Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,620
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Taleefishinka qaranka dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya la go’aamiyey in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed. Warbixin uu taleefishinka baahiyey ayuu ku sheegay in arrintan lagu go’aamiyey kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi. “Hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay kulankii uu dhex-dhexaadiyey Abiy Ahmed isku raaceen in murankii ka taagnaa xuduudda badda lagu xaliyo hab diblomaasiyeed oo kaliya” ayuu yiri taleefishinka dowladda. Warkan ayaa u muquda mid ka duwan kan Villa Somalia, oo lagu sheegay in ajandaha wada-hadallada ay ku koobnaayeen oo kaliya xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal, oo aan laga wada-hadal arrinta badda. Dowladda Kenya ayaa muddo dooneysay in laga laabto dacwadda badda ee Soomaaliya ay gaysay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo hab diblomaasiyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku adkeysatay inaysan wada-hadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee Villa Somalia weli ma aysan beenin warka kasoo baxay taleefishinka dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Siyaasi Xil-suge ah oo Usii Dabaal-degaya inuu Todobaadkan Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabi doono Xil weyn Iyo Isku Shaandheynta la Filayo?. Xogo hor-leh, oo la xidhiidha inuu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi todobaadkan gudihiisa Xukuumada ku samayn doono Isku shaandheyn lexaad leh, ayaa kasoo baxaya shaqsiyaad Kamid ah Xil Sugayaal, kuwasoo durba usii dabaal-degaya, isla markaana ku baannaya inuu safka hore kaga jiro shaqsiyaadka loo magacaabayo xilalka dalka ugu miisaanka Culus. Shaqsiyaadka faafinaya ama usii dabaal-degaya Xil aan weli loo magacaabin, ayaa waxa Kamid ah Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, kaasoo quud aan weli la gaadhin isku boggaadinaaya. Waxanu taageerayaashiisa maalmihii u dambeeyey ugu bushaaraynayey in loo magacaabay jagada ugu culus ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxana halku dhigyadiisii Kamid ahaa “todobaadkan iga eegga safka kowaad adeerayal, si weynbaanu u Kala nimi Muuse, anigu Sannaad waxka badan Kama maqnaado Xukuumadaha, miyeydaan oggeyn”. Haddaba, waa kuma Siyaasigan isku sii caano shubayn magacaabista horteed. Cali Xoorxoor, waxa uu muddo ka badan 25 sanaadood ahaa Maareeyihii Dekedda Berbera, waxana lagu xasuustaa dhaqano ay Kamid yihiin musuq-maasuq, xadgudub iyo ku tagri fal xadhkaha goostay. Sidoo kale, Ma jirto tabaalo bulsho ku habsata oo ka weyn kana aafo xun musuqmaasuq iyo ku takrifalka hantida Qaranka ee umadda ka dhaxaysa oo u caanku yahay, ku takrifalka umadda, mana jirin meel ku takrifalkaasi kaga badnaa Marsada Berbera iyo maamulkeeda oo Eng. Cali Xoor-xoor kow ka ahaa. Eng. Cali Xoor Xoor iyo maamulkiisii dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen baraha ugu madow ee dawladdihii Siilaanyo, Rayaale, uguna aayo xumaa, inuu Madaxweynaha cusub ee Somaliland mudane Muuse biixi umada kusoo celiyana, waxay noqon doontaa bar madow oo musuq-maasuq ku taala Xukuumada. Qaran News
  3. Soomaaliya ayaa la wareegtay oo hoggaanka u qabtay guddoonka golaha wasiirrada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kalfadhiga 151-aad oo ka furmay magaalada Qaahira. Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii. Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa shaaca ka qaadday waqtiga ay sida rasmiga ah u billaabeyso duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Doxa. Qoraal kasoo baxay Qatar Airways ayay shaaca uga qaadday in Bisha July ee 2019 ay toos isaga kala gooshi doonto Doha iyo Muqdisho, waxaana Muqdisho ay ka mid tahay toddoba magaalo cusub oo Qatar Airways ay u duuli doonto. Duulimaadyada u dhaxeeya labada magaalo ayaa noqon doono kuwa toddobaadkiiba saddex goor ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Qatar Airways. Duulimaadyada Qatar Airways ee Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay bishii December ee 2016, kadib kulan dhex-maray guddoomiyaha Qatar Airways iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre. Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya. Qatar Airways ayaa noqonaysa diyaaraddii afaraad ee caalamiga ah ee Muqdisho u duusha, waxaana hadda taga Turkish Airways, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa jira warar sheegaya in uu sii kordhayo musuq maasuq lagu sameeyay qorista Ciidamada cusub ee Booliiska HirShabeelle, kuwaas oo loogu talagalay in ay la wareegaan amaanka degaanada maamulkaasi, si Milateriga ku sugan gudaha magaalada loo geeyo goobaha ay ka baxayaan Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ayaa Caasimad Online u sheegay in Ciidamo cusub oo la tababarayo HirShabeelle la bilaabay in lagu soo xulo wado aan sax aheyn taas oo saameyn karta sugida amniga HirShabeelle. Mas’uuliyiinta maamulka HirShabeella, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhamaan istaafkooda ka diiwaan geliyay tababarka Ciidamada Booliiska waxayna taasi meesha ka saareysaa in Ciidan cusub oo amaanka la wareega laga abuuro HirShabeelle. Ciidamada istaafka ahaa ee tababarka Booliiska laga diiwaan geliyay ayaa sidoo kale qaarkood katirsan Melitariga Soomaaliya halka qaarka kalane ay yihiin Ciidamo maleeshiyaad ah oo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ku sugnaa. “Ciidamadaan hadii ay tababarka ka soo baxaan waxay dib ugu laabanayaan istaafkii gaarka ahaa oo ay markii hore ku shaqaysan jireen, waxaana markaas meesha ka baxaya rajadii laga qabay in Ciidamada ay la wareegaaan amaanka Jowhar, Milaterigana loo wareejiyo furanaha dagaalka”, sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaan katirsan Baarlmaanka HirShabeelle. Ciidamada hada tababarka ku jira ee Maamulka HirShabeelle ayaa la sheegay in ay gaaraan ilaa 200 oo Askari, waxay noqonayaan Ciidamo cusub oo loo tababaro amaanka HirShabeella. Mas’uuliyiinta HirShabeelle ayaa u dhawaan u qayla dhaamiyay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha kale ee Soomaaliya ka taageera tababarka Ciidamada si maamulkaasi loogu tababaro Ciidamada. Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaqii HirShabeelle ee ahaa in loo tababaro Ciidamo cusub balse waxaa durba soo baxaya qayla dhaan ka imaanaysa Xildhibaanada iyo siyaasiinta kale ee HirShabeelle oo ku aadan in aan wado sax ah loo marin soo aruurinta Ciidamo cusub oo Boolis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Waxa bishan bilatey ee Maarso iyo bishii hore-ba ee Febraayo la dareemaya isbeddelo xooggan oo ka socda Geeska Afrika waddamada kuwada nool. Taas oo uu hor kacayo Raiisal Wasaaraha dhawaan xilka dalka Itoobiya qabsadey ee Dr.Abiy Ahmed. RW oo durbadiiba lasoo shaac-baxey dhaqdhaqaaqyo isbeddel doon u muuqda, taas oo aaan hore looga baran siyaasadda Itooobiya ee ku dhisneyd ab ka ab oo aan wax lagu dari jirin waxna laga dhimi jirin. Waxa uu ka billowdey isbeddelkani in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaali Galbeed oo la dhaho Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi dhagax” ay dawladda Soomaaliya ee Nabad iyo Nolol u gacan gellsey dawladda Itoobiya. Taas oo han-jab weyn ku noqotey taageeridii loo hayey dawladda cusub ee Sooomaaliya. Qoraal, muuqaalo,doodo,baaqyo intaba waa lagu difaacey Qalbi dhagax, balse waxba loo qaban kari waayey. Waxa se amakaag noqotey in mar qudha siyaasadii Itoobiya isbeddeshay, taas oo Raysal Wasaarihii dalka ee Haile Maryam Dissale uu is casiley. Iscasilitaanka Haile cid falanqeysay ogaalkeyga ma arkin oo dhugatey sababta keentay. Waxaase ii muuqatey isbeddelku halka uu salka ku hayaa in ay tahay iscasilidda Haile. Keddib muddo kooban oo Itoobiya qalalaasayaal ka dhaceen waxa xilka loo dhiibey Dr.Abiy Ahmed oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada. Doorashadaas cusub ayaa waxa ay saameyn xooggan ku yeelatey siyaasadii Geeska Afrika, gaar ahaan maamulada Soomaaliyeed oo iyagu kabo-qaad u ahaa siyaasadda Itoobiya, oo ay ugu horeyso Somaliland oo iyaduna doorasho ka dhacdey dhammaadkii 2017, ayaa dadku waxa ay eeda saarayeen Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi, balse arrintu waa ka weyntahay Muuse ee siyaasadii caano-nuuga u aheyd baa isbeddeshay.Somaliland hakad xagga arrimaha dibedda ah baa ku habsadey. Isbeddelada uu Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya lasoo shir tagey ayaa waxa ay noqotey in uu soo daayey oo xornimadisii usoo celiyey Qalbi dhagax. Taas oo dhabar jab weyn iyo fashil ku noqotey dawladda Sooomaaliya. Waxa kale xilka uu ka tuurey dhammaan raggii dabo dhilifka u ahaa taliskii tigreyga, gaar ahaan maamulka Soomaali Galbeed oo uu ka talinayey Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo weliba xabsi ugu darey. Keddib waxa uu furfurid aad u xooggan ku billaabey dhammaan siyaasadii Itoobiya ha noqto tii dibedda iyo tii gudaha. Waxaana uu liiska argagixisada ka saarey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaali Galbeed. Kuwaas oo dhulkoodii kusoo guryo noqdey, taladana loo dhiibey dad taabcsan iyaga oo uu kow ka yahay Mustafe Cagjar. Haddaba siyaasadda Soomaaliya ee xidhidhka tooska ah la leh Itoobiya ayaa isbeddelada dhacey waxaa kamid ah: dhawaaqyadii kasoo yeedhayey dibnaha Dr.Abiy Ahmed ee ahaa “Mideynta Geeska dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba”. Taas oo wax lala yaabo la noqotey dad badan oo Soomaaliyeed, walow heshiiska mideynta la sheegayaa u muuqdo mid maldahan oo aan xog badan laga heyn, haddana waxa muuqatey in Itoobiya loo ogolaadey afar dekadood oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed. Halka dawladda uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gadhwadeenka ka yaheyna ay ka gaabsatey faahfaahinta heshiiskaas mideynta ee la sheegayo. Itoobiya tan iyo qarnigii 19aad waxa damac xooggan kaga jirey dhulka iyo badda Soomaaliyeed, oo ay baadi-goob ugu jireen sidii mar uun ay u heli lahaayeen dekad ay wax uga soo dagaan sida ay doonaanba haku helaane qori ahaatayaa ama qalin ahaatayaa. Waxa sidoo kale xasuusasho mudan odhaah caan ah oo uu nin reer galbeed ahi kaga qudbadeeyey United Nations, balse hadda aan magaciisa hilmaansanahay oo aheyd “ Sidee ayey ku dhacdey 100million oo Itoobiyaan ah in xeeb la’yihiin, halka 15million oo Soomaali ahina ay heystaan xeebta ugu dheer Afrika oo dhan 3300km. waxa aanu awoodayada saareyna sidii 100million xeeb loogu heli lahaa”. Waxa sidoo kale haddana anfariir iyo dhabano qabsi la noqotey Ummaddii Soomaaliyeed in Itoobiya ay billowdey dhisidda ciidamo baddeed oo Itoobiyaan ah. Haddaba sow halkaas kama muuqdaan in badda ciidamada loo dhisanayaa ay tahay tan Soomaaliyeed ee baylahda ah? Haa waa iyada. Weliba waxa ay dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kiraysatey 30ka sanno ay Itoobiyana ku leedahay saami qeybi gaadhaya 19% oo kamid ah 65% oo maalgelineed ee shirkadda DP World . Taas oo weliba heshiiska ku cad iyo weliba in dawladaha labada ah ee Imaaraatka,Itoobiya iyo maamulka Somaliland uu mid weliba xaq u leeyahay in uu iibin/gadi karo saami qeybsigiisa u gaar ah. Hadii shirkadda imaaraatka laga leeyahay ee DP World ay saamigeeda dekaddu uu yahay 65% ay ka iibiso dawladda Itoobiya. Waxa Itoobiya sidaas ay ku helaysaa saami dhan 65% oo maalgelin ay dekkada ku yeelaneyso. Maadaama oo ay maalgelinta ugu badan yeelan karto dawladda itoobiyana, waxa ay xaq u yeelaneysaa in adeegsi ugu badana ay yeelato iyadu. Itoobiya waxa ay rabtaa dekadda Jabuuti in ay ka tanaasusho oo dekad ka jaban, kana hawl yar ay si fudud ku hesho oo aan cidna kala xisaabtamin beylahna ah. Waxa sidoo kale soo cusboonaatey xiisad la xidhiidha dhanka badda Soomaaliyeed, oo ay khilaaf ka dhan ah keeneen dawladda Kenya. Taas oo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ lagula jirey, ayaa keddib waxa ay dawladda Soomaaliya kusoo bandhigtey magaalada london sahamin shidaal oo ceelal badda Soomaaliya ku yaal laga sameeyey. Arrintaas oo kenya ka muujisey in lagu xad-gudbey baddii kenya ee khilaafka ku jirtey. Maqaal ku sahabsan “Khilaaf baddeedka Kenya iyo Soomaaliya” oo aan qorey 19 Febraayo 2019 lifaaqan ka akhriso: https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/02/20/khilaaf-baddeedka-kenya-iyo-soomaaliya/ Waxa uuna khilaafkaas Kenya iyo Soomaaliya soo kala dhex galey sababey in si sharaf darro iyo meeqaam liita ah loo soo eryey safiirka Soomaaliya u fadhiyey Kenya. Iyadoo dawladda kenyana ku eedaysey Soomaaliya cadowgeeda. Keddib waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya soo saartey jawaab ku wajahan dawladda Kenya, taas oo ay uga jawaabtey hab u muuqda diblomaasiyad, balse ay ka dhex muuqato itaalka maanta ee Soomaaliya oo aan aheyn marnababa iyo si udhowba Soomaaliyadii hore. Haddaba iyadoo isbeddelaas xooggani aysan weli joogsan, ayaa Raiisal Wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Ahmed bilaabey shirar saddex geesood ah oo kala duwan oo uu kula kulmayo madaxweynayaasha geeska afrika, waxaana ugu horreeyey madaxweynaha Somaliland oo isaga uu si gaar ah ula kulmey iyo madaxweynaha Soomaaliya oo uu isna si gaar ah ula kulmey. Balse labadooda marka laga reebo uu dawladaha kale ee geeska oo aysan Jabuuti ku jirin uu ula kulmey is wada jir ah tusaale ahaan: Eriteriya,Itoobiya,South Sudan ama Eriteriya,Kenya iyo Itoobiya. Waxa haddaba wax lala yaabo noqotey in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay sheegtay in Dr.Abiy Ahmed uu kala hadley madaxweyne Farmaajo in uusan fara gelin karin arrimaha Somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Haddaba hadalkan ay sheegtay Somaliland iyo ka uu sheegay xafiiska raiisal wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Ahmed oo aan u muuqan in ay wax badan ku kala duwayihiin oo isna ahaa “Ensure that relations with the administration of Somaliland support regional peace” oo macnaheedu yahay “ in uu xaqiijiyo/hubiyo xidhiidhka kala dhexeeya maamulka Somaliland kuna taageerayo nabad gelyada gobolka” Haddaba waxa ayaan darro weyn ah in madaxweyne matalaya dawladii Soomaaliya ee dhexe uu nin Itoobiyaan ahi oo Addis Ababa jooga uu u yeedhinayo waxa uu ka yeelayo dalkiisa iyo sida uu ula dhaqmayo. Taas oo caddeyneysa meeqaamka uu joogo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa sidoo kale layaab ah in maamul goboleedyadii kale ee dalka intii ay dawladdan Nabad iyo Nolol bilaabmatey uu hakad galey dalal badan oo ay u safri jireen haddii ay noqon laheyd dalalka deriska iwm. Balse maamulka Somaliland ayaa isaga si gaar ah loogu yeedhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Midan oo qaran jab iyo quudhsi ku ah awood darrada iyo in uusan awood u laheyn gobolo kamid ah Soomaaliya uuna xakameyn kari waayey. Waxa haddaba shaley oo ku beegan 5tii Maarso uu madaxweynaha Soomaaliya codsi ka helay raiisal wasaaraha Itoobiya, taas oo uu sheegay in uu dhexdhexaadinayo khilaafka ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uuna markii uu gaadhey Itoobiya 2:00 Pm, ayuu isla habeenimadiiba u duuleen si wadajir ah dalka Kenya si ay ula kulmaan Uhuru Kenyatta. Waxa haddaba wax aad looga xumaado oo gunnimo ah in uu Dr.Abiy Ahmed hadal kasoo yeedhay xafiiska Dr.Abiy 6dii maarso oo maanta ah in “labada madaxweyne waxa ay saaka subaxdan badanaa ka hadleen khilaafka laba waddan. Taas oo natiijadii kasoo baxdeyna ay noqotey in labada dhinacba ay isku waafaqeen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabada iyo ay qaadaan tallaabooyin wax looga qabanayo arrimaha gaarka ah ee xiisada sii kordheysa”. Haddaba waxa layaab leh in sidoo kale shaley subaxdii uu haddana xafiiska Dr.Abiy Ahmed kusoo qorey boggiisa baraha bulshada in “ Raiisal wasaare Abiy Ahmed uu ka ciyaarayo taxadar gaar ah heshiisiinta kala duwanaanshaha kasoo dhex muuqdey Soomaaliya iyo Kenya” Labada hadal ayaa u muuqda kuwo boodhka lagu qasayo xiisadda ka dhex aloosan labada dal, oo ka dhigaya badda Soomaaliyeed wax fudud oo kala duwanaansho, nabada halaga shaqeeyo iwm, taas oo ah in Ummaddda Soomaaliyeed iyadoo awalba labadaas nin xoog ku heysteen maantana ay usoo dhigteen badda lama taabtaanka ah. Waxa isweydiin mudan haddaba Maxay tahay nabada la sheegayaa? Ummadda Soomaaliyeed mowqifkoodu wuu cadyahay, in aysan taako kamid ah badda iyo berriga Soomaaliyeed aysan kenya qaadan doonin, intii hore-na la isaga daba iman doono goor ay doontaba ha ahaatee. Uhuru Kenyatta waxa uu rabaa isagoo dawlado shisheeye adeegsanaya in laga tanaasulo gorgortanka yaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Waxa aan anigu fikir ahaan qabaa iyo inta ila mabada’a ahiba in haddii Kenya la isku dayo in badda khilaafka la geliyey ay qaadato in aaney marnaba geeskan afrika nabad iwm aan loogu soo halqabsi doonin. Weligiina uusan geeska afrika nabad noqoneyn inta Soomaali dawladnimadeeda la luqun jibaadhayo ama la wado in shacab,dhul,bad iyo hawaba si gef iyo gar darro ah loo qaato. Waxaana maanta muuqata in dawladda Nabad iyo Nolol ay ku fashilantahay arrimaha dibedda oo marba loo yeedhayo si loogu yeedhiyo waxa ay qaban laheyd, cida cadowgeed ah iyo cida saaxiibeed ah. Isbeddelada geeska afrika ka socda maanta waa laba mid uun baan kuso gabogabeyn: in la rabo in Soomaaliya ay noqoto dawlad maqaar saar ah oo sidan maanta ka daran, wixii dhul,shacab,bad iwm ee damac ka galo dawladaha deriskana ay siiso, ama in la rabo in dawladan aynu hadda itaalkeeda aragno in khariiradaba laga saaro shacabka Soomaaliyeedna lagu kala daro labada dawladood ee Kenya iyo Itoobiya. Waana qodobka dambe midka ay rabaan Kenya iyo Itoobiya. W/Q: Cabdifataax Barawaani Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu xukun ku riday abwaankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u bixiyay Muuse Shaanni. Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa lacag badan iyo xukun xarig ah ku riday labo ruux oo reer Hargeysa ah, kuwaasi oo la sheegay in loo heystay eedeymo kala duwan oo ay ku jirto aflagaadeynta madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun dhaqaalo ah ku riday Shan ruux oo qeyb ka ahaa eedeyntaasi, waxaana lagu xukumay lacag dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar). Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yiraahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud. Sida lagu sheegay qoraalka maxkamadda Waxaa dhamaan muwaadiniinta la xukumay loo heystaa Eedeymaha kala ah Inay dhiirri-geliyeen jaritaanka xarig ay leedahay Shirkadda Intertentka ee SOMCABLE. Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yiri “Muuse-Shaanni” taasi oo keentay in maanta lagu xukumo xarig siddeed Sano ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Bishii ogoosto, sannadkii 2011 ayaa si buuxda loogu guuleystay in argagixisada laga saaro magaalada muqdisho. dheel iyo is dhigasho kuma iman ee dhiig la daadshay, dhallin la dooxay, hooyo gablantay, mid asay qaadday iyo caruur badan oo agoomowday ka dib ayey suurta gashay in argagixisada laga saaro muqdisho, waxaa la ogaa in Keliya haddii argagixisada muqdisho laga saaro aysan joogsan doonin falalkiii amni darro ee ay ka wadeen muqdisho, balse bixitaanka alshabaab wuxuu guul weyn u ahaa dawladddderaalka kumeel gaarka ahayd. dhabar jab weyn ayuu ku ahaa argagixisada, in muqdisho laga saaro waxay ahayd cashar iyo xiisad wax badan inaka bareysay mustaqbalka al-shabaab. waxaa si toos ah u caddaatay in alshabaab aysan muddo dheer dagaal toos ah ku sii jiri doonin. dhab ahaan, waa ay muuqatay in dagaalka alshabaab ay kula jirto dawladda uu u diga ogan doono mid ku dhifo oo ka dhaqaaq ah bacdamaa dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba aysan tahli kari doonin dagaal fool ka fool ah. Jabkii alshabaab, dabadeed maxaa xigay? Kolkii argagixisada laga saaray muqdisho, waxaa hoos u dhacay hankii iyo hadafkii kooxda, inkasta oo aan si buuxda looga guuleysan, haddana waxaa jirtay jaanis 80% ah in laga guuleysto. Dawladdii Sheekh shariif iyada oo ahayd dawlad kumeel gaar ah dhaqaale iyo awood buuxdana aan u lahayn in ay argagixisada dalka ka sifeyso,haddana waxay biro u liqeen sidii argagixisada looga adkaan lahaa, taas mireheedii waxaa la arkay goor dambe. anigu waxaan is leeyahay, runtiina ay u dhowyahay in si ba’an looga gaabiyey dagaalka ka dhanka ah al-shabaab. dadaalkii 2011 Al-shabaab muqdisho lagag saaray, hoos ayuu u dhacay oo kuwa xukunka haya waxay u maleeyaan oo u sawirma, in maadaama caasimadda argagixisada laga saaraya aan loo baahnayn in la sii dedaalo si dalka oo dhan looga saaro argagixisada. ARGAGIXISADA MA LA CIRIBTIRI KARAA? Argagixisada, lagama adkaan karayo inta xaalku sidatan yahay. haddii la doonayo in argagixisada la ciribtiro, waxaa loo baahan yahay in xoog, dhaqaale iyo xeeladba la isugu geeyo dagaal culus oo lagu qaado argagixisada, waa haddii ay dhab tahay oo la doonayo in maatada iyo masaakiinta laga badbaadsho gummaadka ay dulmanaha u yihiin. haddii la doonaayo in si dhab ah loo ciribta tiri argagixisada waa in dawladdu indhaha shacabka si toos ah ugu jeedisaa dagaal ka dhan ah argagixisada. argagixisada waxaa looga adkaan karaa, isku duubni, wada jira, weerarro joogto ah, dagaal gelinta shacabka iyada oo laga faa’ideysanayo xammaasadda shacabka, meel in la iska dhigo wax walba oo ahmiyadda koowaad la siiyo ciribtirka nabad diidka ayaa horseedi karta in afka ciidda loo daro argagixisada. Marka intaas la inaka helo waxaan 100% hubaa in al-shabaab dambe aan laga caban doonin, weerarro ay gesytaanna aan dib dambe loo arki doonin. 30,000 iyo 4,000 Aniga maankayga waa geli la’dahay waana aan qaadan kari la’ahay in 4,000 oo dagaalyahan oo alshabaab ah ay gilgilayaan soomaaliya oo dhan , halka ku dhowaad 30,000 oo askari oo soomaali ahi caal u la’ yihiin in ay la dagaallamaan tiradaas yar ee ay dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba ka awood badanyihiin. marka ay sidaas tahay, waxaa qummaati maskaxdaadi u soo buux dhaafinaya su’aalo ay tahay in jawaabo habboon loo helo, balse aniga naftayda ilaa imminka yaab ayey igu tahay arrintaasi, waxaase inoo cad in gaabis ba’ani uu jiro oo far weyn ay ku godantahay siyaasadda millatariga dawladda. waa wax lala yaabo in Al-shabaab ay weerar tahay dawladduna ay difaac ku jirto. Ma laga adkaan waayey? Maya, sidee looga adkaan kari waayey, yaabaa la dirira!? Al-Shabaab waxay u baahan tahay yad iyo gacan qaad joogta ah si hoos loogu dhigo awooddood dhaqaale, juhdi, siyaasadeed iyo tooda dhiirranaaneedba. Maantay argagixisada Al-shabaab awood uma leh in ay dagaal toos ah la galaan dawladda federaalka soomaaliya. waxaan aamminsanahay in Al-shabaab aysan dagaallami Karin muddo ka badan 6 bilood, sababta oo ah dhaqaalohooda iyo awooddooda marka aan ka qiyaas qaaddanno ma ahan koox muddo dheer dagaallami karta.waxa dagaalka ina kula jira ma ahan dawlad xoog ciidan iyo mid dhaqaaleba leh, ee waa koox yar oo aan anigu aqoon halka ay dhaqaalaha ka helaan balse waa laga yaabaa in dadka qaar ogyihiin meesha ay dhaqaalaha ka helaan. argagixisadu ma dagaallami karaan muddo 6 bilood ka badan. tusaale haddaan u soo qaadanno ururka daacish(ISIS), judhii hore waxay ahaayeen koox mintid ah, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo millatari ahaanba ka xooggan argagixisada alshabaab, balse muddo kooban gudeheeda ayey ku noqdeen eber aan awoodda badan lahayn. In daacish hoos u dhac ku yimaado awooddeedii waxaa sabab u ahaa dagaal joogta ah oo huwantii reer galbeedku ku hayeen. Marka koox aan awood dhaqaale oo xooggan lahayn ay dagaal gasho, waxaa hoos u dhaca awooddooda dhaqaale, waayo waxay si xawlo sare ah u isticmaalayaan dhaqaale ka badan kii ay horey u isticmaali jireen.tusaale, haddii ay bishii 1 milyan isticmaali jireen marka ay dagaal galaan waxay bishii isticmaalayaan 3 milyan taasi oo dhaawac halis ah u geysaneysa dhaqaalohooda, ugu dambeynna sababeysa in hoos u dhac uu ku yimaado awooddooda millatari. sidoo kale lamid ah marka ay kooxdu dagaal dheer gasho, waxaa gaaraya qasaare ka soo kabashadiisu ay muddo ku qaadaneyso. marka loo diido wakhti ay isku abaabulaan oo dagaal har iyo habeen lagu wado hubaal argagixisadu waa ay jilceysaa. SIRDOON MA JIRAA!? Sirdoonku waa sahmiyaha iyo soo helaha xogo dhab ah kuwaas oo qayb libaax leh ka qaata wiiqadda awoodda cadowga maadama sirdoonku ay soo xera geliyaan siro iyo siyaaasado ay cadowgu damacsan yihiin. sirdoonku waa tiir ka mid ah tiirarka uu millatarigu ku taagan yahay, haddii aan sirdoon jirin ciidammadu waxba kama duwanaanayaan jabhad hubeysan oo aan hadaf iyo ujeeddo dheer lahayn. Soomaaliya sirdoon ma leedahay?! Maya ayaan anigu is leeyahay, waayo haddii sirdoon dhab ahi jiro, waxaa meesha ka bixi lahaa argagixisada dhuuga dhiigga shacabka. wax sirdoon lagu sheego asii aan sirdoon ahayn ayaa jira.haddii sirdoonku si dhab ah u shaqaynayaan waxaa xog laga heli lahaa isla markaana la soo xiri lahaa kannaallada ay Al-shabaab dhaqaalaha ka helaan,waxaa la ogaan lahaa halka saanadda iyo hubku uga yimaadi iyo cidda u keenta. Haddii sirdoon jiro waxaa la ogaan lahaa halka laga soo abaabulo qaraxyada, cidda bixisa baabuurta iyo adeegyada kale ee qaraxa fududeeya. hay’adaha sirdoonku soomaaliya waa kuwo dhaqaalaha uun lagu khasaariyo, sababta oo ah macno ma sameyneyso in hay’ado sirdoon ay jiraan haddii aysan awoodi karin keenidda xog iyo sir lagu dhabar jebinayo cadowgu in sirdoonkeennu uusan tago lahayn waxaa si toos ah looga garan karaa in aysan jirin cid maanta taqaan meesha argagixisadu ay dhaqaalaha ka helaan iyo halka loo soo marsho, miyey jirtaa cid og?! Maya, waayo haddii ay jirto waa ay soo xiri lahayd sidaas darteed waa in aan u qaadannaa in aysan jirin cid og ilaha dhaqaalaha ee argagixisada. sidaas awgeed waa in aan dhehnaa sirdoonka soomaaliya wuxuu u baahan yahay qaabayn ballaaran oo doc walba ah. ARGAGIXISADA SIDEE LOO JEBIN KARAA? (Fikir) Marka hore waxaan qabaa in argagixisada looga adkaan karo wadajir iyo wadashaqayn buuxda. haaatan taas diyaar uma ahan maamulka jiraayi, waxaan aamminsanahay in argagixisada dharbaaxo weyn lagu dhifan karo, haddii xukuumadda laga helo juhdiga iyo dedaalka ay u baahan tahay, argagixisadu maantay uma baahna waxa ay dawladdu raadineyso. argagixisadu waa kooxo yar oo aan tabar ay ku dagaaallanto lahayn, argagixisada waxaa looga adkaan karaa in loola dhaqmo sida ay iyagu inoola dhaqmaan, waa in weerarro joogta ah loo geysta, waa in aan la siin nefis yar oo ay xitaa qarax ku abaabulaan. waxay u muuqataa in argagixisadu ay inaka dadaal badan tahay, balse ay innagu ka dhaqaale iyo awoodba badannahay. waxay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay dhibaato inoo gaarsiin lahaayeen, halka innagun aan sariiro dhaadheer ku jiifanno. Shalay waxay madaafiic ku soo ganeen madaxtooyadii qaranka, waa xaruntii qaranka looga talinayey, wali ma maqasheen dawladda oo madaafiic ama gantaallo ku garaacday hoyga hoggamiyaha alshabaab? taasi waxay caddeynesa in dawladdu aysan danayn dadaalkii looga baahnaa, bal kwrn al-shabaab oo haysata dhaqaalaha iyo awoodda ay dawladdu haysato sow dalka oo dhan muddo kooban kuma qabsateen? haddaba waa iska caddahay in Al-shabaab aysan awood lahayn balse ay dadaal badan yihiin, dawladdana marka loo fiiriyo Al-shabaab ay awood leedahy dadaaalkuse ku yaryahay waa wax lala yaabo in dadka qaar aamminsanyihiin in Al-shabaab laga adkaan kari waayey. Alshabaab lagama adkaan kari waayin ee waxaa jirin cid dooneysa in ay dagaal la gasho! Waxaa mooddaa in madaxda qaar ay u haystaan in Alshabaab aysan dhibaato inaku hayn bacdamaa uu isagu ammaan haystona ay la tahay in guud ahaan dalku ammaan yahay . argagixisada waxaa looga adkaan karaa; (1) in ugu yaraan 5,000 oo askari si toos ah loo dagaal geliyo, dagaalkuna uusan noqon mid muddo kooban socda balse uu noqdo mid joogta ah oo har iyo Habeen lagu hayo. Marka taasi dhacdo waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha kooxda taas oo sababeysa in saamayntoodu ay dhulka gasho. (2) tayaynta sirdoonka iyo soo helidda xogo ku saabsan ilaha dhaqaale ee kooxda, sidoo kale waa in kooxda la saaro cunaqabtayn dhan walba, tusaale waa in meelaha xeebaha ee la is oran karo hub ama saad ayaa uga soo degi kara la dhigo ciidamo la socda dhaqdhaqaaqooda. in dhaqaale ahaan la beegsaso kooxda waa mid dhabar jab weyn ku noqon doonta, waana midda ugu fudud ee la samayn karo. ugu yaraan samaynta labadaas arrimood, waxaan is leeyahay in meel looga soo hari doono argagixisada. GUNAANAD Argagixisadu waa cadow diineed, daleed iyo dadeedba, waxay sawira qaldan ka bixinayaan diinteenna suubban ee islaamka ah, waxay, Qaraxa, miino iyo madfac ku burburinayaan quruxda dalkeenna waxay sidoo kale gummaadayaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo aan waxba galabsan. sidaas awgeed waa ku waajib qof walba oo soomaali ah in uu dagaalka qayb ka noqdo sI meesha looga saaro, fikirrada sunta ah ee ay argagixisadu xanbaarsantahay. waxaa qof walba looga baahan yahay in uu farna ha ahaatee uu wax uun ku yeesho dagaalka argagixisada lagula jiro, waayo maanta ma jiro qof soomaali ah oo aysan argagixisadu murug gelin, ka dib markii ay dileen kuwo ay jeclaayeen, imsa ayaad taqaan oo ay argagixisadu xaqdarro ku disahay? Dawladda waxaa looga baahan yahay in ay wax walba ka hormariso badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, xooggana saarto sidii argagixisada cadawga ah looga cirib tiri lahaa gayiga Soomaaliyeed. W/Q: Yacquub Xayir Afweyne yacquubxayir2625@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Farmaajo iyo Kenyatta Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya kulan ay shalay Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Inkastoo kulankii Farmaajo iyo Kenyatta aysan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ka soo saarin war-murtiyeed wadajir ah, hadana waxaa baraha Facebook-ga iyo Twitter-ka madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) lagu daabacay qoraal looga hadlay kulankaas. Qoraalka lagu faafiyay baraha bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal. Dhanka kale dowladda Kenya ayaa ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin kulankii Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku yeesheen xarunta madaxtooyada dalkaas, iyadoo labada dal u dhexaysay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay muranka badda. Balse Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo garwadeen ka ahaa wada hadalka labada dhinac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Farmaajo iyo Kenyatta ay si faahfaahsan uga hadleen arrimaha sababay khilaafka labadooda dal, isagoo intaas ku daray inay isku afgarteen qaadidda tallaabooyin ujeedkoodu yahay xal ka gaaridda wixii markii horaba la isku maan dhaafay oo ahayd muranka badda. Through the leadership of PM Abiy Ahmed, @UKenyatta & @M_Farmaajo met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions. pic.twitter.com/vRrtjPp3zF — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) March 6, 2019 Sidoo kale illo wareedyo ka agdhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyay in Farmaajo iyo Kenyatta ay kamid ahaayeen arrimihii ay ka wada hadleen arrinta khilaaf labada dal dhalisay ee muranka badda, balse ma aysan xaqiijin waxa ay kaga heshiiyeen. Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa iyana ka hadlay arrintan, xisbiga uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdisharuur ee Wadajir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay si ula kac ah u mari habaabisay shacabka Soomaaliyeed, maadaama aysan suuragal ahayn in Kenya iyo Soomaaliya ka wada hadlaan arrimo aan khilaaf ka jirin, kana gaabsadaan arrintii khilaafka dhalisay. Kenya ayaa 16 February 2019 ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal, waxayna u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, halka kii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana amartay in dalkiisa ku laabto inta laga xalinayo khilaafka labada dal. Balse Soomaaliya ayaa maalin kadib si asluubaysan ugu jawaabtay Kenya, iyadoo sheegtay in guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay yahay mid si sax ah u leedahay Soomaaliya, sidoo kale ay qorshaha ugu jirin dhul kamid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan ka gaarayso maxkamadda cadaaladda. Kenya ayaa doonaysay in muranka badda lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dal, halka Soomaaliya rabtay go’aanka maxkamadda cadaaladda, balse lama yaqaan waxaa iska badeli doona kulankii labada hogaamiye kadib. PUNTLAND POST The post Wararka is khilaafsan ee ku gadaaman kulankii Farmaajo iyo Kenyatta appeared first on Puntland Post.
  10. Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Maana Booliyo. Dilkaan ayaa loo geystay Baxsan Cabdule Booley oo kamid aheyd haweenka Degmadda Boondheere,sidoo kalana kamid aheyd ergadii xildhibaanadda baarlamaanka haatan jira soo dooratay. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Haweeneyda xili ay ku sugneed goob dukaan ay laheyd, waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay. Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo howlgal sameeyay ayaa ku guuldareystay soo qabashadda ragii ka dambeeyay dilka. Alshabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilka noocaan oo kala ah Puntland Post Muqdisho office The post Haweeneey lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi. Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo dib dalka ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargaysa) Hoggaamiyii Kooxdi Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa wali ka raadinaaya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi fulinta heshiiskii uu la galay Xumaddii KULMIYE ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Muddo dheer isagoo Hargaysa ku sugnaa waxa hadhimo sharafeed u sameeyay Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Qanbi oo ay isku degaan ka soo jeedaan. Hoos ka DAAWO Source
  13. Waxaan alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo jannadii fardawsa ka waraabiyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo jimcihii lagu aasay magalada hargeisa. iyadoo bulsho waynta somaliland yar iyo wayn. madax iyo shicib ba ay sidaas ugu duceeyeen. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxa uu lahaa sifooyin badan oon inta badan dadka ku kulmin ama ay adagtahay inuu qof kaliya wada yeesho,hadaba waxaan maqaalkan ku so qaadan doonaa qaar ka mida sifooyinkii ama tilmaamihii Maxamed lahaa. Waxaan ka mid ahaa dadkii ku noolaa magaala madaxda soomaliya ee muqdisho 1989 bisii July oo uu ka dhacay xasuuq ba`an oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo loo aaneeyay inay ahaayeen dadku abtirsada SNM oo xilligaa halgan hubaysan kula jrtay taliskii Maxamed Siyaad Barre. halgan kaas oo akhirkii lagu guryo keenay madax banaanida somaliland 1991kii ilaa maantana ay ku naaloonayaan dadka reer Somaliland, inkastoo aan wali aqoonsi caalami ah lahayn hadana waa loo dhabar adygayaa ilaa inta laga gaadhayo. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan kolkii xasuuqaasi dhacay waxa uu ku sugnaa muqdisho isagoo ka tirsana BBC-da laanteeda afka soomaliga waanu ka warqabay wixii meesha ka dhacay kadib waxa uu ku laabtay London isagoo qaybta afka ingiriisiga kaga waramay wixii dhacay iyo xasuuqii loo gaystay 40 ka qof een wax ay galabsadeen jirin. Aniguna waxaan kamid ahaa dadkii alle ka badbaadiyay xasuuqaa waxaanan ku noolaa xaafada madiina oo ahayd goobtii laga ururiyaya dadka. Arinkan maxamed siciid si aan gabasho lahayn ayuu uga war bixiyay. waxay ku qaadtay maalin dhan soo bandhigidii dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay isagoo kolba waraysi siinaya qaybaha kala duwan ee BBC da, isagoo marka uu studio ka baxaba mid kale galayay. Maxamed warbixinta qoraal kuma sii diyaarsan intii uu joogay xamar ee maskaxdiisa ayuu ku sii kaydiyay wixii xog ahaa isagoo ka baqay in ay sirdoonkii Siyaad Barre baadhis ku sameeyaan intaanu ka duulin madaarka muqdisho. Markii uu London gaadhayna si aan waabasho ku jirin ayuu u faafiyay aan idhaahdo waxa uu u hiiliyay islaamnimada iyo dadnimada ba, isagoon eegayn aragti siyaasadeed iyo mid hayb ama qabiil toona taasi waxay ku tusinaysa aragti fogaanta Maxamed lahaa oo laga hei karo uun inyar oo dadka ka mida. Sifaha labaad ee aan ku jeclaa waxa ay ahayd inuu si dhab ah oo aan isyeelyeel ku jirin u aaminsanaa Somaliland goor kasta iyo goor kastaba, si buuxda oo aan dhuuni ku raadsi ahayn isagoo aaminsanaa inay tani tahay ciidiisii hooyo. Waxaan afar wiig dhamayn ka hor ayuu tafatiraha wargayska Geeska Afrika Mr Ranbo ugu tagay xafiiska wargayska oo uu u sheegay inuu ka qoro hambalyo uu u dirayo ciidanka qaranka Somaliland isagoo xitaa ay ka muuqatay tawsta xanuunkii uu u dhintay. Waa kuma qofka taa fali karaa? waxaan odhan karna ilaa maalmihii ugu danbaysay ee noloshiisa ayuu dal jacaylku gilgilayay waana sifo dhif iyo naadir ku ah dadka. Sifada saddexaad ee uu lahaa waxay tahay muu ahayn qof xaqiiri ah ama xaasida oo dadku isku mid ayay u ahaayeen tusaale ahaan waxa jirta hawl aanu baryahanba ku hawlanayn oo ahayd in la ururiyo oo buug laga qoro tariikhdii suxufigii caanka ahaa ee Mustafe Xaaji Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen maxamed, wax ka yar sadex wiig ka hor ayuu na siiyay waraysi ku sahaban Mustafe iyo inta uu ka yaqaanay. isagoo xanuunsanaya ayuu hadana maansoor nagula balamay oo noola shaqeeyay si hagar la`an ah. Ma filayo in laga soo dhex helayo bulshada nin sidii soo kale labadaa hawlood iska xil saari lahaa isagoo buka oo ayna waliba wax aduun ahi kasoo galayn sabata kaliya ee u sameeyay waxay ahayd dal iyo dad jacayl. waxa kale oon qirayaa inu ahaa nin aaragti fog oo ka madax banaan qabiil jeclaysi, qof jeclaysi iyo koox jeclaysi ba. godka lagu jane waxa kale oo uu aad ugu adkaa oofinta balamaha uu galo. runta ayuu u sheegi jiray si biyo ka dhibcaan ah goorta iyo goobta uu kugu la balamayna uu taagnaan jiray. waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban maansadii uu gaariye tiriyey ka dib geeridii Timacadde ee ahyd geeriyeey xijiyaay fogeeyaay, anigoo saddexdooba alle u ga baryaya danbi dhaaf iyo inuu ku casuumo janooyinkiisa sare. ALLAA MAHAD LEH. Qore: Cabdi Muxumed cabdimuhumed60@gmail.com Source
  14. Horseedkii Bulshadiyo Halgamaa guushiyo Samaale waa halyey jira U hibeeya libintoo Ha hilmaamine siiya. Taniyo sanadkii 1998kii oo ahayd oo ahayd markii iigu horaysay ee aan magaca cabdicasiis Maxamed samaale ay dhagahaygu maqlaan waxaan wax badan ka bartay shakhsiyada dad ladhaqanka Cabdicasiis Maxamed Samaale oo jagooyinka Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Waiikalada iyo wasiirka maaliyada kasoo qabtay qaranka somaliland sidoo kale wakhti Xaadirka kamid ah saraakiisha sare ee xisbiga talada dalka haya ee somaliland . Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sidoo kale waa mutacalim aad bulshadu u jeceshahay Khidbadihiisa oo hore u soo ahaa siyaasada kahor mid kamid culimada aadka loogu jecel yahey Khudbadihiisa misaajidada magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada uu kadaganyahey ee Koodbuur. Cabdicasiis waxa kale oo taniyo intii somaliland xornimadeeda lasoo noqotay waxaa uu kamid Ahaa hantilayda bilawgii shagaashamaadkii ilaa labadii kun aad uga dhex muuqday dhinacyada Shirkadaha biyaha iyo dugsiyada gaar loo leeyahey ee ka yaala magaalada hargaysa. Waxay ahayd bishii 7aad ee sanadkii 2002dii markii madaxweynihii hore ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu aasaasay xisbiga midnimada iyo horumarika somaliland ee kulmiye iyadii isla wakhtigaasi cabdicasiis maxamed samaale uu Kamid ahaa asaasayaasha xisbiga kulmiye ee gadhwadeenka ka ahaa Axmed Siilaanyo. Cabdicasiis Maxamed Samaale markii uu kasoo dhex muuqday siyaasada somaliland gaar ahaan Xisbiga kulmiye asaaskiisii 2002 waxaa ay bulshada somaliland uu u falanqaysay ku biiritaanka Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale ee siyaasada somaliland iyadoo qaybo kamid ah bulshada Soo dhawaysay kubiiritaanka siyaasada ee samaale halka qaybo kale oo bulshada kamid ahina Ay aad u jeclaayeen in cabdicasiis aanu ku beeris siyaasada iyagoo doorbidayay wacdigii iyo Hogatusaalayntii sheekh cabdicasiis uu ka dhigi jiray masaajidada magaalada hargaysa . Badhtamihii 2005 ayay ahayd markii bulshada somaliland gaar ahaa gobol maroodijeex ay ka Warheshay u musharaxnimada cabdicasiis maxamed samaale ee doorashada golaha wakiilada Somaliland islamarkaana uu kamdi yahey 20 mudane ee u tartamaayasha inay xisbiga kulmiye Matalaan doorashada golaha wakiilada siiba gobolka maroodijeex. Laosco qaybaha dambe Allah Mahad Leh Axmed Maxamed Shaqalle Harageysa Somaliland Source
  15. (SLT-Melbourne)Mid ka mid ah hoteellada martigeliya dadka fasaxa taga ayaa qiratay in lagu dilay huteelka qof daganaa. Dhacdadaan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhaw magaalada Melbourne ee dalka Australia, iyadoo la sheegay in sabata loo dilay qofkaas ay ahayd inuu bixin waayey qarashkii uu ku daganaa. Jason Colton, oo 42 sano jir ah ayaa dafiray dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inuu dilka gaystay. Balse Jason ayaa markii dambe qirtay dilkii uu u gaystay Ramis Jonuzi, kaasoo dhacay bishii Oktobar ee sannadkii 2017-kii. Maxkamdda dhagaysatay dacwadan ayaa sheegtay in ninka la dilay oo 36 sanno jir ahaa uu ceejiyey Colton, kadib markii uu bixin waayey kharashka oo gaaraya 210 oo doolar. Colton waxa uu sheegay inuusan doonaynin inuu dilo uuna arrinka u dhacay si shil ah. Maxkamadda sare ee ku taalla Victoria ayaa sheegtay in ninka la dilay uu diyaar garoobay alaabahiisana uu diyaarsaday si uu u baxo markii ay saddex nin weerar ku soo qaadeen. Garsoore Mark Gibson ayaa maxkamadda ka sheegay in Colton uu weerarka ku horreeyey. Muuqaal laga duubay goobta ay ka dhacday dhacdadaan oo lagu soo bandhigay maxkamadda ayaa lagu arkayay Mr Jonuzi oo lagu soo tuuray banaanka guriga isaga oo si xun loo dilay. Colton ayaa dafirsan arrinkan isaga oo og in falalka uu gaystay uu qof u dhiman karo, wuxuuna sheegay in kaliya uu rabay inuu miyir la’aan ka dhigo. Haddii uu aqbalo inuu gaystay dambigan uuna waydiisto cafis waxaa laga yaaba in lagu xukumo 20 sano oo xarig ah, hase yeeshe haddii maxkamadda ay hesho caddeymo isla markaana ku xukunto inuu dilka gaystay waxa uu gali doonaa xabsi daa’in. Source
  16. (SLT-Washington)bakhtiyaanasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa asaxaan sameeyay oo qof iska hormariyay isaga oo tigit ka gadanayay South Carolina, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qofkan oo doortay in magaciisa la qariyo ayaa asaxaan sameeyay, kaas oo u horseeday natiijo layaab ah”, sida ay sheegeen masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka. Marka canshuurta laga jaro ka dib waxaa qofkan loo shubi doonaa 877 milyan oo doolar. Shaqsigan aan magaciisa la shaacin ayaa la qaadan doona lacagtii ugu badnayd ee uu abid shaqsi kali ah bakhtiyaanasiib ugu guulaysto marka laga hadlayo dalka Maraykanka. Masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka oo dib u milicsanaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in qofka guulaystay uu asxaan u sameeyay qof kale iskana hor mariyay markii uu gadanayay tikidka, taasina ay u horseeday guusha uu gaaray. Masuuliyiintu waxay sheegeen in mashiin uu lambaradda bakhtiyaanasiibka u bixinayay si aan isku xigxigin oo is dhaafsan. Hogan Brown oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee bakhtiyaanasiibka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri: “Waxaan ku faraxsannahay in qofka ku guulaystay uu ku sugan yahay South Carolina, isla markaasna uu shirkadda u yimid si uu ugu caddeeyo in uu yahay qofka ku guulaystay qiimahan cajiibka ah.” Ninka leh dukaanka KC Mart ee iibiyay tikitka guulaystay ayaa sheegay in 50,000 ee uu heli doono uu ku dayactiri doono dukaankiisa. “Waa farxad ballaaran, anigana way ii wanaagsan tahay, isaga ama iyada qofkuu doonaba ha noqdee way u wanaagsan tahay ayuu yiri Chirag Patel oo dukaanka ku leh deegaanka Greenville. South Carolina ayaa ka mid ah gobollada aan badnay ee ogol in qofka guulaysta uu is qariyo. Kuwa kale waxaa ka mid ah Delaware, Ohio, Kansas, Maryland, Georgia, North Dakota, iyoTexas. Source
  17. (SLT-Washington)Kylie Jenner ayaa noqotay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka, sida laga soo xigtay liiska bilyaneeradda ee majaladda Forbes. Gabadhan ugu da’a yar qoyska Kardashian ayaa hanti ka sameysay ka ganacsiga waxyaabaha la isku qurxiyo. 21-jirtan ayaa aasaastay isla markaana leh shirkadda Kylie Cosmetics, taasoo saddex sano jirtay, sanadkii horena iibkeeda lagu qiyaasay 360 milyan oo dollar. Waxay bilyaneernimada ka hor gaartay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg, kaasoo bilyaneer noqday isagoo 23 jir ah. “Waxba ma aanan fileyn, iimana muuqan mustaqbalka,” ayay tidhi Kylie Aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa ah ninka ugu taajirsan adduunka, waxaana uu haystaa 131 bilyan oo dollar. Tirada bilyanneerada caalamka ayaa hoos u dhacday sanadkan oo waxa ay noqdeen 2,153 oo qof halka sanadkii 2018 ay ahaayeen 2,208 oo qof. Dhammaan bilyaneerada liiska ku jira 252 oo keliya ayaa dumar ah. Liiska maalqabeennadaasi waxaa ku jira 52 muwaadin oo u dhashay UK, waxaana ugu sarreeya walaalaha Hinduja, Srichand iyo Gopichand oo haysta adduun lagu qiyaasay 16.9 bilyan oo dollar. Dalalka marka laga hadlayo, Maraykanka ayaa ugu bilyaneer badan oo waxa uu leeyahay 607 qof, halka Shiinaha oo kaalinta labaad ahna uu leeyahay 324 bilyaneer. Source
  18. (SLT-Addis Ababa) Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Itoobiya ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78d dii ee loo bixiyay Kaaramardha. Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Itoobiya ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii. Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Itoobiya, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas. Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM. Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka. Source
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-06032019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi. Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha kenya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya,iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii 151-aad ay yeeshaan wasiirada arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta. Kulanka ay yeesheen wasiirada arrimaha dibedda ururkaasi sanado badan kadib markii ugu horeysay ay gudoomisay Soomaaliya ayaa looga hadlay siyaasadda, dhaqaalaha is dhexgalka, amaanka iyo ajendaha looga hadli doono kulanka xiga ee golaha uu yeelanayo. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Falastiin iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka dalkaasi u dhashay. Wasiirada arrimaha dibedda ee kulanka ka soo qeyb galay iyo wasiirka Cawad ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha dalalka Libya iyo Yemen oo xasarado ay kajiraan. Ururka Jaamacadda Carabta oo 22 dal ay ku mideysan yihiin ayaa la aasaasay 1945-tii, iyadda oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay 1974-tii. View the full article
  22. Somaliland: Political Leadership Is Needed To Resolve The Elections Crisis It is imperative that Somaliland parliamentary elections must be held this year. There is no excuse for delaying or continuously increasing the mandate of the current moribund parliament which has been sitting for almost two decades. It is inexcusable and it is embarrassing to both the nation and it’s people. The main issues concerning the current impasse are, 1. The National Elections Commission, 2. The Allocation of parliamentary seats. Somaliland has a constitution which address both issues. If we are serious about our democratic credentials, then we should pay head to the constitution. With regard to the National Elections Commission, (NEC), the current commission whose mandate expires prior to the scheduled parliamentary elections in 2019, has failed in its duties. That much is clear. It has failed to prepare and maintain the support of the Somaliland political parties. The current commission has also failed to do the honorable thing and resign, both for their own self-respect and for the sake of the nation. Neither the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi nor the legislative bodies of the republic have taken control of the issue. It is time to point something out to the President. Sir, you have won the election, you don’t owe anything to the current Elections Commission, accept their resignation or fire them. In terms of the House of Elders, which has also been sitting for three decades, and itself in need of serious reform, and has become a hereditary place, it is quite clear that they have no intention of taking charge of the matter by either constituting a new commission or addressing the reasonable demands being made by the opposition parties, Waddani and UCID. The current moribund House of Representatives, which has been sitting for more than 14 years, and has had more extensions than humanly possible, is incapable of drafting a new elections bill which takes into consideration the growth of the population and need to allocate proper representation. As the President recently stated in a speech at the launch of the National Service program, Somaliland has not been able to conduct a proper census, nor have some of the more rural districts of the country accessed by the political dispensation. Both are valid points, but at the time of deadlock and crisis, Somaliland needs leadership. If we are unable to conduct a census and the constitution states that the House of Representative shall consist of 82 members, then we must look into adding an amendment to the constitution to address the matter. If we can increase the number of regions from 6 to 13 and continuing to add more, surely it makes sense to increase the number of parliamentary seats! The population has grown, the regions have increased, therefore the number of parliamentary seats must reflect the current situation. Somaliland has moved on from a political discourse based on communities and districts, it has a written constitution which can be amended and enhanced. But, for this to happen, the nation needs leadership. The international community is ready to offer logistical, moral and financial support, as evidence by the recent visit from the European Union, but first, we must get our own house in order. So, here in my humble opinion are several suggestions: Firstly, since the current members of the Somaliland Elections Commission (NEC) seemed glued to their desks, increase their number by adding an additional two members from each party. These new members will be the presumptive future commission after the mandate for the current one expires. The new enlarged commission will work together to hold the elections in December 2019. Secondly, file a motion with the Somaliland Constitutional Court to add an amendment to the constitution to increase to the number of parliamentary seats by 20 to 102. Thirdly, inaugurate an interim parliament with 102 seats. The 20 new members will be selected from the Somaliland non-governmental bodies such as community activist, intellectuals, judiciary and other professionals. They will be free from party affiliation and sit until the elections are held in December, 2019. The interim parliament will be given the task of creating a new bills to make the necessary amendments to the constitution. And lastly, completely reform the House of Elders. Follow the constitution which allows for neither hereditary or under-age members. It is scandalous that the House of Elders, the final arbiter and peacemaker of the nation be filled with cronies and ineffective members. Somaliland has the support of its people, it also has many talented and loyal citizens, it cannot be held hostage to discredited and redundant politicians. Ahmed Kheyre Qaran News
  23. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho. Ra’iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena. “Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaan” ayuu yiri ra’iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka. “Haweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirto” ayuu raaciyay. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, mas’uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh. Ugu dambeyntii, wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ku booriyay haweenka Soomaliyeed in ay midoobaan, isla markaana ay qayb ka qaataan dadaalada dowlad dhisida wadanka. View the full article