentary seats! The population has grown, the regions have increased, therefore the number of parliamentary seats must reflect the current situation. Somaliland has moved on from a political discourse based on communities and districts, it has a written constitution which can be amended and enhanced. But, for this to happen, the nation needs leadership. The international community is ready to offer logistical, moral and financial support, as evidence by the recent visit from the European Union, but first, we must get our own house in order. So, here in my humble opinion are several suggestions: Firstly, since the current members of the Somaliland Elections Commission (NEC) seemed glued to their desks, increase their number by adding an additional two members from each party. These new members will be the presumptive future commission after the mandate for the current one expires. The new enlarged commission will work together to hold the elections in December 2019. Secondly, file a motion with the Somaliland Constitutional Court to add an amendment to the constitution to increase to the number of parliamentary seats by 20 to 102. Thirdly, inaugurate an interim parliament with 102 seats. The 20 new members will be selected from the Somaliland non-governmental bodies such as community activist, intellectuals, judiciary and other professionals. They will be free from party affiliation and sit until the elections are held in December, 2019. The interim parliament will be given the task of creating a new bills to make the necessary amendments to the constitution. And lastly, completely reform the House of Elders. Follow the constitution which allows for neither hereditary or under-age members. It is scandalous that the House of Elders, the final arbiter and peacemaker of the nation be filled with cronies and ineffective members. Somaliland has the support of its people, it also has many talented and loyal citizens, it cannot be held hostage to discredited and redundant politicians. Ahmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho. Ra’iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena. “Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaan” ayuu yiri ra’iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka. “Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto” ayuu raaciyay. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, mas’uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh. Ugu dambeyntii, wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ku booriyay haweenka Soomaliyeed in ay midoobaan, isla markaana ay qayb ka qaataan dadaalada dowlad dhisida wadanka. View the full article
-
Kenya and Somalia have committed to peace while undertaking to amicably resolve the current maritime dispute at talks mediated by Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia on Wednesday. Although State House had not released a statement on the outcome of the meeting between President Uhuru Kenyatta and Somalia’s Mohammed Abdullahi by the time of writing this article, the Ethiopian Premier said the duo agreed to address issues that have led to the escalation of tensions between the two countries. “Through the leadership of PM Abiy Ahmed, Presidents Uhuru Kenyatta and Mohammed Abdullahi met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace and to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions,” Ahmed’s office said. A translated message issued by President Abdullahi’s office said the meeting discussed recent diplomatic tensions adding Somalia and Kenya had committed to strengthen their working relationship. He expressed gratitude to Ahmed for “spearheading the dialogue aimed at restoring the positive working relations that exist between the Somali and Kenyan government” while describing the talks as fruitful. “President Farmajo (Abdullahi) and his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta have had a fruitful meeting at State House this morning. The main agenda for the meeting was to find a solution to diplomatic differences,” his office said. “They also held talks on how to combat terrorism in the region and formulate measures to bring peace and stability,” Abdullahi’s press office added. The Somali Head of State arrived in the country Tuesday night in company of Ethiopia’s Prime Minister Ahmed who mediated the talks. Abdullahi and Ahmed were received at the Jomo Kenyatta International Airport by Foreign Affairs Political and Diplomatic Secretary Tom Omollo, the Foreign Ministry deviating from a now common tradition of sharing photos of formal receptions of visiting foreign leaders. Kenya-Somalia relations soured mid last month after Mogadishu reportedly sold off Kenya’s oil and gas blocks at a London auction. In response to Somali’s actions, the Ministry of Foreign Affairs referred Somalia’s diplomat back to Mogadishu and recalled her representative stationed in Mogadishu, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo for what Principal Secretary Macharia Kamau described as “urgent consultations.” PS Kamau accused Somalia of unilaterally selling off oil and gas blocks in a disputed maritime territory in the Indian Ocean at a London auction on February 7 while announcing the drastic measures on February 16. MFA had termed the move “unparalleled affront on Kenya” vowing that the “illegal grab” will not go unanswered. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” Amb Kamau said on February 16, during a news conference at the ministry’s headquarters in Nairobi. Kenya particularly faulted Mogadishu for engaging in the London auction in total disregard of ongoing mediation processes and a boundary delimitation case at the International Court of Justice (ICJ) filed by Somalia on August 28, 2014. Kenya has since reached out to a number of nations in what MFA has said were efforts to provide clarity on the dispute and assure the global community of its commitment to a peaceful resolution of the maritime dispute. “We briefed them on the situation between ourselves and Somalia, provided the facts to both councils and to draw their attention to the situation,” MFA CS Monica Juma said last Wednesday of a session she held on February 22 attended by among other foreign envoys Britain’s Nic Hailey and France’s Aline Kuster-Menager. Source: Capital News
-
Somaliland and Kenya have historical relations starting with the creation of Nairobi where Somaliland Camel Corps (SCC) provided protection to the engineers and architects during the design phase of the city. The SCC soldiers were first to settle today’s Eastleigh, which is suburb of Nairobi. Lord Delamere traveled overland from British Somaliland with SCC. These Somalis were headmen of the caravans acting as interpreters and guides Lord Delamere. Most of these Somalis with their families moved from British Somaliland to Kenya and were engaged in livestock trading, squatting on the farms of Lord Delamere where they were in constant conflicts with the White settlers. Luckily Delamere was elected as the Governor, he had a soft spot for the Somalis. It was after his death in 1931 that the European settlers turned the tables on the Somalis, driving them and their cattle from Laikipia district where they had made a great fortune from stock trading. These Somalis who were always at loggerheads with each other and the Colonial administration, moved to the urban centers and towns, Nairobi and Isiolo carrying the biggest population. It is from these areas that they started their agitation for equal rights with the Asians, a move that will cost them to be labeled as Aliens and non-citizens of Kenya. They were the Isaak and Herti tribes of British Somaliland who could speak English, Arabic, Swahili and later the Masai and Kikuyu languages. Some had traveled earlier to Europe and Asia where they acquired the knowledge of commerce and warfare. The Herti Somali tribes were the Dulbahanta, Puntlanderstaen and East Sanaag Clan, combining with the Marehan and Ogaden to form the Darod; while the second and third major groupings of the Somali nation were the Mogadishu Clan and Dir. The Isaak and Herti were employed as interpreters and soldiers by the British colonialists in the areas of Northern Frontier Province of Kenya (NFD). Their Somali cousins there were illiterate nomads engaged in cattle raiding and tribal wars for territories with water and pasture for their animals. After independence of British Somaliland on 26th June 1960, the Somaliland united with Somalia on 1st July 1960, in which Somalilanders describe as “Original Sin”. The union created new state called Somali Republic with Mogadishu its capital. This unity aimed to bring all Somali-speakers under one regime a.k.a “Greater Somali” which combines NFD, 5th Region of Ethiopia, Djibouti, Somaliland and Somalia. Mogadishu administration invaded Ethiopia to realize such “Greater Somali” dream and had diplomatic chaos with Kenya. On 1979, former British Somaliland created an armed wing against Mogadishu regime, as the unity was not fruitful for Somalilanders. After 10+ years of armed struggle, Somalilanders were able to overthrow Siyad Barre regime of Mogadishu and reinstate the Republic of Somaliland (former British Somaliland) based on colonial border and according to 1964 OAU Charter. Today, The Republic of Somaliland is free, democratic, peaceful, moderate and some described as ‘Africa’s best kept secret’. There are more than 18,000 Kenyans working in Somaliland including teachers, doctors, nurses and entrepreneurs. There are diplomatic missions for Ethiopia, Djibouti, Turkey and expecting Kenya to open embassy in Somaliland In other hand, Republic of Somaliland has embassies in Ethiopia, Kenya, Djibouti, UAE, USA, UK, South Sudan, Malaysia, France, Canada, China – Beijing, Yemen – Sanaa, Belgium, Norway, Sweden, Turkey and Australia. In last 27 years, Somaliland had elected municipalities, parliaments and five elected presidents who came on free and fair elections via multiparty system. Somaliland is strong, safe and reliable business partner. The Dubai owned DP World invested $420 million in Berbera Port and is managing the port services. DP World is building 240 km start-of-art road that links Berbera Corridor to Ethiopia via Wajaale border town. Somaliland will able to handle 30% of Ethiopian imports and exports. Ethiopian airline, fly Dubai, Emirates Airline and Air Arabia have direct daily flights to Somaliland’s Egal International Airports. Ethiopian airline listed Egal Airport as second highest airport in terms of revenue generation with more than 90,000 passengers in last summer. Ethiopian Airline operates two daily flights. Somaliland has $500 million trade per year with Ethiopia. Somaliland exports different commodity items to Ethiopia; fish and salt are main exports to landlocked Ethiopia. Somaliland is rich in frankincense and exports to the Arabian Gulf, China and regional countries. Somaliland exports more than 4 million heads of livestock to Saudi Arabia and UAE per year. About 70% of Somaliland population does livestock grazing mainly the camel, which makes Somaliland a country with highest camel population in the world. Republic of Somaliland is based on 1964 OAU Charter which restores the colonial borders to avoid conflicts in Africa. Today’s Somaliland is within the borders of Former British Somaliland and accordingly Somaliland is eligible to be recognized just like Eretria. Somaliland is not the first country that withdrew from union, as Egypt and Syria united and disintegrated; South Sudan separated from Sudan; Eretria withdrew from Ethiopia; UK has the courage to allow Scotland to vote on referendum, and Scottish voted to remain within UK. The regime in Mogadishu adopts the “Greater Somali” ideology which makes Somalia hostile to neighboring countries. The constitution of Somalia accepts all Somalis to be citizens of Somalia and this includes the citizens of Northern Regions of Kenya with Somali origin. Somalia Constitution writes all Somalis across Kenya – NFD, Ethiopia – 5th Region, Djibouti, Somaliland and Somalia must be under Mogadishu administration because they do share language, religion, color and culture. Mogadishu failed to understand that ethnicity does not unite countries and communities but the interest. 22 Arab Countries share religion, language and culture but remain different countries; In Africa there are many who share everything just like Somalis in east Africa. Conclusion: Kenya and Ethiopia should recognize Somaliland to end “Greater Somali” theory that is threat to the regional security and stability; this theory will continue to be danger to the region in the future. Somaliland will be strong and reliable business partner in the areas of education, trade, security, and diplomacy. Today, Somaliland neighboring countries enjoy peaceful border while Kenya is suffering due to terrorists infiltrating across its border with Somalia. Somaliland has homegrown anti-terror skills and defeated Al-Shabab in many occasions, which made Somaliland free from terrorism. Such skills will be useful for Kenya’s war against terrorism. Kenyan Universities are currently operating in Somaliland; Kenya exports will have new friendly market. In other hand, Somaliland will benefit from the qualified Kenyan manpower because Yemenis, Indians, Bengalis and Syrians provide skills that is not available in Somaliland. The government of Kenya must diplomatically engage with Somaliland starting with opening an embassy in Hargeisa and recognizing it diplomatically for the sake of the abovementioned economic and diplomatic gains. Reference: https://medium.com/@historysomke/nairobi-1889-colonel-ainsworth-lord-delamare-and-their-somalis-f346d80f2360 By\ Abdulaziz Al-Mutairi Email: az.almutairi@yahoo.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-06032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu shacabka ka qarinayo wixii ay ka wada-hadleen isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta. Qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in habka qeybta warfaafinta madaxtooyada ay uga hadleyso arrintan ay soo xusuusisay sidii loo qariyey dhiibistii Qalbi-Dhagax ee markii dambe soo shaac baxday. Hoos ka qoraalka Fiqi oo dhameystiran. Waxaan wada aqriyey xogta ka soo baxdey kulankii masaafada dheer iyo xawaaraha sarreeya loo soo jaray ee dhexmarayey Madaxweynayaasha Soomaaliya Farmaajo iyo Kan Kenya Uhuru uuna nabadoonka ka ahaa Abiy Axmed. Warka dhanka Madaxweyne Farmaajo ka soo baxey waa mid kooban oo u muuqda inuu marin habaabinayo umadda, shakki badanna abuuraya sida uu u qornaa oo sheegaysay “inuu ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal” asagoo madaxweynuhu nooga dhigayo in waxa muranka ka dhex dhaliyey labada dal iyo kiiska baddu ay kala duwan yihiin. Arrintani waxey i soo xusuusinaysaa markii Qalbi Dhagax ay dawladda Soomaaliya dhiibtay oo ay noo sheegeen muddo la qarinayey ka dib, in wadahadal uu kula jiray dawladda Itoobiya uu ku tagay ee aysan jirin wax dhiibid ah, laakin si la mid ah waxa maanta dhacaya oo kale wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa voa-da ka sheegay in dawladda Soomaaliya ku soo wareejisay Qalbi-dhagax, maantana war ka soo baxey xafiiska PM Abiy Axmed ayaa soo sheegaya “in laga wadahadlay xudunta mushkilada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya”. Madaxweyne Farmaajo markaan lagama sugayo in uu yiraahdo dhulkii ayaa wadahadal uu la galay Kenya ku baxey sidii Qalbi-dhagax oo kale. Waxaase la ga sugauyaa in booqashadiisa iyo wadahadalkiisa uu mugdiga weyn ku hareeraysan yahay uu umadda faahfaahin ka siiyo.
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo uu “baddii Soomaaliy beec geeyay kana tanaasulay dacwadii maxkamada caalamiga ah hortaalay” Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in loo xaqiijiyey in ajandaha kulanka labada madaxweyne uu ahaa arrinta muranka badda iyo dacwada hortaala maxkamada caalamiga ah (ICJ). Qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran hoos ka aqriso. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa ku guulaystay in uu ku qanciyo Madaxweyne Farmaajo in uu ogolaado in khilaafka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo wadahadal sida uu baahiyay Teleefishinka Qaranka Itoobiya oo la socday safarka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay magaalada Niarobi ee dalka Kenya! Halka Villa Soomaaliya wali ay ku maaweelinayso dadka Soomaaliyeed in kulankii Nairobi looga hadlay oo kaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo ka wada shaqaynta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Warar sugan oo aan ka helay ilo ka agdhow xaafiiska Madaxweyne Farmaajo waxay ii xaqiijiyeen in ajandaha kulanka labada Madaxweyne uu ahaa arinta muranka Badda iyo dacwada hortaala Maxkamada Caalamiga ah (ICJ) lkn waxay ka gaabsadeen in ay sheegaan go’aamada ay ka gaareen arintaan labada Madaxweyne! Haddaba, halkaan waxaa ka muuqata in Baddii Soomaaliya la beec geeyay Madaxweyne Farmaajo na ka tanaasulay dacwadii Maxkamada Caalamiga ah hortaalay, Baddii Soomaaliyana u dhiibay sidii shalay uu u dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax! #SOOMAALIYA_ALLE_AYAA_UMAQAN! Hon. Mahad Salad
-
The International Committee of the Red Cross has resumed its operations in Ethiopia after the absence of more than ten years. ICRC together with the Ethiopian Red Cross Society (ERCS) jointly distributed emergency relief assistance to people displaced by ethnic violence in Eastern Ethiopia. According to the officials, Some 690 families displaced from different areas of East Hararghe Zone, Oromia region, and sheltered in Kore and Ali-Ethiopia localities in Somali region received the assistance. Plastic shelters, blankets, mats, jerry cans, kitchen sets, and soaps were the items provided to the displaced people, according to Fowziya Kasim, an ICRC staff in charge of facilitating the assistance. Most of the recipients expressed their joy over the support they were provided “It is the first time for the ICRC to make such delivery to conflict-affected communities in Somali Regional State after it was forced to suspend its operation 11 years ago,” highlighted Julien Lerisson, the Head of the ICRC delegation in Ethiopia. The organisation restarted its activities in the region on November last year after it was invited by the Ethio- Somali regional state government to help those displaced by ethnic clashes in the area. Musa Ibrahim, 32, one of the displaced and father of five who received the assistance has narrated his plight on the skirmishes in the area. “My father was killed during the violence. Everything I had back at home, my camels and goats, were looted,” says Musa who still doesn’t seem to recover from the pain of losing his father. He, however, said, “the support he got from the Red Cross was important to start his family life afresh.” The violence between ethnic Somalis and Oromos which occurred along the borders of Somali-Oromia regions had claimed the lives of dozens of people and left hundreds of thousands of others displaced from their homes. The dispute over land, water, and pasture for the livestock is the primary cause of the tribal skirmishes that has become a challenge for the Ethiopian government. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender. Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal. Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday. View the full article
-
Baardheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya loogu geystay M/Baardheere ee gobolka Gedo. Dilkan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Hoy uu Marxuumka ka daganaa duleedka degmadaasi. Raggii ka dambeeyay falkani oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka magaalada Baardheere oo ku aadan dilkaasi. Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka Askarigaasi, balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal ka fuliya gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale ayaa wajaheysa weerar siyaasadeed oo kaga yimid xafiisyada madaxweynaha iyo xukuumadda, iyo marwada koowaad ee dalka. Bilooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa cirka isku sii shareeray khilaaf ka dhax-jira ururka Haweenka Soomaaliyeed, kaas oo la sheegay in laga dhax abuuray Haweenka Qaranka sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Qadiijo Maxamed Diiriye iyo Marwada Madaxweynaha Seynab Macalim ayaa hor boodaya khilaafka u dhaxeeya ururka Haweenka iyo weerarka ku socda Batuulo Axmed Gabale. Maxaa lagu heestaa Batuulo Axamed Gabale? Khilaafkaan oo u dhaxeeya Wasiirka Haweenka iyo Batuulo Axmed Gabale waxa uu ka soo bilaabay kadib markii Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ay Batuulo ka dalbatay in ay ku shaqeyso islamarkaana wixii soo hara ay kireysato qaybna maqaayad ka dhigata dhismaha Guriga Hooyooyinka oo ay dagan yihiin ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, markaas oo ay isku fahmi waayeen. Wixii markaas ka dambeeyay waxaa khilaaf ka dhax-qarxay ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo la aaminsan yahay in ay ka dambeyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya. Xubnaha Khilaafka waday ayaa sameeyay doorasho dhicisoowday kadib markii ay ka soo horjeesteen ururada Haweenka ee Maamul Gobaleedyada. Sidoo kale waxyaabaha ay daneyneyso Wasiirka Haweenka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa la sheegay in ay tahay taageerada ay ururka Haweenka ka helaan hey’adaha caalamiga sida UNDP iyo xafiisyada kale ee taageera Haweenka Soomaaliyeed. Arintaan waxaa gadaal ka riixaya Xildhibaano ka tirsan Xubnaha Haweenka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna taageero ka heestaan Marwada 1aad ee dalka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Dadka daneeya daganaanshiyaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in ay la kala dhax-galo gabdhaha is-khilaafsan oo saameen wayn ay ka dhalin karto hadii aan xal loo helin. Maxaa fududeeyay in Batuulo la wareero? Batuulo Axmed Gabale ayaa Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliya noqotay bishii April sanadkii 2012, markaas oo ay Guddoomiyihii Ururkaasi ku dhaawacntay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka. Batuulo waqtigeeda waxa uu ku ekaa sanadkii 2016, tan iyo wixii markaas ka dambeeyay waxay diidaneed in ay qabato doorashada Haweenka Soomaaliyeed maadaama uu waqtigeeda dhamaaday. Dhowr-jeer ayaa loo ballamay in ay dhacdo doorashada Ururka Haweenka laba jeer waxaa loo baajiyay, Abaaro dalka ku dhuftay iyo mar la dilay Wiilka Batuulo Axmed Gabale oo Xamar Wayne lagu dhax-dilay. Markii 3-aad oo ay baaqato doorashada Ururka Haweenka ayaa aheyd 1-dii bishaan, afar maalmood ka hor waxaana loo baajiyay Shir-waynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo loo arkay weerar culus oo ku wajahan Batuulo Axmed Gabale. Xagee isaga egyihiin weerarka Batuulo iyo Jawaari? Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidaan oo kale weerar siyaasadeed oo aad u adag kala kulmay Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo markii dambe sababay inuu xilka iska casilo Prof Jawaari. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Batuulo Axmed Gabale ayaa weerarka lagu soo qaaday waxa uu iska leeyahay. 1) In aan lagu mucaaradin dan guud balse loo mucaaraday dan gaar. 2) In weerarka labada mas’uulba ay iska kaashadeen Xukuumadda, Baarlamaanka Xubno katirsan iyo Madaxtooyada. 3) In Ujeedada laga leeyahay ay tahay arrimo dhaqaalo iyo in aan hore loo socon. Batuulo Axmed Gabale ma heysato taageeradii Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana loo arkaa in aysan dagaalami karin sidii guddoomiye Jawaari. Dad badan ayaa qaba maadaama Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ku baxay khilaafkaas in sidoo kale Batuulo Axmed Gabale ay ku bixi doonto. Wasiirka Haweenka Soomaaliya Deeqa Yaasiin iyo Marwada 1-aad ee dalka Seynab Macalim oo hor boodaya weerarkaan saaran Batuulo Axmed Gabale ayaa heesta difaacyo adag oo ay ku dagaal galaan. Deeqa Yaasiin waxay aad isugu dhawyihiin Marwada Koowaad waxayna arintaasi suurta gelineysaaa in ay ku sii dhiiran karto weerarkeeda ka dhanka ah Batuulo Axmed Gabale halka Marwada 1aad ee dalkana ay heysato taageero wayn oo dhinaca Madaxweynaha ah. Madaxda qaranka maxeey u yareesteen Khilaafka Haweenka ? Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in arintaan ay Madaxda Qaranka ka dalbatay in looga dambeeyo Marwada 1-aad ee dalka iyo Wasiirka Haweenka Soomaaliya kuwaas oo muuqda in ay doonayaan in meesha ay ka wareejiyaan Batuulo Axmed Gabale. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, waxa ayna dad badan is weydiinayaan sababta ay Dowladda Soomaaliya u soo geli la’dahay khilaafkii sii xumaanaya ee u dhaxeeya Haweenka Soomaaliyeed. Muxuu yahay ururka Haweenka Qaranka? Waa urur ka madaxbanaan Dowladda, waxa uu leeyahay Dastuur iyo xeerar ilaaliya jiritaanka ururka, waxa uu ilaaliyaa xaquuqda dumarka iyo horumarintooda. Ururkaan waxaa dib loo soo nooleeyay sanandkii 2011 waxa uuna door wayn ka qaatay dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay dowladnimo isu taageen oo ay taageereen waqti ay magaalada Muqdisho adagtahay in dowlad la taageero ama loo shaqeeyo. Dad badan oo katirsanaa ururka Haweenka ayaa naftooda ku waayay qataraha amni ee dalka ka jira. In badan oo kamid ah waxaa loo dilay taageerada Dowladad Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay waxyaabaha ay ka wad hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta. Qoraalkan ayaa u muquda mid ka duwan kan Villa Somalia, wuxuuna u muuqdaa mid sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha badda, inkasta oo uusan magac ahaan u sheegin badda. Qoraalkii Villa Somalia waxaa lagu yiri “Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka” Qoraalka xafiiska Abiy Ahmed ayaa u dhigan sidan: “Ayada oo uu fududeeyey hoggaanke Abiy Ahmed, Kenyatta iyo Farmaajo ayaa saaka kulmay si ay si qoto dheer ugu wada-xaajodoaan xuddunta muranka labada dal. Waxaa kasoo baxay in labadooda ay isku raaceen inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana qaadaan tallaabooyin lagu xalinayo arrimaha gaarka ah ah ee kasii daray xiisadaha” Through the leadership of PM Abiy Ahmed, @UKenyatta & @M_Farmaajo met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions. pic.twitter.com/vRrtjPp3zF — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 6, 2019 Qoraalka Abiy Ahmed, waxaa ku jira laba jumlad oo muhiim ah in la fahmo kuwaas oo kala ah “xuddunta muranka labada dal” iyo “arrimaha gaarka ah ah ee kasii daray xiisadaha” Waxaan wada ogsoonahay in xududnta muranka labada dal ay tahay badda la isku hayo. Waxaan sidoo kale ogsoonnahay in waxa xiisaddan xumeeyey ay tahay shirkii London ee shidaalka badda Soomaaliya, sidaas darteed waxaa muuqata in waxa laga hadlay ay yihiin arrimahaas. Si kastaba, waxaan sugaynaa faah-faahinno iyo xog intan ka badan, oo soo bixi doonta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Ciidanka Qaranka oo ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Caare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Hay’ada dhinaca gargaarka u qaabilsan dalka Turkiga ayaa agab dhar ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka Magalada Muqdisho. Hay’ada bisha cas ee Turkiga ayaa dharkan oo Cadadkisu badanaa u qaybisay 5 kun oo qoys kuwaas oo kamid ah barakacayaasha halkaasi Kunool. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mehmed Yilmaz iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bini,aadanimaa iyo musiibooyinka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadani agabka dharka loogu qeybinayay barakacayasha Soomaaliyeed. Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaliya oo munaasabada kahadlay ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Turkiga ay howlahaa kaalmaynta la garabtaagnayd shacabkeeda Soomaaliyeed tan iyo sandkii 2011-kii xigaasi oo ay dalka Abaaro xoogan ku dhufteen. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Iyadoo dhawaanahan Soomaaliya ay kusoo Badanayeen tacadiyaa dhinaca galmada oo ka dhan ah dumar ay da’doodu kala Duwan tahay ayaa dhacdadii ugu danbeyay ee kufsi waxaa lagu dilay gabar 12 sano jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Caaisha Ilyaas Aadan. Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Ka Jawaabayay Su,aalo arrimahasi ku saabsan ayaa xad gudubka kusfiga ku tilmaamay musiibo qaran. Dhanka kale xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in aan loo baahneen in xeer jajab lagu ciqaabo qofka ay ku cadaato in uu geystay xad gudub kufsi,si loo horkeeno cadaalada. Danbiyadda Kufsiga ayaa Kamid ahaa dhibaatooyinka Kale ee dalka Ka Dhici Jiray balse kuwii ugu danbeeyay ayaa xambaarsanaa dareeno kala duwan, maadama dumarka qaar la isugu daray kusfi iyo dil. In aan cadaalada la horkeenin dadka geysta kusfiga ayaa dadka qaar sabab uga dhigeen odayasha dhaqanka maadama ay xalka ka raadinayan nidaamka qabaliga ah, halka dadka qaarna ay Qabaan in cadaaladda iyo hay,adaha garsoorku ay Ka gaabiyeen Shaqooyinkooda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay heshiiska dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xad gudub ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay qoraalkii ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya kaasoo lagu sheegay inaysan labada madaxweyne isku soo hadal qaadin arrinta Badda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan macquul ah in la heshiiyey oo aan haddana lasoo hadal qaadin wixii markii hore la isku Khilaafay. Wuxuu dowladda Soomaaliya ka qaldabay inay xaqiiqda usoo gudbiso Shacabka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook: Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay. Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego. Madaxweynuhu waa in uu runta ka sheego wadahalladii (Addis Ababa iyo Nairobi) lagula yeeshay. Saxaafadda Soomaalida waa in aysan soo minguurin qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ee waa in ay baaritaan dheeraad ah samaysaa, su’aalo wax ku ool ahna la timaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com